Issue 34
09 Feb 2000
INJINEER CABDICASIIS IYO DR.MAX'ED JAAMAC GACMA FURAN KU SOO DHAWAADA
INJINEER CABDICASIIS IYO DR.MAX'ED JAAMAC GACMA FURAN KU SOO DHAWAADA
Dhawaan waxaa magaalada Bosaaso yimid laba aqoonyahan oo waawayn oo ku soo laabtay dalkooda hooyo si ay uga qayb qaataan dib-u-dhiska dalka iyo horumarka bulshada.Labadaas aqoonyahan waxay kala yihiin Inj. C/casiis Sh. Cali iyo Dr. Max'ed jaamac Salaad, anagoo rajaynayno in ay tusaale u noqdaan aqoonyahano kale ee dalkooda waxka dhisaan bulshadana daryeelaan, waxaana leenahay ku soo dhawaada gacmo furan iyo qalbi furan.
WAFTI UU HOGAAMINAYO WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA & AMNIGA EE DGPL OO JOOGA BOOSAASO Wafti ka tirsan Golaha Wasiirada DGPL oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee DGPL Md. Xasan Abshir Faarax ayaa booqosho hawleed uga socotaa magaalada Boosaaso.
Waftigaa wuxuu wax ka qabanayaa habsami u wada shaqaynta Gobolka, D/Hoose, iyo Hay'adaha bosaaso fadhigoodu yahay, wuxuuna wadatasho iyo rayi iswaydaarsi la yeeshay xubno ka tirsan golaha wakiilada odayaasha iyo waxgaradka degaankaas, waxaana xubnaha golaha wasiiradu ee la socda waftigaasi mid kasta si gaar ah xal ugu raadinayaa mashaakilka ka jira wasaaradiisa ee arrimahaasi khuseeya iyo inay gudoto waajibka ama kaalinta kaga aadan horumarinta guud ee bulshada.
MADAXWEYNE KU-XIGEENKA PUNTLAND OO KU SOO LAABTAY MAGAAL MADAXDA GROOWE
Madaxweyne ku-xigeenka DGPL Md. Max'ed Cabdi Xaashi ayaa 07/02/00 ku soo laabtay magaalo madaxda DGPL ee Garoowe ka dib markii uu Laascaano u jirey booqasho hawleed muddo dhan toddobo cisho.
Madaxweyne ku-xigeenku intii uu jirey laascaano wuxuu halkaa kula shiray, shirar iyo wada tashiyo kala gaar gaar ahna la yeeshay Mas'uuliyiinta iyo Qaybaha Bulshada, wuxuuna u ballan qaadau in wax ;aga qaban doono labo arrimood kuwaas oo kala ah - in la qarameeynayo dhalinyarada u diyaarka ah in ay wax ka geystaan hawlaha lagu horumarinayo Gobolka iyo in wax laga qabanayo Dhismaha Maamulka Gobolka.
WASIIRKA XANAANADA XOOLAHA:
Ma jiraan wax dhib ah intii aan ku simaha ahaa Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Beeraha iyo Deegaanka Dr. Yaasiin Faarax Cartan, oo ka warbixinayo mudadii koobnayd ee uu Madaxweyne ku-xigeenka DGPL ku simayey xafiiska ayaa sheegay in mudadaas aysan jirin wax dhibaato ah oo ku soo siyaaday, hawlaha xafiiskuna ay u socdeen si caadi ah.Wasiiru waxa uu warbixintiisu ku sheegay in uu si joogto ah ula xiriiri jiray Madaxweynaha DGPL Md. C/laahi Yuusuf Ahmed oo jooga Addis-Ababa iyo Madaxweyne ku-xigeenka Md. Max'ed Cabdi Xaashi oo isna joogay Laascaanood.
Wasiirku wuxuu yiri Madaxweymuhu wuxuu dalka ka tagay 28/01/00 wuxuuna sii maray dalka Jabuuti halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, kadib wucuu uga sii gudbay Addis-Ababa halkaasoo ay weli uga socdaan hawlihiisa.Wasiirku wuxuu yiri Madaxweynuhu wuxuu sheegay in hawluhu ay ugu socdaan si fiican uuna la kulmay Ra'iisulwasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Itoobiya ayna ka wada had-leen iskaashiga labada dhinac iyo dib-u-heshiisiinta dalka Soomaliya.
SHIR AY LAASCAANOOD KU QABATAY HAY'ADDA NPA
26-01-200 Galabnimadii arbacadii ayey kulan ballaadhan oo ay ka qaybgaleen waayeel, culimo, aqoonyahanno, haween kala duwan, waxgaradka & mas'uuliiin ajnabi iyo Soomaali isugu jirtaa lagu qabtay xarunta machadka Al-Furqaan ee magaalada Laascaanood.
Shirka oo ay soo qabqaabisay hay'adda deeqda dadweynaha Norway (oo ku saabsanaa gudniinka) fircooniga ah ee gabdhaha iyo weliba sidii looga cidhib tiri lahaa degaanka Sool iyo Soomaliyaba.
Kulankan oo qayb ka ah olole taxane ah oo gudniinka foosha xun lagula dagaallamayo, waxaa horti gobolka ka qabsoomay aqoon-isweydaarsi isla hay'adda NPA ay hirgelisay.
Dr. Cismaan Cabdi Warsame (Hagar-wayn) oo ku hadlayey codka caafimaadka gobolka ayaa dad u faahfaahiyey khasaarooyinka kala duwan ee dhaqankaasi bulshada u geysto, gaar ahaanna hablaha & hooyooyinka.
Sidoo kale Sh. C/raxmaan X. Mahad oo matelayey culimada magaalada ayaa kulankaa ka caddeeyey taariikh ilaa fircoon ku taxan ee gudniinkaas iyo weliba tacaddiga iyo dhibaha ay haweenku kala kulmaan, isagoo shiikhu caddeeyey in aan habkaani waafaqsanayn shareecada Islaamka, waajibna tahay in la oggolaado amarkii Nebiga NNKHA, kaasoo faraya buu yidhi in xubinta birta la ursiiyo ama wax aad & iyo aad u yar laga gooyo.
Maamulaha Dugsiga Al Furqaan, Saleebaan-dheere iyo Guddoomiye ku- xigeenka tallada ururada haweenka reer Sool ee Hanaqaad marwo Waris Cali Warsame oo iyana goobtaas ka hadshay ayaa xustay sida hay'adahoodu waxbarashada & haweenka ay ugu heellan yihiin habsami u dabargoynta gudniinka fircooniga ah.
Waxaa kaloo shirkaaa mahadnaq iyo bogaadin uga soo jeediyey ka qaybgalayaasha & NPA-da gabadh reer Kiinyiya ah oo Liili la yidhaahdo, taasoo ka socotey hay'adda gargaaka dalka Kanada oo ka mid ah 2da urur ee barnaamijkan maalgaliyey.
Waxayna Liili xustay in dhibta iyo khibradduba ay Soomaalida gaar u tahay, iyaguse ay taakulo uun kaga qayb gelayaan, iyadoo ka hadleysey kaalintooda barnaamijkan, waxay sheegtay in Kanada ay hawshan ku bixisay $50,000, oo Soomaaliya oo dhan isla arrinkan lagaga wado, waxayna carrab baabtay in sannadka dambe mashruuca la sii ballaadhin doono.
Inkastoo ay madaxa NPA Gary P. John xidhiidhisada hay'adda Shukri Xasan iyo Dhakhtaradda Khan ee reer Pakistan oo NPA-da ka tirsani ay isla madasha hambalyo & xogo ka jeediyeen, lagu soo afjaray talooyinka iyo iskaashiga NPA, hay'adda Kanada ee gargaarka iyo haweenka & bulshada Sool ay ku sii horumarin lahaayeen hawshan.
AGAASIMAHA DEEGAANKA OO KA HADLAY SHIRKA DANGORAYO
Agaasimaha Degaanka ee wasaaradda X. Xoolaha Beeraha iyo Deegaanka DGPL Mudane Maxed S. Nuur ayaa 06/02/00 ka jeediyay khudbad dheer shir ay Dongoroyo ku lahaayeen qaybo ka mid beelaha degan gobolka Nugaal
Agaasimuhu wuxuu khudbaddiisa kaga hadlay aadna uga faallooday sida weyn ee deegaanka wax yeellada loogu geystay iyo dhibaatooyinka ka yimid iyo kuwo kale ee ka imaan kara haddii aan laga hortegin; waxa uu agaasimaha tilmaamay waxyaalaha baabaa u keena deegaanka kuwaasoo ay ka mid yihiin kaamamka guur-guura, ama xirmaynta aan sharciga waafaqsaneyn oo sida xun dhulka loogu dhaqmo sida jaridda dhirta iyo gubideeda iyo layntayta iyo dhoofinta ugaarta.
Agaasimaha wax uu ugu dambayntii ka codsaday mushtamicii shirkaas isugu yimid in ay fahmaan dhibaatooyinka deegaanka ka jirta gacan weynna ka geysta siddi wax looga qaban lahaa iyo in loo baahan yahay guddiyo deegaanka maadaama aysan dawladdu ka maarmayn inay gacan ka hesho bulshada.
CIYAARTOOY PUNTLAND KA SOCDA OO KU GUULEYSTAY MAARADOONKII MUQDISHO
Warbixin ayuu gudoomiyaha guddiga Olympigga Puntland Md. Siciid Aadan Maxed soo gaarsiiyay Warsidaha Puntland taasoo uu kaga hadlayey qaban qaabada ay ugu jiraan ciyaaraha gobolada iyo xilliga ay furmi doonaan.
Guddoomiyuhu waxa uu warbixintiisii ku sheegay inuu 05/02/00 oo ahayd maalinimadii sabtida la xiriiray guddoomiye ku-xigeenka Olympigga Soomaaliyeed (GOS) C/qaadir Ibraahim (Abkow), uuna u sheegay in ciyaaruhu ka furmi doonaan magaalo madaxda Puntland ee Garoowe 24ka Maarso ee sannadkaan 200. GOS oo qaabilsanayd guddiga tababarayaasha iyo farsamada ciyaarahana ay sheegtay in ay u soo dirayso xilligii aannu ka codsanno taasoo uu yiri imminkaba diyaar baan u nahay, waxa kale oo uu Md. Abkow noogu bishaareeyey buu yiri in ciyaarihii Olympigga (orodka 42km) ee ka dhacay Muqdisho uu ku guuleystay C/laahi Cali Hiirad oo ahaa ciyaartooy ka socday Boosaaso oo Puntland ah.
Guddoomiyaha Olympigga Puntland waxa kale oo uu warbixintiisa ku sheegay in ay hadda dhammaan gobolada Puntland oo ah lix gobol uu ka socdo u diyaargarowga koobka ciyaaraha Gobolada, waxaa uuna ka codsaday masuuliyiinka gobolada, degmooyinka, ganacsatada iyo hayadaha samafalkaba inay gacan ku siiyaan dadaalka ay ciyaartoyda ugu jirto tababarkooda si ay u muujiyaan wacdaro munaasabadda koobka ciyaaraha gobolada ee ka dhici doona magaalo madaxda Garoowe 24/02/00, uguna soo hooyaan goboladooda guul iyo magac, ciyaartoy-dana wuxuu ku dhiiri geliyay in ay soo bandhigaan ciyaar ay ku dheehan tahay farsamo wanaag iyo akhlaaqda looga baahan yahay ciyaartoyda, si ay ku gaaraan inay ka qayb qaataan kulamada caalamiga ah sida ciyaaraha Olympigga ee july 2000 lagu qabanayo dalka Australia.
JAGOOYIN KA BANAAN GARSOORKA
Dhammaan dadweynaha Puntland waxaa lala socodsiinayaa inay ka bannaan tahay Maxkamadaha labo jago oo Garsoorayaal ah, ciddii ay dani ka hayso inay jagooyinkaas buuxiyam, waxay u soo qoranayaan arji guddiga sare ee garsoorka laga bilaabo 27/01/00, waxaana lagu soo hagaajinayaa xarunta maxkamadda sare ee Garoowe.
Dadka araajida soo qoranaya waxaa looga baahan yahay inay buuxiyaan shuruudahaan hoos ku qoran:
Qabashada araajidu waxay ku egtahay 27/02/00, imtixaankana waxaa la qaadayaa 04/03/00, 8:00 subaxnimo, haddii Eebbe raali ka noqdo, waxaana lagu qaadayaa xarunta maxkamadda sare ee Garoowe.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare
Dr. Yuusuf X. Nuur Axmed