Ciid Mubaarak ka timid Norway
XAFLADII
CIIDA CARUURTA
by Ahmed Abdi Jama
Anigoo ka mid ah dadka
akhrista boggan waxaan idiin soo
dirayaa salaan (Ciid wanaagsan)
Waxaad noogu soo
qortaan sawiradan caruurta ku nool Norway,
Oslo iyo xafladoodii ciida.
Waxaa xafladan soo
qabanqaabiyay haweenka iyo ururka waalidka
soomaaliyeed ee Bjorndal, Oslo.
Waad mahadsan tihiin.
Maanta oo taariikhdu tahay 16.12.2001 ayaa waxa haweenka iyo caruurta soomaaliyeed
ee ku nool
xaafadda Bjorndal ee
Laila, Adam iyo Dahir
oo sugi kari
la innta saacada xafladu gaadhayso.
Mohamed,
Dahir, Adam, Abdi, faadumo, Hibo iyo
Laila oo sheekaddii ugu horeysay bilowday.
Ahmed
iyo saaxiibkii oo iyaguna halkan
ka jiibinaya sheekada.
Haweenka oo ku mashquulsan sidii ay
caruurta ugu dhig-dhigi
lahaayeen cunto, cabitaan iyo hadyaddo
kala jaad ah.
Cuntooyinka, macmacaanka kala
jaad jaadka ah ee loo soo diyaariyay caruurta, si loogaga farxiyo maalinta
ciida.
Anwar,
Adam, Dahir iyo Guled oo iyagu
qaybtoodii ka saaray.
Haweenka reer Bjorndal (Oslo) oo qaybinaya
caruurta: cunto, cabitaan, macmacaan iyo
hadyaddo loogu talo galay xafladdan
ciida.
Haween oo weli ku jira haqabtirkii
caruurta iyo macmacaanka.
Xaafadan Bjorndal
(oslo) oo ay
ku nool yihiin ilaa dhowr iyo
labaatan xaas, ayaa waxa ku nool
in ka badan konton caruur ah.
Halkan oo koox wiilal ahi
ku caweynayaan.
Xafladdii caruurta
oo dhamaad ku dhow.