Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

DAWLADDA PUNTLAND - PUNTLAND STATEOF

EE SOOMAALIYA - SOMALIA

Golaha Wakiillada Puntland - Representative council of Puntland

__________________________________________________________________________________

Juun 17, 2000

 

Ku: Madaxweynaha Dawladda Djibouti, Mudane: Ismaaciil C. Geelle

Ku: UN Secretary General - New York

Ku: Arab League Cairo, OAU, OIC

Ku: IGAD

UN Representative Office in Somalia Nairobi

 

Ujeedo: Go’aano Golaha Wakiillada Dawlad Gobolleedka Puntland ee Soomaaliya

 

Kal-fadhiga 3aad ee Golaha Wakiilada ee DGPL oo ka furmay magaala madaxda Garoowe bishan 15-keedii ayaa maalintiisii labaad oo ku beegan 17/06/2000 wuxuu ka dooday Ajende ku saabsan shirka loogu magacdaray Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ee ka socda Tuulada Carte, Djibouti ajendahaas oo ahaa in laga qayb galo shirka Djibouti iyo in la qaadaco.

Dood dheer oo dhinacyo badan laga eegay ka dib, wuxuu isku raacay Goluhu in aan laga qayb-gelin shirkaas, taas oo timi ka dib makii ay 46 mudane diideen in laga qayb galo, 7 mudanena ka aamuseen, iyada oo aanay jirin cid u codaysay in la aado, tirada xubnaha Golaha fadhiyey waxay ahayd 53 xubnood.

Haddaba, Goluhu wuxuu qaraarkan gaadhay:

Haddaba, wuxuu Golaha Wakiillada ee DGPL go’aamiyey qodobada soo socda:

  1. In Dawladda Puntland & dadweynaheedu aanay ka qayb-galayn shirka ka socda Carte ee Djibouti.
  2. In aanu diidin Goluhu dhisme qaran Soomaaliyeed ee federali ah, taas oo ku iman karta dhisme ka yimaada hoos ilaa kor (Bottom to up approach).
  3. In dadka ka jooga Puntland magaalada Carte ay deg deg dib ugu soo noqdaan.
  4. Cid kasta oo kaga qaybgasha magaca Puntland shirkaas magaalada Carte ma aha mid ka turjumaysa shacabka Dawladda Puntland.
  5. Waxaa kale oo Goluhu cod buuxa ku ayidey go’aankii Golaha Xukuumadda ee Tar. 17/06/2000 kaas oo ku saabsanaa qaadacaada shirka Carte ee Djibouti.

 

Guul Eebe iyo hawlgal wacan

Yuusuf X. Siciid

Gudoomiyaha Golaha Wakillada