Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

 

DAWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYA - PUNTLAND STATE OF SOMALIA

XAFIISKA MADAXWEYNAHA - OFFICE OF THE PRESIDENT


MW/DPS/SCD/2000 Garoowe, June 26, 2000

 

Ku: Soomaalida ku shirsan Arta ee Djibouti, Djibouti

Ku: Ururrada Siyaasadeed ee Soomaaliyeed, rugohooda

Og: Laanta Af Soomaaliga ee BBC London

Og: Xukuumadda Jibouti

Og: Wakiilka Qaramada Midoobey ee Shirka Arta

 

Ujeeddo: Jawaab baaqii ka soo baxay Soomaalida ku Shirsan Carta

 

Aniga oo tix-raacaya codsigiinnii Soomaalida Jibouti ku shirsan oo maalintii Axaddii (taariikhdu ahayd, June 26keedii, 2000) oo la xiriirey ka-soo-qaybgalka shirka-ku-sheegga Jibouti maqooradayso, isla markaasna iyada oo aniga iyo dadka reer Puntlandba ay qaddarinayaan codkiinna Soomaalinnimo, aananna hubin in warqaddaan xogteeda oo dhan la idin soo gaarsiin doono, waxaan jeclaan lahaa inaan idin xusuusiyo arrimahaa soo socda:

  1. Puntland ma diidin, mana diidi doonto dib-u-heshiin Soomaaliyeed oo xaq iyo caddaalad ku dhisan, waxayna weligeed u tub-iyo-ceel-joogi doontaa midnimada iyo qaran-dhiska Soomaaliyeed. Waxaa ihaano ku ah Soomaalida in hadba gole shisheeye looga yeero, ayna ku qamaanto, taasoo ka tarjumaysa inayna tashan karin in loo taliyo mooyee.
  2. Puntland iyo dadkeedu ma aamminsana shir dibu-heshiineed oo dalka Soomaaliyeed debeddiisa laga aloosay inay inuu keeni karo heshiis qalbiga jira oo Soomaaliya ku xasisho. Labo iyo toban shir oo dibu-heshiineed oo kulligood debed looga yeeryeeray ayaan waxba ka hirgelin. Kanna kuwaas oo kale kama duwana.
  3. Puntland uma aragto in Shirka Jibouti uu Soomaali danteed yahay. Waxaan jeclaan lahaa inaad suuradisaan hormoodyada dib-u-heshiisiinta-ku-sheegga Carta ka labo-codlaynaya oo kulligood ah dadkii qaran-duminta Soomaaliyeed qaybta lixaadka leh ka soo qaatay. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho. Puntland ma aragto inay dadkaasi dib-u-heshiisiin Soomaali ugu gole-tegi karaan, markay rabaanna isku kiin carin karaan.
  4. Puntland waxay ka walwalsan tahay in qorshe-xumada dibu-heshiisiinta majareheedii laga leexiyey ayan Soomaalida u keenayn waxaan ahayn dagaalkii sokeeye oo ay dib u huriso.

Puntland iyada oo tixgelinaysa arrimahaas oo kor xusan, isla markaasna aan xaq iyo caddaalad u arag qorshaha maleegan oo danta gaarka ah laga leeyahay ayaa dadkeeda, isimmadeeda iyo dawladdeeda goboleedba isku raaceen inayan shirkaas dib-daabyo ka qayb-gelin.

Puntland iyadoo tixgelinaysa xilka ka saaaran dib-u-heshiinta Soomaaliya, waxay ugu baaqaysaa Soomaalida dibu-heshiinta Soomaaliyeed ay ka dhab tahay oo aan maslaxad gaar ahi ugu dabo jirin inay gacan ka gaystaan shir dibu-heshiineed oo dalkeeda gudihiisa ka dhaca, kaasoo ay Puntland ay diyaar u tahay inay martigeliso.

Waxaan moogaan Karin, anoo ku hadlaya magacayga iyo kan dadka reer Puntlandba, inaan uga mahadceliyo shicibka Jibouti oo walaalahayo ah dareenkooda ay Soomaaliya u hayaan iyo is-xilqaankooda. In kastoo xukuumaddoodu qalloocisey qorshihii shirkaas, misana Puntland waxay shacabka reer Jibouti u haysaa qaddarinta ay mudan yihiin

 

Mahadsanidin

Madaxweynaha Puntland

Abdullahi Yusuf Ahmed