Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

 

 

Warsidaha Puntland

Tirsi 101

Garowe , Khamiis 19 July 2001

            

 

 

MADAXWEYNAHA DGPL OO XAFIISKIISA KU KALA QAABILAY BOQOR MAXAMUUD IYO BEEL-DAAJE XAAJI C/LAAHI.

 

PUNA, 14/07/2001, … GAROWE

 


Madaxweynaha Dawlad Go-boleedka Puntland, Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay galabnimadii Sabtida 14/0-7/2001-da, Boqor Maxamuud Boqor Muuse, halkaasoo ay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed, nabad-gelyo iyo dhaqan dhaqaale ee Maamul Goboleedka Puntland ku sugan tahay.

Wararku waxay tilmaamayaan in Madaxweynaha iyo Boq-orku ay ku gaareen aragti midaysan shirkoodiina ku dhammaaday guul iyo is afg-arad, ka dibna wuxuu Boq-orku ku laabtay degmadiisii Qardho.

 

Sidoo kale, Maalinimaddii Axada 15/07/01-da, Madaxweynaha DGPL, Mu-dane C/laahi Yuusuf Axmed oo xafiiskiisa ku qaabilay Be-el-daaje Xaaji C/laahi wax-ayna ka wada hadleen xaa-lada maanta Puntland ku sug-an tahay.

 


 UGAASKA 13-AAD EE BEESHA DISHIISHE OO LA CALEEMO SAARAY.


Garoowe, 15/07/01-da, WARSIDAHA.


 


Waxaa Magaalada Waaciye oo ka tirsan degmada Qardho ee Gobolka Bari lagu qabtay xaa-dlad weyn oo lagu caleemo saaray Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin Ugaas C/ra-xmaan oo noqday Ugaaskii 13-aad ee Beesha Disheeshe.

 

Ugaaska cusub wuxuu jegada ka dhaxlay aabihii ALLE ha u naxa-riistee Ugaas Yaasiin Ugaas C/raxmaan oo gee-riyooday 31/12/2000, ahaana Ugaas aad looga qadariyo Soomaaliya.

Xafladaas oo ahayd mid aad iyo aad loo soo agaasimey muddana laga soo shaq-aynayey ayaa lagu qabtay meel dhanka Waqooyi ka xigta Tuullada Waaciya oo 12-km u jirta oo la yiraahdo Cago-dahab.

 

Xafladaas caleemo-saarka Ug-aaska waxaa goob joog ka ahaa Isimadda Puntland oo tiradoodu dhammayd 45-isim iyo dad-weyne aad u tiro badnaa oo lagu qiyaasay 5000 oo qof oo ka kala yimi dibedda iyo gudahaba, xafladaas oo farxad iyo rayn-rayn gelisay dadkii ka soo qayb galay waxaa ku gaaf-wareegayey Fardo si habsami ah loo soo abaabulay, waxaana caleemo sa-arkii dhacay oo la caleemo saaray saacadu markay ahayd 2:30-kii duhurnimo.

 

Ugu dambeyntii waxay ugu duceeyeen ummaddii ka soo qayb gashay Ugaaska in xilka la saaray Illaahay u fududeeyo, isa-guna uu ballan qaaday xilka la saaray in uu ka soo bixi doono.


 

 

GO’AANKA BEESHA IYO DR. BASHIIR

 

 

KU: DR BASHIIR CALI BIIXI

KU: HAY’ADAHA AMNIGA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND

KU: ISLAAN BASHIIR ISLAAN CABDULLE

OG: ISIMADA PUNTLAND

OG: GOLAYAASHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND

OG: JAALIYADAHA PUNTLAND EE DIBEDDA

OG: BEELAHA DEGAANNADA PUNTLAND

 

UJEEDDO: GO’AAN BEELEED (REER MAHAD)


 


Saddex sano ka dib curashadii Dawlad Goboleedka Puntland ayaa bahwaynta Reer Puntlanddib u cusboonaysiisay jiritaankii dawl-addda saddex sano oo kale, waxaase jirey shakhsiyaad muujiyey diidmo iyo mucaaraddo xanako leh. Waxaa ka mid noqday shakhsiyaadkaas Dr. Bashiir Cali Biixi oo u dhashay beesha Reer Mahad, oo ku dhawaaqay doonis madaxwe-ynenimo cusub xilligaan maanta ah, isagoon la socodsiin lana tashan, oggolaanshana ka helin beesha uu ka dhashay.

 

Haddaba, markii Odayaasha Beesha ay u caddaatay doonista Mad-axnimada Dr, Bashiir, odayaashu waxay u yeereen Bashiir lana yeesheen wada hadalo adag oo baaxad leh, socdeyna 5-7/07/10-da, hase yeeshee ballantaas Bashiir ma fulin. Markaa ka dib, 11/07/01-da odayaasha iyo guurtida Beeshu waxay go’aansadeen :

a.    Iyadoo laga taxadarayo isku dhac beeleed iyo mid bulsho-weynta Puntland, ayaa Beesha uu ka dhashay u deeddey, go’aan wada jir ah oo adagna kaga mamnuucday arrimaha uu ku jiro.

b.      Hadduu arrintaasi ka hari waayo Beesha Mahad waxay go’aan-sadeen, iyagoo la kaashanaya ciidamada amniga in Dr, Bashiir laga qaado tallaabada ku habboon.

 

Bulsho weynta aan deegaanka iyo isir wadaagga nahay waxaan si xushmad leh uga codsanaynaa in ay ka taxadaraan wixii isku dhac, fawdo iyo niyadxummaan dadka dhexdiisa ah keeni kara, isla markaana aan lagu gacan-siin Dr, Bashiir doonista Madaxtinimo ee xilligaan.

 

Waxaan inoo rajaynayaa guul iyo samo.

Saxiixayaasha odayaasha Reer Mahad ee go’aankaan saxiixay:

 

 

( saxiixa )

 

 


 

DASTUURKA CUSUB EE DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND.

 

QODOBKA 8-AAD

 

AFKA.

 

Afka Soomaaligu waa afka rasmiga ah ee dawlad-goboleedka Puntland, afaf kalana waa la adeegsan karaa.

 

QODOBKA 9-AAD

 

ASTAANTA CALANKA IYO HEESTA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND.

 

1.       Astaanta Calanka iyo heesta Dawlad-goboleedka Puntland waa kuwii Qarankii SOomaaliyeed.

·            Calanku waa: buluug afar geesle laba dhinac oo iska soo horjeedaaba isle’egtahay    (Rectangular) cirka oo aan caad lahayna u eg, dhexdana ku leh xiddig cad oo shan geesood ah).

·            Astaantu waxay ka kooban tahay : Gaashaan leh midabka cirka oo aan caad lahayn oo xiddig          shan geesle ah oo qalin ku xardhan dahab ah. Gaashaanka waxaa ku xardhan wareeg shan     geesle ah oo dahab ah, kaas oo labada gees ay ka kala hayaan labo shabeel oo dabiici ah oo        dulsaaran labo waran oo isgudub ah. Labada waran dushooda waxaa saaran labo caleenbaar oo        isgudub ah oo ku kala xiran labada waran xarig midab caddaan ah.

·            Heestu waa:

 

Xubinta 2-aad

QODOBKA 10-AAD

WADAHADAL IYO WAX-WADAAG FEDERAALNIMO

1.         Puntland waxa ay ka mid noqonaysaa Dawlad Soomaaliyeed oo habka federaaliga ah ku dhisan, waxayna wadahadal la geli kartaa qayb kasta oo Soomaaliya ka mid ah oo aaminsan raadinta iyo ka-mid-noqoshada dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan habka federaaliga ah

2.         Waxyaalaha dawlad-goboleedka Puntland ku wareejin doonto dawladda federaalka ah waxaa ka mid ah : Arrimaha socdaalka, difaaca, arrimaha siyaasada dibedda, istaambada boostada, lacagta, habka cabbiraadda.

3.         Wixii intaas dheeri ka ah waxay ku imaanayaan wada hadal dhex mara dawladda federaalka ah iyo dawlad-goboleedka.

 

QODOBKA 11-AAD

XIRIIRKA DIBEDDA.

1.             Dawlad Goboleedka Puntland waxay dhawraysaa heshiisyadii ay dawladihii hore ee Soomaaliya la galeen dawlad shisheeye, haddii heshiiskaas ama heshiisyadaas aysan ka hor imaanayn danaha iyo maslaxadda Puntland.

2.             Dawlad-goboleedka Puntland waxay dhawraysaa heshiisyadii ay dawladihii hore ee Soomaaliya la galeen shirkad shisheeye haddii heshiiskaas/heshiisyadaas aysan ka hor imaanayn danaha iyo maslaxadaha Puntland.

3.             Dawlad-goboleedka Puntland waxay aqoonsan tahay kuna dhaqmaysaa axdiyada qaramada midoobey iyo qaynuunka dawliga ah, waxaa kale oo ay xurmaynaysaa baaqyada caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga wixii aan ka hor imaanayn shareecada islaamka iyo qawaaniinta Puntland.

4.             Puntland waxay xushmaynaysaa, oggoshahayna Axdiyada Midowga Afrika (OAU), Jaamacada Carabta, Urur Goboleedka Horumarinta Geeska Afrika (IGAD), iyo Ururka Mujtamaca Islaamka (OIC).

5.             Puntland waxya aqoosan tahay mabaadi’da aayo-ka-talinta ummaddaha adduunka

6.             Puntland waxay taageeraysaa hindisooyinka ah in khilaafaadkaas aasaasiga ah ee abuurma ama horey u jireyba lagu dhammeeyo wada hadal iyo hab nabadeed.

7.             Dawlad-goboleedka waxay ka soo horjeedaan argagaxisnimada..

 

Dawladaha aanu deriska nahay, waxaa dhibaato weyn ku haya cuduro ay ka qaadaan akhlaaq xumo. Si aad uga badbaadid cuduradaasi, ku dhaqan akhlaaqda suuban ee ay ina farayso diinta Islaamku

Warsidaha          Puntland      Tirsi 101-aad   Khamiis           19/07/2001                   Bogga 8-aad-aad

 

RA’YIGA DADWEYNAHA.

NACAYBKU MUCAARIDNIMMO MA AHA.

(Shaafici Nuur Geeddi).

(wixii ciwaankan hoostiisa yimaada, waa ra’yi shakhsi ah, WARSIDUHU ha la qabo ama yuusan la qabine).

 

Sida aynu wada ogsoonahay marka aynu ka hadlayno muca-aradnimo, waxaan anigu u arkaa inaan mucaaradnimadu ahayn qof shakhsi ah oo la caayo, mu’adyidnimaduna ahayn qof la jeclaado, waxaana taas uga jeeddaa, waxaan dhegaystay in badan afkaarta dadweynaha ma-rka ay ka hadlayaan maamulka, waxayna ku salaysan tahay fikradoodu qof shakhsi ah oo ay u doodayaan ama qof shakhsi ah oo ay rabaan, sidaa awgeed, waxaan qabaa anigu fikrad ahaan qof loo dudo mucaaradnimo in aysan ahayn qof jeclaysi, mu’ayidnimo ahayn ee uu yahay danayste gaar ah, maamulka marka la ayidayana loo baahan yahay in la soo qaato waxq-abadkiisa, lana eego in uu wax ka qabtay dantii laga lahaa ee loo aasaasay, haduu waxqabadkiisu fiican yahay lagu ayido, haddiise uu dhinac marsan yahay laga hadlo dhaliilaheedana loo soo jeediyo si la taaban karo oo cilmi ku qotonta.

 

Marka waxaan u soo jeedinayaa dadweynaha mucaaradnimadiinu ha noqoto mid ka hadlaysa wax-qabadka ummadda iyo dalkaba, ee yaysan noqon mid shakhsi gaar ah lagu maagayo.

Maamulkana waxaan leeyahay dhaliilaha la idiin soo jeediyo ka faa’iidaysta, waxna u qabta dalka iyo dadka, yaana la sharaysan afkaarta shacabka.


 


CAQIIDKA ARRINTIISU MA RIYAA MISE WAA…………..

 


Todobaadkii hore (09/07-11/07/2001-da), waxaa Lusaaka oo ah Magaalo Madaxda Dalka Zaambiya lagu qabtay shirkii 37-aad ee Ururka Midowga Afrika (OAU), shirkaas oo ay ku kulmeen Madaxweyneyaal iyo Ra’iisal Wasaarayaal ka socday dawladdaha Afrika, waxaa lagu axmay oo halkaas lagu aasay Ururkii Midowga Afrika oo 38-jir ahaa, waxaa isla goobtaas loogu walqalay oo lagu aasaasay urur loogu magac daray Midowga Afrika (AU).

 

Ururkaasi cusub oo muuqaalka magaciisu u eg-yahay ururka Midowga Yurub (EU), wax cusub oo uu kaga duwan yahay ururkii hore ee (OAU) shirka kama soo bixin.

Marka laga reebo Baarlamaan iyo Maxkmad la sheegay in Afrika loo dhisi doono.

Shirka waxaa qaban-qaabadiisa iyo maalgelintiisaba lahaa Mad-axweynaha Jamaahiiriyada Car-abta ee Libiya Col. Mu’amar Al-qadaafi.

 

Ballaayiintaas US dollar ee caqiidku sida deeqsinimada leh ugu hufay shirka kuma talo galin ama kalama tashan ummadda Reer Liibiya oo lahayd han-tidaas.

Sida wararka xog-ogaalka ah sheegayaan ujeeddada qudh ah ee Caqiidku ka lahaa shirkaa waxay ahayd in tuullada Sirti oo uu ku dhashay Qadaafi laga dhigo Xarunta Ururka (AU), hase yeeshee waa ku guul-darr-aystay oo Adis Ababa ayaa loo gartay in ay noqoto xarunta ururka cusub.

 

Dadyowga siyaasada u kuurgala waxay isweydiinayaan su’aasha ah “Col. Qadafi oo muddo badan ku howlanaa wa natiijo ahna aan ka gaarin midaynta dawladaha Carbeed ee ku yaal Waqooyiga Afrika sida uu uga miro dhalin doono dawladaha ku yaal Qaa-rada Afrika oo idil”.

 

 

Warsidaha          Puntland      Tirsi 101-aad   Khamiis           19/07/2001                   Bogga 6-aad

 

KORORSO AQOONTAADA.

 


Kororso aqoontaada waa maqaallo taxane ah oo aan kaga hadlayno dalalka addu-unka gaar ahaan kuwa Africa iyo Caalamka Islaamka.

Annagoo u kala doorayna hadba dalka markaas ay ka jiraan warar ay danaynayaa akhristayaasha WARSIDAHA PUNTLAND, maantana waxaan ka hadlaynaa dalka Zaambiya:


 Dalka Zambiya oo todo-baadkii hore lagu qabtay shirkii Ururka Midowga Africa, Zambiya waxay ka mid tahay dawladaha ku yaal qaarada Midowga Afr-ika, waana dal oodane ah oo aan bad lahayn, waxay xuduud la wadaagtaa lix dawladood oo Afrikaan ah.

Baaxada dhulka waxay ku fadhidaa waa 752600sqkm (290,579Sqmile) oo u badan Dooxooyin oo leh dhir iyo Wabiyaal, Lusaaka waa Ma-gaalo madaxda dalka, Kitwe iyo Nidola waxay ka mid yihiin Magaalooyinka waa-weyn ee dalka, Kariba, waxa ku yaal biyo xireenka caank ah oo Korontada iyo biyahaba dalka siiya.

 

Dooxada Luangwa waxay ka mid tahay meelaha ugu hodonsan qaarada Afrika oo ay ku nooshahay Duur-joogtu. Tirada dadka Reer Zambiya waxaa lagu qiy-aasaa 10,500,000 (toban milyan iyo shan boqol oo qof). Dhanka waxbarashada waxaad moodaa in dumarka Reer Zambiya ay ka firfir-coon yihiin ragga, qiyaastii ugu dambaysay waxay caddaysay in 33% dumarku wax qoraan waxna akhr-iyaan, halka ragga wax qora uu noqday 16%.

Afka rasmiga ah ee Daw-ladda Zambiya ay ku dhaq-anto waa Englishka.

 

1964-tii ayey xornimadeedii oo buuxda hanatay, dalka Zambiya wuxuu dibeddaha u dhoofiyaa Maarta, Tubaa-kada iyo Dhagxaanta qaa-liga ah.

Kwacha, waa magaca lac-agta Dalka Zambiya, dak-hliga qofka Reer Zaambiya waxaa lagu qiyaasaa $570 (shan boqol iyo todobaatan Dollar).

Zaambiya waxay ka mid tahay dalalka faro ku tiriska ah ee Qaarada Afrika ka badbaaday xukunaddii Mil-ateriga.

 

Knenneth Kawnda, oo ahaa Madaxweynihii ugu horr-eeyey makrii dalku goboni-maddiisa qaatay , waxaana bedelay madaxweynaha tal-ada hadda haya F. Juluba oo xukunka kula wareegay do-orasho u dhacday si dim-oqraadi ah oo adduun-weynuhu marag ka ahaa

 

[

 

 

 

 

 

 

SIXITAAN

Waxaan akhristayaasha sharafta leh uga cudur-daaranaynaa in Cadadkii soo baxay 12-July 2001-da, tirsigiisuna ahaa 100, ay ku qornayd qormo si khalad u dhacday oo ahayd in ciidamada Daraawiishta Puntland loo kordhiyey lacagtii, taasina ay ahayd war khalad ah oo aanu ka helnay Internetka


MEYDKII GEN. C/LAAHI MAXAMUUD XASAN “MA TUKADE” OO LAGU AASAY MAGAALADA GOLDOGOB.

 

Isniin 16/07/2001-da. WARSIDAHA…GAALKACAYO. 


Waxaa saacadu markay ahayd 5:30-kii subaxnimo garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaal-kacayo soo cago-dhigatay day-uurad waday maydkii Gen. C/laahi Maxamuud Xasan “Ma tukade” oo ku geeriyooday dalka Maraykanka, waxayna ahayd diyaarad khaas ah.

 

Maamulka dowladda ayaa ka qaadatay kaalin weyn soo dhoweyntii meydka, markii laga soo dejiyey diyaaradda isagoo ku jira Sanduukh korna uu ku dahaarnaa Calanka Soomaa-liyeed ayaa cutubyo ka tirsan ciidanka waxay siiyeen salaan.

 

Marxuumka looma kala harin aaskiisa, xukuumad, baarla-maan,isimo iyo dadweynaba, waxaana markiiba loo gudbiyey Meydka Gen. Degmada Goldogob oo godku ku diya-arsanaa, isaga ayaana codsaday intii uu noolaa in lagu aaso deegaankii uu ku dhashay isla galabtiiba waa la aasay, waxaana aaska Generaalka ka qayb-galay dadweyne aad iyo aad u tiro badan oo ka kala yimid gobo-llada Puntland.


 


 

 

TALIYIHII QAYBTA BOOLISKA GOBOLKA SOOL OO GEERIYOODAY.

 


ALLE ha u naxariistee, waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 15/07/01-da Magaa-lada Laas-caanood ku geeriyooday G/Sare Maxa-med Cabdi Geelle oo loo yiqiin “Four-ten” oo ahaa Talyihii Qaybta Booliska Punt-land ee Gobolka Sool.

 

G/Sare, Maxamed Cabdi Geelle (Four-ten) wuxuu ciidamada ka tirsanaa in ka badan 50-sano, da’diisu waxay ahayd 80-meeyo, wuxuuna ka tegay duriyad tiro badan oo isugu jira wuxuu dhalay iyo waxay sii dhalleen.

Wuxuu ahaa nin wadani ah, kana mid ah raggii xoriyadda u soo halgamay markii isticmaarku wadanka haystay, intii xoriyada la qaatay Maxamed wuxuu ahaa nin u shaqeeya dalkiisa iyo dadkiisa.

Wuxuu ka soo shaqeeyey qay-baha kala duwan ee Ciidanka Booliska.

 

ALLE ha u naxariistee Maxamed Cabdi Geelle waxaa lagu aasay Magaa-lada Laascaanood.

 

 

Walaal waa hubaal in aad ku howlan tahay horumarka WARSIDAHAAGA.

Haddii aad kansho u weydo qoraalada, nagu soo gudbi tusaalaha iyo talladaada wanaagsan lambarada hoos ku qoran :

Tel. 252-5454443 Garoowe

Tel. 252-549-4457 Garoowe

 

SHIRKII LABADA DAL EE PAKISTAN IYO HINDIYA LOOGANA HADLAYEY XAALADDA KASHMIIR OO BURBURAY.

 

Agra, India…16/07/2001. Puna (WWA).


Shir laba maalmood socday oo dhexmaray Madaxweynaha Pakistan iyo Ra’iisal Wasaaraha Hindiya ayaa ka dhacay Magaalada Agra oo ka tirsan dalka Hindiya.

Arrimihii ugu waaweynaa oo looga wada hadlay shirkaas waxaa ka mid ahaa xaalada Gobolka Kashmiir oo labada dawladood isku hayeen 54-sanno oo ay xornimada haysteen, taaasoo dhalisay labo dagaal oo waaweyn oo ka dhex oogmay labada dawladood iyo dagaalo dhuumaalaysi ah oo aan marna joogsan.

 

Kashmiir waa gobol ay deggan yihiin dad muslim ah, waxaana kala qaybiyey oo qaybtii ugu weynayd gobolka ku daray dalka Hindiya gumeystihii Ingiriiska.

Dadka Reer Kashmiir waxay u dagaalamayaan in ay helaan xoriyad ay aayahooda uga tashadaan.


 


 

SUURIYA OO U DABAAL DEGTAY SANAD-GUURADDII KOOWAAD EE MADAXWEYNE BASHAAR AL-ASAD TALADA QABTAY.

 

Suuriya: PUNA (WWA). 16/07/2001…


Dadka Reer Suuriya waxay u dabaal-deggeen Isniintii aynu soo dhaafnay 16/07/2001-da Sannad-guuradii 1-aad ee uu talada hayey Madaxweynaha da’da yar Dr. Bashaar Al-asad.

 

Muddadaas laba iyo tobanka bilood oo bishaar xukunka hayey isbeddelada siyaasadeed ee laga dareemay dalka waxaa ka mid ah :

·        Shirka siyaasadeed oo horey u ahaa dal ciqaabtiisu adag tahay oo la ogolaado.

·        Xoriyadda hadalka oo qofka xaqiisa loo madax bannaaneeyey.

·        Nin Reer Suuriya oo ka hadlay isbeddeladaas wuxuu yiri “kuwii ku noolaa been abuurka iyo masiibada iyo cadaadiska bulshada waxa ay taagan yihiin derbiyo cidlo ah, iyagoo aad moodo “Eey duqoobay oo ilko beelay”, waxayna garan la’ yihiin siday bulshada ugu dhex milmi lahaayeen


 

MURITAANIYA.

PUNA (WWA). 16/07/2001-da.

 


M

adaxweynihii ugu horreeyey oo xukuma dalka Muritaaniya Mukhtaar Walad-daada, ee 18-ka sano ka talinayey dalka (1960-1978) oo talada looga qaaday af-gambi ciidan, musaafurisna ugu maqnaa dalka Faransiiska 13-sanno ayaa maanta ku soo laabtay (Nogshoot) Magaala Madaxda dalkiisa.

Wararku waxay sheegayaan in Mudane Mukhtaar ay ku soo dhoweeyeen Garoonka Diyaaradaha dad-weyne faro badan.


 

 

KENYA OO JOOJINAYSA ISU GALMOODKA.

 

AP. PUNA  (WWA)

 


S

hirkii Ururka Midowga Afrika oo lagu qabtay Magaalada Lusaaka ee dalka Zaambiya ayaa Mada-xweynaha dalka Kenya soo jeediyey in Kenya diyaar u tahay in ay joojiso isu-galmoodka ragga iyo dumarka muddo labo sannadood ah taasoo jawaab u ah baaqii ururka Midowga Afrika ee lagaga hortagayo fiditaanka  Cudurka AIDS-ka.

Sida aynu ka warqabno Kenya waa dalka labaad ee si ba’an uu u halakeeyey cudurka HIV marka laga reebo dalka Koo-nfurta Afrika.

Kenya 12% ayaa qaba cudurka halista ah.

TACSI.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland iyo dhammaan Madaxda Dawlad Goboleedka Puntland waxay tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday, ALLE ha u naxariistee Marxuum Gen. C/laahi Maxamuud Xasan (Matukade) oo dhowaan ku geeriyooday carriga Maraykanka.

 

Waxaan Gen. Cabdulaahi Maxamuud Xasan Illaahay uga baryeynaa in uu jannadii ka waraabiyo, ummadda Soomaaliyeed, eheladii iyo qaraabadii uu ka tegayna samir iyo iimaan ka siiyo

Aamiin                                                Aamiin                                                                        Aamiin.

 

C/laahi Yuusuf Axmed

Madaxweynaha Dawladda.

 

 

 

TACSI.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland iyo dhammaan Madaxda Dawlad Goboleedka Puntland waxay tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday, ALLE ha u naxariistee Marxuum G/Sare Maxamed Cabdi Geelle  Oo dhowaan ku geeriyooday Magaalada Laascaanood..

 

Waxaan G/sare Maxamed Cabdi Geelle  Illaahay uga baryeynaa in uu jannadii ka waraabiyo, ummadda Soomaaliyeed, eheladii iyo qaraabadii uu ka tegayna samir iyo iimaan ka siiyo

Aamiin                                                Aamiin                                                                        Aamiin.

 

C/laahi Yuusuf Axmed

Madaxweynaha Dawladda.

 

 

TACSI.

Taliyaha Ciidanka Booliska Dawlad-Goboleedka Puntland, G/Sare Axmed Maxamed Muuse “Mijir”, iyo dhammaan Ciidanka Booliska waxay tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool, ALLE ha u naxariistee Marxuum G/Sare Maxamed Cabdi Geelle oo xalay ku geeriyooday Magaalada Laascaanood.

 

Waxaan G/sare Maxamed Cabdi Geelle Illaahay uga baryeynaa in uu Jannadii ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo,

Aamiin            Aamiin                                   Aamiin

 

Axmed Maxamed Muuse “Mijir”

Taliyaha Ciidanka Booliska.

 

WAA AYAANBA AYAAN…  DUNI AAKHIRU SAMAAN AH… NIN AAS TAGAYAA – NIN AQAL GALAYAA

 

 

 

IMTIXAANKII FASALADA SIDEEDAAD IYO KUWA DUGSIYADA SARE OO DHAMMAADAY TODOBAADKII HORE.

 

 

 

 

 

 

 


Talaado, 10/07/2001-da…WARSIDAHA…Garoowe


 

 

 

 

 

 

 

[[


 


Agaasimaha Dugsiyada iyo Tab-obarada ee Wasaarada Arrimaha Bulshada Md, Ismaaciil Ducaale Qambi ayaa WARSIDAHA u sheegay in uu imtixaankii Fas-alada Sideedaad ee Dugsiyada Dhexe iyo Dugsiyada Sare bil-owday 07/07/01-da, iyadoo imtixaankaas qayb ka mid ah lagu xulayey qayb cusub oo gasha Dugsiyada Sare, ardaydaas oo ah kuwa suuq-joogii hore waxbarashadii  ugu luntay.

Agaasimyuhu wuxuu sheegay in ardayda imtixaanka fariisatay ay dhan tahay guud ahaan Puntland 775 arday, Dugsiyada dhexe waxaa imtixaanka u fariisatay 304 arday, waxayna u kala fariisteen sidatan:

·        Gobolka Bari 179 arday

·        Gobolka Nugaal l 84 arday

·        Gobolka Sool (Taleeh, Buuhoodle) 14 arday

·        Degmada Buuhoodle  27 arday

      Isu geyn   304 arday

Halka Dugsiyada Sare ay u fariisteen 475 arday guud ahaan waxayna u kala fariisteen si-datan:

·        Boosaaso 206 arday

·        Qardho 45 arday

·        Mudug 220 arday

      471 arday

 

Maadooyinkii Imtixaanka laga qaadayo oo ahaa todobada maado oo kala ahaa :

·        Xisaab

·        Saynis Guud

·        Carabi

·        Diin

·        English

·        Social Study

Agaasimahu wuxuu sheegay in Gobolada Hiiraan, SH/dhexe, SH/hoose ay soo waydiisteen nu-quladdii imtixaanka loona diray, iyagoo loogu soo badinayo Nai-robi ka dibna ardayda gobo-lladaas laga qaadi doono Sha-haadada ay imtixaankaas inta ku guulaysata qaadanaysana ee Gob-olada Hiiraan iyo Labada Sha-beele, waxay noqonaysaa Sha-haado ay bixisay Puntland iyo UNESCO PEER.

Waxaa ammaanteeda leh maa-mulka Puntland wuxuuna Agaa-simuhu mahadnaq ballaaran u soo jeediyey hay’ada UNESCO PE-ER gacanta wanaagsan ee ay had iyo jeer la garab taagan tahay waxbarashada Maamul Gobol-eedka Puntland, iyadoo ku da-daalaysa inta tabarteedu tahay iyo sidii ay u hormarin lahayd.


 

 

GABAY KU SAABSAN MACALLIMIINTA

(XAAJI AADAN AF-QALOOC)


Taariikhdu markii ay ahayd 08/03/1975-tii ayaa uu Xaaji Aadan Axmed “Af-qalooc” gabaygaan Macallimiinta ku saabsan curiyey, waxa uu ku waaninayaa arday Soomaaliyeed, si gaar ahna wuxuu u tusaalaynayaa waxtarka qaayaha leh ee waxbarashadu ugu leedahay wax-ka-taransiga nolosha deegaankooda iyo adduunka guud ahaanba. Ardayda waxa uu uga digayaa cirib xumadda u kaydsan ardayga aan ku dadaalin asluubta wanaagsan iyo dhego-nuglaanta lama huraanka u ah hawlaha waxbarashada dugsiyada iyo nolosha guudba, isla markaana waxa uu tilmaamayaa kaalinta laf-dhabarta u ah hor-u-kaca ummadda ee ay Macallimiintu had iyo jeerba sida xilkasnimada leh ugu guntan yihiin dhismaha nolosha dadka Soomaaliyeed, taasoo ay ka unkamaan samaysana wejiyada hawlaha kala gedisan ee dalka  wuxuuna yiri :

 


Oday waayo’aragaan ahoo, ayni weyn jiraye

Markaad ood-ka-bood tahay tashigu, waa in kaa maqane

Wixii dana abwaannaa gartee, inammo waa mooge

Inaan anigu idin waaniyaa, waa ummuur xaq ahe

Ardayahay aqoonsada cilmigu, aafo waa jahale

Ijtihaada idinkaa horkici, aradka Soomaale

Akhlaaq xumo iska ogaada, waad ku amb-anaysaane

Ma aflaxo ilmaha caasiyoo, edebta diidaaye

Haddii aanad akramin, macallimaddu kuuma uur same e

Waa niman ammaan loo xumaa, laga ilaashaaye

Ixtiraam la’aan lagama helo, aayo iyo khayre

Waa kuu ilays meel mugdiya, aad ku aragtaaye

Waa kuu afkaad ku hadashiyo, odhaahda liisaane