Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Warsidaha Puntland

Tirsi 102

Khamiis 26 July 2001


MADAXWEYNAHA DGPL OO ISKU SHAANDHEEYEY GOLIHII WASIIRADA.

M

 

adaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa soo saaray wareegto lam, MW/DPS/GXC200701/2001-da, kuna taariikhaysanayd 21/07/2001-da, wareegtadaas oo ku saabsan isku-shaandhayn Golaha Wasiirada si-ku-meel-gaar ah, waxay u qornayd sidatan:

MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND,

MARKUU ARKAY  Dastuurka Dawladda Puntland,

MARKUU LA TASHADAY  Madaxweyne-ku-xigeenka Dawladda,

MARKUU TIXGELIYEY Duruufaha taagan ee siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee dalka,

 

WUXUU KU SAMEEYEY GOLAHA XUKUUMADDA ISBADEL KOOBAN, WUXUUNA U MAGACAABAY, SI KU MEEL GAAR AH.

 

A).           

1.         Maxamed Xasan Nuur

     Wasiirka Arrimaha Diinta, Awqaafta iyo Dhaqancelinta

2.         Saciid C/laahi Saalax Deer

            Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah iyo Qorshaynta

3.         Axmed Maxamed Ceegaag

            Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Deegaanka

 

B).       ISLA XEERKAAN MADAXWEYNE, WUXUU SI KU MEEL GAAR AH DIB UGU MAGACAABAY:

1.         Saciid Maxmed Maxamuud, Wasiirka Maaliyadda.

2.         C/qaadir Islaan Maxamed, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Dadweynaha.

3.         Cali Ismaaciil Cabdigiir, Wasiirka Kalluumaysiga, Dekedaha & Gaadiidka Badda

4.         Axmed Cabdi Maxamuud, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha

5.         Faarax Warsame Cismaan, Wasiirka Adeegyada Bulshada

6.         Cabdi C/lle Siciid, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Dawladda.

C).       Xeerkaan Madaxweyne wuxuu kaloo, si ku meel gaar ah, dib ugu magacaabay Wasiir ku xigeennaddii Golaha Xukuumadda oo aan wax isbedel ah haatan lagu samayn.

D).       Dikreetadaan waxaa Golaha Xukuumadda looga saaray Md, Maxamed Xaaji Aadan, Wasiirkii Xanaannada, Xoolaha, Beeraha & Deegaanka.

C/laahi Yuusuf Axmed   Madaxweynaha Dawladda.

 

 


 

DASTUURKA CUSUB EE PUNTLAND.

DHISMAHA SIYAASADEED EE PUNTLAND

QODOBKA 12AAD

XISBIYADA.

1.                   Dawlad-Goboleedka Puntland waxaa lagaga dhaqmayaa  nidaamka xisbiyada

2.                   Waxaa jiraya ugu badnaan saddex xisbi siyaasadeed

3.                   Waxaa reebban xisbiyada iyo ururada leh dabeecad ciidan iyo qabiil

4.                   Qofkii xisbi kaga guulaysta kursi kana baxa xisbiga waxa uu waayayaa kursigii uu            xisbiga ku        lahaa ee uu ku guulaystay.

5.                   Nidaamka xisbiyada waxaa lagu soo saarayaa xeer gaar ah oo Xukuumaddu soo            jeediso             Goluhuna ansixiyo.          

6.                   Hantida qaranka looma isticmaali karo hawl xisbiyeed.

7.                   Ciiddii ay ku caadaato in ay u isticmaashay hantida Qaranka arrimo xisbi waxaa la hor geynayaa             maxkamad.

 

QODOBKA 13-AAD

SHURUUDAHA FURASHADA XISBI SIYAASADEED.

       Xisbi kasta oo la furayo waa in uu buuxiyaa shruudaha soo socda.

A.        Waa in uu leeyahay barnaamij siyaasadeed oo himilo waddinaya leh

B.         Waa in uu leeyahay Dastuur

C.        Waa in uu leeyahay Saldhig dhaqaale oo damaanad qaadi kara jiritaanka xisbiga oo            dhan (100 Malyan oo    Sh, SO ah) lana dhigo Bangiga Dhexe

 

QODOBKA 14-AAD

DHISMO-XUKUUMADDEEDKA XISBIYADA.

1.         Xisbigii ku guuleysta ugu yaraan 51% kuraasta guud ee Golaha Wakiillada ayaa Dawladda soo dhisaya.

2.          Haddii Xaalladda ku xusan 13.1 dhici weydo dawlad wadaag ah ayaa la soo dhisayaa, iyada oo xisbiga ugu xubnaha badani hoggaaminta yeelanayo

3.          Haddii labo xisbi ama ka badan isxubno le’ekaadaan, xisbiyadu wadahadal ayay ku go’aansanayaan cidda hoggaaminta yeelanaysa.

 

QODOBKA 15-AAD

TIROKOOBKA.

1.          Dadweynaha Puntland tobankii sanaba mar baa la tiro koobayaa.

2.          Waqtiga tirokoobtu bilaaban doonto xeer gaar ah baa lagu soo saari doonaa.

 

QODOBKA 16-AAD

GUDDIGA DOORASHADA.

1.         Waxaa jiraya guddi doorasho oo guddoonka Golaha Wakilladu soo jeediyo Goluhuna ansixiyo

2.         Waxaa guddiga doorashada la magacaabayaa 3 saddex bilood ka hor waqtiga doorashada, waxa uuna ku egyahay saddex bilood kaddib ee dhammaadka natiijada doorashada.

3.         Guddigu waxa uu u hoggaansamayaa sharciga oo kaliya.

4.         Markii la ansixiyo guddiga doorashada, guud ahaan iyo gaar ahaan toona xilka lagama qaadi karo waxna lagama beddeli karo.

5.         Guddigu warbixinta doorashada waxa uu u gudbinayaa Guddoonka Golaha Wakiillada, Madaxtooyada iyo Maxkamada Sare.

6.         Guddoomiyaha Guddiga doorashada waxaa soo jeedinaya Guddoonka Golaha waxaana ansixinaya Golaha.

7.         Tirada Guddiga doorashadu kama yaraan karto 15 xubnood.

8.         Awooddaha iyo xil-waajibaadka guddiga waxaa lagu qeexayaa xeer gaar ah oo Golaha Wakiilladu soo saaro ansixiyaana.

 

MAXAAD KA TAQAAN GEEDKA TIMIRTA.


T

 

imirtu waa la beeraa, magaciisa asliga ahna Nak-hiil baa la yiraahdaa.

 

Ereygaasi af-carbeed buu ka soo jeeddaa, macnihiisuna waa Tallaal, wuxuuna ka baxaa meelaha kuleylaha ah, dhulka bannaan iyo bu-uraha dushooda oo dur-durada iyo hawada qabow leh baana lagu beeraa Tim-irta.

 

Tallaalka Timirta god yar oo byaha u qabta baa lagu fariisiyaa, ka dibna waa la waraabiyaa, biyaha danada ah buu ku bixi ogyahay geedku, saddex sano buuna ku curtaa, biyaha macaanse shan sanuu ku mireeyaa.

Saddex iyo afar fac baa la gurtaa timirta geedkii la beeray, wuxuuna u qayb-samaa lab iyo dhedig.

 

Sanadkasta laamuhu way ka go’aan geedka jirridiisa, ama wuu baar goostaa, meesha laantu ka go’day karaab baa la yiraahdaa, oo girgir bay noqotaa.

Girgirku hal sano buu xisa-absan yahay, sidaasaana lagu gartaa geedka filkiisa, labka iyo dhediguna laba-duba xay cad bay bixiyaan inta aysan mireyn.

 

Ubaxa geedka labi budo buu isu rogaa bil ka dib, dhediguna miro yar yar oo cagaaran ama gorob la yiraahdo buu dhalaa, waana laysku faxlaa dhegiga iyo labka.

 

Timirta saddex bilood xay baa saaran saddex kalena waa gumuc ama miro cee-riin oo cagaaran, saddex kalena waa busur ama biseyl ka dibna waa dhu-gcaan.

 

Laanta miruhu ka raacaan far baa la yiraahdaa, faraha oo idilna Kheyl baa la isku yiraahdaa.

Nakhiilka ugu yar hal Kheyl baa ka baxa, kan ugu weyna 20-khayl.

Marka miruhu bislaadaan maalin dhaaf baa loo guraa inta aysan geedka ka soo dhicin, hadba intii bislaata ka dibna waa la engejiyaa, Jiraab ama Kalay Caw laga falkiyey baa lagu cabbeeyaa inta la cusbeeyo oo la kaydsadaa ama la iibgeeyaa.

 

Nakhiil weyn 20 Khel baa ka bixi karta, Jiraabkana 10 Khayl baa ku qiyaasan muggiisa, Tiraabku afar Firaasiladood (80 Rodol) buu qaadi karaa qiyaastii.

Wadanka Soomaaliya Tim-irtu waxay ka baxdaa Gobolka Bari.

Waxtar weyn bay Timirtu u leedahay dhaqaalaha dalka iyo dadkaba oo waa hanti joogto

ah tacab badanna u baahan.


 

Walaal waa hubaal in aad ku howlan tahay horumarka WARSIDAHAAGA.

Haddii aad kansho u weydo qoraalada, nagu soo gudbi tusaalaha iyo talladaada wanaagsan lambarada hoos ku qoran :

Tel. 252-5454443 Garoowe

Tel. 252-54-54457 Garoowe

 

KORORSO AQOONTAADA.


Kororso aqoontaada waa barnaamij taxane ah oo aan kaga hadalno dalalka adduunka gaar ahaan Afrika iyo Dunida islaamka, anagoo u kala dooranayna hadba dalalka ay markaas kajiraan warar ay ay danaynayaan akhristayaasha WARSIDAHA PUNTLAND, maantana waxaan ka hadlaynaa dalka Indonesia. 


Waayahan dambe, Waka-aladaha wararka iyo Idaa-cadaha adduunkaba waxay aad u hadal hayeen shaqa-aqooyin siyaasadeed iyo loolan awoodeed oo ka taagan dalka gudihiisa, ugu dambayntiina Baarlamaanka fadhigii uu yeeshay 23/07/2001-da wa-xay xilkii Madaxweyne-nimada kaga qaadeen Md, C/raxmaan Waxiid, oo 22 bilood ka hor si dimoqraadi ah loogu doortay jagadaas.

 

Miss, Megawaati Sukaarno oo ahayd Madaxweyne-ku-xigeenkii C/raxmaan Wax-iid, ahna inan uu dhalay Madaxweynihii kowaad ee Indonesia Axmed Sukaarno, ayaa loo dhaariyey isla maalintaas (23/07/2001-da) in ay noqoto Mada-xweynihii 5-aad ee dalka iyo dadka Indonesia.

 

Indonesia waa dal ka tirsan qaarada Asia, kuna taal badweynta India, baaxada dhulkiisu waxaa lagu qiya-asaa 1.919.443SQKM, dhu-lkaas oo ku kala firirsan 13.677 Jasiiradood.

Indonesia waa dawlada Isla-amka ugu weyn dal iyo dad ahaanba.

 

Tirada dadka Reer Indo-nesia waa 220.000,000 (qof) una kala baxa 300 oo qowmiyadood, 90% dad-kaasi waa Muslim inta ka-lena waa Kiristaan Buudis IWM.

 

Jakarta waa Magaalo Mad-axda  dalka Jaaba, waxay ka mid tahay bogcadaha ugu dad badan aduunka (Shi-imo).

Qarnigii 17aad Indonesia waxaa qabsaday oo ka talin jiray “Dutch”, 1942-dii ayaa Jabaanku gacanta ku dhigay wuxuunka ka dhisay dawlad wadani ah, oo isaga daba dhilif u ah.

1945-tii markii uu dham-maaday dagaalkii 2-aad ee adduunka Jabaanka iyo xulufadiisiina laga adka-aday, ayaa Indonesia laga dhisay dawlad xor ah oo uu madax ka noqday Axmed Sukaarno.

 

1967-dii afgembi ciidamadu kaga qaadeen Sukaarno aw-ooddii dalka, Suhaarto, oo ahaa Taliyihii Ciidamada uu kula wareegay xukunka,  kaas oo asagana kacdoon dadweyne looga qaaday xafiiska.

1967-dii Indonesia waxay qabsatay Barriga Tiimoor, ka dib markii Bortoqiiskii gumaysan jirey ka kacay,  arrintaas oo dhaqaale iyo siyaasada Indonesia culays iyo ciriiri weyn u keentay.

 

Dalka Indonesia wuxuu dib-edda u dhoofiyaa Bunka, Tubaakada, Cinjirka, Sal-iida, Gaaska Dabiiciga ah, Dharka, I.W.M.

Rubiya waa lacagta dalka looga dhaqmo


 

Eebbaa dhan oo aan qaldamin, na saxa haddii aan qaldano, na tilmaan haddii aanu gaabino, dhaliishaadu way na dhaashi ee ha naga ma suugin

 

JOOJINTA FALALKA ANSHAX-XUMADDA AH.


W

 

axaan todobaadk-an barn-aamijke-enna diiniga ah kaga hadlaynaa falalka anshax-xumadda ah iyo wixii ay diintu ka qabto, inkastoo aan halkaan lagu soo koobi karin hal qoraal, maantase waxaan ku soo qaadanaynaa jirka oo la beddelo, sida kuwa bedella abuurista Illaahay oo jirk-ooda jeex-jeexa magacyana ku qora, kuwa ilkaha qora, kuwa marsada Kiimikada sida Diyaannadda, Mado-obaysada, Timaha oo gees la xiiro geesna la daayo I.W.M.

 

Arrimahaas oo dhan diin-teennu waa mamnuucday Nebigeenuna (NNKH) wuu nacladay kuwa xiiraya iyo tan wax xiriirisa (xiriirintu waa kuwa timahooda timo kale ku daba) iyo kuwa abuurista Illaahay bedella, Nebigu (NNKH) wuxuu kaloo reebay in timaha la madoobeeyo oo cirrada la beddelo, arrimahaas oo loo sameeyo qurux darteed.

 

1.     ISLA SEE-XASHADA RAGGA IYO HAWEENKA

 

Ma bannaana in ragga iyo haweenku ay is dhex see-xdaan sida Hoteellada iyo buushashka iyagoo ajnebi kala ah, arrintaas diinteennu way mamnuucaysaa Nebi-geennu (NNKH) wuxuu yiri “amra carruutiina in ay tukadaan markay toddoba sano jiraan, toban jirkana ku garaaca salaada, jiifkana u kala duwa iyagoo walaalo ah” (10)  sano jirka ah oo walaalaha ahaa jiifkii loo kala beddelay xaggay joo-gaan dadkii ajnebiga kala ahaa.

 

2.     ISU EKEYSIINTA RAGGA IYO DU-MARKA

Sida dharka, muuqaalka I.W.M mana bannaana in ay haweenaydu qaadato lebiska ragga una jarato sida ragga iyo sidoo kale in raggu qaato dharka haweenka, waxaana waa-yadan dambe soo ifbaxay rag xirta Katiinaddo, Far-aantiyo dahab ah, taasoo ay diinta islaamku ka mamnuucday Nebigeenuna (NNKH) wuxuu nacladay ninkii qaata lebiska haweenka xirtana qalabka haw-eenka iyo in haweenku qaataan dharka nimanka, xadiiskan waxaa weriyey Abuu Daa’uud sana-dkiisu waa saxiix.

 

 

Saddexdaas qodob ee aan ka hadalnay oo kaliya kuma koobna falalka anshax-xumadda ee aad bay u badan yihiin haddii uu Illaahay yiraahdo waanu wadi doonnaa marka waxaa loo baahan yahay in qof walba naftiisa ka adkaado oo xumaanta ka reebo, mar-ka xiggana qoyskiisa ka raabo, marka ugu dam-baysana ummadda xum-maanta ka reebo.

 

Arrimahaan aan soo shee-gnay waa arrimo aad iyo aad u muuqda oo la sameeyo, waa in laga digtoonaadaa oo laga ree-btoonaadaa, sababtoo ah Nebigeenu (NNKH) ayaa aad uga hadlay marka qofkii loo sheego arri-mahaan iyo kuwo kaleba waa in uu ka reeb-toonaadaa haddii uu saas samayn waayana waa dambaabayaa

 

Sh. Ismaaciil X. Cabdi

Waaxda Arrimaha Diinta

 

 

HALKEEBUU KU DAMBEEYEY DHAQANKII IYO FARSAMADDII WANAAGSANAYD EE HABLAHA SOOMAALIYEED?.


D

 

haqanka wacan iyo Aqoonta ayaa ugu qiima weyn waxa dadku kala dhaxlaan, farsa-mada bulshada ayaa ah waxa muujiya inta ay le’eg tahay garaadkooda iyo ilbaxni-maddoodu,  iyo hadba heer ay joogtay ilbaxnimaddiisu ina ay soo jireen dadkii kasbay, da’ walbana dhaxal bay u dhaaftaa midka ka dambeeya, nolosha dadkana waxaa sal-dhig u ah hantida dhaqaale ee taal dhulkooda, taariik-hdoodana waxaa laga dayaa abuurta dhulkooda iyo fars-amadooda.

Sida la ogyahay Soomaalidu waxay leedahay dhaqan aan ciddi la wadaagin oo iyaga gaar u ah.

 

Haddaba, waxaa jirtay in Haweenka Soomaaliyeed ay ahaayeen kuwo iyagu hor-muud u ah dhaqanka iyo farsamada Soomaalidu lahayd oo inta badan ay ka soo jeeday dhankooda, siiba dha-nka aqal Soomaaliga, waxay ahaayeen kuwo iyagu farsa-madiisa iska leh inta badan, oo si wacan oo wanaagsan u farsameeya bal eegga aqalka Soomaaligu inta uu ka kooban yahay “Dermooyin, Dhigaha, Loolka, Haamaha, Dhiilaha, Xargaha, Gabada, Satiyada, Abxadaha I.W.M”, kuli waxaa weeye farsamo ay lahaayeen haweenka Soo-maaliyeed.

 

 

Hooyada wanaagsani waxay gabadheeda bari jirtay fars-amada aqalka iyo tan xoolaadba, wayna ku faani jireen gabadha inanta ah wax-ay sii samaysan jirtay oo meel loo dhigi jirey alaabta ay iyadu farsamayso ama ay tosho say berri u anfacaan, waana lagu ammaani jirey.

Waxaa ceeb ku ahayd gabadh aan wax farsamo ahaanna la barin lamana guursan jirin.

 

Dhaqankii wanaagsanaa ee aynu lahayn sidaasna ahaa maanta gacanta ayuu ka sii baxayaa, hablaha Soom-aaliyeed ee maanta nool lagama heli karo oo waa dhif iyo naadir mid maanta falkin taqaan Dermooyinka ama toli taqaanDhiilaha iyo Haamaha.

Farsamo la’aanta maanta hablaha Soomaaliyeed hay-sata ee ka haysata xagga dhaqanka waxaa loo nisb-aynayaa xagga farsamada casriga ah ee dunidu gaartay, gurigii ama aqalkii miyiga oo isagu saldhig u ahaa dhaq-anka Soomaaliga waxaa maa-nta weel u ah Caagag ay ku shubtaan Caanaha, dhankii Gogoshii iyo Dermooyinkii ay falkin jireen waxaa beddelay Xasiig suuqa laga soo iibsaday; halkii ay kaga adeegi jireen suuqa dambiil, maanta suuqa waxay kaga adeegtaan Bac la iibinayo.

Maalin kasta oo dhaqaalle

joogto ah lagu bixiyo haddii

 

 

ay Caanihii, Saliidii, Son-kortii, Hilibkii iyo Khudradii mid walba bac loo iibsho maalin kasta sow dhaqaalle xummo maaha?, halkii ay iyadu ku xisaabtami lahayd dhaqaalaheeda sow maaha in ay dhaqaale nin kale ay kobcinayso, keediina ay baabi’inayso?.

Waxaa wanaagsan in ay dhaqankeenii ku faanno oo aynu ku dhegenaanno waayo, waxaynu horumarinaynaa dh-aqan nin kale uu leeyahay oo la inoo soo waariday, dha-qaalle badana inagaga baxay, taasna waa in lagu xisa-abtamaa.

 

Hablaha Soomaaliyeed waxaa wanaagsan in ay bartaan dhaqankooda oo dib ugu laabtaan kuna faanaan, sow ceeb maaha gabar aan Babis iyo Xaaqin midna samaysan karin? Oo ka sugaysa habarta 60 ama 70-tan jirka ah ee waqtigeedii sugaysa.

Waxaan leeyahay dib aynu ugu noqono dhaqankeenii oo aynu ku faano iskana dhaafno midka la inoo soo waarido.

Ilbaxnimadeenii Muddada Dheer Soo Taxnayd Yaysan Lumin, Gacanteena Iyo Aqoonteena Ha Inoogu Kaydsanaato, Dhaxalna Aynu U Reebno Ubadkeena Berrito” 

 

 


RA’YIGA DADWEYNAHA

“MAXAA LOO BOOBAYAA DHULKII UMMADDA KA DHEXEEYEY”

W.QORTAY “SAYNAB ISMAACIIL AW-FAARAX”

 


Maqaalkan ku qoran boggan ra’yiga waxay mas’uuliya-diisu gaar u tahay oo ku kooban tahay qoraha qoray”.

 

Waxaa jirtay sida aynu wada ognahay burbur aynu ku wey-nay qaranimaddeenii kaas oo ina dhaxalsiiyey dhibaa-tooyin fara badan ee ay ka mid yihiin Xalaalsi dhiig sokeeye iyo dhac hantiyeed, lagana barakacay gobolada Soomaaliya badankood.

 

Taas awgeed, gobolkaan Nugaaleed, waxaa jirtay inuu ka mid ahaa gobollada W/Bari ee lahaa is-maamulka, iyadoo qof kasta ee waxgarad ahi uu iskiis isu xilsaaray dhan kasta ha ahaatee, xagga dhismayaashii Dawladda iyo dhulkii ban-naanaa ee sida xoogga leh gaarka ama waardiyaha looga hayey, waxaana ka mid ah :-

       1.            Wakaaladdii Ganacsiga Ummadda ee gobolkan oo lahayd dhul baaxaddiisu dhan tahay 800m, anigoo ah qofkii gacanteeda ku qortay warqaddii wakaalladdu ku doonaysay meel u noqota xarun.

       2.            Garoonkii Diyaaradaha ee soo jireenka  ahaa, ujeeddada loo ilaalinayay ee ay ku nabadgaleen waxay ahayd ummaddu mustaqbalka ha u aydo.

Maxay ku dhacday markii aynu yeelanay Maamul ay ku bahoobeen shanteena gobol iyo degmada Buuhoodle ee aynu-samaysanay sharci iyo das-tuur,loona baahan yahay in lagu dhaqmo inaynnu sidaas aan soo sheegay iyo meelo kale oo halbowle inoo la boobo sidii Qaniimad Gaal aynu ka hel-nay,dagaal ina dhexmaray? Jawaabtu waxay u taal dad-weynaha Reer Puntland.


 

 

KA YIMI BOGGA 7-AAD... MARASHADII….

 


1.        Diglimo, Cududaha baa la       gelin jirey sida Duga-agadaha,   lacag buu ka samaysnaa.

2.         Waqaafyo, Gacmaha cur-curadooda baa la gelin jirey, qalin bay ka sama-ysnaayeen, shunuufyo (Kubbado) yar yar baa ka laalaadi jirey, Beri-Carab baa laga keeni jirey.

3.         Kureedyo, Dhegaha baa la suri jirey, dhegtiiba lix meelood, saddex kor ah iyo saddex hoos ah baa la suri jirey, Shunuufyo ba-ana ka lulan jirey, qalin baana laga tumi jirey.

4.        Kaatunno, Tobanka far-ood ee           gacmaha waa la wada gelin       jirey, Dahab ama Qalin baa       laga tumi jirey fas cas bay    wada lahaayeen.

Qalabkaas haweenkii Soom-aaliyeed ee qarni iyo rubuc ka hor bay qaadan jireen, waxaana gadan jirey inta awoodda u leh, aad bayna waagaas qaali u ahaayeen ugu yaraana wuxuu ku kici jirey illaa 300 oo rubood qalabkas.

 

DHARKA RAGGA.

1.      Khayli, Maandheeri, Gu-duud, iyo madow bay lahayd, Bukula iyo Shixir baa laga keeni jirey.

2.      Khayli Cad = guduud iyo caddaan bay ahayd

3.      Kulumbaawi = cayn cayn bay ahayd, waxaana laga keeni jirey Kolombo iyo Srilank.

4.      Suuri = Suur iyo Masqad baa laga keeni jirey

5.      daclaani Macawis, Cima-amad = Hindiya baa laga keeni jirey, dukaamada Cadmeed baa laga soo gadan jirey, sidaas bayna magaca ku qaadatay.

 

Dhaqankaas maanta laga heli karo, wax la kaydiyeyna ma leh, awal waxay ku kay-sanaayeen Madxafkii Qar-anka ee Xamar, isagana waynu ognahay oo waa la bililiqaystay, waxaa habboon in wixii dhaqanka ka soo jeedda la kaydiyo si loogu aayo berito.