Warsidaha Puntland
Tirsi 102
Khamiis 26 July 2001
MADAXWEYNAHA DGPL OO ISKU SHAANDHEEYEY GOLIHII
WASIIRADA.
|
M |
adaxweynaha Dawlad Goboleedka
Puntland, Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa soo saaray wareegto lam,
MW/DPS/GXC200701/2001-da, kuna taariikhaysanayd 21/07/2001-da, wareegtadaas oo
ku saabsan isku-shaandhayn Golaha Wasiirada si-ku-meel-gaar ah, waxay u qornayd
sidatan:
MADAXWEYNAHA DAWLAD
GOBOLEEDKA PUNTLAND,
MARKUU ARKAY Dastuurka Dawladda
Puntland,
MARKUU LA TASHADAY
Madaxweyne-ku-xigeenka
Dawladda,
MARKUU TIXGELIYEY
Duruufaha taagan ee siyaasadeed,
bulsho iyo dhaqaale ee dalka,
WUXUU KU SAMEEYEY GOLAHA
XUKUUMADDA ISBADEL KOOBAN, WUXUUNA U MAGACAABAY, SI KU MEEL GAAR
AH.
A).
1.
Maxamed Xasan Nuur
Wasiirka Arrimaha Diinta, Awqaafta
iyo Dhaqancelinta
2.
Saciid C/laahi Saalax Deer
Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah
iyo Qorshaynta
3.
Axmed Maxamed Ceegaag
Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Beeraha
iyo Deegaanka
B).
ISLA XEERKAAN MADAXWEYNE,
WUXUU SI KU MEEL GAAR AH DIB UGU MAGACAABAY:
1.
Saciid Maxmed Maxamuud, Wasiirka
Maaliyadda.
2.
C/qaadir Islaan Maxamed, Wasiirka
Arrimaha Gudaha iyo Amniga Dadweynaha.
3.
Cali Ismaaciil Cabdigiir, Wasiirka
Kalluumaysiga, Dekedaha & Gaadiidka Badda
4.
Axmed Cabdi Maxamuud, Wasiirka Ganacsiga iyo
Warshadaha
5.
Faarax Warsame Cismaan, Wasiirka Adeegyada
Bulshada
6.
Cabdi C/lle Siciid, Wasiirka Hawlaha Guud
iyo Gaadiidka Dawladda.
C).
Xeerkaan Madaxweyne wuxuu kaloo, si
ku meel gaar ah, dib ugu magacaabay Wasiir ku xigeennaddii Golaha Xukuumadda oo
aan wax isbedel ah haatan lagu samayn.
D).
Dikreetadaan waxaa Golaha
Xukuumadda looga saaray Md, Maxamed Xaaji Aadan, Wasiirkii Xanaannada, Xoolaha,
Beeraha & Deegaanka.
C/laahi
Yuusuf Axmed Madaxweynaha
Dawladda.
DASTUURKA CUSUB EE
PUNTLAND.
DHISMAHA
SIYAASADEED EE PUNTLAND
QODOBKA
12AAD
XISBIYADA.
1.
Dawlad-Goboleedka Puntland waxaa lagaga dhaqmayaa nidaamka
xisbiyada
2.
Waxaa jiraya ugu badnaan saddex xisbi
siyaasadeed
3.
Waxaa reebban xisbiyada iyo ururada leh dabeecad ciidan
iyo qabiil
4.
Qofkii xisbi kaga guulaysta kursi kana baxa xisbiga waxa
uu waayayaa kursigii uu
xisbiga ku lahaa ee uu
ku guulaystay.
5.
Nidaamka xisbiyada waxaa lagu soo saarayaa xeer gaar ah
oo Xukuumaddu soo
jeediso
Goluhuna ansixiyo.
6.
Hantida qaranka looma isticmaali karo hawl
xisbiyeed.
7.
Ciiddii ay ku caadaato in ay u isticmaashay hantida
Qaranka arrimo xisbi waxaa la hor geynayaa
maxkamad.
SHURUUDAHA
FURASHADA XISBI SIYAASADEED.
Xisbi
kasta oo la furayo waa in uu buuxiyaa shruudaha soo
socda.
A.
Waa in uu leeyahay barnaamij siyaasadeed oo himilo
waddinaya leh
C.
Waa in uu leeyahay Saldhig dhaqaale oo damaanad qaadi
kara jiritaanka xisbiga oo
dhan (100 Malyan oo
Sh, SO ah) lana dhigo Bangiga
Dhexe
DHISMO-XUKUUMADDEEDKA
XISBIYADA.
2.
Haddii Xaalladda ku xusan
13.1 dhici weydo dawlad wadaag ah ayaa la soo dhisayaa, iyada oo xisbiga ugu
xubnaha badani hoggaaminta yeelanayo
3.
Haddii labo xisbi ama ka
badan isxubno le’ekaadaan, xisbiyadu wadahadal ayay ku
go’aansanayaan cidda hoggaaminta yeelanaysa.
TIROKOOBKA.
1.
Dadweynaha Puntland tobankii
sanaba mar baa la tiro koobayaa.
2.
Waqtiga tirokoobtu bilaaban
doonto xeer gaar ah baa lagu soo saari doonaa.
GUDDIGA
DOORASHADA.
1.
Waxaa jiraya guddi doorasho
oo guddoonka Golaha Wakilladu soo jeediyo Goluhuna
ansixiyo
2.
Waxaa guddiga doorashada la
magacaabayaa 3 saddex bilood ka hor waqtiga doorashada, waxa uuna ku egyahay
saddex bilood kaddib ee dhammaadka natiijada
doorashada.
3.
Guddigu waxa uu u
hoggaansamayaa sharciga oo kaliya.
4.
Markii la ansixiyo guddiga
doorashada, guud ahaan iyo gaar ahaan toona xilka lagama qaadi karo waxna lagama
beddeli karo.
5.
Guddigu warbixinta
doorashada waxa uu u gudbinayaa Guddoonka Golaha Wakiillada, Madaxtooyada iyo
Maxkamada Sare.
6.
Guddoomiyaha Guddiga
doorashada waxaa soo jeedinaya Guddoonka Golaha waxaana ansixinaya
Golaha.
7.
Tirada Guddiga doorashadu
kama yaraan karto 15 xubnood.
8.
Awooddaha iyo
xil-waajibaadka guddiga waxaa lagu qeexayaa xeer gaar ah oo Golaha Wakiilladu
soo saaro ansixiyaana.
MAXAAD KA TAQAAN GEEDKA TIMIRTA.
|
T |
imirtu waa la beeraa, magaciisa
asliga ahna Nak-hiil baa la yiraahdaa.
Ereygaasi af-carbeed buu ka soo
jeeddaa, macnihiisuna waa Tallaal, wuxuuna ka baxaa meelaha kuleylaha ah, dhulka
bannaan iyo bu-uraha dushooda oo dur-durada iyo hawada qabow leh baana lagu
beeraa Tim-irta.
Tallaalka Timirta god yar oo
byaha u qabta baa lagu fariisiyaa, ka dibna waa la waraabiyaa, biyaha danada ah
buu ku bixi ogyahay geedku, saddex sano buuna ku curtaa, biyaha macaanse shan
sanuu ku mireeyaa.
Saddex iyo afar fac baa la
gurtaa timirta geedkii la beeray, wuxuuna u qayb-samaa lab iyo
dhedig.
Sanadkasta laamuhu way ka
go’aan geedka jirridiisa, ama wuu baar goostaa, meesha laantu ka
go’day karaab baa la yiraahdaa, oo girgir bay
noqotaa.
Girgirku hal sano buu xisa-absan
yahay, sidaasaana lagu gartaa geedka filkiisa, labka iyo dhediguna laba-duba xay
cad bay bixiyaan inta aysan mireyn.
Ubaxa geedka labi budo buu isu
rogaa bil ka dib, dhediguna miro yar yar oo cagaaran ama gorob la yiraahdo buu
dhalaa, waana laysku faxlaa dhegiga iyo labka.
Timirta saddex bilood xay baa
saaran saddex kalena waa gumuc ama miro cee-riin oo cagaaran, saddex kalena waa
busur ama biseyl ka dibna waa dhu-gcaan.
Laanta miruhu ka raacaan far baa
la yiraahdaa, faraha oo idilna Kheyl baa la isku
yiraahdaa.
Nakhiilka ugu yar hal Kheyl baa
ka baxa, kan ugu weyna 20-khayl.
Marka miruhu bislaadaan maalin
dhaaf baa loo guraa inta aysan geedka ka soo dhicin, hadba intii bislaata ka
dibna waa la engejiyaa, Jiraab ama Kalay Caw laga falkiyey baa lagu cabbeeyaa
inta la cusbeeyo oo la kaydsadaa ama la iibgeeyaa.
Nakhiil weyn 20 Khel baa ka bixi
karta, Jiraabkana 10 Khayl baa ku qiyaasan muggiisa, Tiraabku afar Firaasiladood
(80 Rodol) buu qaadi karaa qiyaastii.
Wadanka Soomaaliya Tim-irtu
waxay ka baxdaa Gobolka Bari.
Waxtar weyn bay Timirtu u
leedahay dhaqaalaha dalka iyo dadkaba oo waa hanti joogto
ah tacab badanna u
baahan.
Walaal waa hubaal in aad ku
howlan tahay horumarka WARSIDAHAAGA.
Haddii aad kansho u weydo
qoraalada, nagu soo gudbi tusaalaha iyo talladaada wanaagsan lambarada hoos ku
qoran :
Tel. 252-5454443
Garoowe
Tel. 252-54-54457
Garoowe
KORORSO AQOONTAADA.
Kororso
aqoontaada waa barnaamij taxane ah oo aan kaga hadalno dalalka adduunka gaar
ahaan Afrika iyo Dunida islaamka, anagoo u kala dooranayna hadba dalalka ay
markaas kajiraan warar ay ay danaynayaan akhristayaasha WARSIDAHA PUNTLAND,
maantana waxaan ka hadlaynaa dalka Indonesia.
Waayahan
dambe, Waka-aladaha wararka iyo Idaa-cadaha adduunkaba waxay aad u hadal hayeen
shaqa-aqooyin siyaasadeed iyo loolan awoodeed oo ka taagan dalka gudihiisa, ugu
dambayntiina Baarlamaanka fadhigii uu yeeshay 23/07/2001-da wa-xay xilkii
Madaxweyne-nimada kaga qaadeen Md, C/raxmaan Waxiid, oo 22 bilood ka hor si
dimoqraadi ah loogu doortay jagadaas.
Miss,
Megawaati Sukaarno oo ahayd Madaxweyne-ku-xigeenkii C/raxmaan Wax-iid, ahna inan
uu dhalay Madaxweynihii kowaad ee Indonesia Axmed Sukaarno, ayaa loo dhaariyey
isla maalintaas (23/07/2001-da) in ay noqoto Mada-xweynihii 5-aad ee dalka iyo
dadka Indonesia.
Indonesia
waa dal ka tirsan qaarada Asia, kuna taal badweynta India, baaxada dhulkiisu
waxaa lagu qiya-asaa 1.919.443SQKM, dhu-lkaas oo ku kala firirsan 13.677
Jasiiradood.
Indonesia
waa dawlada Isla-amka ugu weyn dal iyo dad
ahaanba.
Tirada
dadka Reer Indo-nesia waa 220.000,000 (qof) una kala baxa 300 oo qowmiyadood,
90% dad-kaasi waa Muslim inta ka-lena waa Kiristaan Buudis
IWM.
Jakarta
waa Magaalo Mad-axda dalka Jaaba,
waxay ka mid tahay bogcadaha ugu dad badan aduunka
(Shi-imo).
Qarnigii
17aad Indonesia waxaa qabsaday oo ka talin jiray “Dutch”, 1942-dii
ayaa Jabaanku gacanta ku dhigay wuxuunka ka dhisay dawlad wadani ah, oo isaga
daba dhilif u ah.
1945-tii
markii uu dham-maaday dagaalkii 2-aad ee adduunka Jabaanka iyo xulufadiisiina
laga adka-aday, ayaa Indonesia laga dhisay dawlad xor ah oo uu madax ka noqday
Axmed Sukaarno.
1967-dii
afgembi ciidamadu kaga qaadeen Sukaarno aw-ooddii dalka, Suhaarto, oo ahaa
Taliyihii Ciidamada uu kula wareegay xukunka, kaas oo asagana kacdoon dadweyne looga
qaaday xafiiska.
1967-dii
Indonesia waxay qabsatay Barriga Tiimoor, ka dib markii Bortoqiiskii gumaysan
jirey ka kacay, arrintaas oo
dhaqaale iyo siyaasada Indonesia culays iyo ciriiri weyn u
keentay.
Dalka
Indonesia wuxuu dib-edda u dhoofiyaa Bunka, Tubaakada, Cinjirka, Sal-iida,
Gaaska Dabiiciga ah, Dharka, I.W.M.
Rubiya
waa lacagta dalka looga dhaqmo
Eebbaa
dhan oo aan qaldamin, na saxa haddii aan qaldano, na tilmaan haddii aanu
gaabino, dhaliishaadu way na dhaashi ee ha naga ma
suugin
JOOJINTA
FALALKA ANSHAX-XUMADDA AH.
|
W |
axaan
todobaadk-an barn-aamijke-enna diiniga ah kaga hadlaynaa falalka anshax-xumadda
ah iyo wixii ay diintu ka qabto, inkastoo aan halkaan lagu soo koobi karin hal
qoraal, maantase waxaan ku soo qaadanaynaa jirka oo la beddelo, sida kuwa
bedella abuurista Illaahay oo jirk-ooda jeex-jeexa magacyana ku qora, kuwa
ilkaha qora, kuwa marsada Kiimikada sida Diyaannadda, Mado-obaysada, Timaha oo
gees la xiiro geesna la daayo I.W.M.
Arrimahaas oo dhan
diin-teennu waa mamnuucday Nebigeenuna (NNKH) wuu nacladay kuwa xiiraya iyo tan
wax xiriirisa (xiriirintu waa kuwa timahooda timo kale ku daba) iyo kuwa
abuurista Illaahay bedella, Nebigu (NNKH) wuxuu kaloo reebay in timaha la
madoobeeyo oo cirrada la beddelo, arrimahaas oo loo sameeyo qurux
darteed.
1.
ISLA
SEE-XASHADA RAGGA IYO HAWEENKA
Ma
bannaana in ragga iyo haweenku ay is dhex see-xdaan sida Hoteellada iyo
buushashka iyagoo ajnebi kala ah, arrintaas diinteennu way mamnuucaysaa
Nebi-geennu (NNKH) wuxuu yiri “amra carruutiina in ay tukadaan markay
toddoba sano jiraan, toban jirkana ku garaaca salaada, jiifkana u kala duwa
iyagoo walaalo ah” (10) sano
jirka ah oo walaalaha ahaa jiifkii loo kala beddelay xaggay joo-gaan dadkii
ajnebiga kala ahaa.
2.
ISU
EKEYSIINTA RAGGA IYO DU-MARKA
Sida dharka, muuqaalka I.W.M
mana bannaana in ay haweenaydu qaadato lebiska ragga una jarato sida ragga iyo
sidoo kale in raggu qaato dharka haweenka, waxaana waa-yadan dambe soo ifbaxay
rag xirta Katiinaddo, Far-aantiyo dahab ah, taasoo ay diinta islaamku ka
mamnuucday Nebigeenuna (NNKH) wuxuu nacladay ninkii qaata lebiska haweenka
xirtana qalabka haw-eenka iyo in haweenku qaataan dharka nimanka, xadiiskan
waxaa weriyey Abuu Daa’uud sana-dkiisu waa
saxiix.
Saddexdaas qodob ee aan ka
hadalnay oo kaliya kuma koobna falalka anshax-xumadda ee aad bay u badan yihiin
haddii uu Illaahay yiraahdo waanu wadi doonnaa marka waxaa loo baahan yahay in
qof walba naftiisa ka adkaado oo xumaanta ka reebo, mar-ka xiggana qoyskiisa ka
raabo, marka ugu dam-baysana ummadda xum-maanta ka
reebo.
Arrimahaan aan soo shee-gnay
waa arrimo aad iyo aad u muuqda oo la sameeyo, waa in laga digtoonaadaa oo laga
ree-btoonaadaa, sababtoo ah Nebigeenu (NNKH) ayaa aad uga hadlay marka qofkii
loo sheego arri-mahaan iyo kuwo kaleba waa in uu ka reeb-toonaadaa haddii uu
saas samayn waayana waa dambaabayaa
Sh.
Ismaaciil X. Cabdi
Waaxda
Arrimaha Diinta
|
D |
haqanka wacan iyo Aqoonta ayaa ugu qiima weyn waxa dadku kala dhaxlaan, farsa-mada bulshada ayaa ah waxa muujiya inta ay le’eg tahay garaadkooda iyo ilbaxni-maddoodu, iyo hadba heer ay joogtay ilbaxnimaddiisu ina ay soo jireen dadkii kasbay, da’ walbana dhaxal bay u dhaaftaa midka ka dambeeya, nolosha dadkana waxaa sal-dhig u ah hantida dhaqaale ee taal dhulkooda, taariik-hdoodana waxaa laga dayaa abuurta dhulkooda iyo fars-amadooda.
Sida la ogyahay Soomaalidu waxay leedahay dhaqan aan ciddi la wadaagin oo iyaga gaar u ah.
Haddaba, waxaa jirtay in Haweenka Soomaaliyeed ay ahaayeen kuwo iyagu hor-muud u ah dhaqanka iyo farsamada Soomaalidu lahayd oo inta badan ay ka soo jeeday dhankooda, siiba dha-nka aqal Soomaaliga, waxay ahaayeen kuwo iyagu farsa-madiisa iska leh inta badan, oo si wacan oo wanaagsan u farsameeya bal eegga aqalka Soomaaligu inta uu ka kooban yahay “Dermooyin, Dhigaha, Loolka, Haamaha, Dhiilaha, Xargaha, Gabada, Satiyada, Abxadaha I.W.M”, kuli waxaa weeye farsamo ay lahaayeen haweenka Soo-maaliyeed.
Hooyada wanaagsani waxay gabadheeda bari jirtay fars-amada aqalka iyo tan xoolaadba, wayna ku faani jireen gabadha inanta ah wax-ay sii samaysan jirtay oo meel loo dhigi jirey alaabta ay iyadu farsamayso ama ay tosho say berri u anfacaan, waana lagu ammaani jirey.
Waxaa ceeb ku ahayd gabadh aan wax farsamo ahaanna la barin lamana guursan jirin.
Dhaqankii wanaagsanaa ee aynu lahayn sidaasna ahaa maanta gacanta ayuu ka sii baxayaa, hablaha Soom-aaliyeed ee maanta nool lagama heli karo oo waa dhif iyo naadir mid maanta falkin taqaan Dermooyinka ama toli taqaanDhiilaha iyo Haamaha.
Farsamo la’aanta maanta hablaha Soomaaliyeed hay-sata ee ka haysata xagga dhaqanka waxaa loo nisb-aynayaa xagga farsamada casriga ah ee dunidu gaartay, gurigii ama aqalkii miyiga oo isagu saldhig u ahaa dhaq-anka Soomaaliga waxaa maa-nta weel u ah Caagag ay ku shubtaan Caanaha, dhankii Gogoshii iyo Dermooyinkii ay falkin jireen waxaa beddelay Xasiig suuqa laga soo iibsaday; halkii ay kaga adeegi jireen suuqa dambiil, maanta suuqa waxay kaga adeegtaan Bac la iibinayo.
Maalin kasta oo dhaqaalle
joogto ah lagu bixiyo haddii
ay Caanihii, Saliidii, Son-kortii, Hilibkii iyo Khudradii mid walba bac loo iibsho maalin kasta sow dhaqaalle xummo maaha?, halkii ay iyadu ku xisaabtami lahayd dhaqaalaheeda sow maaha in ay dhaqaale nin kale ay kobcinayso, keediina ay baabi’inayso?.
Waxaa wanaagsan in ay dhaqankeenii ku faanno oo aynu ku dhegenaanno waayo, waxaynu horumarinaynaa dh-aqan nin kale uu leeyahay oo la inoo soo waariday, dha-qaalle badana inagaga baxay, taasna waa in lagu xisa-abtamaa.
Hablaha Soomaaliyeed waxaa wanaagsan in ay bartaan dhaqankooda oo dib ugu laabtaan kuna faanaan, sow ceeb maaha gabar aan Babis iyo Xaaqin midna samaysan karin? Oo ka sugaysa habarta 60 ama 70-tan jirka ah ee waqtigeedii sugaysa.
Waxaan leeyahay dib aynu ugu noqono dhaqankeenii oo aynu ku faano iskana dhaafno midka la inoo soo waarido.
“Ilbaxnimadeenii
Muddada Dheer Soo Taxnayd Yaysan Lumin, Gacanteena Iyo Aqoonteena Ha Inoogu
Kaydsanaato, Dhaxalna Aynu U Reebno Ubadkeena
Berrito”
RA’YIGA DADWEYNAHA
“MAXAA LOO BOOBAYAA DHULKII UMMADDA KA
DHEXEEYEY”
W.QORTAY “SAYNAB ISMAACIIL
AW-FAARAX”
Maqaalkan ku qoran boggan
ra’yiga waxay mas’uuliya-diisu gaar u tahay oo ku kooban tahay
qoraha qoray”.
Waxaa jirtay sida aynu wada
ognahay burbur aynu ku wey-nay qaranimaddeenii kaas oo ina dhaxalsiiyey
dhibaa-tooyin fara badan ee ay ka mid yihiin Xalaalsi dhiig sokeeye iyo dhac
hantiyeed, lagana barakacay gobolada Soomaaliya
badankood.
Taas
awgeed, gobolkaan Nugaaleed, waxaa jirtay inuu ka mid ahaa gobollada W/Bari ee
lahaa is-maamulka, iyadoo qof kasta ee waxgarad ahi uu iskiis isu xilsaaray dhan
kasta ha ahaatee, xagga dhismayaashii Dawladda iyo dhulkii ban-naanaa ee sida
xoogga leh gaarka ama waardiyaha looga hayey, waxaana ka mid ah
:-
1.
Wakaaladdii Ganacsiga Ummadda ee gobolkan oo
lahayd dhul baaxaddiisu dhan tahay 800m, anigoo ah qofkii gacanteeda ku qortay
warqaddii wakaalladdu ku doonaysay meel u noqota xarun.
2.
Garoonkii Diyaaradaha ee soo jireenka ahaa, ujeeddada loo ilaalinayay ee ay ku
nabadgaleen waxay ahayd ummaddu mustaqbalka ha u aydo.
Maxay ku dhacday markii aynu
yeelanay Maamul ay ku bahoobeen shanteena gobol iyo degmada Buuhoodle ee
aynu-samaysanay sharci iyo das-tuur,loona baahan yahay in lagu dhaqmo inaynnu
sidaas aan soo sheegay iyo meelo kale oo halbowle inoo la boobo sidii Qaniimad
Gaal aynu ka hel-nay,dagaal ina dhexmaray? Jawaabtu waxay u taal dad-weynaha
Reer Puntland.
KA YIMI
BOGGA 7-AAD... MARASHADII….
1.
Diglimo, Cududaha baa la gelin jirey sida
Duga-agadaha, lacag buu ka
samaysnaa.
2.
Waqaafyo, Gacmaha cur-curadooda baa la gelin
jirey, qalin bay ka sama-ysnaayeen, shunuufyo (Kubbado) yar yar baa ka laalaadi
jirey, Beri-Carab baa laga keeni jirey.
3.
Kureedyo, Dhegaha baa la suri jirey,
dhegtiiba lix meelood, saddex kor ah iyo saddex hoos ah baa la suri jirey,
Shunuufyo ba-ana ka lulan jirey, qalin baana laga tumi
jirey.
4.
Kaatunno, Tobanka far-ood ee
gacmaha waa la wada gelin jirey, Dahab ama
Qalin baa
laga tumi jirey fas cas bay
wada lahaayeen.
Qalabkaas haweenkii
Soom-aaliyeed ee qarni iyo rubuc ka hor bay qaadan jireen, waxaana gadan jirey
inta awoodda u leh, aad bayna waagaas qaali u ahaayeen ugu yaraana wuxuu ku kici
jirey illaa 300 oo rubood qalabkas.
DHARKA
RAGGA.
1.
Khayli, Maandheeri, Gu-duud, iyo madow bay
lahayd, Bukula iyo Shixir baa laga keeni jirey.
2.
Khayli Cad = guduud iyo caddaan bay
ahayd
3.
Kulumbaawi = cayn cayn bay ahayd, waxaana
laga keeni jirey Kolombo iyo Srilank.
4.
Suuri = Suur iyo Masqad baa laga keeni
jirey
5.
daclaani Macawis, Cima-amad = Hindiya baa
laga keeni jirey, dukaamada Cadmeed baa laga soo gadan jirey, sidaas bayna
magaca ku qaadatay.
Dhaqankaas maanta laga heli
karo, wax la kaydiyeyna ma leh, awal waxay ku kay-sanaayeen Madxafkii Qar-anka
ee Xamar, isagana waynu ognahay oo waa la bililiqaystay, waxaa habboon in wixii
dhaqanka ka soo jeedda la kaydiyo si loogu aayo
berito.