|
Warsidaha Puntland Tirsi 29 Jimce 7 Jan 2000 Bogga 2 |
|||
|
NIDAAMKA SHAQADA EE LOOGA BAAHAN YAHAY SHAQAALAHA DAWLIGA AH. Si aan wax uga ogaano nid-aamka shaqada ee looga baahan yahay shaqaalaha dawliga ah ayaan waxaan wareysi la yeelanay agaasi-maha guud ee Madaxa ban-naan ee shaqada iyo shaqaa-laha C/laahi Axmed C/dulle (Azhari). Waraysigiina wuxuu u dhacay. W.PL:- Maadaama aad tihiin Agaasinka Shaqada iyo Shaqaalaha qaabkee u kontorooshaan shaqaada? Azhari:- Axdiga dawlad Goboleedka PL Q.32.1 wuxuu qeexayaa in lagu dhaqmaayo shuruucdii daw-ladihii hore ee Soomaaliya, sidaa darteed shuruucda shaqada iyo shaqaalaha dawligaa iyo kuwa aan daw-liga ahaynba waxaa lagu dhaqayaa Qaynuun No.5, Qaynuun No. 65 iyo Qayn-uun No.19. Dhamaantood waanu soo uruurinay waxaana ka saar-nay wixii magac ahaa ee ay lahaan jireen dawladihii hore sida J.D.S, ururadda horusocodka, X.H.K.S, Jam-huuriyada Dimoqraadiga Soomaaliya iwm. waxaa khalaaso ku sameeyey Gar-yaqaanka Guud ee PL. Hay'adaha Dawladda shaqa-dooda waa u madax Banaan yihiin, waxaana jira xad sharciya oo qeexaaya xaquu-qda shaqadu ay leedahay ee shaqaalaha laga rabo, wax-aana korntoroolkeedda leh gudiyo goob shaqo oo xiriir la leh Madaxa hay'adda uu qofku ka shaaqaynaayo iyo Agaasinka shaqadda iyo shaqaalaha. Intaa waxaa dheer oo hay'ad waliba leed-ahay gudiga anshaxa, abaal-marinta iyo dalacaadaha oo isku xira shaqadda iyo shaq-aalaha Hay'adda. Wixii go'aanna oo ay gaaraana gudigaas oo uu |
2 Madax ka yahay agaa-simaha guud ee hay'adda waxay u gudbinayaan, Was-iirka Wasaaradda ama Madaxa hay'addaas haddii aysan wasiir lahayn, intaa ka dib tallaabadii anshaxeed, abaalmarinta ama dalacaad, waxaa loo soo gudbinayaa Agaasinka Guud ee Shaqada iyo Shaqaalaha. W.PL:- Waajibaadka laga rabo qofka shaqaalaha ah ee xagga shaqada iyo Shaqaa-laha maxaa ugu mihiimsan? Azhari:- Waajibaadka laga rabo waxaa ka mid ah. 1. Inuu waqtigiisa iyo wax qab-adkiisa ku jeediyo siduu uga soo bixi lahaa waaji-baadka iyo xilka jagadiisa ka saaran iyo hawlaha la xiriira ee ay madaxdiisu u xilsaa-rtay.. Inuu ka shaqqeeyo meeshuu u diraan Madaxda hay'addu .
W.PL:- Maxaa ka reeban qofka shaqaalaha ah? Azhari:- Qofka shaqaalaha uma banaana. B. Inuu ku kaco fal shaki galinkara hufnaantiisa iyo inuu daacad u yahay daw-ladda iyo dalka. T. Inuu daabaco ama suurto galiyo daabacaddo ku saa-bsan sirta dawladda ama khudbado iyo warbixino ras-miya ka soo jeediyo |
siyaasadda dawlada taasi ka mid ahayn hawshiisa caadi-ga ama uusan fasax uga hay-san madaxa hay'adiisa:- J. Inuu isku mar wadaqabto labo jago, isagoon si sharci-ya loogu ogolaan. X. Inuu waydiisto ama ka qaybgalo deeq hay'ad ka baxsan, kuwa ku shaqeeya caawinadda insaanka ama ka qayb galo lacag ururin ujee-ddo kasta ha lahaatee, had-uusan haysanin ogalaansha--ha madaxa hayadiisa. Kh. Inuu aqbalo hadiyad qi-imo leh ama shahaaddo. Haduusan haysan ogolaan-shaha madaxa hayadiisa taa-soo dhalin karta caadifad loogu soo gabban karo si looga faa'iidaysto shaqadii-sa. D. Inuu soo gudbiyo arji ama ogeysiis, madaxa hay'-ada isagoon soomarin wada-da toosan ee rasmigaa. R. inuusan ka tagin shaqa-diisa isagoon ogalaansho hore ka haysan madaxdiisa. W.PL:- Dadka iska maqan oo aan shaqayn sidee shaqa-da looga saarayaa? Azhari:- Qofka shaqaalaha ah markuu ka maqan yahay shaqa-dda muddo dhan 7 bari, sabab la'aan waxaa laga joojinayaa mushaaharka, marka uu gaarro lix biloodna shaqadaa laga joojinaayaa hase yeeshee mudadaa in ka yar waxaa loo saarayaa gud-diga anshaxa, abaalmarinta iyo dalacaadaha oo go'aan ka gaari kara ruqsadiisa. Lasoco CASHARA WASIIRNIMADU JIRKIISAY KU TOLAN TAHAY Inkasta oo ay taararka oof wareenka ah ee Garoowe iyo Hargeysa, dhababaca dharab Eriga dhaanta dhiil dhuunka, qalindaarka mala gadayaa-sha, halgaflaha hor iyo daba-diika, iyo weliba sayaxa yaacayda lacagaysani hadh- eeyeen Degmooyinka bariga Sanaag
|
Haddana culimada diinta ku ciraysatay cuqaasha dhawr-soon, Aqoonyahanada caqli-ga leh, Saraakiisha iyo dhalinyarada waaya aragga iyo dhammaanba run ku noolka bulshada bariga San-aag waxay hambalyo iyo soo dhoweyn u soo jeediyeen Waftiga Balaaran ee uu hor-kacayey Wasiirka Warfaafi-nta, Dhanka, Isg. Iyo Boos-tada ee Puntland Md Cawad Axmed Casharo waftigaan oo isugu jirtay xukuumi, Shaqaale Mamlaki iyo xub-no kale oo uu dhashay miis-aan aan la dafiri karinna ku leh Degaankaas, waxay u hoydeen Degmada Badhan habeenimo Axad ah ee 19/12/99 ka dib markii ay tabaabusho heer sare ah oo aan qarsoodi ahayn kaga soo bexeen caasimada Puntland iyo magaalada Bosaaso. Haddaba shaki kuma jiro in Wasiir ay horyaalaan caqab-ado aan sahlaneyn balse wasiirku isagoo ku tasha-naya Awoodda xukuumadda iyo madaxweynihiisa, kuna qanacsan miisaanka tayo ee xubnaha Waftigiisa iyo ku kalsoonaanta Aqoonta, Waa-ya Aragnimada iyo karti-diisa, wuxuu go'aan saday inuu u babac dhigo hagar daamooyinka sama diidiinta, una dhabar adayga aan xis-aabtanka saamisaluugga sad-ka beesha ee heer dawlo iyo talooyinka iyo canaanaha horumarineed ee ay u soo jeediyaan Arrinkeenka Bee-shu. Wasiirka iyo wafitgiisu waxay beriyeen waa cusb waxayna meesha ka saareen dhuxdhuxdii sii la hudka, waxayna soo afjareen, xuk-uumadu mategin, Casharo mategi karona Beenawdey Wasiirnimaduna jirkiisay ku tolan tahay. Axmed-Nuur Dhiilood Samatar k k k
|
|
Warsidaha Puntland Tirsi 29 Jimce 7 Jan 2000 Bogga 3 |
|||
|
SAGOOTINTA BISHA RAMADAAN . cWaxaan ku jirnaa tobankii maalmood ee ugu dambeey-ay Bisha Barakeysan ee Ramadan, marka waxaan dooneynaa inaan ka hadalno dhowr arimood sida:-
Waxaan ku bilaabeynaa Leylatul Qadriga Su'aal:- Waa maxay fadliga uu leeyahay habeenka ley-latul Qadriga. Jawaab:- Waa habeen bara-keysan oo lagu sheegay inuu ka fadli badanyahay kun Bilood oo lagu Qiyaasay 83-Sanno iyo dhowr Bilood. Su'aal:- Habeenkaas maxaa la'arkaa oo calaamad ah?. Jawaab:-Dadka qaarkiis waxay aaminsanyihiin in la-arko Qof iyo waxyaallo kale, laakiin arintu saas ma'aha ee Qofka waa in la'aqbalo camalkiisa ajarka uu helayana uu u dhigmo 83 sanno iyo dhawr bilood cib-aado aad sameyso, waxaa kaloo lawariyay in habeen-kaas maalintiisa uu jawgiisu degen yahay qoraxdana ay-san kuleyl laheyn. Su'aal:- Sidee baa arintaas lagu gaari karaa. Jawaab:- Waxaa lagu gaari karaa soo jeed oo la soo jeedo Habeenkii Qaarkiis oo lagu soo jeedo Salaad iyo Quraan Akhris taasna waxaa daliil kuugu filan nabigeena (S.C.W). tobanka dambe ee Bisha Ramadaan aad iyo aad ayuu u dadaali jiray waxuu-na ictikaafi jiray masjidka waxaana toosin jiray hawee-nkiisa. Su'aal:- Waa maxay sakaa-tul fidriga? Jawaab:- Waa sadaqo waa-jib ah in lala baxo. Su'aal:- yeey waajib ku tahay? Jawaab:- Qof kasta oo Muslim ah xor ah ama
|
addoon ah, lab ah ama dhedig ah, saqiir ama kabiir ah, kaasoo heli karra wax ka badan nolol maalmeedkiisa iyo wax dheeraadka ah isaga iyo intuu masruufkiisa ku waajib tahay habeen iyo maalintiisa ciidda ah, wax-aase shardi ah inuu waxa uu bixinayo uu dheeraad ka yahay kiradda guriga iyo qofka u adeega Qarashkiisa Su'aal:- Yaa bixinaya?. Jawaab:- Waxaa bixinaya Qofka mas'uulka ah. Su'aal:- Yuu ka bixinayaa? Jawaab:- Naftiisa iyo inta uu masruufo oo Islaam ah. Su'aal:- Haduu heli karro qeyb sakadii ka mid ah mabixinayaa mise ma bixi-nayo? Jawaab:- wuu bixinyaa. Su'aal:- Yuu ka bilaabayaa? Jawaab;- wuxuu ka bilaaba-yaa naftiisa, Xaaskiisa, Ilmi-hiisa yar, Aabihihii, Hooya-dii, Ilmihiisa weyn. Su'aal:- Maxaa la bixina-yaa? Jawaab:- Magaalada uu joogo waxa laga cuno kan ugu badan oo ah wixii iniin leh sida Haruurka, Timirta, Sareenka iwm. Su'aal:- lacag mala bixin karaa? Jawaab:- Maya mana heyno meel uu rasuulkii ama xadiis laga wariyey Nabigeenii SCW uu ku bixiyay ama saxaabadii ay ku bixiyeen, madhabkeena shaaficigana ma ogola isagoo raacaya wadadaas. Su'aal:- Xiligee la waajib-yeelay? Jawaab:- Sanadkii 2aad ee Hijriyadda oo ah sanadkii la faralyeelay soonka? Su'aal:- xiligee beey bilaa-bmeysaa bixinteedda? Jawaab:- Bisha awalkeeda oo ah Bisha Ramadaan. Su'aal:- Goormeey Bixint-eeda waajib tahay? Jawaab:- Habeenka ciida ay soo galeyso, waxaysa ku egtahay xiliga salaada kahor waxaase xaaran ah in maali-ntaas laga dambeeysiyo. |
Su'aal:- Qadarkee la bixina-yaa?Jawaab:- Waxaa la bix-inayaa saac oo ah shan Rodol Soomaali ahaan waa 2kiilo iyo bar iyo xooga yar. Su'aal:- Xikmadda ku jirta maxay tahay bixinta sakatul Fidriga? Jawaab:- Waxaa weeye nafta daahirinteedda iyo camalkaad soo gudatey dhameystirkiisa. Su'aal:- Sakaatul Fidriga maxay la mid tahay miisan ahaan marka loo eego camalada kale? Jawaa:- waxay lamid tahay sujuud sahwiga oo lagu kabo salada, Sakaatul Fidrigana waxaa lagu kabaa soonka. Su'aal:- Yaa la siinayaa Sakaatul Fidriga? Jawaab:- Masaakiinta iyo fuqaradda baa mudnaanta leh. Su'aal:- Waa maxay ciidul fidriga? Jawaab:- waa maalin weyn oo umadda farxad u ah wax-aana latukadaa Salad labo Rakco ah, waana ciidii ugu horeeysay uu nabigeena SCW tukado waxayna aheyd sanadkii 2aad ee hijriyada. Su'aal:- waqtigee latuka-daa? Jawaab:- Markeey Qoraxdu soo baxdo in le'eg waranka joogiisa waxaysa ku egtahay markeey quraxdu kalabarka gaarto. Su'aal:- Intee Ragcadood baa latukadaa? Jawaab:- 2 Ragcadood. Su'aal:- Imise takbiirood ayey leedahay? Jawaab:- Ragcada hore waa 7 takbiir, Ragcada dambana waa shan takbiirood, waxa-yna leehdahay 2 khudbad-ood oo tan jimcadda oo kale salaadda ka dib. Su'aal:- Maxaa Qofka Islaamka ahi maalintaas laga doonayaa? Jawaab:- Inuu wax soo cuno, dhar qurux badan soo xirto, isna carfiyo yimaa-dana meelaha lagu tukanayo. Su'aal:- Yaa xaadiraaya |
Salaada Ciidul Fidriga? Jawaab:- Qofkasta oo Mus-lim ah waxaana tukanaya Qofkasta oo daahir ah. Su'aal:- yaa tagaya Meelaha lagu tukanayo oo aan tuka-neyn? Jawaab:- Dumarka dhiiga caadada qaba, waxaana maa-lintaas la soo daaya gabdha-ha maqbiyada ah oo salaada tukadda. Su'aal:-majiraa soon u dhig-ma hadii la soomo ajarkiisa sanadkoo dhan inuu soom-ay? Jawaab:- Waa jiraa hadii qofka uu soomo bisha Ram-adaan raaciyana 6 bari oo bisha Shawaal ka mid ah taasna waxay daliil kuugu filan xadiiska Rasuulka SCW oo ah (Qofkii sooma Bisha Ramadaan Raaciyana 6 beri oo shawaal ah wuxuu la mid yahay isagoo soomay sanadka oo dhan). Taas fasirkeeda waxaa wee-ye sanadka wuxuu ka koo-ban yahay 360 Beri marka Bisha Ramadaan waa 30 Berri waxay la ajartahay 300 Berri, 6 Shawaalna Waxay la ajartahay 60 Berri. Taasna waxaa daliil u ah Ilaaheey wuxuu yiri Qofkii la yim-aada 1 wanaag wuxuu lamid yahay isagoo la yimid 10 wanaag. Waxaan iskula dardaarme-ynaa Ilaahey cabsidiisa meel kasta aan joogno, Ilaaheyna hanagu gaarsiiyo Ramadaan-ka Ramadaankiisa kale Bash-Bash iyo Barwaaqo iyo Caafimaad. Ismaaciil X. Cabdi. Waaxda Arrimaha Diita. Hambalyo Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka, Isgaarsiinta iyo Boostada waxay hambalyo iyo Bogaadin u dirayaan Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Md C/laahi Yuusuf Axmed, Madaxda kale ee Dawladda, Shacabka PL, iyo kan Soomaaliyeed Ciidul fidriga inagu soo aadan awgeed, waxayna leeyihiin Ilaahay sanadkaan sanadkiisa kale haynagu gaarsiiyo Barwaaqo iyo Baraare . c c c c
|
|
Warsidaha Puntland Tirsi 29 Jimce 7 Jan 2000 Bogga 4 |
|||
|
BANKIGA DAWLADDA PUNTLAND OO HIMALADIISII 1999 KU GUULAYSTAY. Iyadoo laga shidaal qaadan-aayo Axdiga Dawlad Gobol-eedka Puntland Qododka 17.1 oo qeexaya Asaaska Hay'adaha Madaxa Banaan oo Bankigu ka mid yahay, Digreetada Madaxweynaha oo 12/9/99 kuna saabsan magacaabida saraakiisha waaxyaha kala duwan ee dawlada, tala soo jeedinta gudoomiyaha Bankiga, Axmed max'ed Goonle Agaasimaha Guud Dr. Suudi iyo madaxa khasnadaha Axmed Deni Cabaas Faarax ee 30/12/99 iyo Ga'aanka Dawladda ee 31/12/98 oo ku wajahan hawlgalka furitaan-ka bankiga. Waxaa bulshada Puntland u dhabawday Himiladii iyo yoolkii uu Bankigu Higsan-aayay 1999 in uu si wayn ugu guulaystay, waxaana si habsami ah u hawlgalay xar-unta dhexe iyo todoba laam-ood kuwaasoo ka furmay 5ta Gobol iyo Degmada buuh-oodle oo ay ka koobantahay Dawlad Goboleedka Punt-land, Sidoo kale waxaa la dhis-ay qaybaha Agaasinka Guud oo kala ah khasnadda dhexe, xisaabaha Guud, Xiriirka Caalamka, Shaqaalaha, Xog-haynta Guud iyo Farsamada, Baarista iyo kormeerka, Qabanqaabada, Horumari-nta iyo Nabadgelyad waxaa kale oo ladhisay faracyada Ayraboorada Boosaaso iyo Gaalkacyo iyo Faraca laa-nta Bosaaso. Waxaa kale oo la dhama-ystiray xeerka Aasaasiga Bankiga, xeernidaamiya-da Hawlaha Bankiga iyo xeer hoosaaka shaqaalaha. Hadii aynu wax ka niraahno orgaanikada Bankiga Gudd-oomiyuhu waa awooda
|
ugu saraysa dhanka maamu-lka, Saraakiil Sare oo ah Ag-aasimaha Guud iyo korjeege (Isuduwe), Agaasimayaal dhexe oo ah Agaasime qay-beed, Maamule laameed iyo Horjeege xafiis fuliyayaal (karaani) oo ah hawl wadee-nada ugu balaaran ee Ban-kiga iyo Gargaarayaasha oo hadii kuwii hore ay yihiin mishiinka wax soosaarka iyaguna waa Garaasadii. Hawl maalmeedyada ban-kiga waxaa kamid ah Qab-ashada dakhliga iyo Bixinta kharashka Daw-ladda dhexe iyo tan hoose, ka hortagga qiime dhaca shilinka Soom-aaliga iyo xakamaynta sarif-ka lacagaha qalaad ee dalka Agaasimaha Guud ee Bankiga Dr. Suudi
OGEYSIIS. Waaxda Gaadiidka iyo Duu-lista waxay ogaysiinaysaa, kuna wargalinaysaa Gaadii-dka ku sugan Gobolka Nug-aal in la furay xafiiskii diiwaan galinta Gaadiidka dad-waynaha (PRA) lagana furay xarunta hawlaha Guud ee Magaalo madaxda Garoo-we. Xafiiskaas waxaa laga heli doonaa hab sharciyeedkii gaadiidka iyo wadayaasha waxaana la furay 26/12/99 Gaadiidlayda waxaa lagu wargalinaynaa inay sharci-yeystaan Gaadiidkooda sida ugu dhaqsaha badan. Faarax Milixle Jaamac Ku/Simaha Af. Waaxda Gaadiidka iyo Duulista |
Ka yimi Bogga 1aad. WAFTI UU HOGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA Wasiirku wuxuu Gobolka gaaray waqtigii ku haboo-nayd in la tago oo ay gobol-ka soo galeen Ciidamo aan u dhalan deegaanka oo danay-naayey dadka inay iska hor keenaan, waqtigii waftigii ugu horeeyey PL ee tagay ka hor in la tago ayey u baah-nayd sida ay sheegeen mas'uuliyiin xogogaal ah oo dhawaan ka yimid Gobolka Sanaag. Taliyaha Ciidanka Puntland ee Gobolka Sanaag ayaa wuxuu muujiyey dadaal weyn si aan halkaa iska hor imaad uga dhicin. Dhibaatada waxaa wada sida la xaqiijiyey dad aan dee-gaankaas ahayn oo Cigaal soo direy, kana faa'iidaysan-aya lacago deegaanka loogu talagalay oo ay bixiyeen Hay'adaha caalamiga ah iyo dawladaha caalamka ah, si qaldana loo soomariyo Cigaal oo ku dadaalaaya in uu dagaal ka rido Sanaag siduu uga riday Hargeysa iyo Burco. Waxaase jira dadaal badan oo ay sameeyeen hogaamiye dhaqameedka iyo Maamulka Puntland, kaasoo suurto gal-iyey inaan dhiig ka dhaxd-aadan dadka ehelka ah ilaa waqtigaan la joogo, waxaa yaab ku abuurtay dadwey-naha reer Sanaag ee taagee-rsan Dawlad Goboleedka Puntland kana soo horjeeda kala qoqobka iyo Hay'adaha caalamiga ah inay Cigaal oo gooni goosad u heelan inay siiyaan lacagihii loogu tala-galay dhaqan celinta Sanaag Bari, lacaga-haas oo uu Maxamed Ibraahim Cigaal ku fushado hawlihiisa siyaa-siga ah uuna siiyo Boqolaal kun oo dollar Dad kamid ah deegaanka si ay uga horta-gaan himalada |
Dadweynaha ku dhaqan Sanaag Bari oo raba midni-mada Soomaaliya iyo dhismaha Puntland. Dhanka kale sida ay xaqiiji-yeen Mas'uuliyiin xogogaal u ah Gobolka waxaa jiray dhalinyaro tiro yar oo la qal-day kadibna badan koodii u soo noqdeen Ciidamadoo-dii. Markii ay fahmeen xaq-iiqadu siday tahay iyo ujee-dada ka dambaysay sidii khaldanayd ee wax loogu sheegay. GO'AAMO KA SOO BAXAY G.SANAAG Waxaa lagu qabtay magaa-ladda Badhan 26/12/99 shir balaaran oo ay ka soo qayb galeen hogaamiye dhaqa-meedka, aqoonyahanka, wax garadka iyo maamulka wax-aana lagu go'aamiyey.
|
|
Warsidaha Puntland Tirsi 29 Jimce 7 Jan 2000 Bogga 5 |
|||
|
SIYAASADDA NABADEYNTA SOMAALIYA XAGGEY SALDHIGAN DOONTAA! Soomaalidu waa ummad isku af, Dhaqan, Taariikh, Caado iyo diin ah, balse waxa lagu tilmaami karaa in ay isku qoys yihiin, tan iyo qarnigii 19aad sanadihii 1870kii oo ahayd waayihiii gumeysigu ku habsaday dal-ka Somaliyeed iyo tixraaca shirkii Baarliin 1884 ay dalalka reer Yurub ay ku qeybsanayeen dalalka Afrika gaar ahaan dalka Somali-yeed, gumeysigu waxa uu u heelanaa sidii uu umma-ddaas isku qoyska ah uu u kale geyn lahaa iyo sidii uu u hantiyi lahaa dhulka hodo-nka ah waxa dalalka Yurub-ka ah fejicesey sida fog ee ummadda Somaliyeed ay ugu dheehantahay caqiidada Islaamka iyo ku dhegganaa-nta haybednimada ummadda Soomaaliyeed oo ah mid aan god daloolo u ogoleyn soo dhex galka dhaqamada shisheeye gaar ahaan Ing-riiska iyo Talyaaniga waxay si ba'an faraha ugaga gub-teen qabsashadii dalka Soo-maaliyeed. Ka dib markii kacaankii Daraawiishta oo in ka badan rubuc qarni ay naafeeyeen isku deygii iyo himilooyi-nkii gumeysiga Ingriiska uu ku lahaa Somaliya. Dhanka kale talyaanigu faraha ayuu kaga gubtay markii halg-ankii Biyo maalka ay gar-ba tireen gumeysigii taly aaniga Siyaasadaha sanduleynta iyo kale geynta ee hadafka u ah gumeysiga reer Yurub wax-ay fursad heshay markay dhulka afka u dareen dawla-dnimadii iyo qaranim-adii Soomaaliyeed 26 Janaayo 1991, in kasta oo Somalida |
kooxo ku salaysan qabiil loo kale qeybiyey faragelin shi-sheeye oo xoog badan dibe-dda kaga timi hadana shac-biga Soomaaliyeed, dareen-ka ay u qabaan in la gaari karo dib-u-heshiisiin dawlad midnimo qaran leh waa mid aad u weyn. Isku soo wada duuboo hin-disihii Ismaaciil Cumar Gee-lle Madaxweynaha Jabuut oo ku saabsan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed ayaa u eg mid miro dhal ah waayo waxa uu fursad siinayaa dham-maan ururada Bulshada iyo dhulka ku guuleystay in ay samay-staan maamulo nabada suga-ya. Qarnigii 21aad ayaa la galay sharciguna waa nacay col-aadda waxayna ummaddu u heelan tahay in la helo Daw-lad iyo midnimo qaran. Ugu dambeynta siyaasadda nabadeynta Soomaaliyeed wey guuleysan doontaa, waxaa hadhi doona faregeli-nta shisheeyaha oo aan doo-nayn in Soomaali dawlad qaran yeelato. Dagaal oogayasha oo lumi-yey kal soonidii dadweyna-ha dibadahana looga soo dayrshey ayaa waxa hor taalla labo daran mid dooro, in ay ummadda uga tanaasu-lan una baneeyeen xukunka iyo in loo aqoonsanado Dembilayaal dagaal oo ummadda madax farasho u haystay. Waxyaabahaas oo dhan, waxay soo dhaweynayaan in ay sal dhigato siyaasadda nabadeynta oo hadda la wado cid kasta oo damac siyaasadeed iyo dano gaar ahna ka lahaydna ay shadaaftooda laabtaan waa-yo Soomaaliya, Soomaali baa iska leh ama woqooyi ha jireen ama konfurba. Diyaariye Saleebaan Xaaji Siciid Nuur |
Ka yimi Bogga 1aad. WAFTIGA UU HOGAAMINAAYO MADAXWEYNE KU XIGEENKA PL.... Isimadda iyo waftigu waxay ka wada hadleen sidii loo dhaqaajin lahaa maamulka Gobolka Sool, 28/12/99 waftigu wuxuu martiqaad u sameeyey cuqaasha Gobolka Sool ee markaa ku sugnaa Laascaano iyo guurtidda kala duwan waxayna mar-key kala qaateen warbixino ka dib, ugudbeen oo ka wada hadleen, sidii xog dhaba loo hel laha isla mar-kaana loo dhaqaajin lahaa Maamulka. Waxay kaloo waftigii la kulmeen ururadda haweenka ee Gobolka oo iyagu (Haw-eenka), kulan kaa ka soo jeediyey khudbadda ay ku dheehnayd qiiro iyo wad-aninimo, waxaase xusid mudan dadkii halkaa ka hadlay inay ka mid ahayd murwo Waris Cali Warsame oo ka mid ah Beesha Gobooyaha, waxayna shee-gtay isfahan la'aanta beelaha Gobolka dhexdooda inay sabab u tahay cadaalad dar-ada iyo dulmiga loo gaystay Beesha Gabooyaha. Dhamaadkii todobaadkii hore waxaa kaloo uu sii gooniya waftigu u qaabilay Garaad Saleebaan Garaad Max'ed, kulankooduna waxa uu ahaa mid albaabadu u xiran yihiin, hase yeeshee Cismaan C/nuur Xaashi oo wax ka waydiiyey Wasiirka Warshadaha iyo Ganac-siga Axmed Cabdi Xaab-sadde oo haatan ah xirii-riyaha, waftiga waxaa uu wariyaha u sheegay in wax walba lays-ku afgartay. Dhanka kalana maruu wariyuhu waydiiyey Garaad Saleebaan
|
wixii ka soo baxay kulan-koodii wuxuu sheegay inuu waftiga shuruud kaga dhigay inay xaliyaan Cabashadda Beesha oo uusan kaligii go'aan ka gaari karin. Wafti-gu wuxuu kaloo si gaarra uu qaabilay ururka haweenka koonfurta sanaag, waxayna soo jeediyeen cabasho ah Deegaankaas in dawladda Puntland ilowday. Waftiga waxaa la filayaa in uu dhaqso ugu ambabaxo degmadda Buuhoodle, guud ahaan nabadgelyada iyo xasiloonidda Gobolka iyo waliba tan Magaaladda Laascaano aad iyo aad bay u wanaagsan tahay, mana jiraan wax abaabulo ah oo Gobolka ka jira marka laga reebo hawlaha uu waddo waftiga PL ee Gobolka ku sugan. WARAYSI KU SAABSAN DHOOFKA XOOLAHA DEKADDA BOSAASO Waxaa u suurta gashay in uu la kumo Wariye ka tirsan Warsidaha Puntland C/sa-laan Warsame Bowne oo ka tirsan dhaqaatiirta Xoolaha ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, waxaana la way-diiyey. Bishii sagaalaad ilaa 23/12/99ka inta xoole la dhoofiyey iyo dalalka loo dhoofiyey, wuxuuna ku jawaabay Xoolaha waxaa loo dhoofiyaa dalalka Sucuudiga, Yaman, Cum-aan, Imaaradka Carabta, Xoolahaas oo isugu jira Ahmi, Dibi iyo Awr. Waxay kala ahaayeen ahmi 215 iyo 180, Dibi 16771,000, Awr 8110, Dhakhtarku wuxuu intaa ku daray inaan xoola-haas waxba laga soo celin in kastoo bilihii ka horeeyey Siteembar 1999 la soo celi-yey 14200. CUDUDAAR!!! Waxaan akhristayaasha uga cududaaranaynaa inay todobaadkaan nagu timi cilad xaga farsamada ah ayna sababtay dibudhaca iyo qaabkaan cusub ee daabacaadda, waxayna rajeynaynaa inay ciladu dhaqso hagaagto
|
|
Warsidaha Puntland Tirsi 29 Jimce 7 Jan 2000 Bogga 6 |
|||
|
Ka yimi Bogga 1aad. KHUDBADDII GUDD. GOLAHA WAKIILADA...
Qaabka socodsiintu ajanday-aashu xukuumadu wuxuu ku salaysnaa aqoon isweydaar-si, isa sixid, isqancin iyo islafahan xaalada jirta wuxuuna u fulay sidan:-
|
dhagaystay dhammaan Was-aaradda iyo Hay'adaha mad-axa banaan ee dawlada mar-ka laga reebo iskaashiga guud ee caalamiga ah iyo hanti dhowrka warbixino ku saabsan Hay'adahaas. b. dhagaysiga warbixinada ka dib waxay mudanayaasha madaxda Wasaaradaha iyo Hay'ad kasta oo madax-ban-aan u jeediyeen su'aalo iyo talooyin ku wajahan waxqa-badka ku dhaqanka shuruuc-da, hirgilinta barnaamijyada dawladda iyo dhibaatooyin-ka hortaagan guud ahaan socodka hawlaha. Mas'uuliyiinta Wasaaradaha iyo Hay'adahaba waxay aad isugu taxaluujiyeen qancinta mudanayaasha gaar ahaan arrimaha aad loogu noq noqonayey, sida xogta laga hayo shilalkii ka dhacay Burtinle iyo Garoowe, shir-kada loo xilsaara ilaalinta badda Puntland, qaabka Hay'adda NESHA, hab socodka maamulka Gobo-lada siiba Sool iyo Sanaag.
|
Sidaas darteed waxay xuk-uumada horkeentay kalfa-dhiga qawaaniin xasaasi ah oo ay ugu talagashay in lagu dhaqo bulshada marxaladaha kala guurka ah, hadaba Gol-aha wakiilada isaga oo ka duulaya dareenka dadwe-ynaha, dhaqamada gaarka saah shacabka Puntland isla markaana qiimaynaaya xaal-adaha dalku ku sugan yahay dhibkasta ayuu isku taxlu-jiyey inuu si qoto dheer uga doodo ugana barandago qawaaniinta khuseeya meela xasaasi ah sida nabadgel-yada, Anshaxa, Deegaanka iwm. Kadib markii aad u lafagur-ay ugana dooday wuxuu Goluhu ansixiyey qawaan-iinta soo socota:-
|
Waxaa dib loo dhigay:-
Waxaa dib loo celiyey:-
|
|
Warsidaha Puntland Tirsi 29 Arbaca 7 Jan 2000 Bogga 7 |
|||
|
DOKUMENTI QARSOODI AHAA OO CIGAAL U DIRAY (ISXAAQ RABIIN) Soomaalidu, waxay muddo la yaabanayd mowqifka Cigaal iska taagey qadiyadda Soo-maaliyeed bur-burkii J.D.S ka dib Cigaal wuxuu istusay in uu ka faa'iidaysto duruu-fahaas burburka, dagaalka sokeeye iyo dawlad la'aanta, waxaa jirta qaacida qaynuun ah oo dheheysa. (Qiraalku waa mudanaha daliilka) Warsidaha Puntl-and, wuxuu akhristayaasha la socod siinayaa qoraalkii caanka ahaa oo af Ingriisiga ku qoran ee Cigaal u diray Raysal Wasaaraha hore ee Israa'iil (Isxaaq Rabiin 3 juulay 1995, si loo ogaado sababaha Cigaal u kala qay-bin rabo Soomaaliya uguna dhawaaqay gooni ugoosiga iyo cadaawadda uu u hayo Soomaalida, Carabta iyo Islaamka ESTABLISHING STRATEGIC PARNERSHIP WITH THE STATE OF ISRAEL... In my capacity as the Presi-dent of the Republic of Somaliland; an admirer of the State of Israel and the courage of its people, please accept my compliments and my people's profound felici-tations to you, your govern-ment, president and the people of Israel for their ten-acity, strength and resource-fulness which had finally constrained it's adversaries to make peace with state of Israel. I have the honour of representing the people of Somaliland and it's nascent state in this opportunity for seeking to establishing ami-able and strategic links with the state of Israel. It is important to note that |
our two nations have had strong links since time immemorial. Indicative of such historical links, stret-ching well before the advent of Islam to this date is the influence of the Hebrew cul-ture in Somaliland and how Jewish legends and their mystical powers are widely acknowledged and homage paid to them. In addition the people of Somaliland are appreciative as they have an indelible memory of the fact that Israel was among the first three Cauntries who recognized Somliland after it declared its independence from Britain on 26th June 1960, alas, that independen-ce lasted no more than four days as Somaliland entered into a voluntary Union with the UN trust territory of Somalia on 1st July 1960, in the hope of creating Greater Somalia. ( Lasoco) Ka yimi Bogga 1aad. MADAXWAYNAHA PL OO KHUDBAD KA... Intaa ka dib madaxwaynuhu wxuu sheegay kalfadhigaan inuu jiitamay, qorshuna ahaa in lagu dhameeyo 34 cisho, uuna gaaray 62 cisho, wuxuu kaloo madaxwaynuhu aad u sharaxay cadeeyeyna inaan waxba ka jirin dhaliilo loo soo jeediyey xukuumadda oo ay ka mid ahayd, inay dawladu maamulka si wanaagsan uga hirgalin wayday Goboladda Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, wuxuuna sheegay sanadka 2000 bilowgiisa inay xukuu-mada qorshaha ku jirto cansh-uurta isku si in loogga qaaddo shanta Gobol ee PL ka koo-bantahay iyo Buuhoodle, qofkaan canshuurta bixina madaxwaynuhu wuxuu ku tilmaamay inuu yahay muwaadin dhiman iyo in loo baahan yahay maadaama kharashka loo baahan yahay ka badan yahay dakhliga dhabtaa in cashuurta laga qaaddo cidkasta oo ay ku
|
waajibta. Dhanka ilaalinta dhaqaalaha isagoo ka hadlaaya wuxuu yiri qofkii shilin qaadda oo lawaayo isagana waa la waayaayaa, qof walbana waxaa lagula xisaabtamayaa wuxuu bi'iyo. Dhanka garsoorka maruu Madaxwaynu ka hadlay waxa uu sheegay, Garsoorka inuu u madax banaan yahay, iyo waajibaadyadda Axdigu siinaayo hase yeeshee aysan u madaxbanaaneen maamul iyo siyaasad ahaan, sadexda Gole ee dawladda waxa uu ku tilmaamay inay wada shaqeynayaan, laan walba-na leedahay meel ay hawsheeddu ku egtahay, howshuna waa isu miisaa-man tahay, dawlad Gobol-eedkuna Golayaasha oo dhan siyaasad ayey ka leedahay. Madaxwaynuhu mar uu ka hadlaayey kooxaha xaga diinta wuxuu sheegay inay-san xukuumaddu soo kala dhaweysan, diinta dhabtaana tahay quranka iyo sunada saxiixa ah ee sugnaatay, dhibaatadda meesha ku jir-tana wuxuu ku tilmaamay mid siyaasadeed, Puntland, midnimadeedda, siyaasade-edda cidii ka hortimaadana farahaan isla galaynaa, qofkii yiraahda PL dabadaan u taageynaana ka yeeli mayno, hadii la yiraahdo Diin baan wadnaa oo naloo hadoodilo yaa ka masuula xukuumadda? waxaana ujeednaa in aan nala qasin. Madaxwaynuhu wuxuu xu-say kalfadhigii dheeraaday ee golaha inuu sababay hawlo badan inay dib u dhacaan wuxuuna yiri isagoo la kaftamaya cid kale waxay sheegto waa sheegaynaa, annagana (Golaha wakiilada) yaan wax nagala sheegin ma garbaa? Madaxweynuhu wuxuu khu-dbaddiisa ku sheegay Daw-ladda Puntland inay wafti u |
dirtay Jabuuti oo gacanta ku haysa barnaamijka dib u heshiisiinta Soomaaliya. wuxuuna ka digay inaan loo baahnayn wakhtigaan in dadka la jaah wareeriyo oo loo sheego waxaan jirin waayo buu yiri shir dhaw majiro, qaabeyntiisuna lix bilood ayey qaadanaysaa, markii hadal cad oo kama dammeys ah soo baxo ayaa waxaa loo baahnaan doonaa talo. Xisbiyo la aqoonsanaayo sadexdaas sanana ma jiraan, ururro jira oo la aqoonsan yahayna ma jiraan, bulsho weyn qaybo kala ah ayaa jirta, waxaasoo dhanna Puntland ayey isku yihiin. Talada waxaa ka fariisanaa-ya Xukuumadda, Madax dhaqameedka iyo Gudiga Joogtada ah ee Golaha Wak-iilada, taladii mar haddey inoo taal ma aha wax lagu jaah wareero. Gabagabadii khudbaddiisa Madaxweynuhu wuxuu sheegay haddii ay is dabooli weyso Miisaaniyadda San-nadka 2000 ee Golaha Baar-lamaanku Ansixiyay in dib loogu soo celinaayo Baarla-maanka. Wuxuu kaloo ku noq-noqday Madaxweynuhu kharashka loo baahan yahay iyo dakhliga Puntland inuu badan yahay kharashka aysanna suuro gal ahayn in la ruqseeyo qaar ka mid ah shaqaalaha Dawladda iyo Ciidamada, wuxuu ku baaqay in canshuurta laga qaado Bad & Berriba, xoogana la saaro meelaha ay ku baaqatay ee ay ka mid yihiin Guryaha iyo Dhulka Bannaan laguna dadaalo sidii ay isugu fillaan lahayd Puntland loona raadin lahaa kaalmo dibadeed.
|
MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO KHUDBAD KA SOO JEEDIYEY XIRITAANKII KALFADHIGA 2AAD EE GOLAHA WAKIILADA.
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka PL Md C/laahi Yuusuf Axmed ayaa khudbad dheer ka soo jeediyey xiri-taankii kalfadhiga 2aad ee la soo gabo-gabeeyey 02/01/2000, kaasoo ay ka soo qaybgaleen Isimo, Golaha Wasiiradda, Hawl wadeenadda dawladda PL, wax garad iyo marti sharaf kale:-
Madaxweynuhu wuxuu khudbadiisa ku bilaabay salaan uu u soo gudbiyey dad-kii xiritaanka ka soo qaybgalay waxaa-na hadaladiisa ka mid ahaa sanadkaan wuxuu buuxinayaa Qarnigii 20aad marka laga soo bilaabo, dhalashadii Nabi Ciise (2000 Sano), diseebar 2000-na, waxaa bilaabanaya kunkii 3aad, waxaan kaloo ku guddo jirnaa dhamaa-dkii bisha Ramadaan waxaana sharaf iyo maamus ii ah inaan ka soo qaybgalo xiritaanka kalfadhiga, Goluhuna waa ku ammmaanan yahay hawshuu qabtay. Eeg Bogga 7aad
WAFTIGA UU HOGAAMINAAYO MADAXWEYNE KU XIGEENKA PL OO LAASCAANOOD KU QABTAY SHIRAR ISDABAJOOG AH.
Waftiga uu hogaaminaayo Madaxweyne ku xigeenka PL Md Max'ed Cabdi Xaashi oo muddo labo todobaadku dhow Laascaano ku sugnaa ayaa waxay qabteen shirar isdaba joog ah oo ay la yeelanayeen qaybaha bulshada ee kala duwan.
Waftigu waxay qaabileen 27/12/99 Isimadda Gobolka Sool ku sugnaa marka laga reebo Garaad Saleebaan Garaad Max'ed iyo Garaad Ismaaciil. Eeg Bogga 5aad
KHUDBADII GUDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADA PUNTLAND EE XIRITAANKA KALFADHIGA 2AAD
Waxaa la soo gabogabeeyey 02/01/2000 kalfadhigii 2aad ee Golaha wakiiladda PL ee ka socday Magaaladda Garoo-we intii u dhaxaysay 31/10/99 ilaa 02/01/2000 ayna ka qayb galeen 61 mudane, waxaana Guddomiyaha Golaha wakiiladda Dr. Yuusuf Xaaji Siciid ka soo jeediyey khud-bad uu akhrinteedda u xilsartay, xoghayaha joogtada ee Go-laha Wakiiladda, khudbadaas oo ka koobnayd.
Eeg Bogga 6aad
WAFTI UU HOGAAMINAAYO GUDOOMIYAHA BAARLAANKA IYO WASIIRKA WARFAAFINTA OO U AMBABAXAYA GOBOLKA SANAAG
Wafti balaaran oo uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Golaha wakiiladda PL Dr Yuusuf Xaaji Siciid iyo Wasiirka Warfaa-finta Md Cawad Axmed Casharo ayna kamid yihiin xildhibaa-nadda G. Sanaag laga soo doorta oo dhan iyo saraakiil sar sare oo ka socda xukuumadda iyo Ciidamadda ayaa dhakhso uga amba baxaya Garoowe, Waftigaasoo la filayo inay Gobolka Sanaag kormeer shaqo ku joogidoonaan in ka badan 20 casho. Eeg Bogga 4aad
MAXKAMADDA SARE OO 30 KIIS KU QAADAYSA BOSAASO.
Waxaan ku sugan Magaalada Bosaaso Guddiga Garsoorka ee Maxkamadda Sare oo uu hogaaminaayo Dr. Yuusuf Xaaji Nuur iyo xeer ilaaliyaha Guud ee PL Dr. Bashiir Yuusuf Nuur, waxayna halkaa ku galayaan 30 kiis oo racfaan lagaga soo qaatay ee Maxkamadda Racfaanka Gobolka Bari. Dacwadahaas oo isugu jira madani iyo ciqaab nidaamku wuxuu ahaa in caasumadda lagu qaado, waxaase suurta galin weysay duruufta, kiisaska oo badan, dadka loo baahanayo oo aad u badan sida markhaatiyaasha iyo wixii la mid ah, arimahaas oo dhan iyagoo tixgelinaaya ayaan Guddigu Boosaaaso u tegey.