Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Warsidaha Puntland Tirsi 30 Arbaca 12 Jan 2000 Garoowe Bogga2

GO'AAMADII IYO QARAARADII KA SOO BAXAY KALFADHIGII LABAAD G.W.PL.

Waxaa ka soo baxay Kal-fadhigii labaad ee Golaha Baarlaanka PL Go'aamo iyo qaraaro kala ah:-

1.qaraarka laga soo saaray habka ay Hay'adaha sama-falku uga hawl galaan PL oo aan waafaqsanayn axd-iga Puntland iyagoo wax-qabadkooda ku kooba saddexdii gobol ee la isku oran jirey W/Bari.

  1. Qoraal lagu ayidayo soo jeedintii madaxwey-naha Jabuuti Md. Ismaa-ciil Cumar Geelle ee dib u heshiisiinta.
  2. Go'aan lagu kordhiyay Guddiga Joogtada oo lagu daray gabar ka mid ah xildhibaanada.
  3. Waxaa la dhisay gud-digii dastuurka iyo doora-shooyinka qaybtii Golaha Wakiilada.

5. Waxaa la ansixiyay laba xildhibaan oo beela-hoodu ku soo badaleen xildhibaanno soo xaadiri waayay.

XASHIISHAD, MIINO IYO TAHRIIB AY QABTEEN BOOLISKA BOSAASO

01/01/2000 Waxay Ciidanka Booliiska ee kontoroolka Boosaaso gacanta ku dhig-een 35 duub oo xashiishad ah, waxaana lagu qabtay nin layiraahdo C/laahi Muuse Max'ed, waxaana loo taxaa-bay xabsiga dhexe ee Boo-saaso waxaana la horkeeni doonaa Maxkamad.

25/12/99 waxaa Ciidanka Booliska gacanta ku dhigeen 250kg oo miino ah waxaana lagu qabtay Muuse Cismaan Max'uud, waxaana loo taxaabay Xabsiga waana Maxkamad suge. 27/12/99

 

Ciidanka Booliska Bosaaso waxay gacanta ku dhigeen 85 qof oo tahriib ah naakh-uudihiina waxaa loo taxaa-bay xabsiga, tahriibtiina dib ayaa loo celiyay.

QOSOLKA IYO NIMCADA SOO WAJAHAN.

 

Gabaygan waxa curiyey Awrka cirka waxana ka soo guuriyey Max'uud Muuse Cali.

Wuxuuna ku saabsan yah-ay Hilaado Qarniga soo socda.

  1. Quwad iyo qaraar iyo sarrayn qaadir bayska leh.
  2. Qarsoonaha jinkiyo Aadmiga Qaaradaha buu-xshey.
  3. Waxaan Caabudaad qudha ahayn looma qala-bayne.
  4. Qabka uun tahay waa u halis qabaasho xoog weyne.
  5. Waa wixii dhammaan loo qarraqay qaar horoo badane.
  6. Quruun iyo shakhsiba kibirku waw qoomamiyo hooge.
  7. Haddaaney qushayn oo ibliis Qaalib ka ahaanin.
  8. Kama Qubo ilaahay nimcada Qoom u daaca-dahe.
  9. Soomaali qaxarkii ku dhacay waw qalmahayeene.
  10. Iyagaa qummaati u kasbaday Qaran jabkoo-diiye.
  11. Quraankiyo Xadiiskiyo sharciga iyo Qawaaniinta.
  12. Afka qudha hiddaha qaaliga ah qoodhidiyo Diirka .
  13. Iyo waxa Qaniimo iyo Dheef quluca loo siiyey.
  14. Qushuuc iyo markii mahadnaq iyo qaanac laga waayey
  15. Oo weliba qoortaag galaa qiiq ka oogsadeye.
  16. Qorsho xumo u kala qaarankiyo qaybahay noq-otay.

  • Qudhgooyada ma gaydoo-yinkiyo sabi aan qaangaarin
  • Qaxa iyo waliilkay da-rxumo ugu qasaarowdey.
  • Qalle laga jariyo waxay ahayd Edeb ha qaateene.
  • Rabbi Qaamihii kama jisayn ugu qaraaraaye
    1. Qalloocyaaba lagu saamo-xoo loo qurfaan deyeye

    1. Qacda kale hilaad lama qarshiyo qaalmo rogadkeede.

    1. Qadhahdhayti xeel dheer markaan qoray awaashood.
    2. Amaan felegga qool-aaliyo Dirirka qiimeeyey.

    1. Qarnigaani Soomaaliduu qoys la leeyahaye.
    2. Cirsan yeedhka qayli-nahayiyo qooley samo sheegye
    3. Bishaaruu la qooljee-xayaa Diigga Quuqlihiye..

    1. Ku qubaysey dhebi Baarqabkii qaraxa jiilaale.
    2. Qalaadyo Orgigu Banadhurwaa Qadhab kala laaye.

    1. Qarkuu aqal u gurayaa aboor daad ka qaxayaaye
    2. Qorshe kala wareeg baa socdiyo qayb rabbaa-niyahe
    3. Laga qabay Nuxuustii Dalkiyo Qabarki Saarnaaye
    4. Ciriirkii Qalwaa lagu afxidhay inagu qooqnaaye.
    5. Burburkaan Raggii Qawlka Cunay waa qiqleeya-haye
    6. Qabir bay sugaayaan Dhuljiif qori-xun haystaaye.
    7. Qalyanka iyo Mooryaanta iyo jeensey Qirinqiire.
    8. Qabiilka iyo waa suu-rayaan quud-u-taabaacu e
    9. Qisaas baaba lala doonayaa qayl daloonbiya-ye.
    10. Qalowdii baxdaba waxa ku lumi qaar istaahila e.
    11. Qaaruun sidiisii rag baa loo qarraqayaaye.
    12. Anigaa Qiyaastiyo aqaan qiilka mooradaye.
    13. Qarqarsigii ka soo furey nabsigii qooffalaan jireye.

  • Qosolkiyo Nimcada soo wajahan qaawi Sagalkiiye.
  • Qorraxdaas ka muuq dheer cisiga qoorta soo lulaye
  • Ha qawadin hillaacii waakaa qaw ka dhool bidhaye.
  • Qamandhacadii daysoo shacbigii qiiro la abaarye
  • Qadhqadhyadii ilaahay ka qaad iyo qamiirkiiye. Hayeeshee quluul Dar u wadoo qoomalaa jira e.
  • Weli waxaa la quujaynayaa qaydhinkii hore e.
  • Qawdhiidho Reer kama hadhiyo Qabaxle waayeele.
  • Qawsaarku Geel kuma dugsado Qodax ragaadkeede.
  • Qaboojaha juqee Maalin dhaw Roobku waw qubane.
  • Qasitgana ka yool gaadh sugaal qiimo kuuma lehe.
  • XUKUUMADDA PUNTLAND OO WAFTI U DIRTAY MUDUG.

    Xukuumadda Puntland ayaa toddoobaadkaan wafti u dirtay Gobolka Mudug kaasoo ka koobnaa shan Xubnood uuna Hoggaami-nayey Xildhibaan Max'ed Cali Yuusuf (Gaagaab), waxaana loo xilsaaray toosinta Arrimaha Maamul-ka, Adkaynta Nabad gelya-da, Isku xirka iyo wada shaqeynta Gobolka iyo Degmooyinkiisa.

    Waftigu inta ay joogaan Gobolka waxay kormeer ku sameynayaan qaybaha kala duwan ee gobolka, waxayna talo ka bixinayaan habka ugu habboon ee loo hirgelin karo Maamulka ugu wanaa-gsan ee Gobolkaas ka hir gala.

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Warsidaha Puntland Tirsi 30 Arbaca 12 Jan 2000 Garoowe Bogga 3

    Ka yimid Bogga 1aad

    MADAXWAYNAHA PL OO HAMALYO U DIRAY....

    Guud ahaan PL iyo Soo-maaliyaba waxaa laga ciiday 07/01/2000 iyo 08/01/2000 si kastaba ha loo kala badnaadee, Mag-aaladda Garoowe ee ah caasumadda PL waxaa salaadii ciida fitriga laba-dda Maalmood lagu kala tukaday Garoonka kubad-da cagta oo ahayd markii ugu horeysay ee taariikh-da lagu tukaddo iyo max-falka nabiga ee ku yaalla dhanka qorax kasoo baxa Magaaladda.

    Tukashadii iyo khudbadii ka dib salaadii ciida fitri-ga ee lagu tukaday garoo-nka kubada cagta oo ay ka soo qaybgaleen Masuuli-yiina Dawlad Goboleedka Puntland ee ku sugnaa Garoowe waqtigaa intoodii badnayd waxaa madaxwaynaha ka sokow khudbado ka jeediyey Suldaan Siciid Max'ed Garaase oo sheegay inay Somalidu tahay dad ehelo sune ah, wuxuu ka digay inay jiraan waqtiyada ciidaha labo qolo oo midna deg deg samaynso midna dib u dhac, si taa looga baxana wuxuu ku baaqay in meel macquula noqon karta in lagu midoobo. Wasiirka Wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Diinta Sh.Cali Nuur Axmed Aw-Muuse ayaa isagu tahniy-ad u diray guud ahaan ummadda Islaamkaa, wuxuuna ku baaqay in loo baahan yahay walaaltin-imo, Islaamnimo iyo in masaakiinta la kaalmeeyo, isagoo ka hadlaayey aragga bisha 07/01/2000

    wuxuu yiri maadaama ay dhalashadii bisha ka sugnaatay meelo ka mid ah dhulkeena, waa inaan ku ciidnaa iskhilaaf la'aan .

    Waxaa kaloo ka hadlay xafladaas ciidii fitriga Gudoomiyaha G.Nugaal Axmed Yusuuf Xuuxuule oo isagu si gaara hambal-yo ugu diray dadwaynaha G.Nugaal, wuxuuna ka hadlay khilaafka iyo dhibaatadda uu leeyahay iyo in loo baahan yahay khilaafaadka guud ahaan-ba in laga dheeraaddo; lana dhowro midnimadda iyo ixtiraanka.

    WA MAXAY JACEYL???

    1. Sideedaba jeceylka waxaa ka taagan muran balaaran, culumada cilmi nafisguna waa isku khil-aafsan yihiin, hase ahaa-tee mid ayaa laysku raac-ay taasoo ah in ruuxa la jecel yahay uu ka qaalisan yahay dadka intiisa kale loo dhan.
    2. Jaceylka goonidaa ee aan lahayn lamaanuhu wuxuu ku dhamaadaa murugo.
    3. Wax jeclaaduhu had iyo jeer wuxuu ku dhex suursan yahay mowjaddo feker ah, himiladiisana wuxuu uga baaqi dhigaa ruuxii uu jeclaa. Hadii aan himiladiisa la gaarsiina, xusuustiisa waxaa la dheehnaanta caadifad ka timaada la jeclaadaha.
    4. Soo celcelinta xususta jaceyl waxaa keena oo ugu wayn waa isu ekaanta xiliyadda, samayska meel-aha, baxaaliga dadka iyo sheeko kasta oo ku saabsan xaalad jaceyl.

  • Dhibaatadda iyo wax-yeelada jaceylku leeyahay waxay ruuxa ugu daran tahay marka ugu horeysa ee dareenkiisa taabto, taas oo micnaheeddu noqon karo xanuun cusub oo aan wali daawadiisii la helin.
  • Waayo qofku waa hiy-ikacaa waxaana ka saayid caleeya dhadhanka bohol-yowga badani ku mataan-san yahay ee soo wajaha nolashiisa.
  • Waxaa naftiisa ku beerma icticqaad ah, inuusan dadka intiisa kale oo dhan ka helayn baraa-raha nabadeed ee waayu-hu ugu xukumay ruuxuu calmaday.
  • Marwalba waxaa ku taagnaata cabsi in aanu helayn cidbuuxisa kaalin-tii jaceylkiisa 1aad.
  • Waa ay adagtahay mana sahlana sidii uu ku fahmi lahaa in ilaahay durdurka jaceylka ka siin karo meel kale.
  • Hirarka mowjadaha dhaadheer iyo mbaaxaadegga leh ee uu kalgacaynlku ku mash-quuliyo maskaxda aada-miga, waxay ugu guux iyo rajo xun yihiin burburka iyo waxyeelada 1aad ee la soo darista amaamadka waayahooda ugubka ah.
  • Hadiiba uu ka badbaa-do daqaradda miisaanka culus leh ee mugaynaya dareenkiisa, uuna bari ka noqdo falaaraha mariid-kaa ee aan toogashada kala go'a lahayn ku haya laabtiisa waxaa u suuro gasha inaanu u liicin cishqiga dambe oo dhan. Taasina waxaa lagu Micneeyaa inuu qofkaasi qabo talaakii ka hortaga jaceylka.
    1. Caafimaad darada caadiga ah ee culayska badan ku haysa ruuxa ayaan caalamka daawo loogga helin wali.
    2. U goomanaha gargaa-rka iyo gurmadka deg dega ahi waxaa gabogaba-da natiijaddiisu ku gabaa-bsi beeshaa sabur aan sad lagu helayn oo dani kugu qasabtay ah.
    3. Inkastoo xeel dheera-yaashu jacelku dadaal badan u galeeen sidii wax looga ogaan lahaa hadana sagaaro ka kama cabi karto oo waa waxaan mudac ka daabeyn raad raaciisu waayo dirqi maaha caashaqu. Shaqsiy-aadka marka laga hadlayo jaceyl la xusuusto waxaa ka mid ah Cantar iyo Ceebla

    Cowrala iyo Cali Maax

    Qays iyo Layla.

    Cilmi iyo Hodan

    C/risaaq Ismaaciil Xasan (Darwiish)

    NIDAAMKA SHAQADA IYO SHAQAALAHA...

    Todobaadkii hore waxaan idiin soo gudbinay qaybtii kowaad ee wareysi aan layeelanay Agaasimaha Guud C/laahi Axmed Cabdulle (Azhari), todo-baadkaana waxaan idiin soo gudbinaynaa qaybtii labaad.

    W.PL:- Qaabka fasaxya-da shaqaalaha dawliga ah waa sidee?

    Azhari:- 1. Qofka shaqaa-laha waxa uu xaq u lee-yahay soddon casho sana-dkiiba, iyadoo uu musha-harkiisuna u socdo, fasa-xana waxaa caadiyan la siiyaa sanadkasta oo uu shaqeeyo aakhirkiisa Eeg Booga 4aad

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Warsidaha Puntland Tirsi 30 Arbaca 12 Jan 2000 Bogga 4

    XAJKA IYO CUMRADDA

    Waxaa dhamaaday Bishii Barakeysneyd ee Rama-daan waxaana galney kal-kii Xajka, waaxaana ka hadlaynaa Toddobaadk-aan waxyaalaha kusaab-san xajka iyo cumradda anagoo uga hadlayna qaab iyo su'aal iyo jawaab.

    Su'aal:- Waa maxay macnaha xajka iyo cumra-da?

    Jawaab:- Waa soo boo-qashada aqalka xurmey-san ee kacbada iyadoo loo niyoonayo cibaadeysi, isla markaasna lala imaanayo waxqabadyo iyo ficilo u gaar ah.

    Su'aal:- Waa maxay Xajku?

    Jawaab:- Xajka waa tiir ka mid ah tiirarka Islaam-ka waana tiirka shanaad.

    Su'aal:- Xikmadda kujirta xajka maxay tahay?

    Jawaab:- Nafta oo laga dahiro dunuubta Raad-keeda si qofka Muslimka ah u noqdo mid Ilaaheey xagiisa karaama ku leh oo muteystay janadiisa waxaana daliil u ah xad-iiskaan (Qofkii u qasda beytkan oo aan wax xun ku hadlin oo wax xun sameyn danuubtiisa wuxuu ka noqoneyaa sidii maalintii hooyadiis ay dhashay oo kale).

    Su'aal:- Waa maxay shur-uudaha xajka?

    Jawaab:- A. Islaanimo.

    B- Caqli leeyahay C- Qaangaarnimo D- Awooda waa inuu heli karraa wuxuu ku xajiyi lahaa naftiisana waa ineey

    awood u leedahay inuu xajka guto.

    Su'aal:- Waa imisa tiirarka Xajka?

    Jawaab:- Waa afar tiir.

    Su'aal:- Maxay kala yihiin?

    Jawaab:- a. Xirashada waa in la niyoodaa kalka xajka dhexdiisa oo ah kowda Bisha soonnfureed ilaa tobanka Bisha carafo.

    b. In lagu dawaafo kacbadda todobo jeer.

    c. (Orod) oo ah in loo kala ordo safo iyo marwo.

    d. In la istaago carafo qofkii ka taga mid ka mid ah tiirarka xajka wuu burayaa xajkiisa.

    Su'aal:- Waa imisa waajibaadka Xirashada xajka?

    Jawaab:- Waa seddex:-

    a. Xirashada makaanadda micna waxaa looga jeeda meesha loo jideeyay inuu qofka ka xirto.

    b. Dhartolan, kabo daboo-lan, Cimaamad, Indha-shareer iyo galoofis midna ma xiran karo.

    c. Labbeeksiga (Ilaahay-oow waan ku ajiibay, Ilaahayoow waan ku ajii-bay, wax Ilaahnimada kula wadaagsado majir-aan, mahad, nicmo iyo mulki adigaa iska leh). Waa jibaadka aan soo sheegnay Qofkii ka taga waxaa uu ku kabayaa dhiig, haduu dhiiga kacaajiso wuxuu sooma-yaa toban barri.

    Su'aal:-Waa maxay suna-nta Xajka?

    Jawaab:- Sunanta Xajka waa ficil hadii laga tago aan dhiig lagu kabeyn uusanna bureyn.

    Su'aal:- Waa imisa sunanta rukniga xirashada xajka ?

    Jawaab:-Waa lix kala ah.

    1. Qubeysi.
    2. Dhar cad-cad inuu xirto oo labo go'a ah.
    3. Salaado ka dib inuu kubeego xirashada xajka salaadahaas oo ah faral ama sune.

  • Cidiyaha inuu iska jarro, shaaruubka inuu gaabiyo, kilkilaha inuu tifo, bisqinta inuu xiiro.
  • Ku celcelin labeegsiga iyo cusbooneeysiin xaala-daha marka gaadiidka la korayo, laga dagayo iyo salaada.
  • Duceysi iyo saliga labeegsiga kadib raga korbeey u qaadayaan, dumarkana hoos beey u akhrinayaan. Intaas kuma koobna arrimaha xajka ee la soco todobaadka dambe
  • Waxda Arrimaha Diinta Ismaacill Xaaji Cabdi

    Ka yimid Bogga 3aad.

    NIDAAMKA SHAQADDA IYO SHAQAALAHA

    2. Madaxda hay'addu waa inay qorsheeyaan habka fasaxa loo siin lahaa iya-goo tixgalinaaya danta shaqada iyo shaqaalaha.

    3. Hase yeeshee hadii dawladu dan guud Awg-eed u joojiso fasaxa waa la keydin karaa ilaa sadex sano.

    Waxaase jira fasax lacag la'aanneed, qofka shaqaa-laha, waxaa la siin karaa fasax lacag la'aan ah oo gaari kara 4bilood, Fasax lacag la'aaneed waxaana ogolaanaya Agaasinka Guud ee Shaqadda iyo Shaqaalaha marka warbixin ka timaaddo hay'adda qofka ka tirsan yahay:-

    Shaqaalaha lama siinkaro sanadkiiba wax ka badan 10

    casho oo fasax jiro fudud ah oo uu soo cadeeyey dhaqtar, wixii 10 cisho ka badan waxaa laga goynayaa fasax sanadeedka caadiga ah ee qofka:-

    dib ula noqoshadda fasaxa hadii madaxa hay'ada hadii shaqo Awgeed looga

    baahdo wixii dib ugu yeeri karaa shaqaalaha fasax sanadeedka, fasax lacag la'aanta iyo fasaxa waxbarasho.

    Shaqaalaha loo yeerayo waxaa ku waajiba in waq-tiga loo qaabtay, yimaado hadii sabab la garowsan karo aysa jirin, waxaa kaloo jira fasaxa dhalmo, fasax bukaan iyo fasax waxbarasho.

    OGAYSIIS

    Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan gaadiidleyda iyo wadayaasha gaadiidka ee ku sugan Gobolka Nugaal in la furay xafiiskii Diiw-aan gelinta gaadiidka dad-weynaha (PRA), lagana furay xaruntii haw-laha guud ee Magaalo Madax-da Garoowe.

    Xafiiskaas oo aad ka heli doontaan dhamaan hab sharciyeedkii Gaadiidka iyo wadayaasha waa la faray 26/12/99.

    Sidaas darteed waxaa lagu wargelinayaa Gaadiidle-yda inay sharciyeystaan Gaadiidkooda sida ugu dhaqsaha badan.

    Faarax Mixille Jaamac

    Ku/Simaha Ag.Waaxda Gaadiidka & Duulista.

    HAMBALYO

    Cali Max'ed C/raxmaan (Cali Hayaan), Axmed Caydiid, Cali Yuusuf Cali Xoosh, Cawil Xassan Tooxyare, C/salaan Xassan Ducaale, Siciid Waayeel Muuse Xassan Darmaan waxay Hambalyo u Dirayaan

    Cabdi Kaafi Cabdi Abshir iyo Sacdiyo Max'ed Xirsi

    oo ku aqal galay 08/01/00 Magaalada Garoowe, waxayna leeyihiin Noqda Kuwii isku waara Ubad Kheyr qabana kala hela.

     

     

     

     

     

    Warsidaha Puntland Tirsi 30 Arbaca 12 Jan 2000 Bogga 5

    WAXQABADKA MAAMULKA DEGMADDA DANGORAYO 1999

    Duqa degmada dangorayo C/qaadir kaarshe caduur ayaa todobaadkaan warsidaha siiyey warbixin uu kaga hadlay waxqabadii maamulka uu madaxda ka yahay, wuxuuna sheegay inay wax ka qabteen iyagoo waliba la magacaabay waqti ay jirtay abaar kulul islamarkaana ganacsigu liitay. Arrimaha kala ah.

    1. Qaybintii biyaha iyo raashinka oo la gaarsiiyey dhammaan deegaanka degmaddu ka kooban tahay .
    2. Sugida xaalada nebadgelyada degmadda.
    3. Beelaha deegaanka oo si toosa ugu soo xirmay maamulka degmadda, xaquuqdoodiina la gaarsiiyey.
    4. Dhanka arrimaha bulshada oo degmadu kabto mashaharkoodda iyo isbitaalkii degmadda oo maamulka furay ayna ka hawlgalaan 16qof oo mutadawaciin ah.
    5. 3tuulo oo laga furay iskuulo (Uuskure, Baqbaq iyo ceelbur),
    6. matoorkii biyaha oo maamulka hagaajiyey loona dhisay haan iyo qol motooraystuhu seexdo.
    7. Guryihii dawlada hoose oo maamulku dumiey dibna uu u dhisay, gacana ayka gaystay hay'adda WFP-dda.
    8. Suuqii waynaa ee magaaladda dangorayo oo maamulku dhamaystiray, gacana ay ku siisay WFP.

     

    Dhanka canshuuraha duqu wuxuu sheegay inay si caadiya u socdaan lana gaarsiiyey ilaa xeebaha kuna rajowayn yihiin degmaddu inay isku filnaan doonto mustaqbalka dhow. Wuxuu kaloo sheegay dhibaatooyinka haysta degmadda inay ugu waaweyn yihiin iyadoon lahay dhismayaal daWladeed oo muhim ah sida Saldhiga Booliska Maxkamad iyo tuulooyinka oo aan lahayn iskuulo, marka laga reebo xaaji kheyr.

    203 QOF OO TAHRIIB ITOOBIYAAN IYO KENYAATI AH OO LA QABTAY.....

    Ciidanka booliska ee ka hawlgala saldhiga Garoowe ayaa muddo 15 casho ah gudahood gacanta ku dhigay 203qof oo Tahriib ahaan Puntland ku soo galay si sharci daro ah doonaayeyna si tahriib ah inay uga dhoofaan xeebaha PL.

    Tahriibtaas waxay ka kala yimaadeen dalalka Itoobiya iyo Kenya, waxayna PL ka soo galeen koon furta Soomaaliya iyo Soomaaliland. Waxayna ciidanka boolisku markii ay baaris ku sameeyeen ka heleen waraaqihii dhalashadda dalalkaas.

    Dawlad Goboleedka PL horey ayey waxay uga soo saartay sharci mamnoocaaya in dalka PL tahriibi ka dhoofto.

    Dadkaas tahriibtaa oo isugu jiray Rag iyo Dumar dhalinyaro meel

    Dhaxaad ah u badan, dib ayaa Booliska ugu celiyey degaanadii ay ka soo galeen PL waxaana la dhaafiyey xuduuda PL.

    Taliyaha saldhiga Garoowe dhame Aadan Cali Bootaan ayaa sheegay dadkaas Tahriibaya inay ka haystaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhaqaale badan oo aan ku jirin ku talagalka saldhiga oo ku baxa cuntadoodda shidaalka, kiradda Gawaaridda iwm.

    Wuxuu kaloo sheegay inay jiraan dad badan oo gaadiidley danaystayaal ah oo si qarsoodiya u soo mariya tahriibtaas jidadka aan caadiga ahayn iyo qaar ku dajiya intaysan soo gaarin kantarooladda.

    Taliyuhu wuxuu u mahad celiyey gaadiidlay muwaadinin ah oo uu sheegay inay ka qaadaan oo xuduudaha geeyaan iyagoon wax dhaqaale ah waydiisan tahriibta ay qabqabtaan iyo muwaadiniin kale oo uu sheegay inay booliska la socodsiiyaan dadka sharci daradda ku soo gala dalka

    TIRADA XOOLAHA KA DHOOFAY DEKADDA BOSAASO 1999kii.

    Warbixin uu soo saaray dhakhtarka Xoolaha ee Dekadda Bosaaso ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Degaanka Dr. C/salaam Warsame Max'ed, ayaa ku shaxeeyey xoolaha ka dhoofay dekada Bosaaso Janaayo iyo Diseembar 1999kii, ku waasoo u kala dhoofay dalalka Cumaan

    Imaraadka, Yemen iyo Sucuudiga oo dhoofinta xoolaha lagu bilaabay bishii todobaad.

    Xooluhuna waxay u kala dhoofeen sidan bilkasta.

    Bisha Ari Lo' Geel

    Jan. 69,000 2970 103

    Feb. 62,838 2357 216

    Mar. 62,901 1000 199

    Apri. 30,200 1077 Niil

    May. 22,908 1724 Niil

    Juun. 36,307 3928 865

    Julay.49,129 2767 4740

    Aug. 45,945 4324 1630

    Sept. 30,030 4214 2494

    Oct. 42,638 3059 2104

    Nov. 73,177 4518 1512

    Dec. 85,619 3511 1808

    Guud ahaan Ahmiga dhoofay 1999kii waa 610,665 Neef, Dibiduna waa 35,459 Neef, Geelunu waa 15,671 Neef.

    Tirada guud ee xoolaha laga sooceliyey sanadkaan sucuudiga 17,980 Neef oo Ariya oo lagu soo celiyey xagga da' waynida ama cimriga sida ay ku doodeen Sucuudiga, arintaas sida uu dhakhtarku sheegay uusan aaminsaneyn.

    Dr. C/Salaam mar uu wax ka waydiiyey wariye ka tirsan warsidaha PL dhibaatooyinka xagga dhoofka xoolaha ka jira wuxuu tala ahaan Ganacsatada ugu sheegay inay xoolahooda dekada ka geliyeen dhinaca Mareera ee qorax ka soo baxa dekada inta u dhaxaysa tobanka saac ee galabnimo ilaa sideeda fiidnimo, kana daayaan xoolaha qaraaca lagu dhaxmarinayo wadooyinka ciriiriga ee magaaladda. Lasoco.

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Warsidaha Puntland Tirsi 30 Arbaca 12 Jan 2000 Bogga 6

    WAXAAN ISHA KU HAYNAA WAX KA KHABADKA JIDADKA, NADAAFADDA IYO SUUQYADA

    (Duqa Degmada Garoowe Md Daahir Cali Ciise.)

    Waxaa noosuura gashay 09/01/00 inaan xafiiskiisa ku wareysano Duqa deg-mada Garoowe Md Daa-hir Cali Ciise wuxuuna wareysigii u dhacay sidan:- .

    W.PL:- Md Daahir waxa aad warbixin naga siisaa waxqabadka degmada Garoowe?

    Daahir:- Waxaa la galay sanad cusub waxaana ku jirnaa isdiyaarin iyo is abaabul shaqooyinka bil-owga ah ee sanadka cusub, baahiduna aad bay u badan tahay, awooda maamulka degmada wixii horumar ah in lagu fuliyo iyadoo ay la xiriirsan tahay hadba sida dhaqaale loo helo, meelaha isha lagu hayo ee caasumada waxaa ugu muhiimsan wax ka qabashada jidad-ka, Nadaafadda, Suuqya-da badeecooyinka lagu iibiyo, waxaana rajeynay-naa anagoo kaashanayna dadweynaha inaan badan-kooda wax ka qabano.

    Waxaa kale oo hada la bilaabayaa hawlgalkii khi-dmadaha adeegga bulsha-da, oo ay ugu soo horeyso qaadista canshuuraha guryaha wixii laga qaaday maahee inta kale, dakh-liga dawladda hoose deg-mada Garoowe loogu tala-galay sanadka labada kun oo gaaraya (600,000,000) lix boqol oo malyan, in laba iyo tobanka bilood ee hadda bilaabmay aan soo saari doono hadii Allah idmo.

    W.PL:- Waxaad nooga warantaa waxqabadkii sanadkii dhamaaday ee 1999kii?

    Daahir:- Sanadkii naga dhamaaday hawluhu bilo ayey ahaayeen waxqabad-kayagii waxaa ugu waa-weyenaa:-

    1. Wacyigelin:- maadaa-ma mudo lagu soo jiray dawlad la'aan waxaan qabanay kulamo lagu dhiirigelinayo dadweyna-ha inay canshuurta bixi-yaan taasoo dadku ay hadda gaareen bisayl inay badankood bixiyaan can-shuuraha ku waajibay.

    Gacan ka gaysasho:-

    1. Jilaalkii dheeraa ee lagu samato bixinayey dadweynaha aadka ugu tabaaloobay, waxaan gaarsiinay mucaawinooyi-nkii iyo biyihii ay hay'a-daha dawladdu bixiyeen oo si wanaagsan loo gaar-siiyey meelihii dhibta ka jirtay ee miyiga degmada.
    2. Waxaa kale oo aan gacan ka gaysanay ban-ayntii guryaha dawlada ee ay dadweynuhu ay daga-naayeen.

    1. Nadaafadda Magaa-lada :- oo qiyaas gaaraysa 135 lowr oo isgu jirta dhagax, dhoobo iyo qash-in laga qaaday goobo kala duwan ee magaalada dhexdeeda ah.
    2. Rarista Suuqa:- Waxaan rarnay suuqa qudaarta iyo hilibka oo loo furay suuq cusub oo ay ka ganacsato dad gaar-aya 184 ganacsato ah.
    3. Dayactir:-

    1. Waxaan dayactir ku samaynay suuqa cusub, oo horey u ahaa bakhaar Enji.

    b. Waxaan kale oo dayactirnay Xafiiska maa-mulka dawladda hoose oo aad u dayacnaa hadase ah meel lagu shaqayn karo.

    W.PL:- Maxaa ka mid ah dhibaatooyinka ka jira degmada?

    Daahir:- Dhibaatooyinka ka jira degmada waxaa ka mid ah:-

    1. Garoonka diyaaradaha oo dhismihii magaalada ku fiday waqtigii dawlad la'aantu jirtay, oo hadda loo baahan yahay in meel cusub la geeyo.
    2. Biyaha magaalada oo sida laga warqabo 90% ah milix iyo dhagax noocyo kala duwana.
    3. Suuqa gadista xoolaha oo waqtigii dawlad la'aan-ta isna dhismayaashu sharcidarada ah ay ku fiday.
    4. Kaamamka wareega oo yina dhibaato ku haya deegaanka sida jarista kaymaha iwm.
    5. Dhinaca xoolaha oo ay ka jirto daawo la'aan iyo kuwo kale oo dabiici ah.

    W.PL:- Qoraalkii Max-kamadda sare ay soo saar-tay hadda ka hor ee ay ku joojinaysay dacwooyinka dhulka inta maamulada dawladaha hoose ay dekumiintiga ee dadka haysto ay kala soo waree-gayso, Maxaa degma ahaan idinka hagaagay?

    Daahir:- Dekumiintiga aan ku shaqayno waa mid sharci ah, waan maqalnay dukumiinti foojari ah oo dad haysto, balse kaan ku shaqayno waa kan Punt-land.

    W.PL:- Yaa gacan idin-kusiiya hawlihiina dhina-ca hay'adaha dawlada?

    Daahir:- Waxaan wada shaqayn leenahay Boolis-ka degmada oo si wanaa-gsan hawsha noola haya.

    W.PL:- Maxaa kale oo aad jeclaan lahayd inaad dadweynaha u jeedisid?

    Daahir:- Waxaan jeclaan lahaa inaan u soo jeediyo dadweynaha Garoowe oo nasiibka u yeeshay in Garoowe ay noqoto Mag-aala madaxda Puntland, inay gacan ka gaystaan hawlaha lagu horumarina-yo caasumadda sida dhowridda nabadgelyada, bixinta canshuuraha, ilaa-linta nadaafada iwm.

    DUQA MAGAALADA GAROOWE OO KORMEERAY....

    Kormeer hawleed oo la xir-iiray wacyi gelinta shaqada iyo dardar gelinta hawlaha ku talo galka sannadka 2000 ayay Duqa magaalada gar-oowe Md. Daahir Cali Ciise iyo Taliyaha Saldhigga Boo-liska Aadan Cali Bootaan ku tageen 9/1/00 Kontoroolka Dinaca galbeed ee Magaa-lada.

    Guddoomiyaha iyo taliyuhu-ba waxay si qoto dheer uga-la hadleen Shaqaalaha Kas-tanka, D/Hoose, Turubotaa-riyada iyo Ciidanka Boolis-kuba sida weyn ee ay waajib ugu tahay ilaalinta Jidadka taas oo ku xiran bay yiraah-deen Nabadgelyada, wax soo saarka dhinaca dhaqaa-laha, Ilaalinta Deegaanka, iwm.

    Waxa kale oo Taliyaha Saldhiggu aad ugu tilmaa-may dhammaan Shaqaalaha sida weyn ee ay hawshoodu isugu xiran tahay iyo sida weyn ee Ciidanka Boolisku muhiim ugu yihiin fulinta hawlaha Kontoroolka ka jira iyo inay si weyn isssaga xil saaraan Boolisku Ilaalinta nabadgelyada si weyna ula shaqeeyaan Shaqaalaha kale ee ka kala tirsan hay'adaha Dawladda.

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO SOO SAARAY SHARCI KALA QEEXAYA WAAJIBAADKA GARSOORKA & WASAARADDA CADDAALADDA & ARRIMAHA DIINTA.

    Madaxweynaha DGPL Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa 05/01/00 soo saaXeer Sharci Madaxweyne N0. 63. Madaxweynuhu markuu arkay Axdiga DGPL Qodobadiisa 19 & 23, Markuu arkay Xeer Nidaamka Xukuumadda iyo hay'adaha madaxa bannaan, Markuu dhagaystay Taladii Garyaqaanka Guud ee Dawladdu ka bixiyay hawlaha iyo wada shaqeynta Garsoorka iyo wasaaradda Caddaladda & Arrimaha Diinta, Markuu dhagaystay Talo soo jeedintii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Wasiirka Caddaaladda & Arrimaha Diinta Eeg Bogga 7aad.

    MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO UGU HAMBALYEEYEY SHACABKA PUNTLAND IYO SOOMAALIBA CIIDUL FIDRIGA.

    Madaxweynaha DGPL Md C/laahi Yuusuf Axmed ayaa munaasabadii ciidul fidriga hambalyo u direy isagoo ku hadlaya magaca DGPL dadkii ciidey ciidul fidriga 07/01/00 iyo 08/01/00 reer PL iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo kuwa Muslimka ahba.

    Madaxweynuhu wuxuu ummadda ku baraarujiyey dadkii 28ka cisho soomay in ay maalin qalleeyaan iyo inay aad u fiicantahay in lagu daro lixda beri ee wadaca ah. Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay inay waajib muqadis ah tahay in la cibaadaysto oo Ilaahay laga baqo iyo in ciidaan iyo ciideeda kale qofkii noolaada hawl adag oo cibaada ah sugayso. khudbada Madaxweynaha maalintaas wax siyaasad ah kama hadlin wuxuuna ku soo gabagabeeyey in loo baahan yahay in la adkeeyo midnimada Puntland iyo midnimada Somaliya ciida dambe in la helo in rajaweyn laga qabo, maadaama uu jiro dhaqdhaqaaq raadin dawlad Somaliyeed.

    Eeg Bogga 3aad.

    WAFTIGII AY HOGAAMINAYEEN GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA IYO WASIIRKA WARFAAFINTA OO BOOQASHADOODII KA BILAABAY DHAHAR.

    Waftigii ay hogaminayeen gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Dr Yuusuf Xaaji Siciid iyo Wasiirka Warfaafinta Dh, Isg iyo Boostada Md Cawad Axmed Casharo ayna ka mid ahaayeen xildhibaanada laga soo doorto Gobolka Sanaag, Agaasimayaal Guud, Agaasime Waaxeedyo, Saraakiisha ciidanka daraawiishta iyo booliska ee ka ambabaxay Magaalada Garoowe 07/01/00,waxay degmada Dhahar gaareen isla 07/01/00. Eeg Bogga 7aad.

     

    PUNTLAND OO WAFTI U DIRTAY JABUUTI.

    Dawlad Goboleedka Puntland ayaa Toddobaadkaan u dirtay Dalka Jabuuti Wafti uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Md. Xassan Abshir Faarax, ayna ka mid yihiin Wasiirka Kalluumaysiga Md. Cali Ismaaciil Cabdi iyo Agaasimaha Guud ee Agaasinka Iskaashiga Caalamiga ah iyo Xiriirka Dibedda Md. Axmed Max'ed Cigaal.

     

    Waftigu waxay Magaalada Jabuuti kula kulmayaan Madaxweynaha Dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle waxayna wada tashi ka sameynayaan Arrimaha Dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo Xiriirka ka Dhexeeya Puntland iyo Jabuuti, wuxuuna waftigaani qayb ka yahay dadaalka ay ugu jirto DGPL dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo Dhisme Qaran Soomaaliyeed.

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Warsidaha Puntland Tirsi 30 Arbaca 12 Jan 2000 Bogga 7

    Ka yimid Bogga 1aad

    WAFTIGA AY HOGAAMIYANAYEEN...

    Waftigaas waxaa Magaalada Dhahar ku soo dhaweeyey madaxda Gobolka Sanaag, kuwa Degmada Dhahar hog-aamiye dhaqameedyada iyo xubno ka tirsan ururada Bul-shada, waxaana la dajiyey Magaalada dhexdeeda oo la yiraahdo Mubaarak Hoteel.

    Waftigu waxaa 07/01/00 qado sharaf u sameeyey maamulka degmada Dhahar iyo hogaamiye dhaqameed-yada Gobolka, galinkii dam-be ee maalintaas waxay waf-tigu shir la yeesheen indh-eergaradka degmada ku dha-qan, maamulka gobolka iyo degmada, halkaana waxay warbixino ku saabsan gobol-ka iyo gaar ahaan degmada kaga dhagaysteen mas'uuli-yiintii ay la kulmeen.

    Shirkaa waxaa warbixin ka jeediyey gudoomiye ku xig-eenka gobolka Sanaag bari Cali Jaamac Madoobe iyo guddoomiyaha Dhahar Sic-iid Xasan Xaaji, odoyaasha degaanka iyo waxgaradka kala duwan waxayna ka warameen siyaasada, nabad gelyada maamulka, talana waxay ka bixiyeen siyaaba-ha loo joojinayo xaalufka deegaanka.

    Shirkii labaad ayaa 08/01/00 ayaa laysugu soo noqday waftiga ayaana u gudbiyey mas'uuliyiintii kala duwanaa ee degmada salaan ay uga sideen Madaxweynaha DGPL ka dibna waxay ka warbixiyeen u jeedada kor-meer kooda ee gobolka qay-bihiisa kala duwan intaa ka dib waxay sheegeen in uu waftigu joogayaan gobolka una kuur gali doonaan xaala-daha kala duwan ee arri-maha bulshada, baahida loo qabo siyaasadda, maamulka iyo nabadgelyada.

    Baahiyihii loo soo jeediyey waxay balan qaadeen inay maamulka sare kula laaban doonaan. Gabagabadii shir-kaas wafdigu wuxuu kula dardaarmay reer Dhahar xoojinta nabadgelyadda iyo hirgelinta qaadista cashuura-ha taasoo kaalin weyn ka qaadan doonta baahida guud.

    Waftiga inta ay joogeen Dhahar waxay kaloo qab-teen shirar goosgoos ah.

    Beesha Dhahar shirbalaaran ayaa uga socday degmada Dhahar kaasoo sida la shee-gay ay kaga tashanayeen aayahooda.

    C/laahi Dheere

    Dhahar.

    Ka yimid Bogga 1aad

    MADAXWEYNAHA DGPL OO SOO SAARAY...

    Wuxuu go'aamiyey:-

    1. In guddiga sare ee garsoorka sida Axdigaba ku qeexan, u xilsaaran yahay magacaabidda, Shaqo geli-nta, Bedelka, Dalacsiinta, Anshaxa iyo Abaalmarinta Garsoorayaasha iyo Shaqaa-laha kale ee garsoorka.
    2. Magacaabidda, shaqo gelinta, bedelka, dalacsiinta, anshaxa iyo abaalmarinta garsoorashaayasha iyo shaq-aalaha kale ee garsoorka waxay Ansax tahay marka Madaxweynaha Dawladdu ogolaado si rasmi qoraal ah. Madaxweynaha ayaa loo soo gudbinayaa arimahaas qor-aal ahaan iyo iyadoo la raa-cayo hab maamul wasaara-deed.
    3. Garsoore dawladeed wuxuu dalka Puntland ka hawl geli karaa markay u sugnaato si rasmi ah qoraal Xeer Sharci Madaxweyne. Sidaas darteed waxaan waa-faqsaneyn sharciga gudoon-ka iyo hawlaha garsoore kasta ee aan horey ku soo

    bixin Xeer Sharci Madax-weyne.

  • Waxaa ka reeban Max-kamadaha iyo Garsoorayaa-shaba Puntland in hawlahoo-du iyo go'aamadoodaba saa-mayn ku yeeshaan, siyaasad, eex, falsafado, ama aragtiyo kooxo Diimeed, siyaasaded idaloojiyo, iwm.
  • Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Diinta iyo Hay'ad kasta ee dawladeed sida ku qeexan Axdiga, ma faragelin karto go'aanada Maxkamadaha.
  • Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Diinta ayaa mas'uul uga ah dawlada arrimaha siyaasada, Awqaa-fta, maamulka iyo u soo gudbinta madaxweynaha degreetooyinka magaacaa-bida Garsoorayaasha.
  • Xeer Sharcigani wuxuu burinayaa (Nil iyo Void) wareegto kasta ee Madax-weyne ee ka hore imaanaysa Xeer Sharcigaan No.63.
  • Guul Eebe iyo hawlgal wacan.

    C/laahi Yuusuf Axmed Madaxweynaha DGPL

    RUUSHKA OO KU JABAY MAGAALOOYIN KA MID AH JEJNIYA.

    United Press.

    Jab weyn ayaa ka soo gaaray Magaalada Argon oo ku taalla Koonfurta Bari ee Caasumadda Grosni, ka dib markii ay dagaal yahaniinta Shiishaanku weerar Culus ku Qaadeen Magaaladaas kana qabsadeen Ciidamada Ruushka oo hadda Magaaladaas oo 15km u jirta Caasumadda, waxay kaloo Muslimiinta Jejniya Qabsadeen Magaalada Shaahi oo ku taalla K/ Galbeed ee Grosni.

    Ciidamada Ruushkuna waaa qirteen in laga qabsaday Magaalooyinkaas.

     

     

     

    TURKIGA IYO ARRINTA A/LLA OJLAAN.

    Miina.

    Ra'isul wasaaraha Turkiga Bolin Ajifit ayaa wel wel xoog leh ka muujiyay Arrinta A/lla Ojlaan, Wuxuuna ka Codsaday Muanayaasha Baarlamaanka inay dib u dhigaan Codeynta ansixinta dilka A/lla Ojlaan, taasina wuxuu sheegay inay figeynaysoku biiridda Turkiga ee Midowga Yurub.

    Wuxuu kaloo Baarlamaanka ka Codsaday Maxkamadda sare ee Xuquuqul Insaanka Yurub.

    HAMBALYO NIKAAX

    Annagoo kala ah Guddoo-miyaha Bangiga DGPL Md Axmed Max'ed Goonle, Ag. Guud ee Bangiga DGPL Dr Suudi, Ag. Qaybta Shaqaa-laha Cali Aadan Sh. Doon, Maamulaha laanta Xarunta Max'ed Cali Weyrax, Madaxa Khasnadaha Axmed Deni Cabaas Faarax, Max'ud Muuse Ducaale, Xaawo Max'ed Ciise, Shukri X. Abshir, Maryan C/salaan, C/salaan Seed Cilmi, C/laahi Axmed Warsame, Muuse Xassan Darmaan, Siciid Maxed Yuusuf, Max'ud Max'ed Ismaaciil, Cali Yuusuf Ismaaciil, C/xakiim X. Cilmi, Ma'ed C/laahi Guure, Max'ed Jaamac Faarax, Salaad Warsame Jaamac iyo Saraakiisa iyo Shaqaalaha Bangiga Dawladda waxay Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaan.

    Md. C/wahaab Siciid Iimaan

    Iyo Murwo Xaawo Axmed Yuusuf

    oo 08/01/00 isku nikaaxsaday Tuulada Jalam waxayna leeyihiin aqlgalkii-nnu ha noqdo mid lagu baraaro