Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Warsidaha Puntland Tirsi 31 Arbaca 19 Jan. 2000 Bogga

Barakaat Redsea

Ma dhabbaa mise waa dhalanteed!

Waxay Barakaat Redsae kugu soo dhaweynaysaa Mobile Casri ah iyo landline xambaarsan tayo aad u sarreysa, waxaan kuu soo gudbinaynaa shuruudaha looga baahan yahay ciddii doonaysa inay ka faa'iidaysato adeeggaas.

shuruudaha gelinta landline ka & qaadashada mobilka.

  1. Sicirka shirkadda Barakaat Redsae way beddeli kartaa mar allaale markii loo baahdo iyadoo lagu soo qoraayo wargeysyada.
  2. Lambarka sirta ahi wuxuu la mid yahay lacag caddaan ah, cid kale ha u sheegin, haddii cid kale ka isticmaasho taleefoonkiiga shirkaddu mas'uul kama aha.
  3. Qolofka Taleefoonka landline ka iyo rakibaadda waxay shirkaddu kaa qaadaysaa US$ 50.
  4. Haddii lagu soo waco wax lacag ah lagaa qaadi maayo landline iyo Mobile toona.
  5. Haddii aad wacdo land line kale oo Barakaat Redsae ah waa lacag la'aan.
  6. Kirada Bishii waa US $ 10 land line iyo Mobile ba haddii isticmaalkaagu ka yaraado US $ 50.
  7. Biilka taleefanka aad isticmaasho waxaa lagaa rabaa marka lagu siiyo biilka.
  8. Waqtiga line gelintu waa sida ugu fudud haddii meesha line iyo fiilo maraan.
  9. Shikadda Barakaat Redsae way kuu fududaynaysaa inaad hesho adeegga Intenet & E-mailka
  10. Haddii aad u baahato cillad bixin ama kaalmo soo wac Tel: 822000/722000 (sales dept).

N.B:-

  1. Qiimayaasha Mobile ka, Noocyadooda iyo wixii kale oo faah faahin dheeraad ah kala xiriir Sales Dept. Tel: 822000/722000.

Ku soo dhawoow Barakaat Redsea Telecom.

BARAKAAT REDSAE SANADKA 2000 WAXAY KUUGU TALO GASHAY ADEEG CASRI AH OO KU CUSUB GOBOLADA PUNTLAND.

  1. XARUMO (LAAMO) ISGAARSIINEED OO KUUGU DIYAARA XAAFADAHA MAGAALADA BOOSAASO.

Shirkaddu waxay dadweynaha Boosaaso ugu diyaarisay Xaafadahooda iyo Rugahooda Ganacsigaba Xarumo (Laamo) isgaarsiineed oo laga heli karo dhammaan adeeggii isgaarsiineed waxaadna ka heli kartaa:-

 

 

 

Magaca laanta Xaafadda Telefon # Fax #

Main Center Xarunta Shirkadda 8233000 823301

Laanta hawada laanta hawada 826003 826004

Noobir Al-xayaat 824004 824006

Nakhiil Bran Hotel Nakhiil 824000 824003

Huruuse Bran Huruuse Hotel 826000 826002

Al raxma Bran Masjidka Al-raxma 823000 823055

Banaadiri Jidka Banaadiriga 825003 825004

Hogato Bran Amal Bank 823014 823017

Karama Bran Xalwo Kismaayo 725003

Awaare Bran Daarasalaam 825000 825001

Tixis Bran Waqda Raashinka 825029 823030

X. Mire Bran Boosteejo Qardho 825026 825025

Qudus Bran sona Qudus 826030 826031

BARAKAAT REDSAE TELECOM . Waxay kugu soo dhaweynaysaa gacmo furan, adeeg hufan oo deg deg ah

 

 

 

 

Warsidaha Puntland Tirsi 31 Arbaca 19 Jan. 2000 Bogga 2

     

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Warsidaha Puntland Tirsi 31 Arbaca 19 Jan. 2000 Bogga 3

SHARCIGA SANDUUQA SHAQAALAHA PL.

1. Iyadoo la tixraacayo shaciga lambarkiisu yahay 65 ee soo baxay 18, oktoo-bar, 1980 Qodobk-iisa 22aad, oo lagu hormariyey Shaqaal-aha Soomaaliya iyo isla sharciyada kale ee lam 5 ee soo baxay 2dii,feb,1977, oo dhamaantood ku saabsan abuurid saldhig dhaqaale si oo ilaaliyo xuquuqda shaq-aalaha korna loogu qaado daryeelka iyo danaha Shaq-aalaha D.G.PL, maadaama uu Shaqaaluhu yahay laf-dhabarta wax soosaarka loo-na baahan yahay in la tix-geliyo mudnaanshaha Shaq-aalaha, si uu u awoodo inuu guto waajibaadka saaran ka-na qaato doorkiisa waxku oolka ah hawlaha lagu horu-marinayo D.G.PL Maskax ahaan iyo muruq ahaanba.

Sidaas darteed waxaa la waajibiyey sanduuqa Shaq-aalaha, iyadoo qof kasta oo qaata Mushahar bileed kana tirsan Shaqaalaha Wasaara-daha, Hay'adaha madaxa banaan, Dawladda hoose, Mashaariicda, Shirkadaha iyo laga jarayo Mushahar-kiisa 1% (boqolkiiba hal) bil kasta.

Lacagtaasi marka dhab ahaan loo fiiriyo waa qaddar aad u yar hase yeeshee mar-ka ay soo wada xerooto waa dhaqaale wax lagu qaban karo, waxaana laga leeyahay himilo horumarineed oo mustaqbalka ah.

2. Ilaha Dhaqaalaha Ee Sanduuqa.

Ilaha dhaqaalaha ee Sand-uuqa Shaqaaluhu waxay ka iman karaan:-

  1. Mushahar bileedka sha-qaalaha oo laga jaro 1% (boqolkiiba hal).
  2. Lacagaha ka soo xeroo-da Ganaaxa shaqaalaha.
  3. Mushaharka Shaqaalaha ka maqnaada goobta shaqa-da muddo ka badan (7) todoba Beri sabab la'aan

  • Kabida Dawladda ee sanduuqa shaqaalaha.
  • Deeqaha Hay'adaha Caalamiga ah.
  • Abuuris illo Dhaqaale oo shaqaaluhu samaysto, sida baararka, Huteelada, masnacyada (Work Shop) iwm.
  • Deeqaha Ganacsiga gudaha iwm.
  • 3. Waxa lagu Qabanayo Lacagta Sanduuqa.

    1. Daabacaada Shuruucda shaqaalaha D.G.PL.
    2. Samaynta Dukumiintiga Shaqaalaha D.G.PL sida buuga lacag qabashada iyo kharash bixinta.
    3. Samaynta aqoonsiga Shaqaalaha (tesare)
    4. Duugta Shaqaalaha.
    5. Kaqayb qaadashada tababarada iyo Waxbarasha-da Shaqaalaha
    6. furitaanka Baararka Shaqaalaha.
    7. Ka qaybqaadahsada Dif-aaca dalka.
    8. Kormeerka goobaha shaqada.
    9. Shirarka shaqaalaha.

    1. Habka Soo Xeraynta Lacagta Sanduuqa Shaqaalaha.

    Waxaa mas'uul ka ah una xil saaran soo xeraynt lacagta Sanduuqa xisaabiyayaasha Hay'adaha aan kor ku soo sheegnay, iyagoo raacay habkan oo qoraal ahaan loogu gudbinayo, xisaabi-yuhu marka uu qabto lacagta sanduuqa wuxuu si dhakhso ah ugu shubayaa Bankiga ugu dhow ee ay ka furan xisaabta socota ee Ag. Guud ee shaqaalaha, isaga oo ka qaadanaya rasiidka Bankiga (Receipt) cadaynaya inuu xereeyay lacagtaas oo aan waxba ka dhinayn kadibna uu la socodsiiyo kormeeraha Agaasinka shaqada iyo shaqaalaha ee goobtaas.

    Meelaha ama degmooyinka aan lahayn Bangi gudoomiyaha degmada ayaa ku shubaya bankiga ugu dhow, wuxuu ka qaadanayaa meesha uu lacagta ku oo

    xawilay rasiit cadeenaya tirada lacagta uu soo xawilay iyo magaca goobta uu lacagta ka soo xawilay.

    Hubinta iyo daba galka hawshaasi inay fushay sidii loogu tala galay waxaa u xil saaran qaybta kormeerka Ag. Guud ee Shaqaalaha.

    5. faafinta iyo xeer hoosaadka Sanduuqa shaqaalaha waxaa lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah oo u saxiixo Madaxwaynayaha D.G.PL

    ODOYAAL BEESHA LEYLKASE AH OO BEENIYEY WARAR LAGU QORAY RIYAAQ

    13/01/2000 Waxay odayaa-sha leylkase ee kala ah sheekh Max'ed Guulleed (Gar-Case) iyo Ciiro Cisma-an Birre, Warsidaha Puntla-nd keeneen Qoraal ay ku beeniyeen warar lagu qoray wargeyska Riyaaq caddad-kiisa 162 soona baxay 7 Janaayo.

    1. Waxay sheegeen odaya-ashu, wararkaas inay qoreen koox ku dhuumanaya maga-ca odayaasha iyo Beelaha leylkase, sidaas darteed wa-xaan dadweynaha ka codsa-neynaa. Inay ka digtoonaa-daan wararka been abuurka ah oo ay la meeraysanayaan koox ku fushanaya dano u gaar ah iyo dano shisheeye.
    2. Waxay kaloo ka codsan-ayaan Hay'adaha nab-adgel-yada inay daba galaan been abuurkaas, lana horkeeno caddaaladda si deg-deg ah.
    3. Waxay kooxdaas ugu nasteexaynayaa inay ka waantoobaan falalkaas been abuur ah iyo iska horkeenka ay caadeysteen muddadii dheereyd ee burburku jiray.

    Wa-Billaahi Towfiiq.

    ] ] ] ] ]

    DAD MAXKAMADI U YEERAYSO

    Waxay Maxkamada Racfaa-nka G.Nugaal u yeereysaa labada nin ee kala ah.

    1. Cabdi Jaamac Cismaan iyo 2. Aadan Jaamac Cismaan, kuna Magac dheer ilma (BAAFOON), kuna sugnaa ugu dambey-ntii Aaga Qardho.

    Waxay Maxkamadu farasaa inay ku yimaadaan Maxka-mada ugu dambeybn 23/1/-2000.

    Haddii ay ku imaan waayaan waqtigaas loo qabtay, waxay Maxkamada ka qaadaysaa talaabo sharciga waafaqsan oo kama dameys ah.

    Waxay Maxkamadu faray-saa inay balanta waqtiga loo qabtay dhawraan.

    OGAYSIIS

    Waxaa dadweynaha reer Puntland jaaliyadahooda iyo haya'adaha caalamiga ahba la ogaysiinayaa inuu 17-bisha maarso-2000, la qab-andoono tartanka ciyaaraha Gobollada PL iyo qaar ka mid ah Gobollada Soomaa-liyeed dida Galguduud, Hiiraan, Shabeellada dhexe (Jowhar).

    Taas darteed waxay guddiga olombika Puntland (GOP) iyo Agaasinka Sportiga ee wasaaradda arrimaha bulsh-adu ka codsanayaan Goboll-ada reer Puntland ay u diyaar garoobaan ka qaybga-lka tartankaas iyadoo qayba-ha lagu tartamayaa, yihiin kubada cagta, Oroddada 800m, 1500m, 5000m, 21km iyo 42km (Maratoon).

    Waxaan Guddiyada Sportiga ka codsanaynaa in ay soo gudbiyaan liiska ciyaartoyda ka qayb-gelaya ugudanbayn 27ka jan 2000

    Agaasinka Waaxda Isboortiga & Dhalinyarada.

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Warsidaha Puntland Tirsi 31 Arbaca 19 Jan. 2000 Bogga 4

    MASIIBOOYINKA MIINADDA MAXAA KEENA?

    Masiibooyinka miinada wa-xaa keena baahidda ciidam-adda, waayo miinadu waxay ka mid tahay qalabka ciidamadda adduunka, wax-aana loogu telogalay inay ciidamaddu isku difaacaan, waxayna leedahay qaabab iyo loo isticmaalo.

    Miinadda waxaa loogu talo galay inay isticmaalaan ciidanka difaaca kana baqay in cadowgu jiiro; marka la dhigayana waxaa lagudhigaa dukumiinti, kaarto, calaamaddo maguur-aan ah, tiro, cabir dhuleed, ilaalin joogto ah iyo gacan ku hayn.

    Maxaa keenay masuuliyad xumadda miinadda hadey taxadar iyo gacan ku hayn lahayd?

    Waxa masuuliyada darada keenay markuu kacay kaca-an siyaasaddeed, kasoo abu-uray jamhaddo dagaal iyo dagaal sokeeye, kaasoo dhibaateeyey dunida 3aad.

    Jamhaduhu waxay gacanta ku dhigeen hubkii ciidam-adda iyagoon aqoon siday u isticmaaleen meelihii muhii-mka ahaana sida wadooy-inka ceelasha iyo magaaloo-yinkana waa dhegeen iyadoo aan cidina garaneyn tiradda miinada iyo meeshay dhige-en taasina waxay keentay inaan cidina ka nabadgelin Miinadda dhamaan noolaha ku noolaha deegaanadaas iyo gaadidka.

    Miinadu waxay qabsatay oo ku badan tahay dalalka ku yaal dunida 3aad waxaana xumaaday adeegga iyo isu socodkii waxaana dalalka miinaddo ku jirto loo baxshay masiibooyinka mii-nooyinka. Aduunka wuxuu ka qaylinayaa dhibaatooy-inka miinadda, laakin ma eegin meeshay ka timid dhibka miinadda. Miinadda waxaa sameeya dawladaha ku horumaray warshadaha

     

    loona yaqaan G-8, dalalkaa miinadu ma disho dadkooda iyo gaadiidkooda midna, waxayna ka helaan faa'iido badan, dhamaan waxa qarxa ee loo yaqaan TNT, waxayna baabi'isaa dunida 3aad.

    Dalalka xagga warshadaha ku horumaray markay dhaqaalaha dunida 3aad ku urursadaan qalabka qarxa (TNT), bay waxay yiraahdaa waxaana caawineynaa Miin-ada.

    Miinada maxaa laga yeela-yaa?

    Waxaa haboon in la xaaraa-ntimeeyo waayo dalalkaasi iyagaa soo saara, iibsad, dagaaladana abuura, hadana iyagaa ka hadla xaaladda miinada.

    Yaa loo sheegayaa? Yaase joojinkara, dhibaatada miin-ada G-8?

    Axmed Max'ed Dhagaweyne

    Madaxa Qaybta Miina Saarka

    ISIMADA BEESHA DHULBAHANTE OO GUDDOONSADAY.

    Isimada Beesha Dhulbahan-te ee kala ah Garaad C/Qani Garaad Jaamac, Garaad Sal-eebaan Garaad Max'ed, Garaad C/laahi Garaad Soo-fe, Garaad Abshir Saalax Max'ed, Suldaan Siciid Cismaan Cali, Ugaas C/laahi Ciise Nuur, Garaad Cali Bulaale Xassan iyo Boqor C/laahi Axmed Cali. Ayaa waxay Saxiixeen Guddoon ku socday waftiga DGPL ee uu hoggaaminayey Madax-weyne ku xigeenka Ogeysiinna ku ahaa Dham-maan Cuqaasha Beelaha Dhulbahante, kaa-soo u qornaa sidan:- Annagoo ah Isimada beelaha Dhulbah-ante, kana tirsan DGPL, ka dib markii aannu

    ka shidaal qaadannay kulankii bishii Disembar 25dii, garowsannayna taloo-yinkii aynu isla qaadaa dhignay ee la xidhiidhay baahida Bulsho weynta beelaha Dhulbahante u qaa-ban dhismo Maamul tayo leh ee loo wada dhan yahay iyo sugidda Nabadgelyada Shacbi weynaha.

    Markii aannu la tashannay Cuqaasha, waxgaradka iyo Bulsho wenta kala geddisan ee ardaayada beelaha Dhulb-ahante sida ku cad ardaayada beelaha, waxaa la Guddoonsaday:-

    1. Dhismo Maamul tayo leh.
    2. Adkeynta iyo Sugidda Nabadgelyada.
    3. In la qarameeyo dhallin-yarada Hubeysan intii la awoodo.
    4. In la hirgeliyo Habka Canshuur qaadhista,
    5. In laga wada Shaqeeyo dib u heshiisiinta Soom-aaliyeed.
    6. In la ilaaliyo deris wan-aagga iyo Nabad ku wada Noolaanshaha.

    SHIR LOOGA HADLAY NABADGELYADA & ARRIMAHA DHULKA.

    Waxaa magaalada Garoowe lagu qabtay 11/01/00 shir looga hadlayey sugidda Amniga Magaalada Garoo-we iyo Arrimaha Dhulka oo waayadaanba ka taagnaa Muran xoog leh waxaan khudbado ka jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Md. Axmed Yuusuf Xuuxuule, Duqa Magaalada Garoowe Md. Daahir Cali Ciise iyo Taliyaha Saldhigga Garoowe Dhamme Aadan Cali Bootaan. Guddoomi-yaha Gobolka ayaa wuxuu yiri Gobolada iyo Degmooy-inkaba waxa ka dhexeeya tartan ku saabsan horumarka sida Nabadgelyada, Dhaqaa-laha iyo Arrimaha Bulshada,

     

    taasoo loo baahan yahay inay cid waliba deegaank-eeda hagaagsato.

    Duqa Degmada Garoowe ayaa wuxuu sheegay in la qaadi doono dhawaan olole lagu habeynayo wadooyinka Magaalada oo la mid ah kii hadda hor lagu sameeyey Burtinle.

    Taliyaha Saldhigga ayaa isa-gana waxa uu sheegay in Ciidanka Boolisku Gacmaha ka laaban doonin falalka dhanka ka ah Amniga iyo kala dambeynta.

    Ka yimi Bogga 1aad.

    MADAXWEYNAHA D.G.PL OO BOOQDAY....

    dalabyadooda & dhibaatooyinka haysta beerlayda intaa ka dib, Madaxweynaha iyo waftigiisa waxaa qado sharaf looga samee-yey beerta iskaashatada (Ayaan) oo ka mid ah beeraha ku yaala Jibagale, qadadii ka dibna madaxweyna wuxuu u mahad celiyey Gabdhihii iska lahaa iskaashatada (Ayaan) Dadaalka dheeraad ay sameeyeen waxaa u sheegay madaxweynaha in dhibaatada biyo la'aanta ay D.G.PL ay wax ka qabandoonto, galabnimadii jimcada ee todobaadkaan waxaa kaloo u soo booqday garoonka diyaaradaha konooko oo qalabkii iyo guryihii sidoodii ay yihiin gacanta ay ku hayaan Ciidanka Booliska ee Puntland.

    k k k k k k

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Warsidaha Puntland Tirsi 31 Arbaca 19 Jan. 2000 Bogga 5

    XAJKA IYO CUMRADA.

    Waxa noo socday Barnaa-mijkii ku saabsanaa arrim-aha xajka oo aan uga hadl-eynay qaab su'aal iyo jawa-ab ah.

    Su'aal:- Qofka xaajiga ah maxaa xaaraan ka ah intuu camalka xajka ku jiro?

    Jawaab:- hadeyno u kala saarno raga waxaa xaaraan ka ah iyo Haweenka waxaa xaaraan ka ah iyo raga iyo Haweenka waxyaalaha ay wadaagsadaan oo xaaraan ka ah.

    1. Raga waxaa xaaraanka ah dharka loo tolay sida khamiiska, shaatiga, saraaw-iisha iwm.
    2. Raga waxaa xaaraan ka ah iney madaxa daboolaan.
    3. Haweenka waxaa xaar-aanka ah ineey wajiga dab-oolan waxaase ubanaan iney qaataan oo ay xirtaan sida:- Qamiiska, surwaalka oo laga hoos marinayo qamiiska iwm.
    4. Raga iyo Dumarka waxa xaaraan ka ah iney timaha sha-nleeyaan waa haddii ay shalee-ynta ay ku go'ayaan timaha.
    5. Raga iyo Dumarka waxa xaaraan ka ah in la xiiro, lagaa-biyo, latifo madaxa iyo jirka oo dhan timaha ku yaala.
    6. Raga iyo dumarka waxa xaaraanka ah in cidiyaha la jarro, ama lagaabiyo.
    7. Udgoon in la marsado jir-ka, dharka iyo timaha.
    8. Duurjoogta ugaarsigeeda ayaa xaaraan ka ah.
    9. Waxaa xaajiga xaaraan ka ah guurka, galmada iyo wada raaxaysiga.
    10. Waxaa kaloo xaaraan ka ah biyo iska keenida xeelad kasta ha iskaga keenee.

    Su'aal:- Xaajigii la yimaada arrimahaas maxaa waajib ku ah?

    Jawaab:- Waxaa waajib ku ah shanta ugu horeysa ee ficiladaan kamid ah:-

    1. waxaa waajib ku ah Xaajiga inuu isku furto oo ah sadex barri inuu soomo ama haduu awoodi waayo waa inuu quudiyaa 6 miskiin, miskiin kasta

    wuxuu siinayaa (Mud) Bur ah ama neef arri ah ayuu gowracayaa.

    1. Kuwa ugaarta ugaarsa-day waxaa laga rabaa neef lamid ah keey ugaarsadeen oo nicmooleyda kamid ah.
    2. Kuwa istimtaaca la yim-aada waxaa waajib ku ah neef arri ah iney gowracaan, hilibkoodana sadaqeeyaan.
    3. Kuwa layimaada galma-da xajkooda wuu burayaa laakin waxaa waajib ku ah iney nagaadaan intuu xajka ka dhamaanayo dushiisana waxaa ah halneef geel ah, sadaqeeyana haduusan heli-karin waa inuu soomaa tob-an barri waxaase dushiisa ahaaday qalo sanadka kale qaleeyo.

    Su'aal:- Muxuu yahay tiirka labaad ee xaajka?

    Jawaab:-Waa istaaga carafa.

    Su'aal:- Maxay tahay carafa?

    Jawaab:- Carafa waa meel magaceed oo kamid meelaha xajka waana meel la sitaago salaada duhur kadib ee maali-nta sagaalaad ee bisha xajka ee layiraahdo (dilXaj) waxaana la taagnaanayaa ilaa waabariga fajriga maalinta (10aad ee Dilxaj) qadar ka mid ah, tiirkaan wuxuu leeyahay waajib sunan iyo adaab.

    Su'aal:- maxay yihiin waaji-baadka uu leeyahay tiirka 2aad ee xajka oo ah istaaga carafa?

    Jawaab:- wuxuu leeyahay (6 ficil oo ah waajib in la sa-meeyo.

    1. Xaadiritaanka ma kaan-ka carafa maalinta sagaalaad ee ( dil xaj) duhurka ka dib ilaa ay ka dhacdo qadar kamid ah ilaa waaga ka bar-yo maalinta (10aad).
    2. Hoyoshada meesha la yiraahdo musadalfa. Habee-nka 10aad ee dilxaj.
    3. Ganidda jabalka la yir-aahdo Jabalka Caqaba, maa-linta dhuundhowga.

    1. Xiiritanka ama gaabinta timaha kadib markii lagamo jabalka layiraahdo caqaba oo maalinta gowraca. Lasoco..

    Ismaaciil X. Cabdi

    Waaxda Arrimaha Diinta

     

    GO'AAMO LAGA SOO SAAREY D/HOOSE BOSAASO...

    waxaa lagu qabtay 15/01/00 xarunta Gobolka Bari ee Bosaaso shir balaaran oo ay ka soo qayb galeen waftigii PL ee ka soo noqday jabuuti, masuuliyiinta kala duwan ee Gobolka iyo degmada Boos-aaso iyo waliba kuwo dowl-adda dhaxe ah iyo dadwey-ne.

    Shirkaan wuxuu ku saabsa-naa khilaafaad ka dhex oog-may duqa magaalada Boos-aaso ku xgeenkiisa iyo xog-hayaha dowlada Hoose, shir-ka ka hor wasiirka arrimaha gudaha iyo wehelisay waxay si guud iyo si gaar gaaraba u arkeen masuuliyiintii iskhilaafsa-neyd, waxayna u sheegeen cid waliba waxay jid u lee-dahay.

    Ka dibna waxaa wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Md Xasan Abshir Faarax shirka ka akhriyey warqad ku socotay duqa magaalada Baosaaso, xogha-yaha DHoose, ogaysiina ku ahayd Madaxwaynaha PL iyo Gudoomiyaha G.bari una qorneyd sidaan.

    Ka dib markii wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, wasiirka Xanaa-nadda Xoolaha Beeraha iyo Deegaanka iyo Agaasi-maha Guud ee Iskaashiga Caalamiga iyo Xiriirka Dib-adda ay dhageysteen is afga-ran waagii ka dhex taagnaa gudiga fulinta ee degmadda Bosaaso, gaar ahaana Duga magaalada iyo xoghayaha D/Hoose, waxaa la go'aami-yey arrimaha soo socda:-

    1. Waxaa lala socodsiina-yaa duqa magaalada inuu la tashaddo xubnaha kale ee gudiga fulinta. Talaabooyin-kuna waa wadajir sida shar-cigu qabo.

  • Duqa waxaa loo sheegayaa inuusan shaqadda ka fadhiisin karin xoghaya dowlada hoose iyo ku xig-een ka duqa magaaladda.
  • Xoghayaha dowladda hoose, waxaa loo sheegayaa inuu Awaamiirta Duqa mag-aaladda siday tahay u fuliyo, wixii aan ka hor imeyn shar-ciga, wixii intaas dhaafsiisan wuxuu ku soo gudbinayaa warbixin.
  • Lacagta D/Hoose waxaa lagu maamulayaa sida uu dhigayo sharciga dowlada hoose. iyadoo la waafaji-naayo sida miisaaniyada ku qeexan.
  • Gudigu waxay ku adkey-nayaan madaxda D/Hoose ee Bosaaso wada shaqeyn iyo iskaashi buuxa.

    Mr Xasan Abshir Faarax

    Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

    WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA OO CANAN-TAY MAAMULKA GOBOLKA D/HOOSE IYO BOOLIBOSAASO..

    Wasiirka Aimaha Gudaha & Amniga Md. Xassan Abshir Faarax intii uu joogay Mag-aalada Boosaaso Xubnaha Baarlamaanka iyo Odayaa-sha Deegaanka waxay u gudbiyeen warbixin Sheega-ysa inay Burcad Hubaysani khatar ku hayso Amniga Magaalada iyo in Nadaafa-dda Magaaladu liidato.

    Wasiirku Wuxuu yiri suuro gal ma aha in Burcad ku dhibto Boosaaso dadka wuxuuna Amar ku siiyay ku Xigeenka Taliyaha Booliska in Magaalada loo sameeyo Ciidan Roondo ah, wuxuu kaloo Amar ku bixiyay in Nadaafa wax laga qabto Magaaladana la nadiifiyo

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Warsidaha Puntland Tirsi 31 Arbaca 19 Jan. 2000 Bogga 6

    OGEYSIIS KU SAABSAN ARRIMAHA XAJKA

    Wasaaradda Caddaladda iyo Arrimaha Diinta waxay dadweynaha Muslimiinta ah Ogeysiinaysaa in la bilaaba-yo hawlihii Xajka Maalinta Sabtida ah ee ku beegan 22/01/00.

    Sidaas darteed waxaa dad-weynaha la Ogeysiinayaa in qofkii doonaya in uu la xiriiro Xafiisyada Xajka ee Garoowe, Gaalakacyo, Boo-saaso ama Maxkamadaha Racfaanka ee Baran iyo Laascaanood.

    XUKUMO GACANGOYN, MASAAFURIN IYO JILDAAD AH...

    Maxkamadda Degmada Gar-oowe ayaa xukuntay laba Eedeysane maalinimadii Sabtida oo taariikhdu ahayd 15/01/00, kuwaas oo lagu kala xukumay Gacangoyn Eedaysane Xuseen Yacq-uub Cali oo lagu soo eedee-yay inuu xaday 07/10/99 lacag dhan US $ 111, iyo Yuusuf C/laahi Xaamud oo 100 Jeedal iyo masaafurin ka dib markii uu kufsaday Gabar 25/10/99kii.

    Labadaas dambiile waxa ay maxkamadda horteeda ka qirteen in mid waliba galay dambiga lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u cuskatay shareecada Islaam-ka, waxayna siisay muddo 30 cisho oo ay ku qaadan karaan Racfaan.

    QORMADA DEEGAANKA.

    Waxay sheegeen Agaasima-ha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Bee-raha iyo Degaanka iyo Ag-aasimaha waaxka Degaanka ee Wasaaradaasi in sanadka 2000 Wasaarad ahaan ay u qorshaysan tahay wax ka qabadka arrimaha degaanka.

     

    Hadaba si looga faa'iidaysto fikrad ahaan iyo cilmi ahaa-nba Warsiduhu wuxuu idiin soo gudbinayaa macluumaad ku saabsan degaanka iyo qoraalada wacyigelinta iyo wax ka qabadka arrimaha degaanka ee ay noo soo diy-aariyaan mas'uuliyiinta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Deg-aanka.

    waxaana ka bilaabaynaa qormadaan oo uu diyaari-yey Agaasimaha waaxda degaanka Md Max'ud Siciid Nuux.

    degaanka:- meel kasta oo nololi ka suurowda ayeynu u naqaan degaan (Environm-ent). Degaan haboon la'aan-tii waxaa adag in nololi jirto, naflay dhamaanteed nolo-sheedu waxay ku xirantahay degaanka, sida Bini'aadam-ka, Xoolaha, Ugaarta, Shim-biraha, Dhirta, iwm. Tusaale ahaan dadku waxay si toos ah iyo si dadban ugu xeran yihiin dhirta, waayo Bini aadamku gaar ahaan inaga waxaa la qiyaasay inaynu 80% dhaqaalahayagu ka yimaado Xoolaha, Xooluhu-na ay ku nool yihiin daaqa, daaquna ka yimaado deg-aanka. Halkaa waxaa ka cad in degaanku yahay halbow-laha nolosheena una baahan yahay in la dhowro. Waxaa dhacday mudadii burburku jiray in lagu faradejiyey degaanka oo dad aan xilkas ahayn ka dhigteen bar tilm-aameed, Iyaga oo ka faa'iidaysanaya dowlad la'aanta ka jirtay arliga.

    Xiligaan hada la dhisay maamulka PL wax weyn baalaga qabtay xagga dhux-ushii, ugaartii iyo cawskii ee dureemaha ahaa ee dibada loo dhoofinjiray, waxase weli aan wax laga qaban dhuxusha gudaha dalka lagu isticmaalo oo aan nidaam lahayn, habsami ugu dhaqa-nka dhul daaqsimaadka, Kaamamka guurguura, Bar-kadaha iwm oo doorweyn

    kaga jira xaalufinta degaan-ka, hadaba si wax looga qabto arintaa khatarta ku ah degaanka ayaa ayaa xukuu-madu waxay soo saartay qaynuun ku saabsan daryeel-ka degaanka waxaana ansi-xiyey baarlamaanka wuxuu-na dhaqan galayaa hadii Allah idmo sanadkaan cusub ee 2000.

    Qaynuunkaan wuxuu xooga saarayaa in dhul dadka ka dhexeeyo oo aan ruqsad loo haysan lana maalgelin ee layska ooto dooxooyinkii xooluhu daaqi jireen. Wax-aana xafiisyo waaxda degaanka ah laga furayaa Gobolada Puntland iyo qaar ka mid ah degmooyinka dalka.

     

    (La soco toddobaadka xiga)

    Waaxda Arrimaha Deegaanka.

    JEJNIYA XAGEE HUBKA KA HESHAA?

    war laga helay Georgia waxa uu sheegayaa in Ciidamada jejniya hubka ay ku dagaalamayaan iyo Saanaddaba ka iibsadaan Ciidanka ka soo horjeeda ee Ruushka.

    Ka yimi Bogga 1aad.

    MADAXWEYNE KU XIGEENKA PL IYO WAFTIGIISII......

    Madaxweyne ku xigeenka mar wax laga weydiiyay in hawlgalkii waftiga soo gabagaboobay iyo in kale wuxuu sheegay inay dhaqso u laabanayaan, wuxuuna intaa ku daray wajigii hore ee socdaalku inuu ahaa 22 cisho, xooggana lasaarayay in dadka la wacyi geliyo, siyaasadda Dawladdana looga waramo, lays waraysto,lagana codsado in Puntland dhab ah lanoqdo,

    Canshuurtana la bixiyo, maamul fiicanna la hirge-liyo, lagana wada tashado in sidii Ciidamada sita Daray-ska Somaliland laga yeeli lahaa.

    Wuxuu xusay in haddii Cii-danka sita Darayska Soom-aaliland la qarameeyo la damco, inay taasi ku imaan karto dadweynaha deegaana-daas oo canshuurta bixiya.

    Arrimahaas madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay inay si xoog leh Sool iyo Buuhoodle la isugu afgartay, in kastoo ay jireen siduu sheegay dhibaatooyin ka imaanayay dadka ku mabay dhaameel gurashada.

    Qaybta labaad wuxuu sheeg-ay in ay noqonayso in si dhab ah loo hirgeliyo wixii qaybtii koowaad lagu wad hadlay oo ay ugu horreyso hirgelinta bixinta canshuu-raha iyo wixii wacyi gelin iyo tusaalayn ah ee la siin karayo dadweynaha si loogu diyaargaoobo shirka qaran ee madaxweynaha Dawla-dda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu soo jeediyay.

    Gabagabadii kulamkaas madaxweyne ku xigeenku wuxuu u soo jeediyay shaca-bka reer PL meelay joogaan-ba canshuurta inay bixiyaan lagana ilaaliyo jeeb aan xaq ahayn inay gasho, halku dhigguna ahaado maxaad Puntland u qaban kartaa, ee uusan noqon maxay Pun-tland kuu qaban kartaa.

    Reer Puntland wuxuu ugu hambalyeeyey Qarniga Cus-ub iyo Sanadka Cusub, wuxuuna u rajeeyay Guul.

    AFADA RA'IISUL WASAAHA INGIRIISKA OO LA GANAAXAY.

    Shiri Plare, afada Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska ayaa lagu ganaaxay 10 giniga Ingiriiska ah ka dib markii ay raacday tareen iyadoo aan tigid goosan.

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Warsidaha Puntland Tirsi 31 Arbaca 19 Jan. 2000 Bogga 7

     

     

     

     

    MADAXWEYNAHA D.G.PL OO BOOQDAY.......

    Madaxwaynaha DGPL Md C/laahi Yuusuf Axmed ayaa booqday maalintii jimcada oo bishii ahayd 14/01/2000,

    Dhul baareedka jibagale oo uu jirta Garoowe 21 km.

    Waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey madaxweynaha iyo waftigii la socday gudoomiyaha beeralayda Gobolka Nugaal Xasan Yuusuf Kaansha, wuxuuna halkaa ka shaagay warbixin ku saabsan iskaashatada beeralayda Jibgale waxsoosaarkooda Eeg Bogga 4aad

    WAFTIGII AY HOGAAMINAYEEN GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA IYO WASIIRKA WARFAAFINTA OO GAARAY BADHAN..

     

    Waftigii ay hogaaminayeen gudoomiyaha Baar-lamaanka Dr. Yuusuf Xaaji Siciid iyWasiirka Warfaafinta Md Cawad Axmed Casharo ayaa 15/01/2000 (galabnimo) meel 30km u jirta magaaladda Baran waxaa kaga horyim kuna soo dhaweeyeen isimadda, mas'uuliyiinta Gobolka, degmada iyo ciidamadda Booliska iyo darawiishta iyo waliba ururadda bulshadda.

    Eeg Bogga 7aad.

    MADAXWEYNE KU XIGEENKA PUNTLAND IYO WAFTIGIISII OO MAR IIaad KU LAABANAYA SOOL & BUUHOODLE.

    Madaxweyne ku xigeenka Puntland Md. Max'ed Cabdi Xaashi iyo Xubno ka mid ah waftigii uu hoggaaminayey ayna ka mid ahaayeen wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Md. Axmed Cabdi Xaabsade ayaa dhammaadkii toddobaadkii hore ku soo laabtay Caasumadda Puntland ee Garoowe ka dib markay muddo ku sugnaayeen Sool iyo Buuhoodle.

    Eeg Bogga 6aad

     

    WASIIRKA CADDALADDA IYO ARRIMAHA DIINTA OO SAXIIXAY GO'AAMO KU SAABSAN XAJKA IYO XUJAYDA

    Waxaa lagu qabtay maalmihii la soo dhaafay xafiiska Wasiirka Arr. Diinta iyo Caddaaladda Sh. Calinuur Axmed Aw Muuse shirar ay ka soo qayb galeen wasaaradaha Arr. Gudaha iyo Amniga, Wasaaradda Arrimaha Bulshada Qaybta Caafimaadka, Wasaaradaha H. Guud qaybta Duulimaadyada iyo shirkadda Duulimaadyada ee Daalo waxaana ka soo baxay Go'aamadaan oo uu saxiixay Wasiirka Caddaladda iyo Arr. Diinta.:-

    Eeg Bogga7aad.