Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

 

  

T U S M A D A W A R G E Y S K A

 

------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

 

MAALGASHIGA IYO AMNIGA PUNTLAND

Diyaariye:- Prof. Maxamuud Ismaaciil C/raxmaan

 

Wilaayada puntland waxaa ka hir galay warshado iyo shirkado adeeg oo lacag badan lagu maalgaliyey, shirkadahaasi waxay kaalin ka qaateen marnaanta maqnaanta Dowladii soomaaliyeed ka dhalatay.

Wilaayada puntland muwaadiniin u dhashay waxay ka faa'iidayteen amniga iyo daganaanta, taasi oo ku dhiiri galisay in Goboladooda ka dhisaan warshado cuno, biyo saafi ah, Qalabka dhismaha qaarkii qalabka guryaha, xirfado gacmeed, sidoo kale shirkadaha isgaarsiinta Galcom, Al Barakaat, Netco, Ausoma Somtel iyo kuwo kale waxay ku guulaysteen inay adeeg heer sare ah ee isgaarsiin ka haqab tiraan Maagalooyinka waaweyn iyadoo sicirka adeegooduna macquul yahay.

Shirkadaha xawilaada lacagta Amal, Dahabshiil, Al-Barkaat, Almustaqbal iyo kuwo kale waxay iyaguna u sahleen muwaadiniinta dalalka shisheeye ku nool iyo qoysaskooda, ganacsatada, inay lacag isu diraan kalana helaan. Waxaa kaloo iyaguna kaalin muhim ah ciyaara Hoteeada Puntland oo lagu soo dhoweeyo muwaadiniinta gobolada kale ee dalka ka soo safra iyo kuwa ka yimaada dalalka kale, ha noqdeen wufuud, Dalxiis, Ganacsato iyo masuuliyiin Soomaali iyo shisheeye ah, iaydoo asaasidii Dowlad Goboleedka Punland ka hor Hoteeladu amaan galinta dadka ku soo daga, xafidaada lacagtooda iyo hantidooda kale ku guuleysteen, waxaana xusid mudan in xiligaas muwaadinka puntland qudhiisu uu ka  

walwali jiray nabadgelyadiisa shakhsiga ah iyo nolosha qoyskiisa.

Hoteeladu waxay kaloo xiriiriyeen soomaalida Gobolada kale iyo Punland waxay suura galiyeen isdhaafsiga Ganacsiga iyo isdhexgalka bulsho, taasi oo xoojisay dareenka midnimada iyo aayatiin wadaaga, dalxiiska, iyaga oo kaalintaas ciyaara, hadana mulkiilayaasha hoteeladu waxay ka cabanayaan inaan maamulada Goboladu waxa waxtar ah ama adeeg ah ee xaga dalxiiska iyo hoteelada sida korontada, biyaha, Nadaafada, aanay ka geysan Qeybtaas muhimka ah.

Gaar ahaan hoteelada boosaaso oo ku yaal meel kulayl badan, una baahan xiliga xagaaga koronto joogto ah, biyo macaan, Talaagado, Mukayfyo ( Air conditions ), waxay kaloo ka cabanayaan xaga caafimaadka iyagoo leh hal maalin ma arag hay'adaha Caafimaadka oo kor meeraya xaalada caafimaad iyo nadaafada hoteelada iyo meelaha u dhow.

Waxaa kale oo mulkiilayaasha hoteeladu ka cabanayaan iyada oo shisheeyuhu siiba martida Hay'aduhu ku dagaan Guryaha Hay'adaha wakiiladoodu dagan yihiin, hakaasi oo hoteelada dalka lacag badani kaga baaqato, waxayna leeyihiin habeen walba waxaa martidaa laga qaadaa lacag dhan 20 ilaa 30 doolar.

Shaki kuma jiro in hoteelada, warshadaha yaryar, shirkadaha isgaarsiinta, warshadaha qalabka guryuhu shaqooyin siiyeen muwaadiniin fara badan dowladuna cashuur ayey ka heshaa, waxayna dhiiri galinayaan maal gashi kale.

Waxaa loo baahan yahay in hal abuurayaashaan maal qabeenku mashaariic cusub, Isbitaalo casri ah, warshado caano iyo hilib, Kalluun, maacuun ka sameysan macdan iyo balaastiig, qalabka qurxinta, qalabka dhismaha, dharka hanti gashadaan maadaama puntland alle ku minaystay amni iyo maamul ilaalin kara hantida iyo nafta muwaadinka.

Waxaa kaloo dawlad goboleedka puntland ku guulaysatay in ay difaacdo khayraadka bada puntland oo horey maraakiib kalluumaysi shisheeye ka caado yeesheen inay xadaan.

Guulahaasi kala duwan ee Dowlad Goboleedka Puntland iyo maal qabeenka puntland gaareen, waxay hor u dhac u yihiin horumar dhaqaale iyo geedi socodka puntland ee toobiyaha horumarka, barwaaqada iyo fursado badan ee shaqo , mashaariic cusub ee wax soo saar iyo adeeg oo ka duwan kuwii hore.

 

DAD WARAABAYAAL KU CUNEEN BARIGA SANAAG.

 

Wararka aanu ka helnay dad lagu kalsoonaan karo ayaa waxay yeeshagayaan in todobaadkaan gudihiisa in waraabe ku cunay 5 qof oo isugu jira caruur iyo waayeel Tuulooyinka Hadaaftima iyo Balibusle oo ku yaala Bariga sanaag.

Dadkaas waxay yeesheen dhimasho iyo dhaawac waxayna cabsi wayn ka qabaan dadka reer guuraaga ah Waraabaha dad cunka ah ee ka dilaacay deegaankoodii, ilaa iyo hadana majiraan wax lagula tacaalay arintaan.

 

 

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO KHUDBAD KA JEEDINDOONA FURITAANKA KALFADHIGA 3AAD EE BAARLAMAANKA.

 

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa khudbad dheer ka jeedindoona kaldfadiga sadexaad ee Golaha Wakiilada Puntland oo lagu wado in Garoowe ka furmo 15/6/2000.

Madaxweynuhu furitaanka kalfadhiga wuxuu ka soo jeedindoonaa qudbad dheer oo uu kaga hadlidoono xaalada guud, wixii qabsoomay intii u dhaxaysay labada kalfadhi iyo arrimaha hada taagan ee la rabo in horay looga dhaqaaqo.

Madaxweynaha sidii caadada u ahayd wuxuu xooga saari doonaa arrimaha siyaasada gudaha iyo debada, amniga, Cadaalada, Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada, xoolaha iyo Deegaanka iyo arrimaha kale ee muhiimka ah, sida arrimaha badaha, kalfadhigaan sadaxaad wuxuu ku soo beegmay waqti loo baahnaa kuna haboon in arimo badan in laga wada tashado, xalna loo helo.

 

DAWLADDA JABUUTI OO KA BAXDAY HESHIISKII AY LA GASHAY PUNTLAND.

 

Horay ayaa waxaa u dhaxmaray Dawladda Puntland iyo Jabuuti heshiis sheegayey in Dawladda Jabuuti ay ixtiraamayso go'aanka dadka iyo Dawladda Puntland oo ahaa iyaga in ay ka timaado dadka ay u dirsanayaan Shirka Qaran.

Dawladda Jabuuti way ka baxday heshiiskaas waxayna is hor istaagtay sida la'ogsoonyahay Isimadii iyo Madaxdii halkaa tagtay inay ku dayday in ay ku qasabto inay magacaabaan Ergooyinka shirka, waxay kaloo Jabuuti is hortaagtay Waftiga Puntland in ay ku soo laabtaan dalkooda, taasina waxay keentay in Golaha Wasiirada Puntland inay soo saaraan Go'aan ay kaga dalbanayaan Jabuuti inay Wafdiga Puntland u ogolaato in ay ka soo dhoofaan dalkeeda iyo in Dawladda Jabuuti masuul ka tahay amniga, xoriyada, dhaqdhaqaaqa iyo hadalka dhamaan wafdiga Puntland.

 

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO KU SOO LAABTAY CAASUMADA.

 

Madaxweynaha Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa 8/6/2000 galinkii dambe ku soo laabtay Caasumada Puntland ee Garoowe kadib markuu Gaalkacayo ku tagay kormeer shaqo oo gaaban.

Madaxweynuhu intii uu Gaalkacayo joogay wuxuu la kumay hawl wadeenada Dawladda iyo odoyaasha, gaar ahaana kuwa u ololeeya xaga Amniga.

 

DAWLADDA PUNTLAND IYO HAY'ADAHA UNDP IYO DIAKONIA OO ISKU AFGARTAY FULINTA MASHAARIIC WAAWEYN.

 

Wadahadalo maalmahanba Saraakiisha Dawladda Puntland iyo Hay'adaha UNDP iyo hay'adda fulineed ee DIAKONIA Sweden ayaa si weyn laysugu afgartay in Puntland laga fuliyo mashaariic waaweyn.

Mashaariicdaan oo ay maalgelindoonaan Dawladaha Sweden iyo Talyaniga , waxaa wax lagaga qabandoonaa Garsoorka, Booliiska, Xabsiyada, Dhaqan celinta iyo Miino saarka. Hay'adda UNDP/Civil Protection oo la filaayo in ay soo degto Garoowe Sebteembar 2000 ayaa wax ka qabandoonta miino saarka iyo dhaqan celinta oo ay ka bilaabi doonto sahan ay ku samayso miinada iyo tiro koob xaga dhaqan celinta ah.

Hay'adda DIAKONIA Sweden oo iyadu degan Garoowe ayaa fulindoonta mashaariicda ku saabsan Garsoorka, Booliiska, iyo xabsiyada, Hay'adaas oo ka mid ah kuwa loogu kalsooni badan yahay xaga wax qabadka.

 

KOOBKII XIDIGAHA OO GAALKACYO LAGU SOO GABAGABEEYEY.

 

Magaalada Gaalkacayo ayaa lagu soo gabagabeeyey koob la magacbaxay xidigaha, oo sanadkasta oo mar la qabto, kaasoo bilowday 22/5/2000 ayna ka soo qayb galeen 6 kooxood oo kuwa Kubada cagta ah, kalana ah Geko, Amal, Minishiibiyo, Gaakacayo Team, Kaah Kismaayo, iyo Morny Team.

Ciyaartii u dambeysay waxaa isaga horyimid Geko iyo Kaah Kismaayo waxaana guushu ku raacday 3 - 2 Kaah Kismaayo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Ilyaas Cabdi Nuur ayaana gudoonsiiyey koobkii loogu talagay kooxdii ku guulaystay Ciyaarta kama dambaysta.

 

WASIIR KU XIGEENKA ARRIMAHA BULSHADA OO GUDOONSIIYEY SHAHAADOOYIN 39 GABDHOOD OO DHAMAYSTAY HALSANO OO WAXBARASHO MAAMUL AH.

 

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Bulshada Axmed Maxamuiud Nuur ayaa xaflad lagu qabtay Dugsiga Sare ee Garoowe oo ku dhaxyaal Macahadka Maamulka iyo Maaraynta ee Garoowe 8/6/2000, wuxuu ku gudoonsiiyey shahaadooyin 39 Gabdhood oo dhamaystay waxbarasho halsano ah oo ku saabsaneyd xagga maamulka iyo kuwa kale oo dhamaystay 6 bilood, Gabdhahaas waxay halkaa sano soo barteen Financial Accounting, English Language, Management & Information Technology (Computer).

Xafladii xeritaanka waxaa ka soo qayb galay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Axmed Maxamed Kulan, Maamulaha Xafiiska Madaxtooyada Ismaaciil X. Warsame, Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Yuusuf Macalin Ibraahim, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Axmed Yuusuf Muuse, Duqa Magaalada Garoowe Daahir Cali Ciise, Masuuliyiin ka socday Hay'adaha Caalamiga ah, Bahda Waxbarahsada Puntland, waalidiinta Ardayda iyo wax garad iyo aqoon yahano kala duwan.

Dugsiga maamulka Garoowe waxaa fangareeya Hay'adda Diakonia waxaana wada maamulkiisa Ururka KAALO ee fadhigiisu yahay Garoowe, xiritaankii Xafladaana waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Ururka KAALO Maxamuud Sh. Xaamid oo

sheegay sababta uu dugsigaan ku bilowday inay ahayd Siciido Xirsi Cigaal oo ka mid ah shaqaalaha Diakonia oo daraasad ku samaysay baahida loo qabo xagga maamulka iyo macahad noocaan oo kale, Maxamuud wuxuu

kaloo warbixintiisa ku xusay inay 13 shaqaale ah ka hawl galaan macahadka kuwaas oo isugu jira maamul, macalimiin iyo shaqaale hawshaas iyo in dugisgaan lagu bilaabay 66 Gabdhood, 39 ay dhamaysteen hal

sano, iyo in waliba macahadka lagu tababaray 60 ka mid ah shaqaalaha Dawladda Puntland oo ay taageeraysay Hay'adda UNDOS.

Waxaa isagunu xafladaas hadalo ka jeediyey wakiilka Diakonia ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Cali (Maxamed dheere) oo sheegay in machadka loo hayo dhaqaalihii lagu wadi lahaa 3 sanno ee soo socaota kadibna inuu qorshu yahay inay dawladu la wareegto, waxaa kale oo xaflada ka aqriyey warqad uu ka siday wakiilka Diakonia ee geeska Afrika, Mr. Birth Nilson oo ay u suurageli waysay in uu ka soo qayb galo xafladaas qurshahana ay ugu jirtay.

Waxaa iyaguna bandhig ku sameeyey wax yaalihii ay soo barteen Gabdhaha kala ah (Xamdi Xasan Maxamed, Batuulo Cabdi Cabdule, Safiyo Sugule iyo Deeqo Aadan Maxamed) oo ka mid ah ardayda qalin jabiyey.

Waxaa isaguna ka hadlay xafladaas balaarneyd ee ay ka soo qaybgeleen qiyaastii in ka badan 150 qof Guddoomiyaha Gobolka Nugaal oo sheegay muhiimada ay leedahay waxbarashada iyo waliba Caafimaadka iyo sida ay isaga uga go'antahay inuu xoog saaro labadaas.

Waxaa isaguna ka akhiriyey xaflada magacyada 5 Gabdhood oo ah kuwa mutaystay abaalgud gaar ah isuguna

jiray 3 ugu saraysay iyo labo gabdhood oo aan iskuulka waligood aan daqiiqad ka maqnaan Maamulaha macadka Cabdi Muuse Caayib.

Wakiilka Diakonia ee Soomaaliya ayaa isaguna Guddoomiyaha Ururka Kaalo gudoonsiiyey abaal marin sidii ay ula shaqeeyeen ugana soo dhalaaleen xilkii ay u xilsaarnaayeen. Intaa waxaa dheer in ay Hay'ada Diakonia ka codsatay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Duqa Degmada Garoowe in macadka la siiyo dhul, iyaguna waxay u muuqdeen inay aqbaleen bixinta dhulkaas.

Waxaa kale oo ka mid ahaa Madaxdii halkaa ka hadashay Agaasimaha Guud ee Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland Mudane Azari oo sheegay in agaasinkiisu sugayo in loo soo gudbiyo siifiiyada Gabdhaha iyo Magacyadooda sidii ay u kala horeeyaan Gabdhaha xaga dhibcaha, lana siindoono tixgelinta ay mudan yihiin, halka sano horayna aan imtixaan laga qaadayn.

Macadka Maamulka waxaa la qorsheeyey in la siibalaariyo ayna ka wadaqayb galaan Rag iyo Dumarba koorsooyinka la qaadan doono mustaqbalka dhaw, waxaana dhaqso tababar 6 bilood ah tababar u aadidoona Maamulka iyo Macalimiinta macadka, macadka oo hada qalabaysan waxaa lagu baran doonaa marka labalaariyo Business Managment, Cost/Managerial Accounting, Government Accounting, Commerce, Statistics, Computer Accounting Soft Ware, PC Maintenance & Basic Networking, English Language (Intermediate and Advanced levels).

Xafladaas waxaa lagu xiray Wasiir ku xkigeenka Arrimaha Bulshada oo gabdhii qalin jabiyey mid mid u gudoonsiiyey shahaadooyin koodii  

 

QAYB KA MID AH MALAAQYADA RRA OO DIIDAN KA QAYB GALKA SHIRKA JABUUTI.

Wararka ka imaanaya Magaalada Carta waxay xaqiijiyeen qayb ka mid ah malaaqyad Digil iyo Mirifle inay diidan yihiin inay ka qayb galaan shirka Jabuuti diidmadaan waxay sal uga dhigeen inaysan suurtagal ahayn inta la haysto qayb dhulkoodii ka mid ah, dadkoodiina la cadaadinayo inay shirka ka qayb galaan.

Fegradaan waatan ugu xooga badan ee ay ku doodayeen tan iyo waqtigii ay Jabuuti tageen odoyada digil iyo Mirifle, hadana siweyn bay ugu kala qaybsan yihiin. Guddoomiye ku xigeenka RRA Aadan Maxaned Nuur (Madoobe) ayaana 7/6/2000 sheegay in Golahooda malaaqyada diyaaraddii iyo Basas ay kiraysteenba loo diiday xornimana aysan ku haysan Jabuuti.

 

MADAXWEYNAHA PL OO KU EEDEEYEY JABUUTI INAY KHASBEYSO WAFTIGII PUNTLAND.

 

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa 7/6/2000 cadeeyey sida Dawladda Puntland aysan uga raali ahayn in Wafdiga Puntland ee ku sugan Jabuuti loo diido inay wada tashi ugu soo laabtaan dalkooda iyagoo codsanayey 10 casho ka hor, Madaxweynuhu wuxuu u sheegay  

Dawladda Puntland inay doonayso inay si degdeg ah ugu ogolaato wafdigaasi inay ka soo kicitimaan Carta.

Arintaa wuxuu Madaxweynuhu sabab uga dhigay inay wafdigu soo dhamaysteen wadatashigii ay halkaa u tageen iyo inay suurta gal ahayn in wafdiga Puntland loo haysto Madax furasho.

 

WASIIRKA XANAANADA XOOLAHA & DEEGAANKA OO SOO SAARAY WARBIXIN KU SAABSAN DHIBAATADA DHURWAAGA.

 

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Deegaanka ayaa wuxuu soo saaray warbixin uu ugu magacdaray masiibo caalamiya oo uu samaynayo Dhurwaaga Dalka.

Wasiirka warbixintiisa wuxuu ku bilaabay in dhaqaalaha dalka ay lafdhabar u yihiin Xoolaha iyo dadka raacatada ah ay inay soo food saartay waqtiyadaan dambe dhabaato weyn oo ah in waraabaha weerar joogto ah ku hayo Xoolaha iyo Dadkaba, warbixintu waxa ay sheegtay in tirada Waraabuhu korartay iyo in uu Ugaartii uu cuni jiray ay yaraatay intaa waxay ku tartay in Wasaaradda Maalin waliba soo gaarto cabashooyin arintaa ku saabsan, dhanka kalena warbixintu waxay xustay in dhibaatada waraabaha laga sheegay kalfadhigii labaad ee Baarlamaanka qaabka wax looga qaban kar, warbixintu waxay ku talisay in dabada dhurwaaga lagu badalo lacag. 

Tusaale ahaan 50,000,000 Sh.so (kontan Malyan oo Sh.) waxaa lagu dili karaa 500 oo dhurwaa, warbixintu waxay ka digtay in la isticmaalo sun taasoo ay ka dhalan karto dhibaato ka wayn tii laga cararayey.

 

SHIL BAABUUR OO KA DHACAY WADADA U DHAXAYSA GAROOWE IYO LAASCAANO

 

Murxuun Cabdi Diiriye Geere oo ka mid ah Ciidanka la shaqeeya Madaxweyne ku xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ku geeriyooday shil Baabuurka Madaxweyne ku xigeenka DG Puntland oo ka dhacay meel Garoowe 40km u jirta kana xigta galbeedka.

Waxaa kale oo shilka ku dhaawacmay 10 qof oo 2 dumar tahay, midoodna ahayd Aafada marxuunka, 2 nin oo kala ah C/risaaq Aw- Yuusuf iyo Guray Xuseen Faarax.

Dhaawacooduna culus yahay sababta shilkuna waxay ahayd in taayir u baxay Buubuurka kadibna wadada ka baxay kuna dhacay dhagaxyo waaweyn.  

 

MA OGTAHAY AQRISTOW?

 

In dalka Kenya hadii Booliiska ku qabto, kuguna eedeeyo dambiyo culus oo ay ka mid yihiin in aad dhacday 10 Bangi, in sida kaliya ee aad ku badbaadi karto ay tahay in aad qirato dambiyadaas culus, hadii kale oo aad ka gilgilato shirqool kaas, todobaad gudihiis ayaad ku gogo aysaa xabsiga.

Ma ogtahay aqristoow in dalka Sucuudiga ah hadii Askari dambi kuugu eedeeyo laguna xero, marnaba aan lagu geyneyn Maxkamad hadii aan Askarigii ku soo qabtay sooragal kaaga dhigin markuu doono, hadii la badalo ama uu dhintana halkaas ayey adigina uugu dhamaaneysaa hadii aan Alle faraj kuu furin.

Ma ogtahay aqristoow in magaalada Ateneth oo ah Caasumada dalka Gariiga ay waa labo Gabdhood oo fanaaniin ah oo heesaha ku wacan yimaadeen. Gabdhahaas oo ahaa Mareeykan aad bay u dhalin yaraayeen, u qurux badnaayeen, isuguna la ekaayeen. Markay tiyaatarka Magaalada Ateneth ku soo bandhigeen Heeso aad looga helay, xafladiina dhamaatay ayaa labadii Gabdhood oday iyo wiilkiis ku kala qaateen labo Baabuur iyagoo is ogeyn, lana wada tegeen Gurigoodii. Aad ayaa qoloba qolada kale u la yaabtay markaas Gabadhii la socotay Wiilka tiri (ma Gurigaan quruxda badan ayaad ijaar ugu wada jirtaan, darisna ka tihiin?

Odayga oo ahaa nin maalqabayn ah ayaa ugu jawaabay maya ee aniga ayaa iska leh ninka kula socda waa Wiilkaygii. Gabadhii ayaa hadana tiri hadii aad tihiin wiil iyo aabihiis aad tihiin anaguna Gabar iyo Hooyadeedbaanu nahay. Sidaas darteed oday yahow fadlan qofta kula socotaa waa Gabadheydii ee ku soo wareeji wiil kaaga, adiguna anigaa kuu qalma oo hooyo ahee ihoo !!!

Ma ogtahay aqristoow in oday iyo aafadiis dhaleen labo caruur ah oo kala ah wiil iyo gabadh. Markiilabadii caruur ahayd qaan gaar noqdeen ayey suuragal noqotay in ay isguursadaan sidaasna waalidiintooda raali ku noqdeen, waana Soomaali.

Ma ogtahay aqristoow in dhul yar oo dhan hal higtar oo ku yaal magaalada Hoonkook laga bixiyey 15,000,000,0000 (shan iyo toban bilyan oo doollar) bila yarna dhulkaas ku soo celiyey qiimihiisa mucjisada ahaa.

Waligaa ma aragtay Aqristoow nin magaalada dhaxdeed hal gacan ku haya isteerin Baabuur xoog u socda, gacanta kalena ku haysta Telephone MOBILE oo waliba aad ugu hadlaya? Mayeynan taasi noqon karin ("Lugtu haday jeenigu dhaaftiraahdo wayjabtaa"? Bosaaso)

Aqristoow waligaa ma aragtay, 4 ama 5 nin oo Baar wadafadhiya oo waliba islajooga oo mid waliba haysto raadiyo uu ku dhagaysanayo BBC-da.

Markaad u timaado oo aad waydiiso waxa idaacadu sheegtayna mid waliba kuu sheegayo war aan kuwa kale raadiyayaashooda ka maqlin, halkaasna uu ka bilaawdo murana,

hebelow adigu waxba ma taqaanid ee raadiyaha iska dhig iyo waryaa adigu reer baadiye ayaad tahay ee aamus?

Qore Muuse X. Siciid (Abees)

 

WELCOME

NATIONAL HOTEL GAROWE

 

MA OGTAHAY IN LAGA FURAY MAGAALADA GAR-OOWE HOTEL CAALAMI AH OO LA MAGAC BAXAY HOTEL NATIONAL, KAAS-OO KUULA DIYAARA SOO DHOWEYN IYO ADEEG HUFAN SAACAD KASTA.

HOTEELKU WUXUU KU YAALAA WADADA HOR MAR-TA HOTEL GUREYE DHINACEEDA QORAX KA SOO BAXA KASOO HORJEEDKA MAKHAAY-ADA SAHRO ISLAAN.

HOTEELKA OO AH MID CASRI AH WAXAAD KALA KULMI DOONTAA JIIF KU RAALI GALIYA IYO JABAQ LA'AAN.

HADABA HAKA MAQNA-AN OO YAAN LAGAAGA SHEEKAYN HADAAD GAR-OOWE BOOQASHO KU TIMAADO AMA AAD U BAAHAN TAHAY NASASHO HUFAN OO AAD KU QANACDO

I I I I I

 

 

DAWLADDA HOOSE EE BOSAASO OO LAGU AMRAY INAY BIXISO KORONTADA WADOOYINKA IYO MASAAJIDADA.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Yuusuf Macalin Ibraahim, ayaa amar ku siiyey Duqa Magaalada Bosaaso in uu bixiyo lacag dhan 78,296,316 Sh.So oo ah isticmaalka Korontada nalalka wadooyinka Masaajidada iyo xarunta Dawladda Hoose ee Bosaaso.

Lacagtaas oo ay sheeganayso Wakaaladda Xooga Korontada ee Bosaaso, waxaa la isticmaalay intii u dhaxaysay September 1999 ilaa April 2000. hadii 10 casho oo ka bilaabanta 5/6/2000 gudohood ay dawladda hoose ee Bosaaso lacagtaa ku bixin wayso, Wasaaradda Maaliyadda ayuu Agaasimuhu amray in lacagta boqolayda dawladda hoose ee Bosaaso in lagu wareejiyo Wakaalada Xooga Korontada Bosaaso.

 

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA NUGAAL OO SHEEGAY IN ISBITAALKA GAROOWE U BAAHAN YAHAY GACAN ADAG.

 

10 bari ee u dambeeyey waxaa dadaal adag loogu jiray sidii loo hagaajin lahaa nidaamka Isbitaalka Garoowe, waxaa meesha laga badalay Maamulihii Isbitaalka Axmed Warsame oo muddo hayey xilkaa, waxaana lagu baday nin dhalinyaro ah oo sumcad weyn ku leh Isbitaalka iyo shacabka reer Garooweba lana yiraahdo C/xamiid Yuusuf Aw-Ciise. 

Agaasimhii hore ee Isbitaalka Dr Jeesare ayaa isagiina waxaa lagu badalay Dr. C/salaan Caydiid oo horay u ahaa Agaasime ku xigeenka Isbitaalka, agaasime ku xigeena waxaa loo magacaabay Maamulihii Isbitaalka (Axmed Warsame). Isbadalkaan iyo magacaabida xilalkaan waxay keentay muran xoog leh oo sababay in la magacaabo guddi xilwareejin oo ka kooban Hanti Dhawrka Guud, Shaqada Iyo Shaqaalaha, Booliiska, Maaliyadda Iyo Gobolka.

Maamulihii hore in uu xilka wareejiyo waa ogolaaday waana u diyaar garoobay hase yeeshee 7/6/2000 ayaa waxaa dhacday in Guddoomiyaha Gobolka oo ka soo baxay xarunta Gobolka, Gaarigiisana wata inay soo weerareen wiiluu dhalay Maamulihii laga baday Isbitaalka iyo mid kale oo ay qaraabo yihiin inta la hubo, ku waasoo ku hubaysnaa burar, waxayna dhaawacyo fudud gaarsiiyeen Guddoomiyaha Gobolka iyo Gaarigiisa.

Si kasta arintu ha ahaatee waxaa la xeray Agaasimihii horay ee Isbitaalka wiilashii falka gaystayna wali Booliisku waa ku dabajiraan, waxaana horay loogu balansanaa 10/6/2000 in xilwareejintu dhacdo. Guddoomiyaha Gobolka oo arintaa ka hadlay 8/6/2000 wuxuu yiri, waxaa iga go'an in aan Isbitaalka wax ka qabto dhibaato kasta oo iga soo gaaraysa, horayna Isbitaalka waxaa looga ceeriyey Ciise Cade oo maaskaro loo gashaday waqti habeen ah, dhakhtar Bashiir Cali Biixi iyo Jeesare oo ugu dambeeyey, maantana qofkii qaliin yar u baahda waa in loola cararaa Gaalkacayo ama Bosaaso. 

 

GUDIGA SARE EE GARSOORKA OO LA KUMAY WAFDI UNDP IYO DIAKONIA AH.

 

Guddiga sare ee Garsoorka ee uu madaxda ka yahay Yuusuf X. Nuur ayaa 7/6/2000 xaruntooda kula kulmay wafdi ka socda UNDP & DIAKONIA , xubina uu ka yahay kaaliyaha masuulka safaarada Talyaniga ee Nairobi u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Guddiga Garsoorka iyo Wafdigu waxay ka wada hadleen:-

  1. Qawaaniintii oo ku qoran Af-Soomali, Talyaani, English iyo Arabic oo loo keeni doono Maxkamadaha Puntland.
  2. Tababaro la siiyo Garsoorayaasha Puntland.
  3. Qalabaynta Maxkamadaha.

Guddoomiyaha Guddiga sare ee Garsoorka wuxuu sheegay in wadahadalka noocaani balaabmay waqti hore hase yeeshee gabgabadii waxaa loo wakiishay fulinta hawlahaas Hay'ada Diakonia Sweden, hirgelintuna waxay bilaabmaysaa bisha September 2000. 

 

 

OLALE TALALKA JADEECADA AH OO GAALAKACAYO KA SOCDAY 10 CASHO.

 

Waxaa ka socday Magagaalada Gaalkacayo Olale talaalka Jadeecada ah oo loogu talagalay in uu socdo intii u dhaxaysay 1/6/2000 ilaa 10/6/2000, kaasoo la siinayo Carruurta dadoodu u dhaxayso 9 bilood ilaa 5 sanno, olalahaan waxaa gacan ka gaystay Hay'adda UNICEF oo bixisay awood kooban, baahidii talaalka ee magaaladana waa ka yaraatay, ilaa iyo hadana waxaa la talaalay 10 labalaab intii Hay'adu ugu talagalshay.

Dr.Axmed Xuseen Qurux oo warkaan sheegay ayaa shaaca ka qaaday in Talaalku ku egyahay Magaalada Gaalkacayo oo kaliya, dhaqtarku wuxuu intaa ku daray cudurka Jadeecadu in uu yahay khadar keeni karana dhimasho, daawadiisuna ay dhib badan tahay, ilmaha uu ku dhaco wuxuu qaadanayaa daawooyin badan oo qaaliya isla markaana aad u diciifayo.

Sidaa daraadeed Talaalka oo ka hortaga wuxuu ku tilmaamay inuu yahay lagama maarmaan, ilmihii jadeecada laga talaalaana si fudud ayuu ugu dhacayaa, ama kubadhici maayo, dhakhtarka wuxuu intaa raaciyey inaysan Ganacsatadu iyo Bulshadu siin gacantii loo baahnaa, bal dadka qaarkiis waa dacaayadaynayeen, qaarna kooxaha wareegaya ayey dagaal iyo afxumo kala horyimaadeen.

Dhibaatooyinka kale ee jira wuxuu xusay dhakhtarku in ay ka mid tahay waalidiinta oo guryaha ka maqan, iyo wacyigelinta oo yar.

Talalkaan waxaa ku xigi doono sida dhakhtarku sheegay mid loo bixidoono degmooyinka iyo tuulooyinka, wuxuuna ka rajeeyey Hay'adaha gacanta ka gaysta iyo shacabka in ay kaalintooda ku dadaalaan.

 

ARIGTADA SIYAASADEED EE

PUNTLAND.

 

Dawladda Goboleedka Puntland waxay aaminsantahay:-

 

WAAYAHA ISBOORTIGA PUNTLAND .

 

Tan iyo burburkii dawladii soomaaliya waayaha isboortiga Puntland wuxuu ahaa mid wiiqan oo aan xiriir badan lahayn, tababaro aqoonaydna aan helin, xubnaha ciyaartoydana aanay helin waayo aragnimo, mana lahayn goobo farsamo oo ay isuguyimaadaan ama ku baratamaan oo sharciyeysan, marna ma ay helin ilaalin buuxda ama hab wacyi u sameeya una uruuriya si nidaamsan, Naadiyo iyo Garsoor haga ama qalab ay isticmaalaan.

Gobolada Puntland waxay lahaayeen Urur iyo xiriiro tartan oo ay iskood ay u

abuurteen taasoo ay ahayd in si fudud wax loogu tari karo oo tiimam xul ah loo sameeyo.

Qaybta kubada cagta oo aad looga isticmaalo Puntland ayaa ah tan ugu kharash yar.

Sidoo kale kubada kolayga iyo laliska ayaa iyana garoomadoodii la dagay oo

aan hada wax laga qaban, waxaana lagu kabi karaa noocyada teeyniska.

Ciyaaraha Jimicsiga ayaan marna cidi xusin sida Orodada, Boodada, Dabaasha, Lagdinta, Feerka.

Waxaa iyana jirta noocyo ciyaaro ah oo aan dalkeena laga isticmaalin sida Atleetikada Booda usha iwm.

Ciyaaraha tartamada xoolaha sida fardaha, rukuubka oo dhaqan u ahaan jiray soomaalida oo dhumay.

Diyaariye:- C/risaaq Cawil Cali.

 

WARARKA CAALAMKA.

 

 

MOSKO:-

Madaxweynaha Ruushka Fladmeer Buutiin ayaa wuxuu soo saaray go'aan ku saabsan in jeejniya Madaxtooyada Ruushka si toos ah looga maamulayo mudo 2 ilaa 3 sanno ah.

UN-ka:-

UN-ka ayaa waxay sii wadaysaa hawlaheeda la xiriira hubinta in Israa'iil ay si buuxda Ciidamadeeda uga daadguraysay koonfurta Lubnaan.

UN-ka mar hore ayey joojisay hawlahaas kadib markuu khilaaf dhaxmaray UN-ka iyo Israa'iil khilaafkaas oo ku lug lahaa xuduuda u dhaqaysa Israa'iil iyo Lubnaan.

SIRALIYON:-

Wasiirka Arrimaha debada ee dalka Ingiriiska Robin Kuk ayaa booqosho ku tagay dalka siraaliyon, halkaasoo oo wadahadalo kula yeeshay dawladda Siraliyon oo dagaal kula jirta ciidamada falaagada ee ka soo horjeeda, wararka waxay sheegay-aan in labada dhinac ka tashanay-aan si looga joojiyo falaagada goobaha laga qodo dhaymanta oo dhaqaaluhu ka soo galo.