Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Warsidaha Puntland

Tirsi 42

Garoowe – Axad 18 Jun 2000

 _______________________________________________________________________________________

T U S M A D A

 

________________________________________________

 

KHUDBADDA MADAXWEYNAHA EE FURITAANKA KALFADHIGA 3AAD EE GOLAHA WAKIILLADA PUNTLAND

Asalaamu Calaykum Waraxmatull-aahi Wabarakaatuhu.

HORDHAC

Salaantaas qiimaha weyn oo Islaamka, ee ducada iyo naxariista Eebbe xambaarsan oon aan idiin soo gudbiyey ka bacdi, waxaa farxad iyo sharaf ii ah inaan idin kala soo qaybgalo furidda Kalfadhiggaan qaayaha weyn oo saddexaad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Sidoo kale, waxaa iyana nasiib-wanaag ii ah inaan idiinka mahadceliyo fursadda aad ii siiseen & sidaad iigu qaddariseen inaan idiin furo Kalfadhigiinnaan saddexaad, taasoo ii saamaxaysa inaan marxaladdaan ku jirro oraaho tusaalaynaya ka soo jeediyo.

Mudanayaal & Marwooyin, mar hadduu Gole shacab furmo oo ay Wakiilladu Kalfadhigooda u fariistaan waxay bulshadii wakiilatay ka sugtaa inay xisaabtan dhab ah u soo bandhigaan, waxaana isla markaas laga shinsadaa inuu Kalfadhigaasi noqdo mid bulshada hadafkeeda ka tarjuma, horumarkeedana u jeexa hannaan dhaqan-dhaqaale; & siyaasad gudo & dibedba ku hagta nidaam nolol wacan kasbi kara, iyo nabadgalyo waarta mireheedana uu ubadka mustaqbalku u aayo.

Mud. & Mar, dad badan oo Soomaali & qaar kaleba leh oo aan sameheenna jeclayn ayay la ahayd inay Puntland riyoonayso oo aysan wax qabsanayn meelna gaari karin, kuwaasoo ku hawshaysnaa welina aan ka daalin inay Puntland maamulkeeda majaxaabiyaan, si aynaan wax u qabsan, isugana kalsoonaan, ila markaana aynu dib ugu noqonno burburkii ay bulshadaannu ka soo hayaantay. Guulaha & dadaalkii aan muddada yar ku gaarney waxay fashilayeen xeeladihii ay maleegayeen kuwa aan marna ku faraxsanayn inay Puntland ka badbaaddo burburka qaran la’aanta, & karaamo darida ah, kuwaas oo aan jiritaankeeda jeclayn. Waxay guulahaasi ku yimaadeen libintoodana loo nisbayn karaa kalsoonida & iskaashiga Dawladda & dadweynaha Puntland. Garoowe, Juun 15, 2000

Mudanayaal iyo Marwooyin, mar haddii maanta loo fadhiyo Kalfadhigaan saddexaad ee Golaha Wakiillada Puntland waxaa lagama maarmaan ah inaan soo bandhigno isbeddelka u dhexeeya labada Kalfadhi, kii 2aad & kan 3aad ee xagga:-

Haddaba, warbixinta xukuumadda ee muddadii u dhexaysey labada Kalfadhi waxaan rajaynayaa inay idiin soo gudbin doonaan Wasaaradaha & Hay’adaha ay sida gaarka ah u khuseeyaan ee Dawladdu, iyagoo ku muujinaya waxqabadkoodii, idankana qancin doona xilkii ummadda loogu dhiibey.

Mud. & Mar, markaan intaas ka gudbo waxaan jeclahay inaan si kooban warbixin uga soo jeediyo arrimo muhiim ah oo loo baahan yahay inaan wax ka iraahdo.

MAAMULKA.

Mud. & Mar, sida aynu la wada soconno markaan Puntland maamulkeeda sawir gaaban ka baxsho, 8 sano oo qaran jab iyo burbur uu mushtamaca Soomaaliyeed ku jirey kadib, waxaa shacabkeennu u oogsaday kuna dhaqaaqay, isagoon Dawlad hore waxba ka dhaxlin, inuu dhidibbada u aaso Dawlad Gobolleed aasaas & saldhig u noqota qaran & midnimo Soomaaliyeed. Bishii Ogosto 1998 ayay ahayd markii aynu Dawladda ku dhawaaqnay hadda 1 sano & 10 bilood oo maalmo dhimman jirsatey.

Dawladda Puntland iyadoo maamulkeeda u qaadatay in saldhig looga dhigo habka sal-maruubo u dhisid (down up approach),

 

KHUDBADII MADAXWEYNAHA

waxqabadka Dawladduna uusan taabbagal noqon karin. Maxaa yeelay, haddaan aqoonta, kartida, waaya-aragnimada iyo abaalka waddannigu dalkiisa ku

leeyahay tixgelin la siin silica & jahliga, & dib u dhaca ay ummaddu halista ugu jirto lagama gudbin karo lagamana badbaadin karo.

SIYAASADDA GUDAHA

  1. PUNTLAND

Dawladdu iyadoo ka duuleysa hadafka, dareenka & maslaxadda bulshadeeda, & dastuurka aynu ku heshiinney waxay ku tallaabsatay inay karaankeed xoog saarto sidii wax looga qaban lahaa baahida tirada badan iyo dhibaatooyinka bulshada ka haysta dhinacyada maamulka, amniga & nabadgalyada, dhaqaalaha & horumarka, adeegyada iyo arrimaha bulshada & siyaasadda.

Waxaa Alle mahaddii noo suurtagalay inaan dhisanno Dawlad cagaheeda degdeg ugu istaagtey iyadoon gacan-hoorsi shisheeye wax-qabadkeeda ku xirin una miciinsan. Dawladda Puntland oo ku timid rabidda shacabkeeda una wakiishay inay danihiisa hoggaan u noqoto waxay siyaasaddeeda guduhu ku dhisan tahay in wada shaqayn buuxda shacabka & madax-dhaqameedyada lala yeesho, si waxqabad dhabihi ku yimaado loogana wada tashado, markasta, xalka arrimaha & duruufaha siyaasaddeed, nabadgalyo & kuwa bulshaba. Inkastoo shacabku uu Dawladda dhistay maaraynta arrimihiisana u wakiishay, misana haddaan saas la yeelin oo talada Isimada iyo Waxgaradka wax laga siinin waxaa laga yaabaa in loo qaato ama loo fasiro inay Dawladdu talada waddanka iska maroorsanayso.

Shacabka Puntland oo sidiisaba taariikh ahaan dhaqan u leh

isqaddarin & xasillooni ayay siyaasadda Dawladda ee guduhu ku

dhisan tahay in la helo nabadgalyo waarta & xasillooni cuskan dhaqankeeda shariifka ah. Dhalliilo hajireen, iyadoo

duruufo saamixi waayey loo aanayn karo, dhaliil iyo isdhaliilna loo baahan yahay. Markaanse Eebbe ka yaabno, oo aynaan been ka duulin, filka Puntland jirto & heerka ay marayso labo laysku saaweyn karo ama lays barbar dhigi karo ma ahaan karaan iigumana muuqato

  1. SOOMAALIYA

Puntland iyadoo ka duuleysa siyaasaddeeda ku wajahan Somaali-weyn inteeda kale iyo sidii laysugu keeni lahaa, qaran guud oo ay iska dhex daawatana loo gaari lahaa, waxay markay dhisantayba ku tallaabsatay inay Ururrada iyo beelaha kuwooda nabbadda & midnimada Soomaaliyeed jecel ugu baaqdo sidii shirweyne ay PL marti galiso laysugu imaan lahaa, loogana wada xaajoodo badbaadada midnimada & qaran-dhis Soomaaliy-eed.

Waxaa noo muuqday shirkaasi inuu keeni karo wadatashi ku dhisan is-afgarad & is-tixgelin, waxqaybsi cadaalad ku dhisan & walaalnimo & isu-samir Soomaali isu soo jiidi kara; kuwaasoo meesha ka saaraya gardarrada, kala garqaadasho la’aanta, deegaan ku duulidda & isbeelaysiga xaqdarrada ah.

Markaan ra’yigaas shariifka ah helnay shaki noogama jirin inay nagu garab istaagayaan soona dhaweynayaan waddanniyiinta Soomaaliyeed ee nabadda jecel. Iyadoo Puntland kalsoonidaas qabta waxay bishii Ogosto 99kii, ku martigelisey Caasimadda PL ee Garoowe kooxaha Soomaaliyeed ee

nabadda u heellan, kuwaas oo ka koobnaa: GOWS, RRA, SPM &SNF. Waxay sidaynu ula wada soconnoba Dawladda PL &

Ururradaas aan walaallaha nahay dabadeed dhisteen Ururka SPA

(Somali Peace Alliance) oo Soomaali badankeed matalaya. Taasi, Mud. & Mar, waxay ka marqaati kacaysaa

inay PL raadinayso una heellan tahay siduu ku suurta-geli lahaa qaran dhammays ah oo midnimo Soomaaliyeed ku dhisan. Heshiiska Ururkaan SPA ku dhismay iyo himilooyinkiisu waxay qeexayaan:

Himilooyinkaas Ururka SPA oo aad loogu niyadsan yahay waxay hadda marayaan heer lagu qanacsan yahay oo ka turjumaya hadafka Ururku isku raacay.

  1. DIB-U-HESHIISIINTA SOOMAALIYA

Markay Alle mahaddii suurto gashay in la abuuro Ururka ay Soomaali badankeed ku midowdey ee SPA, waxay haddana PL qaadday tallaabo kale oo ay ugu baaqayso dhammaan Dawladaha dariska, kuwa nabaddaynta Soomaaliya danaynaya, Ururrada Caalamiga & kuwa Gobolleedba, ayna ka mid yihin Ururka; IGAD, OAU, EU, UAL & Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa inay Soomaaliya isu keeniddeeda & dib u dhiskeeda adduun-weynuhu wax ka qabto, taageerana siiyo fikirka DGPL ku raadineyso midnimada Soomaaliyeed.

Mawqifka Puntland ay ka qabto dib-uheshiisiinta Soomaaliya, horayna u caddaysay, wuxuu yahay si loo gaaro midnimo qaran Soomaaliyeed marka hore in sida Puntland Maamul Gobolleedyo la soo dhisto, dabadeedna shirweyne ay Madaxda Maamuladaasi isugu yimaadaan, markaasna lugu dhiso dawlad dhexe oo faderaali ah.

Madaxda DGPL waxay socdaalo ku aaddey Dawlado ka mid ah Afrika, Khaliijka & kuwa Galbeedka si ay ugu sharaxdo 

KHUDBADII MADAXWEYNAHA

Sida aynu la wada soconno waxaa dhacday Dawladdihii baaqeennu gaarey inay Puntland martiqaadyo ka heshay, si ay uga wada xaajoodaan laysuna tusaaleeyo xal uhelidda Soomaaliya. Dawladahaas waxaa ka mid ahaa Dawladda Jabuuti ee aynu walaallaha nahay.

Puntland oo aaminsan in Soomaaliya loo dhiso Dawlad ay u dhan tahay waxay Madaxda Jabuuti dhawr jeer u gudbisey qoraallo ku talinaya siduu ku guulaysan lahaa hindisaha dib uheshiisiinta Soomaaliyeed. Mudane Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Dawladda Jabuuti waxaan si walaaltinimo ah ugu sheegnay, fursadda uga furan & kaalinta uu ka geli karo dib uheshiisiinta Soomaaliya & inuu weliba arrintaas horseed ka noqdo, anigoo ku soo xiray dawlado badan & ururro caalamiyaba.

Mudanayaal & Marwooyin, Dawladda Puntland & Mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxay ka wadatashadeen isku mawqifna ka qaateen hannaanka dib uheshiisiinta Soomaaliya uu ku suurto gali karo kadibna waxay Puntland , shacabkeeda gudaha & Jaalliyadeheeda dibedduba si buuxda ugu taageereen baaqii uu Golaha Jimciyadda quruumaha ka dhexaysa ka jeediyey bishii Sebtember, 1999.

Haddaba, bal aan iswaydiinee maxaa kallifey in ay Puntland kalsoonidii kala noqoto Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay markii hore hindisahaas u geysey kuna dhiiri-gelisey inuu hogaansho?. 

Mudanyaal & Marwooyin waxaa kalifey in aan Mudane Ismaaciil Cumar Geelle taageeradayadii kala

noqonno tallaabooyinkii uu qaaday markii shirkii soo dhawaaday dartood, oo inoo sawiraya xeeladihii u qarsoonaa oo aad uga fog aragtidii & habkii aan isku waafaqnay in looga wadatashado hannaankuu shirweynuhu ku suurto gali karo, waxaana saldhig u ahaa, markaan soo urursho, in uu tixgelin siiyo aragtida & tallooyinka Golayaasha Dawladda, Isimada, Ururrada bulshada & Waxgaradka Puntland. Tallaabooyinka uu qaaday waxay ahaayeen haddaan guud maro:

  1. Isagoo si cad oo bareer ah u xaqiray una inkiray jiritaanka D. Puntland iyadoo markii hore shirarka iyo wadatashigu noogu socdeen hab isqaddarin dawli ah, isagoo damcay inuu PL kala mid dhigo gobollada aan maamul u dhisnayn.
  2. Isagoo laallay meeshana ka saaray, talooyinkii wax ku oolka ahaa ee aan usoo jeedinay oo dib uheshiisiintu ku imaan kartey.
  3. Isagoo Ismaaciil Cumar Geele, fiisooyin & tikidho aan dawladda ummaddeedu wakiillatay ee PL soo marin qarsoodi ugu soo diray shaqsiyaad uu mucaaradnimo ku ogyahay, mushtamaca PL-na ka soo qaaday mid aan waxba u dhisnayn latashina mudnayn.
  4. Qorshaha Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu ku dhisan yahay in uu dumiyo maamulka Puntland, dadka iyo dawladdiisana iska horkeeno, qaabka uu shirka u abaabuley iyo sida uu damacsan yahay inuu u dhaqan geliyaana waxay keeni kartaa dagaal sokeeye & qalalaase hor leh oo hambadii Soomaaliya ka hartay ku hoobato.

Haddeerna waxaa cad dib uheshiisiinta Jabuuti ka socota inaysan waafaqsanayn siyaasadda Puntland.

Dabadeed, si looga wada-xaajoodo marin habowga ku soo kordhay dib-u-heshiisiintii Soomaaliya u hanweynayd, kana dhursugeysey & gaar ahaan siduu Ismaaciil C. Geelle u qiimeeyey PL, waxay Dawladdu isugu yeertay Isimadii beelaha Puntland oo dhan, waxayna PL Isimadu u soo jeedisey inay ka talo bixiyaan sidii lagayeeli lahaa arrimaha ka soo kordhay dhinaca Jabuuti & sidii mawqif midaysan looga qaadan lahaa shirka Jabuuti ka socda.

Fadhigii Isimadu arrintaas ka yeesheen waxaa ka dhashay in ergo heer qaran ah Jabuuti looga yeero, waxna laga weydiiyo mugdiga naga galay sida shirka loo amba-qaaday loona maamulayo. Jabuuti oo isla markiiba wafti soo dirtay, waxay aqbaleen qodobbadii Isimadu hor dhigeen ee mawqifka Puntland.

Waxaana lagu heshiiyey in Jabuuti wadatashi kale loo tago (shirka wada xaajoodka dib-u-heshiisiinta) wixii layskaga afgartana inay ergada Puntland dib ula soo noqoto si wadajir ummadda Puntland & Dawladdoodu mawqif midaysan uga qaataan.

Tan kale, mar hadday dad bulsho-weynta Puntland ka midihi jeclaysteen in Jabuuti la’aado Dawladdu way aqbashay, haddiise Isimaddii badankood soo noqdeen taladoodiina soo dhiibteen go’aanka dastuuriga ihi wuxuu u yaal Golaha Wakiillada Puntland.

SIYAASADA DIBEDDA

waxay ku dhisan tahay:

ISKAASHIGA CAALAMIGA AH

Mudanayaal & Marwooyin, Puntland waxaa booqasho ku yimid wufuud ka kala socota caalamka, oo ay ka mid yihiin, xubno dawli ah, xubno Golayaal shacab & Madax sarsare oo ka tirsan Ururrada Caalamiga ah.

Waxaa jira balanqaadyo & taageero waxqabad oo ay Dawladaha aannu saaxiibbada nahay u fidiyeen Puntland, kuwaas oo ka dhashay wadahadalladdii ay Dawladda la yeesheen & siday xog-ogaal ugu noqdeen Maamulka PL iyo bulshadiisa oo diyaar u ah inay waxqabsadaan; haatanna waxaa bilowday taageerooyinkii ay Dawladaha qaarkood Puntland ugu deeqeen.

HAY’ADAHA SAMAFALKA

Hay’adaha Caalamiga ah & kuwa

Dawliga ah ee PL ka hawlgala waxaan in yar maahee ku dhaliil sanahay waxqabadkooda & mashaariicda ay ku

magacaabeen inay waddanka ka fulinayaan, oo aan marna sidoodii u dhaqangelin, iyagoo aan sheegin miisaaniyadda ay u hayaan in wax looga qabto dhibaatooyinka dalka; taasoo Dawladdu horay uga codsatay inay la socodsiiyaan dhaqaalaha mashaariicda ay waddanka ka fulinayaan.

Waxaa xusid mudan Hay’adaha ay ka mid yihiin, Enter Islamic Charitable Organization, Diakonia & Africa 70 qaybteeda waxbarashada, waxqabadka & dadaalka ay ugu hagar bexeen bulshada Puntland.

JAALLIYAHADA DIBEDDA

Burburkii Soomaaliya ku dhacay wuxuu kallifey inay dad badani dibedaha gabbaad, nabadgalyo iyo nolol ka doontaan; waxaana sida la hubo dadkaas ugu badan kuwa u dhashay gobollada Puntland. Inkastoo ay qaxooti yihiin, waxay kaalin weyn ka soo qaateen badbaadada dadkooda dhibaataysan markuu dagaalkii sokeeye socdey, waxayna dhaqaale faro badan ku soo taageereen bulshada ay ka dhasheen.

Xawaaladaha waddanka waxaa ku soo dhaca oo Jaalliyaduhu dadkooda u soo diraan, ama iyaga wax loogu qabtaa, malaayiin Doollar oo dib u dhiska waddanka ka qayb qaata. Waxay dalka keeneen kana hirgaliyeen warshado yar-yar & mashaariic kale oo ganacsi, oo nolosha dadweynaha kor u soo qaaday si weyna wax u taray.

Jaalliyadaha Puntland oo aan marna dadkooda gudaha hagran waxay door shariif ah ka qaateen dhismihii Dawladda, iyagoo meel ay joogaamba taageeray, waxayna dadka dibeduhu ku sharafsan yihiin

mooralkooduna ku dhisan yahay in dalkoodu Dawlad leeyahay. Dhibta

keliya oo Jaalliyadaheenna haysata waa iyagoon lahayn dhisme Gole iyo Guddiyo Jaalliyadeed oo heer Puntland ah, in yar maahee, meelo badanse dhismihii Guddiyadaas abaabulkoodii ka socdo.

Haddii ay samaystaan Guddiyada heer PL waxay qiimo weyn ka yeelanayaan dalalka ay degan yihiin, xuquuqdooda ayaa difaacmaysa, midnimadooduna waxtar bay inoo noqonaysaa. Xubno Golayaasha Dawladda ka tirsan ayaa shirar badan Jaalliyadaha dibedda kula yeeshay waxaana markasta la gaarsiiyaa go’aannada Dawladda iyagoo lala socodsiiyo marxaladda dalka ku sugan yahay Amni, Siyaasad, Horumar & dhibaatooyinka loo baahan yahay in wax laga qabto gacanna ay ka geystaan.

 

KHUDBADII FURITAANKA GUDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADA OO KOOBAN

Gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland DR. Yuusuf Xaaji Siciid ayaa kalfadhigii 3aad ee golaha wakiilada Puntland ka jeediyay khudbad shan bog ah, 15/06/2000 gudoomiyuhu salaan kadib wuxuu ku bilaabay khudbadiisa waxqabadkii kalfadhigii 2aad oo uu sheegay in baarlamaanka lasoo hordhigay 17 qaynuun, 14 kamid ahna la ansixiyay, 2 dib loo celiyay, midna dib loo dhigay, intaa wuxuu ku daray inay jiraan shan qaynuun oo la ansixiyay walina aan ku soo bixin faafinta rasmiga ah ku waasoo kala ah qoshaynta, tartamada iyo Heshiisyada, dib u habaynta khidmadaha dekadaha iyo khayraadka bada, miisaaniyada Dawlada dhexe ee labada kun iyo madaxyada dakhliga iyo kharashka miisaaniyada labada kun sababtuna waxaa weeye Hay'adihii dowlada ee horay u soo diyaariyay oo usoo gudbin golaha wakiilada Nuquladii rasmiga ahaa .

Intaa wuxuu ku daray in kalfadhigii labaad ee goluhu soo saaray qaraaro ku saabsanaa howlgalka hay'adaha caalamiga ah iyo kuwo kale. Baarlamaanku wuxuu dhisay gudiyada dastuurka iyo doorashooyinka, wuxuuna wax ka badalay xeer hoosaadkiisa.

Kadibna wuxuu guda galay waxqabadkii golaha wakiilada ee labada kalfadhi dhexdooda. Kaasoo u qornaa sidatan.

Golaha wakiiladu wuxuu qayb wax ku ool ah ka qaatay howl galo ay golaha xukuumada iska kaashanayeen. Sida

III. Waxqabadkii Guddiga joogtada ee muddadii u dhaxaysay 2da kalfadhi.

Guddiga joogtadu hawlgalada guud ee ay golaha wakiilada kaga la qaybqaateen hirgalinta shuruucda, hormarinta dhaqan dhaqaale iyo ilaalinta gabi ahaanba danaha ummadda ka sokow waxay si joogto ah u fuliyaan hawl maalmeedka shaqo ee golaha wakiilada sida maamulka ama xiriirinta golayaasha dawladda iyo guud ahaanba hawlaha qaran ee ku beegan golaha muddada u dhaxaysa kalfadhiyada.

Arrimaha Ugu Waawayn Waxa

Qabadka Guddigana Waxaa Ka Mid Ah:-

  1. Guddigu waxay kormeer hawleed ku mareen dhammaan gobolada ay ka kooban tahay dawlad goboleedka Puntland kaa soo loogu kuurgalayey xaaladda nabadgalyo, ku dhaqanka shuruucda, baahinta maamul iyo waxqabadka maamulada ka dhisan gobollada iyo degmooyinka.
  2. Guddiga joogtada ee goluhu sida caadada u ahayd waxay la yeesheen kulamo ku salaysnaa la xisaabtan iyo u kuurgal, qaar ka mid ah wasaaradaha iyo hay'adaha madaxa banaan ee dowlada kuwaasoo ku soo gudbiyey warbixino af iyo qoraalba leh, habka socodka barnaamijka saddex sanadoodka ah ee dawladda iyo dhaqan gelinta shuruucda golaha wakiiladu ansaxiyey.
  3. Guddiga joogtadu wuxuu ka howlgalay dhamaystirka dhismaha guddiga diyaarinta dastuurka iyo habaynta xeer hoosaadkooda Guddigaas oo dhakhso uga hawl galidoona howsha loo xilsaaray.
  4. Guddigu wuxuu xiriir la'sameeyey hay'adaha caalamiga ah ee ku sugan dalka sidii golaha iyo guddiga dastuurka, dhismo xarun shaqo, tababaro khubaro iyo qalab shaqo loogu heli lahaa waxaana ilaa hadda laga helay jawaab hay'adda Diakonia, Peace and life iyo dowladda Sweden oo u soo dirtay golaha wafti ka socda xisbiga Social Democratic ee xukuumada dalka Sweden tageerooyinka la ballan qaaday waxaa ugu soo horeeya Diakonia oo bisha October siminaar guddiyada golaha iyo guddiga diyaarinta dastuurka iyo socdaalo aqoon kororsi oo ay mudanayaal golaha ka tirsan ugu dirayaan dibadda.
  5. Guddiga joogtada xubno ka tirsan oo socdaalo ugu baxay dalalka iyo dibadda waxay jaaliyadaha dalka ay booqdeen uga warbixiyeen siyaasadda iyo barnaamijka hormarineed ee Puntland siiba jaaliyadaha emaretka carabta iyo Sweden iyagoo jaaliyaduhu muujiyey cabashooyin xiriir la'aaneed ee iyaga iyo dowladda.

IV- Xiriirka Shaqo Ee Golaha Wakiiladda Iyo Golayaasha Kale.

Sida ku cad axdiga waxay dowlad goboleedka Puntland ka kooban tahay saddex gole oo kala leh waajibaadyo qeexan kana midaysan hawlgalka Dowladnimo iyo taabba galka qaranimo, waxayna kuwada shaqeeyaan iskaashi, wada tashi, isa sixid, is dhaliilid si loo helo hawl gal midaysan oo lagu hanan karo

ujeeddooyinka iyo himilooyinka la higsanayo kuwaasoo saldhi u ah hal dowlad oo u adeegaysa shacabkeeda.

Haddaba waxaa ayaan darro ah in dad wax garad iyo masuuliyiin ahi u tarjunteen golayaal aan wada shaqayn lahayn, qaabkooda hawl galna iska horjeedo. Sidaas darteed waxaa habboon in loo fahmo Puntland dowlad kali ah golayaasheeduna waxay ku shaqaynayaan meel marinta danta dadka iyo dalka Puntland.

 

QARAX BUMBO OO GAYSTAY DHAAWACYO.

Wiil iyo gabar ayaa ku dhaawacmay qarax bumbo ah meesha la yiraahdo bahalay oo ka tirsan Degaanka xarfo, waxaa la dhigay dhawacoodii Isbitaalka Gaalkacayo, deegaanada qaraxaan ka dhacay ayaa la sheegay in had iyo goor lagala kulmo qaraxyo noocaas oo kale ah sababtuna waxa weeye deegaanadaas oo ay ku oolijireen saldhigyo Malateri.

 

WARBIXIN KU SAABSAN SOONOQOSHADII ISIMADDA PL.

Isimadda PL ee 13/6/2000 ka soo degay garoonka diyaaradaha Kanooco 14/6/2000 waxay la shireen oo warbixinsiiyeen Golaha xukuumadda iyo gudiga joogtada ee golaha wakiilada.

15/6/2000 waxay ka qaybgaleen furintaanka kalfadhiga 3aad ee golaha wakiilada PL. waxaana isimadu u xilsaareen warbixintoodda Ugaas C/laahi Ciise Nuur iyo Beeldaajiye Cali Faarax Maxamud.

Marka dhinac walba laga fiiriyo 41 cisho oo ay Isimaddu halkaa ku maqnaayeen ka dib waxay gaareen in la wadatashaddo, isimaddu waxay kalo sheegeen in halkaa looga hadlay heshiisiinta beelaha iyo qaybsiga ergooyinka shirka siyaasadeed.

Isimaddu waxay sheegeen madaxda Jabuutina inaysan aqoon fiican u lahayn Soomaalida taasina ay ku keentay inay ka leexdaan mararka qaarkood wadadii saxda ahayd, Isimaddu waxay sheegeen koonfurta Soomaaliya shirka inay uga soo qaybgaleen dad xad dhaaf ahi, halka Daaroodka iyo Digil Miriflaha laga casumay dad cayiman. 

Ugaas C/laahi Ciise ayaa yiri:- Natiijada shirku waa hartay xisaabtan dhab ahaa majirin, bal aan iska heshiino ayey arintu ahayd, Isimaddii waxay sheegeen degaan in wax lagu qaybsho wax wata inaysan jirin reer PL mahee, taasina ay sababtey dood waqti dheer qaadatay ka dib in qabiil lagu qaybiyo 800 oo ergay, loona qaybsaday afar qaybood oo waaweyn iyo qabiil barkii, kuwaasoo kala aha

darood, hawiye, Dir, Digil iyo mirifle iyo qabaa'ilka yar yar oo isu tagey.

Isimadda waxay sheegeen sida RRA uga hadashay G/Sh/Hoose iyagu inaysan uga hadlin Kismaayo, ayna u  

arkeen inaysan jirin cid wax uga qaban karta.

Beeldaaje Cali Faarax Maxamud ayaa yiri Jabuuti Gogoshii kuma ekaan, Jabuutina waxbaa qarsoonaa, anagoo aan jawaabtii helin ayaana ka nimid, ninkey arintu eersanayso iyadaa taqaan anagu erintii waa keenay.

Intaa waxaa dheer maalintii Isimaddu ka warbixinayeen furitaanka kalfadhiga 2aad iyo maalinta la furay shirka Jabuuti oo isku soo aaday.

 

ISLAAN MAXAMED OO LA GUDOONSIIYEY BILAD SHARAF.

Madaxweynaha Dowlad Gobolee-dka Puntland Md C/laahi Yuusuf Axmed ayaa magaca dowlada PL ku gudoonsiiyey bilad sharaf Islaam Maxamed Islaam Muuse 15/6/2000 ka dib markii loo aqoonsaday inuu door shariif ka soo qaatay dhismihii dowlad goboleedka Puntland iyo waliba talooyinka uu ka dhiibto socodsiinta hawlaha PL.

 

HAWLGALO CIIDAN DARAAWIISHTA PL KA SAMEEYEEN SOOLKA SANAAG.

Sida uu warsidaha soo gaarsiiyey wariyaha uga soo warama G. Sanaag Cutubyo ka tirsan ciidanka daraawiishta ee dowlad goboleedka PL , ayaa hawlgalo ka bilaabay Soolasha Gobolka Sanaag oo ay ka taagnaayeen xaalufinta deegaan, sida dhirta oo lagubayo, iyo geedo goyn, Deegaanadda Ceelbuh, Buraan, Bali Busle, xiingalool Dhahar, Baraagaha qolka iyo kuwo kale. Ciidanka intii ay howlgaladaa wadeen waxay baabiyeen 150 goobood oo lagu keydiyo dhuxusha iyo cowska, waxayna gacan ku dhigeen qalabka loo isticmaalo gubida iyo goynta dhirta.

Dadkii arintaan faraha kula jirayna waa la ganaaxay dhibaatadaan xaalufka ayaa iyana laga soo sheegayaa deegaanada Cal madow.

 

URURKA DHALINYARADDA GOBOLKA MUDUG OO TAAGEERAYA GO'AANKA XUKUUMADDA PL EE JABUUTI.

Ururka dhalinyaradda Gobolka Mudug ayaa sheegay inay si cad u taageersan yihiin go'aankii iyo talooyinkii ka soo baxay golaha xukuumadda Pl ee ku saabsanaa aragtida PL ee shirka Jabuuti.

Guddoomiyaha ururka dhalinyar-ada Gobolka Mudug C/naasi Bedel Khalaf qoraal uu Warsidaha soo gaar siiyey ayuu ku cadeeyey go'aankooda ay ku taageersan yihiin mowqifka PL ee shirka dib u heshiinta.

 

TAHNIYAD AROOS.

Axmed Faarax Maxamud, Najiib Xeerdaac, Cali A. Shire, C/Wali Muuse Shire, Burhaan Daahir, Maxa-med Cabdi Qurux, Max'ed A.Guu-leed, Max'ed Aadan Xirsi, C/Risaaq Ceegaag Xasan, Max'ud Cali Waaw-eyne, C/Wali Bayle, Cali Sablaale, Shiiqaalow Bashiir, C/Daa-hir J.Xuse-en, C/Qayr Gooni, Afweyne Jaamac Lugay, Canab Xasan, Baarliin Caabi, Waris Lugcad, Xaawo Abshir, Fadumo Ciise, Jiijo Jaamac, Nadiifo Axmed, Faarax Kkk, Burhaan Max'ed Cabdi, Bashiir C/Raxmaan, Sh. Max'ed C/Raxaan, Iyo Bahda Raadiyo Gaalkacayho.Waxay Tahniyad Iyo Bogaadin U Dirayaan Cumar Ibraah-im Maxamed Iyo Xubi Maxamed Maxamuud Oo Dhawaan Aroos Kooda Ka Dhacay Magaalada Gaalka-cayo Xaafada, Garsoor, Waxaanu Leenahay Arooskii Lagu Nasto Lagu Nagaado Aamiin Aamiin.

 

 

IDAACADA GALKACAYO OO HESHAY QALAB MUHIIM AH IYO TABABARO

Tababar maalin socday oo ku saabsanaa Barashada xuquuqda aasaasiga ah ee dadka ayaa 9/6/2000 waxaa hawlwadeenka idaacadda Gaalkacayo loogu qabtay xarunta cusub ee Idaacadda Ex Waxool GTZ Gaalkacayo.

Gen.C/nuur Yuusuf Axmed oo ah janan ka tirsan booliiska Caalamigaa (Interpol) ahna madaxwayne ku-xigeenka ururka bisha cas ee soomaaliyeed oo bixinayay casharadaa ayaa halkaas ka jeediyey qodobada aasaasiga ah ee xuquuqda dadka, ka dibna waxaa halkaasi ka dhacay dodo iyo su'aalo ku saabsan arintaas oo layswaydaarsanaayey.

Sidoo kale tababar soconayey 60 beri oo ku saabsan barashada maamulka, Maaraynta, Xisaabaadka, Qorida, Warbixinada, diyaarinta miisaaniyadaha iwm.

Ayaa 2 asbuuc ka soconayey xaruntaas. Waxaana maadooyinkaasi bixiya qubuuro aqoon durugsan u leh waxayna siiyaan xubnaha maamulka idaacada.

Dhinaca kale 2 kumbuyuutar iyo qalabka modoonika loo yaqaan ee sahla in internadka lagu xermo ayaa idaacada Gaalkacayo soo gaaray 5/6/2000.

Dhammaan arimahaas waxay wax ka badali doonaan wax soo saarka idaacada waxaana Idaacada ku caawiyey Hay'adda Ex Form Canada sidoo kale dabayaaqada bishan waxaa la filayaa inay idaacada soo gaaraan qalab wax ka badala maqalka idaacada.

C/laahi Xirsi Cade Radio Gaalkacayo

 

RAYIGA AKHRISTAYAASHA

Dhaqan celin iyo bulsho caafimaad qabta:-

Talisyada kaligood taliya waxay ku reebaan bulshada ay muddo dheer maamulaan cuduro bulsho, waxaana cuduradaas ka mid ah wadaniyada oo ay dilaan, dadka oo ay ku abuuraan dareen in aanay dalka lahayn, ka dib markii dawladu siday rabto ka yeeshay, dadka ninkay doonto xerto kaydoontana disho, iyadoo ay soo baxaan kooxo danayste ah oo xaaladaas ka faa'iidaysta.

Soomaaliya ka dib markuu xukumaayey taliskii kaligii taliye muddo ka badan 20 sanno waxaa aad uga muuqata mujtamaceena cudurada aan kor ku soo sheegnay.

Waxaana moodaa in bulshadu dhaqan celin u baahan tahay, waxaana soo baxay kooxo raba hantida bulshada ka dhaxaysa in ay qaataan iyagoo u soo maraya qaabab kala duwan.

Dadweynaha Puntland si ay u dhistaan bulsho caafimaad qabta, loogana faa'iidaysto waayaragnimada laga dhaxlay burburkii soomaaliya waa in laga shaqeeyaa dhammaan sidii looga bogsan lahaa cuduradaas laga dhaxlo kuwa kaligood taliya.

Hangool faraar lehna la isaga qabto kuwa doonaya inay ku helaan hantida dadweynaha, bulshaduna waa in ay si wada jir ah ugu guntato sidii ay badbaadin lahayd danaha guud si loo dhiso bulsho soomaaliyeed oo caafimaad qabta kana fayow jirooyinka laga dhaxlo kali talinta.

Qore C/salaad Shire

 

MAGACYADA GUDDIYADA DOOROSHOOYINKA IYO DASTUURKA.

Golaha Wakiilada Puntland ayaa dhinacooda waxay magacaab-een 2 guddi oo ka qayb qaadan doona doorashooyinka iyo diya-arinta dastuurka.

Guddiga diyaarinta dastuurka:-

  1. Xuseen Maxamed Cigaal.
  2. cumar Xaaji Jaamac
  3. Bootaan Bare Samatar
  4. Jaamac Maxamuud Duulane.
  5. Khaliif Aw-Maxame

Guddig doorashooyinka:-

  1. C/qani Ismaaciil Aw-Cismaan.
  2. C/rashiid Maxamed Xirsi
  3. Yuusuf Aw-Maxamed Xasan
  4. Cali Saxar Guuleed
  5. Maxamed Cali Guuleed.

I I I I I I I I I