Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web


Warsidaha Puntland

Tirsi 43

Khamiis 22 Jun 2000

Dawlad Goboleedka Puntland ee Somaliya

 

T U S M A D A

 

  1. KHUDBADII MADAXWEYNAHA PL EE FURITAANKA KALFADHIGII 3AAD EE GOLAHA WAKIILADA QAYBTII 2AAD BOGGA 2AAD
  2. WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA BOGGA 2AAD
  3. WASAARADDA CADAALADA BOGGA 2AAD
  4. WASAARADDA MAALIYADDA BOGGA 2AAD
  5. WASAARADDA X.XOOLAHA BEERAHA IYO DEEGAANKA BOGGA 2AAD
  6. WASAARADDA KALLUUMAYSIGA BA-DA IYO DEKADAHA BOGGA 3AAD
  7. AMNIGA XEEBAHA PUNTLAND BOGGA 3AAD
  8. WASAARADDA ARRIMAHA BULSHA-DA BOGGA 3AAD
  9. WASAARADDA WARFAAFINTA BOGGA 4AAD
  10. SHAQADA IYO SHAQAALAHA BOGGA 4AAD
  11. GARYAQAANKA GUUD BOGGA 4AAD
  12. BAAQYO UU SOO JEEDIYEY MADAXWEYNAHA PUNTLAND BOGGA 4AAD
  13. QORAALKII DGPL KU QAADACDAY SHIRKA JABUUTI BOGGA 5AAD
  14. GO'AANKII GOLAHA WAKIILADA EE QAADACAADA SHIRKA JABUUTI. BOGGA 8AAD
  15. ERGAYGA MASAARIDDA EE SOOMAALIYA OO BOOQASHO KU YIMID PUNTLAND BOGGA 5AAD
  16. NUUR SHIRE OO LAGA JOOJIYEY IN UU WAR KADIRO PUNTLAND BOGGA 6AAD
  17. GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADA EE PUNTLAND OO SOO SAARAY JADWALKA KALFADHIGA 3AAD EE GOLAHA WAKIILADA BOGGA 8AAD
  18. WASIIR LOO MAGACAABAY ARRIMAHA GUDAHA IYO AMNIGA BOGGA 5AAD
  19. WASIIRKA ARRIMAHA BULSHADA OO PUNTLAND YIMID BOGGA 6AAD
  20. WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA OO QORAAL KA SOO SAARTAY NIDAAMKA ILAALADA GAARKA AH EE HAY'ADAHA BOGGA 6AAD
  21. KALFADHIGII BAARLAMAANKA OO GUDO GALAY LA XISAABTANKA XUKUUMADA BOGGA 6AAD
  22. SHIRKA CARTA WAA SHIRQOOL LOOGU TALAGALAY SOOMAALI BOGGA 7AAD
  23. KORNEEL SHAATI GADUUD OO JOOGA CARTA BOGGA 8AAD

_______________________________________________________________

 

KHUDBADII MADAXWEYNAHA PUNTLAND EE FURITAANKA KALFADHIGA 3AAD EE GOLAHA WAKIILADA PUNTLAND (QAYBTI 2AAD).

Tirsigii hore ee Warsidaha ayaan ku soo daabacnay qaybtii 1aad ee khudbadii Madaxweynaha DGPL Md C/laahi Yuusuf Axmed uu ka jeediyey furitaankii kalfadhigii 3aad ee Golaha Wakiilada Puntland, qaybtii hore waxay ku saabsanayd xagga siyaasada qaybta 2aadna waxay ku saabsantahay waxqabadka Dawladda ee Puntland waxayna ka bilaabanaysaa.

W. ARRIMAHA GUDAHA

Bilihii sannadkii ina dhaafay ugu dambeeyey iyo horraantii sannadka 2000, waxaa gobollada PL kormeer xaqiiqo raadis ah ugu baxay wufuud ay kala hogaaminayeen:

Madaxweynaha Dawladda Puntland, Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed

Madaxwene K/Xigeenka D. Puntland, Md. Maxamed Cabdi Xaashi

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Md. Yuusuf X. Siciid

Iyo Wasiirro, Wasiirro Ku Xegeenno & Agaasimayaal Guud ee Dawladda ka jiraan.

Dawladdu iyadoo tixgelineysa fidinta maamulka waxay aqoonsatay saddex degmo oo cusub, kalana ah Degmada Ufayn, Deg. Baargaal & Deg. Boocame, kuwaas oo tirada degmooyinka Puntland ka dhigaya 24 degmo.

Wasaaraddu iyadoo hirgalinaysa shuruucdii & dikumintigii canshuuraha dawladda hoose waxay xoogga saartay siday u abuuri lahayd saldhig dhaqaale oo lagu hormariyo degmooyinka dalka oo dhan.

Waxaa mashaariic badan laga fuliyey magaalooyinka Garoowe & Gaalkacyo oo isugu jira suuqyo ganacsi cusub, bannaynta iyo nadiifinta waddooyinka, burburinta dhismayaal sharci daro meelo aan munaasib ahayn looga dhistay, nadiifinta gegida diyaaradaha Garoowe oo 360 kaariko oo qashin ah laga raray, iyo ganacsatadii yaryarayd oo suuqyada cusub looga Asteeyey meelo ay meheradahooda ka furtaan.

AMNIGA ahaan nabadgelyeda waddanku waa ay xasilloon tahay, xilka dawladda saaranna waxaa ugu weyn sugidda amniga gudaha & dibedda Puntland oo ay ka hawlgalaan Ciidammada Daraawiishta, Booliska & Asluubtu. Mudanayaal & Marwooyin, waxaan jeclahay in aan idiin sheego inay Puntland maanta leedahay cudud ciidan oo hannan kara amniga gudaha & xudduudaha Puntland. Ciidanka Booliska Puntland wuxuu hawlo waaweyn ka qabtay dhacdooyin badan oo ay ka mid yihiin la dagaallanka Tahriibta oo ay dad badani ku naf waayeen, & joojinta dhoofinta dhuxusha, xoolaha dheddig & duurjoogta oo dhammaantood dhaqaalaha & nolosheennu ku dhisan yihiin. Waxay Boolisku sidoo kale waxweyn ka qabteen nabbadgelyada & xasilloonida waddanka. Booliska waxaa hawlahaas ad-adag si joogto ah gacan uga siiya dhammaan bulshada waddanniyiinta ah oo ay Nabaddoonnada iyo Waxgaradka kale ee dadweynuhu ka mid yihiin.

W. CADDAALADDA

Wada-dhaqanka ummadeed waxaa saldhig u ah caddaaladda, haddii caddalad la waayana waxaa lala mid noqonayaa nafleyda duurjoogta ah oo xeerka kaymaha ku dhaqanta. Caddaladdu waa Hay’adda ugu muhiimsan oo taabanaysa qof kasta & qoys walba, saamayn xasaasiyana ku leh nolosha bini’aadamka. Mar hadday sidaas tahay waxaa loo baahan yahay inay noqoto muraayad layska dhex daawado, garsoorkeedana lagu qanco.

Waxaa waajib ah inay caddaaladdu maamulkeenna gundhig & aasaas u noqoto, waxaana mas’uulkasta laga rabaa inuu caddaalad-fale noqdo, si ay Wasaaradda & Maxkamadaha garsoorka fullinteedu ugu fududaato uguna hirgasho. Waa inaynu ka fogaanno waxkasta oo Diinteenna Islaamka wax u dhimaya, qaddarinta & mudnaanta koowaadna ku dhaqankeeda la siiyo. Waxaa gobollada & degmooyinka loo magacaabay waacidiin dadka Islaamka ah mar walba ku baraarujiya Diinta.

W. MAALIYADDA

Sida aynu la wada soconno dhaqaalaheennu wuxuu ku dhisan yahay xoolaha nool, kalluumaysiga & Faleenka, waxaana dakhliga ugu weyn naga soo galaa xoolaha nool. Waxaa sannadihii hore ganacsigeenna hoos u ridey abaarihii isdabajoogga ahaa ee dalku

soo maray, oo ay ku hagaaseen xoolaha oo ah lafdhabarta dhaqaalaheenna, suuqa Sacuudiga oo ugu weyn sayladaha aynu xoolaha u dhoofinno oo xannibaad saaray xoolaheenna & burcadda caalamiga ah oo caadaysatay inay khayraadka badeheenna si sharcidarro ah u boobto.

Mudnayaal & Marwooyin, waxaan Illaahay uga mahadnaqaynaa inuu maanta naga feydey dhibaatooyinkaas culculus ee aan soo xusay oo waddanku roobsaday, xoolaheennii barwaaqoobeen, xayiraadii ganacsi oo haysatayna laga qaaday & xeebaheenna oo maanta inoo difaacan khayraadkeenniina ka faa’iidaysanno. Halkaas waxaa cad inuu dhaqaalaheennu kobcay dakhliga Wasaaradda Maaliyedduna xoogsadey.

Waxaa lagu guuleystey, dalka intiisa badan in ay ka hirgasho canshuur ururintu dakhli badanna ka soo xerooday. Waxay Dawladdu samaysay nidaam hanti-dhawr oo ilaaliya hantida guud ee ummadda & inaan dano gaar ah loogu takrifalan. Wixii faahfaahin miisaaniyadda la xiriira waxaa idin hor keenaya Wasaaradda Maaliyadda.

W. XANAANNADA XOOLAHA, BEERAHA & DEEGAANKA

XOOLAHA.

Hubaal waxaa ah xooluhu inay yihiin lafdhabarta dhaqaalaha waddanka, waana ganacsiga kowaad ee gudaha iyo dibeddaba dalkeenna ugu xoog weyn. Waxaynu u dhoofinaa waddamada dibedda gaar ahaan kuwa khaliijka, inagoo ka helna lacag culus oo aynu wax kaga soo badalanno suuqyada adduunka.Waxaa la dhammaystiray Shaybaarka xoolaha ee degmada Boosaaso si caafimaadka xoolaha dhoofaya loogu baaro. Sidoo kale, waxaa dib loo furay mashruuca dhoofinta helibka Gaalkacyo (Galkacyo Meat Export) oo loo diro dalalka khaliijka.

Tirada xoolaha dekedda Boosaaso ka dhuufay Nov, 99 ilaa May, 2000 waxay dhan yihiin sidan: Ari-474, 520 neef, Geel-6584 neef, Lo’-13,769 neef.

BEERAHA

Waxaa kormeer daraasadeed lagu sameeyey dhul beereedka gobolada & degmooyinka PL badankood, iyadoo mashaariic ay beeraha Timirtu ka mid tahay qorshoheedii socdo.

DEEGAANKA

Magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo, Laascaanood & Baran waxaa laga furay xafiisyada Waaxda Deegaanka, taasoo wax ka tari doonta ilaalinta nabaadguurka iyo la dagaalanka xaalufinta dhirta.

W. KALLUUMAYSIGA, DEKEDAHA & BADDA

Wasaaraddu waxay qabatay hawlo muhiim ah oo isugu jira dhismayaal & dayactir ay ku samaysay dekedda, xafiisyada iyo iskuul lagu barto dhaqaalaha iyo maamulka ku lug leh arrimaha dekedaha. Dakhliga Wasaaraddu soo xeraysay wuxuu gaarayaa 642,418 USD, 10kii bilood ee ugu dambeyey, taas oo wax ku ool u ah dhaqaalaha waddanka, kororka wax-soosaarku wuxuu jaangoyntii hore ka saramaray 172,418 USD.

Wasaaraddu waxay awood u leedahay inay heshiisyo la gasho shirkadaha kalluumaysiga, maraakiibta xamuulka & kuwa ganacsiga, iyadoo bixinaysa ruqsadaha badda PL lagaga kalluumaysan karo.

AMNIGA XEEBAHA PUNTLAND

Muddo dheer, intuu qaran-jabku Soomaaliya ku dhacay, waxay maraakiibta iyo doonyaha shisheeye caadaysteen inay si sharci darro iyo burcadnimo ah u boobaan khayraadka badaha & xeebaha Soomaaliyeed, iyagoo ka faa’iideysanaya qaran la’aanta iyo awood darrida dhinaca badaha.

Si ay taas Dawladda PL uga horwaxay qaadday tallaabo muhiim ah oo khayraadka xeebaheenna bad, loogana saarayo burcaddaas shisheeye oo isugu soo qaylo dhaansadey inay badeheenna xaalufiyaan.

Mudanayaal & Marwooyin waxay Dawladdu heshiis uu madaxweynuhu awood ku siinayo ilaalinta xeebeheenna la gashay shirkadda PIDC (Puntland International Development Company), 29kii Sept. 1999, kaasoo uu Axdiga DPL qodobkiisa 29.4 qorayo. Heshiiskaasi wuxuu caddaynayaa sidii wax looga qaban lahaa amniga xeebaha PL, iyo inay nooga ilaaliso shirkadaasi maraakiibta iyo doonyaha shisheeye oo tuugaysiga u bareeray.

Shirkadda PIDC, maadama aysan maraakiib lahayn, waxay adeegsatey Shirkadda la yiraahdo Hart Group, oo muddo 8 bilood ah abaabul ugu jirtey siday ku abuuri lahayd gaadiid badeed; annaguna waxaannu dhisnay oo tabarro gaar ah xirfadda badda ka siinay ciidan ka tirsan kan DGPL. Waxaan ognahay inuu ciidankeennaasi ku guulaystey waajibaadkii loo xilsaarey.

Maamulka hawlaha shirkadda ee xagga shaqada iyo shaqaalaha waxaa mas’uul ka ah inay gacanta ku qabato Wasaaradda Kalluumaysiga DPL, oo u xilsaaran inay heshiis kala gasho shaqada ay shirkadda PIDC qabanayso iyo dhaqaalaha ku baxaya; iyadoo marka hore la ogaanayo kharashkii mashruuca ku baxay iyo kan hawshu ku socondoonto. Waxaa laga iyana heshiiyey sidii loo qaybsan lahaa khayraadkii badda laga helo. Wixii heshiisyo iyo ruqsadaha kallumaysiga ku saabsan waxaa heshiis la gelaya Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga DPL.

Ciidanka PL markuu maraakiibtii bucadda ahayd badda ka saarey waxay kallumaysatadeenna yaryari heshay Aragoosto iyo dhego Libaax oo aad u tiro badan.

W. ARRIMAHA BULSHADA

Arrimaha bulshada oo ah adeegga dhabta ah oo ay bulshadu Dawladda xaqa ugu leedahay inay u qabato, ahna Waxbarshada, Caafimaadka & Isboortiga waxaa Wasaaraddu ku dadaashay waxqabadkooda. Taasoo horumarka & jiritaanka bini’aadamku ku dhisan yahay. Waxay arrimaha bulshadu mudan yihiin waxqabadkooda dhabta ah in tixgalin gaar ah la siiyo sida ku cad barnaamijka Dawladda.

a) CAAFIMAADKA

Waxaa xusid mudan oo wax la taaban karo ah, in shanta isbitaal ee waaweyn ee ka jira Puntland ay saddex ka mid ah dib u habayntoodii la dhammeeyey kowaas oo kala ah: Isbitaalka Boosaaso, Qardho & Laascaanood. Isbitaalka Garoowe iyo kan Gaalkacyo waxaa iyagana gacanta lagu hayaa dhammaystirkood. Sidoo kale, Agaasinka caafimaadku wuxuu ku guuleystey kicinta isbitaallada Buuhoodle & Eyl, kuwaas oo maanta si fiican u shaqaynaya, isla markaana waxaa qorshaha ku jira Juun ilaa Disember 2000-ka in la kiciyo isbitaalka Dangoroyo, Iskushuban & kan Caluula.

Mudanayaal & Marwooyin, waxaa ka dhacay magaalada Garoowe shir la magac baxay “Health Coordination Meeting and Review Stratigic Plan of Puntland State of Somalia” oo loogaga

wada hadlayey sidii Hay’adaha iyo Dawladdu u wada shaqayn lahaayeen iyo sidii deeq bixiyayaashu ugu qaybsan lahaayeen deeqda aan u baahan-nahay iyagoo ay goob-joog ka yihiin madaxda go’aanka u leh deeq-bixinta.

Waxaa farxad ah in aan idiin sheego gobollada & degmooyinka Puntland inaysan ka jirin habayaraatee cudurrada khatarta ah iyo kuwa faafa ee faraha kulul ku haya deegaamada kale ee Soomaaliya, ayagana waxaan Illaah uga baryayaa in uu ka dulqaado masiibadaas haysata.

b) WAXBARASHADA

Wasaaraddu iyadoo aan intii muddo ah lahayn Wasiir hawlgalay, Wasiirkii dhawaan loo magacaabayna uu weli maqan yahay, waxaa u suurto gashay, intii u dhexaysey labada Kalfadhi, inay ka qaybgasho shirkii shahaado siinta ardayda Puntland oo lagu qabtay Mombaasa, dalka Kenya. Tan kale, si loo mideeyo waxbarashada PL waxay Wasaaraddu ku guuleysatey inay dhammaystirto manhajkii dugsiga Hoose oo aqbalidda Golaha Wakiilada ansixin ka sugaya, iyadoo gacanta lagu hayo kuwii dugsiyada Dhexe & Sare. Waxaa gobolka Nugaal laga hirgeliyey ololaha akhris & qoris la’aanta.

Waxaa dugsiga Maamulka & Maaraynta Garoowe ka qalin jabiyey araday isugu jira kuwo sanad waxbarasho uga socotay iyo kuwa 6 bilood waxbarshada qaybteeda hore ku dhamaystay oo 60 gaaraysa.

Si loo kordhiyo tayada waxbarashada waxaa Agaasinku abuuray tababarrana lagu qaatay xarunta tababarrada Maamulayaasha iyo Macallimiinta dugsiyada.

c) ISBOORTIGA

Iyadoo hore loo soo dhisay Guddiga Ciyaaraha Olimbigga PL ayaa Magaalamadaxda PL ee Garoowe waxaa lagu qabtay tartankii17aad ee ciyaaraha Gobollada Soomaaliya, oo ahaa kii ugu horreeyey ee la qabto intii burburku ka dhacay Soomaalia. Ciyaarahaas oo ay ka soo qaybgaleen sagaal gobol oo kala ah, shanta gobol iyo aagga Buuhoodle ee Puntland, Galguduud, Hiiraan & Shabeelada dhexe, waxay markhaati u yihiin nabadgelyada PL ka jirta, waxayna keentay isusoo hilow & is-dhexgal dhalinyaradii qoryaha isu haysatay.

Dhaqaalihii ciyaarahaasi ku qabsoomeen waxaa kagan weyn ka geestay DPL. Waxaanna mar labaad soo dhaweyneynaa in wejiga labaad ee ciyaaraha Gobollada Soomaaliya Puntland lagu qabto.

W. WARFAAFINTA

Waxay dib u habayn ku samaysay warsidaha Puntland oo ah codka D.G.P.L. waxayna taasi keentay in caddad badan laga daabaco aadna loo xiiseeyo. Warsiduhu wuxuu hadda gaaraa loona kala diraa goballada & degmooyinka dalka & Jaalliyadaheenna dibedda.

Idaacadda Radiyo Gaalkacyo oo ay bulshadu leedahay, waxaa amnigeeda illaaliya kaalmo dhaqaalana u fidiya Dawladda PL. Dhawaan, waxaa idaacadda lagu kordhiyey

anteeno casri ah iyo mawjad maqal hoose (FM) oo suuro-gelisey in dalka gudihiisa laga maqlo.

Waxaa hawl wadeennada iyo farsamo-yaqaannada Idaacadda iyo Joornaaliistayaasha Puntland bishii hore loo furay siminaar kor loogu qaadayo aqoontooda, laguna qabtay Magaalada Garoowe.

Wasaaraddu waxay gobolka Mudug ka dhistay Guddi Anshax oo ka kooban shan xubood, loona xilsaaray faafreebka filimada dhaqan xumida ah .

SHAQADA & SHAQAALAHA

Agaasinka shaqada & shaqaaluhu wuxuu dhammaystiray shuruucdii lugu dhiqi lahaa shaqaalaha DPL, shuruucdaas oo ah kuwii lagaga dhaqmi jirey Soomaaliya

uuna fasaxayo Axdiga DPL qodobkiisa 32.1. Shuruucdaas oo dib loo habeeyey, lana waafajiyey sharciga shaqada iyo shaqaalaha waxaa loo gudbiyey Garyaqaanka Guud, waxayna kala yihiin:-

Somali Civil Service Law No. 5 ee soo baxay 2/2/1980

Somali Labour Code Law No. 65 ee soo baxay 1969/72.

Dhinaca shaqaalaha, tirakoobkoodu wuxuu hadda marayaa 610, waxaase weli socota hawshii loo xilsaaray Guddiga hubinta shaqaalaha, hawlaha kormeerkooda, iyo saacadaha shaqada. Sanduuqa shaqaalaha oo Golaha Wakiilladu awal ansexiyey waxaa Agaasinka Guud ku dadaalay siduu ku hirgalin lahaa.

 

GARYAQAANKA GUUD

Xafiiska Garyaqaanka Guud oo u dhisan arrimaha ku saabsan qaawaanninta Dawladda Puntland wuxuu xukuummadda laamaheeda iyo is-qabadkooda kala taliyaa sharciga arrimaha iyo awoodaha maamuleed, iyo kuwa canshuuraha oo xafiisku inta badan xalliyo. Xafiiska Garyaqaanka Guud wuxuu soo saaraa faafinta rasmiga ah ee Xeerrarka Madaxweynaha, kuwa sharciga & shuruucda Golaha Wakiilladu ansixiyaan; ilaa haddana wuxuu soo saaray:

10 Xeer Madaxweyne.

3 Xeer sharci. Iyo;

20 sharci oo hadda daabacaad ku jira.

Shuruucdaas 12-ka mid ihi waxay soo bexeen 1999kii, 8-ka kalena sanadka 2000. Faafiskasta (Bulletin) waxaa laga daabacaa 200 oo nuqul si looga helo xafiisyada Dawladda oo dhan. Muhiimadda hawlaha xafiiskuna waa:

Talo bixin.

Difaaca Dawladda. Iyo;

Faafinta rasmiga ah ee shuruucda Dawladda.

 

BAAQYO UU SOO JEEDIYEY MADAXWEYNAHA PUNTLAND

PUNTLAND

Shacabka Puntland inay kor u qaadaan waxqabadkooda guud & kooda gaar.

Inay difaacaan dalkooda, iyo siyaasaddooda gudaha iyo debeddaba kuna kalsoonaadaan Dawladdooda. Inay fahmaan kana digtoonaadaan xeeladaha lagu kala qaybinayo, si loo kala dhantaalo midnimadooda, nabbadgelyadooda & xasilloonidoodana lagu khalkhalinayo.

SOOMAALIYA

Inay ka waantoobaan xabbadda ay isu haystaan.

Inay qaddariyaan walaalnimadooda & Soomaalinimadooda.

In laga baxo deegaammada xoogga lagu haysto.

In sida D.P.L. maamullo gobollada laga soo dhisto, si ay u fududaato shirweyne laysugu yimaado oo dib-uheshiisiin buuxda kasbi kara.

Inay beelaha qaarkood ka waantoobaan raadinta siyaaso iyo dhaqaale ee qabyaaladeysan.

 

QORAALKII AY DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND KU QAADACDAY SHIRKA JABUUTI.

 

Dawalad Goboleedka Puntland ayaa 17/6/2000 soo saartay go'aankeedii dambaysta ahaa kaasoo uu saxiixay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Md C/laahi Yuusuf Axmed kuna socday Madaxweyndawlada , Madaxda Ururka IGAD, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ururka Jaamacada Carabta, Ururka Islaamka, iyo Madaxda Ururka Midawga Yurub, qoraalkaas oo aan tarjunay kuna qornaa afka Ingiriiska wuxuu u qornaa sidan:-

Ujeeddo:- Dawlad Puntland ee Soomaaliyeed oo go'aansatay inaysan ka qaybgelin shirka soomaaliyeed ee Jabuuti.

Mudanayaal xukuumada Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed waxay idinku wargelinaysaa, idinka iyo dhammaan mushtamaca dawliga ah go'aankeeda aan isbadalayn ee ku saabsan shirka soomaaliyeed ee Jabuuti wado, go'aankaasi wuxuu ka dambeeyey wadatashi balaaran oo ay yeesheen xubnaha golaha wakiilada, Golaha Xukuumada iyo Isimada ka soo noqday shirka Carta ee Jabuuti, horayna u tagay xaqiiqo raadin.

Dawlad goboleedka Puntland ee soomaaliya:- ka dib markay si buuxda oo daacada ula talisay, ugana digtay xukuumada Jabuuti inay dhawrto xuquuqda diimuqaraadiga ah ee Soomaalidu u leedahay shirka Carta inay u soo dirsadaan wakiiladooda dhabta ah, Jabuutina aanay sidii rabto u maamulin.

Iyadoo dawlad goboleedka Puntland ku qanacday in shirka Carta gabigiisuba yahay fal Jabuuti ka leedahay u jeedooyin siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale oo yar yar.

Dawlad Goboleedka Puntland iyadoo la socota in Dawladda Jabuuti ay ka qaybgalayaasha u yeerinayso ajandada iyo natiijada shirka Carta ka soo baxaysa.

Iyadoo Dawlad Goboleedka Puntland la

socota in xukuumada Jabuuti ay liisaska ergooyinka ay iyadu ku soo diyaarisay Jabuuti dhaxdeeda, soona xulatay saaxiibayaalkeed, iyo kuwo u riyaaqay oo dalxiis ah.

Iyadoo Dawlad Goboleedka Puntland la socota in shirka Carta ku fashalay ka baaraan degida qadiiyada dhabta ah ee la xiriirta dib u heshiisiinta qaran, kuna deg degtay soo saarida natiijooyin horay loo gaaray.

Dawlad Goboleedka Puntland iyadoo la socota inaan dadka soomaaliyeed la siin fursad ay kaga tashadaan qadiiyadooda wadaniga ah, kuna tashadaan deegaan ay xoriyad ku haystaan, si ay xal uga gaaraan khiilaafaad kooda iyadoon cidina debada ka faragelin arimahooda, kuna samayn cadaadis.

Dawlad Goboleedka Puntland iyadoo la socota in aan dawlada Jabuuti haysansan awood dhaqaale iyo mid farsamo oo ay ka mid tahay aqoonta dhaqanka soomaaliyeed iyo xaqiiqooyinka siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee dalkayaga.

Iyadoo Dawlad Goboleedka Puntland la socota in xukuumada Jabuuti siweyn ugu tumatay heshiisyada guud ee ku saabsan dhismaha kooxaha ee xalinta dhibaatooyinka soomaaliyeed iyo inay soo jeedinweyday figrado wax ku ool ah oo ku saabsan gargaarka iyo baahida bani aadanimo ee dalka soomaaliyeed.

Dawlad Goboleedka Puntland iyadoo la socota in dawlada Jabuuti si qarsoodiya u waday shirka Carta ee u jeedada xun, shakina abuuri kara, kana xiraatay albaabka mushtamaca dawliga ah , waxay dawlad Goboleedka Puntland go'aamisay:

  1. in aanay ka qaybgelayn shirka Carta ee Jabuuti wado.
  2. in aanay aqoonsanayn go'aan kasta oo ka soo baxa shirkaas.
  3. inay ku wargelinayso mushtamaca dawliga ah, in aan Dawlad Goboleedka Puntland shirkaas u joogin Wafdi rasmiya oo ay u dirsatay Carta si ay wakiil uga noqdaan beelaha iyo bulshada, Dawlad Goboleedka Puntland, waxay xukuumada Jabuuti uga digaysaa inay samayso wax daandaansi ah oo ku saabsan doorasho shaqsiyado ku andacooda inay Puntland wakiilo ka yihiin. Talaabadaasi waxaa loo qaadanayaa fal aan sharci ahayn iyo daandaansi cadaawadeed oo lid ku ah Dawlad Goboleedka Puntland.
  4. inay ugu baaqdo bulshada Caalamka Inaanay aqoonsan natiijooyinka iyo go'aamada ka soo bixidoona shirka Carta, maadaama ay noqondoonaan kuwo aan la socon xaqiiqada soomaaliya ka jirta waqtigaan.

 

ERGAYGA MASAARIDDA EE SOOMAALIYA OO BOOQASHO KU YIMID PUNTLAND.

Ergayga gaarka ah ee Masaaridda u qaabilsan Soomaaliya Saalax Xaliima ayaa 19/6/2000 booqasho ku yimid caasumada Puntland ee Garoowe.

Ergaygu wuxuu dhambaal ka siday Dawladda Masaaridda, intii uu joogana waxay wada kulmeen masuuliyiinta Dawlada PL. Ergayga oo booqasho 2 cisho ah ku yimid PL waxuu booqday qardho oo ay ku sugan yihiin macalimiin masaariya.

 

WASIIR LOO MAGACAABAY ARRIMAHA GUDAHA IYO AMNIGA.

Madaxweynaha Puntland Md C/laahi Yuusuf Axmed, markuu la tashaday madaxweyne ku xigeenkiisa, isla markaana hordhigay golaha wasiirada, ayna ogalaadeen, wuxuu 19/6/2000 Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga u magacaabay C/qaadir Islaan Maxamed Islaan Muuse, wuxuu kaloo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal u magacaabay Mr. C/laahi Xasan Faarax (Baaseweyne). Wasiirkuna wuxuu shaqada bilaabay 20/6/2000.

 

NUUR SHIRE OO LAGA JOOJIYEY IN UU WAR KA DIRO PUNTLAND.

Wariyaha BBC-da u joogay Puntland Nuur Shire Cismaan ayaa laga joojiyey 19/6/2000 in uu war ka diro Puntland, ka dib markiii lagu eedeeyey arimo siyaasadeed oo ka baxsan saxaafada, dhana ka ah danta guud.

 

WASIIRKA ARRIMAHA BULSHADA PUNTLAND OO DALKA YIMID.

Wasiirka arrimaha Bulshada Faarax Warsame Cismaan oo xilkaan loo magacaabay dhawr bilood ka hor isagoo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa 19/6/2000 ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Bosaaso.

Wasiirka oo in muddo ahba la sugayey wasaaradiisana ay ka jireen arimo u baahan wax qabad deg deg ah wuxuu soo gaaray Garoowe 20/6/2000, waxaana la filayaa in uu wax weyn ka badali doono hawlaha Wasaaradda halka ay ku sugan yihiin hada.

 

WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA OO QORAAL KU SOO SAARTAY NIDAAMKA ILAALADA GAARKA AH EE HAY'ADAHA.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dhawaan ayey ku qeexday

nidaamka ilaalada gaarka ah ee hay'adaha, waxaana lagu xiray shuruudahaan.

  1. Ilaaliyaasha ay qoranayaan inay soo mariyaan Booliiska Degaanka ay degan yihiin si loo xaqiijiyo anshaxa iyo amaanadooda.
  2. In hay'ada qoratay ilaaliyaasha siiso labis iyo calaamad u gaar ah oo lagu garto.
  1. Hay'ada qoratay ilaalada waa inay qoraal ahaan ugu soo gudbisaa guddiga nabadgelyada tirada iyo nooca hubka ay ilaaliyashaashu ugu shaqaynayaan si loogu ruqseeyo.
  2. Intaa waxaa dheer markay hay'aduhu safar u baxayaan in ay soo ogaysiiyaan madaxda gobolka iyo degmada xaruntooda ku taala si looga taxadaro nabadgelyada dhaqdhaqaaqooda looguna daro Booliis ilaaliya hadii loo baahdo, loolana socod siiyo safarkooda meelaha ay u socdaan si gacan loogu siiyo hawlahooda iyo la socodka amaankooda.

Dhanka kale haddii madaxda hay'adaha doorbidaan inay safar u raacaan ilaaladooda gaar ahaaneed oo hubaysan waa inay codsi ogolaansho waydiistaan guddiga nabadgelyada ee Deegaanka ay ka ambabaxayaan gaar ahaana booliiska.

KALFADHIGII BAARLAMAANKA OO GUDO GALAY LA XISAABTANKA XUKUUMADA.

Kalfadhiga golaha wakiilada Puntland ee ka furmay Magaalada Garoowe 15/6/2000 ayaa 21/6/2000 la xisaabtanka xukuumada ka bilaabay Wasaaradda Maaliyadda.

15/6/2000 ilaa 20/6/2000 goluhu wuxuu ku mashquulsanaa arrimaha jabuuti ee dib u heshiisiinta soomaaliya iyo dhagaysiga warbixinaha gobolada ay ka kala yimaadeen xildhibaanadu iyo ka wada hadalka wixii dhaliilo ah ee iyaga dhaxdooda ka jira.

KHARASHAADKA DHEERIGA AH OO LA JOOJIYEY

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa ku wargeliyey wasaaradaha iyo hay'adaha dawlada in la joojiyey dhammaan qarashyada miisaaniyada ka baxsan sida taakulaynta, Caafimaadka, Daynta, iyo Kharashyada kale ee lama filaanka ah. Wasaaradda Maaliyadda waxaa si gaara loogu adkeeyey inay si dhab ah u fuliso wareegtadaan.

 

SHIRKA CARTA WAA SHIRQOOL LOOGU TALA GALAY SOOMAALI.

Mowqifka Dawlad Goboleedka Puntland ka taagan tahay midnimada soomaaliyeed iyo dib u heshiisiinta wuxuu ku cadyahay dastuurkeeda ku meel gaarka ah.

Dawlad Goboleedka Puntland waqtigii mudane Ismaaciil Cumar Geelle soo jeediyey talooyinka ku saabsan dib u heshiisiinta soomaaliyeed iyo dib u dhiska dawladii soomaaliyeed ee burburtay 1991dii, xukuumada, wilaayada Puntland waxay islamarkiiba shaaca ka qaaday in ay si buuxda u taageerayso talooyinka Md Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dadaal kasta oo ku wajahan soo afjarida mixnada dawlad la'aanta soomaaliyeed ee ka dhalatay dadweynayaga u keenta dhimasho, dhaawac, gaajo, shaqo la'aan, iyo qoxooti nimo.

Wararka rasmiga ah ee Dawlada Jabuuti ka soo baxay, waxay sheegeen dawlada Jabuuti inay gogosha u fidinayso martig, hasayeeshee go'aanku noqondoono mid ay dadka soomaaliyeed leeyihiin guud ahaan gaar ahaana maamulada la doortay, waxaase nasiib daro ah in shirkii ay abaabushay Jabuaanu ahayn mid xaqiijin kara himilada soomkuna dhamaan doono guul daro sababaha soo socda awgood:-

  1. dawlada Jabuuit oo ka baxday balanqaadkeedii ahaa in soomaalidu go'aanka yeelandoonaan.
  2. faragelin Dawlada Jabuuti ku fogaatay arimo khuseeya ummadda soomaaliyeed ee cid kale aanay shaqo ku lahayn sida wax qaybsiga, qaabka wax loo qaybsanayo iwm.
  3. falalka Dawlada Jabuuti waxay cadeeyeen in aanay dhaxdhaxaadka ahayn qadiiyada soomaaliyeed xal u helideeda.
  4. Jabuuti waxay iska dhaga tirtay talooyinkii wax ku oolka ahaa ee ay u soo jeediyeen madaxda soomaaliyeed ee ay doorteen dad ka tirabadan dadka doortay Ismaaciil Cumar Geelle.
  5. shirka Carta ka socda waxaa ka qaybgalay dad farabadan aan kal sooni ka haysan, lagana soo wakiilan gobolada ay ka yimaadeen iyagoo dhiiri gelin iyo soodhawayn ka helay dawlada Jabuuti.
  6. Dawladda Jabuuti waxay u la dhaqan tahay wafdigii wadatashiga u tagay ee Puntland ee ka koobnaa Madaxweyne ku xigeenka DGPL iyo Isimada, si quursi ku jiro, waxayna ilhaano u jeedisay Dawlada iyo dadweynaha DGPL.

Arimahaas ayaa ka mid ah kuwa sababay in Dawlad Goboleedka Puntland Madaxweyneheeda, golayaasheeda, Isimadeeda in ay 15, 16, 17/6/2000 in ay soo saaraan go'aano warar cad oo ku saabsan in dawlad goboleedka Puntland aanay ka qayb galayn oo aqoonsanayn go'aamada ka soo baxa shirka Carta oo sida dhabta ah shirqool loogu tala galay ummadda soomaaliyeed dawlada Jabuutina doonaysa inay dhaqaalo ku hesho.

Dadweynaha Puntland waxay ku taageersan yihiin dawlad goboleedka Puntland go'aank-eeda. Taageeradaasna waxay ku muujiyey bannaan bixii weynaa oo lagu dhigay Barxada weyn ee Caasimadda Puntland Garoowe.

Waxaanuna ummadda soomaaliy-eed ee walaalaha ah ugu baaqaynaa, kuna boorineynaa in aaney ku sirmin oo daba cararin siyaasada dhalanteedka ah ee ay iyagu la yimaadeen daacadnimo niyad sami iyo rabitaan dhab ah si ay xal ugu helaan dhibaatooyinkooda.

WARGELIN.

Dhammaan wasaaradaha, Hay'adaha iyo cidii kale oo dani ka hayso in ay si joogta ah u helaan Wargeyska tirsi kasta oo soo baxa, waxaa lagu wargelinayaa marka hore in ay soo gudbiyaan codsiyadooda oo qoraal ah iyo qaabka ay u rabaan.

Wargeyska wuxuu ku soo dhawayn doonaa gacma furan cid kasta oo danaynaysa inay akhrisato isla markaasna si joogta ah ula socoto.

Bishii halmar ayuu wargeysku soo gudbin doonaa qaansheegad ku saabsan dalabaadkaagii hore.

WADASHAQAYN WACAN

 

GO’AANO GOLAHA WAKIILADA DOWLAD GOBOOLEEEDKA PUNTLAND EE SOOMAALIYA

Kalfadhigii 3aad ee Golaha wakiilada ee D/G/puntland ayaa ka Furmay Magaala Madaxda Puntland ee Garoowe 15/06/2000 ayaa maalintiisii labaad oo ku beegan 17/6/2000 wuxuuna ku dooday anjnde ku saabsan shirka loogu maggac dareyy dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda tuulada carte, ee Jabuuti.

Ajandahaas oo ahaa in laga qeyb galo shirka Jabuuti iyo in la qaadaco.

Dood dheer koo dhinnacyo badan laga eegay kaddib wuxuu isku raacay Goluhu inaan laga qeyyb galin shiirkaas, taas oo timi kadib markii ayy 46 muudane diideen in laga qeyb galo 7 mudanana ay ka aamuseen iyadoo aanay jirn cid u codeysay in la aado, tirada xuubanaha Golaha fadhiyay waxay ahayd 53 Xuubnood.

Hadaba Goluhu wuxuu qaraarkaani gaarey:-

Markuu arkay qodobada axdigga ee Dowlad goboleeedka Puntland.1.4, 1.7,12.5 firqadiisa afaraad markuuu dhageytay warbixintii wafdigii ka soo laabtay D.Jabuuti ooo ka koobnaa Madaxweyne ku/xiigeenka kiyo isimadii la socday oo muuujisay dayro iyo inuusan shiirku ahayn mid guul u keenaya umada sooommaaliyeed.

Markii ay dib u eegeen baaqii Ismaaciil Cumar Geele ka hor jeediyay Golaha Qaramada Midoobay oo marinkiisii gafay, loona turjumay si aan umada soomaaliyeed Qancin karin.

Markuu dib u eegay heshiiiskii ku dhexmaray Garoowe Dowlad goboleedka puuntland iyo wafdigii Jabuutii oo ahaa 10 qodob kaasoo haba yaraatee Xuukuumada Jabuuuti waxba kaga Dhaqmin.

Hadaba wuxuu Golaha wakiilada ee Dowlad Goboleedka puntland Go’aamiyey Qodobada soo socda.

Waxaa kale oo goluhu cod buuuxa ku ayiday Go’aankii Golaha Xukuumada ee taariikhda 17/6/2000. Kaasoo ku saabsanaa qaadacaada shirka Carte ee jabuuuti.

 

GUDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADA EE PUNTALND Dr. Yuusuf Xaaji Siciid.

Gudoomiyaha golaha wakiilada Dr. Yuusuf Xaaji Siciid ayaa soo saarey Jadwalka kalfadhiga 3aad ee golaha wakiilada kaasoo u qoran sidatan:-

21-24/06/2000 Wasaarada Maal-iyadda 25/06/2000 wasaarada kalluumaysiga iyo Dekedaha 26/06/2000 Wasaarada Hawlaha gguud iyo Gaadiidka

27/06/2000 Wasaarada Xanaanad Xoolaha Beeraha iyo Deegaanka

28/06/2000 Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha

29/06/ 2000 Wasaarada Cadaalada iyo Arimaha Diinta

1.2/07/2000 Wasaarada Warfaafi-nta dhaqanka iyo Isgaarsiinta

3/07/22000 Agaasinka guud ee xiriirka Dibada iyo Iskaashiiga Caalamiiga ah.

4/07/2000 Agaasinka guud ee shaqada iyo shaqaalaha.

6/07/2000 Agaasinka guud ee diib u dajinta Miino Gurida iyo Daqan celinta 8/07/200 Agaasinka Guud ee Bangiga iyo Qorsheynta.

8/07/2000 Rugta Ganacsiga.

9/07/2000 Hanti dhowrka guud ee iyo gudiga qandaraasyada .

10/07/2000 gayaqaanka Guud ee Dawlada iyo Hay’ada NESHA.

11/07/2000 Agaasimaha Guud eee Madaxtooyada iyo Taliska Ciiidanka Daraawiishta .

12/07/2000 Wasaarada Arimaha Bulshada 13/07/2000 Golaha Garsoorka Ee Dawlad Goboleedka Puntland.

COL. SHAATI GUDUUD OO JOOGA CARTA

Guddoomiyaha ururka RRA Col. Shaati Guduud ayaa tagay tuulada carta ee dalka Jabuuti. Col/Shaati Guduud oo waxa uu ku sheegay waraysi uu shalay galab siiyey Idaacada BBC-da in uu ka qaybgalayo shirka Jabuuti, isagoo intaa ku daray in ururkiisa Carta ka joogto ergo isugu jirta Malaaqyo, Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano.

Dhinaca dhulalka lakala haysto mar uu ka hadlayey wuxuu sheegay inaysan wali dhamaystirneyn wadahadalada laga yeeshay arintaas iyada ahi.