Warsidaha Puntland
Tirsi 44
Garoowe, Axad 25 June 2000
__________________________________________________
Warsidaha Puntland waa Todobaadle 2 jeer ay soo saarto Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland
_______________________________________________________________
XISAABXIRKA MIISAANIYADA SANADKA 1999
Wasaaradda Maaliyadda Dawlad Goboleedka Puntland waxay usoo gudbisay warsidaha warbixin tafaftiran oo ku saabsan xisaabxirkii sanadkii 1999kii ee ujeedada laga leeyahay waa in ay dadweynaha iyo canshuur bixiyayaashu lala socodsiiyo adeegyada iyo hawlaha lagu qabto lacagaha ay bixiyaan.
Akhristayaashu waxay xisaabxirka sanadka 1999ka kala socon karaan warsidaha Puntland oo qayb qayb usoo daabici doona.
Warbixintaan oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Siciid Maxamed Maxamuud looguna tala galay in laga jeediyo kalfadhiga saddexaad ee golaha wakiilada Puntland, waxayna ku bilaabatay:-
Anagoo cuskanayna axdiga Dawlada iyo shuruucda maaliyadeed ee dawlad goboleedka Puntland, waxaa sharaf weyn noo ah in aan idiin soo gudbino miisaniyadii sanadkii lasoo dhaafay ee 1999kii,oo ahayd tii ugu horeysay lana saanqaadaysay dhismihii iyo hawlgalkii dawlad goboleedka Puntland.
Sidaad ka warqabtaan miisaaniyadda 1999 waxaa loogu talagalay sideedii bilood ee ugu dambeeyay isla sanadkaas, balse waxaan jecelnahay in aan in yar dib ujaleecno taariikhdii mugdiga ahayd ee ka horeysay miisaaniyadaan anagoo ogsoon in laga wada dheregsan yahay haddana waxay inoo tilmaami kartaa marxaladihii lasoo maray iyo horumarka la taaban karo ee maanta ka jira Gobolada Puntland.
Anigoon ku dheeraanayn ka sheekaynta taariikhda xaaladihii kala duwanaa ee aanu soo maray, ayadoon marna ka dhexdhicin (gobolada dalkeena ) dagaalo hubaysan oo ku salaysan siyaasad ama qabiilba, haddana inooma suura gelin inaan dhisano nidaam isxukun goboleed ee leh sharci iyo taageero loo dhan yahay.arrintaas iyo kuwo kale oo la mid ahi waxay ina dhaxalsiiyeen inaan marna inoo suuro gelin in xataa dakhliga laga heli jrey dekeda Boosaaso in aan loo samayn miisaaniayd ku salaysan aragti siyaasadeed iyo horumar dhan walba leh. Miisaaniyad la'aanta ka jirta dalka mudadaas dheer waxay ina dhaxalsiisay in aanu gabno horumarintii qaybaha bulshada, dhaqaalaha iyo adkaynta nabad gelyada oo aan la garanayn cida la isku halaynayay.
Marnaba ma aaminsanin in ay jirtay dhaqaala xumo, aqoon daro iyo waayo aragnimo la'aan iyo awood ciidan iyo shaqaalaba, iyadoo la wada ogsoonaa baahida dadweynuhu u qabay iyo taageerada ay diyaar ula ahaayeen markasta. Waxaa xitaa aad u yaraa hawlgalada Hay'adaha iyo dawladaha diyaar kula ahaa in ay shacabka wax u qabtaan, sababaha geli weydana waxaa ugu weynaa nidaam iyo maamul la'aanta ka jirtay dalkeena oo aan qaadi karin mas'uuliyada nabadgelyada shaqaalahooda ajnabiga ah, gaadiidkooda iyo xataa kaalmada lafteeda.
Arrintaas waxaan ugu dheeraaday, inaan si gaar ah idiin tuso in ku dhaqanka hab-miisaaniyadeed ay horseedka u noqon karto bilowga ama abuurista nidaamyada kale.Nuxur ahaan, miisaaniyadu waa aalada lagu wado ama lagu mareeyo mashruuc cusub ama nidaam horleh, isagoo suurta gelinaya sii wadida iyo sii adkayntaba. Sidaas oo kale adeegsiga miisaaniyadeed waxay waxay wax weyn ka tartaa dhisida iyo xoojinta maamul goboleedyo adag oo abuuri kara jawi soo jiita, dhiirigelinayana dhaqdhaqaaqa iyo kobcinta gananacsiga, wax soosaarka,nabadgelyada iyo arrimaha bulshada.
Haddaba waxaan jecelnahay, marlabaad inaan idiin xaqiijiyo guulihii aan gaarnay muddadii gaabnayd ee ay jirtay dawladani muuqaal iyo qaab ahaanba, iyo dardarta dhaqaalaha gaarka ah (private sector).Taasina waxaa si gaar ah mahad ugu leh ciidamada nabadgelyada dalka. Waxaa iyana xusid mudan in la tilmaamo guulahaasi ay yihiin inoo suuro geliyay in aanu markale diyaarino miisaaniyada sanad kan aynu ku jirno ee 2000 oo aynu sidii la ogeyd uga wada shaqaynay, heer dawlad iyo heer baarlamaanba. Halkaas waxaad ka garan kartaan horumarka ay ina gaarsiisay adeegsiga hab miisaaniyadeed ku salaysan nidaam, shuruuc, xeerar, iyo maamul, lagu dhaqayo qaadista canshuuraha iyo qoondaynta kharashyada kala duwan.
Ka sokow, dhibaatooyinka maamul, xisaabaad, kantorool iyo shuruucba waxaa guud ahaan dalka soo foodsaaray tayo xumo xag shaqaale xirfadlayaal, xeeldheereyaal maamul iyo qorshaynta dhaqaalaha, Arrimahani ma ah mid gaar u ah wasaaraddani oo kali ah waa mid saamaysay dhamaan hey'adaha dawliga ah gaar ahaan tayada xirfadlayaal iyo waayo aragnimo shaqaalaha heerka dhexe. Waxaa kaloo iyana la wadaaga maamulada gobolada iyo degmoyinka (dawlada hoose). Haddana qorshe xumo awgeed waxaa muuqata in la fududaystay in laga codsado tababaro iyo kaalmada farsamo laga heli karo deeq bixiyayaasha oo wax weyn ka bedeli lahaa tayada shaqaalaha.
QIYAASTII KU TALAGALKII MIISAANIYADA (MAY-DEC 1999 ):-
Markaan u soo noqdo, miisaaniyadii ugu horeysay ee dowlad Goboleedka Puntland ee sanadkii 1999, waxay ahayd 8 biloodle (MAY-DEC ). Waxaan jecelnahay in aan idin xusuusiyo inay ahayd mid aan ku fadhinnin tiro- koobiyo iyo waayo araggnimo siyaasad dhaqaale/ maaliyadeed oo horey u sii jirtay mudadii ka horeysay tan, si markaasi qiyaasta ku talogalka miisaaniyadeed ( kharash iyo dakhliba) u noqoto mid taabogal ah ama u dhow xaqiiqda ( baahida iyo awooda dhaqaale) ee dalku ku sugnaa. Si hadaba, loo diyaariyo miisaaniyadaas waxay wasaaradu la kaashatay xeel dheerayaal aqoon iyo waayo aragnimo u leh diyaarinteeda, waxaana la go'aamiyay in lagu saleeyo awooda wax soo saar ama dakhli dhalin-bileed sidaasna loogu dabaalo baahida maamulka dowliga ee markaa curtay.
Nasiib wanaag waxay ahayd mid lagu guulaystay, sababtoo ah xooga dakhliga la qiyaasay wuxuu ka imaaniyay canshuuraha dhoofinta iyo soo dajinta badeecadaha ee dekada boosaaso, waxaa iyana la qiyaasay in dakhli badan laga heli karo adeega isla Dekada iyo garoomada diyaaradaha Boosaaso iyo Gaalkacyo. Waxaa intaa weheliya in la qiyaasay in la heli karo canshuuraha Beriga iyo khidmadaha kale ee kala duwan dakhli, sidaa darteed qiyaasta ku talagalka miisaaniyadaas waxay ku salaysnayd aragti mudo gaaban ah oo ansixinaysa baahida kharashyada daruuriga ah ee maamulka dawlada iyo awooda dakhli dhalinta bileed sidaas ayay ahayd falsafada iyo farsamada lagu dhisay qiyaastii miisaaniyada sanadkaasi ama 8bilood.
Intaanaan gudo galin xisaabxirka miisaaniyada sideedii bilood ee 1999kii, waxaa xusid mudan inaan tilmaamno dhibaatooyinka farsamo ee wasaaradaan ka soo food saaray hirgalinta iyo kantaroolka miisaaniyadaas dhibaayooyinkaas waxa u badnaayeen ama isugu jireen sida hoos ku xusan.
MAAMULKA DAKHLIGA CANSHUURAHA:-
waxaa kaloo ina soo food saaray mashaakilo la xiriira hirgalinta canshuuraha gaar ahaan kuwa bariga oo ah sidii loo heli lahaa awood qasabta hirgalinta canshuurta ( taxation enforcement ) wasaaradanina waxay had iyo goor la tashataa, ogeysiisaa kana codsataa hay'adaha shaqada ku leh intaan xafiisyada canshuuraha tilaabo hirgalin ah qaadin. Waxayna tahay arin ilaa iyo maanta ka taagan dhamaan gobolada iyo degmooyinka iyadoo waliba marar badan fara galin toos ah lagu sameeyay hawlaha canshuur qaadista. Taasina waxay la mid tahay u bareerid ku tumasho sharci taasoo aan wax badan qoraalo ku siinay Hay'adaha ilaalinta iyo hirgalinta sharciga iyo kuwa maamul goboleedyadaba.
DAKHLIGA AAN CANSHUURAHA AHAYN:-
wasaaradda maaliyaddu waxay la kulantay wareer sharciyeed, maamul iyo oo soo ururinta iyo maamulida dekhliyo badan oo ay hay'ado kala duwan soo saareen. Dakhligaas wuxuu ka dhashaa adeega hantida dowlada, waxay hay'adahaasi iskood awood isu siiyeen inay siday doonaan ka yeelaan iskana dhaga tiraan sharciga, hantida iyo xisaabaadka qaranka. Nidaamdaradani waxay sii socotay amase wali ka jirtaa ilaa iyo maanta iyadoo ayna xafiisyadaasi u dhaqmaan sida hay'adaha dulaalka (commotion/ brokerage agencies).
MAAMULKA, KANTAROOLKA IYO XISAAB CELINTA KHARASHKA
:-waxay mudadii sided bilood ee sanadka 1999kii la kulantay mushkilado la xiraara habraacyada maamulka kharash loo qoondeeyay Hay'adaha hab raac xumaantaas waxaa keenay u hogaansanaan la'aanta tilmaamaha laga bixiyay xisaabinta, ka reebista bixinta kharashka sidaas oo kale waxaa dhib noqotay waafajinta kharashyada iyo dakhligaba codadka ku haboon, waxaa kaloo jirtay in isxilqaan la'aan laga muujiyay soo diris warbixino iyo xisaab celin bileedka miisaaniyada si markiiba shaqadii xisaabiyaha guud u sahlanaato. Xag la socod iyo kantaroolba.
DHAQDHAAQA KHARASHYADA:-
dhibaatooyinka wasaaradani soo food saaray waxaa kamid ah.
Bangiga oo aan dakhli abuurid kale lahayn, khidmadaha uu ka qaato dakhliga dawlada mooyee, taasoo culays ku ah miisaaniyda dowlada.
Hay'adaha dakhliga dhaliya ama wax soo saara oo aan dakhliga ay qabtaan durbadiiba ku shubin Bangiga. Taasina waxay khaldeysaa dhaqdhaaqa khasnada, xad gudubna ku ah maamulka hantida dowliga ah, waxaa laga sameeyay cabashooyin badan.
Maamulka lacagaha cusub iyo awooda isticmaalka. Xisaabxir la'aanta Bangiga iyo howlihiisa Gobolada.
DHISIDA MAAMULKA DOWLIGA AH IYO KAALINTA MIISAANIYADA
In kastoo ay jiraan dhibaatooyin waaweyn oo laga siman yahay sida:-
Yarida shaqaale xirfadlayaal ah ama waayo arag ah iyo tababaro yari.
Mushahar yari iyo dhiiri galin la'aan mararka qaarkood ama aan joogto ahayn.
Kaalmada dibada oo aan jirin.
Iyo kuwo bulshada dhaqan xumo la dhex galay sannadihii hore. IWM.
Waxaan hadana marna shaki u jirin inay jiraan dabacsanaan, isxilqaanla'aan badan iyo dhaqan lagu tilmaami karo danastinimo iwm. In kastoo maamulka Puntland uu jiray mudo gaaban taasna waxaa markhaanti ka ah.
Haya'adaha aan lahayn barnaamijyo howlgal heer kastaba ha ahaado mid ay wax kula qeybsnayaan deeq bixiyayaasha ama mid ay hay'ada lafteeda iyo shaqaalaheeda lagu habaynayo si ay u gudato waajibaadka loo abuuray.
Hay'daha oo aan wali garan baahida loo qabo ( transparency and accountability) xag wax qabad iyo maamul ku salayn niyad sami siyaasadeed ( political will ).
Hay'aduhu wali ma garan waajibaadka ka saaran horumarinta qeybaha gaar ahaaneed (private sectors promotion) ee ku lug leh hay'adaha dowliga ah iyagoo la kaashan kara kuwo wadani ah ama ku ajinabi ah, ( xag ganacsi iyo faa'iido doon iyo xag horumarinta arimaha aan ganacsiga ahayn sida arimaha bulshada iyo wax soo saarka yaryar daraasado tababar iwm).
Daraasadaha qeybaha dhaqaale ee dalku hodanka ku yahay sida wax soo saarka, dhoofinta kalluunka, Xoolaha, xabkaha iyo suuq raadintooda.
In laga warhayo waxna laga qabto waxna laga qabto dareenka iyo rabitaanka dadweynaha intiisa badan.
Hase yeeshee in kastoo aynu wada ogsoonahay in mudadii ay jirtay dowlad goboleedka Puntland ay tahay wakhti yar hadana waxaa qabyo ah, baahidii loo qabay dhisida iyo xoojinta Hay'adaha jirintaan ahaan iyo howl galba ( physical and operational establishment of public agencies ) hadana ma qabno aragtiyo xag jira, laakiin waxqabad la'aantu ma laha cududaar, tabar iyo dadaal meeshay ina gaarsiiso waa halkeed.
Waxaa kaloo jira hay'ado kale oo ka wada hawlo samafal oo kala duwan ayna la'yihiin cid wax la qabata ama u soo bandhigta qorshe mashaariic iyo howlgalba taasoo micnaheedu yahay in la la'yahay cid wax doonaysa oo lala xiriiro.
Sidoo kale waxaan qabnaa in guud ahaan laga seexday qorshaynta mashaariicda horumarineed, oo ah wadada ugu sahlan oo wax looga heli karo hay'aha dowliga ah iyo kuwo gaar ahaaneedba. Hadii ay hay'adaha qaarkood ay gabaan waajibaadkooda waa inay jiraan kuwo iyagu buuxiya kaalintooda ama kaaba kaalinta kuwa ka seexday xilkooda.
Sidaa darteed waxaa dhici karta in aanu u haysano, amase aanu aaminsanahay in dawlad iyo wax qabadkeedu intaa yihiin, aana loo baahnayn is xilqaan hal abuur iyo wax soo saar, ha ahaado mid maadi ah ama mid isbedel iyo horumarin bulsho/ dhaqaale dhaliya.
Sidaas daraadeed mar hadii ay jirto xaaladaas is xilqaamid la'aanta iyo firfircooni darada ah deeqbixiyayaashu waa inaga gaabsadeen iyadoo ay jirto fikrad ama dareen ah in tix galin gaar ah la siiyo Puntland, taasina hada waxay keentay in la raadiyo hay'ado samafal oo ajnabi ah, loona xilsaaro lagalana tashado fulinta mashaariicda qaarkood oo xasaasi ah ama aanu awood u leenahay in aanu anagu qabsano ama ku howl galino xeel dheerayaasheena. Anagoo ka abqaadeyna xaalada aan kor ku soo sheegnay, waxaan idinla socosiinayaa, in wasaaradda maaliyaddu hawlaheedu ay hada ku sii socdaan meeshii ugu danbaysay taasoo si lama filaan ah u keeni karta in ay si xawli ah hoos ugu soo dhici karaan hadii aynaan dhamaanteen muujin waxqabad ku salaysan qorshe dhab ah.
Sidaad ka war-qabtaan wasaaradani waxay xiriir toos ah oo joogto ah la leedahay dadweynaha qeybihiisa kala duwan, intooda badan waxayna baryahaan dareemeen culayska iyo awooda dowliga ah ee ku khasbi karta bixinta canshuuraha gaar ahaan kuwa bariga.
Saraakiisha canshuuruhu waxauy had iyo goor soo sheegayaan in dadweynuhu ama canshuur bixiyayaashu weydiinayaan hal su'aal oo ah maxaa naloo qabtaa xag adeeg bulsho iyo mid dhaqaaleba? Taasoo aan jawaab lahayn.
Mideeda kale hirgalinta canshuururhu ma aha hawlo hal hay'ad kaliya fulin karto, waxay u baahantahay taageerada iyo wada shaqeyn dhamaan hay'adaha dawliga ah, tusaale ahaan ilaalinta iyo soo xeraynta canshuuraha la xiriira dakhliga boolada iyo diiwaan-galinta ay hay'ad waliba ka reebto shaqaalaheeda iyo macaamiisheeda kale ayadoo lagu soo shubayo khasnada dawlada hadana la xafido dhamaan dukumiintiga la xiriiray hawshaasi, meelaha qaarkood waxaa la caadeystay in fara galin lagu sameeyo canshuuraha iyadoo la amrayo in qofkaasi, hay'adaasi, ama shirkadaasi laga qaadi Karin canshuur.
Maxaa laga fili karaa qof ama shirkad caadi ah oon faa'iido doon ah hadii hay'adaha miisaaniyadoodu ku xirnayn maamulka canshuuraha ay iska indho tiraan kaalintooda.
Lasoco tirsiga xigga
ISIMADU GOLIHII WAKIILADA MA NOQON EE XUKUUMADA AYEY LA XAQIIJINAYEEN ARRIMAHA CARTA.
Xildhibaan C/laahi Xirsi Ilka yare ayaa u soo gaarsiiyey warsidaha qoraal saddex bog uu kaga hadlayo go'aankii xukuumada iyo wafdigii ka yimid Jabuuti iyo doorka golaha wakiilada Puntland iyo sidii ay shacabku ugu guubaabin jireen in golaha wakiilada lagu badalay Isimada taasoo uusan marna uu baarlamaanku jawaab ka bixin, qoraalkiisana waxaa ka mid ahaa waxaan u aragnaa in ay masiir ummadeed raadinayaan, xukumadu markay soo taabatay in ummadda dooratay aysan u soo qaadi Karin cad quureed, haddii shacabku yiraahdeen waxaan u baahanahay xaqiijin islamarkaana ay qaaday xukuumadu, sidee shacabka u qancinaa oo si xoriyad ah aad u tiraahdeen wafdi xaqiiqaraadis haloo diro, xildhibaanada Puntland kaalinka ayey ku sugayeen wixii go'aan ah ay kala soo noqdaan Jabuuti, dhanka kale xukuumad iyadaa dastuur ahaan xaq u leh in siyaasada, Maamulka, Amniga, Arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha, Horumarka.
Kalfadhiyada golaha wakiilada ee Puntland waxaa laga maarmaan ah in xukuumadu ay soo bandhigto isbadalka u dhaxeeya labada kalfadhi dhaxdooda, sidaa awgeed xaashaakulileeh Isimadu golihii wakiiladu ma aysan noqonee, xukuumada ayey la xaqiijinayeen wixii Carta ka socday.
Mana aha in shacabka qalqal lagu geliyo dawlada iyo Baarlamaanku waa isku mowqif, xukuumada iyo Baarlamaanka waxaa loo doortay in mustaqbalka iyo masiirka ummadda iyo wax alaale iyo wixii dan caam ah in ay horseed ka noqdaan
Haddii xukuumadu soo hordhigto baarlamaanka horumar iyo wax dan u ah shacabkooda uu ka doodayaa baarlamaanka kadibna waxay noqonaysaa in uu ku raaco shaqada fiican ee ay qabato.
Haddii aysan ahayn sida aan u soo sheegay waa ay idiin furan tahay in aad ka hadashaan. Haddii aan fiirino qaadacaada shirka Jabuuti, wiilka aqoonta bee hogaamiya Jabuuti shirka uu dhaqaalaha uu ku uruur(NG), Baarlamaanku waxa uu dhagaystay warbixintii wafdiga xaqiiqa radaadiska ahaa ee xukuumada iyo Isimada, wax leh hala aado Jabuuti dan ummadda soomaaliyeed baataal majirin, shirkaasna waxaa fadhiyey marti sharaf, Suxufiyiin marqaanti baana laga ahaa, wadii wafdigii sidaas ugu soo bandhigeen Baarlamaanka yiraahdeena waxaan u wadnaa 110 Ergay Puntland noloona soo sheegay in ergooyinka shirka noqonayaan 1200 qof, aana ka helnay 110 qof lagana, lagana yaabo in ay ka siibadiyaan BBC-duna sheegtay 1500 oo Ergay in ay fadhido qaarna dhiman yihiin.
Bandhiga hada furmay ee Cartana guddoonka loo sameeyey ay ku cabanayeen in aysan aqoon inta Ergadu tahay. Baarlamaanku markuu xogtaahelay lana yiri waajibku idinka ayuu idin saaran yahay, markaan fariisanayna xukuumadu noo soo gudbisay go'aankeedii, oo aan dib u dhagaysanay cajaladihii warbixinada arintaana aan u fadhinay 10saac oo aan loo kala kicin anagoo ah wakiiladii Golaha shacabka Dawlad Goboleeka Puntland, meelkasta fiirinay, taleefishinka dib ugu noqonay wado waan u waynay Jabuuti, waana qaadacnay, qofka wadaniga ah, Soomaaliga ah ee intaa inta la' eg la soo hordhigo wax kale keeni lahaa jaraa'idada haka soo talabixiyo.
ARAGTIYO KU SAABSAN DIB-U-HESHIISIINTA SOOMAALIYA IYO SHIRKA CARTA.
Inj. Khaalid Yuusuf Faarax oo la soo xiriiray warsidaha 23/6/2000 ayaa sheegay in uu aaminsan yahay soomaaliya in laga dhiso dawlad faderaal ah iyo magaalo madaxda in ay noqoto meel dalka dhaxdiisa ah oo la wadaago, kuna eg hawlaha maamulka faderaalka ah.
Sidaas haddii la yeeli waayo isagu waxay la tahay in soomaaliya gadaal dagaal loogu celiyey. Inj. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday dadka xamar ku mudacaya in ay caasumad tahay inay yihiin kuwii shalay Qabiilka dadka uga soo saaray xaqna aysan ugu lahayn ummadda inay maanta yiraahdaan xamarbaa caasumad idiin ah.
Khaalid wuxuu aaminsan yahay cid waliba in ay awrkeedu qaado oo goboladeeda ku ekaato maamulna ka soo dhisato, wuxuuna yiri sidaas haddii la yeelo wixii laysugeystay oo dil iyo dhac ahaa waa laga samri karaa, cid kastoo arrimaha soomaaliya galaysaana waa in ay tixgelisaa wixii soomaaliya ka dhacay shalay.
Siciid Diiriye Maxamed ayey isaguna ula muuqataa in la dhinac marsan yahay sidii soomaalinimo iyo dawladnimo lagu gaari lahaa taasoo ahayd in qayb waliba soomaaliya ka mid ah isisoo dhisto kadibna la isugu yimaado faderaal siistam.
Haddii taa la waayo wuxuu yiri waxaan ku talinayaa sida ugu dhaxsaha badan dadka Puntland jooga ee Jabuuti inay uga soo baxaan Cayaarta meesha ka jirta, wuxuuna sabab uga dhigay hadalkiisaa dhibaatadii soomaaliya ka dhacday inaan la tixgelin intii shir la qabtayna waxaan u arkaa ayuu yiri kii ugu liitay.
MINAAN U WADA GUURRO GAROOWE, NABE GAF MAAHA, GOOFKIISUNA GANACSI MAAHA
(INDHA INDHAYNTII MAANTA IYO GAROOWE) Muuse X.Siciid (Abees).
Garoowe oo horay u ahaa magaalo madaxda Gobolka Nugaal, ayaa haddana 1998-dii loo doortay caasumada maamulka Dawlad Goboleedka Puntland (The Capital of Puntland of Soomaalia). Garoowe wuxuu ku yaal xudunta shanta gobol iyo degmada maamul wadaaga noqday ee Puntland. Waxaa ku kala leexda Garoowe wadooyinka laamiga ah ee ku kala shuba Gaalkacayo ilaa Muqdisho, Burca ilaa Barbara iyo Qardho ilaa Bosaaso.
Garoowe wuxuu Raascasayr u jiraa 1033km, Xamar 990km, Barbara 495km, Eyl oo ku taala Xeebta Indian Ocean Coast 220km. Wuxuu ku yaal dhul aad u fidsan dhinac walba, ayna ka dhismi karto magaalo ka wayn 100km oo dhan walba ah, kana mid ah gayiga dooxada Nuugaaleed.
Waxaa dhexmara waadiga majo ma qarshe, waxaana la rumaysan yahay in uu yahay wabi xoogiisii duugmay, markasta biyihiisu waa kooda ama in yar baad laas qodonaysaa. Wuxuu leeyahay qaabkii ama astaamihii lagu yiqiin wabiyada ee ahayd mulacyeynta sida mas ciideedka iyo gabiyada muujinaya jiritaankisii hore.
Haboonaan lahaydaa in la gaaro maalin maalmaha ka mid ah awood dib loogu soo noolaynayo wabigaas ciidu qarisay. Badiba caasimadaha Aduunku waxay ku yaalliin wabiyo dushood, sida Washington DC, Moscow, Roma, Baqdaad, Qaahira, Kinshaasa, Qurtuum, iwm.
Runtiina Garoowe waadigiisa iyo dhulka uu ku fadhiyo aad ayey ugu egyihiin caasumadahaas aan soo xusnay, waxayse maanta ku kala duwan yihiin dhismayaasha daruuraha dhaxgalay, laamiyada, horumarka casriga ah iyo nidaamyada dawliga ah ee ka jira, Garoowe wuxuu mideeyaa degmooyinka Gobolka Nugaal oo dhan afar kalana ah, Buurtinla, Eyl, Dongoroyo, Garoowe, iyo 39 tuulo.
Gobolku wuxuu xuduud la leeyahay koonfur Badweynta Indiya, koonfur galbeed, Mudug, galbeed, soomaali galbeed, Bari, Gobolka Bari, Woqooyina, Gobolka Sool.
DHISMAHA IYO DHAQAALAHA:-
Garoowe aad ayuu uga kobcay heerkii dhaqaale ee uu joogay 1998-dii, aad ayeyna u fiday magaalada markii si xoog leh loo dhisay, loogana hirgeliyey guryaha loo yaqaan (Ville) oo wada shub iyo gambis ah, lana casriyeeyey. Waxaa aad qaali u noqday dhulka, baahi dhul darteed waxaa la kala heli waayey guryaha ijaarka loo galo dadka oo ku soo badanaya Garoowe awgeed, gaar ahaan waqtiyada Bosaaso ku laylka noqoto.
HOTEELADA GAROOWE:-
Waxaa loo kala mariwaayey hoteeladeedii, waxaana ku daga dad u kala gooshaya Gobollada, wufuud, madax, iyo shaqaalaha dawladeed, ganacsato iyo qaar u adkaysan waayey dibadihii dibna ugu soo xiisay dalkooda hooyo iwm.
Waxaana ka mid ah Hoteelada casriga ah ee hadda jira:- National, Guureeye, Nugaal, Redsea, Guluf, Daawad, Ala-Aamin, Bulshaale, Meeraysane, iyo Al-Mubaarak.
GAROOMADA DIYAARADAHA IYO DIB U HABAYNTA JIDADKA:-
Maamulka Gobolka Nugaal isagoo qadarinaya amniga, Bilicda iyo fiditaanka Magaalada wuxuu ka digay in aanu wax badan sii jiridoonin isticmaalka Garoonkii hore ee diyaaradaha, wuxuuna qorshihiisa dhammeeyey, dhismihiisiina hadda ku haab jiraa Garoon
11km u jira magaalada kana jira xaga bari, waxaana hadda si ku meel gaar ah loogu dhaqmaa garoonka weyn ee Kanooko oo 35km u jira iyo kii horeba.
Maamulka Gobolku wuxuu aad u habeeyey, in muddo ahna ka shaqaynayey sugida wadooyinka magaalada, iyadoo ay awalba runtii wadooyinka loo qorsheeyey Garoowe ladnaayeen, balse dib loo soo hoomaayey dhawaan markii dhulku qaaliga noqday, waana laga huleelay hadda markii dhab ahaan looga shaqeeyey lagana qaaday wax kasta oo xayiraayey ama lagu soo hulan karay.
HAWLAHA ISGAARSIINEED EE CASRIGA AH:-
Shirkadaha isgaarsiinta ee SOMTEL (Ex-AUSOMA) iyo PUNTEL ayaa hadda olole xoog leh iyo yaan lagaa badin ugu jira casriyeenta Isgaarsiinta magaalada Garoowe, aad ayaana shacabka u dharerayaa dhamaystirka mashaariicdaas wax ku oolka ah, waxa kale oo la filayaa gurdakeeduna soo baxayaa shirkada weyn ee Barakaad, waxaana isha Allaah dhaqso loo rajaynayaa dadka reer Garoowe oo Mobeyl ku wada hadlaya gudo iyo debadba la soco tirsiga xigga.
WAFDI KA SOCDA USAID-KA OO BOOQOSHO KU YIMID PUNTLAND.
Wafdi sare oo ka socda USAID-ka ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Bosaaso 22/6/2000 kuwaas oo Garoowana soo gaaray 23/6/2000, intii joogaan Puntland waxay wadahadalo la yeelanayaan madaxda dowlada Puntland, waxayna ka wadahadlidoonaan arimo muhiim ah.
LABO WASIIR IYO GUDDOOMIYIHII GOBOLKA OO LA DHAARSHAY.
Wasiirka arrimaha bulshada Faarax Warsame Cismaan oo dalka ka maqnaa tan iyo markii la magacaabay iyo C/qaadir Islaan Maxamed oo dhawaan loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo waliba C/laahi Xasan Faarax (Baaseweyne) oo badali doona Guddoomiyhii hore ee Gobolka Nugaal Axmed Yuusuf Muuse, ayaa dhammaantood la dhaarshay todobaadkaan sida sharcigu qorayo, hadda wixii ka dambeeya si toos ah u gudandoono xilalkooda shaqo.
WARBIXIN KU SAABSAN XAALUF KA TAAGAN GOOBO KA MID AH PUNTLAND.
Iyadoo sida la wada ogyahay xaalufku wada saameeyey Gobolada ay ka kooban tahay Puntland oo dhan hadana isku heer maahan oo deegaamadu waa ku kala badan yihiin (daran yihiin), oo meelba heer buu ka joogaa, beel walibana ilaa heer buu joogaa dareenkeedu, deegaan ilaalinayd, waxaa jira beelo isku dhaarsaday inaan deegaankooda dhaxdiisa xabad ugaar ah lagu dilin, lana bado ganaax kulul cidii isku disha ama dhaawacda hal ugaar ah, waxayna dhalisay in ay ugaartii dib u taranto, ariga la daaqdo, dadka iyo baabuurta safarka ahna ay la cayaadho, arintaasina waxay tusaalefiican u tahay ummadeena oo dhan waxayna mudan tahay in lagu daydo.
Haddii aynu eegno dhulka lagashido dhumaahan tan la dhoofiyo kaliya balse tan dalka gudihiisa ayaan marin wado haboon sababtoo ah waxaa la shidaa geed qoyan wuxuuna sii galaaftaa cowskii, nagaarkii iyo dhiroodkii oo dhan.
Waxaa la shidaa in ka badan baahida bulshadeena gudaha, waxaana lagu arki karaa magaalooyinka dhaxdooda 10naan gaari oo dhuxul oo iskala taagan oo aan cidina u baahnayn, waana la garan karaa dhibta uu gaystay iyo inta naf ku baabaday.
Meelaha lagu shido isubada hogo badon oo aan dib wax uga bixin. Arimahaas waxay badi ka dhacaan dhulka soolasha oo galoolku ka baxo gaar ahaan gobolka sanaag bari, Gobolka Bari meelo ka mid ah iyo meelo ka mid ah Gobolka Sool. Waxay hawshaas ku baahday goobahaas aan xusnay, laakin nasiib wanaag waxaa talaabooyin wax ku ool ah ka qaaday ciidamada daraawiishta Puntland ee Gobolka Sanaag, waxayse weli ku dambaysaa hawshu ilaha Nugaaleed ee ku wajahan aaga Sool, waxayna u baahan tahay in talaabooyin deg-deg ah laga qaado laysagana kaashado shacab iyo dawladba.
Waxaa wasaaradu qorshaysay habab arintaas wax looga qabanayo, laguna xakamaynayo xaalufka ku sii fidaya deegaamadaas, waxaanuna ku soo bandhigi doonaa qormooyinkeena dambe, bulshadana waxaa laga codsanayaa in ay ka qaataan kaalin wax ku ool ah si aanu carruurteena dhaxal uga tagno.
(Wasaaradda X.Xoolaha, Beeraha iyo Degaanka.)
OGAYSIIS
Waxaa la ogaysiinayaa dadweynaha reer garoowe in dhanka galbeed ee barxada garoowe laga furay (ausoma branch 5) oo kuula diyaar ah dirida teleefoonada, qaraacida dikumiintiyada (computer), dirida fax-yada iyo photocopy.
Ausoma branch 5 waxay ku taalaa dhismihi hore u ahaan jiray Al-Rowda Spare Parts oo ku dhagan guriga uu dagan yahay Nuur Salaad.
Waxaa kaloo cidii danaynaysa la ogaysiinayaa inuu adeegu yahay mid deg deg ah oo kuu fududeynaya hawlahaaga wakhti badana aan kaa dhuminaynin. aynu wada tijaabino adeega meesha yaalah.
PUNTLAND OO KA JAWAABTAY QORAALKII JABUUTI EE UGU DAMBEEYEY.
Qoraal saxaafada loogu talagalay ayaa ka soo baxay madaxtooyada Puntland 23/6/2000 kaa soo jawaab u ah qoraalkii gardarada ahaa ee ka soo yeeray xukuumada Jabuuti 22/6/2000 qoraalkani wuxuu sheegay in dawlada Jabuuti aysi buuxda u ogsoontahay mowqifka xukuumada Puntland ay ka taagan tahay shirka Carta (Jabuuti).
Dawlad Goboladka Puntland waxay sheegtay in wixii lagu magacaabay shirka Carta ee nabadaynta soomaaliyeed uu dhintay isla markaana Puntland aysan yeelayn in ay u dirto wafdi.
Shirkaas oo ah riwaayad jees-jees ah oo Carta ka socota, qoraalkani waxaa kale oo uu sheegay in Puntland ay ka talabaxday talooyinkii Jabuuti ee ujeedadoodu xumayd lana xiriirtay dib u heshiisiinta soomaaliyeed waayo sida qoraalku sheegay Jabuuti awood u malaha in ay marti geliso shirkaas oo ah miyad weyn iyo culaysba leh.
Sidaas awgeed dawlada Puntland ee soomaaliyeed waxay kula talinaysaa hogaamiyaasha Jabuuti in ay si degdeg ah isaga daayaan faragelinta arrimaha gudaha ee soomaaliya guud ahaan gaar ahaana kuwa Puntland. Qoraalkaani waxa kale oo uu sheegay in hogaanka siyaasadeed ee Puntland loo doortay si dumuqraadiya si uu ugu taliyo una hogaamiyo bulshada dooratay ee uu wakiilka ka yahay.
Waxaa kaloo qoraalkaan saxaafada loogu talo galay in Puntland caalamka oo ay Jabuuti ka mid tahay ay u aqoon sadeen maamul goboleed soomaaliya ka mid ah, sidaa dartaadeed ismaaciil cumar geele xaq uma laha in uu ummadda soomaaliyeed u yeeriyo rabitaankiisa shaqsiga ee ku saabsan natiijada ee ku saabsan shirka Carta, maadaama aan awood loo siin inuu u camal falo sidii madaxweyne dawlad soomaaliyeed.
MUDAAHARAAD LOOGA SOO HORJEEDO SHIRKA CARTA OO KA DHACAY MAGAALADA GAROOWE
Mudaaharaad balaaran oo looga soo horjeedo shirka ka socda tuulada Carta ee dalka Jabuuti ayaa shay oo ku aadaneyd 23/6/2000 lagu qabtay magaalo madaxda Puntalnd ee Garoowe waxaan mudaaharaadkaas ka qayb qaatay boqolaal qof oo isugu jira bulshada qaybaheeda kala duwan sida:-
Dhalinyarada, Ururada haweenka, Aqoonyahanka iyo culumaa'udiinka.
Dadkaan oo ay wajiyadooda ka muuqatay caro ku Aadan shirqoolka hadoodilan ee ay jabuuti wadato ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin
Jabuuti dooni mayno, eexda dooni mayno iyo kuwo kale, waxayna socod ku mareen wadada laamiga ah ilaa ay ka gaareen guriga madaxweynuhu uu
dagan yahay Madaxweynaha, waxayna ugu dambayntii isugu soo urursiga barxada caanka ah ee Garoowe iyada oo ay halkaas kula hadleen waxgarad ka tirsan bulshada, kuwaas oo hadalkooda ku cadeeyey in ay san sinaba u aqbalayn hindisa dhaqaale uruuriska ku salaysan ee ay wadato Jabuuti, waxayna hadalkoodu ku soo gabagabeeyeen, waxaan taageersanahay oo ayideynaa mowqifka Dawlad Goboleedka Puntland ay ku qaadacday shirka Jabuuti iyo in la helo dawlad ku dhisanta rabitaanka shacabka soomaaliyeed oo aan u jeedo kale ka dambeyn sida kan haatan Jabuuti wadato.
Diyaariye:- Jamaal Faarax Aadan
BISHAARO BISHAARO BISHAARO AKHRISTOW IDINKANA BILKHAYR DHAHA
Waxaa dhammaan la ogeysiinayaa dadweynaha ku nool magaalada Garoowe iyo nawaaxigeeda in machadka Universal Computer Center (UCC) uu dhawaan bilaabay kooras cusub oo barashada Computer -ka ah oo loogu talagay dada u dhaxaysa (10 jir ilaa 15 jir)
Hadaba koorsadaas oo ka lacag jaban tan dadka waaweyn, waxaa waalidiinta lala socod siinaynaa in ay ka faa’iidaystaan fursadaas qaaliga ah ee wax lagu barayo Carruurtooda
þþþþþþþ.Wixii faah faahin dheeraad ah kala xiriir maamulaha Machadka Unversal Computers Center oo ku yaal ka soo horjeedka Hay’ada ADRA (Xiriir Wacan) Tel: 457