Warsidaha Puntland
Tirsi 45
Khamiis 29 June 2000
_________________________________
Tusmada cadadka
_______________________________________
XISAABXIRKA MIISAANIYDA SANAKDA 1999 ( MAY -DEC 1999 QEYBTA LABAAD )
Xisaabxirka sanadkii tagay 1999 gaar ahaan iyo guud ahaan waxqabadkii wasaarada maaliyada, inaan mar kale idin xusuusiyo in diyaarintii miisaaniyada oo ahayd tii ugu horeysay waxaan qabaa inay inoo tahay taariikh dhaxal gal ah in kastoo aan lagu salayn dhacdooyin iyo tirakoobyo hore iyo siyaasad dhaqaale maaliyadeed oo soo jireen ah, balse waxay ahayd m o.
Hadaba waxaan si faahfaahsan idiinku soo bandhigaynaa dhacdooyinkii dhabta ahaa ee dakhliga iyo kharashaadkaba ee xisaabxirka 1999.
DAKHLIGA
Sidaan horey uga soo hadalnay miisaaniyada sanadka 1999 ( may - Dec ) ma lahayn raad raac hore oo miisaaniyadeed hase ahaatee waxaa dakhliga loogu qiyaas qaatay 3 arimood oo kala ah sidan.
Canshuurihii hore ee furdooyinka oo dib u habayn aan badnayn lagu sameeyey, kuwaas oo kala ah furdada boosaaso iyo labada kastam ee garoomada diyaaradaha Boosaaso iyo Gaalkacyo
Canshuuraha barriga (dadban iyo toosan ) oo loo dajiyey shuruuc iyo xeerar laguna tashadey in la hirgalin doono.
Khidmadaha ka yimaada Dekadaha garoomada, Maxkamadaha iyo Xanaanada xoolaha kuwaas oo qaarkood horey loo qaadi jiray qaar kalena loo sameeyay shuruuc lagu hirgalinayo.
Hadaba dakhliga miisaaniyada ku talagalka sanadka 1999 wuxuu dhamaa sh/so 24.8 Bilyan waxaana xaqiiqadii soo xarooday Sh/so 30.82 Bilyan, taasoo muujisay koror dakhli oo dhan sh/so. 6.00 bilyan una dhiganta 34% boqolkiiba dakhliga guud ahaan ee kordhay, dakhliga dhabta ah tafaasiisheeduba waxay ku cad yihiin halkan:-
FURDOOYINKA:-
sida ka muuqata shaxda halkaan ku lifaaqan isha ugu weyn ee dakhliga Dawlada waa kan ka soo xerooday furdooyinka, kutalagalka dakhligaas wuxuu ahaa sh/so 18 bilyan oo u dhiganta 72% dakhliga guud ahaan ee la qiyaasay, hase yeeshee dakhliga dhabta ah ee ka soo xerooday fudooyinka wuxuu noqday Sh/so 24 bilyan oo u dhiganta 78% dakhliga guud ahaan dhabta ah kaasoo muujiyey koror dakhli oo dhan Sh/so 6 bilyan oo u dhiganta 34% dakhliga kutalagalka furdooyinka kororka ugu weyn ee dakhliga furdooyinka wuxuu ka yimi furdada boosaaso wuxuuna kutalagalkoodu ahaa Sh/so 16 bilyan waxaana kasoo xaroodey Sh/so 20 bilyan, waxaa halkaa ka muuqata koror dhan Sh/so 4 bilyan una dhiganta 65% kororka dakhliga guud waxaa iyana koror dhan 21% keenay labada kastam ee garoonka Boosaaso iyo Gaalkacayo, in kastoo kan Boosaaso uu keenay lixaadka kororka dakhli ee garoomada hadaba sababaha ugu waaweyn ee keenay kororka dhaqaale ee kastamada waxay yihiin:-
Sugida nabadgaliyada gudaha waxay kordhisay badeecadihii ganacsiga ee dekada boosaaso ka soo dagayey una kala soday dhulul ka baxsan Puntland sida Waqooyi Galbeed Koonfurta Soomaaliya iyo kilinka shanaad ee Itoobitya.
dadaalka dheeraadka ah ee ay wasaaraddu ka muujisay adkeynta shuruucda Maamulka canshuuraha, kartida iyo daacadnimada shaqaalaha
asaaradda maaliyadda.
furitaankii dhoofka xoolaha ee dalka sucuudigu wuxuu kordhiyey tirada dhoofka xoolaha nool ee sanadkaas 1999.
dib u habaynta iyo kordhinta canshuuraha oo abuuray dakhli dheeraad ah.
b) CANSHUURAHA BARRIGA:-
dakhliga kutalagalka canshuuraha barigu wuxuu ahaa Sh/so 3.76 bilyan oo u dhiganta 15% kutalagalka guud, hase ahaatee waxaa ka soo hoyday dakhli dhan Sh/so 2.47 bilyan oo u dhiganta 8% dakhliga dhabta ah ee kasoo xerooday, sidaa awgeed waxaa muuqda isdhin dakhli oo dhan Sh/so 1.3 bilyan kaasoo ah 33% dakhliga canshuuraha barigu waxaa sababay isdhinkaas arimaha hoos ku qoran:-
waxaa suuro gali weyday duruufo jiro awgood in la hirgaiyo sanadkaas canshuuro la jideeyay oo ay kamid yihiin:-
Canshuurta M/ macaashka daaraha iyo ganacsiga.
Canshuurta M/ macaashka shaqaalaha wadaniga ah iyo hay'adaha caalamiga ah.
Canshuurta socodka iyo tan wadida baabuurta ( license ).
Canshuurta dhismaha oo u kala baxda mulkiyad iyo yowmiyad.
Khidmadaha maxkamadaha adeegga iyo ruqsadaha diyaaradaha IWM.
Canshuuraha kale ee dadban iyo toosan oo aan qaadistoodu dhamaystirayn.
Aqoonta iyo xirfada maamulida canshuuraha ee shaqaalaha iyo ciidanka ilaalinta canshuuraha oo aan tayadoodu aad u fiicnayn.
la'aanta waxyaabaha fududeeya maamulka canshuuraha sida gaadiidka, Xafiisyada, qalabka xafiisyada, tababarka shaqaalaha iyo wixii kaloo soo raaca.
d) KHIDMADAHA DEKADA IYO GAROOMADA DIYAARADAHA:-
khidmadaha dekada iyo garoomada waxaa kutalagalkoodu dakhli ahaa Sh/so 3.28 bilyan oo u dhiganta 13% dakhliga guud, hase yeeshee waxay keeneen koror dhan Sh/so 850 milyan kaasoo ah 14% kororka guud hadaba in kastoo dekada boosaaso aan dakhligeedii bilaha may iyo July lagu soo shubin khasnadda dawladda, hadana waxay soo hoyisay dakhli wax ku ool ah oo dhaliyey kororka ugu badan ee khidmadaha sanadkaas, sababaha dhaliyey kororka khidmadaas waxaa ka mid ah arimaha hoos ku qoran:-
Dekadda: A. isbadalka maamul ee dekada oo aad isaga bedelay sidii uu ahaa marka loo eego bilihii ka horeeyey bisha agoosto oo aan haba yaraatee waxba kasoo xaroon oo ay cadahay in hadii ay 8 bilood ee miisaaniyadu ku salaysnayd dakhligaasi si hufan u soo xaroon lahaa kororku.
B. waxaa kaloo xusid mudan sida ay u koradhay badeecadii soo degaysay iyo xoolaha dhoofayey waxaa kaloo iyana kordhay gaadiidka bada oo ay kasoo hoyatay dakhli waxtar ah.
Garoomada: khidmadaha ( landing and Embarkation fee ) kasoo xerooday garoomada diyaaradaha waxay dabooleen dakhligii loo qoondeeyey. Hase yeeshee, waxaa jirtay habacsanaan iyo maamulxumo ka muuqatay soo uruurinta iyo soo xeraynta dakhliga, kaasoo hadii la toosin lahaa, la hli lahaa dhaqaale kaas ka badan
Khidmadaha Kale:- waxaa iyana jira khidmada kale oo ka xerooda Wasaaradda Xanaanada xoolaha iyadoo ay yartahay khidmada xoolaha dhoofaya laga qaado, hadana, waxaa kasoo baxay dakhli si habsami leh loo maamulay uruurnitiisa iyo soo xerayntiisa.
kharashka :
markaan u soo noqdo dhanka kharashka xisaabxirka 8 bilood ee 1999, dhamaan kharajyada joogtada ah ee lagu socodsiinayey howlaha joogtada ah ( recurrent expenditure ) . in kastoo miisaaniyadii sanadkii tagey ayan ku jirin miisaaniyad horumarineed hadana way jireen mashaariic badan oo la maal galiyey aanan loo aqoonsanayn mashaariic horumarineed sida kuwa kuwa NESHA iyo kuwo kale oo ku dhexjiray arimaha bulshada iyo gurmadka.
Hadaba sida kor ku xusan, kutalagalka qiyaasta kharajka joogtada ah wuxuu ku salaysnaa qiyaas heerka dakhliga ama wax soosaarka la heli karey 8da bilood ee1999. heerka dakhligaasi waxaa lagu qiyaasay sh/so 3.1 bilyan bil walba markaasi, waxaa si taxadar leh, kharajka
joogtada ah ama caadiga lagu xadidayey Sh/so 2.8 bilyan bil walba iyadoo Sh/so. 279 miaan kharaj ahaan la qoondeeynin, dakhligaasoo u dhigmay 9% ee dakhliga guud. Nasiib wanaag waxaa kordhay dakhli biloodkii oo gaaray sh/so. 3.7 bilyan taasoo keentay in ku noqoshada kutalagalka kharajka 8da bilood gaaro Sh/so. 29.9 bilyan. Habsami u maamulida dakhliga canshuuruhu waxay keentay, dakhliga markiiba kor u kacay iyadoo ay ugu wacantahay,dadaalka ay muujiyeen shaqaalaha wasaaraddu iyo ciidamada ku howlan ilaalinta canshuuraha. Haddii aan si kooban si kooban uga hadalno kharajka dhabta ah ee 8dii bilood, waxaa inoo soo baxaaya sidan( eeg shaxda hoos ku qoran.
Dawlada guud (General Government ) Sh/so. 14.046 bilyan =38%
Hay'adaha dhaqaalaha ( Economic Services ) Sh/so. 1.835 bilyan =5%
Hay'adaha Arimaha Bulshada ( Social Services ) Sh/so. 0.710 bilyan =2%
Hay'adaha Nabadagaliyada (security services ) Sh/so. 20.197 bilyan =55%
Wadarta guud ee kharajka 36.789 bilyan = 100%
Hadii aan si kale u eegno kharajka guud ee dhabta ah 8dii bilood ee sanadka 1999, waxaa loo isticmaalay sida hoos ku qoran
Mushaharka iyo gunooyinka Sh/so 22.656.909.730 = 62%
Adeeyada kala duwan Sh/so 9.547.272.498 = 26%
Gurmadka Sh/so 3.904.069.300 =11%
Taakulaynta kala duwan Sh/so. 681.322.050 = 1%
Wadarta guud ee kharajka joogtada ah Sh/so 36.789.573.578 =100 %
Wasaarada maaliyada iyo kuwa kale ee kuu howlan wax soo saarka waxay muujiyeen dadaal dheeraad ah, waxaana markhaanti ka ah in isla 8da bilood ee 1999 lasoo xareeyey dakhli ka badan tii xataa la qiyaasay ku noqoshada
miisaaniyadaas wuxuu noqonayaa Sh/so. 5.8 bilyan oo u dhiganta 30% dakhliga guud ee qiyaasihii hore mar kale sida ka muuqata xisaabaadka laga soo bilaabo bisha May - July kharaj bileeedka la galay wuxuu dhamaa Sh/so. 3.6 bilyan, ka dheeriga ah marka lagu daro kharash-bileedku wuxuu ahaa Sh/so. 4.5 bilyan markaanu soo koobno sababaynta kharajyada dheeriga ah waxaa muuqata in wadarta guud ee kharajyadaasi ay le'egyihiin ama aaney ka badneyn kharash hal bil dawladu ay gasho ( marka la isku celceliyo oo lamid ah Sh/so. 5.5 bilyan.
MINAAN U WADA GUURO GAROOWE, NABEE GAF MA AHA, GOOFKIISUNA GANACSI MA AHA, (INDHA-INDHAYNTA MAANTA IYO GAROOWE ) ( QEYBTII 2AAD ).
xaga biyaha:- biyaha Garoowe oo culus darteed guryaha badidoodu waxay leeyihiin laba barkadood oo lagu kala shubto biyaha xareeda ah iyo biyaha caadiga ah waxaa kaloo jirta warshad yar oo la yiraahdo Al-naciim oo soo saarta biyo sifaysan oo macaan, waxaana qorshaha dawlada ku jira sidii dhakhso loogu heli lahaa caasimada Puntland biyo macaan qiima kasta ha ku kacdee.
Xaga nabagaliyada:- alla mahad haka gaadhee, horeyba Puntland aad ayuu ugu yaraa hubka lagu dhex qaato magaalooyinka gaar ahaan Garoowe, waayadanna cid aan ciidanka booliska iyo daraawiishta ahayn oo qori wadataa ma jirto waxaa lagu seexdaa kasahaad iyo kalsooni buuxda.
Barwaaqada saameysay Miyi iyo Magaalo:- waxaa farxad leh barwaaqada alle amray, Shilinka aad caanaha kaga haageyso dooga xooluhu haystaan doogsiga indhaha iyo laba jeer lulida.
Waxaa badiba wakhtigaan laga maarmay xoolihii hilibka ee la keeni jiray magaalooyinka kolkii subagga iyo caanuhu reer miyigu uga bateen iibsiga sokorta iyo bariiska, hadaan nahay reer guuraa waa noo farxad marka hilibku qaalli yahay, Eeg Bogga Xiga
MINAAN U WADA GUURO
maxaa yeelay markii neefka xoolaha ahi raqiis yahay, waa ammin reer miyigu jiilaalsanyahay una baahan-yahay gurmad, Magaalooyinkuna miyiga ayay la halmaalaan.
Machadka Maamulka iyo Maareeynta Garoowe
Waxaan u bogay Machadka maamulka iyo Maareynta ee Garoowe kaasoo ay wax kuwada bartaan shaqaalaha dowlda iyo Bulshada.
Machadka oo ku dhexyaal D/sare ee Garoowe, waxaa ku deeqday Hay'ada ( DIAKONIA) waxaana maamula Ururka Kaalo, waxaa shaqaalaha D/G/p/land ku dhiiri galiyay wax ka barashada machadkaas Hay'ada UNDOS, 60 shaqaale ah ayaa horey uga baxay Machadkaas, waxaana bishaan ka qalinjabiyay 39 gabdhood oo mudo sanad ah wax ku baranayey, waxayna baranayeen xisaabaadka, Afka Ingiriisiga, Maamulka iyo xogta casriga ah ( Computer ) waxaa macalimiin ka ah shalinyaro aad u firfircoon aqoona u leh shaqadooda.
GURYO DEEGAAN OO ISU BADALEY RUGO GANACSI
Koritaanka dhaqdhaqaaqa ganacsiga Garoowe darteed waxaa guryo badan oo horey deegaan u ahaan jiray loo badaley rugo ganacsi gaar ahaan dhismayaasha kusii jeeda inta laamiga ah rugahaasi waxay u badanyihiin qalabka dhismaha Raashinka, Carwooyin, Makhaayado, Farmashiyayaal, Isgaarsiin, Qalabka guryaha iyo xafiisyada IWM.
GAROOWE WAA U QALANTAA CAASUMADA MUSTAQBLKA EE SOOMAALIYA
Shaki kuma jiro in xamar xujowday, cuqubo aadami iyo caro illaah ku dhaceen, markii loo kala aaba yeeli waayey gumaadka iyo dhaca dadka loogu yeero bari ma geydada sida waayeelada ubadka, culumada, umulaha, Uurreyda, agoonta, guurtida, takhaatiirta, aqoonyahanka, farsamayaqaanka, curyaamiinta, dadka waalan IWM. Ficilkaasi gunnimo u dirirkaahi wuxuu soomaalida u soo jiiday dhaawac, dhag xumo iyo facshar aduunka ku baahday oo aan sinaba looga soo waaqsan doonin wiil wiilkiis.
Meesha halaagaas oo kale ka dhaco waa laga fogaadaa intaanay ku haleelin musiibo rabi oo xanuun badan,waana jiraan dhanbaalo alle ku maqan oo ay direen dad madluun ah oo uuna ka mid yahay:-
XAMAROOW KU GUHAAMAY WAANA II GARTAY.
ADAAN KUGU TUURAY GANE HADDAAN LAHAA. HADDAAN KUGU TUURAY KUGU GEDIYEY. SIDII GALSHIRE GO'DOON AHOW.
DIYAARADA GUUXA IYO BAABUURTU KUMA GALAAN.
DADKU HAKAA GUURO OO GABBANE HA KUGU HARO OO ALAA KUU GARTAYE GOOF CIDLA AH AHOW.
Dalkasta oo aduunka ka jira wuxuu leeyahay magaalo madax, waxaanna u degan xeer iyo nidaam u gaara waana laguma xadgudbaan, koox yari in ay sheegatana waa ma dhacado,waxaa lama ilaawaan ah in xamar jebisay rikoorka hab maamul u yaal caasimadaha aduunka, markay iibsatay kana xishoon weyday qabrigii Madaxweynihii Qaranka Soomaaliyeed 1969kii.
Sidaa darteed "minaan u wado guurno Garoowe nabe gaf maaha,goofkiisuna ganacsi maaha" taas oo macneheedu yahay "in haddii aan u wada guurno oo wada dagno Garoowe ay caadi tahay, dhulkeedana aan lagaa sheeganayn".
Inkastoo Xamar waa, magaalo madaxda soomaaliyeed loogu yeeri jirey, laguna amaani jirey sabool koriso,dhisan tahay,aadna u kobocday ma jirto cid aan ka xanuunsan khaatumo xumada ay ku danbaysay.
Xamar awalba waxaa u sahmiyay magaalo madaxda gumeysigii talyaaniga,kuma taal meel u dhaxaysa dalka ama u qalanta waxayna eersatay saburkii loo lahaa, waase hanweynaaday, intaas waxaa weheliya iyadoo caasimadihii aduunka laga guurayo lana cusboonaysiinayo iyadoo laga duulayo hadba waqtiga la joogo, muhiimada la siiyo isu dheeli tirka horumarinta bulshada iyo siyaasada istaraatiijiyada dhaqaalaha difaaca i.w.m.
Sababaha aan kor kusoo sheegnay iyo in ka badan darteed hadii aan xaqiraadi jirin garowe waa u qalantaa in loo wada doorto caasimada mustaqbalka ee soomaaliya,maadaama muqdisho oo la wada dhisayay in ka badan qarni lagu burburiyay qabyaalad,xin,aqoon dari,iyo qooq, waxaa nasiib daro ah in aan quruxdii iyo qadarintii aan aduunka ku lahayn ka doorano quursi iyo qaran la'aan .
Dadka reer puntlawnd iyo inta la isirka ah ayaa ahaa kuwii sida wada jirka ahaa loogu xanuujiyay gumaad aan kala sooc lahayn sabab la;aan hase yeeshee kuma kicin,kuma fekerin,imminkana ma damacsna wax la yiraahdo aargoosad iyo dhul kala sheegad.
Waxaa marag ma doonto ah sida maanta shacabka soomaaliyeed ugu wada nool yahay loogana soo wada qaxay ama looga wada shaqaysto Gobolada Puntland,iyagoo mid mid loo yaqaan gacan ku dhiiglayaashii iblaysku durbaanka beenta ah u tumay,waxaana reer Puntland tixgelinayaan murtidii oranaysay "HADDAGAALIN MINAAD RAYDO REERKAAGA WAAYE, MINII LAGAA RAAYO RUUXAAGA WAAYE, CIIL BEEL CIIL UUN BAY DHASHAA, SOW GODOBI SURINKAAD MARTABA
SABAB QARSOON MAAHA,SOW NABADI SAHAYDAADA OOD SIDATID MAAHA'.
Inagoo dhamaanteen ogsoon sida wax u dhaceen ayaan haddana shacabka Puntland daacad ka yahay in dib loo amaamudo midnimo iyo qaran soomaaliyeed iyagoon ku doonayayn kuna doodayn madaxnimoiyo in dib loo raaco raad arooryo,waxayna iyagoo isku duuban diyaar u yihiin shuruud la'aan ugu adeegidadka iyo dalka hooyo, haddii loo wada heelan yahay,ama qabasho iyo aayatiin danbe.
"Nimcadii alle kuugu deeqo cidii aan ku xamdiyin dib ayaa loogu daadiyaa, waxayna ku danbaysaa silic iyo saxariir carada rabina waa halkeedii.
Diyaariye;- Muuse X. Siciid (Abees)
MADAXWEYNAHA PL OO KA QAYBGALAY XUSKA MAALINTA CIIDANKA DARAAWIISHTA PUNTLAND.
Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa 25/6/2000 ka qaybgalay xaflad lagu xusaayey sanad guuradii 1aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ciidanka daraawiishta Pl taasoo lagu qabtey qeybta 54aad ee ciidanka xooga dalka soomaaliyeed oo hada ah taliska guud ee ciidamada daraawiishta PL.
Xafladaas waxaa kaloo ka qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka PL Max'ed Cabdi Xaashi, Guddoomiye ku-xigeenka1aad ee golaha wakiilada Puntland Axmed Max'ed kulan, Wasiiro, xildhibaano, Isimo uu hormuud ka ahaa Islaan Max'ed Islaan Muuse.
Madaxweynuhu markuu xeradda galay wuxuu salaan ka qaatay ciidanka, wuxuuna khudbad dheer ka jeediyey Hool weyn oo ku dhexyaal xeradda ahaana kii lagu dhisay Puntland, wuxuuna hambalyo u diray saraakiisha, Saraakiil xigeenka iyo dablayda ciidanka daraawiishta iyo xaasaskoodda, meelkasta oo ay joogaan.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ciidanka daraawiishta inay qaateen tababar 6 bilood ah una xilsaaran yihiin difaaca dalka iyo inay ka hortagaan xumaanta.
Xafladaas waxaa kaloo ka hadlay taliyaha ciidanka daraawiishta G/Sare C/laahi Cali Mire (Careys), wuxuuna hambalyo u diray ciidanka daraawiishta iyo xaasaskooda, wuxuuna sheegay in ciidanka gacan ka gaystay sugida amniga, joojinta dhoofinta ugaarta iyo xoolaha dhadig; la shaqaynta goboladda, iyo hirgelinta nidaamka canshuuraha. Intaa wuxuu ku daray in dhammaan la daabacay dukumiintigii ciidanka maalmihii ugu dambeeyey wuxuu sheegay in ciidanku gacanta ku dhigay 216 hogood oo ahaa kuwa lagu gubo dhuxusha.
Gudoomiye ku xigaanka baarlamaanka Md kulan ayaa isaguna ciidanka kula dardaarmay inay wax bartaan iyo inay dalkooda difaacaan.
Islaan Max'ed Islaan Muuse ayaa isaguna ciidanka ku booriyey sugida amniga PL iyo in ay muujiyaan firfircooni dheeriya.
Xafladaas kooxda fanka ee ciidanka daraawiishta PL lana yiraahdo horseed ayaa ku soo bandhigtay riwaayad ay ku muujiyeen siyaasada soomaaliya ka jirrta iyo faragelinta lagu hayo.
MADAWEYNAHA PUNTLAND OO KU BAAQAY INAY CARTA ISAGA SOO TAGAAN DADKA PUNTLAND U DHASHAY EE JOOGGA
..Madaxweynaha Puntland Md C./laahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in ujeedada shirka Jabuuti tahay in la dumiyo Puntland iyo in dulmi lagu sameeyo dadka degan Goboladaas, laguna dhex abuuro qalalaase siyaasadeed.
Wuxuu kaloo sheegay raga carta horboodaya inay mas'uul ka ahaayeen dhibaatada soomaaliya, marka laga reebo in yar. Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay raga Puntland u dhashay ee Jooga Carta inay meesha isaga soo baxaan, ummadoodana wax la qabaan waayo buu yiri waxaa meesha isugu tagay beelo doonaya sadbursi, iyaguna cidna ma matalaan. Madaxweynuhu wuxuu ku tilmaamay shirka Carta inuu ka xun yahay labadii uu horey u diiday ee Muqdisho 1994 iyo Qaahira 1997dii, isaguna horay uga digay lana socday khiyaamadda meesha ku jirta.
Madaxweynuhu isagoo sheegay in loo baahan yahay in la soo dhiso Dawlad Goboleedyo kadibna la isugu yimaado dawlad dhexe oo aan cidina ku furay aayado quraan ah kadibna waxaa qabsaday Duqa Magaalada Daahir Cali Ciise oo khudbad ka soo jeediyey uu kaga warbixinayo xaaladda Deegaanka iyo nabadgelyada iyo sidii loogu baahan yahay wada shaqayn joogta ah wuxuuna ku soo dhaweeyey Guddoomiyihii hore Axmed Yuusuf Muuse oo isagu warbixin aad u dheer kaga waramaayo xaaladda Gobolka, Qorshaha u yaal, mashaariicda u qabtay, wixii u qabsoomi waayay iyo dhibaatooyinka ka horyimid, wuxuuna mahadnaq u soo jeediyey shaqaalaha iyo dadweynaha Gobolka sida wanaagsaneyd ee ula shaqeeyeen, intaa ka dib waxaa hadalkii qaatay Guddoomiyaha cusub C/laahi Xasan oo isagu ka codsaday shaqaalaha iyo Dadweynaha inay gacan ku siiyaan si uu u gudan lahaa masuuliyada la saaray.
Waxaa kale oo isaguna halkaa ka hadlay wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga Md Axmed Aadan Carab oo si aad ah u amaanay dadweynaha Gobolka kuna tilaamay dad aad u wanaagsan oo nabadda jecel.
Waxaa munaasabadaas goobjoog ka ahaa labada wasiir ee arrimaha Gudaha iyo Cadaalada, masuuliyiin iyo dadweyne u farabadan.
MAAMULKA DEGMADA BUURTINLE OO BAABI'IYEY 39 KAAM IYO 110 BEER COWSAAD.
Ka dib markii Burburkii dalku sahlay fowdo iyo xaaluf waxaa samaysmay magaalooyin wareega oo loo yaqaan kaamam iyo Beercowsyo iyo waliba jarida dhirta, sidaas awgeed ayaa maamulka degmada Burtinle iyo odayaasha Deegaanka goosteen in la baabiyo dhammaan kaamamka iyo Beeraha. 10/6/2000 ayaa waxaa hawlgal balaaran waxaa lagu qaaday kaamamkii Deegaanka, waxaana laga soo xareeyey soonayaasha xoore, dubacalyo barooran, Cilgole, sangurmo, goolada, garasle-laclacle, malqaan, 39 kaam waxaana lagu biiriyey Magaclay, Tuulo Jalam, Xaarxaar, Buurtinle, Godob yar, sidoo kale waxaa deegaankaas ku yaal 110 beer coosaad oo aan wax miro ah
dhalin, waxaana lagu qiyaasay in meeshaasi ku baabe'een 100 oo geed beer kasta oo loo isticmaalay Ood, sidoo kale waxaa samaysmay togag biyo mareen noqday oo ay sameeyeen baabuurta kaamamka, waxaana halkii kaam uu lumiyaa 1000 geed maalin kasta, waxaa kale oo iyana dhib ku haya xoolaha bacaha oo hada ka hor baarlamaanku go'aan ka soo saaray, waxaanu maamulka degmadu ka codsanayaa dhammaan degmooyinka kale in arintaan isku si loo arko, waxaanu mahad u soo jeediyey ciidanka daraawiishta iyo madaxdooda oo kala qayb qaatay hawshaan oo socotay toaban cesho.
DR. YAASIIN FAARAX CARTAN:- HORTA YAA CARTA ISUGU TAGAY, MAXAYSE OGTAHAY OO DGPL U DIIDAY?
Wasiirka Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Deegaanka PL Dr. Yaasiin Faarax Cartan ayaa wuxuu diyaariyey qoraalkaan oo uu ku bilaabay shirka Carta ka socda kama qaybgelin Dawlad Goboleedka Puntland, iyadoo aan u arag in aan maslaxad soomaaliyeed iyo mid reer Puntland aanay ku jirin.
Indheer garadka Puntland oo meel kasta jooga (Amerika, Yurub, usturaaliya, Aasiya) wax shrkaan tegey oo ku degdegay ma jiraan. Waa maxay sababtu?
Ma dadkii soomaali dawladnimadeedii keenay baa ka aamusay shirka Carte, see ku dhicikartaa? Runtu waxa weeye shirkaan Carta waxaa isku bahaystay 3 qolo.
dawladii hore ee max'ed siyaad wixii ka nool.
hogaamiyeyaashii USC ee Ummadda xamar iyo meel kasta ku xasuuqay.
Al-Islaax oo USC u badan oo raba in ay soomaaliya ka dhigaan Afganistaan cusub.
Saddexdaas xoog waxay heshiis la galeen madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana dhaxdhaxaadiyey dawlado carab ah oo dan istaraatiijiga wata.
Dawladii hore waxaa shirka ka jooga dhammaan intii 31 sanno dhibaatada abuurtay.
Maxamed Shiikh Cismaan Wasiirkii Hore ee Maaliyadda.
Dr. Yaasiin Faarax
c/laahi Cadow Wasiirkii hore ee Maaliyadda.
Bile Rafle Guuleed Wasiirkii hore ee Beeraha.
Aadan Maxamed Cali Wasiirkii hore ee Tacliinta.
C/qaasim salad Wasiirkii hoe ee hawlaha guud.
C/Laahi cosoble Siyaad Wasiirkii Hore ee Postada iyo Isgaarsiinta.
Cumar X. Masale Wasiirkii hore ee Gaashaan dhiga iyo Caafimaadka.
C/qaadir X. Masale Guddoomiyihii hore Xisbiga kacaanka soomaaliyeed.
Waxaa intaa raaca jananadii ummadda xasuuqay.
Maxamed Nuur Galaal 1977 ciidamadii qabiil ku xasuuqay.
Maxamed Xaashi Gaani oo waliba hada kismaayo dad cusub ku laayey.
Jaamac Maxamed Qaalib oo si gaara daaroodka u neceb aana qarsan.
Safiiradii:-
C/raxmaan Tuur (Abudhabi laga soo eryey, ku xigeenkii caydiid ahaa.
Maxamed Darmaan (Ex-Safiir iyo Gudigii dhexe ee USC.
C/raxmaan kaweyne Safiirkii hore ee (CAIRO).
Dadkaas markaad isha la raacdaan baad garanaysaan sababta shirka loo samaystay, waxaa intaa raaca in soomaaliland diidan tahay, qabqablayaasha Xam arnah aanay doonaynin oo diideen.
Jubada hoose in kastoo hada la haysto ay diidan tahay, marka shirka Carta socon maayee goormaa runta la isugu imaanayaa, xageese shirka runta ahi noqon doonaa:- Garoowe mase hargeysa.
MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO QORAAL 4 BOG AH..
Qoraalkaas oo soo baxay 26/6/2000 uuna ku sixiixnaa Madaxweynaha PL Md. C/laahi Yuusuf Axmed oo aan turjunay kuna socday Madaxweynaya-asha Dawladaha iyo Madaxda Xukuumadaha Ururka (IGAD), Xubnaha Golaha Amaanka-New York , Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey- New York, Jaamacadda Dawladaha Carabta, Ururka Islaamka, Madaxweynayaasha iyo Guddoomiyayaasha Golayaasha Xukuumadaha Ururka midowga Yurub, Wuxuuna qoraalkaan ku bilowday sidatan:-
Warqad la qoray June 17/2000, Dawladda Puntland waxay ka baxday shirka Djabuuti wado ee nabadda soomaaliyeed, waxaanu samaynay wadatashi balaaran kadib markii ay soo noqdeen guddigii xaqiiqa raadinta Puntland, go'aanka ugu dambeeyey waxaa lagu saleeyey talooyinkii golaha wakiilada Puntland, golaha wasiirada iyo madax dhaqameedyada bulshada, shacbiga Puntland wuxuu aqlabiyad weyn ku taageeray go'aanka dawladayada, waxaana farxad noo ah in aan mujtamaca dawliga ah ku martiqaadno booqosho Puntland si ay u arkaan, una kormeeran oo u kuurgalaan xaaladda ka jirta Puntland.
Waxaanu in itijaaha shirka nabadda jabuuti ku socdo ka yeelay sida loo wado iyo natiijada ka soo baxaysa, in ay Puntland iyo gobolada kale ee bogsadey u keeni karaan isku dhac, waxaan aamin sanahay in natiijada dhabtaa ee shirka nabaddu noqon karto mid sababta degganaan la'aan dibna uga hurisa dagaalkii sokeeye goblada dalka nabadda buuxdaa ka jirto keligood-gobolada aan dagaalku ka jirin ama ka bogsadey ee Waqooyi iyo Bari.
Mudanayaal:-
Dawladda Puntland waxaa la aasaasay
1998-dii, waxayna ka kooban tahay 5 ka mid ah 18 Gobol ee jamhuuriyaddii soomaaliya, Dawladda Puntland,
waxay cadeysay siyaasadeedu in aanu ogolayn ama aaminsanayn qaab kasta ee gooni u goosi ama kala go ummadda soomaaliyeed iyo in aan
lagu xadgudbi Karin midnimada, wadajirka iyo madaxbanaanida soomaaliyeed, mabaadi'daasi, waxay asaas qota dheer u yihiin midnimada dhulka soomaaliyeed, waana mowqif gobeed oo sax ah ee aqlibiyada dadweynaha soomaaliyeed taageersan tahay .
Puntland laga bilaabo dhalashadeedii, waxay u hawl gashay in ay isu keento kooxaha soomaaliyeed ee kale si ay u dhisaan maamul ku qotoma ka qaybgal isir iyo dhismo mu'asaasaad habaysan ee bulshada, bishii August 99, waxaan ku guulaysanay in aanu aasaasno isbahaysiga nabadaynta soomaaliyeed (SPA) oo ay ka qayb galeen dhowr kooxood oo waaweyn Puntland haddii aanu nahay, waxaan ku guulaysanay dhismo hey'adaha dawladda ee waaweyn, waxaanu soo saarnay qawaaniin damaanad qaadeysa xuquuqda insaanka ee asaasiga ah iyo ilaalinta beyada ama Deegaanka iyo difaacooda, waxaan ku guulaysanay mamnuucidda gubidda dhirta si looga helo dhuxul la dhoofiyo, gubiddaasi oo aad u farabadnayd, una balaarnayd ka hor asaasidda D/PL, waxaan kaloo mamnuucnay dhoofinta duur joogta laga dhoofin jiray dhulkayaga (Puntland), waxaan xuduud badeed kayaga ka eriney maraakiib ajnabi ah oo tiradooda lagu qaddarey 3000 markab oo si sharci daro ah uga kaloo maysan jiray xeebahayaga ama ku hawl jiray falal sharcidaro ah oo lid ku ah bini'aadanimada sida sun ku daadinta, muddo 2 sanno ka yar, waxaan abuurnay shaqaalo rayid ah iyo ciidan hergalin qaynuun oo tiradooda guud (rayad iyo ciidan wadar toodu tahay(7000). Rag iyo haween oo ka shaqeeya habsami u socodka hawlaha
Eeg Bogga Xigga
Warsidaha Puntland Tirsi 45 Khamiis 29 June 2000 Bogga 7
Madaxweynaha Puntland
hay'adahayaga, waxaanu ku talagalnay qabasho doorasho bartamaha sanadka 2001, kolkii ay dhammaadaan 3 sanno ee ah waqtiga dawladda.
Mudanayaal:-
Xaqiiqadu maanta waa in Puntland dhigeysey dhagaxa asaaska dibudhiska qaran soomaaliyeed, mushtamaca dawliga ahina waa aqoonsaday dadaal kayaga, halkan, waxaan ku xusaynaa tusaalooyin caam ah:-
Xoghayaha guud ee qaramada midoobey Md. Koofi Anaan oo ka wal wal san dawlad la'aanta ka jirta soomaa yimid 22 kii sebteembar 99, wuxuu cadeeyey:- in sida dhabta ah soomaaliya ka dhalanayo farqi koox leh.
Oo u dhexeeya gobolada dhexe iyo kuwa koonfureed ee qalaaqilku ka jiraan iyo waqooyiga soomaaliya ee nabaddu ka jirto sida dawladda iskeedu isu magacaawday (Soomaaliland) iyo (Puntland).
Wuxuu kaloo Md Ismaaciil Curmar Geelle soo jeediyey:- talaabadaasi ku wajahan maamul goboleedyada ama
ismaamulka ee ay ku dhaqaaqeen qaybo iyo bulshooyin badan ee dalku, waxay ka shidaal qaateen baahida
noolaanshaha, sidaa awgeed, mujtamaca dawliga ah waxaa looga baahan yahay in uu xagga dhaqaalaha ka taageero 3 gobol ama bulsho oo helay ama gaaray nabad, amni iyo horumar haddii kuwa kale labarbar dhigo, waana in aanu abaal marino kuwa sameeyey dadaalka xooga leh ee soo celinta amniga iyo nabadda si loo ilaaliyo xuquuqul insaank.
Warkii cadaa ee ka soo baxay shirkii 7aad madaxda dawladaha ee nofeembar 1999, waxay ku dheheen madaxda dawladaha iyo xukuumadaha IGAD, waxay ku baaqeen; in Soomaaliya kuwa ilaa hadda ku hawljira ama raadiyey in ay nabada ka jirto goboladooda xoojiyeen iyadoo la dhiiri gelinayo bulshada madaniga ah sida " Somaliland" iyo " Puntland" dhawaana ka dhacday gobolada Bay iyo Bakool iyo meelo kale, goboladaasi ayey dheheen madaxda Dawladaha IGAD, waxay u baahan yihiin dhiiri gelinta dadalka gobolka iyo bulshada dawliga ah guud ahaan, waxayna ku nuux nuux sadeen madaxdaasi in loo baahan yahay in bulshada caalamku mustaqbalka mucaawino u fidiso si aragtida ama fikradda nabadda qaybsan looga yeelo mid noolaan karta, loona dhiiri geliyo dadaalada qaybaha kala duwan ee dalka ka socda.
Ilaa hadday waxan shirka Djabuuti ka aragnay in uu yahay mid aad uga duwan ama ka soo horjeeda mawqifyada iyo ujeeddooyinka Bulshada caalamka sida ay macneeyeen 3da tusaale ee aan kor ka soo qaadnay.
Mujtamaca madaniga ah ee aad loo
xayey siiyey dib ayuu u noqday isaguna horseedayaasha wufuuda Jabuuti magacowday, waxay ka kooban yihiin dad jagooyin sare ka qabtay xukunkii diktatooriga ee kacaan dadweyne lagu af gembiyey,
kacaankaas oo waddada u xaarey dagaalka sokeeye.
Dadkaasi oo laga xusuusanayo dhibaatooyinkii xad dhaafka ahaa ee uu geystay taliskii diktatooriga ahaa, ayaa safka hore kaga jira wada hadaladii Jabuuti, iyaga ayaana ah musharixiinta la filayo in ay qabtaan jagooyinka ugu sareeya ee dawladda soomaaliyeed ee mustaqbalka, Jabuutina waxay u sheegi doontaa caalamka in kuwaasi yihii kooxaha bulshada madaniga ah ee cusub ee shirka ka dhigeysa mid ka duwan 12 shir oo ka horeeyey.
Dawladda Jabuuti, waxay marar badan sheegtay in kaalinteedu ay googol fidin iyo fududeyn ku ekaan doonto, soomaaliduna ay dhaxdooda iyagu kawada tashan doonaan, go'aanka ugu dambeeyo yeelandoonaan, xaqiiqaduna si kale ayey noqotay, Jabuuti marxalad kasta ee talooyinka wey faragelisay, go'aano haldhinacna way qaadatay iyada oo yeerin iyo dirqis ku fulinaysa ajabdada shirka oo weliba codsi gelinaysa wafuudda u yeeraysa dhoolla tuskeeda, Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu ka shaqeeyey deganaan la'aanta shirka kolkii uu masuuliyadda ka saaran agantada Puntland iska indhatiray oo mirti qaaday kooxo Puntland ka soo horjeeda, meeshii dawlada Puntland ee si dimoqraadiyad loo doortay, wuxuu soo xulay wakiilo mucaarad ah, isagoo hadana isku dayey in uu abaabulo banaan baxyo shirka Jabuuti lagu taageerayo, wuxuuna Eeg Bogga xigga
Warsidaha Puntland Tirsi 45 Khamiis 29 June 2000 Bogga 8
Madaxweynaha Puntland
ka noqday waxyaalihii uu horey u sheegay oo ahaa in meelaha deganaantu ka jirto ee soomaaliya waa in la abaalmariyaa, la taageero, waana in ay asaas ama saldhig u noqdaan dib u dhiska qaran soomaaliyeed.
Puntland marxaladihii bilawga Jabuuti waa la shaqeysay, waxaana jiray is afgarad cad in u jeedada shirku in ay noqonayso xoojin dhisid, kooxaha jira iyo aragtida nabadda qaybsami karta, taasi oo ka dhigaysa gobolada nabada ee woqooyi, kooxaha asaasiga ah iyada oo kuwa kalena ummadda loo soo dumayo.
Dawladda Jabuuti waa ay ka leexatay u jeedooyinkii nabadaynta, waana isku daynay in aan jabuuti la talino si ay u saxdo mowqifkeeda, nasiib darro Jabuuti taladii waa iska dhega tirtey.
Mudanayaal:-
Hadda, waxa suuragal ah natiijada ka soo baxda jabuuti in ay noqoto ama u keento degganaan la'aan gobolada nabada ee Waqooyi, iyadoo aan nabad ku soo dabaalin koon furta, mujtamaca dawliga ah UN-ka, OAU, Jaamacadda Carabtaiyo Urur Goboleedka kale waa in ay si weyn uga fiir sadaan oo u kuur galaan, una darsaaan itijaaha shirka ka socda jabuuti, waana in aan la ogolaan shirka in ku socdo qaabka ilaa hadda uu ku socdo, waxaan kaloo ku boorinaynaa mujtamaca dawliga ah in ay xaqiiqada ka baaraan dagaan iyadoo baaritaankaas lagu salaynayo xaaladaha dhabtaa ee soomaaliya ee aan lagu sirmin wararka iyo bayaanaadka Jabuuti oo sida ubaxa u quruxbadan ee macaan, dawladayadu waxay ku faraxsanaan doontaa oo soo dhawaynaysaa guddi xaqiiqo raadin ee Puntland booqasho ku yimaada.
Mudanayaal:-
Waxaan ugu baaqaynaa mujtamaca dawliga ah in:
Jabuuti lagu cadaadiyo in aaney dib u hurin dagaalkii sukeeye ee soomaaliyeed, kuna hurin ee xashadeeda.
Faragelin demoqraadiyada ka soo horjeedda ee dagaalka sukeeye ee soomaaliya.
In la tirtiro liiska wufuuda Jabuuti soo xulatay oo aan wakiilnimo Sharciya ka haysan deeganadooda.
In aan aqoonsi iyo taageero toona nooc kasta oo ay yihiin natiiijo kasta ee ka soo baxda shirka Jabuuti marin habaabisay oo dheeraynaya dagaalka sokeeye iyo fowdada wali ka jirta qaybo soomaaliyka mid ah.
In la aqoonsado xaqiiqada ah in Jabuuti noqotay dagaal yahan raacsan dhinac ka mida dagaalka hubaysan ee qabaalka soomaaliyeed.
In la ilaaliyo xuquuqda sharciga ah ee cariga ah nabada ah ee soomaaliya sida Puntland iyo in lagu gacan siiyo Puntland in ay isugu yeerto shir dib-u-heshiisiin dhab ah ee soomaaliyeed oo Puntland hadda ka hor u hawl gashay.
Mudanayaal:-
Puntland, waxay jaceshahay in fursadatan ka faa'iidaysato, una celiso mahad qadarin leh mujtamaca dawliga, UN-ka, EU, Jaamacadda Carabta, OAU, IGAD, OIC, NGOs iyo dhammaan cidii u muujisay kalgaceel shacbiga soomaaliyeed, kana gaysatay gacan xal u helida dhibaatada ku habsatay.
WASIIR KU XIGEENKA HAWLAHA GUUD OO KA CODSADAY MADAXDA PUNTLAND INAY DUKUMIINTIGA GAADIID KOODA WAAFAJIYAAN KU DHAQANKA SHARCIGA.
Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Inj. Maxamed Cabdi Kulmiye ayaa 22/6/2000 soo saaray qoraal ay u
jeedadiisu ahayd ku dhaqanka sharciga kuna socotay Wasaaradaha iyo Hay'adaha madaxa banaan ee
Puntland iyo waliba golaha wakiilada, wuxuuna sheegay inay jiraan gaadiid ay wataan madaxda aysana u dhamaystirnayn dukumiintigii sharciyeed ee looga baahnaa, wuxuuna ka codsaday madaxda inay noqdaan kuwo lagu daydo sharcigana ixiraamo, gacanna la siiya ciidanka Nabadgelyada wadooyinka xafiisyada gaadiidka ee Wasaaradda Hawlaha Guud.
GUDOOMIYAHA CUSUB EE GOBOLKA NUGAAL OO MARKII UGU HOREYSAY LA KULMAY ODOYAASHA DEEGAANKA.
Xarunta gobolka nugaal ayaa waxaa lagu qabtay 26/06/2000 shir ay ka soo qeyb galeen maamulka gobolka degmada, iyo odoyaasha Deegaanka, wuxuuna ku saabsanaa gudoomiyaha cusub ee gobolka C/laahi Xasan Faarax iyo masuuliyiinta shirka kasoo qeybgalay inay is bartaan, iswaraystaan waxna isku ogaadaan.
Shirka waxaa furay duqa magaalada Garoowe oo ka hadlay taariikhdii iyo heerarkii ay soo martay Garoowe iyo inay maanta meel fiican marayso loona baahanyahay in la ilaaliyo nabadgaliyada hanqaltaaga meelo kalena la iska daayo, Gudoomiiyaha cusub ayaa isaguna balan qaaday inuu soo celiyo xurmadii iyo la tashigii isagoo aan soo kala dhoweysan wuxuuna intaa ku daray dhowaan kormeer ku kala bixin doono degmooyinka iyo tuulooyinka Gobolka.
Odoyaasha ayaa codsaday in wax laga qabto Caafimaadka, waxbarashada, biyaha, garoonka diyaaradaha Garoowe.