Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Warsidaha Puntland

Tirsi 46

Axad 2 July 2000

____________________________________________ 

 

T U S M A D A CAD A D K A

 

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA IYO AMNIGA OO LA SHIRAY DADWEYNAHA KU DHAQAN GOBOLKA NUGAAL BOGGA 2AAD

XUKUUMADA PUNTLAND OO KU DADAALAYSA SUGIDA AMINGA IYO KA HORTAGA SIYAASADA DHALANTE-EDKA AH BOGGA 3AAD

SANAD GUURADII 40AAD EE KA SOO WAREEGTAY XORNIMADA SOOMAALIYA BOGGA 3AAD.

GOLAHA WAKIILADA PUNTLAND OO SI KULUL ULA XISAABTAMAY WASAARADDA MAALIYADA IYO XANAANADA XOOLAHA BEERAHA IYO DEEGAANKA BOGGA 6AAD

CIDDII LAGA ADKAADAA WAXAY KU NUDDAA CIDDA KA ADKAATAY BOGGA 4AAD

WAREYSI LALA YEESHAY GUDDOOMIYE KU XIGEENKA GOBOLKA SANAAG AHNA KU SIMAHA GUDDOOMIYAHA GOBOLKA SANAAG BOGGA 4AAD

JABUUTI IYO JIDKA BURBURKA BOGGA 8AAD

CAAFIMAADKA XOOLAHA BOGGA 7AAD

DAKHLIGII KA SOO BAXAY HARGAHA, ARAGOOSTADA, KALLUUNKA IYO DHAGAHA LIBAAXA BOGGA 8AAD

LAMA HURAAN WAA CAWSKA JIILAAL BOGGA 6AAD

QAYBTA FILIMADA EE WASAARADDA WARFAAFINTA EE DGPL BOGGA 8AAD

TABABARO XIRFADEED LOO XIRAY HAWEEN BOGGA 4AAD

XAALUFKA DEEGAANADA PUNTLAND BOGGA 3AAD

JIROOYINKA UU QAADKU SABABO BOGGA 2AAD

SHAQADA XAFIISKA XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WARFAAFINTA BOGGA 2AAD

TAHNIYAD IYO OGEYSIIS

 ______________________________________________________________________

 

Warsidaha Puntland Tirsi 46 Axad 2 July 2000 Bogga 2

 

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA IYO AMNIGA OO LA SHIREY DADWEYNAHA KU DHAQAN GOBOLKA NUGAAL

Shir lagu qabtay xerada Daraawiishta ee Garoowe,maalintiinkhamiista taariikhduna ahayd 29/06/2000.

Shirkaas waxaa lagu furay aayado qur'aan ah,ka dibna waxaa hadalkii qaatay Nabadoon Caydiid Cusmaan iyo Nabadoon Aadan Kooli oo xusay dhibaatooyinkii lasoo maray intuu burburku jirey iyo in ay iygu ahaayeen kuwa ugu dhibta yaraa uguna nabadgelyo badnaa,markaa waa in aynu adkaynaa nabedgelyada iyo xasiloonida ilaahay ina siiyey.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Nugaal Md, C/laahi Xasan ( baasaweyne) wuxuuna ka hadlay horumarinta gobolka iyo qaabka lagu horumarinayo, wuxuuna sheegay in magaaladu ka kooban tahay saddex xaafadoood haddana loo qaybinayo lix waaxood oo isle'eg,taas oo ah qaabka lagu hormarinayo Deegaanka, intaas ka bacdi wuxuu kusoo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Md,C/qaadir Islaan Maxamed,waxaana loo dhiibay Calanka ummada soomaaliyeed,wuxuuna yiri "waxaan u qaatay haddii aad calanka ii dhiibteen inaad I dhaariseen,anna inta aan awoodi karo in aan dadaalo" wuxuuu wasiirku dadweynaha ka codsaday in ay gacan ka geystaan sidii wax loo qabsan lahaa loona horumarin lahaa, wuxuu sheegay waxa jira kuwo u sacab tumaya xamar,oo aynu ogeyn waxa inaga qabsaday iyo rafaadkii la ina baday,markaa waxaan leeyahay waxaba kama jiraan xamar.

Mar uu ka hadlaayey nabedgalyada wuxuu yiri waa inaad dhowrtaan nabedgelyada iyo xasiloonida oo aan dhibaato la beerin, dawlada iyo shacabkana waxaa u dhexeeya Isimada, Nabadoonada markaa waxaa tabanaysaan iyaga noo soo mariya,laakiin ninkiin iku daya inuu khalkhal geliyo Puntland waanu iska qabanaynaa.

Xafladaas waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga md, Axmed Aadan iyo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Yuusuf Macalin Ibraahim iyo mas'uuliyiin sar sare iyo dadweyne aad u fara badan.

SHAQADA XAFIISKA XIRIIRKA DADWEYNAHA OO BILAABAYA HAWLO CUSUB.

 

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Boostada Isgaarsiinta waxa ay furtay Xafiis, xafiiskaasoo la yiraahdo "Xafiiska Xiriirka dadweynaha" oo ujeedada loo abuuray ay tahay sidatan soo socota:-

  1. in lala socdo baahida dareenka dadweynaha
  2. ka warqabka waxtarka adeegyada, dawladu u fidiso dadweyanah
  3. wacyi gelinta dadweynaha
  4. ka qaybqaadashada furdaaminta dhibaatooyinka dadweynaha
  5. ku buraarujinta hay'adaha dawlada awoodda leh, wax ka qabashada iyo xallinta dhibaatooyinka ay dadwenuhu ka cabanayaan
  6. Xog uruurinta xaaladaha san ay ku sugan yihiin iyo waxyaabaha ay tabanayaan ee la xiriirta waxqabadka hay'adaha dawlada
  7. Qabanqaabinta kulamo saxafadeed oo lagu xaqiijinayo cilmi baaris iyo daraasado la xiriira dhacdooyinka maalinlaha ah
  8. Iskaashi iyo wadshaqayn joogto ah oo lala yeelanayo urarada bulshada sida:-) a) Ururada Haweenka, b) urarada dhalinyarada ee ciyaaraha, c)urarada shaqaalaha, d) urarada ardayda, e) ganacsatada iyo NGOyada.

Haddaba cidii danaynaysa in ay lasoo xiriirto xafiiska xiriirka dadweynaha, waxaa laga codsanayaa in ay isku soo began maalmaha shaqada,xafiisku wuxuu ku yaal xarunta dhexe ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Boosha iyo Isgaarsiinta.

JIR0OYINKA UU QAADKU SABABO.

Hadii aad loo raad raaco buugaagta qaadka ka hadasha waxay ku soo ururinayaan jiroonka sababa ama kordhiya sidan.

GASTRIC: oo ay sababto maadada taninins, waana maado wax toobta. Mushkilado jinsiyadeed (Sexual problems-- riduces sexual drive) Wadne xanuun, Kalya xanuun. (Kidney disease) Cuno xumo iyo cuno diido. Calool istaag uu ka dhalan karo baabasiir. Hurdo xumo. Neerfe kicin, gaar ahaan hab

dhiska dareen khadka dhexe, Hadal tiro iyo rayrayn aan meel jirin. Calool xanuun. Af qaleyl.

Kansarka afka. Waxaa lagu arkay cudurkaa Gobolka Casiir ee Sucuudiga dadka mudada dheer cunaayey qaadka.

Haraad ama asqo badan. Kaadi ku dhag. Kaadi aan xad lahayn oo ka dhalata cabida badan ee qaadka la socota.

Dhiig kar.

Jir kulay iyo dhidid joogto ah.Minada oo qubata, badanaaba dadka qaadka waxay ka sheegtaan inaysan raali galin karin dumarka u dhaxa gaar ahaan da'da u dhaxaysa 35 ilaa 40 taasina waxay keeni kartaa dhibaato bulshadeed.

Khalal ku dhaca nidaamka dheef shiidaha cunada. Dulin: noole ku dul nool noole kale iyo kordhinta cudurada afka ku dhaca, Yaraynta caanaha hooyada naaska nuujisa, iyo Ilko uu jajabiyo.

Dhalid caruur weyd ah ( daciif ah) Cudurada beerka, sida beer weynaadka. Baahinta cudurada sida qaaxada. Madax wareer joogto ah.

Raaxo la'aan. Himmo kicin. Xanuuno nafsi ah sida buufiska. Caro badan. Dhiig yaraan. Mindhicir weynaad. Af xanuun. Cabsi la'aan iyo isla weyni. Waali Neef tuur. Dharag beenaad. Hoos u dhac bacraminta raga iyo dumarka. Xubno barar iyo lafo xanuun uu sababo fadhiga dheer ee la fadhiyo qaadka .

Intaa kuma eka dhibaatada iyo jijrooyinka laga qaado qaadka hal qoraalna laguma soo koobi karo marar kalena waxaynu ka hadli doonaa dhibaatada dhaqaale ee uu leeyahay qaadku iyo sida uu mushtamaca akhlaaqdiisa u wax yeeleeyo.

Haddii aad loo raad raaco buugaagta qaadka ka hadasha waxay ku soo ururinayaan jiroonka sababa ama kordhiya sidan. Kansarka afka. Waxaa lagu arkay cudurkaa Gobolka Casiir ee Sucuudiga dadka mudada dheer cunaayey qaadka, Haraad ama asqo badan. Kaadi ku dhag, Kaadi aan xad lahayn oo ka dhalata cabida badan ee qaadka la socota, Dhiig kar,

Jir kulay iyo dhidid joogto ah.Minada oo qubata, badanaaba dadka qaadka waxay ka sheegtaan inaysan raali galin karin dumarka u dhaxa gaar ahaan da'da u dhaxaysa 35  

 

Warsidaha Puntland Tirsi 46 Axad 2 July 2000 Bogga 3

Ka yimid Bogga 2aad

Jirooyinka Qaadku sababo…

ilaa 40 taasina waxay keeni kartaa dhibaato bulshadeed.

Khalal ku dhaca nidaamka dheef shiidaha cunada. Dulin: noole ku dul nool noole kale iyo kordhinta cudurada afka ku dhaca. Yaraynta caanaha hooyada naaska nuujisa. Ilko jajabin.

Dhalid caruur weyd ah (daciif ah) Cudurada beerka, sida beer weynaadka. Baahinta cudurada sida qaaxada. Madax wareer joogto ah.

Raaxo la'aan. Himmo kicin. Xanuuno nafsi ah sida buufiska. Caro badan. Dhiig yaraan. Mindhicir weynaad. Af xanuun. Cabsi la'aan iyo isla weyni. Waali Neef tuur. Dharag beenaad. Hoos u dhac bacraminta raga iyo dumarka. Xubno barar iyo lafo xanuun uu sababo fadhiga dheer ee la fadhiyo qaadka .

Intaa kuma eka dhibaatada iyo jijrooyinka laga qaado qaadka hal qoraalna laguma soo koobi karo marar kalena waxaynu ka hadli doonaa dhibaatada dhaqaale ee uu leeyahay qaadku iyo sida uu mushtamaca akhlaaqdiisa u wax yeeleeyo.

XAALUFKA DEEGAMADDA PUNTLAND

 

Sida shidida dhuxusha u xaalufiso Deegaanka uguna dhigto dhul banaan oo aan waxba ka bixi Karin, welibana aynu sheegnay in la shido in ka badan baahida gudaha,haddabasi arrintaasi looga hortago waxaa wasaaraddu qorshaysay in meelaha laga shido dhuxusha la kontoroolo loona sameeyo,cid gaar ah oo maamuladu ogyihiin, shidda qori qalalan,kuna eg baahida dhabta ah ee bulshadu u baahan tahay si dhiruna u nabadgasho,bulshadana loo gaarsiiyo baahideeda, haddaba waxaa

lala socodsiinayaa dadweynaha ka shaqaysta ka ganacsiga dhuxusha in ay lasoo xiriiraan xafiisyada ay wasaaraddu ku leedahay gobolada iyo degmooyinka,si loola socodsiiyo shuruudaha laga rabo,cidii dhuxul shidaysa ama ka ganacsanaysa.

Si haddaba arrintaa loo fuliyo,waxaa laga codsanayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga,Ciidamada Booliska,Ciidanka 

Daraawiishta iyo Odayaasha Deegaamada in ay gacan ka geystaan, hawlaha lagu badbaadinayo deegaamada dalkeena.

SANAD GUURADII 40 AAD EE KASOO WAREEGTAY XORNIMADA SOOMAALIYA.

Ummad waliba waxay leedahay maali ay qadiriso oo xasuusteeda ku dheer, sooyaalkoodana baal dahab ah kaga yaal. Maalmahaas qederinta leh iskama imaan, ee waxay ku yimaadeen halgan dheer oo kharaar ay ummaddu u gashay aayahooda iyo mustaqbalkooda danbe si ay uga tashan lahaayeen, heeryada isticmaarkana ay isaga ridi lahaayeen, waxay usoo mareen rafaad, hoog, cadaadis aan naxariis lagu ogeyn, kagana imaanaya isticmaarka .

Halgankaasi dheer, wuxuu dhaboobay 26dii juun 1da juulaay 1960kii, markii Gobolada koonfureed xoriyadooda ka qaateen Gumeystihii haystay iyo israacii labada Gobol Koonfur iyo Waqooyi,kana dhalatay dawladii soomaaliyeed ee ugu horeysay .

Xoriyadaasi waxaa loo huray naf iyo maal, immisaa ku umulay xabsiyadii gumeystaha sidii loogu ciqaabaayay, immisaa ku lixaad belay, immisaase ku nafwaayey.

Rajadii ay ummaddu u halgamaysay qabtayna in ay mar uun arkaan Calan ay leeyihiin oo hawadooda ka babanaya ,waxay noqotay maalintaas 1da juulaay,1960kii oo calankaasi buluuga ah ee xidigta cad shanta gees dhexda ku leh, ayaa hawada sare loo taagay .

Waxaan marna la ilaawi Karin raggii iyo dumarkii soomaaliyeed ee halkudhegyada suugaanta caanka noqotay lahaa uuna ka mid ahaa alle ha u naxariistee C/laahi Suldaan(Timo cadde) " kana saar, kana siib"

Halganadii soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa kii daraawiishta,kii dhalinyarada soomaaliyeed SYL oo isagu dhaliyey xoriyada maanta aynu haysano .

Calankii sidaas ahaa ee dhibta rafaadka laga soo maray, ayaa 27dii febraayo 2000, barxada Al.khayriya ee hargeysa lagu gubay oo dab la qabadsiiyey calankii ummadda.

Waxaa nasiib darro ah ummada sheeganaysa dhulkii soomaaliyeed in ay gubaan calankii soomaaliyeed haddii aysan rebin soomaalinimada, magac kalana la baxaan dhulkalena doontaan.

Maanta oo ay kasoo wareegtay 40 guuraddii waxaa waajib inagu ah in aynu u dabaal degno, una istaagno sidii uu u yeelan lahaa sharaftii iyo haybadii uu lahaan jirey isagoo waayadaan danbe mutay, sharaf daro kaga timid burburkii ku dhacay qarankii soomaaliyeed.

Waxaan ku soo gebagebaynayaa maqaalkaan ha waarto oo ha israacado midnimada muqadaska ah ee ummadda soomaaliyeed, Ha waarto 1da juulaay.

XUKUUMADA PUNTLAND OO KU DADAALAYSA SUGIDA AMNIGA IYO KA HORTAGA SIYAASADAHA DHALANTEEDKA AH.

Dawlad Goboleedka Puntland oo hadda dhisnayd in ku dhow laba sano waxay muujisay dadaal ay ugu jirto sugida amniga,oo au hore ugu guulaysatay bad iyo berriba iyo in ay ka hortagto siyaasadaha ku salaysan jaahwareerinta ee laga leeyahay ujeedooyinka dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed.

Qoraalada iyo talooyinka kasoo baxaya madaxtooyada Puntland ayaa sicad u muujiyey mowqifka Puntland in uu yahay mid biyo kama dhibcaan ah oo ku salaysan,rabitaanka shacabka,ka hortaga khataraha siyaasadeed iyo ilaalinta shuruucda Puntland horey u gaartay,cid waliba waxay wadato waa ku khasban tahay in ay galiso hu' qurux badan iyo weliba in ay difaacdo.

Xaqiiqaduse waxay tahay shirkaCarta in uu yahay mid ka fog danta dadka reer Puntland iyo kuwa la isir wadaaga.

Taasna xukuumadu saddex bilood ka hor ayay sharaxday, haddana way dhabowday oo shacabkii waa u xaqiiqowday xaqiiqada ka jirta shirka ku sheega Carta.

 

Warsidaha Puntland Tirsi 46 Axad 2 July 2000 Bogga 4

 

TABABAR XIRFADEED LOO XIRAY HAWEEN.

Ururka Haweenka soomaaliyeed ayaa todabaad kii hore ayaa dugsiga tababarka xirfadaha haweenka ee Garowe, ayaa lagu soo gabagabeeyey munaasabad ujeedadeedu ahayd in lasoo gabagabeeyo tababar mudu lixbilood ah uga socday 80 Gabdhood oo baranayay xirfadaha kaladuwan dhaqaalaha Guriga, Caafimaadka, Tolliinka, iyo barashada makiinadaha harqaanka, Xafladaas oo ay ka soo qaybgaleen mas'uuliyiin sare oo kala socday Dawladda iyo hay'ada ADRA,.

Waxaa munaasabadaa hadal kasoo jeedisay marwo Maryan Maxamed Cumar (Ilkacas) Gudoomiyaha ruruka Haweenka ee Gobolka Nugaal, waxay ilkacas u mahad naqday hay'ada ADRA oo gacan ka geesatay fulinta mashruucan waxayna ku nuuxsatay baahida loo qabo in lasii balaariyo waxbarashada haweenka, waxay kaloo xustay munaasabada 26 juun,iyo ahmiyada ay u leedahay ummadda soomaaliyeed.

Waxaa kaloo halkaas hadal kasoo jeediyay xildhibaan Cawiif oo u mahad naqay ururka haweenka,wuxuuna halkaa ku guduunsiiyay gabdhihii ka qalinjabiyay tababarka dhaqaalaha guriga iyo harqaanka shahaadooyin.

Waxaa kale oo ilkacas guduunsiisay Hadyado ay kamid yihiin dhar,waxaana xafladaas goobjoog ka ahaa waalidiinta iyo Barayaasha.

CIDII LAGA ADKAADAA WAXAY KU NUDDAA CIDDA KA ADKAATAY.

Kaas waa cinwaanka fasalka 23aad ee juska 1aad ee kitaabku magaciisu yahay (Kitaabul-Cibar) ee qarnigii 8aad ee Hijriga uu qoray caalimkii carbeed ee loo qiray hormood nimada cilmiga bulshada (Sociology) C/raxmaan Ibu-Khaladduun (732-808H, 1332-140AD),

haddii Alla idmo) bisha July, joornaalkaan ku soo minguurin doono minqaadyo (Cutubyo) ka mid ah kitaabkaas Ibnu Khaladduun cinwaankaas hoostiisa wuxuu ku qoray oo yiri:-

Arintaas waxaa sabab u ah, nafta laga dkaado, nafta kale ee ka adkaatay waxaa ugu dhalaala iftiin maqaam sarreyn ay u aragto, markaasay ku xoodataa oo ku xoqotaa oo u hebeddaa, isuna hoogaamisaa, iyadoo ka martiyeysa oo ka dugsaneysa maqaamkeeda sare iyo ahaansheheeda buuxa.

Haddii labo qolo oo daris ah midi tan kale ka adkaato, tii laga adkaaday, tii ka adkaatay ayay ugu horataa oo ku daba gashaa dharka, dhaqanka iyo falaadkaba, iyadoo rajeynaysa asraarta quwada ku jirta wax hakaaga soo duuleen. Arintaasi, waa arinta reer Andalus maanta ka muuqata, oo aynnu arkaynno inay jalaaliqada (Spaniardsa) daba tuxalaynayaan oo isku nudayaan oo wax-walba kaga dayanayaan, xataa naqshadaha gidaarrada, farsamada iyo guryaha.

Arintaas iyada ah baana iftiiminaysa macnaha ku jira maahmaahda guud ee tiraahda:

Ninkii tamar badan tiisa lagu raac.

Shiikh Axmed sh. Jaamac

WAREYSI LALA YEESHAY GUDDOOMIYE KU XIGEENKA GOBOLKA SANAAG AHNA KU SIMAHA GUDDOOMIYAHA GOBOLKA SANAAG.

Wareysi uu Warsidaha Puntland la yeeshay ku simaha Guddomiye ku xigeenka Gobolka Sanaag Md Cabdi Guureed, wuxuuna ka wareystay xaalada Gobolka wareysigiina wuxuu u dhacay sidatan:-

W/Pl:- Waxaad noo sheegtaa mudadii maamulka jiray wax yaabihii aad talaabo

qaadeen xaga maamulka iyo siyaasada?

Jawaab:- Wax badan ayaan qabanay waxaan gaarsiinay dhammaan degmooyinka Hay'adihii Dawlada, waxaan furnay xafiisyadii Dawladda, waxaan hirgelinay nidaamka canshuuraha, waxaan furnay maxkamadihii heer racfaan iyo heer Gobol ama darajada koowaad, iyadoo aanay jirin Maxkamado degmo oo xagga dawlada ka jiray dalkoo dhami, xagga siyaasada waxaan ka gaarnay guulo waaweyn, xawaan dadka ku baraarujinay heerka iyo habka siyaasada Puntland u dhisan tahay, waxaan kormeero ku marnay degmooyinka iyo tuulooyinka Gobolka dhexdiisa, iyadoo ay jirto in galbeedka Gobolka ay ka jirto siyaasad kale ayaa dadka Gobolka ayid san yihiin siyaasada Puntland 80%, hadaan cadeeyo sidaas Gobolku u qaybsan yahay Gobolka Guud ahaan wuxuu ka kooban yahay 5 degmo, sidaas daraadeed mudadii dawladda Puntland dhisnayd maamulka PL wuxuu kasbaday taageerada dadweynaha Gobolka intooda badan.

W/Pl:- Maxaa ka mid ah caqabadaha hortaagan in maamulka sidii la rabay ugu dhaqaaqi waayey Gobolka Sanaa?.

Jawaab:- arrimaha badan ayaa ka mid ah ugu horayna waxaa jirta in Wasaaradaha Dawlada aanay ka wada hawl gelin gobolka, ama wasaarado badan oo la rabay hawl gelin Gobolka ama Wasaarado badan oo la rabay inay ka hawl galaan xafiisyana ka furtaan ayaa hawshoodu dayacan tahay waxaana la moodaa Wasaaradaha qaarkood in aanay jadwalka ugu jirin inay ka shaqeeyaan Gobolka waxayna u ekyihiin sida hay'adaha samafalka inta hawshoodu maqan tahay waa caqabad hortaagan maamulka Gobolka.

Waxaa kaloo ka mid ah iyadoo cashuuraha laga qaado badeecooyinka u kala socda Puntland dhaxdeeda

Eeg Bogga 5aad

Warsidaha Puntland Tirsi 46 Axad 2 July 2000 Bogga 5

Ka yimid Bogga 4aad

Wareysi lala yeeshay…..

marka labaad la canshuuro markay soo gaaraan Gobolada qaarkood sida Gobolka Bari oo isagu ka furaystay dhagaha go'aamo badan oo dawadu arintaa ka soo saartay walina ah dhibaato taagan oo aan xal loo helin ilaa xal loo Helena qabad ku ah hawlaha gobolka, waxaa kaloo jira in wadooyinka Gobolku yihiin kuwo adag isu socodka Gobolka dhaxdiisa isla markaana aanay jirin gaadiid dawladeed oo hawlahaa lagu qabto, sidaas darteed iyana waa caqabad xaga socod siinta ama uruurinta canshuuraha caqabad ku ah.

W/Pl:- Bal ka waran xaga arrimaha bulshada?

Jawaab:- xaga arrimaha bulshada aad iyo aad ayaa gobolka ugu liitaa waxaa jirta in caafimaadka, waxbarashada, Biyaha iyo adeegyada kale ee dadku u baahan yihiin ay dhamaantood dayacan yihiin oo aanay jirin cid wax ka qabata ama caawisa hay'ado caalami ah iyagu Govolka Sool iyo Sanaagba waxay saareen cuna qabateen la mid ah tan saaran dalka Ciraaq ama mid ka liidata.

Sidaas darteed wax yaabihii aduunyadu ugu deeqay ummadda soomaaliyeed goboladaasi waxay ka qatan yihiin, dawladuna dadaalban ayey saartay inay ku qan ciso hay'aduhu in ay wax ka qabtaan baahida Goboladaas laakiin ma yeelin hay'aduhu arintaas dawladuna haba yaraatee waxba kama qaban arimaha bulshada sida Isbitaalada, Iskuulada, ceelasha biyaha iwm.

Waxaana jirta in uu Gobolku leeyahay ceelal badan oo matooro ah oo had iyo jeer waqtiga jiilaalka dhibaato ama cilado farsamo soo gaaraan hasa yeeshee ay dad iyo duunyaduba sigtaan, waxaana jirta dawladu in ay u qoondeeyso lacag wax lagaga qabto baahida ceelasha laakin marar badan oo aan dhibtaa ka qaylo keenay ayaanu ku hungoownay. 

Isbitaaladu waa furan yihiin qaarkood iyo iskuuoladuba mana helaan kaalmo

hay'adeed iyo mid dawladeed toona, dadka ayaa iskood isu xilqaama oo danahooda wixii ay wax ka qaban karaan wax ka qabta, wixii ay tabar u waayaanna xal looma hayo, wali waxaanse ku raja waynahay in aan xal u heli doono mustaqbalka.

W/Pl:- Maxaad nooga sheegi kartaa xagga Deegaanka iyo waxaad dawlad ahaan ka qabateen mudadii maamulka dhisnaa?

Jawaab:- xaga dhibaatada Deegaanka waa masiibo dabiici ah oo ka jirtay Gobolka Sanaag mudadii burburku jiray marar badan oo ka horeeyey dhismaha Puntland ayaa laga hortagay arintaa laakiin marna guul buuxda lagama gaarin markii se Puntland la dhisay ayaa la bilaabay qabashada arintaa dhib badan ayaa lagala kulmay, waxaana ku guulaysanay inaan joojino meelihii xeebaha ahaa oo laga dhoofin jiray ee gobolada Sanaag iyo Bari muddo ayey sidaas ku hakatay, waxaase hadda la helay wadooyin ama marsooyin cusub oo laga dhoofiyo Dhuxusha oo ku yaal dhinaca bariga ee bad weynta Hindiya, dib ayaana loo bilaabay jarida dhirta taasoo mar kani ka daran yahay markii hore sabab too ah waxaa hada la keenay qalab casri ah oo geedka deg deg u jaraya oo ku shaqeeya mashiino, halka markii hore la isticmaali jiray faasas iyo gudmo, waxaa kaloo jira in geedka loo yaqaan Galoolka oo ka baxa dhulka soolka ah loo yaqaan gobolka sanaag ay carabtu jeclaysatay dhuxushiisa oo ay dhaqaale badan ku bixiso oo maalqabeenada Khaliijku lacag farabadan soo direen si loogu soo dhoofiyo dhuxul badan waxaana jirta in dadka wada xaalufinta ama dhuxul layaashu ay haatan haystaan ciidamo hubaysan oo arintaas ay ku difaacaan, waxayna samaysteen meelo fariisamo u ah laakin arintaasi waa midaan hada wixii ka dambeeya u socon doonin, waxaana hada bilownay olole lagu baabi'inaya dhuxushii la shiday laguna qaqabanayo kuwa goynaya dhirta .

Waxaanu ka bilownay dhulka soolka looyaqaan ee Gobolka Sanaag dagaal

lagaga hortagayo dadkaas hawshaas gacanta kula jira, hawshaasuna waa socotaa oo labadii todobaad ee la soo dhaafay waxaa lagubay 168 hogood oo dhuxul ah, waxaa la qabqabtay 50 ilaa 60 maxaabiis ah, waxaa gacanta lagu dhigay qalab farabadan oo isugu jira miishaaro matoorku shaqeeya oo casri ah, faasas, gudmo, Garneetooyin, hawhsaas oo aan jecelnahay in aan dhaqso ugu guulaysano iyadoo dadweynaha gacan nagu siiyaan 22/6/2000 oo aan hada ku jirno waxaa dhacay dagaal dhaxmaray ciidamada dawladda oo hawshaas fulinaayey iyo ciidamada dhuxulayaasha kaasoo uu ku dhaawacmay hal Askari oo ka tirsan ciidamada daraawiishta ee aaga Sanaag iyo nin ah dhuxulaysatada ilaa iyo hadana dagaalkaasi madhamaan.

TAHNIYAD

Anagoo kala ah Maxamuud Cali Xasan, Cali Faarax Ceer, C/nuur Bashiir Xaaji, C/salaan Guuleed Siciid, Dr. C/risaaq Maxamed Xirsi, Jaamac Ciise Nuur, Xaawo Cali Xasan, Maryan Cali Xasan, Xaawo Cabdi Ducaali, waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa C/wali Muuse iyo Ubax Cali Xasan oo xalay oo taariikhdu ahayd 30/6/2000 ku aqal galay Magaalada Garoowe.

Waxaana Ilaalahy ugu rajaynaynaa kuwii isku waara oo ubad khayr qabana kala helana. Aamiin aaamiin ayaanu leenahay

warsidaha puntland Tirsi 46 Axad 2 July Bogga 6

 

LAMA HURAAN WAA CAWSKA JIILAAL MUCAARADKA PUNTLAANOW.

Mucaaradka tirada yar ee aan matalin inta badan bulsha weynta puntland ee jooga tuulada carta waxaan leenahay lama huraan waa cawska jiilaal, oo aan uga jeedno wadanka gobolada aad kaga nooleydeen burburkii kadib ama ka hor waa lama huraan, inaad dib ugu soo laabataan puntland goor kasta ha noqotee, marka iska ilaaliya, hebel xumeena maaha inaad u baabi’isaan masiirka umadda, caydana ha la iska daayo, bilaa meesha ku kala tagte isla hadeer oo aad noo soo noqotaan, marka sow idinlama fiicna inaydaan caayin madaxdiina, siyaasiyiinta iyo Isimadiina maanta iyo kuwa mustaqbalkaba.

Hadii kulanka carta ka socda uusan ahayn shirqool loo maleegayo dadka ku abtirsada Puntland iyo Jubaland maxaa madasha looga arki waayay siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo waxgaradka dibadaha ku nool ee ku abtirsada puntland iyo jubaland gaar ahaana kuwii ugu caansanaa xaga siyaasada iyo maamulkaba, ma xukuumada puntland ayaa tiri ha imaanina, mase garoomada aduunka ayaa lagu xanibay, sida laga yiraahdo golaha Imaada (carta ) anaguna aan idinkula yaabno.

Waxaan leeyahay siyaasiyiinta iyo waxgaradka iyo aqoonyahanka dibada jira ee p/land iyo jubaland waa ku mahadsanyihiin sida ay uga qeyb qaateen masiirka dadka reer puntlad, uguna kalsoonaadeen golayaasha dawlada iyo kuwa shacabkaba, waxaana idiinka rajaynaynaa inaad ka qeyb qaadataan horumarinta loogu jiro sida masiirka umada looga badbaadin lahaa kuwa aan lahayn maamul, samaysana karin, inay kaaga baabi’iyaana doonaya iyo sidii gacan gaar ah looga geysan lahaa horukaca iyo dhismaha maamulada P/land.

Hadaan in yar jaleeco hadalkaygii hore waxaan xusuusanayaa nimanka mucaaradka ah ee carta u fadhiya magaca puntland inay ku daydaan kmucaaradka ka jooga hargeysa iyo Burca ee ku doodaya dadkayaga shirka ka maqan inta badan beeshaas ha loo ogolaado waxay ku qancaan sidaas ayayna nagu soo raaci karaan iyagoo uga jeeda meel loo saaro sadano ah ugu yaraan (madaxweyne) ama raysul wasaare ayagoo aan cidna caayin.

Hadaba waxaan mar kale idin leeyahay war isla yaaba ceebtiina oo mar hadaad meesha fadhidaan oo aydan bahdiina raacayn war ka dooda oo raadiya masiirka ummadda si la idiin cafiyo, meesha aad hadba nin mucaaraadda oo aad taqaaniin aad lacag jabuuti ugu soo diraysaan idinkoo leh noo soo kexeeya wax nala fikrada iyadoo ay iska yar yihiin Puntland waxa idinla fikira xataa hadii la idinku daro itaxaadkiina.

Dawlada puntland waan u hanbalyeynayaa waxaanna leeyahay waad asiibteen sida aad uga biyo diideen shirqoolka jabuuti, ee ay baarlamanka iyo odoyaala dhaqameedku idinku raaceen, anigoo dhamaantiin idiinku hanbalyeynaya sida ay bulshadu idinku raacsantahay go’aankiina ugu danbeyntii qorshaha jabuuti waa kii 1991 oo aan car isku rogin.

Diyaariye

Cabdul Cabdi Axmed

Buurtinle

GOLAHA WAKIILADA PUNTLAND OO SI KULUL ULA XISAABYAMAY W/ MAALIYAD IYO X. X. BEERAHA IYO DEEGAANKA

Golaha wakiiladda puntland ee kalfadhigoodii 3aad 15/06/2000 uga furmay magaalada Garoowe, ayaa ilaa hadda waxay si kulul ula xisaabtameen wasaarada maaliyada iyo wasaaradda X. xoolaha, beeraha iyo deegaanka, iyagana dhexdooda waxaa dhexmartay dood ay waxba isula harin oo ku saabsaneyd dhaliil iyo isa sixid iyo waliba dib u eegid lagu sameeyay ku dhaqanka shuruucda dalka waxay kaloo go’aan ka gaareen shirka ka socda jabuuti goluhu waxay madaxada labada wasaaradood weydiin su’aalo aad u tira badan oo qaarkood aad u kululeeyeen madaxda. Waxaase socodka kalfadhiga ka muuqda gaabis, waayo labadda wasaaraddood iyo laba todobaad ayaa shaqadoodu maraysaa.

 

warsidaha puntland Tirsi 46 Axad 2 July Bogga 7aad

 

  1. CAAFIMAADKA XOOLAHA. 
  2. Waxaa la dhamaystiray shaybaarka xoolaha ee

    Degmada Bosaaso, shaybaarkaas kharashkiisa waxaa bixiyey EC waxaana shaybaarkaas lagu wareejiyay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Deegaanka 23/05/2000.

    Waxaa la ogolaaday mashruuca ka hortaga cudurada faafa V.S.F. Mashruucaas waxaa si wada jir ah u maalgelin doona EC iyo dawladda Switzeland, wuxuuna bilaaban doonaa bisha September 2000, wuxuuna socon doonaa 2004 taasoo u qaybsan min (2) laba sanno.

    Mashruuca madax banaanaynata adeega xoolaa (Privatization of Veterinary Services) iyo horumarinta  

    xoolaha dhoofa, (UNA) waxaa loo dheereeyay mudada shaqada oo dhan laba sanno, laga bilaabo bisha September 2000, ka dibna waxaa loogu dari doonaa laba sanno oo kale oo ah ilaa 2004ta, Mashruuca waxaa maalgeliyey EC wuxuuna Gobolada Waqooyi Bari (North East Regions) ka bilowday june 1997.

    Mashruuca Caanaha Geele ee loogu talo galay in laga sameeyo degmooyinka Qardho iyo Garoowe si Caano ku filan loo siiyo Degmada Bosaaso, Mashruucaas hirgelintiisa waxaa gacanta ku haya EC arrintiisuna waa dhaowdahay.

     

    MASHRUUCA HILIBKA GAALKACAYO (GALKACAYO MEAT EXPORTERS).

     

    EC waxay bilaabi doontaa tababar shaqo (In-service Training) iyo in ay bixiso Qalabka Caafimaadka takhaatiirta ka shaqaysa kawaanka hilibka loo dhoofiyo dibada ee Gaalkacayo, dhoofinta hilibka waxaa dib loo bilaabay 15/4/2000, waxaana loo diraa dadlka Khaliijka (U.A.E)

  3. WAX SOO SAARKA XOOLAHA:-

 

  1. XOOLAHA LAGA DHOOFIYAY DEKEDDA BOSAASO BISHII NOVEMBER 1999 ILAA MAY 2000 IYO DAKHLIGA KASOO XEROODAY.
  2. BISHA ARI LO’ GEEL LACAG ISUGEYN

    November 73,177 4,518 1,512 29,642,700

    December 83,619 3,511 1,808 32,610,000

    January 73,392 3,773 348 26,167,2000

    February 162,711 3,023 2,082 58,463,9000

    March 54,030 944 630 18,286,800

    April 27,591 1,397 204 10,259,7000

    Total 474,520 13,69 6,584

  3. GAALKACAYO ARIGA NOOL IYO HILIBKA KA DHOOFAY OKT. 1999 MAY 2000.

 

ARI NOOL, 6792 NEEF, SH.SO, LACAGTA KA SOO BAXDAY 2,037,600 Sh.So HILIB 555 NEEF 300 Neefkii Lacagta ka soo baxday, 166,500 Sh. So, Aragoosto 18264 Kgs 300 Neefkii lacagta ka soo baxday 3,652,800 Sh.So. Total 5,85,900

 

ARAGOSTADA IYO KALLUUNKA KA DHOOFAY GEGIDA DIYAARADAHA EE KONOKO

Aragosto 12,892 Kgs Sh.So 200 Kg Lacagta ka soo baxday 2,578,400 Sh.So

Kalluun 6000Kg Sh. So 100 Kg Lacagta ka soo baxday 600,000 Sh. So Total 3,17,400 Sh.So

 

warsidaha puntland Tirsi 46 Axad 2 July Bogga 8aad

 

DAKHLIGA KA SOO BAXAY HARGAHA, ARAGOSTADA, KALLUUNKA

IYO DHEGAHA LIBAAXA KA DHOOFAY DEKADDA BOSAASO.

 

Hargo 43,720 lacagta 2,186,00 Sh.So haragii Isugeyn 2,186,000 Sh.So, Aragosto 4617 Kgs kiiladii 200 Sh.So, Isugeyn 923,400 Sh.So, Kalluunka 12,610 Kgs Sh.So 100kg Isugeyn 1,261,00 Sh.So, Dhego Libaax 4565 Kgs Sh.So 100kg Isugeyn 456,500 Isugeynta Guud 4,826,900 Sh.So.

 

( EDITORIAL )

JABUUTI IYO JIDKII BURBURKA

 

Jamuhuuriyadii Soomaaliya ee waaggii hore, kadibna ahayd Jamhuuriyadda dimoqraaddiga soomaaliyeed waa ay burburtay, burbrur dhameeyey sal iyo baarba …..waxaanna tafantaafay oo loogu dow galay dulmi iyo cadaalad la’aan…. Waxaana wadnaha ka muday oo xabaasha u diiday qabiil ku salaysan …. Nabarkaasi oo ahaa kii ay u dhimatay ( alla ha u naxaariistee) waxayan ka tagtay duriyad fara badan oo leh aabbayaal kala duwan, duriyadaas oo lahayd ( wax dhintay iyo wax noolba) culimo iyo caamo, waranle iyo wadaad, dhible iyo dhiblaawe shiikh iyo shariif …. Iyo …..iyo …… duriyadaasi waa is wada dishay waana is wada dhacday oo is wda biliqeysatay …. Guri kasta oo bililiqadaasi gashayna balaayo ayaa ka soo daba hoyatey……xukuumadda maanta ka talisa jamhuuriyadda jabuuti, waa loo bogay markii ay isu xilqaantay arinta soomaaliyadii burburtay, waana lala wada hinqadey han iyo yididdiilo, iyadoo laga fishay daacadnimo iyo nasteexnimo…waxaa u furayd inay shirka carta ku hagto cadaalad iyo dhexdhexaadnimo … hase yeeshee waxay shirkii lasoo kamandhuudhsatey eexasho cad oo qabiil ku saleysan.. waxayna hada gacmaha ku sidataa bililiqo ay ku heshay magaca soomaalida …. Waxay cagta saartey oo khiyaarkeeda ku dooratey jidkii burburka.. shacbiga wanaagsan ee reer jabuutina waxaa daawo u ah isagoo degdeg isaga bedala xukuumadaas dooratey tubtii soomaaliya ku burburtey … wallaahu aclam …