Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

 

  Warsidaha Puntland

Tirsi 47

Kamiis 6 July 2000

Garowe – Puntland

_____________________________________________________________

 

T U S M A D A C A D A D K A

 

____________________________________________ 

 

Warsidaha Puntland Tirsi 47 Kamiis 6 July 2000 Bogga 2

 

DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO KA JAWAABTAY WARBIXINTII GOLAHA AMMAANKA

Madaxtooyada Dawlad Goboleedka Puntland ayaa jawaab ka bixisay warbixintii golaha ammaanka ka soo baxday 29/6/200, kuna saabsanayd xaaladda soomaaliya.

Madaxtooyadu waxay jawaabtaas ku hagaajisay:-

Iyadoo codsatey in jawaabteedaas loo qaybiyo Golaha ammaanka oo dhan, waxayna madaxtooyaddii jawaabteedaas ogeysiin ka siisey xoghayaha guud ee qaramada midoobey, dalalka soomaaliya deriska la ah, IGADD, OAU, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka.

Jawaabtaas oo ku qorneyd Afka Ingiriisi, waxaanu halkan idiin ku soo gudbineynaa nuxurkeedii oo kooban, anagoo ka dhignay qaab qodobo ah:-

  1. Warqadda Madaxtooyada Puntland waxay meelaha ay u socoto dhammaantood xusuusisay in Puntland, xukuumad iyo shacab intaba taageero isla garab taagtay soo jeedintii Madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ka jeediyey Jamciyada loo dhan yahay ee Qaramada midoobey bishii September ee 1999, iyadoo reer Puntland rajeynayeen in soo jeedintaas loo habeeyo qaab fulineed oo sax ah.
  2. Hase yeeshee, nashiib darro in soo jeedintii Jabuuti marin habaabisay.

     

  3. xukuumadda Puntland waxay si daacadnnimo isugu dayday in xukuumadda Jabuuti la saxdo khaladaadkii uga muuqday qaabkii Jabuuti ugu talagashay fulinta soo jeedinteedii.
  4. Meeshii Puntland ay filaysay in talooyinkeeda nasteexa ah la qaato, arrintaasi waxay dhashay in jabuuti ay Puntland colaad ugu faydato, isku daydo inay nabadgelyada iyo xasiloonida Puntland khal khal geliso iyo xukuumadda Jabuuti si cadaan ah ula safato dhinacyo ka mid ah qabaa'ilka soomaaliya ee dhexdooda uu ka jiro dagaalka sokeeye.
  5. Puntland, iyadoo ku dadaalaysa in sixitaan la helo, waxay jabuuti u dirtay madaxweyne ku xigeenkeeda iyo wafti uu hogaaminayo oo ka kooban qayb muhiim ah ee isimada Puntland.
  6. Waftigaas wuxuu jabuuti kala soo noqday niyad jab iyo uur xumo.

  7. Jabuuti waxay uruursatay cumaaradkii xukuumadda Puntland oo ay ku sheegtay inay iyagu Puntland matalaan, iyadoo rabta inay Puntland ku abuurto khal-khal si ay ugu biirto qaybaha soomaaliya ee xasillooni la'aanta ka jirto.
  8. waxaanu waafaqsanhay xubnaha galaha ammaanka ee tilmaamay in shirka Jabuuti aanu soomaalida sidii la rabay u matalin.
  9. Taasoo aanu aragno inuu sii dheerayn doono dagaalada sukeeye ee soomaaliya.

  10. wixii aqoonsi ah oo golaha ammaanku siiyo shir ku sheega Jabuuti, wuxuu sabab u noqon doonaa dagaalo sukeeye oo cusub oo cusboonaada soomaaliya, sidaas darteed waxaanu rajaynaynaa inaan golaha ammaanku ku dhicin dabin lagu khayaameeyo oo uu beddala inuu u muuqdo gola abuurintaanka ammaandarada soomaaliya .
  11. Jabuuti oo Puntland ku furtay olole dicaayad colaadeed, si ay adduunweynaha uga siiso masawir
  12. been ah, waxaannu mahadnaq iyo qadderintayada u soo jeedinaynaa wakiilka Dawladda Mareeykanka u fadhiya golaha ammaanka, Nancy Soderberg iyo wakiilka Boqortooyada midoowday (United Kingdom) mudane Jeramy Green-Stock oo labaduba muujiyey inay si fiican u fahamsan yihiin xaaladda soomaaliya.

  13. waxaanu qadderinaynnaa xubnaha golaha ee noo soo jeediyey inaanu ka qaybgallo shirka Jabuuti, waxaana xusuusineynnaa xubnahaas inaanu diyaar u nahay ka qaybgalka shirkasta oo lagu heshiisiinayo soomaalida oo sida habboon loo qorsheeyo, kanise wuxuu lid ku yahay meelaha isdhisaya ee xassilloonidu ka jirto.

Gabagabadii, warqada Madaxtooyada Puntland waxay golaha ammaanka ka codsatay qodobo ay ka mid yihiin:-

  1. In goluhu Puntland u soo diro guddi eegta dowrsanaanta xuquuqda aadamiga ee ka sharciyeysan Qaramada midoowbay.
  2. Soomaalida loo abaabulo shir dib-u-heshiisiin oo qumman, Puntland oo diyaar u ah inay marti geliso shirkaas.
  3. In aan la oggolaan qaabka xukuumadda Jabbuuti oo ah kor kaga soo rid, lidna ku ah qaabka hoos ka soo dhiska.

Wixii noocaas ah oo Jabuuti korkakeentaa, xaaladda soomaaliya ayuu sii murginayaa.

 

Waxaa saxiixay Madaxweynaha DGPL

Mudane C/laahi Yuusuf Axmed

 

 

Warsidaha Puntland Tirsi 47 Kamiis 6 July 2000 Bogga 3

 

SHIRKA JABUUTI MA MUNAAFAQAD-BAA MISE WAA MAANQAAD.

 

Todoba sannadood ayaa ka soo wareegtay markii heer calami lo garwaaqsaday inaan xal u helida xaaladda soomaaliya amuurteedu ahayn habka dul ka soo dhiska (The top down approach), balse ay tahay habka hoos ka soo unuga (The bottom up approach).

Waxaa hanaan dimuqaraadiyeed oo buuxa ku dhismay dawlad Goboleedo, kuwo kalana waa ku hawlanaayeen markii ismaciil Cumar Geelle soo dhex tiimbaday, markii ay isgarabsiyo ka dhex billaabmeen kuwii hirgalay iyo kuwii ku hawlanaa ayaa Ismaaciil Cumar Geelle khudbadii 1aad ka jeediyey golaha ammaanka ee qaramada midoobay, bishii September 1999.

Xeel-dheereyaal siyaasadeed ayaa ku cabiray baaqa Ismaciil laab-la-kac iyo dhalanteed, balse dadka soomaaliyeed waa u riyaaqeen bilowgii xaaladda.

Markii ay bilaab-matay abaabulkii ergooyinka lagu xeraynayay ayaa afkaartii Ismaaciil Cumar Geelle waxay noqotay mid xambaarsan cuqdadihii iyo cuduradii u dhexeeyay qabaa'ilka Soomaaliyeed, maxaa yeelay asagaa ka soo jeeda qabaa'ilka loolanku ka dhexeeyo, kamana muuqato inuu hibo madaxnimo Eebbe u siiyey innuu ka fogaado u kala hiilintooda, waxaana fajiciso noqotay markii la arkay diyaarado dad ka daadguraynaaya Garoomo ay meelo baadiye ah ka xaar-xaareen kooxaha la soo dagay dhaqan diimeedka cusub Dawladii burburtay dabadeed.

Markay Dawladda Jabuuti shaaca ka qaaday in nidaamka wax-qaybsiga lagu  

saleeyay shan (5) qabiil oo is le'eg, ayay waadax noqotay inaan ololaha

Jabuuti natiijadiisu noqon doonin samata-bixin Soomaaliyeed, balse uu sababi karo dagaalo hor leh, xigmad

Soomaaliyeed, ayaa tiraahda "Hal waliba wiilkey, korisaa wadkeeda leh".

Haddii ay Jabuuti mar labaad u tafa-xaydatay fidmo ay ka dhex abuurto beelaha Soomaaliyeed, waxay ahaan doontaa dhacdo taariikheed.

Dulucda iyo ujeedada waxay tahay, mar haddii cadaaladii salka ka dheeliday, maadaama ay hubaal tahay inaan beelina beel le'ekeyn, dad ahaan iyo baaxad dhul ahaaneed-toona waxaa caddaan ah inaanay cadaaladu lahayn tiirar ay isku taagto. Hadaba mxuuu noqon doonaa cawaaqibka Durbaanka Jabuuti?

Dabcan siyaasadda caadifadeed ee Ismaaciil Cumar Geelle ku maamulayo Carta, waxay ku ridi doontaa dib-u-dhac xaaladuna waxay ka dhaxli doonaan su'aalo taariikhi ah, "The State of the union is a matter of heart, it isn't a matter of persons" Senator Brown back. " Midowga Dawladnimadu waa wadajirka qalbiyada, ee ma ah qofafka".

Ismaaciil waa sii kala kaxeeyay qalbiyadii dadka soomaaliyeed ee isuma soo dhoweynin "Siyaasa-ddaan la hubin sameynteeda, mustaqbalka oo laga daba jaameeyo soomaaliya xiiso uma qabto" hadal iyo dhammaantii waxaan lee yahay.

"Garoowaay Hargeysaay kaa dhaw Jabuuti" "Xamarey Joog xawaare miro dhalin waaye"

"Ba'idhaba iyo Kismaayow waaba idiima baryin".

Col. Cabdullaahi X. Jaamac

 

 

WARBIXIN KU SAABSAN WAX QABADKA WASAARADDA WARFAAFINTA DH, BOOSAHA IYO ISGAARSIINTA.

Wax qabadka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo isgaarsiinta ee Dawlad Goboleedka Puntland, warbixintaas oo ka kooban:-

  1. Mashruuca Qaynuunka Isgaarsiinta.
  2. mashruuca Qaynuunka Madbacadaha iyo qoraallada.
  3. mashruuc Qaynuun Xuquuqda Mu'alifka (Copy right) iyo qorlaallo khuseeya qalabka Warbaahinta horumarintooda, dayactir Guri weyn ee Wasaaraddu ku leedahay Bosaaso, Garoowe, kana mid ah Mashaariic loo gudbiyey Agaasinka Qorshaynta Dawlad Goboleedka Puntland
    1. mashruuca Qaynuunka Isgaarsiinta Dowlad Goboleedka Puntland.

Xaaladda amniga iyo degganaanta ka jirta Puntland, waxay dhiri gelisay maalgashi mashaariic waaweyn oo ay ka mid yihiin shirkadaha Isgaarsiinta, wasaaraddu waxay diyaarisay mashruuc qaynuun Isgaarsiin ee Golaha Wasiirada ogolaadeen, madaxweynuhuna saxiixay bishii Nofombar 16dii ee 99kii, waxayna ahayd in qaynuunkaas la hordhigo kalfadhigii 2aad ee Golaha Wakiilada, haseyeshee, waxaa la daahday Wasaaradda, haddana qaynuunbkaasi waxa u horyaal Guddiga joogtada ah ee golaha Wakiillad, iyada oo Wasaaraddu ku rajo weyn tahay in kalfadhigan lagu ansixiyo.

Mashruuca qaynuunka Isgaarsiinta waxaa ku lifaaqan baahida shaqaale ee wax soo saar Isgaarsiin, waaxda Isgaarsiinta waxaa ku qoran hal Agaasime keliya, taas oo caddeyneysa baahida shaqaale. EEG BOGGA XIGA

 

Warsidaha Puntland Tirsi 47 Kamiis 6 July 2000 Bogga 4

 

KA YIMID BOGGA 2AAD

  1. Dayactir xarun weyn oo Wasaaraddu ku leedahay Bosaaso.
  2. Xaruntaasi, waxaa Wasaaradda dayactirkeeda gacan ka siiyey shirkado waddani ah, bangiga dhexe ee Puntland iyo maamulka Gobolka iyo dowladda Hoose ee Bari, hase yeeshee, waxaa weli u dhiman deyr iyo ganjeel, wuxuuna ka kooban yahay gurigaas 6 (lix) xafiis oo mid yahay qol weyn oo shirarka loogu talo galay.

  3. Warsidaha Puntland.
  4. Sida aad la socotaan, Wasaaraddu waxay dib u habayn ku samaysay Wasidaha Puntland codka dawlad goboleedka Puntland ee soomaaliyeed, dib u habayn taasi waxay keentay in rabitaabnka iyo xiisaha Bulshadu ee Warsiduhu kor u kacaan. Warsidaha Puntland, waxaa loo diraa Jaaliyadaha Puntland ee Dalalka dibadda, waxaana arrintaasi gacan ka geystay oo suura geliyey agaasimaha guud ee madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland. Wuxxuna hadda yeeshay Web Page ah http://warsidaha.puntland.8k.com/ halkaas oo akhristaashu ay ka heli doonaan tirsiyaashii hore.

  5. Idaacadda Raadiyo Gaalk-acayo.
  6. Idaacadda Gaalkacayo oo ah Idaaacada Bulshadu leedahay Dowladduna ilaaliso amnigeeda, una fidso kaalmo dhaqaale, waxaa dhowaan lagu wareejiyey guri xarun Idaacadeed ku habboon oo

    dawladdu ugu deeqday loona dayactiray.

    Idaacaddu waxay heshiis caalami ah la gashayHay'ado ka oggolaaday in dayactir guud lagu sameeyo qalabka idaacada, dayactirkaasina fulintiisa ay hadda socota meel fiicana mareysa.

    Idaacadda waxaa lagu kordhieye anteena Casri ah, mowjad maqalka hoose (FM) oo aaney horay u lahayn, taasoo suura gelineysa in Codkiisa laga maqlo soomaaliya iyo dibaddaba.

    Idaacadda waxaa loo keenay laba kombuuter iyo qalab xafiis oo kaamila, waxaa hadda ka socda Tababarro hawlwadeenadeeda xagga maamulka iyo xisaabaadka, Journalisimka iyo farsamada.

    Idaacadda, waxaa loo magacaabay guddi hogaamin ee xagga maamulka, heshiisyada, talobixinta, Horumarinta iyo hagaajinta tayada Barnaamijyada, gaar ahaan barnaamijyaka wararka ee heerkii la rabay gaarsiiya, waxaana wasaaraddu u dejisay raadiyaha xeer hoosaad ay u gudbisey raadiyaha iyo tilmaameo muhiim ah ee wararka iyo barnaamijyada.

  7. Saxaafadda Puntland
  8. Wasaaraddu, waxay ka jawaabtay cabasho ku saabsan qodobo ka mid ah qaynuunka saxaafadda ee nimanka leh jaraa'idka gaarka ah ahi u soo gudbiyeen golaha wakiilada kalfadhigiisii 2aad, jawaabtaas oo lagu bixiyey shir ay ka soo qayb galeen wakiillada Hay'adaha caalamiga ah ee u fadhiya Puntland laguna qabtay xrunt gobolka Bari Bosaaso 29kii Febraayo ee 2000.

  9. Anshaxa Filimada iyo faafreebka.
  10. Iyadoo la fulinayo qaynuunka Anshaxa filimada iyo faafreebka, Wasaaraddu, waxay ka dhistay Gobolka Mudug Gaalkacayo, guddi

    Anshax oo ka kala trisan Wasaaradaha: Arrimaha gudaha iyo Aminga, Caddaaladda iyo arrimaha Diinta, Warfaafinta, Arrimaha Bulshada iyo Booliska Qaybta Mudug oo fuliya Anshaxa iyo faafreebka Filimada, taasoo hadda fara ba'an ku haysa Degaanka, waxaana qorshahan ugu jira Wasaaradda in ay Gobollada kalena ka dhisto Guddigaas.

  11. Wasaaraddu, waxay diyaarisay mashaariicda hoos ku xusan,:-

 

WAX-QABADKA WASAARADDA XANAANADA XOOLAHA, BEERAHA IYO DEEGAANKA .

Todobaadkii hore waxaanu ka hadalnay wax-qabadkii xoolaha, todobaadkaana waxaynu ka hadlaynaa wax-qabadka Beeraha iyo Deegaanka:-

B. WAX-QABAKD A WAAXDA BEERAHA:-

    1. Guddi kormeer oo uu hogaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Deegaanka oo ay ka mid yihiin:- EEG BOGGA XIGA
    2.  

      Warsidaha Puntland Tirsi 47 Kamiis 6 July 2000 Bogga 5

       

      KA YIMID BOGGA 3AAD

       

      WAX-QABADKA WASAARADDA XANAANADA XOOLAHA 

      Agaasimaha Beeraha, Agaasimaha Deegaanka iyo agaasimaha maamulka lacagta, ayaa taariikhdu markay ahayd 10/2/2000 ay kormeer ku tegeen Gobolka Bari si ay uga bilaabaan una hirgeliyaan shaqadii Wasaaradda oo ay xafiis uga furaan lagu qaado khidmooyinka Wasaaradda ka qaadaysa dhinaca Beeraha iyo Deegaanka una qoran shaqaale khidmooyinkaas soo uruuriya.

      Hawsha inteedii badnayd waa la hirgeliyay qaybta Faleenka iyo xabkaha ayaa hakatay duruufo jira awgood.

    3. waxaa noo suurta gashay in aan kormeer ku samayno Beeraha G/Bari intooda badan sida:- Barookhle, Dhub, Riyi-heshay, Baaladeen, Karin laag, Duudshabeel iyo Gal Gala oo aan wada kormeernay halkaas oo aan ku soo aragnay Beero aad iyo aad wax soo sarkoodu u sareeyo waxqabadkooduna aad u fiican yahay taas oo ay beeraleydu ka dacwoodeen in laga joojiyo basasha ka imaanaysa dalka dibediisa sida yemen ama laga hakiyo.
    4. Basasha tirada badan ay u dhoofiyaan Gobolada kale ee Dalka, Nasiib wanaag markiiba waxay u heleen sicir wanaagsan iyo suuq raali galiya.

      Ku tala galka waxqabadka waaxda Beeraha:-

    5. In la abuuro qaybta fidinta tijaabada iyadoo la barayo habka casriga ah ee wax loo soo saaro.
    6. in loo raadiyo beeraleyda abuur tayo fiican leh.
    7. In laga sameeyo Beero tusaale shanta Gobol ee Puntland.
    8. In beeroleyda laga caaweiyo in ay helaan daawooyinka cayayaanka dila maadaama uu wax soo saarka hoos u dhigay cudurada iyo cayayaanku aan lagala dagaalamin.
    9. In la siiyo tababaro isdaba joog ah beeraleyda sida kan hadda ka socda G/Nugaal oo ay qabtey hay'ada SWS.
    10. In la sameeyo daraasad guud oo ku wajahan dhul beereedka Puntland taas oo aan la kaashanayno Hay'adaha caalamiga ah sida UNDOS iyo FAO.
    11. Waxaan sugaynaa mashruuca Timirta oo la filayo in uu dhowaan dhaqangalo.
    12. Waxaa kaloo la filayaa labo mashruuc oo cusub oo ay hirgalinayaan hay'adaha kala ah (ADRA iyo Hay'ada cusub oo Talyaani ah) oo qayb ka qaadan doona kobcinta wax soo saarka Beeraha.
    13. C. WAXQABADKA WAAXDA DEEGAANKA EE BISHII NOVEMBER 1999 ILAA APRIL 2000.

      Waaxdu iyadoo ka duulaysa qorsha hawleedkii (Plan of action) ee horey loo diyaarshay ayaa waxaa laga bilaabay shaqada:-

    14. Marka horeba waxaa la dejiyay qorshaha waxqabad ee waaxda (Strategy plan),.
    15. Furintaanka xafiisyada Deegaanka ee Gaalkacayo, Garoowe iyo Bosaaso.
    16. waxa lamagacaabay shaqaale heshiisley ah meelaha laga furay xafiisyada, shaqadaasuna sidii la rabay isuguma duba dhicin oo waxyaabo badan oo carqalado ah ayaa is hortaagay waxayna shaqadaasu u socotaa si aan xawli badnayn.
    17. Waxa kormeer hawleed lagu sameeyay degmooyinka iyo tuulooyinka mid ah Puntland.
    18. Meelaha qaarkood waxaa diiwaan gelin lagu sameeyay dhir kooban oo aduunka ka tafiir go'day sida geedka deybaanka ah oo hadda ku ah haraadi Gobolaka Bari Tuulooyinka Tashi iyo Golgola.
    19. waxaa waaxdu u shaqaysay qaab wacyigelin bulsho ah, iyadoo lagala qayb galay shirarka beeluhu isugu yimaadaan laguna daro ajendayaasha ay ka hadlayaan inayn ku darsadaan maxaa deegaankeena laga damcay halkay awal ku koobnaan jirtay maxaa beesheena laga damcay.
    20. Waxaa gobol walba loo xilsaaray nin safar ku kala bixiya oo ka soo ururiya xogaha runta ah ee jirta, waxaana la diyaariyay oo hadda socda isku duba ridkii buugga yar oo ka hadla Daryeelka Deegaanka sida loo baabi'iyey waxtarka iyo faa'iidooyinka aynu ku qabno iyo sida hadda wax loga qaban karayo.
    21. Waxaa laga sameeyay hal beer dhir kobcin ah Tuulaada Karin ee Bosaaso.
    22. Waxaa la sameeyay xuska maalinta dhirta 17ka April, waxaana la sameeyay xaflad ballaaran oo ay ka soo qayb galeen in badan oo ka mid ah Hay'adaha dalka joogay iyo dadweyne ka mid ah madaxda iyo Bulshada Puntland ee magaalada Bosaaso.
    23. Waxaa wassaaraddu diyaarisay in ay la shaqayso NGO-yada Wadaniga ah kuna dhiiri geliso in ay ka qayb qaataan horumarinta Deegaanka gaar ahaan Dhiraynta Magaalooyinka, waxaana loo xilsaaray NGO la yraahdo Al-Xijaas Wasaaraddu ku wareejisay dhiraynta Magaalada Bosaaso oo runtii ah meesha ugu baahida badan dhiraynta.
    24. Waxaa kale oo Wasaaraddu kula heshiisay NGO isugu jira jarmal iyo Somali inay dhireeyaan Magaalada Garoowe ee Casimadda Puntland Prograamkaasina waa bilowday qaybtiisii koowaad.
    25. Waxaa la siiyay ruqsad shirkad shida Dhuxusha kana iibisa dadka gudaha, si loo ilaaiyo Deegaanka welise ma hirgelin.
    26. Waxa la cayimay baro dhowr ah oo loogu tala galay xarumo lagu daryeelo Deegaanka meelahaas oo midba wax gar ah loogu xushay sida kantoroolida dhuxusha kaantoroolida Yicibta, ugaarta IWM.

 

 

Warsidaha Puntland Tirsi 47 Kamiis 6 July 2000 Bogga 6

 

KITAABKA BISHAAN

Kitaabul - Cibar - Ibnu Khaladduun (1332-1408.AD)

Juska 1aad ciwaanka Fasalka 24aad:-

Ummad Guun ahaan jirtay, haddii lifaaq ay u su badasho.

Ummad guun ahaan jirtay haddii lifaaq ay isu badasho oo cid kale daba joog u noqoto, waxaa u soo deg-dega inay nuxur beesho oo dhegteedu (Sumcadeedu) ba'do, aakhirkana ay sheekada fagaarayaasha ka baxdo oo ka dhamaato.

Sababtuna waxa weeye (Allaa u ogaalbadane):- ummaddaas guunka ahaan jirtay, oo hadda lifaaqa ubadalantay, nafsadda dadkeeda ayaa waxaa ku dhaca oo asiiba himad jab, niyad qulub, hawo gaabsi iyo isl-liidasho, waxaana soo koobma himilooyinkeeda iyo tiigsashadeeda, waxaana yaraada hawlkarnnimadeeda iyo hal abuurkeeda.

Waxaa bakhtiya xamaasadeeda iyo ficiltankeeda, waxaana ka guura il dheerida iyo baraarugsanaanta, waxaa yaraada guurti nnimadeeda iyo islihideeda, waxayna waydaa xarrago, qab iyo hanweyni……….. waxaa majaalisteeda ku yaraada sheelkooyinka geesiyaasha, halyeeyada, hoggaamiyayaasha, abbaandduulayaasha, deeqsiyaasha, dalmareennada iwm.

Waxaana sheekadeedu u badataa baahiyaha hoose ee bini aadamku lawadaago cayayaanka oo kale…. Waxaa dhaxdeeda ku yaraada isqadderinta iyo isu-hogaansanka, waxaana halkooda u gala isxasad iyo isqadirin la'aan……. Ummaddaasi waxay ka dambeysaa inay qalab iyo midiidin u noqoto ummad kale oo yadu leh hawo sareysa iyo cudud wax goonaydsa…… ummaduhuna asli ahaanba waa kala dabeecado oo markii la midiidasado, qaarna waxay noqdaan midiidin firfircoon sida aynu ku aragno…. Qaarna madiidin caajis badan sida aynu ku aragno……..waxaa soo aqriyey Axmed Sh. Jaamac.

 

BEEN IYO FULAYNIMO.

Idaacadda BBC-da qaybteeda Af-Soomaaliga, waxay toddobaadkii tegey laga sii daayey war sheegaya in Generaal Cali Ismaaciil, Suldaan Siciid Irbad soo gaareen Magaalada Jabuuti si ay uga qayb galaan shirka Carta.

Maalintii sabtida ee 1/7/2000 isla Idaacadda BBC-da waxay sheegtay in 19 nin oo General Cali Ismaaciil iyo Siciid Irbed hoggaaminayaan laga soo qabtay lawyacaddo, lana keenay Hargeysa, loona kireynayo dayuurad ku celisa Goboladii ay u dhasheen.

Haddaba warar kaasi is burinaya, miyaaney ahayn beenta BBC-da ka caada yeelatay in ay ku dhex faafiso dadweynaha Soomaaliyeed iyo in ay PL iyo soomaaliya ka shegto dicaayad iyo warar been ah oo aaney hubin. 

General Cali Ismaaciil oo ah nin danaysiga ku rasan, siciid Irbad oo sheegta Suldaan aanse ahayn (Beesha waxa Suldaan u ah garas, waxay tusaale xun u yihiin khiyaamada iyo dhabar jebinta lidka ku ah dadweynaha PL, una hanqal taagey shirka Jabuuti in ay hunguri ka doontaan General Cali iyo Siciid Irbad, markii ay ku fashaleen in ay tagaan Jabuuti, waxay ku andacoodeen in ay u socdeen baaritaan Caafimaad iyo booqasho dhulka muqaddaska ah ee muslinka, taasina waa fulieynimo iyo cabsi ay ka baqayaan in dadweynaha PL ka aar goosto, waxaae fiicnaan lahayd in ay geesinmo ku si foobaan oo runta sheegaan, ayna dhahaan waa naga xumaatay wax baan damac sanayn, Jabuuti baan tegi lahayn si aan uga qayb qaadano dagaalka Carta iyo Garoowe Xoogaana uga helno.

 

WAREYSIGII GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA GOBOLKA SANAAG AHNA KU SIMAHA GUDDOOMIYAHA GOBOLKA SANAAG. QAYBTII LABAAD.

 

Waxaan uga digeynaa in dadka gacanta kula jira Jarida dhuxusha in ay ka baxaan dhulkaas, haddii ay sidaasi maqliwaayaan wixii soo gaara iyagaa ka mas'uul ah cidii la qabtana maxkamad ayaa la saari doonaa, waxaa kale oo aan uga digaynaa baabuurta dhuxusha gurta oo lagu qabto dhuxul in ay la mid

EEG BOGGA XIGA

Warsidaha Puntland Tirsi 47 Kamiis 6 July 2000 Bogga 7

Ka yimid bogga 5aad

Wareysi lala yeeshay Guddoomiye ku xigeenka gobolka sanaag

yihiin kuwa gaynaya dhirta oo lagala wareegi doono, waxaa go'aankaa ka soo saarnay dhuxusha wadanka dhaxdiisa loo isticmaalayo inay mamnuuctahay oo aan la ogolayn in dhuxul la jaro.

Haddaba baabuurta dhuxusha u qaada degmooyinka iyo Tuulooyinka dhaxdiisa waa la joojiyey oo waxay la mid yihiin kuwa dhoofinaya, sidaas daraadeed yaan cidi isku lugoyn inay dhuxul u doonato Deegaanka Soolka ah ee Gobolka Sanaag.

 

GOLAHA AMMAANKA IYO SOOMAALIYA.

 

Subixii taariikhdu ahayd 29/6/2000, ayaa golaha ammaanka qaramada midoobay u fariistay dood ku saabsan soomaaliya. Kaaliyaha xoghayaha guud ee u qaabilsan arrimaha siyaasadda, Kieran Prendergast, ayaa golaha hortiisa ka akhriyey warbixin ku saabsan dhinacyada siyaasadda, nabadgelyadda iyo heerarka ay marayaan hawlaha kaalmada binii'aadinamadu.

Shirkaas golaha ammaanka oo maalintaas, labadii gelinba ka hadlayey arrimahaas ku saabsan soomaaliya, waxaanu (Haddii Alla idmo) Joornaalkaan Warsidaha, si isbada joog ah idinku soo faafindoonaa, qayb ka mid ah doodihii shirkaas, anagoo ka minguurindoonna hadal qoraalkii shirkaas rasmi ahaan lagu faafiyey oo sumadiisu tahay:- (La press Release-Sc 68834166th).

Haddaba maanta aan ku bilowno hadalkii wakiilka dalka maraykanka u fadhiya golaha ammaanka haweeneeda la yiraahdo Nancy soderberg oo tiri:-

Iyadoo dalka soomaaliya, tallaabooyin saldhig ahi ay ka hirgeleen, haddana waxaa weli hortaagan caqabado u baahan in laga gudbo. Xataa haddii doodaha Jabuuti ka socdaa dhaliyaan wax u eg xukuumad ku meelgaar ah, taasi waxay dib u soo noolaynta soomaaliya ka noqonaysaa hadoodil khafiif ah oo meel kale oo looga leexdo la waayey, in saynsaabka halkaas laga waabaa noqdo, mid wax ku ool ah oo shaqeeya, ahaadana xukuumad sii jirta, cidwalbana matisha, waxaa weeye arrin aan fududeyn. Hirgalka arrinkaasi wuxuu ku xiran yahay soomaalida oo ku wada jirta.

Haddii wax qabad dhab ah oo dalka gudihiisa ah, soomaalidu ku muujiso inay wada samaysteen wax u wada shaqayn kara, markaaasuun keliya ayaa Beesha Adduun weynuhu ka fiirsan kartaa sida ugu haboon oo loo taageeri karo.

La soco qaybta hadalka ka hartay cadadka dambe.

 

AFKEENNU WAA ISU AMMAAN.

 

Naftii-diid:- Waryaa nuxnuxle…bal dowlo iyo camalkeeda ka warran. Afkeenu waa isu ammaan!!!

Nuxnuxle:- Afkeenu waa isu ammaane, waxa la yidhi Wasiirkii Warfaafintu isagaaba gartiisa akhristay oo bustihiisii sii duub-duubtay markii uu dibadaha ku akhriyey digniintii madaxweynuhu yiri ninkii sabab la'aan shaqada kaga maqnaada, tallaabada ku haboon ayaa la qaadayaa!!!

Naftii-diid:- Taadaa war ma hayside, waxaa la yidhi isago sekedii samafalayaasha Islaamka midigta iyo bidixdaba ku jiidaya oo dowladda u walwaalaya madbacaddii ugu casrisanayd ayuu (Dekedda) dhex hadaafayaa!!! Ma se maqashay Wasiirkii ganacsigu in uu Bosooso kula xaajoonayo rugaha ganacsiga ee arla walaayo mid ka mid ah wefdi ka yimid!!! Bal muu isu daayo rugaha, ganacsiga iyagu ha isqaabbileene muxuu u dhex boodayaa???!!!.

Nuxnuxle:- Ooh!!! Waad huruddaaye sow tii lalahaa mar hore ayuu shaqadii rugta ganacsiga iyo shooyin kaleba ku habsaday!!!.

Naftii-diid:- war ii warran adaa Dowlo iyo camalkeeda u war hayee!!! Afleemmi waa usu-ammaane!!!.

Nuxnuxle:- Waxaa kale oo la lahaa afkeennu wa isu ammaane, wasiirkii cusbaa ee arrimaha bulshada durba gudkiisa ayaa biyo ugu galeen!!!.

Naftii-diid:- Hayee!!! Oo ugu geli- okkaa maba loxos bixine !!! maxaa helay!!!.

Nuxnuxle:- waxaa la yidhi markuu ku xiiqay qoraalladii hore ee Wasaaradda ii keena aan raad-raacee !!! wuxuu markii dambe dan u oggolaaday inuu

EEG BOGGA XIGA

 

Warsidaha Puntland Tirsi 47 Kamiis 6 July 2000 Bogga 8

KA YIMID BOGGA 6AAD

 

AFKEENNU WAA ISU AMMAAN.

 

Warbixino badan oo afka ah dhegeysto.. iyagiina uu markii danbe ku xiiqay oo la yaabay isdhaafkooda iyo kala jeedkooda!!!, haddana waxaaba la yidhi baadiyaha magaalada xuddun ayuu nasniin u aaday !!!.

Naftii-diid:- Nasan-okkaa maba loxosbixine!!! Hayee!!!

Nuxnuxle:- Afkeenu waa isu-ammaanee, waxaa la yiri nin nasteex isaga dhigayey ayaa ku yidhi waar raad-raac ha samaynnin yaan lagugu raad raacine ama lagugu raad-qaadine!!! Meeshu Nugaal weeyyee!!! Bal eeg inta xaruntii Sayidkii hore inoo jirto !!! Taleex waatanee!!!.

Naftii-diid:- Alla muxuu la taliyey talo kalama harin ninkaasi ninkaas!!!, u nasteex sanaa!!! Bal nabad gelyo, Baabuur ayaan rabaa inaan raasado, nin aanu qaraabo nahay oo la sheegay inuu Tuulada Tukaraq ku jirran yahay ayaan rabaa inaan soo eego xaalkiisee!!!

Nuxnuxle:- (oo dhoola hadaynaya) warba mahaysidee joog!!! Miyaadaan maqal Wasiirkii Cusbaa ee dhawaan arrimaha gudaha loo qoray inuu yiri ba-Arabay cidaan ahayni, kantoroolka Garoowe xaggaa Las-caanood uma dhaafi karto koontoroolkaba dawladdu kugu haybsanaysaa sida la yidhi……Afkeenu waa isu ammaanee.

Naftii-diid:- yaab !!! oo Puntland taba Wasiirkii cusbaa miyaa kala xiray !!! Cajab!!! Hayee!!! Oo kala xidh!!! Hayee !!!.

Nuxnuxle:- waxaa la ii sheegay kuwii Warfaafinta oo suuqa mushahaarkii ku kala qaadanaya iima dhamma… iyo intaa ha-la-wada-dhin…. Waxaa ka yeedhiya la yaabay.

Naftii-diid:- Bal nabadgelyo, afada oo safarkan igu karkabadaynaysa ayaan u sheegayaa in Puntland-taba la kala xidhaye…. Afkeennuna waa isku ammaan.

 

TAAYADA (EDITORIAL).

SHIRKA JABBUUTI EE

ALIFKUU KA QALLOOCDAY.

 

Xukuumadda Jabuuti, waxay hore somalida iyo adduunweynahaba u maqashiisay, in iyadu leedahay

gogosha shirka Jabuuti keliya ee soomaalida shirka imaneysaa leedahay talada shirka oo dhan……….. shirkaas oo tuulada Carta ka bilaabmay taariikhdii 02/05/2000, waxaa shir-guddoonkiisa lagu soo wareejiyey soomaalida shirka ka soo qayb-gashay taariikhdii 16/06/2000,

waana 45 (Afartan iyo shan) maalmood oo shirku socday kadib…..haddaba isweyddiintu waxay tahay:- Maxaa xukuumadda Jabuuti iyadu kursiga shir guddoonka shirka ugu fadhiyey 45 maalmood oo xiriir ah???!!! Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Jabuuti, muxuu isagu kursiga shir-guddoonka shirka ugu yuururay muddaas aad u dheer???

Muxuu kurisga shir-guddoonka shirka ugu diiday oo ugu wareejin-waayey soomaalida shirka u timid??? Jawaabta runta ahi waxaa weeye:- xukuumadda Jabuuti ayaa rabtay shirka inay u hoggaamiso ujeeddooyin iyada gaar u ahaa, markaasay shir-guddoonka shirka, nafteed mooyee cid kale u aaminiweyday!!!

Arrimaha xukuumadda Jabuuti ay gaar u daneyneysay, dadkii shirka yimidna ay sanka ka gelisay oo ku toshay oo ay iyadu xod xodasho badan, faq habeennimo oo taxan, dan ku-liicsasho iyo qol-xidhan kula xaajoodka,

isdabajoogga ah ay kaga hawl-gashay, waxaa bilow ahaa labadan arrimood:-

oo dad badani qabeen) ee ay wax ku qaybsadaan qaab qabiil (arrintaasna xukuumadda jabuuti ayaa ka lahayd muraad dib ka muuqday).

OGAYSIIS OGAYSIIS.

 

WAXAA LA OGAYSIINAYAA DHAMM-AAN WADAYAASHA GAADIIDKA DADWEYNAHA IN AY DIYAAR YIHIIN OO AY XAFIISYADA PRA, EE WHG GAADIIDKU DIYAARISAY LIISAMADA WADDIDA GAADIIDKA OO DARAJOO-YINKA KAL DUWAN LEH, LANA GO'AAMIYEY LAGA BILAABO 08/7/2000 IN SI RASMI AH OO SHARCIGA WAAFAQSAN LOO SIIN DOONO WADAYAASHA.

SIDAAS AWGEED, DHAMMAAN WADA-YAASHA GAADIIDKA DADWEYNAHA EE EE DAWLAD GOBOLEEDKA PUNT-LAND EE SOOMAALIYEED WAXAA LAGU WARGELINAYAA IN AY YIMAA-DAAN XAFIISYADA PRA, HALKAAS OO AY LIISAMADA UGA QAADAN DOONAAN SI SHARCI AH.

SIDOO KALE CIIDAMADA NABAD-GELYADA WADOOYINKA WAXAA KA CODSANAYNAA IN AY WADAYAASHA GAADIIDKA SOO WAAFAJIYAAN SIDA UU QABO SHARICI LAM 7, IYO XEERKA NABADGELYADA WADOOYINKA.