Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

 

Warsidaha Puntland

Tirsi 48

9 July 2000

Garowe - Puntland

______________________________________________

Warsidaha Puntland Tirsi 48 Axad 9 July 2000

Waa Warsidaha PL oo ay Todobaadle 2 jeer soo saarto Wasaaradda Warfaafinta ee ka soo baxa Garoowe

Tirsi 48 9 July 2000 Axad Dawlad Goboleedka Puntland ee Somaliya - Qiime 2000 Sh.So.

___________________________________________________

 

  

T U S M A D A C A D A D K A

 

__________________________________________________ 

 

XAFLADO XILWAREEJIN AH OO KALA DHACDAY XARUNTA GOBOLKA BARI IYO XARUNTA QAYBTA BOOLIISKA GOBOLKA BARI.

Xaflad balaaran oo xilwareejin ah ayaa lagu qabtay xarunta Gobolka Bari ee Bosaaso, taariikhdu markay ahayd 5/7/2000, xafladaas oo ay xilka kula kala wareegayeen Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari Mudane Maxamuud Caynab iyo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Bari Mudane Cali Ciise Cali, guddoomiyihii hore oo halkaa ka hadlay wuxuu ka warbixiyey Xaalada Deegaanka iyo nabadgelyada, isagoo warbixindheer ka bixiyey kagana waramayey xaalada Gobolka, Qorsha u yaal iyo mashaariicda uu qabtay wixii qabsoomi waayey iyo dhibaatooyinkii ka hor yimid, wuxuuna mahad naq u soo jeediyey shaqaalaha iyo dadweynaha Gobolka sida wanaagsanayd ee ay ula shaqeeyeen, waxaana hadalkii qaatay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Bari Md Cali Ciise Cali oo isagu ka codsaday shaqaalaha iyo dadweynaha in ay gacan ku siiyaan sidii ay u gudan lahaayeen masuuliyada la saaray.

Waxaa kaloo isagana halkii kula wareegay taliyaha cusub ee qaybta ciidanka Booliiska Gobolka Bari G/shaanle Cabdi Yuusuf Muuse isagoo kala wareegay taliyihii hore ee qaybta ciidanka Booliiska Barin G/Sare Abshir Cabdi Jaamac wuxuuna ka warbixiyey xaaladii uu soo maray tan iyo intii uu hayey xilka qaybta Booliiska G/Bari.

Munaasabadahaas waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga Md

C/qaadir Islaan Maxamed, Masuuliyiin iyo dadweyne aad u farabadan.

 

GOLAHA AMMAANKA IYO SOOMAALIYA (Qaybtii 2aad)

 

Annagoo si taxane ah idiinku so bandhigeena doodihii golaha ammaanka ee 29/6/2000 , waxaan maanta halkaan idinku soo gudbiJnaynaa qaybtii labaad ee hadalkii wakiilka Maraykanka Qaramada midoowbay u fadhiya Nancy Soderberg ay shirkaas ka jeedisay, waxayna tidhi:-

Iyadoo maanka lagu hayo in lagu fashilmay in badan oo hore la isugu deyey hawl la doonayo in Somalia dib loogu dhiso, ayaa dalkan America wuxuu diyaar u yahay in uu ka qaybgalo hawlaha ku salaysan kobcinta iyo riddada dheer ee laga rabo in dib-u-dhiska Soomaaliya laga bilaabo hoos laguna saleeyo maamul goboleediyo shacbigu samaystay.

Hawlqabadka noocaas ah ayaa laga qabikaraa rajo fiican oo lagu fisho in lagu abuuro soomaaliya deggan, oo sal adag, demoqraadina ah, waana tan ku habbon in hawsha Carta lagu hayo loo jaheeyo.

Dalka maraykanku, wuxuu kalmadiisa ku jaheeyey qaybaha ay ka jirto xassiloonida la qadderin karaa oo ay ku jiraan Somaliland iyo Puntland.

 

____________________________________________________________ 

 

Somali Historical Society of North America.

Press Statement

Boston, MA

(June 30, 2000)

 

To: H.E William Jefferson Cilinton President of the United States of America.

US Senator Jesse Helms, Chairman, Committee on Foreign Relations

Massachusetts Congressional Delegation

USA Embassy, Djibouti

USA Embassy, Nairobi

European Union Heads of State and Government Brussels

UN Secretary General New York, NY.

Mr. David Stephen, UN Secretary General Representative

IGAD Heads of State and Government

League of Arab States

Organization of Islamic Conference (OIC)

Cc: Puntland State Government of Somalia

Puntland Civil Societies

Somaliland State Government of Somalia

H.E. Ismail Omar Guelleh, President of Djibouti Republic

Republic of Djibouti Embassy, Washington DC

The Wall Street Journal

The Boston Globe

The bay State Banner

World Media Organizations.

 

RE: RISKS POSED BY THE EXILE LED DJIBOUTI PEACE INTIATIVE FOR SOMALIA.RISKS POSED BY THE EXILE INITIATIVE:

 

We believe the direction of the exile led Djibouti peace Initiative for Somalia threatens to destroy the peace and progress being made in the Recovery Zones of Somalia. The so-called "peace initiative" process is being headed by Somali exiles in Djibouti who actively participated in and benefited from the Siyad Barre regime that destroyed Somalia. If permitted to prevail, this exile group will use the so-called "peace initiative" to destabilize Somalia and private investment initiatives being made in Puntland and Somaliland. The attempt by exiles to appoint a transitional government-in-exile is a back door attempt to regain power. BACKGROUND ON THE EXILE LEADERS: The exiles leading the Djibouti Peace Initiative for Somalia consist of people who held high portfolios in the late Siyad Barre dictatorial regime, the most tyrannical regime in the history of Somalia. The Djibouti-based exiles have handpicked a group called the "Civil society" from the ranks of individuals who paved the way for the Country's civil war and who are actively making it possible to wage wars today. These individuals are the brains and the financiers behind the in extinguishable flames in Mogadishu and environs. In the previous regime, they were the ones who looted the nation's wealth.They were responsible for the rape and the wholesale torching of cities, villages and destroyed water wells in the Somalia central and northwestern regions, and unfortunately these are the same individuals nominated by the exile led group to chair of the committees to disarm warlords and armed factions are none other than the Generals who for the later years of Siyad Barre regime were commandeering members of the Somali Armed Forces responsible for the KILLING FIELDS and wholesale torching of Somali central and northwestern regions. They have practically leveled towns and villages and in the process killed thousands of innocent children and women. The have given to their conscripts to burn, loot and rape anyone in the territories of the "undesirable clans".  

THREATENED PROGRESS AND HOPE IN SOMALIA: Today, Puntland and Somaliland are laying the foundation of the Somali Nation, and the international Community has acknowledged their efforts, here is one example:

The UN General Secretary's concern with the lack of government in Somalia observed in his report- GENERALS/1999/882 16 August-"As a country without a national government, Somalia remains unique, "but acknowledged the, "fact that administrations in some part of the country, notably in northwestern Somalia (Somaliland) and northeast Somalia (Puntland), have began to provide some basic services to their people "He continued this move towards decentralization is fueled by the need to survive. The International Community therefore, needs to support economically these regions. We must reward those who have made serious efforts to restore security and peace to protect human rights."

Puntland and Somaliland have attempted to reconstruct their previously meager infrastructure and they have made great strides towards tangible development. The recovery Zones today represent bright stars in otherwise gloomy African State failures. Freedom of speech is prevalent. Most businesses are private and are run by bright, young locals and western educated repatriates, they are young men and women of all strides. Today, by product of private investments, all major cities in the Recovery Zones are proud to have on of the best Landline Telephone System and Mobile Telecommunications Technologies in the whole of Africa. In April, the first Internet Server with 56k V90 Modems were placed in Bosaso, Puntland other Internet projects are in the works for other cities in the Recovery Zones.

Through individual business collaborations and associations of individual venture funds, these technologies are bought from USA and European companies, they have built small-scale industries of which the exports go all the way to Djibouti, Kenya and beyond, the UN and/or any other Government did not contribute to the finances of these private projects.

Accountable governments are not the hallmarks of Africa, including the Djibouti Republic. In Foundations of that Federal System is inarguably now functioning in Puntland and Somaliland. We urge the international community not to head the Djouti-based exiles and international conflict resolution experts daily mantra that if we don't come up with a government, Somalia will disappear from the ace of the earth.

Somalia is alive, well and will soon be the beacon of hope in Africa. The Recovery Zones are the first signs of hope, but lately they have faced significant political attacks and ideological challenges, in essence, what we have seen from the Djibouti-based exiles is the unfortunate reversal of the intentions of the World Community. This reversal is misguided and dangerous to the progress being made inside the count4ry by the Somalis who have remained and returned home to build for a brighter future.

A CALL TO ACTION: We urge the international community to seriously examine the direction of the Djbouti Peace Initiative for Somalia to prevent it from destroying the progress being made in the country. We also urge the World Community to examine the facts in the Recovery Zones, especially the progress in Puntland and Somaliland and not to be misled by the seemingly rosy statement from the Djouti-base exiles and delegates; finally, we encourage the international community to trust the Somalis, especially those in the revovery Zones, to bring all Somalis together and work on the foundations of a Federal System that will bring lasting peace and prosperity in the Horn of Africa.

We thank you very much,

 

J. Shaadali Abshir

Executive Director

Somali Histroical Society of North America ("SHASNA")*

SHASNA is an advocacy group based in Boston, Massachusetts. It stands for the unity and peaceful coexistence of the Somali people, it supports the creationf of a Federal System of governance to safeguard the emerging free markets of the Recovery Zones. SHASNA encourages corporate and individual investments in the Recovery Zones. It has presence in both Puntland (Bosaaso, Garoowe, Burtinle, Bacaadweyn and Gaalkacyo) and Somaliland (Hargeysa, Berbera and Burco).

BOSTON, MA

EMAIL: Shantasomali @aol.com

Submitted by SHASNA

JULY 6, 2000

_________________________________________________________

 

 

 

TAARIIKHDII CAASIMADII HORE EE SOOMAALIA

XAMAR (1300-19991) (waxaa qoray Dr. Yaasiin Faarax Cartan)

 

Taariikhda Xamar ama Mugadhisu, wey dheertahay magaalooyinka Africa ee Casimada wey ka da weyntahay, markii laga reebo Qaahira, waayo inta kale isticmaarkii baa sameeyey sida la ogyahay ilaa 1000 sano bey dhsantahay, markii u yimid IBNU-BOTULO (13000 Taariikh Milaadka), waxa u la yaabay:-

Aqoonta diinta Islaamka

Ilbaxnimada.

Tijaarada.

Heerka Nolosha.

Ibnu-Botula Bugiisa buu ku qoray, xeeba badan oo Somalia ayuu maray ay ka mid yihiin (Marka, Brave) Magaaladaasii qaabab badan beysoo martay, wakhtigaas waxaa uu sheegay badmareenkaasii in dahab lacag laga isticmaalijiray dadka meesha degan waxa ay ahaayeen Benadiri (dad muslin ah oo ka yimid Iran iyo Jesirada Carabta) dadkaas Xamar weyne iyo shingani degan magaladu. waxa ay lahayd 4 irdood, laa soo galo, subaxdiina waa la furijirey, makhribkiia waa la xirijirey, taas macneheedu wuxuu ahaa qofkii aan reer Banaadir ahayn (ILBAX) lama ogolayn in uu ku baryo.

1870, shirkii Baarliin waxaa Banaadir (Socialia Sud) la siiyey Talyania oo si khiyaane ah turkigii haystay uga ijaartay isagoo shirkad ganacsi ah ku soo qariyey (Socita Merittimo Italiania) waxaana u ku gatay, muddo  

ka dib 1920 3,000,000 oo liiraha Talyaaniga.

Burburo badan bay soo martay Mogdhisha, waxaa jiray dagaalo badan oo ka dhacay oo socday 40 sano.

Marna waxaa ka talinjirey oo qabsaday, intaan Turkigu ka qaadin Suldaanka gelediga ee Afgooye.

1967, markii uu ku yimid booqosho Madaxweyne ku xigeenka Mareeykanka Huphert Humphery oo u ku soo dhaweyey garoonka Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaarke Madaxweynihii hore ee Mareykanka waxay Joornaladii markaynaka qoreen: Humphery in the Dusty City (wuxuu tegey magaaladii boorka badneyd)

xamar dembi maleh, ee waxa dumiyey dad aan wax garad ahay. Xamar ha la xaalmariyo Axmed Naaji, waxa uu ula jeedaa "Kuwii aan irida ka xiran jiray Basaso galay dawlad ka celisane wey weyday! Waana dhacday taariikhda dad baarbari (Juhala), in ay magaalooyin soo galaan oo gubaan oo badalaan waxay ka dhacday (Rooma, Baqdaad, Dimishiq, ATene), nasiibdarada labaad ee Xamar ku timid waxa weeye 1,000,000 oo degana oo wax yiqiin oo tijaaro ku haystay baa ka guuray. Marka yaa dhisaya, yaa sharafteedii kor u qaadaaya yaa nalkii ilbaxnimo u shidaaya, ma in uu soo bililiqeysto baa? Kaas intee sano bey ku qaadaneysaa in uu garto magaaladaani waa caasimad (to understand this the capital of Somalia), muddo hore wixii ka horeeyey 1924 Xaafuun baa ahayd, Xamar Goboladan Puntland qaybtood (W.Bari) waxaa ay aadayn markii Boqorkii lagala wareegay xukunkii, Obbiano Kennadeed laga qabsaday Maxaaabistii Goboladaan laga qaaday, guryaha waaweyn ee Xamar ayaa Fascistigii mussallini ku dhiseen sida (Kiesada, Cusbitaalada Rava) Talyaanigii Fascistiga ahaa, waxa uu damcay in uu soomaaliya caasumad u sameeyo guddi tiknko ah buu u diray labo magaalo beysoo bandhigeen: Afmadow iyo Buulo-Bart midba waxbaa lagu reebay Af,adpw biyo la'aan baalagu reebay Bulobarde Kaneeco.

Haddii aan rabno in aan caasumad soomaali heshiis ku nqono waa in guddi loo saaro oo meshii ku haboon loo gartaa shuruudaha loo baahandoono waxay noqonayaan.

waa in aan qabiil sheeganeyn.

in aaney gobolna ku tiirsaneyn.

waa in ay xeer gaar ah leedahay.

waa in cimilo wanaagsan leedahay.

(Qaybta hadhay kala soco cadadka dambe) 

 

MARIN HABAABINTA SHIRKA CARTA YAA KU EEDAYSAN

Shirka Carta ee Dawladda Jabuuti abaabushay oo bilowgiisii lagu sheegay shir nabadeed oo Soomaali u horseedaya Heshiis, Midnimo iyo qaranimo, una gogol xaaraya xal dhammaan dhibaatooyinkii ka dhashay dagaalkii sokeeye, waxaa laga filayey in dawladda Jabuuti shirka ku hoggaamiso waddo toosan.

Shacbiga Jabuuti iyo shacbiga soomaaliyeed walaalnimo , derisnimo, dhaqan, diin iyo luqad ayey wadaagaan halgankii Jabuuti Dawladdii Soomaaliyeed hiil iyo hoo waxba kalama harin.

Dawladda Jabuuti oo dhalatay 27-6-1977, Jamhuuriyadii Soomaaliya waxay u ahayd garab iyo gaashaan, labada shacab Soomaali iyo Jabuuti waa ogyihiin waxay isu yihiin iyo waxay kala mudan yihiin.

Marin habaabinta shirka Carta kuma eedaysna dadweynaha Jabuuti ee waxa ku eedaysan kuwa ula dhaqmay Soomaalida sidii dad aan tashan Karin in loo taliy mooyee oo aan fekeri Karin oo aan danahooda gaarka ah iyo aayatiin kooda masuul ka nqon Karin Eedaysanayaashu waa kuwa na dhahay maamulkiina burburiya meeshii laga rabay in ay dhiiri geliyaan in maamul laga dhiso gobolada aan lahayn, waa kuwa na dhahay madaxda aad doorateen ha aqoon sanina iyo Isimadiina si ay iagu noogu magcaabaan madax dalal shisheeye qoxooti ku ahaa, kuwa arki jire doon ah oo daladdii hore ka tirsanaa iyo kuwa jagooyin doon ah.

Danaystayaasha noocyadaas ah oo madaxda Jabuuti dhaxboodayaan, u roonaan lahaydaa in ay ka fara dhaqdaan ceebta ay gacmaha kula jiraan, kolley haddii ay caddatay in u jeedadeedu tahay dib u hurin dagaalkii sokeeye ee soomaaliya gaar ahaan meelaha beelaha deggani aaney maamul wel dhisan iyo in ay maamulada la doortay weeqaan, haddii kale taariikhdu, waxay qori doontaa in canaasirta ku shiraya tuulada Carta ay ku xadgudbeen xuquuqda ayaa ka talinta dadweynaha Soomaaliya si ay u badheedhana u colaadiyeen. Prof. Maxamuud Ismaaciil C/raxmaan

 

WAR CAD OO KA SOO BAXAY URURKA SPM.

Anigoo ku hadlaya Magaca Ururuka SPM:-

Waxaan cadaynayaa in Ururka SPM uusan diidanayn kana soo horjeedin dib u dhisid Qaran Soomaaliyeed, balse aanu diidanahay habka loo marayo ee ay u waddo dawladda Jabuuti Dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-dhisidda Qaran Soomaaliyeed.

Qof kasta oo Soomaali ah waxa uu maanta raali ka yahay soo celinta sharaftii iyo qaranimaddii soomaaliyeed balse sidee loo helayaa dariiqeese loo marayaa?

Yaa xumeeyay Hargeysa oo xaal marinaaya?

Yaa xumeeyay Muqdhisha oo xaal marinaaya?

Yaa xumeeyay Kismaayo oo xaal marinaaya?

Yaa xumeeyay Gaalkacayo oo xaal marinaaya?

Sidii aanu horayba u sheegnay kama qayb galayno shirka Carta ee Jabuuti sababaha soo socda awgood oo aanu hore ugula talinay Dawladda Jabuuti iyo Madaxweyneheeda, balse ay iska dhega tirtay.

shirka oo lagu deg degay iyadoo loobaahnaa in hawlo badan la qabto shirka ka hor.

Dhulalka lakala haysto oo aan marka hore xal laga gaarin.

la tashi lala samayn Madaxda Ururadda, kuwa maamulada, iyo Madax dhaqameedyada iyo dhammaan kuwa bulshada ee Gobol kasta shirka ka hor.

iska yaaca ka soo qayb galayaasha shirka oo aan u qoondaysnayn mid Gobol ama (Zone).

Waxaa la wada ogsoonyahay waxa laga wada hadlayo ma'aha wax yar mana sahlana, in xaqiiqada layska indho tiro maha waa in laysweeydiiyaa yaa ku dagaalamay Soomaaliya, sideese loo dagaalamay? Sidii loo dagaalamay waa in loo wadahadlaa waxna loo qaybsadaa hadii kale hadal iga dheh.

Sidaa awgeed kama qayb galaynno mana aqbalaynno natiijada shirka Carta wa kastooy tahay. Ummadaha middoobay waxaan u sheegaynaa in ay ka fiirsato xaaladda Ismaaciil Cumar Geelle ee Soomaaliya, Guud ahaan, waxaana ka codsanaynaa Dawladda Jabuuti in ay naga joojiso dagaal dambe siduu markale uga holci lahaa somaaliya, sidii dhacday 1991dii oo shirkii ugu horeeyey ee lagu qabtay Jabuuti la wada ogyahay wixii uu dhalayIsmaaciilna waxaan shaqsi ahaan oran laha hanagu samaynsamayn (Warlords cusub).

General Aadan C/aali Nuur Gabyow.

Guddoomiyaha Ururka SPM. 

 

ASSALAAMU CALAYKUM (BOOSTADA AKHRISTAYAASHA)

XAALMARIN JANARAALKA IYO SULDAANKA.

Ku: Tifitiraha Sare ee Warsidha,

Cabdi Bashiir X. Maxamuud.

Salaan diirran ka dib, sida aad la socotid, waxaa cabasho laga keenay maqaalkii uu cadadkii hore ee Warsidaha ku qoray Prof. Maxamuud Ismaaciil C/raxmaan cinwaankiisuna ahaa (Been iyo Fulaynnimo) sida aad la socotid, cabashadu waxay ku salaysantahay in maqaalkaas ay ku jireen erayo ah cay lagu caayayo shakhsiyadda General Cali Ismaaciil iyo Suldaan Siciid Irbad, sida erayada ah: (Siciid Irbad oo sheegta Suldaan aanse ahayn) (General Cali Ismaaciil oo ah nin danaysiga ku rasan), (shirka Jabuuti in ay ka doontaan hunguri General Cali iyo Siciid Irbad).

Sida muuqata maqaalka ma aad akhriyin oo malaa professorka ayaadan burkiisaba belaayo ka filan hadaba, anoo cabashadaas u arka mid gar ah, mar haddii maqaalka Aadan ku saxiixin Magaca Prof. Maxamuud, dhaqanka saxaafaddu, wuxuu masuuliyada maqaalkaa saarayaa tifitiraha sare ee Joornaalka.

Sidaas darteed, haddii Aadan Profka. Ku raacsanayn erayadaas cabashada abuuray, waxaa gar laguugu leeyahay in aad faafinta erayadaas ka bxisid xaal marin (Apology) Joornaalkana ku soo qortid.

Axmed Sh. Jaamac

 

SOOL IYO SANAAG IIB MAAHA.

Joornaalka (SAHAN) ee Bosaaso ka soo baxa, wuxuu daymada Cadadkiisii 193 ee soo baxay 3/7/2000 ku tibaaxay inay socoto dhexdhexaadin Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Somaliland ay ku kala iibsanayaan Labada Gobol ee Sool iyo Sanaag, baayacaaddiina ay socoto….. Hadaba, Joornaalka SAHAN oo aannu filayno inuu arrintaas uga jeeday abuurid xiisad iyo xasarad, waxaan qabaa Joornaalka SAHAN maqiimayn dadka reer Sool iyo reer Sanaag, marka uu ku matiley xoolo saylad tuban oo la kala baayacanayo… waxaan leeyahay SAHANOOW Sool iyo Sanaag iib ma'aha

(Faadumo Cali Laascaanood)

 

KITAABKA BISHAN KITAABUL-CIBAR JUSKA 1AAD, FASALKA 4AAD BADOWDA AYAA ILBAXA KHAYRKA UGA DHOW.

 

Haa badowda ayaa ilbaxa uga dhow khayrka… sababta oo ah… nafta bani aadmiga marka ay ku joogto saafinnimadii horey ee ilaahay ku abuuray oo aanayweli ku malaasmin dhoobada magaalada, waxaynaftaasi u dhowdahay marada nadiifta ah oo haddii sibaaqa khayrka la mariyo si fiican u qaadaneysa; arrintaas oo ku arooraysa xaddiiskii Nabiga (SCWS) ee ah:- (Ilmo kastaa wuxuu ku dhashaa isagoo weel u ah samaha, ee waalidkiisa ayaa yuhuudnnimo

uduwa ama nasraannimo u duwa)

Reer magaalka ilbaxa ah waxaa bata noocyada macaanka iyo raaxada nolosha ee uu kala beddelayo.

Nafta bin'aadamiga markasta oomacmacaanka iyo raaxada dunida loo kala baeddelo, waxaa sii bata baahiyeheeda iyo cirteeda, waxayna ka fogaataa saafinnimada iyo xalnnaanta, waxaana raawisooba dareenkeeda iyo jowharteeda, waxaana sii bata damaceeda adduun iyo dano laaceeda, markaas ayaa reer magaalka ilbaxa ahi yeeshaa oo isticmaalaa tabo iyo xeelado ku dhisan leexleex iyo qalqalooc oo uuku raadinayo rabitaannadiisaa adduun ee kala duwan, iyadoo badowga bahidiisa nololeed koobantahay; sidaas darteed badowda ayaa ilbaxa uga dhow khayrka. Waalaahu aclamu

QEEXINO

Profossoorkii Dhaqaalaha:- waxa-ad qeexdaa macal-qabad.

Ardaygii dhaqaalaha:- Waa dillaalka Xoolaha ku dillaala sayladda.

Profossoorkii:- Siyaasiguna?

Ardaygii:- Waa dillaalka dadka dillaala.

Professorkii:- Qeexiddaada labaad waa khalad 

 

TAAYADA (EDITORIAL)

BEENTII JABUUTI RUN DHALIWEYDEY.

 

Bilowgii nuskii danbe ee bishii July sanadkaan ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Md Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu warbaahinta u sheegay inaan Baarlamaanka Soomaaliya ee Carta lagu sameynayo, lagu dooran-doonin qaabka qabiilka ee lagu dooranddoono qaab deegaan ciddii arrimaha Carta xog-ogaal u ihi ma rumeysan codkaas, madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, waxayna u arkayeen arrin lagu qaboojinayo biyo-diidka ka jira shirka Carta iyo arrinta qabiil wax ku qaybsiga oo xisaddeedu degweyday, hase yeeshee durba ayey caddaatay in hadalka Ismaaciil Cumar Geelle ahaa keliya Indho-ciid kaga shub; ka dib markii axdigii la diyaariyey lagu soo cadeeyey in baarlamaanka ah ina Carta, beelo (Qabaa'il) ku salaysnaan doono ee aan lagu salayndoonin deegaan, arrintaas oo kashiftay wixii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Isku dayayey in uu muddo yar qariyo; taasoo ah in buluuluxa Carta qabiil ku salaysnaan doono Alif ilaa Ya', taasina aribitaanka Xukuumada Jabuuti oo arintaa muraad gaar u ah kaleh cidwalbana hadda u caddaatay in beentii Jabuuti run dhaliweyday. 

 

SUUGAAN

Raaxaada Hargeysiyo Berbera Ruushan ha u hadho e,

Nin Raqdii Sarkaallada ogaa uma riyaaqeene,

Anna Ruun kalaan dayanayaa Ruxantay laabtiiye (Nin baqay o Hargeysa Jooga).

Mar uunbuu dib uga qoomamoon dibad nin raacaaye.

Duullane Rafleba waa kaa tegey Daarihii Xamare (Adan Carab).

Masallaha Nin kaan ii dhigayn Kayga uma meersho.

Ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho (nin Garowe Jooga).

Haddaan Bari xistiga dayn.

Badhanina Saluug dayn.

Nugaali uur bugtada dayn.

Isbooxbooxa Mudug dayn

Soolku laba Boglayn dayn.

Buuhoodle Guluf dayn.

Puntland tuhun ha wada haysee.

Batar kayga ii tuma.

(Gabadh Cayaartooy ah) 

 

AFKEENNU WAA ISU AMMAAN.

 

DIIDANE:- Waryaa Nuxnuxle bal ii warran Afkeennu waa isu ammaane!!!

NUXNUXLE:- Maxaad iwaydiinaysaa akhriday Joornaalka SAHAN ee sheegay in Sool iyo Sanaag la kala baayacanayo Afkeenu waa isu ammaane!!!

DIIDANE:- oo wax suurta gelikara miyaa arrinkaas akhriyaye, Afkeenu waa isu ammaane!!!.

NUXNUXLE:- Boowe, Ciddan Harti uma cusba, dhul/dhan iyo waxa ku duljoogoo dhan oo mark keliya la wada faasaxo.

DIIDANE:- Waxyaab leh ayaad sheegay saal cajaa'ib waad sheegi jirtaye !!!!

NUXNUXLE:- oo meeday Jasiiraddii weyneyd ee Soqaddara!!! Miyaan iyada iyo wixii Ilaah ku dulbeeray oo dhan, dad iyo duunyaba maalin la wareejin oo la fasixin!!! Afkeenu waa isu ammaan.!!!

Maxaase hadda Jabuuti lagu kala baayacanayaa!! dhul iyo wixii u soo hoyda sow maha!!!