Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

 

Warsidaha Puntland

Tirsi 50

16 July 2000

Garowe - Puntland


Warsidaha Puntland Tirsi 50 Axad 16 July 2000

Waa Todobaadle 2 jeer ay soo saarto

Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland

 


T U S M A D A C A D A D K A

 


 

 MARWADA MADAXWYNAHA PL OO XIRTAY TABABAR.

 

Marwada Madaxweynaha PL Marwo Xaawo Cabdi Samatar ayaa 13/07/00 xirtay tababar soconayey muddo dhan lix usbuuc kaasoo ka socday Dugsiga sare ee Garoowe.

Tababarkaasi oo furmay 06/06/00 socdayna ilaa 13/06/00 waxa ku baranayey Haween dhan 210 waxaaana soo qabanqaabisay Ururka Mideynta Haweenka Soomaaliyeed SWRU.

Haweenkaasi xirfadaha ay halkaasi ku baranayeen waxaa ka mid ahaa.

Midabeynta Dharka.

Karinta cuntada Dabla'aanta ah.

Iyo Casharro ku saabsan Caafimaadka iyo Gudniinka ficooniga ah.

Xafladdii xiritaanka ee halkaasi ka dhacday waxaa markii ugu horreysay hadallo ka soo jeedisay Guddoomiyaha Ururka Mideynata Haweenka Soomaaliyeed SWRU Marwo Boosteeyo Saciid Yuusuf. Waxayna ka hadashay Ahmiyadda ay Haweenka u leeyihiin tababarada noocaan ah, waxayna sheegtay in ay socon doonaan. Ka dib waxaa hadalkii qaatay Mr. Daglas oo ka socday Ururka RFW oo macallimiinta tababarka wax ka bixinayey u ahaa madax, waxaana uu u hambalyeeyey Madaxda iyo Haweenkii tabarkaasi dhama-ystay. 

Ugu dambayntii waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey Marwada Madaxweynaha DGPL Marwo Xaawo Cabdi Samatar waxayna uga mahad celisay Ururka Midaynta Haweenka Soomaaliyeed, sidii ay usoo abaabuleen hawshaas kartidii iyo dulqaadkii ay sameeyeen, dhammaan Haweenkii tababark-aasi u dhamaaday waxay kula talisay in ay iyaguna uga faa'iideeyaan kuwa kale ee aan nasiibka u yeelan in ay tababarkaan qaataan, waxayna gudoonsiisay Shahaadooyinkii ay mutaysteen.

Munaasabadaas waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Kalluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Dekadaha Md Cali Ismaaciil Cabdi Giir iyo Agaasimaha Guud ee Waxbarashada ee Wasaaradda Arrimaha Bulshada C/laahi Axmed (Bulqaas) iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Md Yuusuf Macalin Ibraahim iyo Madax sare oo ka tirsan Maamulka Puntland.

 

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA IYO AMNIGA OO WELI KORMEERAYO GOBOLKA BARI. 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga Md C/qaadir Islaan Maxamed iyo wafdigii uu hogaaminayey ayaa weli kormeeraya hawleed ku kala bixinayo Gobolka Bari, isagoo u kuur galayo xaalladda nabad gelyada iyo xasilloonida, waxaana weli u socda hawlihii kormeerka iyagoo meeshii ay tagaanba uga waramaaya isbadalada laga sameeyey Wasaaradda.

Wuxuuna la kulmay Nabadoonada iyo Waxgaradka ku dhaqan Gobolka Bari isagoo uga waramaya xaaladaha isbadalada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, wuxuuna ka codsaday Nabadoonada in dadweynaha iyo dawladdu ay u dhaxeeyaan Nabadoonada taasoo uu u sheegay wixii ay tabanayaan dadweynaha in ay u sheegaan nabadoonaddu waayo dadweynaha iyo Dawladda waxaa u dhaxeeya waa nabadoonada dadweynaha waxay tabanayaan waa in ay soo maraan nabadoonadoodda

 

WASIIRKA GANACSIGA IYO WARSHADAHA OO SHAQO UGU BAXAYDHINACA HAWDKA.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warsha-daha Md Axmed Cabdi Xaabsade iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shaqo ugu kicitimay dhinaca hawdka ee Gobolka Nugaal, Wasiirka iyo Wafdigiisa oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Md C/laahi Xasan Faarax, iyo Mudanayaal ka kala socda Baarlamaanka Gobolka Sool iyo Nugaal, taasoo ay soo eegayaan xaalada dadka ku dhaqan dhinaca Hawdka iyo arrimaha nabadgelyada.

 

BAABUUR BOOYAD AH OO KU BURBURAY QARAX DAB AH. 

Gaari Marsheedis Beenis noociisu yahay oo 10 tan ahaa ayaa dheegii ilaa caqaayadii ka burburtay waxaana ka dhashay qarax iyo sanqar aad u lixaad weyn oo khal khal iyo naxdinba ku abuurtay shacabka Magaalada Laascaanood duhurkii Axadii.

Khasaarahaan oo si lama filaan ah ku dhacay waxa uu ka dhashay hawl lagu alxamayey Booyada iyada oo doboolnayd cabaar ka horna laga shubay naafto ay siday. Cabur iyo cadaadis kulka alxanku sababay ayaa ayna la kala gogoday Booyadii iyo qaybo isleh oo baabuurka ka mid ahaa.

Ninkii alxamayey Gaariga ayaa dhulka kula soo dhacay moojad kor u xambaartay ka dib dhaawac aad halis u ahaa halkaas, waxaana loo qaaday Isbitaalka ka dibna uu halkaas ku geeriyooday.

Labo Gaari oo hareeraha ka kala yiil Baabuurka qarxay ayaa dhaawacyo ilaa muraayadahoodii ay la burbureen soo gaareen. Ganacsade reer laascaanood ah ayaa lahaa Gaarigaas. Qarax xoogan oo kale ayaa ka yeeray habeenimadii saddex beri ka horaysay sanqadhaan saska badnayd isla Laascaanood welise lama aqoonsan waxa sababay qaraxaasi hore. 

 

MUHIIMADA DHIRTU LEEDAHAY. 

Dhirtu waa asaaska nolosha, waayo, nolosha xayawaanka iyo aadanuhuba suuragal ma ahaa teen dhir la'aanteed. Faa'iidooyinka dhirta u leedahay nolosha waa mid aan la soo koobi Karin, taana waxaa daliil u ah meertada nolosha dabiiciga ee koonka aan ku nool nahay, taas oo ka tarjumeysa in haddii ayan dhirtu jirin aysan nololna suurtagal noqan Karin, tusaalle ahaan ma jirto cid aan si toos ah ama si dadban ugu tiirsaneyn dhirta xataa noolaha ilma aragtada ah sida Bakteeriyada, fangaska iwm.

Muhiimada intaa le'eg oo ay dhirtu u leedahay noolaha, waxaa qarniyadan dambe fahmay wadamada horumaray, kuwaas oo had iyo goor isku taxluujija dhowrida iyo xanaaneynta dhirta iyo weliba abuuridda Hay'addo ku shaqo leh ilku heynta dhirta iyo ugaarta cilmi baarisyo badan oo la sameeyey waxaa wax laga ogaadey macluumaad fara badan kuwaas oo ku saabsan faa'iidooyinka dhirtu leedahay kuwooda ugu muhiimsan ay ka mid yihiin.

Sida ay dhirtu cunada u sameysato waxaa laga dhexlay sameynta Borotiin laga qundiyo xoolaha nool, iyadoo la adeegsanaayo hab kiimikeed ah oo la mid ah, kan ay dhirtu cunadeedu ku sameysato, arrintaas awgeed waxaa dhirtu caalamka u aqoonsaday in ay tahay warshada cunada adduunka.

In meeliba meesheey ka dhir badan tahay ka hawo wanaagsan tahay intaa waxaa dheer faa'iidooyin kale oo farabadan oo ay cid walbo taqaan sida:-

Iyadoo cunto ahaan ay hadeegsadaan noolaha xayawaan iyo Aaadamiga.

Iyadoo la harsado, loona adeegsado dhismo, Gaadiid, doonyaha iyo gawaarida.

Waxaa kaloo loo adeegsadaa sameynta alaabta guryaha iyo qalabka xafiisyada.

Waxaa kaloo xusid mudan in dhirtu ay saameyn weyn ku yeelato jawiga, cimilada iyo guud ahaan deegaan kaba taas oo ah in meeliba meesha ay ka dhir badan tahay wey ka roob badan tahay weyna ka carasan tahay haddaba, waxaa haboo in tixgelin weyn la siiyo muhiimadda dhitu leedahay si looga hortago waxaa looga qabto xaalufinta ku soo food leh guud ahaan wadankeena soomaaliya gaar ahaan Goboladeena Puntland oo aad muoodo in ay ugu sii liitaan.

 

NADAAFADDU WAA BILICDA MAGAALADA.

Waxaa waayahan dambe aad iyo aad u kordhay qashinka iyo biyaha wasakhda ah ee lagu shubo dariiqyada Magaalada Garoowe siiba wadooyinka dadku maro, wasakhdaas oo ka timaada Biibitooyinka lagu qayilo iyo meelaha cuntada lagu kariyo ee Buushashka ah, oo caado ka dhigtay in had iyo jeerba ku qubaan meelaha ay ishu qabaneyso markiba sida wadooyinka barxadaha.

Waxaynu ognahay oo cidna aan ka daboolayn dhibaatooyinka qashinka iyo wasakhdu u leeyihiin bulshada, ayna ugu soo dugaalaan jeermiska iyo Bakteeriyada keena ama iyagu dhaliya cudurada waxaa la yiraahdaa oo run ah "Hadba inta qashinku iyo wasakhdu ku jiraan ayaa cudurkuna kuu jiraa". Marka haddii ay sidaas tahay, oo aynaan ku dadaalin waxna ka qaban arrintaas, waxaa imaaneysa waqti aan wax laga qaban karin talana fara ka baxday, cuduro iyo dhibaatooyin fara badanna aynu dhaxli doono, bulshaduna noqon doonto kuwo jiran oo caafimaadkoodii liito.

Haddaba waxaa haboon oo waajib ina ku ah maamul iyo shacbiga inaynu u guntano, sidii aynu wax uga qaban lahayn, dadkana sidii loogu baraarujin lahaa arrintaas.

Waxay ahayd markii magaalada laga bilaabay olole lagu hagaajinayo bilicda magaalada Garoowe 5/9/99 si bilicda magaaladu u soo baxdo, iyadoo la baneeyey wadooyinkii xirnaa dhoobada iyo dhaguxu yiileyna Suuqii weynaa ee waratada magaaladuna lageeyey loona raray Enjida halkaas oo looga dhigay Suuq ay ku ganacsadaan waratadu.

Talaabooyinkaasi waxay ahaayeen kuwo aad loogu bogay, Ammaanteedana waxaa leh Dawlada Hoose iyo Gobolka oo iyagu fuliyay Qorshahaas, haddaba waxaa Dawladda Hoose iyo Gobolkaba ku boorineynaa inay talaabo cad ka qaadaan dadka caadeystay arrimaha aanu soo xusnay oo aan loo naxariisan, ciddii lagu helo iyagoo ku qubaya wasakh Magaalada ama hortoodaba laga helo wasakh in la mariyo abaalkooda.

Waxaa moodaa waayahan dambe in Dawladda Hoose ee Degmadu ka seexatay xagga Daryeelka Nadaafadda magaalada oo loo baahnaa in had iyo jeer kan toroolaan, taasi markii la waayey ayay timid arrintaani, waxaanu leenahay Dawadda Hoose toos.

 

WAREYSI AANU KULA YEELANAY XAFIISKIISA XISAABIYAHA G. MUDUG

Wariyaha Gobolka Mudug Md Bashiir C/raxmaan ayaa waraysi wuxuu la yeeshay Xisaabiyaha Gobolka Mudug Md Siciid Cali Yuusuf Waraysigiina wuxuu u dhacay sidatan:-

WPL:- ugu horayntii waxaanu wax ka waydiiyey hawlaha xafii-skiisu qabto?

Jawaab:- Sida aad la socoto Xafiiskan waxa weeye Xafiiskii Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug wuxuuna fuliyaa Masuuliyadda Wasaarada Maaliyadda ee Gobolkan sida Bixinta kharashyada waa faqsan miisaaniyadda iyo ururinta Dakhliga Dawladda ee Gobolkan.

WPL:- Dakhliga iyo canshuuraha soo xerooda sidee u maamushaan?

Jawaab:- Marka hore waxaanu waa fajinaa Proceture-ka nidaamka Dakhliga Dawligaa dabadeedna waxaanu ku bixinaa kharajyada Dawladda oo waa faqsan sida loo qoondeeyay miisaaniyada Dalka.

WPL:- Waxaad wax nooga sheegtaa meelaha ugu badan ee dakhligu idinka soo galo?

Jawaab:- Dakhliga ugu badan wuxuu naga soo galaa Airport-ka Magaaladan Gaalkacayo iyo (Canshuuraha Berriga).

WPL:- Wax xiriir ah oo xafiiskaagu la leeyahay Xafiisyada laamaha kale duwan ee Dawladda ma jiraan?

Jawaab:- Waa jiraan dhammaan Hay'adaha Dawlada ee Gobolka waxaanun leenahay xiriir wanaagsan waxaanan had iyo jeer iska kaashanaa wixii la xiriira shaqooyinka dawladda.

WPL:- Shaqaalaha Hay'addaha kala duwan ee Gobolka majiraan kuwo aad mushaar siisaan?

Jawaab:- Waa jiraan dhowr Hay'addood ayaan halkan Mushaar ka siinaa, sida shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, Shaqaalaha Garoonka Dayuuradaha iyo Shaqaalaha Idaacada (Radio Galkacayo) intaasaan ayaanu illaa hadda siinaa Mushaar. 

 

WASIIRKA WARFAAFINTA DH, BOOSAHA IYO ISGAARSIINTA OO KA QAYBGALAY SHIRKA MIDOWGA AFRIKA

 

Wasiirka Warfaafinta Dh, Boosaha iyo Isgaarsiinta Md Cawad Axmed Casharo iyo Xubno kale oo wehliya ayaa ka qaybgalay Shir sannadeedka Ururka Midowga Afrika oo lagu qabtay wadanka Togo sanadkaan., Wasiirka iyo Waftiga wehliya waxaa lagu casumay Shir sannadeedka ka socda Lomee ee Wadanka Togo iyagoo ku socday Magaca Puntland.

Iyagoo Shir sannadeedka uga waramay majarahabaabinta Dawladda Jabuuti u isticmaashay Shirka ka socda Dalkeeda iyo dhammaan arrimaha guud ee Soomaaliya siiba dhulka ay nabadu ka jirto Maamuladuna ka dhisan yihiin.

 

TALIYE XIGEENKA CIIDANKA DARAAWIISHTA PUNTLAND OO LA BADALAY.

Warrnagaa soo gaaray dhinacyo ka mid ah Dawladda Puntland wuxuu sheegayaa in Taliye ku xigeenkii Ciidanka Daraawiishta Puntland Md Bashiir Baydan la badalay waxaana lagu badalay oo taliye xigeena looga dhigay Ciidanka Daraawiishta Puntland Korneel Cabdi Cali Shire.Sida warku sheegay.

 

GOLAHA AMMAANKA IYO SOOMAALIYA.

HADALKA WAKIILKA BOQORTOOYADA BRITAIN

Shirii Golaha Ammaanka ee Qarammada midoobay ee taariikhdii 29/06/2000, kuna saabsanaa Soomaaliya, Wak-iilka Boqortooyada Britain (UK) Golahaas u fadhiyaa Sir Jeremy, Greenstock, dooddi-isii uu shirkaas ka jeediyay wuxuu ku yiri:-

Waxaannu wax ka qabnaa howgalka Nabadadeed ee Jabuuti laga wado oo aan cidi ku matalayn qaybo ka mid ah bulshada Soomaaliya, waxaana habboonaan lahayd in ka qaybgalka loo wada dhan yahay, sababtoo ah in loo wada dhan yahay keliya ayuu ku dhalan karaa xal siyaasadeed oo waaraa, dhibaatada dalkaasina ku bogsankartaa.

Wuxuu kale oo yiri:- Cidina yaanay u arkin hawsha Jabuuti ka socotaa inay dhalayso xal deg deg ah oo dhibaatooyinka dalkaa soo afjaraya, waxayse noqonkartaa isku-day ka mid ahaada hawlaha dabada-dheer ee loogu baahan yahay xal-u-raadinta mushkiladda Somaliya.... sidaa darteed ayaa dalkaygu, xukuumadda Jabuuti talo ku siiyay inay hawsha aad uga fiirsato kana yeelato taxaddar badan. 

Haddii xukuumad kor laga soo dejiyo, iyada oo aan si buuxda oo ballaaran looga talo-gelin dhammaan qaybaha arrintu khuseeyso, waxa keliya ee ka dhalan karaa waa dhibaatooyin lagu abaaro meelaha Somaliya ka mid ah ee iyagu dadaalkooda ku abuurtay.

Nidaam u shaqeeya iyo talo ay wax-ku-qabsadaan, sida Gobollada woqooyi.... dalkaygu wuxuu ayiday baaqii xog-hayaha guud ee Qarammadda Midoobay ee ahaa in Hay'adaha Maaliyaddu si garasho ku jirto ula dhaqmaan xaaladda soomaaliya ka jirta ee ugubka ah.

Haddaba tallaabada ugu horreysa ee Hay'adaha Maaliyaddu qaadaan waa inay noqoto in ay is-faham kula shaqeeyaan meelaha abuurtay maamul u dhaliyay xasilooni iyo degganaansho, hay'adahaasoo, isla markaaba hubinaya in Ismaamulladaasi leeyihiin qaab-xisaabeed cad oo muuqda iyo xilqaad maaliyadeed, ka hor inta aanay la gelin hawlo macaammil maaliyadeed hawlaha samafalka Bani-Adamnniadu Somaliya waxay u yihiin halbowle, sidaa darteed dadka ka shaqeeyaa waa inay helaan cid ilaalisa..... waxaa weli Soomaaliya ku qulqulaya hub, haddaba dowladuhu waa inay u hoggaansamaan xayiraaddii hubka ee Golaha Ammaanku Soomaaliya ku saaray go'aankiisii ahaa 733 (1992) 

 

MADAXWEYNAHA UGAANDHA OO KA HADLAY SHIRKA URURKA MIDOWGA AFRIKA.

Madaxweynaha Ugandha Yubeeri Mosafeeni ayaa ka hadlay shirka wadamada Afrikaanka oo ka socda wadanka Toogo, shirkaasi wuxuu ka sheegay in shirka dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed lagu halayn Dawlad ama Urur sida IGAD oo kale, wuxuuna yiri aduunweynuhu waa in ay u midoobaan shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo aan lagu halayn Dawlad kaliya oo adduunka oo dhan meel uga soo wada jeesto xaalada dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed iyo in ay dawladaha shisheeye ee faraha kula jira xaalka soomaaliya ay kala baxaan faragelinta soomaaliya.

Waxa kale oo uu sheegay in kuwo qaarkood ay isgu dhiibayaan ama ay hurinayaan si ay marlabaad soomaaliya uga bilaabmaan dagaalkii sukeeye, waana tii ay Jimciyada Qaruumaha midowbay ay ka gaareen xanibaada Hubka ee soomaaliya.

 

BALAN FIIDNIMO JARMAADYO AROORYO BAYLEEDAHAY.

Markaan dib u milicsano taariikhdii abuuritaanka Puntland, waxaa markiiba maskaxdayada ku soo dhaca, habeenkii fiidnimadii ay dhamaatay doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo saxiixa dastuurka.

Halkaas oo ay ku dhamaayeen Isimada Puntland iyo Ergooyinkii matalayey dadweynaha oo beelwaliba si xor ah u soo dooratay, dhaartii Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka lagu dhaariyey xilkooda, dastuurka dadku dhigtay inay ku shaqeeyaan.

Haddaba waxaa isweydiin mudan in dastuur ka dib loo milicsado loona daayo oo aan loo gacan dhaafin shaqo nin lagu dhaarshay, waxaa eegis mudan, nin kasta oo reer Puntand ah in uu eego waxa saddexda sano ee kala guurka uu dastuurku siiyey Madaxweynaha, Baarlamaanka, Isimada, Dadweynaha lagu dhaqayo.

Markaa ka dib haddii laysweydiiyo yaa awood u leh in uu Puntland ku matalo magaceeda raadin midnimo qaran . haddaba haddii odoyaal. Isimo, Siyaasiyiinba aan u ogolaanay Madaxweynuhu ama Xafiiskiisa in ay taa leeyihiin sida ku cad Qodobka 12.5,II, IV, VII, X Dastuurka. Sow mafiicna marka in aan ku dhaqano balan fiidnimo jarmaadyo arooryo bay leedahay. (Cabdi Qani Ismaaciil Aw-Cismaan) 

HALXIRAALE 

Waxaad sheegtaa magac Wadan Afrika ka mid ah, oo markii xuruufta magiciisu la tiriyo ka kooban 10 xaraf, haddii aad soo qaadatid lambarada 1,2 waxaa kuu soo baxaya Cad, 4,5,6,7 Hanti 1,2,3,9,5,6,7 waxla soo maray 1,5,6,4,8, wax la qaybsaday qaybtood 4,5,6,1, maqaar la magdiyeeyey 1,2,3,7 Gobol ka mid ah Soomaaliya. 9,2,3,1, Qaylo 7,5,6,4,8, wado casri ah 7,5,6,1, meel biyo laga helo, 1,2,3,4,8 cuna qabateen, 4,10,9, bisha shanaad ee milaadiga 4,5,1 bahal wax qaniina 4,2,3,1 biyo qabad ama wax la cuno, 7,8,4, beerta markii laga shaqaynayo, 4,5,6,7,8 xoolo goyn ama dal Afrika ka mid ah, 7,2,3,4,8 Caasumad ka mid ah Afrika 1,5,6,7,8,4 Magac carbeed.

CIDII KA SOO JAWAA-BTA HAL XIRAALAHAAN WAXAY KU SOO HAGAAJINAYAAN XARUNTA WARSIDAHA PUNTLAND EE WASAAR-ADDA WARFAAFINTA DHAQANKA, BOOSAHA IYO ISGAARSIINTA EE GAROOWE. 

 

ASSALAAMU CALAYKUM (BOOSTADA AKHRISTAYAASHA)

XAALMARIN JANARAALKA IYO SULDAANKA.

Ku: Tifitiraha Sare ee Warsidaha,

Salaan diirran ka dib, sida aad la socotid, waxaa cabasho laga keenay maqaalkii uu cadadkii hore ee Warsidaha ku qoray Prof. Maxamuud Ismaaciil C/raxmaan cinwaankiisuna ahaa (Been iyo Fulaynnimo) sida aad la socotid, cabashadu waxay ku salaysantahay in maqaalkaas ay ku jireen erayo ah cay lagu caayayo shakhsiyadda General Cali Ismaaciil iyo Suldaan Siciid Irbad, sida erayada ah: (Siciid Irbad oo sheegta Suldaan aanse ahayn) (General Cali Ismaaciil oo ah nin danaysiga ku rasan), (shirka Jabuuti in ay ka doontaan hunguri General Cali iyo Siciid Irbad).

Sida muuqata maqaalka ma aad akhriyin oo malaa professorka ayaadan burkiisaba belaayo ka filan hadaba, anoo cabashadaas u arka mid gar ah, mar haddii maqaalka Aadan ku saxiixin Magaca Prof. Maxamuud, dhaqanka saxaafaddu, wuxuu masuuliyada maqaalkaa saarayaa tifitiraha sare ee Joornaalka.

Sidaas darteed, haddii Aadan Profka. Ku raacsanayn erayadaas cabashada abuuray, waxaa gar laguugu leeyahay in aad faafinta erayadaas ka bxisid xaal marin (Apology) Joornaalkana ku soo qortid.

Axmed Sh. Jaamac

 

SOOL IYO SANAAG IIB MAAHA.

Joornaalka (SAHAN) ee Bosaaso ka soo baxa, wuxuu daymada Cadadkiisii 193 ee soo baxay 3/7/2000 ku tibaaxay inay socoto dhexdhexaadin Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Somaliland ay ku kala iibsanayaan Labada Gobol ee Sool iyo Sanaag, baayacaaddiina ay socoto….. Hadaba, Joornaalka SAHAN oo aannu filayno inuu arrintaas uga jeeday abuurid xiisad iyo xasarad, waxaan qabaa Joornaalka SAHAN maqiimayn dadka reer Sool iyo reer Sanaag, marka uu ku matiley xoolo saylad tuban oo la kala baayacanayo… waxaan leeyahay SAHANOOW Sool iyo Sanaag iib ma'aha (Faadumo Cali Laascaanood)

KITAABKA BISHAN KITAABUL-CIBAR JUSKA 1AAD, FASALKA 4AAD BADOWDA AYAA ILBAXA KHAYRKA UGA DHOW.

Haa badowda ayaa ilbaxa uga dhow khayrka… sababta oo ah… nafta bani aadmiga marka ay ku joogto saafinnimadii horey ee ilaahay ku abuuray oo aanayweli ku malaasmin dhoobada magaalada, waxay naftaasi u dhowdahay marada nadiifta ah oo haddii sibaaqa khayrka la mariyo si fiican u qaadaneysa; arrintaas oo ku arooraysa xaddiiskii Nabiga (SCWS)

ee ah:- (Ilmo kastaa wuxuu ku dhashaa isagoo weel u ah samaha ee waalidkiisa ayaa yuhuudnimo uduwa ama nasraannimo u duwa) Reer magaalka ilbaxa ah waxaa bata noocyada macaanka iyo raaxada nolosha ee uu kala beddelayo.

Nafta bin'aadamiga markasta oo macmacaanka iyo raaxada dunida loo kala baddelo, waxaa sii bata baahiyeheeda iyo cirteeda, waxayna ka fogaataa saafinnimada iyo xalnaanta, waxaana raawisooba dareenkeeda iyo jowharteeda, waxaana sii bata damaceeda adduun iyo dano laaceeda, markaas ayaa reer magaalka ilbaxa ahi yeeshaa oo isticmaalaa tabo iyo xeelado ku dhisan leexleex iyo qalqalooc oo uu ku raadinayo rabitaannadiisaa adduun ee kala duwan, iyadoo badowga baahidiisa nololeed koobantahay; sidaas darteed badowda ayaa ilbaxa uga dhow khayrka. Walaahu aclamu

 

QEEXINO

Profossoorkii Dhaqaalaha:- waxa-ad qeexdaa macal-qabad.

Ardaygii dhaqaalaha:- Waa dillaalka Xoolaha ku dillaala sayladda.

Profossoorkii:- Siyaasiguna?

Ardaygii:- Waa dillaalka dadka dillaala.

Professorkii:- Qeexiddaada labaad waa khalad 

 

TAAYADA (EDITORIAL)

INJINNEERKII SHIRKA JABUUTI KHIYAAMEEYEY.

 

Sannad walba meelo adduunweynaha ka mid ah, waxaa ka duma dhismo-yaal qanddaraas-qaatihii iyo Injineerkii dhismuhu wadajir uga khiyaameeyeen qalabka dhismaha, sida shamiintada, birta shubka iyo wixii la mid ah, iyadoo meelaha arimahaasi ka dhacaan u badanyihiin dunida saddexaad.

Shirka Jabuuti, qaybtiisii la furay subaxii 02/05/2000, waxay ahayd inay ka qaybgalaan Isimmo run ah oo keli ahi.

Puntland waxaa uga qaybgalay 21 Isim (Labaatan iyo Kow Isim) oo dhammaan tood wada ah ama matilayay Issimmo run ah...... Isaaq waxaa uga qaybgalay 10 (Toban) Issim..... Sulddaanka Ciidagale keliya ayaa ka ahaa issim run ah, inta kale waxay wada ahaayeen Taywaan....... Hawiye waxaa uga qaybgalay 30 (Saddon) Isim....waxaynnu xaqiiqa ahaan u ognahay Issimmada Hawiye ee asliga ahi in aanay ka badnayn 14 (Afar iyo toban)...... Mareexaan waxaa uga qaybgalay 6 (lix) Issim (labo) kaliya ayaa asali ahaa.... Absame waxaa uga qaybgalay 5 (shan) Issim, waxaana asli ahaa saddex kaliya isku soo wada duuboo, shirka Jabuuti, wuxuu u furmay 150 (Boqol iyo konton Issim) Tiradaas Issimmada waxaa asli ahaa in ku dhow 62 (Lixdan iyo labo), innagoo u bure-daynnay... waxaana faalso (ama taywaan ahaa in ka badan 80 (Siddeetan) Issim, tirdaas oo Majoority weyn ah. Joornaalka SAHAN wuxuu boggiisa afraad ee Cadadkiisii 193 ku sheegay in 6 (lix) nin oo reer Puntland ah Carta lagu siiyay kaalin Issim.

Shirka Carta waxaa ku badiyay Issimmadaas ah faalsada ama taywaanka, qanddaraas-qaati-hii oo ah Madaxweynaha Jabuuti iyo Injinneerkii dhismaha u qaabbilsanaa oo ah Wasiirki-isa Arrimaha Dibadda.

Sidaa darteed dhismaha Shirka Jabuuti wuxuu ku assaasmay qalab faalso ah.... qalab ah maqshuush....waana dhismo la mid ah xuub caaro oo dhakhso u dumaya.

 

AFKEENNU WAA ISU AMMAAN.

 

Diiddane:- Salaama Calayku-m ...Nuxnuxle... bal waran Gaalkacayo beladii Carta miyaa  

durba fidnadeedii ka shidantay..... fidnada Carta soo dhakhsan Okkaa!!!.

Nuxnuxle:- oo hadda haddii weyso inaga qubato, ma waxaynnu oraneynnaa Carta ayaa naga daadisay !!!!

Malaha weynnu isaga baahnayn meel wixii inaga xumaadaba aynnu dusha ka saarno !!!!

Dagaalkaan Gaalkacayo ee ka bilaabmay laxda qudhaca hoostiisa u soo du aannu ku cashuurree iyo suuqaa weyn ayaan geynayaa, maxay Carta ka ogtahay!!!!

Diiddane:- oo haddaa awelba nabadbaa loo fadhiyee, maxaa weysha iyo weedha kulansiiyey!!!!???

Nuxnuxle:- Bah-Ararsamada iyo Adan Cigallaha howdka isku dilayna yaa isku diray !!!!

Cagaarrena Carta miyaa tagtay!!!!

Waar waxaani gugii hagaagay caanihiisiibaa keenee wax kale ma aha !!!! 

Diiddane:- oo guga fiicani Puntland oo dhan ka wada da'ye, maxaa reer oogo keliyi u kibrayaan oo dadka xeebuhu u kibriwaayeen ???!!!

Nuxnuxle:- Dadka Xeebuhu kibirka qolka gudihiisa ayay ku soo dhammeystaan ee reer oogo weeye kuwa bannaanka ula soo baxaa!!!