Warsidaha Puntland
Tirsi 51
20 July 2000
Garowe – Puntland
______________________________________
Warsidaha Puntland Tirsi 51 Khamiis 20 July 2000
Waa Todobaadle 2 jeer ay soo saarto
Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland
______________________________________
TUSMADA CADADKA
Madaxweynaha Puntland oo kormeer hawleed ugu baxay Gobolka Mudug - Bogga 2aad.
Madaxweynaha Puntland oo booqasho hawleed ku jooga Gobol-ka Mudug. Bogga 3aad.
Guddoomiye ku xigeenka Gola-ha wakiilada oo dhagax dhigay Jaa-macad cusub - Bogga 3aad.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo soo gabagabeeyey kormeerkiisii Gobolka Bari. Bogga 2aad.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha oo Laascaanood uga baxay Hawdka. Bogga 2aad.
Ugaas Cusub oo la caleemo saaray. Bogga 4aad.
Maandooriye la siiyo dadka jooga shirka Jabuuti -Bogga 4aad
Danaysiga nooca ugu rassan waa khiyaamada dalkaaga iyo dadkaaga - Bogga 5aad
Buugga Dawladda Jabuuti ay ku magacawday shirka dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed. Bogga 5aad
Kitaabka Bishaan. Bogga 7aad
Jaaliyadaha Puntland iyo Jubba land oo warqad u diray Golaha Ammaanka - Bogga 6aad
Isboortiga (Waraysi Maryan niini)
MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO KORMEER HAWLEED UGU BAXAY GOBOLKA MUDUG.
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa todobaadkaan bilowgiisii e 15/7/2000, kormeer shaqo ugu baxay Gobolka Mudug.
Waxaa la saadaalinayaa in howsha ugu muhiimsan ee Madaxweynuhu Gobol-kaasi u aadey ayla xiriirto dhinaca amniga, iyadoo dhowaan Qulqulad dagaal oo koobani ka dhacdey Magaa-lada Gaalkacayo.
Madaxweynaha iyo Wafdiga uu hogaaminayo ayna ka mid yihiin Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Mudane C/qaadir Aw-Yuusuf, Wasiirka Maaliyadda Mudane Siciid Caduur iyo waliba Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.
Wafdigu intii ay halkaasi joogaan waxaa lagu wadaa inuu la kulmo mas'uuliyiinta iyo madaxda Gobolka waxna ka weydiiyo qul-qulatooyinkii ka dhacay halkaasi.
WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA IYO AMNIGA OO SOO GABAGABEEYEY KOR MEERKIISII SHAQO EE GOBOLKA BARI
(PUNA) 15 July,
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga mudane C/qaadir Islaan Maxamed iyo Wafdigii uu Hoggaaminayo ayaa todobaadkaan bilowgiisii ku soo laabtay Caasumada Puntland ee Garoowe, Wasiirka iyo Wafdigiisii waxay kulano la soo yeesheen Madaxda iyo Masuuliyiinta Gobolka Bari, waxayna ka wada hadleen arimo badan oo ay ka mid yihiin xasiloonida Gobolka iyo aruurinta canshuuraha, Wasiirku waxa uu la kulmay nabadoonada iyo
samadoonada Gobolka Bari.
Wasiirka wuxuu kaloo uu soo maray Degmooyinka kala ah Qardho ee Gobolka Bari iyo Dongoroyo ee Gobolka Nugaal.
WASIIRKA GANACSIGA IYO WARSHADAHA OO LAASCAANOOD UGA BAXAY HAWDKA.
(PUNA) 20 July,
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Axmed Cabdi Xaabsade ayaa todobaadkaan bilowgiisii ka baxay Laascaanood una baxay Tuulooyinka, Saaxdheer, Qorileey, Buurtinle, Magaclay, iyo kuwo kale oo ku yaal aggaas.
Isagoo mandaqadaas u tegey wax ka qabadka shaqaaqo oo dhowaan ka dhacdey oo lagu dilay labo nin, Wasiirka waxaa safarkiisa ku weheliya Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane C/laahi Xasan Faarax (Baase weyne).Xildhibaano ka kala socdey Gobolada Nugaal iyo Sool iyo Masuuliyiin ka socotay Maamulka Puntland
DAGAALKII KA DHACAY MAGAALADA GAALKACAYO.
Dagaal 12ruux ku dhimatay tiro kalena dhaawac ka soo gaaray ayaa subax nimadii khamiistii ahayd ka dhacay koonfurta Magaalada Gaalkacayo, ka dib markii ay maleeshiyo koonfurta
Magaalada wax ka degta weerar gaad mo ah ku soo qaadeen Ciidan ka tirsan
ciidamada Puntland fadhigooduna ahaa koontoroolka koonfurta Magaalada Gaalkacayo.
Dagaalkaa oo aad looga dareemay Magaalada oo dhan, dadka shacabka ahna ay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh ka soo gaareen, lama garanayo sababta dhabta ah ee ay maleeshiyada weerarka u soo qaadeen
dadaal ay sameeyeen Guddoom-iyaha Gobolka Mudug, Duqa Magaalada iyo Waxgarad kaleba waxay ku guulaysteen in uu istaago dagaalkaasi waxayna soo jeediyeen in ay wada hadlaan wax garadka Magaalada Gaalkacayo si uusan dagaalku u sii fidin, maalinimadii Jimcahana waxaa Idaacadda Gaalkacyo ka hadlay Mas'uuliyiin iyo odayaasha labada dhinac, waxayna dadweynaha ugu baaqeen in nabadgelyada la sugo
Waxayna intaas raaciyeen in ay haatan xaaladu degan tahay ayna jiraan Guddiyo labada dhinac ah oo ka wada hadlaya mashaqadii dhacday, iyagoo rajeeyey in uusan dagaal dambe dib u dhici doonin.
Bashiir C/maan Jaamac
Gaalkacyo
MADAXWEYNAHA PL Md C/LAAHI YUUSUF OO BOOQDASHO HAWLEED KU JOOGA GAALKACYO.
Madaxweynaha DGPL oo booqasho hawleed ku jooga Magaalada Gaalkacyo ayaa kulamo kala duwan la kala yeeshay mas'uuliyiinta dhinacyada Gobolka Mudug.
Habeenimadii Axaddu soo galaysay madaxweynuhu wuxuu kulan la yeeshay Guddiga Nabadgelyada PL isaga oo kala hadlay Arrimo ku saabsan Nabadgelyada Gobolka iyo waxyaabihii dhaliyay falalkii foosha xumaa ee ka dhacay Magaalada gaalkacyo khamiistii la soo dhaafay 13/07/00 iyo sidii wax looga qaban lahaa .
Qaar Odataasha ka mid ah oo ka warbuxiyay falalkaas iyo wixii keenay waxayna sheegeen inay ka dambeeyeen dad qul-qulato doon ah oo ah oo aan doonayn inay nabadgeyo ka jirto magaalada gaalkacyo.
Madaxweynahu wuxuu sheegay inaan loo baahnayn falalka noocaas ah iyo in la xoojiyo nabadgelyada iyo wada noolaanshaha, waxa kale oo uu intaas ku daray inuu sii wadi doono hawlaha uu ugu jiro u kuurgelidda xaaldaha nabadgelyada Gobolka, Waraysina la yeelan doono dhinacyada, tallaabada ugu habboonna laga qaadi doono cid alla ciddi lug ku yeelata.
Isla subaxnimadii Madaxweynuhu waxa uu la shiray Odayaasha labada dhinac, wuxuuna ka dhegeystay warbixinno ku saabsan sidii wax u dheceen iyo sida Nabad lagu gaari karo, labada dhinacba waxay sheegeen in nabadda loo baahan yahay falkaasna ay ka dambeeyeen dad aan Nabadgelyada doonayn.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in siyaasadda Puntland ay ku salaysan tahay deris wanaagga, Ummadda Soomaaliyeed oo nabad ku wada nool in qalalaaso laga rido in Puntland ay ka soo horjeeddo. Wuxuuna u soo jeediyay inay baaraan oo caddeeyaan falkaas iyo ciddii ka dambeysay.
Labadii dhinacba aad bay isugu afgarteen waxaana loo saaray Guddi 28 xubnood oo labada dhinacba ka kooban iyaga ayaana laga sugayaa inay soo saaraan wixii keenay falkaas tallaabada ugu habboona ay ka qaadaan.
Sidoo waxaa uu madaxweynuhu kula shiray xarunta Gobolka Mudug haween boqolaal gaaraya oo ka kooban labada dhinac waxayna u muujiyeen sida weyn ee ay uga soo horjeedaaan falalkii xum-xumaa ee ka dhacay Gaalkacyo iyo in wax loo dhimo nabadgelyo xumada ay ka shaqaynayaan dad aan xilkas ahayn. Madaxweynuhuna wuxuu ku baraarujiyay sida weyn ee looga baahan yahay in haweenku ka geystaan gacantooda nabadgelyada Gobolka.
Madaxweynaha DGPL wuxuu weli kula jiraa shir albaabadu u xuran yihiin dhinacyada siyaasadda ee labada dhinac waxaana la filayaa inay ka wada hadlayaan arrimo ku
saabsan Naabadgelyada Gobolka madaxweynuhu waxaa kale oo uu xusay intii uu shirarka kula jiray dhinacyada kala duwan inaan cidna loogu duqaadan doonin inay wax u dhimto nabadgelyada iyo in siyaasadda Puntland ay ku dhisan tahay Nabad ku wada noolaansho iyo deris wanaag.
Aadan Nuur Max'ed - Gaalkacyo
GUDDOOMIYE KU XIGEENKAGOLAHA WAKIILADA OO DHAGAX DHIGAY JAAMACAD CUSUB.
Jaamacad ay maalgiyeen qaar ka mid ah Ganacsatada iyo shacabka qardhood ayaa dhagixii ugu horreeyey la dhigay 17/07/00 oo ahayd isniintii la soo dhaafay, waana jaamacaddii ugu horreysay ayna maal geliyaan shacabka iyo ganacsatada deegaankaasi ee laga dhiso deegaankaas.
Jaamacaddaas oo ku taal dhinaca koonfur galbeed ee magaalada Qardho waxay ku fadhidaa dhul dhan 2km2 , waxaa dhagixii ugu horreyey dhigay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Puntland Md. Axmed Max'ed Kulan, wuxuuna halkaasi ka jeediyay hadal kooban wuxuuna u gudbiyay salaan uu uga siday Madaxweynaha DGPL.
Munasibaddaas dhagaxdhigga ka hor waxaa hadal dheer ka soo jeediyay Prf. Khaliif Max'ud Barre oo ka warbixiyay qaabka Jaamacaddu tahay heerrarkii qorsheheedu soo maray, wuxuuna sheegay in Jaamacaddu yeelan doonto qaybo badan oo kala duwan, laakiin mudnaanta la siinayo loona kla hoirumarinayo hadba baahida jirta iyo qaybaha la heli karayo macallimiintii dhigi lahayd, iyada oo macallimiinta loo xulanayo hab qorshaysan.
Eeg Bogga Xiga
Ka yimi Bogga 3aad.
GUDDOOMIYE KU XIGEENKA GOLAHA WAKIILADA...
Prof Khaliif wuxuu kaloo caddeeyay baahida keentay in Jaamacadda la dhiso ay tahay Jaamacadihii wadanku lahaa oo bur-buray Ardaydii dhigan jirtayna ay ku dhacday Waxbarasho la'aan iyo iyadoo hadda ay Araday badan ka soo baxaan Dugsiyada Goboladaan khaas ahaan Degmada Qardho.
Waxaa isna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Bari Md. Cali Ciise oo ka hadlay Baahida maanta ay Goboladaan Puntland u qabaan Jaamacad, wuxuuna ku boorriyay in la dedejiyo dhismeheeda.
Waxaa kale oo isna hadal gaaban ka soo jeediyay Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal Md. Cali Max'ed C/maan (Cali Hayaan) oo isagu ku hadlayay Magaca Wasiirka Arrimaha Bulshada oo shaqo awgeed u soo bixi waayay wuxuuna u gudbiyay salaan uu ka sido Wasiirka, wuxuuna u rajeeyay ummadda reer qardho inay ka miro dhaliyaan si ay ummaadda Soomaaliyeed ugu soo hirtaan. Jaamacaddas oo loogu Magac daray JAAMACADDA UMMADDA PUNTLAND EE QARDHO. Waxaa dhagax dhiggeda ka soo qayb galay xildhibaanno, madax sar- sare iyo hay'adaha UNESCO IYO UNICEF iyo dadweyne aad u faro badan.
Yaasiin Aadan Rooble.
UGAAS CUSUB OO CAANO LAGU SHUBEY.
Xaflad balaaran oo caleema saar ah ayaa ka dhacday Tuulada Bursaalax oo ka tirsan Degmada Goldogob, Xafladaas oo lagu caleema saarayey Ugaas C/qaadir Cilmi Xirsi oo ah Ugaas Beesha Cabdulle Nooleeys ama (Daanaweyne) oo heer sare loo soo agaasimay waxaa ka soo qaybgalay Xafladaas caleema saar ka ah dadweyne aad u farabadan oo isugu jira Isimo iyo Nabadoono iyo wax garad kale Isimadaa waxaa ka mid ahaa.
Suldaan Axmed Maxamuud Maxamed
Suldaan C/rashiid Suldaan Muuse
Suldaan C/laahi Axmed Nuur Iyo Wakiilka Ugaaska Axmed Ugaas Maxamed Cali geesood.
Xafladaasi oo ku furantay jawi farxad iyo reynraynba leh, waxaana markii ugu horaysay halkaas laga soo jeediyey aayado Quraan ah.
Waxaa la isweydiinayaa Ugaaska waa nin ceenkee ah, Ugaasku wuxuu ku dhashay Reserve area sanadku markuu ahaa 1958-dii wuxuuna ku soo barbaaray kuna bartay Quraanka kariimka ah iyo axkaamta, Ugaaska waa nin jecel daris wanaag iyo nabad ku wada noolaansho dadka oo dhan.
Waxaan dhammaan dadweyaha ku dhaqan aaga Bursaalax iyo Godogob Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaan Ugaaska Cusub ee Cabdulle Noolays la caleema saaray.
Bashiir C/raxmaan
Gaalkacyo
MAANDDOORIYE LA SIIYO DADKA JOOGA SHIRKA JABUUTI.
Nin ka yimid dal ka mid ah Yurub oo ka soo qaybgalay Shirka Carta ee dalka Jabuuti, ayaa saaxiibkiis oo dhakhtar reer Jabuuti ahi u digay oo ku yiri:-
Cuntada shirka ee Carta afkaaga hasaarin ee biibitooyinka ka cun buskudka xidhan markaa ayaa ninkii loo digay yaab ka muuqday, ayaa dhakhtar saaxiibkiisa ahaa, si taxaddar badan ugu tibaaxay in cuntada shirka Carta lagu daro nooc ah maanddooriye Magiciisa loo yaqaan B.F.
Waxaa hore loo ogaa in Madaxda kooxaha ku loollamay xukunka Muqdisho iyo dhulalka labda webi maraan, qaarkood, ragga ku jira awoodda Jabuuti qaarkood ay hore ula samaysteen shirkad saaran Maraakiib dusheed oo samayn jirtay Maanddooriyaha B.F (Baamboo Floners) oo laga dhigay kiniin iyo budo labadaba.
Noocaas Maaddooriyaha B.F waxaa markii ugu horreysay laga helay ubaxa nagaar ka baxa woqooyiga bariga Hindiya (Sheekada B.F ka akhri Maqaalka gaaban ee laga soo guuriyay Joornaalka Awake ee ka soo baxa England cadadkiisii December 22/199.
Haddaba Maandooriyaha B.F qofka la rabo in lagu isticmaalo waxaa loo siiyaa kiniini ahaan ama waxaa loo marsiiyaa cunada ama cabitaanka ama neefta Maanddooriyahaasi wuxuu qofka ka dilaa qaybta Maskaxda ee xisaabtanka ama isbarbardhigga arrimaha, wuxuuna kobciyaa qaybta amar-qaadashada ee Maskaxda isagoo qofka ku saameeya muddo ah saddex toddobaad una beddala qof ah hebed oo wax-walba u dhega-nuglaada.
Waxaynnu Joornaallo danbe oo Yurub ka soo baxay ka akhriyi doonnaa in dalal Yurub ahi ugu horrayntii Maanddooriyahaas ku isticmaaleen ardo jikki ah, Askaro madax-adkaa iyo dad loogu talo-galay inay fuliyaan hawlo gaar ah, waxaa Joornnaallada Yurub qaarkood tibaaxeen in lagu isticmaalay maanddooriyahaas dadka mid ah Madaxda dalalka Yurub. Kala soco cadadka dambe
(Shaafici Axmed Maxamed)
DANGER WHEN THE BAMBOO FLOWERS:-
Large areas of Northeast India are covered by Bomboo forest, fear arose in the states of Manpur and Mizoran as the Bamboo there began to blossom,. Why? Because the blossoming of the particular species of bamboo plants in these areas, called mauntang, occurs only once in about 50 years and it attracts rats. Feeding on the flowers, the rats reproduce rapidly and then start attacking the food crops, eventually creating famine conditions. According to the times of India, a famine occurred in 1957 after the bamboo had blossomed in 1954/55. in an attempt to forstall another famine, the government of Midzoram State sponssored a drive to kill the rats. They offered one rupee for each rat-tail. As of April, about 90,000 tails had been collected and funds were being requisitioned to continue the anti-rat compaign
(Shaafici Axmed Maxamed)
DANAYSIGA NOOCA UGU RASANI WAA KHIYAAMADA DALKA IYO DADKAAGA.
Warsidaha Puntland tirsigiisa 50-aad, waxaa ku soo baxay qoraal Axmed Shiikh Jaamac saxiixay oo ciwaankiisu yahay xaalmarin, wuxuuna soo jeediyey in Cali Ismaaciil iyo Siciid Irbad laga xaalmariyo ereyo ka mid ahaa faallo uu qoray Warsidaha Puntland.
Axmed Sh. Jaamac faallada Warsidaha in ay ku soo baxayso waa ogaa oo isaga ayaa waa faqay.
Axmed Isimadii PL ee Jabuuti xaqiiqa raadinta u tegey ayuu xoghayn u ahaa waana ka dayriyeen Isimada iyo Isaguba Shirka Jabuuti.
Dayradaas Prof. Maxamuud, wuxuu u fahmay in aan meesha lagu hayn dan Soomaaliyeed ee lagu hayo danaysi iyo isku dayid dib u soo hurin dagaalkii sokeeye iyo burburin maamulada la doortay oo ka hirgalay Puntland iyo Gobola kale.
Jabuuti, waxaa ka socdo waa mu'aamarad, waxaana masuul ka ah kuwa soo hindisay iyo kuwa ku biiray, mana aha in ay caadifadi nooqaado.
Dadweynaha Soomaaliyeed, DGPL iyo arayul caamka Caalamka iyo Bulshada dawliga ahi waxay dhammaantood u arkaan Shirka Jabuuti in aanu xal siyaasi ah u keenayn Soomaaliya.
Malaha Axmed Shiikh Jaamac, waxa u soo dusey kuwa ka soo horjeeda DGPL oo ku cadaadiyey in uu difaaco rag aaney isku mabda iyo mowqif ahayn.
Prof. Maxamuud Ismaaciil C/raxmaan.
BUUGGA DAWLADDA JABUUTI AY KU MAGACAWDAY SHIRKA DIB-U-HESHIISIINTA SOOMAALIYEED.
Waa rayi koobaysa dhawaaqidii Dawladda Jabuuti ee qabashada shirka Carta iyo dawladda Puntland, waxaa qoray C/kariin Nuur Maxamuud oo deggan Gaalkacayo kalana socday Wargeysyada iyo Idaacadaha xaaladaha kala duwanaa ee dhacayey tan iyo waqtigii Madaxweyne Geelle ku baaqay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya.
Dadweynaha Puntland ayaa lahaa go'aanka dhismaha Dawlad Goboleedka Puntland. Dadweynuhu markii ay arkeen baahida loo qabo Dawlad Soomaaliyeed iyo sida ay u adag tahay waqtiaas in la dhiso Maamul Caadil ah ayey go'aan sadeen in ay dhistaan maamul Goboleedka Puntland.
Waxaa la doortay Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen oo sii magacaabay Wasiiro iyo ku xigeeno waxaa lagu xijiyey Golaha Wakiilada Shacabka (Baarlamaanka), Golaha Hogaamiye dhaqameedyada waaa Isimada, oo ah Golaha leh Xurmada dhaqan ee ugu sarraysa.
Waxaa xeerka maamulka Puntland Bogga hore uga qoran in Dawladda Puntland horseeddo helitaanka Dawlad Soomaaliyeed oo caadil ah, kana samata-bixiso musiibada tbanka sano ku habsatay Soomaaliya iyo in ay gacan siiso cid kasta oo diyaar u ah waxka qabashada dhibaha hortaagan helitaanka Dawlad Soomaaliyeed.
Dawladda Puntland iyadoo sii naysa mudnaanta koowaad helitaanka Dawlad Soomaaliyeed iyo Horumarinta Deegaanka Puntland ayey gacan buuxda siisay, markii Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle uu ku baaqay in uusan fiirsan karin dhibka Soomaaliya ka jira. Isaga iyo dawladdiisuna ay marlabaad isku deyeyaan sidii dawlad Soomaaliya loogu heli lahaa. Dadweynaha iyo Dawladda Puntland aad ayay u soo dhweeyeen una taageereen ra'yiga Dawladda Jabuuti iyagoo guubaabo, dhiirrigelin iyo
Eeg Bogga Xiga
Ka yimi Bogga 5aad.
BUUGGA DAWLADDA JABUUTI....
talooyin badan ka siiyey waddooyinka ugu habboon ee soomaali la isugu keeni karo, si gaar ahna Dawladd Ismaaciil Cumar u tusay una tusaaleeyey in qaataan door dhexdhexaad ah, Dawladda Jabuuti wax badan ayay talo siinta iyo taageerada Puntland .
Waxaan Dawlad iyo dadweynaha u durbaan tunno rajada shirka Jabuuti, ayaa xafiiska sirta ee Dawlad Goboleedka Puntland wuxuu ogaaday dhammaadka qoraalka buugga shirka ee Dawladda Geelle, kaas oo ay ku qoran yihiin wax ka duwan wixii Puntland kula talisay.
Isla markaana aanay ahayn wax la qaaday karo. Dawladda Puntland waxay u dirtay Jabuuti Wufuud isdaba joog ah oo daba gal iyo xaqiijin dheeraad ah ku sameeyey Buugga Jabuuti ee lagu magacaabay shirka Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, markii Dawladda Puntand hubsatay caloosha buugga ayey wada tashi kafiirsasho iyo taxadar dheer ka dib go'aan satay in Dawladda Puntand kala noqotay kalsoonidii shirka Jabuut.
Dadweynaha oo aan xogogaal u ahayn sirta Buugga Jabuuti ayaa hal mar iswada dhigtay, qaarna inta is-hayn waayeen, filanwaa ku noqotay. Taasi waxy khasabtay in Hoggaamiye dhaqameedyada, Dawladda iyo Baarlamaanka isla gartaan in Wafti Jabuuti loogu yeero si wax looga weydiiyo sirta Buugga shirka, isla markaana loogu gubiyo aragtida kama-dambaysta ah ee dadweynaha iyo Dawladda Puntland ka qabaan shirka Jabuuti.
Dawladda Jabuuti oo markii hore wargalay ayaa u yeeridda wafdigooda ka dib filatay in mar kale Puntland gacantooda ku soo noqotay (DHAKHSO BADANAA WAA NIN DAN LEH DAQIIQAD MA DIB DHICIN), subixii, wafti iyo diyaarad degdeg ah ayaa Garoowe yimid Waftiga yimid wuxuu ahaa mid aan waxba diidin wax kastana aqbala si Ergo Puntland ahi mar Jabuuti u tagto, dood dheer ka dib, waxaa la isla gartay in wafti Puntland ah oo ka kooban Isimo iyo Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ay aadaan Jabuuti.
Dawladda Jabuuti oo marwalba oran jirtay annagu GOGOSHA ayaan fidinay ee tashiga iyo go'aanka Soomaali baa iska leh, ayaa markii uu shirku furmay la soo kala baxday Buuggeedii kuna bilowday Riwaayaddii kooxaha faraha badan loo dhiibey.
Dadweynah Puntland oo tuhun qabey
waxay habeenkii u horreeyey ee furitaanka shirka iyo dhiggida Riwaayadda gacanta ku dhigeen furaha buugga shirka, waxayna fasirteen Silsilada Riwaayada habka ay u socoto, dhanka kalena waxaa dadweyne iyo dawlad ba go'aankoodu ahaa in ay ka war sugaan Ergadooda, waxaa buugga shirka habeenba Baal la rogo, Riwaayaddana bayd la dhigoba, waxaa Bulshada Puntland u caddaatay gunaanadka Riwaayada iyo Gabagabada Buugga, Ergadii Puntland oo dawladda Jabuuti u sheegtay in Jabuuti gogosha keliya fidisay ayaa heshiiskii y soo geleen oo dhanka Jabuuti ka ahaa in mar Ergada Puntland Jabuuti la keeno, waxaa Ergadii lagu amray in Buugga dhigaystaan Riwaayadana ay daawadaan.
Wasiirka arrimaha dibedda ee Jabuuti ayaa Riwaayadda dhexdeeda ka sheegay in Ergooyinka magacyadooda ugu dambayn Duhurka berri aanay ka dib dhicin (Ma nin Gogol fidiyaa Amarkaas Bixiya Buuggayse ku taal)
Goor barqo ah oo kulul ayaa waxaa ku soo dhacay Xafiiska Madaxweyne Geelle Fax uu soo diray Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntand Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, (Faxigaas oo uu ku waydiisanaayo in Ergadiidsa dib loogu soo celiyo xoriyad buuxdana la siiyo, shantii galabnimo oo dadka Idaacada BBC-da dhagaha ku wada haya, mise waa waraysi Madaxweynaha Dawladda Puntland (Cidkastaa ogaatay, u daranaa Madaxweyne Geelle)
(la soco cadadka dambe)
JAALIYADAHA PUNTLAND IYO JUBBA LAND OO WARQAD U DIRAY GOLAHA AMMAANKA
Jaaliyadaha Puntland iyo jubbaland ee ku dhaqan dalalka Kanada iyo Maraykanka ayaa warqad ay ku caddeynayaan in aysan shirka jabuuti u diray Golaha Ammaanka, Ururka Islaamka, iyo Ururka midawga Afrika, warqaddaasi oo u qorrayd sidan;
To: U.N Secretary General, New York
Security Council Members
To: AOU, Addis Ababa, Ethiopia.
To: Organization of Islamic Conference.
Date: July 16,2000
Subject: - Somali Reconciliation Conference
The purpose of this communication is to express our disappointment with misguided conference and to offer an alternative strategy that may help to facilitate a solution to the crisis in Somalia. While our organizations share some of the conference objectives, we disagree with the overall agenda as well as the process.
Djabouti Agenda priorities: -
Establishment of national government.
Establishment of a constitution.
Creation of a national assembly-/parliament.
We understand these agenda items to be inter-dependent. The key primary objectives are resolution of war crimes and genuine reconciliation. These twin issues, critical to the future direction of Somalia, are not on the agenda.
The Djabouti Process:
These strategies lack the necessary process capability to understand and appreciate the cause of the Somali civil war. They also lack the credibility needed to enable an acceptable solution to our problem.
Alternative Agenda: -
Any genuine plan to devise a lasting solution in Somalia must comprehend the following linkages.
In conclusion, lack of genuine reconciliation, the war crimes and looted property issues are central to the Somali problem. Demonstrating the willingness to address and resolve these complex issues will energize the nation building process.
KITAABKA BISHAAN IYO XUSKII SHIIKH CABDULQAADIR JAYLAANI
C/raxmaan Ibnu Khalduun, caalimkii Cilmigaa Bulshada ee ahaa Reer maqrib, ee dhintay 600 oo sano ka hor, kitaabksa ah kitaabul cibar Muqaddimasiisa 6aad wuxuu ku qoray" sida aynu aragnnay, Abuurta illaahay waa jaranjaro isdaba taalla, oo hadana wada xiriirsan, bal eeg Bacoosha isugu jirta qayb ah noole iyo qayb ah manoole.
Bal eeg xayaabada dhinac ka ah dhagaxa ay saarantahay, dhinacnanooc darista ka mid ah timirta iyo cinabku waa geedo, hadana dadka ayay dabeecadaha qaarkood la wadaagaan.
Sidoo kele dadka qaar kamid ah ayaa ka gudba aadamminimada murmuran oo u gudba caalamka nuuraaniga ah kaasoo ah caalamka malaa'iigta ee ka abuuran nuurka khaaliska ah soocan ee saafiga ah bini'aadamiga u gudba caalamka nuuraaniga ah waxaa kamid ah Nabiyyada, calayhim asalaad oo si toos ah ulla xiriira caalamkaa kore, waxaana laga arkaa mucjisaad, Muslimiinta suubani Riyada ayaa xiriirisa iyaga iyo caalmaka.
Nuuraanigaa ah... awliyada ahlu tashwiishka ahi toos ayey ulla xiriiraan caalamkaas sare ee nuuraaniga ah waxaana laga arkaa karaamooyin ...todobaadkii ina dhaafay waxaa dalalka islaamka badankooda la xusay taariikhdii dhaqankii iyo karaamooyinkii Sh/ Cabdulqaadir Jaylaani illaahay nafaxaadka raalinnimmadiisa haku bilbilee annagana hoohadka asraartiisa ha nagu dajee.. awliyada illaahay oo nabiyada kasoo taxan, saban walbana joogta deegaan mulin oo kastana ku badan, kuwa ugu caansan, waxaa taariikhdooda iyo karaamooyinkooda loo xusaa oo loo wariyaa in lagu daydo oo lagu dheego .... oo barakadooda fadhi eebbe lagu helo.
Cayaaraha
Waxaan toddobaadkaan bahda jecel Isboortiga u door bidaynaa inaan wax ka xusuusinno tar-tankii 17aad ee Ciyaarihii Gobolada kaasoo lagu qabtay Magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.
Muddadii uu tartankaasi socday waxaa noo suuro gashay inaan waraysiyo la kala yeelanno qaar ka mid ah Guddiga Isboortiga Soomaaliyeed, kan qabanqaabada, kuwa kooxihii sagaalka ahaa ee ka yimi goobaha kala Duwan iyo qaar ka mid ahaaba Ciyaaryahannadii.
Hadaba annaga oo qayba mar soo qaadan doonna tirsiyada soo socda waxaan toddobaadkaan soo qaaadanaynaa Waraysi aan la yeelanay Maryan Max'ed Xassan (Maryan Niini) oo ka mid ah Garsoorayaasha Ciyaarah fudud xubina ka ah Guddiga Olombigga Soomaaliyeed, waraysigaasna wuxuu u dhacay sidan
W/PL:- Waxaad ka mid ahaan jirtay Ciyaar yahanadii kubada Kolayga u ciyaari jiray qaranka Soomaaliyeed, marka waxaad nooga xogwarantaa taariikhdaadii Isboortis?
Maryan Niini:- Taariikhdeydii Isboorti aniga waxay soo bilaabatay sanadku markuu ahaa 1985-tii, waxaana ka mid ahaa Ciyaartoydii Gobolka Shabeelada dhexe u Ciyaaraysay kubada Kolayga 1985 ilaa 1987 waxaan u safanayey Gobolka Shabeelada dhexe, 1988 waxaan u wareegay Ciyaarihii heerka 1aad, waxaana ka mid noqday Naadigii la oranjiray Warshadaha, 1989 waxaan ku biiray Naadiga Manishiibiyo, dhowr goor oo la qabtay Tartan loo yaqaan tartanka xidigaha oo labadii sanaba mar la qabto oo lagu xuli jiray xidigaha qaranka Soomaaliyeed ayaan ka qaybgalay labo sano oo ka mid ah.
W/PL:- Goorma ayaad ku soo biirtay Garsoorayaasha?
Maryan Niini:- Sanadkaani waa sanadkii iigu horeeyey ee aan qabto Garsoornimo, walow ay Ciyaarahan Gobolada maahee kuwo kale oo ay iiga sii horeeya ay jireen oo lagu qabtay magaalada Muqdisho oo aan Garsooro ka noqday, waxaa jiray Orod dheer oo la qabtay bishii Janaayo bartamaheedii, kaasoo ka dhacay Magaalada Muqdisho ahaana Orodka loo yaqaan Maaradoonka, waxaa kale oo jiray Orod 400m oo ay Gabdhuhu ku tartamayeen oo isna lagu qabtay
Magaalada Muqdisha intaasba Garsoore ayaan ka ahaa, waa markii labaad ee aan Garsoore noqdo aan Garsooray Ciyaaraha Gobolada ee 17aad.
W/PL:- Maxaad dhibaata ah ee aad kala soo kulantay Mudadii aad Garsoorka haysay?
Maryan Niini:- Mudadii aan Garsoorka hayey majiraan wax dhibaato ah aan la kulmay, Ciyaaraha fudud waa ciyaaraha kaliya ee aan Garsoorka la eedayn karin maxaayeelay qofku haduu uu soo galo kaalinta koowaad ma oran kartid kaalinta saddexaad baad soo gashay marka sida kubada cagta iyo kolayga oo kale ma ahan. Aad baana u jeclahay in aan barto Garsoorka xataa Kubada Cagta.
W/PL:- Ciyaarihii kuugu xiisaha badnaa intii aad adigu ciyaaraysay Kubada Kolayga maxaad ka xusi kartaa?
Maryan Niini:- Ciyaarihii iigu xiisaha badnaa aad ayey u farabadnaayeen haddiise aan qaarkood xuso, waxaa iigu xiisabadnayd Ciyaar Koobkii Janaraal Daa'uud sanadkii 1988-dii anna aan u ciyaarayey naadiga Warshadaha aan si fiicana uga soo badinay Naadigii Hawlaha Guud iyo Guriyaynta ee Jeenyo oo runtii ahaa Naadi aad u dhisan anaguna aan u badnayn Ciyaartoy Gobol ka soo baxay oo cusub, Ciyaarahaas ayaa iigu xiiso badnaa Ciyaarihii aan ciyaarayey Kubada Kolayga, waayo waxaanu ku jirnay dadaal iyo muujin firfircooni siyaado ah.
W/PL:- Ma jiraan inta aad xogta u haysaan Gobolada Soomaaliya Gabdho ka Ciyaara kubada Kolayga iyo Ciyaaraha kale ee Fudud?
Maryan Niini:- Horta anaga waxaanu goobjoog ka nahay Magaalada Muqdisho, waxaana ka jira tiimam fara badan oo kubada Kolayga oo Gabdho iyo Wiilal ah, waxaa jira Naadi la yiraahdo ELMAN oo ka dhisan Wiilal iyo Gabdho, Naadi la yiraahdo isagana IIDA mid kale oo isagana la yiraahdo ABBA-NUUR, waxaa kale oo jira naadi aan hadda ka tirsanahay oo la yiraahdo FAYNUUS oo isagana leh Kubada Cagta iyo Gabdho kubada Kolayga, wayna farabadan yihiin Naadiyada jecel inay Gabdho qaataan
oo kor u soo qaadaan Xirfadaha Gabdhaha si ay Magacii ay Soomaaliya ku lahaan jirtay Kubada Kolayga dib u soo ceshaan.
W/PL:- Ciyaarihii kale oo ay ka mid ahaayeen Foolida, Teeniska, Dabaasha iyo Ciyaarihii kale ee la qaban jiray, Maxaa ka jira Magaalada Muqdisha ee aad tiri Xogogaal baan u ahay?
Maryan Niini:- Sida aad la socotiba wadanka Burbur baa ka dhacay Isboortigiina ilaa 10 sano isaguna burburka ayuu bulshada la qayb saday waxaase xooga la saaray in kor loo soo qaado Kubada Cagta taasoo ay markii ugu horaysayba ay shaqsiyad gaar ahi Xil iska saareen, ka dib waxaa lagu guulaystay in Olombigu dhismo in xiriirkii Kubada Cagta, Kubada Kolayga, Foolida intaba hada la soo qaaday sidoo kale Teeniska, wali dadaal ayaa lagu jiraa laakin Ciyaaro dabaasha iyo foolida oo la qabtay majiraan.
W/PL:- Waxaana waxa aad nooga warantaa sida aad u aragto tartankii 17aad ee Ciyaaraha Gobolada, kaasoo ka socday Garoowe?
Maryan Niini:- Aad ayaad u mahadsan tahay; Ciyaarahaan 17aad ee lagu qabtay Garoowe waxay yihiin Ciyaaro dadkii u soo daawasho tegey aad ay ugu faraxsan yihiin, waana ciyaaro diyaargarow wanaagsan loo sameeyay dhan kasta, hadday noqon lahayd dawladda Puntland iyo Guddiga Isboortiga Soomaaliyeedee Gos.
W/PL:- majiraan wax fikrado ee aad ka haysateen Goboladaan intaydaan imaan?
Maryan Niini:
- Runtii fikrad aad fiican waa ka haysannay, annagoo aan xog ogaal ahayn haddana in dhul nabadi ka jirto oo Ciyaaraha lagu qaban karo yahay baan haysannay, haddana waxaan aragnay inuu yahay dhul nabad keliya aan ahyne uu yahay meel Isboortigana aad looga jecel yahay.