Warsidaha Puntland
Tirsi 52
27 July 2000
Garowe – Puntland
______________________________________
Warsidaha Puntland Tirsi 52 Khamiis 27 July 2000
Waa Todobaadle 2 jeer ay soo saarto
Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland
______________________________________
T U S M A D
A
WAREYSI WASIIRKA ARRIMAHA
GUDAHA Bogga 2aad.
]
Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka oo kormeer Hawleed ku tegay
Garoonka Diyaaradaha Gaalkacayo Bogga 3aad.
]
LAASCAANOOD WAA MAGAALO SIDEE AH Bogga 4aad
]
Qaamuuska Warsidaha Bogga 4aad
]
WARAR QUBANE AH. Bogga 3aad.
]
MAXAA KALA GAARAY WASAARADAHA IYO BAARLAMAANKA Bogga 3aad.
]
BAAQ KU SOCDA AQOON YAHANKA IYO INDHEERGARADKA SOOMAALIYEED Bogga 5aad
]
ISIMMO IYO WAXGARAD REER SOOL AH OO QAADACAY SHIRKA CARTA Bogga 6aad. Riix halkaan http://warsidaha.puntland.8k.com/issue52/image010.gif
]
ASALAAMU CALAYKUM Bogga 7aad.
]
AFKEENU WAA ISU AMMAAN Bogga 7aad
]
AYNU DOODNEE YAA DANTEENA WADA OO AAN LA DOODNAA Bogga 7aad.
]
The UN Security Council, New York, the UN secretary General, New York.
The Organization of African Unity. Bogga 8aad.
]
TAHNIYAD Bogga 7aad
WAREYSI
WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA IYO AMNIGA SAFARKIISII GOBOLKA BARI.
Wariyayaal ka kala socday
Warsidaha Puntland iyo Idaacadda Raadiyow Gaalkacayo, ayaa 24/07/2000 Wasiirka
Dawlad Goboleedka Puntland ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane C/qaadir Islaan
Maxamed kula kulmay Xafiiskiisa Garoowe lana yeeshay wareysi sidan u dhacay:-
W/PL:- Wasiirka oo aan kula kulanay
Xafiiskiisa ayaan waydiinay ugu horayn bal inta uu magacownaa?
Wasiirka:- Waxaa la imacaabay bishii juun 20dii, bil iyo afar casho weeye inta aan xilka hayey.
W/PL:- Socdaalkaagii aad ku tagtay Gobolka Bari iyo waxyaabihii aad la kulantay mudadii aad safarka ku jirtay, wax nooga sheeg Wasiir?
Wasiirka:- Xafiiska waxa uu ahaa Xafiis horey u jiray, Shaqayn jirayna, dhismaha Wasaaraddu ay un dhamaystiran tahay, qaabka shaqada ay u socoto aniga xilgayga waa kamid inaan wax ka qabto cabashooyinka dadweynaha anigu waan ku khasbanahay inaan tixgeliyo cabashooyinka dadweynaha, iayda oo la fiiranayo dhinacyada nabadgelyada, isku-duubnaanta iyo isku xirnaanta dadka iyo horumarkooda.
Sidaa darteed shaqadii iyo
tallaabadii u horeysay waxaan ka bilaabay Gobolka Bari, halkaas oo ay ka jirtay
wada shaqeyn la'aan Madaxda Gobolka iyo dawladda hoose ee magaalada Bosaaso.
Xog-warranka wada shaqayn la'aantaas waxaan kula wareegey faylashii xilwareejinta, iyada oo ay halkaas ku jirtay warbixin Hanti dhawrku leeyahay oo ay ka bixiyeen Gobolada qaarkood,
soona jeediyeen in wax laga qabto.
Run ahaantii markii aan tegay Gobolka Bari Magaala madaxdiisa Bosaaso, waxaan la kulmay Guddoomiyihii Gobolka oo shaqadii ka joojiyay Duqii Magaalada Bosaaso, isagiina uu yiri igama joojin-kartit.
Halkaas waxaannu Gobolka u magacownay Guddoomiye Gobol cusub, ku-xigeenkiisii koowaad, duqa Magaalada Bosaaso oo cusub iyo ku-xigeenkiisa kowaad.
W/pl:- dhowaan waxaan tegay gobolka sool magaalo madaxdiisa laascaano waxaa la ii sheegay in aysan canshuurtu ka socon maxay tahay sababta hortaagan in ay canshuurtu ka hirgasho gobolka sool ?
Wasiirka:-
sababaha hortaaagan hadii aan waraysi la yeeshay masuuliyiintii hawsha waday ee
wasaaradda iiga horaysay waxna waxay noqotay wax wasaaradda xaggeeda ah, waxna waxay noqdeen dadka
dhexdiisa iyadoo qaabab kala gadisan
dadka xiisado loo geliyay oo wax loogu sheegay ay ka midtahay in la yiraahdo
jabuuti baa dawladi ka dhalanaysaa taasaad canshuurta siinaysaa, cidna ay
tiraahdo jabuuti dawlad nooga soo dhalanmayso ee canshuurta waa bixinaynaa ,
shicibka naftigisii ayaa labada ra yi markii hore isku hor taagnaa nasiib
wanaag dadka reer puntland waxaaweeye dad yaqaan talada iyo mowqifka ay
qaadanayaan aayahooda danbe inay maantay isku meel uwada jeedaan diyaaarna u
yihiin in ay canshuur bixiyaan hawshana qabtaan iyaga oo wada jir
W/pl:- xiriir noocee ah ayaa rabtaaa in aad la yeelatid shacabka deegaaanka puntland ?
Wasiika:- xiriirka aan doonayo in
aaan layeesho dadka xiriiradu waa wejiyo badanyihjiin. Markaan kaaga sooqaadno
xiriirka maamulka iyo shaqada waajibaad ee dadku nagu leeyahaya, xuquq bay nagu
leeyihiin wasaarad ahaan iyo dawlad ahaanba. Waxaan u balanqaadaynaa in aan
filinaynno intii tabartayada iyo karaan kayaga anoo aan u kala eexanayn qolana
soo dhowaynayn qolana fogaynayn, xiriirka kale iyagana waxaan uga baahannahay
in ay iyaguna nala yeeshaan gacanna
nagusiiyaan waxyaalaha horu marinta ah oo dalka iyo dadkaba danta u ah, waxaa
jira dadka shicibka iyo dawlada ama wasarada arrimaha gudaha dadbaa udhexeyya
am xiriiriya, waxaynu soo maray sidaa gotihiin bur bur, bur bur ka aynu soo
maray goboladeena Ilaah mahadii ka ma aysan dhicin dagaal sokeeye wixii ku dhex
jiray waxay ahaayeen isimada iyo nabadoonada.
Xiriirka nooggu xirnaanjiray ayuun noogu xernaanayaa maadaanma ay dawladii burburtay, hadii lawaayay wixii la oranjiray sharcigii dawlada .
Odayaasha iyo isimada iyo nabadoonada waxay lasoo baxeen sharcigii dhaqankii iyo hidihii isagiina bay dalka ku maamuleen. Ka leexanmayno sidii ay iyagu ugusoojidayeen ilaa aynu kudabaalano dadkoo aanu gaarsiino maqif uu garto dawladnimadii, xiriirkii, Horumarkii ilaa inta aanu ka gaarayno iyagan xurmadoodii iyo xushmadoodii ayaanu u wadaynaa dadkiina saas ayaanu ula xiriiraynaa.
(La
soco cadadka dambe)
WASIIRKA HAWLAHA GUUD IYO
GAADIIDKA OO KORMEER HAWLEED KUTEGAY GAROONKA DIYAARADA GAAALKACAYO
Wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka mudane C/qadir Aw-Yuusuf ayaa kor meer hawleed ku tegay gegida diyaaradaha ee gaalkacayo, wasiirka waxaa komeerkiisa ku weheliyay agaasimaha duulista hawada mudane saleebaan cali barre madaxdu waxay u kuurgaleen dhamaan dhinacyada kaladuwan ee garoonka diyaaradaha oo ayka mid ahaayeen labada ranway ee garooonka, dhismayaasha qabyada ah ee garoonka iyagoo ka tala bixiyay sidii wax loogu qaban lahaa iyo tayada iyo qiimaynta qalabka lagala wareegay shirkda iigal.
Madaxda waxaa eeraboorka kusoo dhowayay warbixina kasiiyay hawlaha uu eeyraboorku qabto maarayyha garoonka gaalkacayo maudane c/xakiim saciid iyo isu duwaha wasaarada hawlaha guud iyo gaadiidka Maxamed dheere waxayna halkaa kaga warbixiyeen qaabka iyo heerarka uusoo maray garoonka diyaaradaha .
Ugu damayntiii Wasiirkii iyo Wafdigiisii waxay mahad usoo jeediyeen dhamaaan shaqaalaha iyo madaxda eeraboorka waxana ay ubalan qaadeen in ay xuquuqdooda helidoonaa.
WARAR QUBANE AH
Puna 15/07/00 waxaa carta lagasoo sheegay in ragii shirka carta kabaxay Madaxweynaha Jabuuti kula shiray gurigiiisa ku yaal magaalda carta .
Puna laasqoray 16/07/00 todobaadkii hore aqooyahano kasocda deeq bixiyaasha ayaa booqasho sahan iyo qiimayn ku soo maray warshada Kalluunka ee Magaaalada Laasqoray iyo beeraha buurta calmadaw kooxda aqoonyahanadu waxay balan qaadeen wax ka qabad warshada kaluumaysigaa ee laasqoray iyo in ay beeralayda mucaawino ahaan usiinayaa qalab iyo abuur .
Wafdigaas aqoonyahannada waxaa gadh wade u ahaa odayaal ay ka mid ahaayeen mudane yuusuf jaamac dibay iyo c/laahi cabdi ibraahim.
Baran:puna 17/07/00 nin
gacanku dhiigle ah ayaa meel degmada baran kaxigta waqooyi bari una jirta 15km,
ku dilay labo nin oo walaalo ah, waxaana arintaas galay odoyaasha beesha aada
siciid oo dhamaan ninkaasi tirsanaayeen waxaana lagu dhamayay in qoyskii
waxlaga dilay lasiiyo mag dheeraad ah iyo godob reeb.
Boosaaaso:puna 18/07/00 tuulo udhow magaalada boosaaso ayaa lagu caleema saaray isim cusub ee beesha kabtaanlle isimkaas oo ah ugaas bashiir ugaas cabdi ugaas ciise , iyadoo caleema saarka ayka soo qaybgaleen isimo kayimi bari iyo sanaag iyo dadweyne kale oo baadan .
GalinSoor Puna 23/07/00
Dagal ka dhacay Magaalada Gelinsoor ayaa waxaa ku dhintay shan Qof tiro kalena way ku dhaawacmeen.
Dagaalkaasi wuxuu ka dhashay isku haysasho lahaanshaha Magaaladaas oo ay isku haystaan deegaanka Cadaado iyo Tuulada Dagaari.
Dagaalkaasi waxaa qaboojiyay Odayaal labada dhinac ah oo dhexgalay.
MAXAA KALA GAARAY
WASAARADDAHA IYO BAARLAMAANKA.
Ayaantu waa Sabtidii 21dii
Rabiicu Taanii 1421, oo la siman 22/07/00,goortu waa Xiskintii Geella...meeshu waa Magaalada Garoowe... caasimada
dawlad Goboleedka puntland ee Soomaaliya...
waana Dadabta Baarlamanka Puntland... dhinaca Qiblada waxa fadhiya oo kasoo
jeeda Guddoomiyaha iyo Kuxigeenadiisa... waxaa hortiisa
taala Koor Yucub ah... marka
Xoghayntu ruxdo waa Shirka soo gala... marka Shirguddoonku ruxo, waa aamus,
hadalka kabax, Xildhibaanka Hadalkiisa udaa, fadhiiso, hadalka kuma siin,
Shirku waa furan yahay, shirku waa Xiran yahay...
Koortaas Yucubku waxay ku
hadashaa intaas oo Erey iyo kuwo kale oo badan...waxaa Galbeedka kasoo jeeda
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiir Kuxigeenka, Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha
Wasaara-ddaas...waxaa safkaasi kusoo dhamaanayaa Taliyexigeenka Booliska iyo
Xeer Ilaaliyaha Guud...waxaa qoladaas muqaabilkooda kusoo fadhiya Xoghaynta
Barlamaanka. dhinaca K/furta, Kuraas safsaf isu dabajoogta waxaa soo
bahar-daada xildhibaanadii Baarlamaanka...waxay matelaan deegaan kasta oo
puntland ka mid ah...Joornaaliistaha kuu waramayaa wuxuu soo galay shirka oo
socda... Madaxa Xoghaynta Golaha ayaa Akhriyay Jawaabihii Wasaaraddu ka bixisay
su'aalo fara badan oo horey Xildhibaano kala duwani u jeediyeen... wuu ka
baxay... Guddoomiyaha Golaha ayaa Toogaada hadalka siiyay Md, Caasha Geelle...
waa Xildhibaan laga soo igmaday Gobolka Mudug...Caasha ayaa hadalkii isu
taagtay...malaha Golaha iyadaa u dheer...waxayna hadalkeedii u bilaabatay miyir aad
ah, degenaansho buuxa iyo cod miisaaman...
La soco cadadka danbe.
LAASCANO WAA MAGAALO SIDEE
AH.
Wariye ka tirsan Idaacada Raadiyow Gaalkacayo ayaa dhawaan wuxuu socdaal shaqo ah ku tagay Magaalada Laascaanood, wuxuuna nooga soo diyaariyey maqaal uu kaga waramayo socdaalkiisii iyo waxyaabihii uu kala soo kulmay, wuxuuna maqaalkiisa ku bilaabay, Waxaan ka ambabaxay magaalada garoowe caasimada m/goboleedka puntland 22/07/00 jimce, aniga oo ku sii jeeda xarunta Gobolka Sool ee laascaanood.
Mudadii aan ku sii jiray safarka lama kulmin wax dhib u muuqan kara, waxaan laascaanood gaaray abaartii 2dii duhurnimo, waxaan Gaarigii kaga degay bartamaha Magaalada, islamarkiiba waxa aan dareemay in ay tahay Laascaanood Magaalo nabadeed, taas oo lidkeeda haystay, waxa aan arkay ciidanka maamulka Puntland oo aad u shaqaynaya.
Waxaan ku
degay Hoteel Ubax oo bartanka Magaalada ku yaal, waxaan markiiba ii soo baxday
(ama ii muuqatay) in dadka reer laascaanood ay yihiin dad aad u furfuran oo wanaagsan kaftan
badan, oo aan hadda jeclahay dadka Soomaaliyeed ee dagaalada sokeeye kala
qoqobeen in ay isu socdaalaan, xiliga aad rabto ayaad soconaysaa, mudadii aan
halkaa joogay waxaan la kulmay Masuuliyiin badan oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha
Gobolka Sool Mudane Maxamuud Guuhaad Xasan oo runtii shaqada aan u socday gacan
iga siiyey.
Haddii aan ka hadlo dhinacyada kala duwan ee adeega bulshada degmada laascaanood, waxaa ku yaal Isbitaal aad u da'weyn oo ladhisay sanadku markuu ahaa 1947dii, shaqaalaha Isbitaalka ayaa dhan 38 qof, sida uu ii sheegay
Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Sool Dr. Muuse Geelle Maxamuud, waxaa shaqaaluhu gacan ka helaan hay'adda NPA (ama Hay'adda kaalmada ee Norway).
Cudurada ugu badan ee ka jira Gobolka ayaa ka mid ah TB, Tifow, STD iyo Shuban.
Isuduwaha oo aan waraysi la yeeshay ayaa ii sheegay in ayna toos meelna Dawo Cusbitaalku uga helin, Degmada Laascaanood guud ahaan Canshuuri kama socoto waxaase dhowaan bilaabanaya Olole aanu doonayno in aanu Canshuur ku qaadno sidaasna waxaa yiri Duqa Degmada Axmed Xayir Xasan.
Dhinaca waxbarshada waxaa ka furan Iskuul la furay 1992dii, guud ahaan
Gobolka waxaa ka hawlgala 21 Iskuul waxaana ugu sareeya Fasalka Sideedaad, waxaan doonaynaa in aan Dugsi Sare furno waxaa sidaas ii sheegay Isuduwaha waxbarashada Gobolka Sool Md, Maxamuud Jaamac Dalmar, Waxa kale oo uu ii sheegay Dalmar in aysan wax gacan ah cidina kama helin marka laga reebo Waalidiinta Ubbadka aanu waxbarayno dhalay.
waxa uu Dalmar walaac ka muujiyay
gacan la'aanta wasaaradda Arrimaha Bulshada ee Puntland, Maadaama ayuu yiri aan
u doonayno in aanu Macalimiin Cusub Dugsi Sare u qaadano Xilli Dhow.
Waxaana safarkaygii Magaalada laascaano kusoo gabagabowday guul, waxaanse aad ugu mahad celinayaa dadweynaha Reer Laascaano oo aad ii soo dhoweeyay gaar ahaan Guddoomiyaha Gobolka Sool iyo Wariyaha Warsidaha Puntland Cismaan C/nuur Xaashi.
Diyaariye Maxamed Yaasiin Isxaaq (Pen)
Raadiyow Gaalkacayo.
QAAMUUSKA WARSIDAHA
] ROOTIGA JIDHKA:- WAA MIDKA LAGA SAMEEYO DAQIIQDA SARREENKA
AMA MIRAHA KALE.
] ROOTIGA MAANKA:- WAA
SAXAAFADDA MADAXA BAN-NAAN.
] MAHWIGA XOOLAHA:- WAA DOOXADA DAAQA BADAN.
] MAHWIGA DADKA:- WAA
LIBREERIGA (MAKTABADDA) CAAMKA AH.
] HARTIGA QABIILIGA AH:- WAA
MIDKA WIILKA YAR EE JAREERKA AH JOORNAALKA XOOG KAGA AKRISTA.
] XOOLO XERA-DHAAFAY:-
WAQTIGII FIIDKII AY XERADII BARBAR KA MAREEN.
] QOF XERA-DHAAFAY:-
SUBIXII AYUU MAKHAAYAD SHEEKO U FADHIISTAY.
HH
BAAQ KU SOCDA AQOONYAHANKA
IYO INDHEERGARADKA SOOMAALIYEED.
W.Q Hersi M. Labagarre (Ph.D
Candidate)
Dadweynaha Soomaaliyeed meel
kasta oo ay joogaan, maanta qof kasta oo ka mid ah wuxuu gacanta ku hayaa afka
isaga oo ka fajacsan meeesha uu ku aakhirsan doono shirka Jabuuti ee hadda
rejadiisu sii xumaanayso, sidaa darteed, si loo badbaadiyo karamada iyo
jiritaanka ruuxa Soomaaliga ah waa in ay indheergaradka iyo aqoonyahannada
soomaaliyeed siiba kuwa dalka dibadda ka jooga u guntadaan sidii ay xilkaas
dhabarka ugu ridan lahaayeen.
Maanta nafsiyadda qof kasta ee
soomali ah geeri iyo nolol midna laguma tirin karo, taasna waxaa keenay
dhibaatooyinka uu dhaliyay shirka ka socday Jabuuti dhowrkii bilood ee la soo
dhaafay, kuwaas oo aan dib ka soo sheegi doonno (Eeg Faallada Warka), hadaba si
looga badbaadsho bulshada soomaaliyeed xaaladda nafsiga ah ee jaadkaas ah waa
in aqoonyahannada iyo qoraayaasha iyo indheergaradka soomaaliyeed kaalintooda
qaataan, una caddeeyaan bulshada soomaaliyeed meel kasta ha joogtee, in uusan
shirka Jabuuti ahayn rejadii ugu dambaysay ee soomaaliya lahayd.
Soomaaliya sida
lawada ogyahay waxaa ka jira Gobollo nabad iyo degganaansho gaaray oo maamul
iyo nidaam ka jiro sida Soomaaliland iyo Puntland iyo meelo kale, sida hiran
iyo Bay oo ayaguna mar dhawayd billaabay in ay habeeyaan Gobolladooda,
dadaalkaas oo dhan waxaa
ku dhaqaaqay dadwaynaha deggan Gobolladaas aan soo tilmaamnay ayada oo aanuu
bilaaban shirka Jabuuti, taasina waxay caddaynaysaa in haddii loo dayn lahaa
soomaaliya arrimaheeda ay muddo gaaban degganaansho iyo dowladnimo ku gaari
lahayd.
Dawladda Jabuuti ayada oo
adeegsanaysa qalabka warbaahinta ee jaadwalba leh ayay waxay ku
guulaysatay in ay bulshada soomaaliyeed maskaxda ka xaddo oo ka dhaadhiciso in shirkani yahay kii ugu dambeeyay, haddii aanay soomaali oo dhan taageerinna ay soomaaliya ka tirmi doonto dunida!
Soomaaliya way jiri doontaa, nabad iyo dowladnimana way gaari doontaa, Soomaaliya nabad iyo nagaadi way
gaaridoontaa shirka Jabuuti la'aantiisa, taas waxa markhaati u ah, howlaha siyaasadeed iyo kuwa ciidan ee wax ku oolka ah ee ay ku tillaabsadeen bulshada soomaaliyeed ee deggan Soomaaliland, Puntland iyo Bay iyo meelo kale, sidaa darteed, waxaan indheeragaradka iyo aqoonyahanka soomaaliyeed ku baraarujinaynaa in ay garab istaagaan bulshadooda. Indheeragaradka iyo aqoonyahannadu waa in ay bulshada garab istaagaan ee aanay garab istaagin shirka Jabuuti, shirka Jabuuti wuu dhammaan doonaa dhawan, waxa haraya waa bulshada Soomaaliyeed, sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah nin kasta oo isku tirinaya soomaalida waxgaradka ah ama aqoonyahannada in uu difaaco bulshada kana difaaco khatara uu ku hayo qalabka warbaahinta ee ay adeegsanayaan Dowladda Jabuuti iyo UN-ka iyo Dowladaha kale ee doonaya in ay maslaxaddooda ka fushadaan duruufta adag ee dalkeennu marayo.
Aqoonyahannada iyo indheeragaradka Soomaaliyeed shalay ayaga oo soo taagan baa dalkii iyo dowladdii soomaaliya lumeen, maantana bulshadii ayaa farahooda lagala baxay ayaga oo soo taagan, miyaanaay ceeb ku ahayn aqoonyahanka soomaaliyeed in ay dad ma gudbayaal ah u dhiibaan majaraha bulshada? Miyaanay wax laga yaqyaqsado ahayn in aan bulshadeenna u dhiibno warbaahinta Jabuuti iyo UN-ka iyo kuwa ay ku adeegtaan?
Goormay baraarugi doonaan indheergaratada soomaaliyeed?
Soomaaliya waxay jirtay Jabuuti ooaanan jirin, laakiin jabuuti ma jireen soomaaliya la'aanteed, soomaaliya way jiri doontaa Jabuuti la'aanteed, indheergaradka soomaaliyeed siiba kuwa qurbaha ku nool waxaa la gudboon in aanay u fikirin sida caamada oo kale, waxaa la gudboon in ay u fiirsadaan waxyaabaha laga sheegayo qalabka warbaahinta ee ay sida xun u adeegsadeen Dowladda Jabuuti iyo UN-ka, si ay danahooda gaarka uga fushadaan soomaaliya.
Dadku laba
qaybood buu u qaybsamaa kolka loo eego sida ay warbaahinta ula dhaqmayaan, qaybta 1aad waa
kooxda siyaasiyiinta ah ee warbaahinta adeegsanaysa danaheedana ku fushanaysa
waana kuwa soo gelinaya warka iyo figradaha qalabka warbaahinta si ay u
gaarsiiyaan qaybta kale.
Qaybta 2aad waa laba
kooxood, kooxda hore waa caamada ama bulsha waynta, kuwas waxaa warbaahintu
sheegto way aaminaan judhiiba ayaga oo aanan iswaydiin waxa looga jeedo. Kooxda
labaadna waa aqoonyahannada iyo indheergaradka, waxaana lagu yaqaan dadka
kooxdan ka tirsan in ay warka ay ka maqlaan warbaahinta la tagaan shaybaarka oo
nal wayn ku shidaan si ay u fiirshaan danaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale iyo
xataa kuwa diimeed iyo kuwa bulsho ee ka dambeeya.
Maanta kolkii uu billowday shirkii Jabuuti, kooxda hore waxay billowday inay danteeda fushato, kooxdii caamada ahaydna sidii laga filayay bay yeeshay oo wixii warbaahintu sheegaysay bay u sacab tumeen, laakiin waxaa meesha ka maqan kooxdii indheergaradka iyo aqoonyahanada ahayd ee loo baahnaa in ayshaandheyaan wax ka farabadan ee ay qubayso warbaahinta Jabuuti!.
Nasiibdarro maanta waxaa arrinkaas ku baraarugsan way yaryihiin, miskiinka erayadan qoray iyo dhowr kale oo farakutiris ah ayaa goobta dagaalka kaligoo taagan, laakiin waxaan rejaynaynaa in ay indhaha furi doonaan qaar kale oo badan.
La soco
cadadka Dambe
ASALAAMA CALAYKUM
(BOOSTA AKHRISTAYAASHA)
KU: PROFESSOR MAXAMUD
ISMAACIIL C.RAXMAAN.
Salaan diiran ka dib waa runtaa waan ogaa in faalladu
Warsidaha kusoo baxayso anigana waa faqay... hase yeeshee ma aanan akhriyin...
oo Burkaba Bahal ka filan... ma diiddani in nimankaasi Maamulka puntland ku
yihiin Mucaarid, laakiin Sharcigee Saxaafadda u banneeyey in ay Muwaaddinka
Mucaaridka ah Shakhsi ahaan u caydo, adigaaba Minhaajka saxaafadda inoo
hayee??? Meesha aad igu tilmaantay in nimankaas aan difaacayo ama caaddifadi ii
qaaday...aad
ayaad u taqaan sida qofka loo xujeeyo... Qoladaydii Reer Taleex adiga ayaaba
naga daran!!!.
Professor Maxamuudoow,
innagii miyaa hadda isu guul wadaynay!!! Innagii ahayn Reer Jeeraar miyaa isjaajuusayna!!! Maxamuudoow Gari
Alle ayay taqaan!!!
Axmed shiikh Jaamac
AFKEENU WAA ISU AMMAAN!!!
Diidane:- waryaa Nuxnuxle bal waran, afkeenu waa isu ammaane!!!
Nuxnuxle:- haddii afkeennu isu
ammaan yahay adigu waran!!!
Diidane:- maqashay oo waxaa la yiri
nimankii reer Sool ee Carta joogay, hartigii waa ka baxeen oo dadkii kale ayay dhinac ka raaceen!!!
Nuxnuxle:- war ma heli taqaannid!!!
Taasi waa been!!! Haddiise nimankaasi ay sidaas yeelaan Gar ayay u leeyihiin!!!
Niman Soomaali oo dhammi iyaga kusoo jeeddo!!! Oo iyaga ka hadlayso!!! Oo iyaga
u faqayso!!! Miyay Meel la joogi karaan oo waa sidii nin Jee-gi-faara Carlos
gurri degaya!!!
Diidane:- haye!!! Waa gartood!!!
Haye!!!.
Nuxnuxle:- war kale oo dhiillo weyn leh ayaa jira!!! Waxaa
la yiri Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha iyo Madaxweynihii si buuxda ayay
shaqada isugu afgarteen!!! Dhexdoodana meeli kama banaana!!!.
Diidane:- haddii sidaasi dhacday Sagaal Qof oo aynu ku
jirno meeshu joogis uma laha!!!.
Nuxnuxle:- war meelna ha aadjn, dhexdooda meel ah waynu iska
banaysan doonaaye!!!.
Diidane:- meel ha aadin gartay!!!.
Nuxnuxle:- waliba kasii darane Puntland oo dhan wuu isu
furay oo meelihii reer waliba meel oran jiray aniga ayaa iska leh wuu diiday oo
wuxuu yiri meel walba Qaranka ayaa iska leh!!!.
Diidane:- waar sowtii maalin dhoweyd aad igu tiri Puntlandtii wuu kala xiray!!! Madaxayga miyaad ka dhigatay Beer aad afkaartaada ku tijaabisid!!!Nabad galyo!!!
Nuxnuxle:- hooy soo joog ma maqnaan doontide!!!
AYNU DOODNEE YAA DANTEENA
WADA OO AAN LA DOODNAA.
Hadda ka hor ma dhacday Dal ama
dawlad Jujuub loo dhisay waxaa laga yaabaa in haddii runta la sheego dadka
badankii uu u riyaaqo in yarina ka biyo diido, ma wanaagsana in nafta been lagu
madadaaliyo Ujeedada xaqiiqda ah laga dheeraado taas oo aad moodo in intii
dhowaanahaan ahayd in Riwaayad ama dhalanteed dadka lagu sasabayay, xaqiiqdana
laga leexinayay, marka horeba aan isweydiino shirka Jabbuuti Ergada ka
qaybgashay yaa dirsaday yayse Wakiil ka yihiin, sow faddeexad maaha Bahala
yaacaya Wakiil haka noqdeen adiguna raali la noqo.
Bal aan inyar ka jalleecno dhalanteedkii Jabbuuti oo ah sidatan:-
1. muqdisho waa Caasimadii Soomaaliya runta sow kama fogga?.
2. qabiil dawladnimo lagu dhisaayo runta sow kama fogga?.
3. Maamul goboleedkii Ummadu dhisatay ma jiraan runta sow kama fogga?.
4. intii burburku jiray qof dalka ka maqnaa talo soomaaliya ha laga waydiiyo runta sow kama fogga?.
Runta waa in aan la diidin waayo waa lagama maarmaan, iyadaana la isugu imaan doonaa, waxaan qabaa in Qodobadaan la tixgaliyo marka horeba, kuwaasoo ah kuwan hoos ku qoran.
1. Ergada talada wadanka la weydiinaayo waa in Ummaddu soo doorataa oo ay wakiilna ka yihiin.
2. Caasumada waa in laga dhigaa meesha ay Ummadu ku heshiiso.
3. Talada soomaaliya waxaa wax laga waydiin karaa oo kaliya dadka wadanka joogay.
4. Waa in la aqoonsadaa Meelaha Maamuladu ka jiraan intaan lahayna loo sameeyaa Maamul.
5. Waa in aanQaran Qabiil lagu salayn.
Waxaa
qoray Xasan Yuusuf Kaarshe.
TAHNIYAD AROOS
C/fitaaax Barre Nuur iyo
Xaaskiisa, Maxamed C/laahi Ducaalle iyo Xaaskiisa, Mustafe Axmed Xaaji, Maxamuud
xayaad iyo Xaaskiisa, C/qaadir Axmed Shire iyo Xaaskiisa, Axmed Nuur Garre iyo xaaskiisa,
Maxamud Ciise Xuseen iyo Xaaskiisa, Cukaash Siciid iyo Xaaskiisa.
Dhamaan dadkaasi waxay
Hambalyo iyo Boggaadin u dirayaan Arooska iyo Aroosada C/kaafi Maxamed Kilwe iyo
Xaawo Maxamed Ciise.
Oo arooskoodu ka dhacay
degmada Dangoroyo 25/0700 waxayna leeyihiin noqda kuwii siku waara ubad khayr
qaban kala hela.
Aamiin Aamiin Aamiin
THE UN SECURITY COUNCIL, NEW
YORK, THE UN SECRETARY GENERAL, NEW YORK THE ORGANIZATION OF AFRICAN UNITY
ADDIS ABABA
We the elders and intellectuals of the Somali
Community in UK have to submit this open letter as an advisory petition,
calling the attention of the United Nations Security Council and the Secretary
General not to initiate suportive decisions on the would be Djoubti peace
conference unless serious investigation on its true legalities are conducted,
if to avoid to make it recipe for renewed civil unrest in Somalia.
Somal's problems are much more complex and
eeper-rooted than the superficial perception of dictate and impose methods,
which is obviously sem to be the basic formula of Djouti peace polcy. Such
inappropriate tactics for peace and to restore Somalia's statehood by imposing
an unconstitutional government, might lead to catastrophic consquences to
re-inflame the devastating civil war that will further aggravate its already
precarious state of affairs and evetually will put the peace search more romote
to reach.
Generally, there are no wide scale armed conflicts
in any part of the country with the exception of occasional clathes between
armed militias and economically motivated incedents, mainly inthe former
capital of Somalia, Mogadhishu, which is a divided city into a number of
segments and areas controlled by contesting factions who have failed to agree a
common political plat-form to set up and administration and intergrated secutiy
to enforce the necessory law and order, so that the city's nbormal status be
eventually restored. Practically, it is those opposing factions in the south,
who are mainly blamed to be the core impasses to find a durable peace solution
for over the decade old political dilemma, in our country.
In contrast of the chronic chaos in the south, there
are different situations prevailing in other parts of the countr. Proper law
and order enforcement is governing in the North Western and North Eastern
Regions that two adminstrations of differennt entities, called Regioan states
of Puntland and Somaliland, are the democratically elected adminstrations.
Other essential developments to quote in those Regionss as well, are the
restoration of the basic social sevices and the re-infrasturing of the economy
without tangible external assistance. Comparatively, those Regional
adminstratin have done very commendable services towards the peace and
development in their respective areas, which merits to reward them
unconditional economic assistance and political support by the International
community, as a sign of encouragement for the others to exercise same efforts.
The Regions of (in the Central), Bay and Bakool (in
the southwest) are relatively in peace, and they are in the process of forming
their respective administrations by elected authorities.
We had the opporunity to read thoroughly, the
deliberations of the UN Security Council by its press release Number 6883 of 29
June, 2000, in which the views and recommendations of all the member states
were documented, in respect of the Djibouti sponsored peace conference for how
to restore Somalia's failed State.
Although we do appreciate and respect the importance
of the recommendations issued by the Security Council of the world body, it is
equally important not to over look the serious mistakes of the on going peace
initiative.
Djibout Government is vigorously camaigning to sell
the image of the conference to the world opinion, to make it seem prospective
peace formula, despit the facts on ground are entirely other way round.
Without prejudice to all the hopes divulged on the
conference by the sponsoring government, the expectationsn of its outcome are
generally very negaive because of the under listed controversial factors
inconsistent with durable peace objectives.
Primarily, the conference is very partial in favour
of one ethnic group, in disadvantage of another whose constituents are much
bigger in size and population wise.
Secondly, it is undemocratically manipulated by the
authorities of the sponsoring government, as all the proposals and ralated
decissions are arbitrarily dictated by them with unethical intimidation for who
dares to object an element.
Thirdly, the legality of the
participating delegates and the status of the conference itself are both
questionable matters.
Less than 1/4 out of the
1500 Somalis prsent in the conference are appointed delegates by official
mandates from their respective Regions, but the rest of the people in the
gathering are either self nominated or hand picked invitees by the host country
to seem it likely, high profile peace conference because of it unrealistic
undermingin and vegatively unstable objectives.
Two most hated anti-society
groups are dominating the so-called conference, for purely their opportunistic
scope.
Religious fundamentalist
group, whose ultra extremism activities had many adverse affects in th stability
of the country, as a whole.
The corrupted officals of
the former dictatorial regime who substantially played most of the
antidemocratic roles, which contributed the plight of the irreversible civil
war.
Such remnants of the
tyrannical regime, many of whom are know, as seeseke of Somalia, due to their
incomparable robbery of the public funds for personal enrichments, are once
again engaged manoeuvres for political comeback, encouraged by the loopholes
and serious imperfictions incorporated with the conference.
Omissions and unfair
partialities shadow the conference, and it would be wise enough if the
internationa communities with held any recogniton unless all mistakes are
rectified and re-project into comprhensive peace plan, otherwise it will by a
recipe to renew the civil war.
Suggestions: Somalia is now
capable to accommodate economically its peace and reconcilliation tasks with
little outside support, no matter how long it last to reach comprhensive peace
agreement to form a national government. We would therefore, like to put
forward our suggestions that peace conference in side Somalia could be more
feasible than elsewhere outside the country, besides it it cheaper and will be
better represnted by its societites. The prvious problems of the security
matters are no more in the agenda.
Signed by Mohamed Ali Maad
Somali Elders and Intellectual Communtiy, UK