Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

 


 

 

 

 

Warsidaha Puntland

Tirsi 53

30 July 2000

Garowe – Puntland

______________________________________

Warsidaha Puntland Tirsi 53 Axad 30 July 2000

Waa Todobaadle 2 jeer ay soo saarto

Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland

 

 

 

T   U   S   M   A   D  A

 


]        MADAXWEYNAHA DAWLAD DGPL OO MAGACAABAY WASIIR KU XIGEENO BOGGA 2AAD

 

]        MADAXWEYNAHA DGPL OO BAAR- LAMAANKA KA JEEDIYEY WARBIXIN BOGGA 3AAD

 

]        WAREYSIGII WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA QEYBTII 2AAD BOGGA 3AAD

 

]        WASIIRKA MAALIYADDA PUNTLAND OO LAGU CASUMAY SHIRKA IMF IYO WORLD BANK BOGGA 3AAD

DEKREETO:- WASIIR ARRIMAHA GUDAHA OO KU SAABSAN DHULKA IYO WADDOOYINKA  BOGGA 4AAD  Riix halkaan  http://warsidaha.puntland.8k.com/cgi-bin/i/issue53/image003.gif

]         

 

 

]        MAXAA KALA GAADHAY BAARLAMAANKA IYO WASAARADDA BOGGA 5AAD

 

]        BAAQ KU SOCDA AQOON YAHANADA IYO WAXGARADKA SOOMAALIYEED BOGGA 6AAD

 

]        NUGAAL OO SAARKEEDI KU KACAY BOGGA 8AAD

 

]        CAHDIGA LAGU OGOLAADAY SHIRKA JABUUTI BOGGA 6AAD

 

]        SANADKII SOOMAALIGA AHAA OO JIMCIHII BILOWDAY BOGGA 5AAD

 

]        BUUGGA DOWLADA JABUUTI AY KU MAGACAWDAY SHIRKA DIB U HESHIISIINTA SOOMAALIYEED BOGGA 6AAD

Warqad Furan oo ku Socota Madaxweyne Guelleh - Bogga 7AAD

Water down the Nationalistic fever  - Bogga 8AAD

]        HALOW GAABOW BOGGA 8AAD

 

 

MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO BAARLAMAANKA KA JEEDIYEY WARBIXIN

 

PUNA 27 luulyo, Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa maanta Golaha Wakiilada hortiisa ka jeediyey warbixin kooban oo la xiriirta xaaladda guud ee siyaasadeed ee ku xeeran Dawlad Goboleedka Puntland waqtigaan xaadirka ah.

 

Warbixintaas kadib, Mudanayaasha Golaha  ayaa Madaxweynaha Caddaymo ka wayddiiyey arrimihii uu taabtay qaarkood, isaguna uga jawaabay.... Madaxweynaha iyo mudanayaasha Golaha, waxaa fadhiga ku dhaxmaray nooc aqoon iswaydaarsi ah oo qaab sheekaysi u dhacay... intaa ka dib, Madaxweynuhu wuxuu kormeer ku tagay Hay'adaha Qorshaynta, iyo Bangiga... Madaxweynaha waxaa wehliyey Madaxweyne ku xigeenka Mudane Maxamed Cabdi Xaashi iyo mas'uuliyiin sar sare oo ka tirsan Maamul Goboleedka Puntand.

 

WAREYSIGII WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA.

 (QAYBTII 2AAD)

 

W/PL:-  Wasiir, waxaannu ognahay in dhowaan lagu magacaabay, isla markaana aad bilowday inaad wax-kala beddeshid...Dadweynuhu waxay isla dhexmarayaan in arrintaas aad kaga jawaabaysid hadalkii xasan Abshir uu kaga hadlay carta ee adiga kugu saabsanaa....adoo dadkii uu isagu xilka u dhiibay aad ka qaadaysid... xilliga aad wax kala beddeshay iyo hadalka dadweynuhu leeyihiin sow isrumayn maayaan????

Wasiirka:- Cabashada Dadwe-ynaha ka timid ayaa lagu saleeyay kala beddelka maamulka, iyadoo la tixgelinayo danta guud ee ma aha mid aan ku raad raacayo Xasan Abshir ....Taasi ma jirto ee Xasan waxaan u aqoonsanahay adeernimo...

 

W/PL:- Adeernnimada ma waxaad ula jeeddaa inaad tihiin isku qabiil iyo weliba isku jilib???!!!

 

Wasiirka:- Maya ee waa dhinaca waaya - aragnimada iyo shaqada weeyee!!!.

 

W/PL:-  in yar ayaad magacownayd ee goorma ayaad dadka Maamulka kala baratay???

 

Wasiirka:- Kala beddelka Maamulka waxaa lagu saleeyay rabitaanka dadweynaha....

 

W/PL:- Waxaa dhacda in cabashada Bulshadu marar ku dhisan tahay Caaddifad.

 

Haddii aad qof mas'uul ah noocaas ku beddeshaan, sow meel ka dhac noqon mayso?

 

Wasiirka:- Beddelka Mas'uuliyiintu waa wax caadi ah... mar walbana macnuhu ma aha, in qofka meel laga beddeley xumaan lagu beddelay... Marar ayaa la beddelaa iyadoo meel kale loo wado....

 

W/PL:- Adigoo u marinaya Radio

Gaalkacayo iyo Warsidaha Puntland maxaad shacabka reer Puntland ku oran lahayd?

 

Wasiirka:- Qofku wuxuu leeyahay shalay, maanta iyo berri... waxaan ku kalsoonahay inaad shacabka reer Puntland ahaan aad tihiin dad ilaalashada taariikhdooda aadna ilaashanaysaan qowmiyaddiina iyo sharaftiinna, dowladdiinana aad isla garab taagaysaan hiil iyo hooba.

 

WASIIRKA MAALIYADDA PUNTLAND OO LAGU CASUMAY SHIRKA IMF IYO WORLD BANK.

(PUNA 27/07/2000)

 

Wasiirka Maaliyadda Puntand Mudane Siciid Cadduur iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka kala socda Maaliyadda, Qorshaynta, Baanka iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa Hay'adda UNDP ku casuntay shir ay soo qabanqaabisay oo ay kala qaybgaleen IMF iyo World Bank.

 

Shirkaas wefdigaasi wuxuuu ka jeediyay warbixin la xiriirta xaaladda guud ee dhaqaalaha Puntland, wax qabadka Wasaaradda Maaliyadda, Qorshaynta, iyo Baanka iyo wax qabadka xiriirka dibedda.

 

Wefdigaas Dawlad Goboleedka Puntland si weyn ayaa shirkaasi ugu riyaaqay warbixintii uu halkaas ka jeediyay, iyadoo loo soo jeediyay warbixintooda ammaan iy bogaadin

 

 

Dikreeto Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Dadweynaha

http://warsidaha.puntland.8k.com/cgi-bin/i/issue53/image003.gif

 

 

 

MAXAA KALA GAADHAY BAARLAMAANKA IYO WASAARADDA (QAYBTII 2AAD)

 

(Sabti 22/07/2000 Madasha Barlamaanka) Mudane, Caasha Geelle waxay Wasaaradda u jeedisay su'aalahan:-

 

S/1. Dhalliilaha ka muuqda degmooyinka, Wasiirkii hore wuxuu ballanqaaday in sixitaankoodu hirgeliddoono oo dhammaanddoono sannadkii 1999...Maxaa  weli xaaladdii sidii u tahay???!!!

 

S/2. Gobolka Nugaal ee Caasimadda ahi muxuu isagu maamulka Gobollada muraayad ugu noqon waayay

 

S/3 Suuqa Cusub ee Magaalada Gaalkacayo maxaa ciidan Booliska ah loo geyn waayey dadku hantidooda ha ku aammineene???

 

S/4 Ciidanka booliiska, iyada oo meel dheeraadka joogo, maxaa meel kale mid cusub looga qoraa oo kaas meesha dheeraad ku ah loo qeyn waayay oo isu dheellitirkaas loo samayh waayay.

 

J/1  (Agaasimaha Guud ee Wasaarada waa nin madaxu boosh cad yahay, maamulkana waaya aragnimo dheer u leh)

 

Sixtaanka Maamulku ma howlyara waa arrin soconaysa oo (Process) dheer maraysa... Maamulka waxaa lagu keenay qaab saamibeeleed... hubaal ma aha in beeshu keenayso qof meesha ku habboonaa...taas ayaana sabab u ah arrinta aad la yaabaysid ee ah in dad maamulka yaqaan suuqa joogaan, maamulkana ay ku jiraan dad aan khibrad u lahayne.

 

J/2  Gobolka Nugaal, Golladda kale ayuu la qabaa arrimahaas aan soo sheegnay.

 

J/3 Taliye ku-xigaanka Booliiska... (wuxuu Booliska ku soo jiray tan iyo waqtigii Isticmaarka):-

 

Suuqa cusub ee Gaalkacayo in ciidan Booliis la geeyo qorsheheeda waxaa iska leh madaxda Gobolka.

J/4  Wali ma aynnu gaadhin Ciidanka Booliiska ee Degmooyinka in  aynnu isku beddello.

 

Guddoomiyuhu hadalkii madasha wuxuu siiyay mudane C/rashiid Maxamed Xirsi (waa nin Gobol ah oo laga soo igmaday Gobolka Mudug... Dooddiisa waxaa ka muuqda bisayl... gadhkiisa waxaad isweyddiinaysaa:- Akhwaanka miyaa? Mise waa hadhaagii kooxihii calancasta?? Mise hor Alla ayuu sidaas ugu daystay)C/rashiid wuxuu Wasaaradda weyddiiyay:-

 

S/1  Suuqa Cusub ee Gaalkacayo shacabka iyo dowladdaba waa lagu curyaamiyay!!! Goobo ganacsi oo aad u tira badan ayaa shacabiga laga burburiyay intaas oo qooys ayaa dherigoodii dabka laga seexiyay Malaayin Cashuur ah ayaa Dawladda laga baajiayay...shacbiga iyo dowladdaba maxaa dunuubtaas looga galay??? Yaa mas'uul ka ah??? Yaa wax ka qabanaya??

 

S/2 Gabar ayaa Maxkamada la'aan waxay xirantahay labo sannadood... denbigaas yaa mas'uul ka ah?

 

J/1 (Ag. Guud) suuqa Cusub ee Gaalkacayo waxaa go'aankiisa lahaa Guddiga fulinta ee Deegaanka. Mas'uuliinta sare ee dowladduna way ku raacen maanta ka hor cid ammaan suuqaa ka sheegaysa mooyaane, ma maqal cid ceeb ka sheegaysa.

 

J/3  Waa run Gabartaasi muddadaas dheer ay Maxkamad la'aan xirantahay...waxay u xirantahay dad xoolo u sheegtay...

 

SANADKII SOOMAALIYGA AHAA OO JIMCIHII BILAWDAY.

(W.Q. CISMAAN C/NUUR XAASHI)

 

in kastoo ay sii gabaabsiyayso, haddana saw adba marag kama tihid oday ama Islaan leh sanadku waa sanno Arbacaad, mararna dad reer miyi ah oo tiro aan reer magaalku badi la garanayn tirsanaya? Waa dhab inay weli beeraleyda & raacataduba sii hayaan la socodka iyo weliba tirsiga ama tilmaansiga ammino awoowe-ka-soo-gaadh ah oo waayo hore soo unkamay.

Dabshidka ayaa ah mid ka mid ah xilliyada ugu caansan ee ay soomaalidu tirsato, waxaase jira ummado badan oo aalaa Aasiya u badan oo iyana isla xilligan sideenna u xertay, neyruush ayaa Iiraan iyo meelo kaloo door ahba habeenkan dabshidka looga yaqaan.

 

Soomaalida qaar baa jira sila ayaantan sannad-bilow u xeersada balse iyagu aan cawadii mudnaanta siine, dharaarta qiimeeya, dhul baaxad leh oo webi Shabeelle ka bilowda & Gobllo ilaa gudaha Kenya un sii gudubsan ayaa dhaqankan leh, kuwaasoo iyagu xus & weyneyn Aad uga geddisan midka Xoolo-raacatada Hiiraan ilaa iyo galbeedka wadaago halka ay reer miyigu Dabab duleedka & dacaallada degmada laga bidhaamiyo iyo ducooyin ama Alla-bariyo ay uga weheliso negaasnsho iyo habeen kaas oo aan la guurin, maatada & dhallaankana laga farxiyo ay kaga soo dhoweeyaan habeenka Dabshidka; ayay reer koonfureedkuna cayaar caqligu diido oo "Istun" la yidhaahdo ay raggu fogaarayaal budhka iska dhergiyaan, tiiyoo dumarkuna hadba kooxda la hinqiyo ay kaga mashxaradaan oo weliba Ragga jibbooda ama bururaana ay billaawe isla Anlaan oo muruqyada iyo dhudhumada intay mindi isku dhilaan ay dhiiggooda dhulka ku qooyaan.

 

Si kastaba ha ahaatee, dadyow dunida ku dhaqan oo fara leh ayaa iskook u leh xilliyo ay ku astaystaan bilaha sannadkooda metelan Shiinuhu kalaandar u gooniya buu leeyahay, Itoobiyana 7 sannadood bay dib uga guratay sannadka maanta loo badan yahay ee dhalaahadii Nebi Ciise CSWS, ku abbaaran Carabta lafteeda oo waayo koob Aad ugu eg kan soomaalida miilaysan jirtey ayaa qaxii Nebi Maxamed uu maka uga dalway xaga maddiina maanta badi tirsata.

 

Inkastoo dharaar & Habeenba lagu kala saleeyo sannad tirsiga, haddooma xiddigaha oo Dirirro iyo Nujuum kaleba naanayso kala yeeshay ooo kala meerto ah ayay soomaalidu ugu eexaysata tirsiga waayaha, iyagoo gudan & caddo, gu & Dayr iyo dulucdoorro kaleba gella oo dhaammi habeenka DABSHIDKA uu kabsada u wada jeedo ama wada eegayo sannad kasta 21ka ama 22ka julaay ayuu dabshidka oo bilow u ah sannadka soomaaligu soo galaa, cidina ma oga salka & unuggii arrintaa.

 

 

BAAQ KU SOCDA AQOONYAHANKA IYO INDHEERGARADKA SOOMAALIYEED.

 

waxaa qoray Hersi M. Labagarre (Ph.D Candidate) National University of Malaysia

(Qaybtii 2aad)

 

Sidee bay Soomaaliya nabad ku gaari kartaa?

 

Nin kasta oo aqoonta siyaasadda wax uga billaaban yihiin  wuu fahmi karaa qaabka ugu fudud ee hubaalna ah ee soomaaliya nabad lagu gaarsiin karo, waana ayada oo la taageero soomaalida, sidee loo taageerayaa? Waxaa la taageerayaa goballada deggan ee nabada ah, si ay nabad ugu sii nagaadaan oo nidaamkooda u sii hormariyaan, waxaa sidoo kale la taageerayaa kuwa dhibaataysan ee dagaalku ka ooganyahay Gobolladooda, maanta Ilaah mahaddiisa ma jirto soomaaliya meel dagaal ka jiro, dagaalkii wuu yaraaday keliya dadku waxay u baahan yihiin in loo sheego sidii koox kasta ku habaysan lahayd Gobolkeeda oo u nadaamsan lahayd maamulkeeda.

 

Qof kasta oo siyaasadda wax ka fahmaya, wuu garan karaa in UN-ka iyo Jabuuti aanay marnaba Soomaaliya u danaynayn ee ay ku danaysanayaan, hadaba maxaa aqoonyahanka iyo indheergaadka soomaaliyeed u diiday in ay arrinkaas ka hadlaan, miyaanay ceeb ku ahayn in ay aamusaan ayaga oo arkaya dalkoodii iyo dadkoodii oo lagu danaysanayo?

 

Ugu dambaystii waxaan u soo jeedinayaa dhammaan aqoonayahanada iyo indheergaradka soomaaliya in ay taageeraan bulshada soomaaliyeed, in ay garab istaagaan caamada iyo dadka aanan fursadda u helin in ay wax bartaan ee raashinka macaan u noqday midiyaha ay adeegsanayaan UN-ka iyo dowladda Jabuuti.

 

Shalay markii la yiri, war dagaal oogayaasha bulshada halaga qabto aqoonyahanka soomaaliya wuu ka lugjiiday arrrinkaas, ayaga oo ku daba safanaya dagaal oogayaasha, qaar qabiil bay ku raaceen qaarna hunguri bay ku raaceen. Maanta waa tiiyoo kale, meeshii laga rabay aqoonyahanka soomaaliyeed in uu qalinkiisa la baxo oo karbaasho tuugada bulshada ku adeeganaysa ayuu door biday in uu dhuuni raac noqdo.

 

Waan hubaa in ay wali jiraan aqoonyahanno aad u badan oo soomaaliyeed oo dalkooda iyo dadkooda in ay difaacaan daacad u ah, xataa magacyadooda ayaan qaar badan oo ka mid ah halkan ka sheegi karaa, laakin dhibaatada taagan waa in aaney hadlayn kuwaasi, marka waxaan ka codsanaynaa kuwaas aan soo sheegnay in ay aamusnaanta joojiyaan oo xilkooda dhabarka u ritaan.

 

Warqad Furan oo ku Socota Madaxweyne Guelleh

Qore - Cabdiwahaab Xaaji Xuseen – Toronto,  Canada

 

CC: Somali intellectuals

CC: U.N Secretaty General, New York
CC: Security Council Members
CC: OAU, Addis Ababa, Ethiopia
CC: IGAD Heads of States
CC: Organization of Islamic Conference

 

Aniga oo ah oday Soomaaliyeed, oo ka mid ah raggii u soo halgamay gobonnimaddoonka, maantana qaxooti ku ah dalka dibaddiisa, ayaa waxaan jeclahay inaan aragtideyda ka  dhiibto Shirka Jabuuti.

Laga soo bilaabo sannadkii1969kii, Soomaliya waxa ka dhacayay dhibaatooyin aad u waaweyn, oo maalinba maalinka ka dambeeya sii foolxumaanayay.  Dhibaatooyinkaas, boqollaal kun baa lagu xasuuqay, boqollaal kun oo kalena inta lagu mooraduugshay baa lagu barakacshay.  Intaa waxa dheeraa kufsashada, jirdilka, iyo fal kasta oo bini’aadamnimadu diidayso, oo si aan xad iyo xisaab lahayn, loogula kacayay shacab aan sina u galabsan.

Haddii, annagu Soomaali ahaan, si wadajir ah, aan dhibaatooyinkaas xal ugu weynnay, dawladaha caalamkuna ay midba maalin ujeeddo gaar ah u soo gacantogaalaysay, waxaan in badan ku taamay, in walaalahiin Reer Jabuuti ay mar uun na soo dhexgelaan, oo nakala qabtaan, iyaga oo wuxuun xaqa iyo caddaaladda ku lug leh noo bikaacinaya.

Markii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu khudbaddii qiirada lahayd ka jeediyay Golaha Qaramada Midoobay, ee uu ku nuuxnuuxsaday: in caalamku Soomaliya ka qabto dhib-huriyayaasha tirada yar, iyada oo la saacidayo inta faraha badan ee nabadda yagleelinaysa, sida gobollada Puntland iyo Soomaliland, waxaan u qaatay in xaqu feeraha ka dillaacay, oo Reer Jabuuti ay si la yaqaan u gudanayaan waajibaadkii walaaltinimo ee aan ku lahayn.  Waxaase ayaandarro noqotay, iska daa dhibaato ay naga furdaanshaane, in ay dhibaatadii hore noo saabatay ay sii murjiyaan, oo ay lug hor leh u bixiyaan.  Ka oday Soomaaliyeed ahaan, waxaan dhihi karaa: “Allaa i lehe, Reer Jabuutiyow, sidii aan idiinku lisnay nooguma aydnaan hambayn”

Waxaan saas u leeyahay, waxaan sina u qaadan waayay:

1)      Waa mare, in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, uu ku axdi furay wax Alle iyo wixii uu khudbaddiisii caanka ahayd noogu sheegay. 

2)      Waa markeeda labaade, in dawladda Reer Jabuuti ay balambalada Carta noogu shiriso, oo dib noogu soo noolayso raggii sababay dhibaatada Soomaaliyeed ee aan kor ku xusnay ee na haysatay soddonkii sano ee u dambaysay, oo ay weliba nagu tiraahdo waxa ay dib u dhalinayaan dawladnimadii awgood u burburtay.

3)      Waa markeeda saddexaade, in Reer Jabuuti noogu taliyaan in aan wax ku qayabsanno, oo weliba caddaalad ka doonno qabyaaladda heerkaan na soo gaarsiisay.

Waa yaabe, markii Madaxweynuhu Unada (UN-ta)  u khudbaynayay ma na khaa’imaayay, oo ulajeeddadiisu ma waxay ahayd in uu marinhabaabiyo caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ee markii hore ugu sirmay: “ha la rooro baan run mooday”?  Waa yaabka yaabkiise, bal goormay wasiirradii Siyaad Barre isku beddeleen kuwa ka tarjuma danta dadweynaha? 

Waxa iyana amakaag ah, in dawladda Jabuuti ku andacooto in ay Qaran Soomaaliyeed ka aloosayaan faagidda qurunka qabyaaladda, iyaga oo sharciyaynaya waxna ku saamiyaynaya magacyo qabyaaladeed oo markii horeba dulmi ku baxay, sida Midgo. Waxa ay taasi daliil u tahay in aan Soomaaliya wax wanaag ah lala rabin, oo waa waddadii gumaystuhu u mari jiray wiiqidda midnimada Soomaaliyeed.

Waxa hubaal ah in Madaxweyne Ismaacil Cumar geelle iyo lataliyaalkiisu ay u gogol xaarayaan iney Soomalia dib ugu  soo celiyaan maamul ka foolxun kii Maxamed Siyaad Barre.  Sida  runta ahna Madaxweynuhu aad buu u quursaday Soomaaliya, wuxuuna ka galay  dambiyo waaweyn oo aan marna taariikhdu illaaweyn.  

Si taas waafaqsan, waxaan madaxweynaha iyo dawladdiisa uga digayaa inaysan dambiyada ay hadda galeen aysan dhib kale noogu darin.  Haddii innaba wax xishood ah uu dawladda Jabuuti ku harayna:

·         Waa mare, waa in ay sida ugu dhakhsaha badan ay ugu fasaxaan shacabkii la soo siray, ee hugunka soo raacay, in ay guryahooda ku noqdaan.  Waana in ay ka dayso hanjaabadda ah in la xirayo ciddii isku dayda in ay shirka ka baxdo.

·         Waa markeeda labaade, waa in ay xaqdhawrtaa xeerarka caalamka, oo gacankudhiiglayaasha Carta ku sugan ay ku wareejisaa Maxkamadaha Caalamiga ah, si loogu gooyo falalkii Bini’aadamnimada ka baxsanaa ee ay u gaysteen shacabka Soomaaliyeed.

Haddii aan taas intaa uga haro, oo u soo noqdo umadda Soomaaliyeed, waxaan filayaa in aad maanta ka wada dheregsan tihiin in aan dal shisheeye wax wanaag ah oo inooga imanaya uusan innaba jirin.  Dad waxaa noogu sokeeyay Reer Jabuuti, iyagana waan aragnay foolxumada ay nala damceen.  Waxaana dadweynaha Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, xasuusin lahaa in ayagu aayahooda ka tashadaan. 

Haddii ay dhab naga tahay in aan helno dawlad caddaalad ku dhisan, waa inaan tixgelinnaa arrimahaa:

  1. In, wax walba hortood, laga saaro, ama ay ka  baxaan, burcadda xaaraanta ku haysata gobollada qaarkood sida Jubbada Hoose iyo Shabeellada Hoose.
  2. In dadkii dhibaatooyinka geystey ee  dalka dudumiyey maxkamadaha la soo taago - shibil iyo askari miduu yahayba ama ha dhinto ama ha noolaade.
  3. In wixii qur iyo qoomaal ahayd, iyo wixii hanti ahayd ee la kala qaaday, dib la isugu mago.
  4. In la hirgaliyo arrinta goboleysiga, oo waa in intii isqaadan kartaba ay dhisato maamul  xalaal ah oo  aaney ku jirin dambiilayaalkii dalka dumiyey.
  5. Markaa dabadeed, waa in la isaga yimaadaa sidii loo dhisan lahaa dawlad Federaali ah, iyada oo wax lagu qaybsanayo heer gobol.  Waana in markaa aad looga fiirsadaa awoodda dawladda iyo meesha noqonaysa magaalo madaxda.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa in Ilaahay, Subxaanahu wa tacaalaa, uu umadda Soomaaliyeed waafajiyo xaqa, kana qabto kuwa dhibaatadooda sii hurinaya, iyaga oo ka wata dano gaar ah oo raqiis ah.

 

Wa Billaahi Towfiiq,

Cabdiwahaab Xaaji Xuseen

Toronto, Kanada

 

 

Water down the Nationalistic fever 

 

Mohamed Abdulle Illal

 

 

Up until the outbreak of the conflict, the world community recognized Somalia as a sovereign state with a central government. And the assumptions were therefore that all fundamental principles of a state and rules of harmony were in place. Thus making it the due obligation of every citizen to abide by the laws of the nation. But, contrary to what was superficially evident, the state of Somalia was nothing but a weak association of tribes whose member owed loyalty to their respective kinsfolk rather than to the government of the country. And the fragile partnership was dissolved by the commencement of hostilities among the constituting tribes.

 

Since then, at least a dozen attempts were made under the auspices of regional or international bodies to piece together the wreckage of this country. However, all efforts ended in vain, and the reason is that everybody plays the drum of nationalism, but with an undercurrent of tribal influence. The Somali Reconciliation Conference now taking place in Arta, Djibouti, is the best example to this effect. Because, as we are all aware of, many Somalis enthusiastically saluted the first announcement of that conference. Nonetheless, many have already lost interest in it as the alleged objectives are overshadowed by the unsheathed tribalism, which means constitutionlized  tribalism.

 

So, I would say that the statehood of Somalia is comparable to a structure built on top of a temporarily inactive volcano. And when the cycle came and the volcano erupted, the components of the structure  became fragmented into irretrievable particles scattered all over the places. So, from this theory we can deduct that Somalia had never been a state (in terms of relation between the people and the government), and that it will hardly be one until its people' attitude toward nationhood changes, which of course will take time.

 

Hence, I would suggest that we water down the nationalist fever not warranted by the facts. And give more thought to the establishment of self-governing regions, which, to my view, is more likely to develop into a well-substantiated state for Somalia than a government actualized by force. In fact, it is incongruous with the conventional wisdom to impose self-styled government on different tribes who are practically at war with each other, for it will add fuel to the already simmering conflicts.

 

 

CAHDIGA LAGU OGGOLAADAY SHIRKA MAGAALADA CARTA EE JABUUTI.

 

Sida aynu la wada socono bur-burkii Dawladdii soomaaliyeed ka dib waxa Gobollada qaarkood ee Soomaaliya u suurta gashay dhismo nidaam maamul Goboleedyo sida Maamul Goboleedka Puntland oo ay ku bohoobeen 5 Gobol iyo hal Degmo, kuwaas oo ku yimid rabitaanka shacbiga Gobolladaas.

 

Haddaba Cahdiga lagu ansaxiyey shirka Carta ee Jabuuti waa mid ka soo horjeeda nidaamka, ay hadda u dhisan tahay Maamul Goboleedka Puntland, halkaas oo aad ka garan karto in Cahdigu ku wajahan yahay bur-burinta nidaam iyo maamul shacbi ku heshiiyey, waayo Cadigu haddii uu xal Soomaaliyeed wado, waxay ahayd, in uu waafajiyo dhismaha maamullada ku yimid rabitaanka shacbiga ee ma ahayn in uu bur-buriyo.

 

Sidaa darteed, shacbiga ku heshiiyey dhismaha Maamul Goboleedka Puntland waa in ay ka digtoonaadaan carqaladaha iyo shirqoollada Cahdigaas huwan yahay oo iyaga loola jeedo in lagu kala fur-furo la'isagana horkeeno, taasna waxa looga gudbi karaa midnimo, waayo midnimadu waa xoog (l'unione fa la forza).

Waxaa qoray Maxamuud Axmed Xaashi Degen Garoowe.

 

 

BUUGGA DAWLADDA JABUUTI AY KU MAGACAWDAY SHIRKA DIB-U-HESHIISIINTA SOOMAALIYEED (QAYBTII 2AAD)

 

Reer Puntland oo aalaa tahay dood u joogto galabtaas madaxay ruxeen, waxaa Ergo dhowr ah, hadalkuna weli uma furra dhanka Jabuuti meeday calaacashii dabada lahayd- Dabayl xagaa baa ku dhufatay.

 

Madaxweyne Geelle iyo Wasiirkiisa Arrimaha dibade ayaa Ergada Puntland la kulmay, waxay u sheegeen in xubnaha Puntland ee Shirka loo badinayo iyo in ay xoryihiin goortay doonaan bixikaraan, balse Ergada qaar joogo, (Soo marna isma gartaan meeye raggii gogosha kaliya fidiyey yaa Ergada kordhinaaya oo wax qaybsanaaya, ma Geelle mase soomaalida ayaa wax qaybsanaysa go'aankana leh - Buugga kuma taal wadatashi iyo wada hadal soomaaliyeed.

 

Arrintu si kasta ha ahaatee, Ergadii Puntland qaarbaa yimid, dadweynaha oo silsilada Ruwaayadda iyo furaha buugga horay u helay sugayeyna imaatinka Ergada oo ka caloolgoostay Jabuuti ayaa ku tallaamay armaa Ergadu ku talisaa, wax kasta ha ahaatee ha la aado Jabuuti, iyo maya raggu waa isku calool, waana sidaas oo iyagu goobta joogeen, Ergadu diidmo ayey la timid yaa laysku waraystay.

 

(Galabtaas qof waliba oo reer Puntland ahi wuxuu jeclaa inuu isagu kalmada horay maqlo). Go'aankii Ergadu wuxuu ku soo baxay in Puntland aysan Shirka ka qaybgelin, aqoonsan wixii ka soo baxa, cid matashaana aysan shirka Jabuuti ka jirin, caalamkana way ogaysiisay.

 

Siigaa Cirka u duushay Jabuuti fiidkaas -  ninkii joogay baa joogee telefishinka Jabuuti quruxi kama muuqan

Bulshada Puntland iyo soomaalida cadaalada jeceliba waa soo dhaweeyeen go'aanka Puntland, Buugga Jabuuti ee shirka qaybtii 2aadna waa furmay.

 

Habeenkii 1aadba baalka hore ee buugga waxaa ku qornaa magaala madaxda Soomaaliya waa Muqdisha, ruwaayaddiina waxay ku socotay waa yeelnay dhaha iyo niri, soomaalidii kale show Puntland belaa la tusay yey isku wareysteen.

 

Maxaa xigay -  Xamar hala xaalmariyo oo yaa xaalmariya, dadkii ka qaxay, ee lagu boobay, laguna dhacay, laguna laayey.

 

 

WAXAA QORAY C/KARIIN NUUR MAXAMED (DEGAN GAALKACAYO.


 

 

 

 

TAAYADA (EDITORIAL)

HALOW GAABOW!!!

(Waa Telephone dhexmaray labo nin oo hore saaxiib u ahaan jiray)

 

 

Dheere:-  Halow muqdisho!!! Halow Gaabow!!! Halow!!! Saaxiib Gaabow ma nabadqabta... waa A.ka dheere oo Garoowe kaala soo hadlayee!!!

 

Gaabow:-  Saaxiibkaay!!! Nabad ayaan ahaye adigu ma nabadqabtaa???

Xaggaynna waxaa noogu daraan labada qof ee reer Yurub ee shalay xamar dhexdeeda lagu afduubay.

 

A.ka-Dheere:- Saxiib saaka waqtigan waxaan kugula soo kallahay su'aal aan xalay ka seexan waayay.

 

Gaabow:- maxee tahay taas darani !!!

 

A.ka-Dheere:- Waxaan ogaaday inaadan wax kal-gacal ah ii hayn intii aynnu saaxiibka ahayn oo dhan !!! waxaan rabaa inaad kal-gacal ii yeelatid!!! Kal-Gacalkaaga ma heli kara!!!

 

Gaabow:- Maxaa siibaxa kaa yeeraya waa yaabe???!!!

 

A.k-Dheere:- Innagoo xamar ku sheekeysanaynnaa waxaad igu tiri Maxamed Siyaadiyo kiinnaa la soo dagaalamaya ma kala jecli, ka dibna Prof. Abyan iyo Xaajigii xisbiyiinta ahaa isku qodob ayaad ku wada qaaddeen oo ku disheen.

 

Gaabow:- Saaka wax-raaya sheegimeyside bal soco!!!

 

A.ka-Dheere:- Haddii maantana wax garowshiinyo ahi aanay weli idinka muuqan!!! Sideebaa calooshaadoo ii fayow loo heli karaa???!!! Kalgacal aad ii qaado sidee lagu gaarikaraa???

 

Gaabow:- Maxaa dacartaada soo kiciyay waanba dejinayee!!!

 

A.k-Dheere:- ii jawaab!!!

 

Gaabow:- Labadeenna run ayaa inaga dhexaysa!!! Run iga dhegeyso!! Ilaa finka jaan ee maskaxda kaaga yaal lagaa daaweeyo dad ma heshiinaysaan.

 

A.ka-Dheero:- Finkee? Muxuu Yahay finka maskaxda igagayaal!!!

 

Gaabow:- Beri hore nin sayid ma ku sheegtay oo dalka oo dhan fidno dagaal ma gelisay???!!! Markii nabadda dib-loo-dejiyay kulub hoosta ma ka shidday oo fidno cusub ma abaabushay??? Xamar oo nabad ah dhagax farqaha ma ka buuxsatay oo Muslin iyo Gaalaba ma dhagaxtuurtay ka dibna tii baas ee ugu darrayd ma keentay!!! Maantana Carta keligaa dadka oo dhan Cidla, ma uga baxday??? Oo ummaddii kale oo dhan gooni ma ka fariirsatay!!!! Dadka maad la mid noqotid??? ? Dadka dhexda maad kaga jirtid!!! Finka Maskaxda kaaga yaal waa kaa marwalba fadhiga kuu diidaya.... Yaa ku jeclaankara??? Mayya Mayya!!!  Kal-gacal ha sugin..... Nabadglyo odayaal ayaa ii soo galaye!!!!.

 

Aka-Dheere:- Hii.....Hii....Hii...Nabadgelyo

 

 

NUGAAL OO SAARKEEDII KU KACAY!!!!

 

Heelka weyn ee dibadda ka heeraaran, gudahana sisibta ah (Shammiito), ee ku yaalla bartamaha magaalada Garowe, ee hore loogu yiqiin; Golaha hanuuninta Dadweynaha, haddana loo yaqaan fagaaraha bulshada, ayaa goor casar ah waxaa ka yeeray durbaan...Rum..Rum. .Rum..Rum..Nig..Nig..Nig..Ciddii, magashayba wey yoolyooshatay Adoo naawilan...nowle kugu yeer oo naqaa curay... Rig...Rig...Rig...oodda la jabsaday...oo yar iyo weyn meeshii ayaa la isku soo shubay cid waliba qoorta ayay sii dheeraynaysaa oo isku sii hormarinaysaa...la gaadh oo la soo gel.. Haween ayaa meesha guurraynaya..da, walba oo haween ah...toban jir ilaa...qaar waxay xiran yihiin dharkii hiddaha iyo dhaqanka... laba dhudood...dhacle..Boqor..kurdad..hagoog..ubaxa yaryari, dhar isuwada eg..oo aad mooddid Haram-cas maqaa-rkii...qaar kale dharkoodii caadiga ahaa..qaar xijaabka damta ah...yaa isugu wada yeeray!!! Waxay u egtahay inqaar meesha ku ballameen...qaarna reemuhu  keenay...

 

Dhammaantood waxaa ka wada muuqata farxad iyo firfircooni iyo fraacino hannaankeed...Rigdhee!!! midbaa ugu dhufatay durbaankii...Rigdhee...Ramdhee!! wixii isdhexmuurraynayay mar keliya ayay kala bexeen... jin miyaa safay..

 

mid luuq dheer ayaa ugu qaadday.... markaas ayaa qofwalba meel waliba nuuxsatay...sacabka suxulka..guudka..garabka..sinta...ciribta...Raxdhee..Raxdhee...laba nin oo qaad dhilanaya xusalladana ku sita kokakoola ayaa agtayda isasoo taagay...sheekada ayay daranddooriyeen:-

 

Curiye:-  Heedhe maanta maxaa jira??? Maalintu maxay ahayd??? Taariikhduse maxy tahay???

 

Celiye:- Maanta waa khamiis... taariikhduna waa 27/07/2000...

 

Curiye:- oo waa maxay waxa kani???

 

Celiye:- Waa Nugaal oo saarkeedi ku kacay!!!

 

Curiye:- Maxay ka wadaan???

 

Celiye:- waxay isu diyaarinayaan 1-da August, Maalinta Puntland???

 

Puntland iyo buruud Awliyaannu nahay waaberi dillaaciyo shamso soo baxdaannu nahay, Baddoo guuxday iyo mowjaddoo Soo bu,daannu nahay Rigdhee!!! Rigdhee!!! Digdhee!!! Raxdhee... Raxdhee..