Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Warsidaha Puntland

tirsi 83

15 Maarso 2001

 

 

Caddad Gaar Ku ah Munaasabadda 8 da Maarso - Maalinta Haweenka Adduunka

 

 

XAFLAD LOO WADA BOGAY

O8/O3/2OO1 13DULXAJ 1421

 

 

Waxaa saaka 9.oo saac ka bilaabatay Dugsiga Sare ee Garowe...Xaflad si yaab leh loo soo qorsheeyay oo ku saabsanayd munaasabadda 8da Maarso, maalinta Haweenka Adduunka....Qabanqaabada xafladdas waxaa udub dhexaad u ahaa xarunta cilmi-baarista ee Abyan ee ay Guddomiyaha ka tahay Prof.Deeqa Jaamac Col-ujoog... waxaana u ahaa udub xoogyo,dheegyo iyo tiiriyeyaal ururrada haweenka ee kala duwan ee Garowe.....

Xafladdaas oo ahayd mid loo hannaaniyay qaab aad iyo aad u qorshaysan oo si heer sare ah u habaysan..... waxaa ka soo qaybgalay:Madaxweyne-ku-Xigeenka Dawlad Goboleedka Puntlaand Mudane Maxamed Cabdi Xaashi,Marwada Madaxwenaha Puntland, Golaha Wakiillada,Golaha Wasiirrada,dadweyne aad u fara-badan iyo hay’ado ajnebi ah.....

Xafladdaas aan tobankii sanadood ee ugu danbeeyay mid la mid ah laga dhigin dalka Somaliya, waxaa furay Marwada Madaxwenaha Puntlaand,waxaana gebagebeeyay Madasxweyne-Ku-Xigeenka Puntland.........

Hadda Saacaddu waa 9.4o subaxnnimo....Xafladdii ayaa inoo furmaysa....Xiriiriyuhu waa Mudane Maxamuud Muuse...

Mikrafoonkii ayuu la booday...oo salaamay mudanka meesha isugu yimi... wuxuuna ku wareejiyay xildhibaan Naallaye oo akhriyay aayado qu’raan ah... ka dibna waxaa mikroofankii lagu soo dhoweeyay Marwada Madaxwenaha Xaawo Cabdi Samatar....Marwadu waxay tiri: Allaahu Akbar.....Allaahu Akbar...Allaahu Akbar...Allaahu Akbar.....(Waa takbiirtii Ciidda Arrafo).....Salaan ballaaran ayaan idiin soo jeedinayaa...Madaxweyne ku-xigeenka.... Golaha Wakiillada...Wasiirrada...dhammaan mudanka Xurmada weyn ee ka soo qaybgalay munaasabaddan isugu jirta Iiddii Arrafo iyo 8dii Maarso,Maalinta Haweenka Adduunka... ugu horreyntii waxaan mahad idiin ka celinayaa sida aad xafladda u soo cammirteen...Annaga haweenka ah Xuquuqdii Ilaahay na siiyay waa noo meesheedii....

8da Maarso dadka ayaa soo kordhiyay...malaha xalay munaasabaddan 8da marso la wada xus(in kasta oo aniga odaygii iga maqnaa!!!) Maanta ilaa caawa haweenku waa nasanayaan.... sariiraha ayay ku jiifayaan....shaqadii guriga iyo caruurta waxaa qabanaya ragga... waxaan mahadweyn u celinaynaa gabdhaha xafladdan sidan u soo qabanqaabiyay iyo inta soo ajiibtay ee ka soo qaybgashay... waxaan leeyahay hambalyo... hambalyo .... hambalyo ...

WAXAA SOO GALAY UBAXA BISHAARO EE PUNTLAND

Waxaa soo socda, hadda ubaxa Bishaaro ee Puntland... waakan ... waakan... soo gale ... waa wada hablo .. Calanka Soomaalida ee Buluuga ah ayaa wajiga ugu wada xiran... xidigta cad ee wajiga ugu xiran, ayaa u wada ekeysiisay Fardihii Suunaarida ahaa ee Nugaaleed... waxaa horjooge u ah Siraad Maxamed Cabdi... Magac Miskiin lagama ahee... waa Guddoomiyaha Ubaxa Bishaaro... waxaa Guddoomiye ku-xigeen ah Xaawo Axmed Xuseen.... waxaa Mu’alif u ah Siciid Biid ...waxaa u garaaca Axmed Barako... Bilaabe... Bilaabe... Bilaabe... waxayna ku bilaabeen Bishaaro... waa heesta Bishaaro...waatan:

1. Waa Bishii dhalatayee, bilkha-yreey intaan niri, waliba sii balaaratee... waa bishaan ... waa bishaan...

Hees Kale: waa maalintii.

Waa maalintii maasha allee, Puntland ay is maamusho.

Wado qura martee, waataa madiix, malab iyo karuur, laga maalayee, maatadu dhantee, kuwa maqan u sheeg..

Maandeeq dhashoo, waataa muraha lagu maalayee, yay naga murkacan.

KOOXDA CIYAARAHA HIDDO IYO DHAQANKA EE RAXMO.

Ayaa soo gashay waxay xiranyihiin dharkii hidaha iyo dhaqanka ... Jawaahir Xareed iyo Xaawo Cabdi Cagweyn ... ayaa ugu qaaday Buraanburkii Cayaarta u sancanaa...durbaankiina waa loo raaciyey ... markaasay iksu dhacday... Rig Dheh ... Rig Dheh.. dadkii meesha joogay, dhammaan madaxa ayay wada dhaqaajiyeen... Madax aan dhaqaaqin ma jiro... Madax Buuran ... Madax dhuuban ... mid koofiyadi saarantahay ... mid cimaamadan ... mid ganbaysan .... la wada dhaqaaji ... khasab ... qofna madaxiisu lama tashan ... durbaankii oo riigaamayaa .... Gabdhihiina fagaarihii ayay ka boodayaan ... Jawaahirna way ku luuqaysay:-

 

1. Tirada Taariikhda.

2. Todobaatan iyo shan- tii.

3. Maarso waa maalin weyn.

4. waa bil mudan.

5. oo haweenku midoobay.

6. ay u mahad naqeen.

7. Murtidii laga maalay.

8. oo magacoodu sare u kacay.

9. intay miigga kiciyeen.

10. Ay ragga la maamusheen.

11. waxaa mahaddaa iska leh.

12. Rabbigeenna Mowle iyo mabda’a ...

Jawaahir, hablaha oo laba laba u boodaya ayay u Nabadiina xiraysaa... il iyo Cawri ayay ugu baaqaysaa ... in la cuno ayay uga baqaysaa ... waa u nabaadiino xiraysaa ... Yaasiinka .... Yaas-iinka ... Yaasiinka ... Yaasiinka ... ka rog oo laba saar... Jawaahir, jaandheer ayay u bedeshay... Heeeeey ... Heeeeey ....

1. Cawdubillaa belooy Beyreey!!!.

2. Cawro daran ka Yaasiinay !!!

3. Allahayyow aan nala cunineey !!!

4. Afka Miyaad Cabeebtee-neey !!!

5. Cagta Miyaad Ragaadeen-eey !!!

6. Miyaad Calaala Biyo-wde-eneey!!!

7. ku dhuftoo ku dhiira-da’eey !

8. dhulka Nabarro kaga jara’-eey!!!

Khayr bay qabaane !!! diilalyaa naga wada kacday !!! waxbay naga soo rogeen !!! saarkii ayay naga soo dajeen .... Kooxdu waa Raxma .... kooxdu waa Raxma ...

Hadda waxaa fagaaraha soo galay:

Kooxda Gabdhaha Isboortiga Puntland

Waxaa daadihinaysay Abshiro Jaamac, waxaa sararta kaga jirta Tababarahoodii Aamino Sheekh Yuusuf ( Puntland ) ... way bilaabeen... way bilaabeen...Hees ayay bilaabeen...

1. Haweenku waa daruur!!.

2. waa daacad lagu hirtaa !!

3. Maxay darxumo qabaan !!

4. Maxay dulmane yihiin!!

5. Hadana dulqaad hayaan !!

6. Rabaan ka doonaynnaa !!

7. inuu u digo –rogoo .

8. xaqooda daalacshaa!!

Baaskeedka.

1. Basket-kaa la yiri.

2. marka ay banooniga.

3. baashaalayaan.

4. hadba laba bog leeyaan.

5. habluhu ay Beret-emaan.

6. hadba dhinac u boodoon.

7. Ma bullaale faras baa!!

8. ma biciidka hawd baa !!

9. mise waa banjoog Cawl.

10. Bilicda iyo nuurkana.

11. basarkay u dheelaan.

12. qalbigaa u buseeloo.

13. bulshadaa ku faraxdee!!

14. ma wax lagu barbaars- haa!!!???

Waxay ku Xejiyeen

Geeraarkaan dhextaalka ah:-

1. Barashada Isboortiga.

2. Boholyowga aan qabo.

3. waa inaan bartaayoo.

4. allaylehe ku biiraa.

Hadana waxay qaadeen.

1. adduunyadu waa silsilad.

2. sideedaba waa Giiraan.

3. hadana Sebenno badan.

4. Su’aalo ruuxii damcana.

5. salkeeda ma gaari karo.

6. sarbeebtaa hadaan ka baxo!!

7. haddaan sooyaalka qoro.

8. Isboortiga sahmiyoo.

9. waxay Ubixii saxnaa.

10. sahraay idin leeyihiin.

11. siraadkaa baxaya iyo.

12. sawaxanka yeerayaa.

13. ma sideedii Maarso baa.

14. Guul iyo sareediyo.

15. ma sidii la rabaybaa.

16. samo iyo wanaagane.

17. Allahayow na solonsii!!!

Mu’alifka Kooxdu waa ... Siciid Biid....Mulaxinkuna waa... Axmed Barako.

 

BARBAARTA PUNTLAND

Waa tanoo timi... waatan ... waa barbaartii Puntla-nd waxaa hoggaaminaysa Faadumo Cali Bootaan ( Faadumo Eyl ) ... Macalinka Kooxda Siciid Diiriye Kadiye... Mula-xanka.... intuba waa isaga...

Geeraar Faadumo Eyl.

Qaran Gaamuray waxaa

lagu gartaa Geyi horumaraa lagu gartaa.

Dad is garabsadaa lagu gartaa.

Garsoore daacadaa lagu gartaa.

Gedda waxaa ka dhigan.

Oo goor iyo ayaan .

U geyfan hawlahooda ... gaar ahaa haweenka guud ahaan dalkeena ..

Calanka guudka noo suran lixdanka goobistiisii.

Waa kuwii gama’a diiday.

Ha noolaatadii galay ...

Leego garabka siiyay.

Gaaladii idleeyey... dahabkoodii wada gaday.

Hadaba maanta geediga... gurmadka iyo hawlaha.

Wixii nala gudboonaa ...

Uga gaabsan maynee, waanu hawl galaynaa.

 

 

Geeraar kale.

Goobistii xorriyaddiyo.

Halgan guluftan-keennii.

Gobonimadda lagu helay.

In Dumar Gool wacan

Gumaystaha ka dhaliyeen

Gayiga u markhaantiya.

Inaan nahay ma gabayaal.

Waqood guusha ku xarbiya.

Gal taariikhdu leedahay aanu galnaybaa markhaantiya.

Inaan nahay ma gaabshaan.

Go’yaashiyo silsiladii.

Garbasaarihii aan.

Geyigaa u markhaantiya.

Heestada Bisha Maarso waa Nabad. ( Mu’alif Siciid Diiriye kadiye)

Mulaxan ( Siciid Diiriye Kadiye )

Bisha Maarso waa nabad

Marxabbiyo guddoon wacan

Maalintii haweenkee

Meel kastuu joogaba

Midnimada heleenoo

Adduunyada ka muuqdeen

Bisha maarso waa nabad...

Marwo reero dhaqatiyo

Hooyooyin mudan iyo

Shabadaha maqsuudaa

Magacaaga jeceloo.

Kuu wada mashxardee.

Bisha maarso waa nabad.

Milgo soo dhaweeynloo.

Nafta muhasho galisoo.

farxad iyo munaasabad.

Dadku meel isugu yimid.

Tii naga mudnayday.

Bisha maarso waa nabad.

Heesta 2aad:-Taariikhdu

Taariikhdu waxay dhigtaa

Dhaxal bay rogataa ogow

Dadkuna ka ma dhuuman karo

Dhiilkaad ku shubatiyo.

Dhacdo waayuhu sitaan.

Dhabbaba meel bay tagtaa.

Dharaariba sheekadeed.

Dhegtaaduna kaa da’ weyn.

Haweenka dhaqankeena Guud

Dhismaha Nolosheena weeye

BARBAARTA PUNTLAND

Xilkasta dhinacay hayaan.

Raggan wey kala dhigmaan.

Hadana waxay dheer yihiin.

Dhexdoodaan jiifnaa sagaal.

Markaan dhalaney haddana.

Naaskoodey noo dhigaan

Dhaybay ina ruujiyaan.

Xanbaaraan dhabarka iyo.

Dhabtooda ku seexanaa.

Markaan dheelalaabo ooyno.

Amaan hees ku dheehan bay.

Inagu dhool dhooliyaan.

Dhawaaqay ina baraan.

Xanjeer aan dhici lahayn.

Dhabtay u naxdoo haq tidhi.

Xaqeeda ma dhamayn karnee.

Abaalkii xagee dhigteen.

Dadoow abaalkii xagee dhigteen.

Ragow abaalkii xagee dhigteen.

TACSI

Anigoo ku hadlaya magaca jaaliyaddd puntland ee degan magaalad melbourne, Ausralia waxaan tacsi u dirayaa dowladda, dadweynaha iyo dhamaan ehelada ay ka geeriyoodeen saraakiisha kala ah G/sare C/risaaq Yuusuf Dhanged (moolas) iyo Bashiir Cabdi Madoobe waxaan Eebbe uga rajaynaynaa in uu janadii ka waraabiyo marxuumiintaas dhamaanteena samir iyo iimaan inaga siiyo. Waxaan u dardaarmayaa shacbiga Puntland in ay adkeeyaan mid nimadooda oo aanay arrintaas ku reebin wax raad ah oo wax yeelo dambe keena, aad ayaana jaaliyadda Puntland ee Melborna deggen arrintaas uga xumaatay, waxaan kaloo codsanaynaa in sharciga la hor geeyo cidii ka dabbaysay shirqoolka lagu dilay labadaas howl wadeen oo muhiimka ah

Guddoomiyaha Jaaliyadda

Yaasiin Maxamed Faarax Aamiin....Aamiin .....Aamiin

 

Waxaa la Soo Gaaray Jaamac Kadiye Cilmi...

Waa loo yeeray... waa kan...

Wuxuu labisan yahay labo go oo cad cad iyo shaati u dhexeeya buluug iyo cagaar... wuu taagan yahay oo godlanyahay...wuu bilaabay:-

Alam dhe...alam-Garii-dhe...

Goodirow rig dhe...Alle la’aantaa miyaan ladaa???

1. Macbuud alle milgaha weynlee

Makhluuqa Abuurtayoo mid ahoo

Isagu mudan baan u mahad naqayaa!!!

2. Mas’ulada dhaqanka Magacoodiyo

Dhamaan maamulka iyo madaxdiisiyo

Mujtamaceena waan u Mahadnaqay!!!

3. Munaasabadeena maanta ahiyo

Ma kala maaranee intii maqan iyo.

intaa muqataan u mahad naqayaa!!!

4. Marwooyinka maalintoodiyo. Maamuus wanaagsan baa i maroo. Bishaa Maarso yaan u mahad naqayaa!!!

5. Magaalada maxastu noo taalliyee miyiga kale ee maalku noo daaqiyo. Macaanka dalkaan u mahad naqay.

6. dad kaba madhan maslaxo qaaro muddadii puntland luga mudatiyo.

Intii muujisaan u mahad naqayaa !!!

7. Intii ila mid ah Mabda’a guudoo,

Maryaha dhaqankiyo hidaha Mudanka ah aan mucaaradin yaan u mahad naqay!!!

8. Masraxan wacanee Micnaha weyn iyo Marwiyo Mudaniyo

9. Munaasabadiyo,

Intii Maamushaan u Mahad naqay !!!.

10. dadyohow midabkiyo magaca guud iyo

Ma geydadu waa ma dhaafaanoo midnnimadeenu muqadas weeyaan.

Alam dheh alam garidhe goodirow rig dheh alla la’aantaa miyaan ledaa!!!.

GABAY XUSUUS QARAN.

1. Xiligii Maarso weeyoo, bishii oo xaadiraa timide.

2. Xuska dumarka waa maalintii xeerka loo dhigaye.

3. Xal ay dunida gaadhiyo dastuur xasilaa jira’e.

4. waa xaal aduunyada ka jira, oo xasaasiya’e

5. Xadhig uma guntamo reer, hadaan xilluhu kaabaynne.

6. xadigaa dadweynaha tan iyo, Xaawo iyo Aadan.

7. iyagaa xambaaray oo Korshayoo, waa xisaab qorane.

8. Xanaanada dhalaankiyo, dantaba waa xafidayaanne.

9. Xilkasnimada hooyooyinkeen, waa Xisaab qorane.

10. Taariikhda Xubintay yihiin, waa xisaab qorane

11. Xurmadiisa waayeelka iyo, xaafadiyo raaska.

12. kan xanuunsanaayee bukiyo, xaynta wada jiifta.

13. iyagaa u xarbiyahayoo ,waa xisaab qorane

14. xiji weeye aan guurinoo, waa xisaab qorane.

15. xaq-dhowr dariska ay kula dhaqmaan, waa xisaab qorane.

16. Xabiib inay yihiin daacadnimo, waa xisaab qorane.

17. iyagaa dhaqaalaha xasladoo, waa xisaab qorane.

18. xishoodka iyo dulqaadkay hayaan, waa xusuus qorane.

19. xariirtiyo farshaxankay qabtaan, waa xusuus qorane.

20. xidid iyo xigaal kala fog bay, xeer dhexmariyaane.

21. Nabaddeey xiriirina’hayaan, waa xusuus qorane.

22. xiribtiyo tacliintay barteen, waa xusuus qorane.

23. inayaan xatooyada aqoon, waa xusuus qorane.

24. xirfad Barafasoor iyo xafiis, xaashidiyo teebka.

25. Xubintii la doonaba ku filan, mana xarraamaane,

26. Xagii loo dayaba waa adduun, xarakadiisiiye.

27. xayigiyo iskaba daa, intay xerada joogaane.

28. xabaashooda oo aan muuqan baa, lagu xasuustaaye.

29. Xanjeerkiyo Laftaa dhabarka iyo, waa xiriirshaha’e.

30. xabbadka iyo xididkaa wadnaha, xulaya weeyaane.

31. Nin kastoo xigmaati u dhashoo, laba xiniiyoodle.

32. Xinjirtiyo naftooduu ka yimi, oo xigto u yahaye.

33. Xuquuqdooda waa inay helaan, aan la xaasidine.

34. Cidi kama xadaafiir badniyo, xawlli iyo daal’e,

35. Xaawaleydu waa mahadsantahay, tan iyo xaataaye.

 

 

HAMBALYO HAWEENKA ADDUUNKA

HAMBALYO HAWEENKA SOOMAALIYEED

 

 

C/QAADIR CABDULLE YUUSUF (SHUBE)

Abwaanka caanka ah... Shube... waxaa dadkii la’isugu daray Shube... iyo saxammo ah Xalwo-Kismaayo...Shube iyo Xalwada ayaa la isku ruugay... iyo waliba xareed ... faanta iyo koka-kola...mid kabbo Shubena ku kabbo... Shube wuxuu ku luuqeeyay heystii Carrurta... Hobeeya.... hobeeya ...hobeeya... hobay hobeeya... hooyooyinkuu ka bartay... sidii ay u qaadi jireen ayuu u qaaday !!! hobeeya...hobeeyaa... waa laga wada mabsuuday .... dadku waa Carrur waa weynaatay!!! Shube wuxuu ku xejiyay:- maqlay warlaay!!! Ma laguuwarramay!!! Ma laguuwarramay!!! Nin aan aqaan oo Xalwadda aan cuni jirin ayaa maalintaas Xalwadda ka dhargay... wuxuu ku mar-marsooday hargab ayaa ihaya!!! Shubaa noo shubay!!!

XALIIMO CABDI WARSAME (XALIMO PUNTLAND) ayaa isla soo taagtay buraanbur...waxay tiri:Waxaannu dooneynnaa!!!!!

1.Nabad iyo daryeel ----yaannu dooneynnaa

2.Dadaal iyo waxqabad---yaannu dooneynnaa

3.Daacadnnimo iyo garsoor—yaannu dooneynnaa

4.Dalka oo la Aamino----yaannu doonaynnaa

5.Hooyo lagamaarmo ee ma ogtihiin

6.Waa misbaax ololayee – ma ogtihiin!!!!!

HADDANA WAA JOOKHO

Xildhibaan jookho GEELLE ayaa buraabur la sara joogsatay.... waxay ku bilowday:

1. Haweenka soomaaliyeed waa sedeheenna dhabar

2. Ma saaqido nimay hooyo saxani dhashaa

3. Ragguse sida aannu nahay nooma saacidaan

4. Dumarkaa sahal moodayee Xaalku waa si kale

 

WAXAA LAGALAY KHUD BADIHII

Waxaa Arrimo Bulsho ka hadlay:-

1. Guddoomiyaha G/Nugaal

2. Maryan Maxamed Cumar (Ilkacas)....

3. Batuulo Cabdi Bullaale.

4. Cayduruus Xaaji Xirsi.

5. Deeqo Jaamac Col-ujoog.

6. Wasiirka Arrimaha Bulshada (oo wixii arrimaha Bulshada ku saabsanaa talo ka bixiayay).

Waxaa Arrimo Siyaasadeed taabtay:-

7. Ardo Siciid Maxamuud (Gacamay).

8. Xil dhibaan Shukri Salaad Weyrax.

9. Madaxweyne-Ku-xigeen (oo xafladdii soo gebagabeeyay)..

HADALKII GUDDOOMIYAHA G/NUGAAL ( C/llaahi Xasan Farax (Baasawayne)

Wuxuu yiri:-

1. Salaan Dhamaantiin... maanta xafladdani jiriirico ayay igu jejebis-ay... Haweenka oo xafla-ddaan inoo abaabu-lay aad ayaan ugu mahad naqayaa... kuwa Nugaale-ed oo abaabulka badanki-isa sameeyay si gaar ah ayaan u sii mahad naqayaa!!! Ilaa berrito waa inoo dabaal deg.. Haweenka wax ma dumiyaan... haweenku Ragga ha hanuuniyeen.. oo nabadda ha ku hanuuniyeen... salkeen waa barwaaqo...

2. MARYAN MAXAMED CUMAR (ILKACAS)...

Waxaa hadalkeedii ka mid ahaa:-

Al-salaamo calaykum... waxaan idinku salaamayaa 114-ka Qoraanka cadadiisa... maanta waa maalintii Haweenka... 1975-tii Ilaa maanta... mahad waxaa iska leh Eebbe... waxaa qadarin mudan Dawlad Goboleedka Puntland.. Hooyadu waa muwaaddin aan Qabiil ku dhisnayn... Hooyadu qabaa ilkoo dhan ayay isku xirtaa... haddana ilaa maanta Xuquuqdoodu way dhiman tahay... waxa la qabtaa waa yar yihiin.. waxaan filayaa in Xafladdan is bedel ka dhasho... Caafimaadka oo wax laga qabto... Biyaha oo wax laga qabto... Haweenka oo loo sameeyo meel xarun ah oo ay ku kulmaan...

 

BATUULO CABDI BULLAALE

Waxay jeedisay hadalkaan hoos ku qoran.

Ujeeddo: Xuska Maalinta hooyooyinka

8-maarso-waa-xuska maalinta hooyooyinka. Hooyadu waa laf dhabarka qoyska iyo tiir dhexaadka bulshada.

Hooyadu waxay qabtaa dhibaatoyin badan oo u baahan in laga tageero. Waxayaalaha hooyooyinku sida deg-dega ah ugu baahan yihiin in wax laga qabto waxaa ka mid ah in la siiyo hormarin barnaamij waxbarasho.

Haddaba, hadii hooyada la siiyo horumarin barnaamij waxbarasho faa’iidadu maxay noqonaysaa?

1. Cribtirka aqoon darrida akhris- qoris la’aant hooyada .

2. Fahamka doorka hawlaha hooyadu ay ka qabanayso Guriga

3. hagaajinta maamulka iyo Daryeelka qoyska.

4. kaalinta barbaarinta iyo xanaaneynta ubadka.

5. la socodka heerarka iyo horumarint waxbarashada ubadk-eeda.

6. dhiiri galinta muhiimadda waxbarashadu u leedahay gabdhaha

7. xiriirka, xiriirinta shaqooyinka iyo adeegyada qoyska, jaarka iyo bulshada iyo Caalamka.

8. helitaanka iyo ka qyb qaadashada fursadaha shaqo ee ka socda dalka.

9. abuurida iyo kobcinta ilaha dhaqaalaha ee guriga iyo bulshada.

10. la socodka xaaladaha iyo barnaamijyada kor u qaadida qoyska ee ka socda adduun weynaha sida: Genderka, FGM, MCH, AIDS, STDS, farsamada haweenka, dhaqaalaha guriga iyo xaananada carruurta .

11. hooyada waxbaratay waxay door fiican ka qaadan kartaa wacyi- gelint iyo horumarinta Bulshada

Diyaariye

Batuulo Cabdi Bullaale

Madaxa Barnaamijka Haweenka Puntland

Wasaaradda Arrimaha Bulshada

Agaasinka Waxbarashada

Waaxda Manaahijta iyo Waxbarashada Dadban

 

 

CAYDARUUS XAAJI XIRSI

Wuxuu jeediyay hadalka hoos ku qoran:-

Sideedda maarso waa maalinta loo aqoonsaday maalint haweenka Caalamka.

Danta laga leeyahay waa in dumarku ku muujiyaan dareenkooda, cidda ay wax u sheeganayaan oo xuquuqdu kaga maqantahay waa ragga adduunka waxa ay ka tirsanayaan waxaa ka mid ah:-

1. Jir-dilka

2. dhaca

3. kufsiga

4. kushaqysiga

5. wax barid la’aanta

6. hadal xumaynta

7. jirxumaynta

8. yasidda

9. xaqsiin la'aanta

10. barakicinta

11. kaqaybgelin la’aanta maamulka.

12. U awood shegashada

13. gudniinka fircooniga ah

14. magta oo laga qadiyo

15. marka lafuro oo reerka laga saaro ayadoo aan waxba kala tegin

16. talada oo aan waxba looga ogolayn

intaas oo qodob iyo ka badan dumarku waxay ku tirsanayan in ay ragga kaga maqan tahay, hase ahaatee waxaa layiri Ninku dilay har kuuma jiido

Dumarka Addunku Waxay Ku kala Noolyihiin

A) qaarado kala duwan

B) diimo kala duwan

C) dhaqammo kala duwan

D) dhaqaale kala duwan

E) maamulo kala duwan oo mid kastaaaba danihiisa u gaar ka ah ilaashanayo.

Marka aynu ku leexano dumarka soomalida ayagoo la wadaaga dumarka afrika daryeeel xumada uu keenay:-

1. faqrigu

2. dagaalada xalka loo la’ yahay

3. dhaqamada ad adag oo miyinimo

4. aqoon darrada soo jireenka ah

dumarka soomalidu waxay ku dhex jiraan saddex nadaam oo aan midna lagu xasilin ku dhaqankiisa kuwaas oo kala ah:

A) shareecada Islaamaka

B) Xeerka qoyska

C) Cilmaaniyada/Demuqraadiyadda.

Saddexdaas nidaam waxaa gacanta ku haya fulintooda ragga waxayna waxku xukumaan midkuu isleeyhay waad ku gar helaysaa dhexdoodana waxba iskuma ogola dumarna daaba.

Diinta islaamku arrimaha qoyska xuquuqaha ragga iyo dumarka waa kala jidaysay ayadoo aan

midna ku xad gudbin meesha raggu ka yahay Ra’iisul wasaare dumarku waxay ka yihiin wasiirka arrimaha gudaha sidaas darteed waa in ay ku qancaan aayadda qur aan ka ah. Oo sheegaysa raggu dumarka waxay dheer yihiin awooda jinsiga ah iyo nafaqaynta qoysk. (wuxuu soo daliiliyay Aayadda 34-aad ... ee suuradda 3-aad .... ) abbuu bakar sadiiq wuxuu yiri annagu waxaan ahayn qoomam ilaahay ku koryeelay diinta Islaamka haddi aan doon doono diimo kale waa duloobaynaa.

Haddi aan doon doono diimo kale aama xeerar kale dumarku waa inay helaan waxa xeerarkaasi u oggol yihiin oo ay ugu wayn thay qaybsiga awoodda sare ee maamulka iyo ka qaybgalka shirarka dib u heshiisinnta.

Waxqabadka Dumarka

Waaya aragnimo waxaanu ku helnay mudadii aanu waxbarashada ka shaqaynayanay in dumarku ay kaga

fir fircoonyihiin ragga arrimaha bulshada.

Markii ay UNESCO ka bilowday gobolkaan waxbarashada waxaa loo baahday waalidiintii laga la hadli lahaa waxbarashada carruurta.

Dugsiga darwiish oo ku yaal Magaalada Garowe waxaan kula kulanay 375 waaalid waxaa rag ka ahaa 37 haween waxaa lahaa 338 Tusaale kale Xasbahalle

Waxaan la kulanay 127 waxaa rag ahaa 5 Nin dumarna 122... barnaamijka aan ka shaqeeyo oo ah UNESCO Civic Education waxa ugu badan oo foluntary nagula shaqeeya waa dumar , dagaaladii haddii ay dheceen qoysas badani waxay ku baxsadeen ganacsiga yar-yar oo dumarku qoraxda taagan yihiin... Haddii aan soo koobo ragga iyo dumarkaba in badan ayaa qabta haddii laga hadlo arrimaha xuquuqda dumarka in ay tahay haweenkii oo guryaha laga saarayo... haday run tahay ilaahay ayaa ka aamusi lahaa oo aan meel saareen.

Waxaase run ah in ay jirto dhibtii kor lagu soo sheegay oo u baahan in xal loo helo

1. waxkasta oo diinta Islaamkau ogoshahay haweenka in loo ogolaado.

2. dhaqanka qaybihiisa xun xun oo duamarka duudsiyeysa in la joojiyo.

3. gudniinka fircooniga ah in la joojiyo

4. gabdhaha in wax labaro

5. wax kasta oo shareecada islaamku ka reebayso in ay ka haraan oo ku qancaan

6. Prof. Deeqo Jaamac Col-Ujoog (hadalkeeda ka akhri Cadadka dambe)

 

 

WAXAA ARRIMO SIYAASADEED TAABTAY :-

1. ARDO SICIID MAXAMUUD:- waxaana hadalladeedii ka mid ahaa:- waxaan idinku salaamayaa Salaanta Islaamka ...waxaan Salaamayaa Madaxweyne – Ku-Xigeenka ... waxaan hadalkayga si gaar ah ugu jeedinayaa Wasiirka Arrimaha Bulshada oo aannu isaga ka tirsannahay !!! Raggu xuquuqdayada wuu iska indha-tirayaa !!! Wasiirka Arrimaha Bulshadoow !!!Xagee ayaad nagu ogtahay !!!Xaqayagii waanu rabnaa !!! ilaa Madaxweyne-Ku-Xigeen ayaanu u taaganahay .

2. XILDHIBAAN SHUKRI SALAAD WEYRAX:- waxaa hadaladeedii ka mid ahaa: Muqdisho kuwa noo wadow Ma rabno!!! Dhibaatadii nalaku sameeyay doonan maynno mar kale!!! Kuwaas waannu ka soo horjeednaa...( Hadalkeedii oo dhan ka Akhri Cadadka dambe Hadii alle idmo)

WASIIRKA ARRIMAHA BULSHADA ( oo ka jawaabaya Qoddobadii Bulshada ) : waxaa erayadiisii ka mid ahaa: waxaa halkaan laga sheegay in Haweenku ka tirsan yihiin Wasaaradda Arrimaha Bulshada ... arrintaa ma la hubaa !!! Wasaaraddu waxay leedahay qaab ay u dhisantahay ... arrinta halkaan la sheegay kuma haynno qaabka dhismaha Wasaaradda !!! haddii aynu ku darayno hada aan ku darno ... si aynnu hawlihii la soo jeediyey uga wada hawl galno, Haweenku Guddi degdeg ah ha iska soo magacaabeen!!!.

MADAXWEYN-KU-XIGEENKA (oo Xafladda Gebagabeeyay ) waxaa erayadiisii ka mid ahaa:- Marwada Madaxweynaha ... Jaallayaal !!! waxaan mahadnaq u soo jeedinayaa intii xafladaan qaayaha badan soo abaabushay iyo inta ka soo qayb gashay ee soo ajiibtay ... waxaan u Hambalyaynayaa haweenka Soo-maaliyeed oo dhan meel joogaanba ... gabdhuhu xaqooda way leeyihiin ... Illaahay Rag kaliya ma uusan abuurin ... taasaa daliil u ah inay haweenku leeyihiin xaqooda iyo kaalintooda ... Illaahay Ragga iyo Haweenka wuu isu miisaamay!!! Waxaa la yiri Raggu waa macaan jecel ... meeshii Dalka lagu Kharribayaba Ragga ayaa taga ... raggu siyaabo badan ayuu u hunguri badan yahay ... Haweenku inay xaqooda doontaan waa xil iyaga saaran ... Haweenku iyagaa Ragga dheeraad ka leh xagga tirada ... xaqooda cod bixin ayay ku keeni karaan ... inaan Xukuumada Haween ku jirin, waa arrin naga hoos baxday ... Xukuumadda dambe waxaan filayaa inay ku jiri doonaan .. Jagada Madaxweyne ku-xigeenka ka hor, waa inaad idinku noqotaan Wasiirka Arrimaha Bulshada!! Wasiirkaas horta isaga Cagta soo mariya... hadalkiinnii ficil kaliya ayaa jawaab u noqon kara ... waannuna ka soo jawaabaynnaa!!! Waynnu isla wada ogolnahay in Soomaaliya yeelato Xukuumad dhexe ... waxa aynu isku diidanahay waa qaabka ... qaar ayaa degdegaya ... ( wuxuu ku maahmaahay :- "Calanka saar ... ha ila sugine saar .." waynaan isla sugayn ... Berrigii hore Magaalo kaliya ayaynu dhisnay ... ( Muqdisho ) ...hadda waa inaynnu Magaalooyin badan dhisnaa ... haddii qaar Bur-buraan waa in qaar kale haraan ... Dawladda dhexe waa inaynu wada dhisannaa ... waa inaynnu wada hadallaa ... ma aha inaynnu hora-tabyaynnu... oo ay noqoto ha ila sugine saar ... ma aha inaynu deg-degno ...