Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Warsidaha Puntland

Tirsi 84, Khamiis - 22 March 2001

Garoowe - Puntland  


QORSHAHA GUUD EE PUNTLAND EE

2001- 2003

Talaado 20/03/001

25/Dulxaj 1421

WARSIDAHA      Garowe.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Iskaashiga Caalamiga iyo Qorshaynta Mudane Maxamuud caynab Maxamuud ayaa maanta Xarunta NESHA ee Garowe, ku soo gaba-gabeeyay aqoon-iswaydaarsi socday saddex maalmood... aqoon-isweydaarsiga, waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Iskaashiga Caalamiga iyo Qorshaynta oo uu gacan siinayay Khabiirka ka socda UNDP/CBF,  Mudane C/laahi Sh. Maxamed .. Aqoon-isweydaarsiga

Waxaa ka soo qayb galay Maamullada sar-sare ee Hay’adaha Puntland ... oo halkaas Hay’ad walba ka jeedisay warbixin guud oo ku saabsan shaqadeeda iyo sida hawlaheedu u socdaan... Aqoon-isweydaarsigaas oo gogol-dhig u ahaa diyaarinta qorshaha guud ee Puntland ee 2001 –2003, Hay’aduhu aad iyo aad ayay ugu riyaaqeen una ammaaneen iyagoo ku tilmaamay inuu aad u faa’iido badnaa ...  

 

GOLAHA WAKIILLADA PUNTLAND DAREENKII MIYAA KA LUMAY? 

Kalfadhigii 1aad ee Golaha Wakiillada Puntland 1999, wuxuu soo saaray sharci lagu mamnuucayo soo dejinta bacaha, ka dib markii la arkay dhibaatada ay ku hayaan deegaanka iyo Xoolaha Puntland. 

Sida muuqanaysa Golaha Wakiill-ada ee Puntland, wax dabagal ah kuma samayn fulinta sharcigaas, oo waataas bacihii dukaan walba lagu iibinayo... waxaad maalin walba arkaysaa xildhibaan adeegsanaya bacdii uu sharciga ku mamnuucay, sidaa darteed waxaa soo baxay su’aalaha hoos ku qoran:- 

1.    Golaha Wakiillada  ee Puntland miyaanay lahayn Guddi u qaabilsan dabagalka sharciyada Goluhu go’aamiyey?

2.    Xildhibaanka Golaha Wakiilladu, sideebuu ugu dhiiranayaa in uu isagu jabiyo duhur cad sharciga isagu dejiyey?  

3.    Shacbiga reer Puntland muxuu xildhibaanada Golaha Wakiillada ugu daawanayaa oo ugu qaban waayey sharci jebinta? (uu adeegsanayo bacaha). 

Haddaba, si aynaan u noqon shacbi iyo dawladba dad waraaqo badan buuxiya waxna aan fulin, waxaan ku talinayaa qodobada soo socda:- 

B- In Golaha Wakiilladu dabagal ku sameeyo oo hubiyo fulinta shuruucda uu go’aamiyo sida sharciga mamnuucidda bacaha. 

T- In shacbiga reer Puntland, Xildhibaankii Golaha Wakiillada oo ay arkaan isagoo bac isticmaalaya  ay meesha lafteeda ku su’aalaan kulana doodaan. 

Qore:- Yaasiin Adan Rooble

 

XILDHIBAAN IDIRISOW!!! ISIMMADA !!!

 

Deegaanka Puntland, waxay taariikhdu sheegaysaa inay waligood ka jireen Isimmo dadkooda ku dhex leh sumcad... ehelnnimo. Haybad... Ururin Beeshooda iyo beelaha kale ee xiriirku ka dhexeeyo... Isimmada waxaa lagu yiqiin dhaqan fac weyn oo ay tix raacaan... waxaana shaqadooda sal dhig u ahaa samo-ka- talin iyo nabad dhex dhigid beelaha... dhaqan kooda waxaa ka mid ahaa ka dhowrsanaanta arrimaha siyaasadda iyo faragalinta Maamulka dawliga ah... Isimmadu waxay ahaayeen astaan wanaagsan oo bulshadu ku faanto... Isimmadu dhaqankooda ayay dadka ka kasban jireen haybad iyo ixtiraam... hase yeeshee arrimahaasi waxay faraha ka bexeen oo isku yaaceen xilligii xukunkii Genaral Maxamed Siyaad Barre... waqtigaas oo ay bilaabatay in isimmada qaarkood lagu magacaabo dekreeto Madaxweyne... iyadoo lagu mutaysan jiray sida xukunka loogu adeego... waxaa uga sii daray tarankii ku dhacay 10-kii sanno ee bur-burka... waxay arrintu gaartay jilib waliba in uu yeesho Isim... waxaa adkaatay inay isla qabsadaan isimadii soo jireenka ahaa iyo kuwii dambe ee xusul duubka ku yimi... waxay noqdeen kala maan iyo kala maskax iyo kala dhaqan iyo kala falaad... Isimmadii iyo ciddii kale ee la jirtay ee Garowe ku shiray 24/02/2001, ayaa samaystay Ajende siyaasi ah... iyagoo ku tiirsanaa Urur siyaasadeed oo la yaqaan... barnaamijkiisa iyo Tabihiisana la ogyahay.. Isimmadaas iyo ciddii la jirtay waxay soo saareen go’aanno siyaasadeed.. waxay ku magacaabeen go’aanno Golaha Isimmada Puntland,  golahaas oo si shaacsan iyo qaab sharciyaysan midna aan hore loogu dhawaaqn waxay ahayd u bareerid dacfaruur iyo tafaraaruq gelin wada-shaqaynta Isimmada... waxay ahayd arrin horseedaysa in Isimmadu ku kala biiraan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadda... meeshii iyagu ay ka ahaan lahaayeen Astaan midnnimo iyo wada-jir... qofka aad ugu fiirsadaa go’aammadii ka soo baxay Isimmdaas iyo ciddii la jirtay, wuxuu arkayaa inay ahaayeen dabin Urur siyaasi ahi hoggaaminyay, laguna dhabar-jabinayay siyaasadda Maamulka iyo wada jirka bulshada Puntland... waa dhacdooyinka Sebenkan in Isimmo arrimaha noocaas ah ka dhex muuqdaan...sebennkanna wax lala yaabaa ma jiraan... dadka go’aammadaas ku saxeexan in yar ayaa dadka Reer Puntland magacyadooda ka garteen... qodobbada Axdiga Puntland ee qorayaashu tixraaceen, Isimmadu haddii ay tixgelin u hayaan Axdiga Puntland  qoraalka noocaas ah ma aysoo saareen... laakiin  waxa oo dhan ayaa waxay ahaayeen arrin meel shishe Ururro siyaasadeed ka hoggaaminayaan,  magaca Isimmadana lagu kaabay... waxaana sax ah meesha uu arrintaa iska taagay xildhibaan Idiris ee uu ku qoray joornaalka (RIYAAQ) taariikhdii 9/03/2001... isagaana mudan in muqtadiyan la isla dhinac-taago...                 


MURASHAXA MADAXWEYNENNIMADA EE REER LAS-CANOD

MUXUU SHACBIGA PUNTLAND U BALLANQAADAYAA??

WARSIDAHA ayaa dhawaan Magaalada las-canod kula kulmay Ninka Reer Las-canood ee isu soo taagay jagada Madaxweynaha Puntland Mudane: Cusmaan C/nuur Xaashi.... Wuxuuna WARSIDUHU murashaxa la yeesahay waraysigaan:

WARSIDAHA: Maleedahay maareeye-tartankaaga (Campaign-Manager)?

XAASHI: ku dayasho-kasta oo gaalada ka soo jeedda anigu bowsigeeda xiiso uma qabo... in xoolo iyo tororog dadka lagu beer-laxawsado, in la suuliyo ayaanba

qabaa!!! Xisaabtana iigumaba jirto

in laaluush ama yuhuun sed u

xaglinteed cidnaba aan ugu gacan haadiyo... balse ciddii xaqsoor iyo in Ilaah oo kaliya laga amar qaato dan iyo aayo u aragta- ayaan jeclahay inaan u wada baaqo... dulucdaydu waa taa ... dadka sharkuba way is helaane!!! WARSIDAHA :- Ma ku tala jirtaa inad gobollada Puntland oo dhan ku soo wareegtid, si aad taageerayaal uga samaysatid?

XAASHI:- Puntland odhan maayo... ee carriga udgoon ayaan

odhanayaa... Ilaahay hadduu idmo,

yaboohyo  iyo hannaan qabyo-tiran ayaan qorsheeyay  inaan dadka

gayiga oo idil wada gaarsiiyo... iyadoo aan qaanta diinteenna iska rog islee yahay!!!  

WARSIDAHA:- ma hubtaa inaad buuxinayso shuruudaha laga rabo qofka Madaxweynaha isu-taagaya ee dastuurka cusubi dhigayo???

XAASHI:- haddii la doonayo shuruudo Islaamaka waafaqsan!!! Dastuur aan kitaabka quraanka ahayni!!! Waa ku baadi iyo shirki dadka Muslimka ah... xeerar iyo talooyin kuwa Ilaah meesha ka saaraya iyo aragti Aadame oo loogu dhuunto xukun ku hanashana, wixii la eeday weeye!!! (La soco cadadyada dambe  ....)

SADDEXDII DIBI EE BBC-DA.

 

Horay ayaa la inoo soo gaarsiiyay in shaqaalaha laanta Afka-Somaliga ee BBC-du ay ninka hadda madaxa u ah Yuusuf Garad Cumar ku fureen dacwad hadda ka socota Maxkamad ku taal London.... Waxaa la inoo sheegay inay ku dacweeyeen eex, qaraaba-kiil, Maamul-xumo iyo musuqmaasuq.... waxay kale oo ku dacweeyeen inuu laanta Afka- 

Somaliga ee BBC-da ka dilay

nuxurkii ay laantu lahaan-jirtay.... una baddelay Hay’ad jirran oo fayrus ku jiro.... 

Galabtii Khamiistii ee 8da maarso 2001-13Dulxaj 1421, ayaa Yuusuf Garad BBC-da wuxuu ka sii daayay sheekadii caanka ahayd ee saddexda dibi iyo libaaxa wada saaxiibay... (oo libaaxii si uu

midba mar u cuno saddexdii dibi isku diray).... 

Yuusuf Garad isagoo Janaraal Moorgan ka dhigaya libaaxa.... ayuu rabay saddex nin oo Habar-Gidir ah in uu ku yiraahdo midooba, haddii kale  Janaraal Moorgan ayaa mid mid idiin cunaya.... Yuusuf Garad laantii Afka-Somaliga ee BBC-da noocaas ayuu ka dhigay....

 

ROOBABKII GU’GA OO KA BILAABMAY DEEGANNADA PUNTLAND


Talaado 19/03/001, 24 Dulxaj 1421

WARSIDAHA       Buurtinle.

Maanta duhurnnimadii ayaa hogal fiican oo Roob ahi ka da’day jiidda Feddeda iyo Hawdka ee u dhexeysa Kala-bayr ( Koonfurta Garowe) ilaa aga-gaarka Bacaadweyn ... Roobab  

kale ayaa loo eegayay Howdka sare ee Mandiqaddaas Galbeedka ka xiga ... waxaa sidaas ku bilaabmay Roobabkii Gu’ga sanada 2001 ... waana.

Maa –Shaa- Allaah iyo mid nabad iyo caano qaba ... 

 

HALGANKA HAWEENKU WAA BIR ADAG. 

SHAREECADA ISLAAMKA AYAA DAMMAANAD QAADAYSA XUQUUQDA HAWEENKA

(Xildhibaan Shugri Salaad wayrax).

Munaasabadda 8 Maarso, maalinta Haweenka Adduunka, waxaan jeclahay inaan wax ka taataabto dadaalkii ay soo sameeyeen xildhibaannada gabdhaha ahi, muddadii uu soo jiray Golaha Wakiillada Puntland oo ah labo sano iyo toddoba bilood.... 

Golaha Wakiillada Puntland waxaa ku jira shan gabdhood oo ah xildhibaanno... oo ka soo kala jeeda shan Gobol oo kala ah:-

1.    Shugri Salaad Wayrax Gobolka Nugaal. 

2.    Caasha Geelle Diiriye Gobolka Mudug. 

3.    Sahro Ciise xamari Gobolka Sool 

4.    Saynab Ugaas Yassiin Gobolka Bari. 

5.    Jookho Geelle Gobolka Sanaag. 

1.      Shirkii ugu horreeyay ayay yeesheen bishii Sept 1998.... waxay shirkaas ku sameysteen qorshe howleed iyo qaab wada shaqayn... isla sannadkaas gudihiisii, waxay kormeer howleed ku tageen Gobollada Puntland (Marka laga reebo Sanaag). 

Waxay Haweenka Gobollada u qabanayeen shirar lagaga wada hadlayo kaalinta Haweenka ee horumarinta bulshada iyo sida Haweenka arrimohooda loogu wacyigelinayo.... Degmo-walba, waxaa laga magacaabay hal Gabar ah oo lagu magacaabo xuddun.... Gobol

walbana labo gabdhood oo xiriiriya howlaha Haweenka.... 

2.      Bishii Abril 1999 waxaa magaalada Garowe ku kulmay Haween ka kala socday deegaammada kala duwan ee Puntland.... 

3.      Golaha Wakiillada waxaannu kaga doodnaa oo xoojinnaa arrimaha Haweenka dan u ah... 

4.      Nabadgelyada iyo xassilloonida ayaannu marwalba ku mintidnaa... sababtoo ah; dhibaatooyinka Colaaduhu waxay si gaar ah ugu dhacaan Haweenka iyo caruuruta... 

5.      Waxaannu hirgelinnay in Gabdhaha tirada-yari ku kala biiraan Guddiyada kala duwan ee Golaha Wakiillada ee kala duwan...  

6.      Waxay ka qaybgaleen diyaarinta Dastuurka cusub ee Puntland iyagoo daafacaya danaha Guud ee bulshada iyo kuwa Haweenka gaarka u ahba... waxayna soo jeediyeen in 12 (Labo iyo toban) Haween ah deegaannadu u soo magacowdaan Golaha Wakiillada.... tiradaas oo ka baxsan kuwa doorashada isu-taaga ee ku guuleysta.... 

7.      Annagoo og meesha xuquuqda Haweenku si buuxda ugu sugantahay inay tahay shareecada Islaamka, ayaannu  

8.      xoog saarnnay in Dastuurka Cusub ee Puntland saldhiggiisu noqdo, shareecada Islaamka....[

9.      Isla markaas waxaannu ku xoojinnay xannaanada carruurta iyo Haweenka... 

10.  Waxaannu qorsheyneynnaa waayaha soo dhow, in Haweenku aad ugu Bataan goleyaasha Puntland, isla markaasna ay ka qabtaan jagooyin sar sare oo muhim ah.... Gebagabadii waxaannu u sheegaynnaa kuwa Muqdisho noola ordaya, inaannan ku jirin orod kaas ee aannu xusuusannahay wixii Muqdisho nagaga dhacay.... 

XUQUUQ AYAA KU MAQAN RAGGA (DAHABO FAARAX XASAN)

WARSIDAHA:- Ma idinla tahay ragguna inay u baahanyihiin maalin iyaga u gaar ah iyo bil u gaar ah???!!! 

Dahabo Faarax Xasan:- Haddii ay u baahan yihiin raggu way sameysan lahaayeen... xuquuq ayaan iyaga ka maqnayn.... iyagaa xuquuqi ku maqan tahay... markay u baahdaan ayay samaysan ddoonaan maalin u gaar ah.... iyo bil u gaar ah!!! 

WARSIDAHA:-Dahabo!! Ma waxaad qabtaa in Haweenka Somaliyeed dulman yihiin??? 

Dahabo Faarax:- Haa... Way dulmanyihiin.... dhaqanka ayay ku dul manyihiin... waana inay dulmigaas iska xoreeyaan!!!!

 

Eeg Bogga 5aad

 

Ka yimi  Bogga 4aad 

HALGANKA HAWEENKU WAA DANTA BULSHADA OO DHAN (SHUGRI CABDI XIRSI) 

WARSIDAHA:- Waxaan ku weyddiinayaa Haweenku waa kuwan xuslinayee, maxaa ka maqan oo ay u xiiqsanyihiin???!!!

[SHUGRI CABDI XIRSI:- Haweenku waxa ay u xuslinayaan ma aha dan iyaga gaar u ah!!! Ee waa dan bulshada oo dhan!!! Saldhigga iyo assaaska bulshadu waa haweenka.... Haddii aan Haweenku dhismin bulshadu ma dhismi-karto.... in Haweenku dhismaan waa danta bulshada oo dhan!!! 

Nicmo ayaan ku jirnaa oo ilaashanayaa (Shamis Maxamed Ismaaciil) 

WARSIDAHA:- Adiga sidee wax  

kuugu muuqdaan? 

SHAMIS MAXAMED ISMAACIIL:- Anigu Shamis ahaan waxaan Garowe ku haystaa nicmo ilaahay.... waxaan degganahay Guri igu filan oo leh daarad weyn oo aan ku nasto... ubaxna aan ku beeray!!! Waxaan leeyahay dukaan dakhli ii soo hooya!!! Mushahar ayaan Dowladda Puntland ka qaataa!!! Siddeed nin oo guriga iigu soo gala ayaan la hadlayaa oo leeyahay nicmada ha iga daadinnina.... nicmada ii dhowra!!! Waa aabbahay, ninkayga, wiilkayga iyo walaalkay... Abitgay, ina abtigay, ina adeerkay iyo ina habreedkay.... . siddeedaba guriga gudihiisa ayaan kula hadlayaa!!! Waa abhinayaa oo waxaan leeyahay nicmada ha iga daadinnina!!!

 

.       WAXAY YIRAAHDEEN

1.                  << Guddigu (Guddiga diyaarinta Dastuurka), hawshii wuxuu kaga soo baxay muddadii loo cayimay oo ahayd 6 (lix) Bilood oo ku dhamaatay 28/02/2001... Guddigu markii uu {{Darafti}}gii hore diyaariyay , ayuu soo mariyay Golaha Wasiirrada iyo Golaha Wakiillada... ka dibna wuxuu u soo bandhigay dadweynaha...>> Goddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland, MD. Yuusuf  Xaaji Siciid (WARSIDAHA 8/02/2001-GAROWE). 

2.   << Dastuurku  waa kii ugu dambeeyay, waana tii  Gobollada la soo mariyay, in kastoo sidii la rabay aanay u dhicin, waayo lagama wada qaybgelin oo dadweynuhu sidii aanu rabnay ugama wada doodin, meelaha qaar,

sida Gobolka Bari kama qaybgelin ... hadda waxaa la  iswey-diinayaa sidii dadweynaha si quman loogu bandhigi lahaa...oo hadday suuragal tahay bal dadkii ay helaan nuqullo, markaana gobolladii loogu noqdo iyadoo ay dadkii haystaan nuqullo ku filan, ka dibna si fiican looga wada doodo, waayo waaa xeerarkii ummadda lagu dhaqi lahaa, waxaana ii muuqata inay dadku ka qancaan...))    

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Daw/Goboleedka Puntland, Md, Yuusuf Xaaji Siciid...( RIYAAQ, 16 March, 2001, Garowe). 

3.         (( Dawlad-Goboleedka Puntland waxay la socotay  oo u dulqaadanaysay muddo dheer inay jiraan qaar ka mid ah ka-qeybgalayaashii Carta oo kaashanaya kuwa xag-jira inay ka wadeen abaabullo khatar gelinaya nabadda, xasilloonida iyo  dhaqaalaha Dawlad Goboleedka Puntland )) Wasiirka Maaliyadda Dawlad Goboleedka Puntland...Md, Siciid Maxamad Maxamuud (Cadduur)...WARSIDAHA, 16/2/2001. 

4.         (( Dadka Soomaaliyeed ee doonyaha xunxun u soo raacaya dalka Yeman, waa kuwo ka soo cararaya nabadgelyo-xumada gobollada dhexe iyo koofurta Soomaaliya))  Madaxa Hay’adda Qaxootiga ee Yemen, Abuu-Sharaf...BBC,14/2/2001. 

5.             ((Fannaaniintii waaweynaa oo dhammi Jabuuti way ka baxsadeen, dalkoodii Jabuuti oo dibedaha ayay               aadeen)) Faadumo Haldhaa, fannaanad reer Jabuuti ah, 3/3/2001, BBC.      


SIDA AY ANIGA ILA TAHAY:-

WAXAAN SOO AKHRIYAY KITAABKA C/QAASIM

(Wixii cunwaankan hoos yimaadda waa ra’yi shakhsi ah)                                                                        

Anigoo ah Eng. Mursal Axmed Nuur, deegaankiisuna yahay Garowe, waxaan gaaray Magaalada Muqdisho anigoo u hanqal taagay Dawladda Soomaaliyeed... waxaan saluugsanaa Puntland oo aad iyo aad u qaali ah waxaan hubiyay oo misna xaqiijiyay Xulufada C/qaasim in ay aad iyo aad uga fogyihiin keenid iyo dhisid Dawlad Soomaaliya u dhaxaysa. 

Isbahaysiga C/qaasin waa nin kaligii taliye ah aamin sana qabiilka iyo qoyskiisa. Markuu Xamar yimid waxa uu shiriyay Beesha H/gidir... waxaan qudbooyinkiisa ka mid ahaa.. dawlad habar gidir waxaa ugu horaysay ugu na danbaysay, Dawaladii C/laahi Ciise Ilaahay mahadiisa maanta waxaan idiin wadaa Dawlad G/hidir ee ila shaqeeya isla markaasna macaawimadii ugu horaysay ee Liibiya soo dirtay oo ka koobnayd Teendhooyin, Matooro, iyo xoogaa dhaqaale ah ku waas oo uu u diray Beesha uu ka dhashay oo xoogga ku haysta Kismaayo... ka dib si is daba joog ah ayuu ugu diraa taakulayn ... dad badan oo ka mid ahaa deegaanka Xamar ayaa ka xumaaday arrintaas, su’aalo badana waa loola tagay ...Anigu Qabiil Qabiil dhul uga qaadimaayo sideedana waxaa Kismaayo wakiil iiga ah Mareexaan iyo Cayr.

Maxamed Siyaad bare waxaa laga hayaa in uu yiri qabiil sida C/qaasin shaatiga ku soo qorta ama is ka daaya, Soomaaliya markay bur burtay C/qaasin wuxuu ka mid ahaa ragii bur bur keeda ka danbeyay oo qabiilka ku dagaalamayay... haddaba aniga waxaa iga su’aal ah ninkii soomaali bur bur keeda shalay hor seed u ahaa maanta ma dhisayaa mase isu keeni karaa?

 C/qaasim wuxuu degen yahay XaafadaTaleex... waxaana ku ilaaliya ciidan Cayr ah oo haysta Tigniko nooc walba leh, gacantana ay ku hayaan dhalinyaro aan cidna ka amar qaadan oo haddii si khalad ah xabadu u dhacdo hubka ay hayaan oodda ka qaadaya Deegaan kaas dad kii ku noolaa way ka qaxen ayagoo u cabsaday naftooda ....intii awoodi wayday inay qaxdo waxay ku nool yihiin walwal iyo walaac, waxayna leeyihiin Ilaahow nin kaas naga rar meesha kuma wada noolaankarnee. 

Waxyaalaha aan ku arkay maamulka C/qaasim waxaa ka mid ahaa nin ka mid ah beeshiisa oo isaga doonaya waxa uu albaabka ku furaa haraati... waxaana loo gudbiyaa si deg deg ah laakiin iska daa dad weyne kale kuwa isku sheega xil dhibaano iyo Wasiiradda haddii ay doonaan waxay raadiyaan asbuucyo ama bilo tan kale waxa uu dawlad ku sheego isaga kaliya ayaa maamula mana jiraan Wasaaraddo shaqeeya, wax kastana isaga ayay gacanta ugu jiraan, wasiirada waxa uu howl uga dhigay in ay la shaqeeyaan xaafadaha.... mid kasta oo ah wasiir ama haysta xubin Baarlamaan wuxuu ku qoran yahay Xaafadaha  ama meelaha nadaafada qashinka .

Qore:- Eng. Mursal Axmed Nuur


 

QAAMUUSKA (( WARSIDAHA ))

 

1.      Raaxada nafta:              waa gudashada xilkaaga oo aad u dadaashid, Allena talo-saaratid !!!.

2.      Laan-dheere                             waa qofkii leh shahaado, xirfad iyo mihnad uu ku helo kasab xalaal ah...

3.      Laan-gaab                                waa qofkii aan lahayn shahaado, xirfad iyo mihnad uu ku helo kasab                                           xalaal ah!!!  

 

DOODDII BAARLAMAANKII BUSHASHKA

S

ida la wada ogyahay, Buushashka Magaalooyinka ee lagu qayilo, mid walba waxaa wada fariisata in istaqaan oo ay isugu baxdo.. Bush walba inta wada fariisata waa u Baarlamaan yar oo ay wax walba kaga doodaan ...laga bilaabo noocyada qarafka ilaa qunbuladaha waaweyn ... WARSIDAHA ayaa Talaadadii dhowayd inoo soo dhegaystay sheekadii Bushkii waana-tan:- 

Tiigsade: waxaa la yiri Boqorkii Buuhoodle iyo Sool, Boqor C/laahi, wuxuu iska wareejiyay oo ka tanaasulay jagadii xubinnimada Golaha Wakiillada Puntland ee uu xildhibaanka ka ahaa ... Garaad Abshirna sida la sheegay hadduu isna kii Carta ee uu xubinta ka ahaa la doondoonayaa cid  uu ku wareejiyo...  

Golmud: oo Nimanku miyay faashadaan, maxaa tanaasulkooda isku –soo beegay oo isku waqti ka dhigay!!!

Feente: waar dhiillo ayaa gashayoo waxay maqleen iyadoo lala ag-marmarayo gabaygii Cabdi Gahayr u tiriyay Ninkii waqtigiisii u caleema saarnaa Reer Guuleed Sulddaan.... 

Golmud: oo muxuu yiri ???!!!  

Feente: dee waa tuu ku yiri :. 

1.      Aan mudnaado              maalkana aan dhaco                magacna aan haysto!!!

2.      Aan mudnaado               aan miro xigtada                     magacna aan haysto!!!

3.      Aan mudnaado               aan maro sursuur                    magacna aan haysto !!!

4.      Sidaa Maxamed baa       lagu arkiyo                              midhaha Guuleede!!!

 

Biindhe: Maxamed –kee ???!!! 

Feente: Maxamed Cabdille Xasan... ayuu lahaa madaxnnimana wuu rabaa, dadkiina wuu dhacayaa!!!  

Naftii Soor: ma kii yiri-baa: -   

Muggii weel ma dhaafee!!!                 Allow mooska jabinnin!!! 

Feente: War ha isku cayn iyo bayd gooyn !!! shaahaaga iska –cab ... adaaba maanta mooska jabinayee !!. 

Saluugsane: wuxuba macno ma laha !!! iska qayila !!!

 

FAXYO LA ISU DIRAY

 

1.      Ku: Joornaalka KAAHA-BARI                                                            = BOSASO

Haddii aad tiri Cigaal ( Maxamed Ibraahim Cigaal )wuxuu siyaasadda kala tashadaa, dadka khibradda waaya-aragnnimo u leh siyaasadda, waxaad u baahantahay inaad dib- u- akhrisatid  ABC- da Cigaal                                                                                          WARSIDAHA ...GAROWE,  22/03/001   

   

2.      Ku: Geelasha Bari  Gacan-saar ...

Gu’gii waakaa              soo gaduutaye

Giraan-Girihiyo             Gadowga ha jabin!!!

 

                                                                                    Geelasha Buuhoodle   15/03/2001

 Buuhoodle  

 

DIAKONIA-SWEDEN

 

REHABILITATION OF UMMADDA PRIMARY SCHOOL IN GALKAYO. 

INVITATION TO TENDER. 

 Notice is hereby given that any/all interested (Registered) building construcors to participate and submit tenders for new elevated water tank, new main entrances gates, and physical rehabilitation of existing classrooms blocks (building). 

The bidding for this is open to: 

1.      Construction Companies and firms registered in Puntland, Somalia. Fully tax paid.

2.      Joint venture or grouping of construction companies of firms in Puntland.

3.      The bidder will be already established as local constractor operating company/firm permanently in at least one of the five regions of Puntland. 

The interested eligible applicant should apply with their C-V stating references, equipments, and financial capability with bank references, technical staff and expert craftsmen etc. to receive the tender documents. The tender documents will be released on NON-REFUNDABLE payment of US $ 50.000. 

Any applicant will not be compensated for any expenses incurred to tender for this work and no claim what so ever will be entertained. 

The tender should be submitted on or before 12.00 noon March 26th 2001 to Diakonia offices in plain envelopes stating only. 

PHYSICAL REHABILITATION-UMMADDA PRIMARY SCHOOL GALKAIO PUNTLAND.

The tenders will be opened at (Diakonia) offices in Garoe at 12.00 noon on Tuesday, March 27th 2001 when all tenders or their representatives must be present. 

The decision of contract award will NOT be decided in Garowe.

The lowest or any tender may not be accepted and or awarded the contract. Awards of Contract will be decided at the sole discretion of (Diakonia- head office), and no correspondence in this respect will be entertained. 

Diakonia Building In Garoe.

Abdiaiziz Osman Hersi, Garoe Office.