Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

 

 

 

Warsidaha Puntland

Tirsi 85

29 Mar 2001

Garowe – Puntland


 

GOLAHA WAKIILLADA D.G.PL WAXAA U FURMAY KALFADHI AAN CAADI AHAYN.

24/03/2001 Sabti  29 Dulxaj 1421 Garowe WARSIDAHA. 

Saaka, saacaddii 9:00 subaxnnimo, Madaxweyne ku-xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland, Mudane Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa furay kalfadhi aan caadi ahayn oo Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland... 

Madaxweyne ku -xigeenka oo ay daadihinayaan Shir-Guddoonka Golaha Wakiillada (Saddexduba xaadir ayay ahaayeen), Guddiga joogtada ah iyo xildhibaannada... badankoodu, ayaa xarunta cusub ee Golaha Wakiillada xariggii ka gooyay...Isagoo ku soo wareegey qaybaha kala duwan ee xarunta cusub, warbixin koobanna ka dhegeystay Guddoomiyaha shirkaddii xarunta cusub, dhistay,Inj. Warsame Diiriye ... intaa ka dib Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu Golaha wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland u furay kalfadhi aan caadi ahayn... waxaa hadalka xiriirinayay xog-hayaha Golaha Wakiillada Mudane Axmed Xasan Cali Libaax (casoowe)... waxaa qur’aan ku furay xildhibaan Maxamed Cabdi Naallaye oo akhriyay toddobada aayadood ee Al-Mataani... Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Yuusuf Xaaji Siciid ayaa bilaabay erayo uu ku soo dhoweeynayo mudanka Munaasabda ka soo qaybgalay waxaan erayadiisii ka mid ahaa:- 

Madaxweyne ku-xigeenka.... ku-simaha Madaxweynaha...Golaha Wakiillada... Golaha xukuumadda... Golaha Garsoorka... Isimmada... Saraakiisha Ciidammada iyo Maamulka... Ururrada Bulshada... Hay’adaha Qarammada Midoobay iyo kuwa Samafalka... Marti-sharafta kale... dhammaan waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka Al-Salaamu calaykum... waxaa sharaf ii ah inaan idiin ku soo dhoweeyo xayddaankan Golaha wakiilladu nasiibka u yeeshay... iyo hoosadan loogu tala-galay shirarkiisa... 

Magaca Golaha Wakiillada waxaan ugu mahadnaqayaa hay’adihii nagu kaalmeeyay in Golaha Wakiilladu hantiyo xaruntan cusub... Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland...Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal...  

Injinneer Warsame oo ballanqaadkiisii ku daray idanka ilaahay; kuna dhammeeyay waqti habboon.... waxaannu ka cudur-daaranaynnaa inaannu dib-uga dhacnay taariikhdii aannu ku qornay warqadaha annu martiqaadka ku bixinnay... waqtiga furitaanka ayaannu ku salaynnay male-awaal... kalfadhigani caadi ma aha..., waqtigii ku dhaqanka Axdiga Puntland waa  gaba-gabo... haddaba waxaa diyaar inoo ah Dastuurkii oo Goluhu kaga doodi-doonaan kalfadhigan aan caadiga ahayn.... Dastuurka cusubi wuxuu soo maray dhammaan intii loo baahnaa inuu soo maro:- Golaha Wasiirrada, Golaha Wakiillada iyo shacbigaba....  

Golaha Wakiilladu wuxuu hadda ku sameynayaa isku shaandhayntii ugu danbaysay... wixii kale oo heshiisyo ah oo dhexmaray Dawlad Goboleedka Puntland iyo shirkadaha shisheeyaha ee badaha... ugu danbeyntii waxaan ka cudur-daaranaynnaa meesha oo ah yagleel... Madaxweyne ku-xigeenka oo Guddoomiyuhu ku soo dhoweeyay furitaanka kalfadhiga ayaa yiri:- Guddoomiyaha... Guddoomiye ku-xigeennada... xildhibaannada... Golaha Wasiirrada... Madaxda Dawladda... iyo mudanka kale dhammaantiin... salaan ka dib... Jaallayaal... Barlamaanka iyo shacbiga Reer Puntland... waxaan ku bogaadinayaa oo ku hambalyaynayaa goobtan shaqo ee ka waasacsan tii hore... Kalfadhigani, waa mid aad u qiimo badan... xaaladda Reer Puntland marayaan waa xaalada lagu faano... waxaynnu nahay cidda keliya ee leh Dawlad-Goboleed Somaliyeed...... Walaaleheenna kalena, waxaan u rajeyneynnaa inay iyaguna sideennaas u dhistaan si markaas ay u suurta-gasho, dhismaha qaran Somaliyeed oo FADARAAL ah oo ka koobma Dawlad-Goboleedyadaas... 

Anigu waxaan rumaysnnahay FADARAALKU waa qaabka keliya ee Somalidu ku heshiinkarto... Qaran Somaliyeedna lagu dhisikaro... oo lagu soo nooleeynkaro... Dawladaha horumaray qaarna khayraadka dabiiciga ah waxaa leh Gobollada, qaarna Dawladda Dhexe... waxaa sii hormarsan kuwa khayraadkooda dabiiciga ah Gobolladu gacanta ku hayaan... Barlamaanku wuxuu maanta u fariisanayaa, shaqadii Puntland  ugu muhimsanayd oo ah DASTUURKII PUNTLAND ku dhaqmi lahayd, Somalina aan kula dhaqmi-lahayn... waa arrin u baahan:- sabir, dadaal, fiirsasho badan... aqoon... daacadnnimo... waayo-aragnnimo... dulqaad... hubsiino... intaba waad leedihiin...

Guul ayaan idiin rajeynayaa!!! Kalfadhiguna waa furan yahay

 

XILDHIBAAN CUSUB OO KU BIIRAY GOLAHA WAKIILLADA PUNTLAND

 

Sabti, 24/03/2001   -   29 Dulxaj 1421,  Garowe  WARSIDAHA. 

Waxaa saaka ku biiray Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland Xariir Gaas Guutaale oo buuxiyay jagadaas oo uu istiqaalad ku banneeyay Boqor Cabdullaahi Axmed Cali... Xildhibaannada oo xubinnimada Xariir cod dhammaan ah ku oggolaaday, si fiican ayay ugu riyaaqeen C.V-ga Xariir, markii Guddoomiyuhu hortooda ka akhriyay.... Boqor Cabdullaahi oo Goluhu Istiqaaladdiisa kulankii furitaanka Kalfadhiga aan caadiga ahayn ku oggolaaday, hadal gaaban oo uu halkaas ka jeediyay wuxuu ku yiri:- Waxaan gartay inaan labada kursi mid banneeyo... (Hadalkaas Goluhu sacab ayuu ku soo dhoweeyay)... waxaan rajeynayaa in cid kalena igaga dayato oo aan tusaale noqdo... ku biiridda Xariir Golaha ku biiray, waxay soo martay jidkii saxa ahaa oo beesha ayaa u soo garatay... ka dibna boqorku hadallo waano ah ayuu Golaha ujeediyay... arrimhii uu ku waaniyay waxaa ka mid ahaa:-  

Shacbiga u adeega oo Dawladda horumar gaarsiiya... wuxuuna hadalkiisii ku khatimay duco...

 

BUSTIHII YARAA EE YUSUF-GARAAD 

Galabtii iyo habeenkii khamiistii ee 22/03/2001 -  27 Dulxaj 1421,  ayaa Idaacadaha adduunka badankoodu waxay sheegeen in Malleeshiya hubaysani ay maalintaas weerartay Hotel Ramadaan oo ku yaal Magaalada Muqdisho, ahna meesha uu ku shaqeeyo Prime-Ministerka Carta Cali Khaliif Galayr iyo kaaliyeyaashiisu... Idaacaduhu waxay sheegeen in ciidanka Hotel-ku weerarkaas rasaas kaga jawaabeen, cid meeshaas ku dhimatayna ay jirto... inta la hubo wariye Xalane warkan Muqdisho ayuu ugu diray BBC-da oo warka ku sheegtay afaf kala duwan oo carabigu ka mid yahay (Barnaamijkii Caalam Al-Dahiira ee 13:00-ka Duhurnnimo ee saacadda BBC-da)... 

Ha yeeshee laanta Afka Somaligu warkaas oo ay heshay waxay u qarisay asbaab iskaashatada Yusuf Garad, Yusuf Xasan iyo Bariise isla ogyihiin... warkaas waxaa la saaray bustihii yaraa ee Yusuf Garad... wuuse qarinkari-waayay oo isagaaba qayd yar iska ah... Haye Yusuf yaa laga afduubay Puntland maalintii khamiistii ee 22/03/2001 Haye Yusuf!!! Yaa isku guursaday Puntland maalintaas???!!! Yuu Bariise kuu soo sheegay???!!! Yuu ina-Xasan-Boy kuu soo sheegay???!!! Laanta Afka Somaliga ee BBC-da waad ba’sataye!!! Ha iska ba’do!!! Nuur iyo Negeeyana ha kula ba’sadeen!!!

 

LABADA XISBIBA WAA NOO FURAN YIHIIN 

Sanadkii 1995-tii, Professor Al-Saqaaf, oo ka tirsan Jaamacadda Sanca (Yemen-ta Woqooyi) ayaa dhalliil ka qoray Guddoomiyaha Barlamaanka Yemen Al-Sheekh Al-Axmar... Professor Al-Saqaaf wiilal loo diray ayaa garaacay... Al-Sheekh Al-Axmarna wuxuu yiri:- isna qalin ayuu nagu garaacay.... annaguna bud ayaannu ku garaacnay!!! Sannadkii 1997-dii joornaal ka soo bixijiray Hargeisa (Xorriya) ayaa wax ka qoray xildhibaan la oranjiray Dayib Guray (Allaha u naxariistee)... Afar ilma-adeertiis ah ayaa garaacay qoraagii C/laahi Wayab.... wadaad Reer Howd ahaa ayay doodeen wadaad kale... Markuu arkay in Wadaadku ka cilmi badan yahay ayuu bud ku garaacay... wuxuuna yiri:- Masalo kaa gaabatay bud ayaa lagu kabaa!!! 

Dhowaan waxaa Galkacayo lagu garaacay Agaasimaha Radio-Galkacayo... Burhaan Maxamed Cabdi.... Taasi waxay marag ka tahay in labada xisbiba Puntland nooga furanyihiin!!! Xisbiga Caqliga iyo Xisbiga budka!!!


PROF. DEEQA JAAMAC COLUJOOG OO SOO GABA- GEBAYSAY HOWLIHII 8-DA MARSO.

Guddooomiyaha Xarunta Cilmi-baadhista iyo Horumarinta Abyan (ARDC) Prof. Deeqa Jaamac Colujoog ayaa iyadu khatimtay oraahyadii ku saabsanaa  8da Maarso... ka dib markii Hay’adda  ay iyadu guddoomiyaha ka tahay (ARDC)    8da Maarso ee 2001 u sameysay qaban-qaabo aad iyo aad u heer sarreysay, isuguna soo biyo-shubatay xaflad qiimo iyo qaayo badan oo ay si fir-fircoon uga soo qayb galeen xoogagga kala duwan ee haweenka Caasimadda Dawlad Goboleedaka  Puntland ee Garowe iyo kuwa Gobolka Nugaal... shicib iyo Dawladna la soo wada xaadiray oo goobjoog loo wada ahaa... si weynna loo wada jeclaystay oo loogu riyaaqay... Qaybahan soo socda ayaannu ka soo qaadanaynnaa Ereyadii   Prof. Deeqa Jaamac:-

Ugu horreyn-Mudane Madaxweyne-ku-xigeen!! Mudanayaal iyo Marwooyin, dhammaan waad salaaman tihiin ... waadna ku mahadsan tihiin  ka soo-qayb-gal kiinna buuxa ee aad munaasabaddan muhiimka ah ku soo sharafteen... munaasabaddan xuska 8da Maarso ee 2001, waxaa soo qaban-qaabisay Xarunta Cilmi-Baadhista iyo Horumarinta ee Abyan (ARDC) oo ah Hay’ad gaar ahaaneed oo waddani ah (Soomaaliyeed) oo madax-bannaan... itijaaheeda guudna yahay aqoon-Cilmi oo ku wajahan horumarinta dhaqan-dhaqaale ee ummadeed, lehna waax qaabilsan horumarinta Haweenk... iyadoo xarunteeda dhexe  tahay  Garowe, Caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland..

Haddii la soo koobo, taariikh- Macnawiyeedka 8da Maarso, waa maalinta uu ku astoobo Haweenka Adduunku... waxayna xusuddeedu ka askumantay Magaalo- Madaxda Waddanka Denmark. (Copen Hegan) 1943-dii, taasoo ahayd natiijadii halgankii iyo dhawaaqii dheeraa ee haweenaydii caanka ahayd ee Kilera Zitken, ka dibna noqotay maalin Adduunweynaha oo dhammi xuso oo bar-tilmaameed u ah ka doodidda xuquuqda guud ee Haweenka ... ummadaha midoobay (UN), 1945tii ayay aqoonsadeen maalinta Haweenka, ka dibna waxay rasmi ahaan noqotay maalin dalalka xubnaha ka ah Qarammada Midoobay tixgeliyaan, Haweenkuna munaasabaddaas gocashooyimkooda iyo xuquuqaha ay tabanayaan soo ban-dhigaan... kolkaas waxaa qiimeynta 8da Maarso, kaabayaal laf dhabar ah u noqday qodobada hoos ku qoran:-

1.  Ictiraafiddi iyo aqoonsigii UN-ka ee 1945tii ee maalinta 8da      Maarso.

2.  Ku dhawaaqiddii Ummadaha   Midoobay (UN) sanndakii 1945, in      uu noqdo sannadka     Haweenka...

3.                    Go’aamintii UN-ka iyo qabashadii shirweynihii Caalamiga ahaa ee kowaad ee haweenka 1975-tii oo lagu qabtay Caasimadda dalka Mexico ee Mexico-City laguna dejiyay barnaamijyo sugan ee horumarinta haweenka....

4.  U-aqoonsigii Qarammada        Midoobay ee 1976-1986, tobanka sano ee horumarinta haweenka.

5.   Abuuristii labo Hay’adood oo u gaar ah horumarinta haweenka iyo dabagalka meel marinta mashaariicda horumarinta haweenka, labadaas hay’addood oo kala ah UNIFEM (United Nation Devolopment Fund for Women) iyo INSTRAW (International Research and Traninig Inistutute for the Advancement of Women)...

6.  18dii Disember 1979, oo wadajir-wadareed Adduunku u Guddoonsaday xaqmarinta iyo u hagar-bixidda Haweenka...  

7.   Qabashadii shirweynihii 2aad ee toban-sanaalaha haweenka Adduunka ee 1985tii, kaa soo lagu go’aansaday meel-marinta jaangooyooyin horumarineed oo ku wajahan Haweenka ilaa sannadka 2000...

8.   Qabashadii Shirweynihii toban sanaalaha 3aad ee haweenka Adduunka ee 1995-tii oo lagu qabtay Magaalo-Madaxda Shiinaha ee Beking, oo isagana lagu qoon-deeyay xaqiijinta iyo gaadhista harumarin wax-ku-ool u noqota Haweenka, isla markaasna, tixraacid iyo ku xisaabtan lagu sameynayey barnaamijyadii howlgalka ee hore u qorshaysnaa... hasa yeeshee, waxaa xusid iyo is weydiin mudan waxa munaasabadda 8da Maarso u tahay:----- 

1.  Haweenka Soomaaliyeed oo        toban sano ku jiray marxalad. mowqifeed qallafsan oo isugu dhafan: qaran-dun iyo dagaallo sokeeye, dhaqaale bur-bur, barakac iyo qoxootinnimo , dil iyo dhaawac, dhac iyo dhibaatayn, hoy iyo hanti-la’aan, jahli iyo daryeel-la’aan Caafimaad, jahawareer iyo jaan-jaamin joogtaysan iyo loollan iyo herdan siyaaso oo aan ka gun-gaadh lahayn.... 

2.   Haweenka soomaaliyeed oo ah udub-dhaxaadka Bulsho miyi iyo magaalaba, cadad ahaanna ah 55%, isla markaasna toos uga mas’uul ah daryeelidda Mujtamaca intiisa jilicsan, sida ubadka, waayeelka, Naafada iyo bukaanka, oo iyaguna isku noqonaya 25%... Munaasabadda 8da Maarso, oo aynnu maanta xusaynno, waxay Haween-weynaha  Soomaaliyeed u tahay:- 

1. Alla-bari lagu ducaysanayo nabad iyo soo-af-jarid dhibaato ummadeed (shuushow bax, sharow guur)...

2. Neecow yididdiilo oo ku soo noqsho (12 sano ka dib) jawiga  u-dabbaaldagidda iyo la damaashaadidda Haween-weynaha adduunku u sameynayo xuska munaasabadda 8da Maarso ee 2001da... 

3. Iskaashi, midow iyo yeelasho itijaah iyo aragti midaysan, taasoo ay u daliil tahay inay xuskan taariikhiga ah wadajir-wadareed ugu soo qayb galeen Haween-weynihii Caasimadda, sida: Marwada Madaxweynaha, gabdhaha xubnaha ka ah Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland, ururrada Haweenka Gobolka Nugaal iyo kooxohoodii hiddaha iyo dhaqanka (lebbiska, Ciyaaraha iyo suugaantaba)... kooxda barbaarta Hablaha ... kooxda Gabdhaha Isboortiga.... Ubaxa Bishaaro ee hablaha ah... Gabdhaha Aqoon-yahanka ah ee Puntland iyo guud ahaanba haween-weynaha deggan Caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland ee Garowe...  

4. La xisaabtamid Maamulka, xagga ka qayb gelinta Haweenka Shaqooyinka qaran, siiba manaasibta sare iyo darejooyinka Diinta Islaamku u oggoshahay haweenka ayna ka soo qabteen dalalka kale ee Islaamaka...

5. La xisaabtamid Hay’adaha Caalimiga ah, xagga taakulaynta haweenka iyo siintooda mucaawinooyin habboon... gaar ahaan in haweenku helaan mashaariic horumarineed oo wax-ku-ool ah...  

Sidoo kale waxaa dhacdadu tusmayneysaa ka garaabidda iyo u gondadegidda kaalinta ma-dhaafaannimo ee wax-qabad ee haweenku ugu aaddan yihiin Bulshada ...

Ugu dambeyntii, waxaa laga mamaarmaan isu muujinaysa in haweenka oo halgan dheer oo wax-qabad soo maray, gaar ahaanna, toban jibaaray hawlgal-koodii marxaladda bur-bur, waxay bogaadintu tahay inaysan ka daalin, kana gaabin geeddi-socodka loogu jiro xasillooni iyo nabad-ku- soo dabbaalidda dalka, dhidib-u-aasidda dawladnnimo iyo guud ahaan taabba-galinta qarannimo... 

Madaxweyne-ku-xigeen, Mudanayaal iyo Marwooyin!! Dhamaantiin, Baarlamaan, Garsoor, Xukuumad, Saraakiisha Ciidamadda iyo maamulka, Culimadda, ururrada Bulshada iyo dadweyneba... waxaan mar kale idiinku mahadnaqayaa ka soo qaybgalka buuxa... idinkoo wixii goldaloolooyin ah ka raalli ahaanaya...  

Wal-xamdu Lillaahi Rabbil Caalammiina  

 

MURASHAXA REER LAS-CANOD EE JAGADA MADAXWEYNE-NNIMADA PUNTLAND

XAGGEE AYUU INOO WADAA!!!

{Qaybtii ugu danbeysay waraysigii WARSIDUHU la yeeshay Murashaxa......} 

S.4aad: Culimadu waxay tiri: diintu ma oggola  in qofku isagu jago isu-soo sharaxo... adna adigaa isa soo sharxay... maxaad arintaas ka qabtaa???!!! .

Cismaan Cabdinuur Xaashi:-kiristaanka iyo dadka kale ee lunsan, ayaa dad ka xukun qaata, ee islaamka ilaah uun baa wax u jideeya, Nabiguna (SCWS) wuu  u faahfaahiyaa... haddiise kitaabkiiba hore loo tuuray, inta tartamaysaana ay dadka ku soo kala jiidanayaan, in cisiga iyo libtaba meelo kale laga raadiyo oo weli tixraacyadii baaddilka ahaa iyo marinno wada gurracan uun la wada hayo, sow ma’aha in qofkii xaqa u hiilinaya ujeeddadiisa uun la qiimeeyo???!!! Goor ma ayaase la doonayaa inaynnu bilowno Muslinnimada inaynnu  dhab ugu dhaqanno???!!! Yaase bilaabaya???!!! Oo laga sugayaa!!! Xaqa miyaa sidaas lagu xaka maynayaa??? Iyadoo inta Ilaah illowsan loo jaamaynayo???!!! 

WARSIDAHA: Ma laga yaabaa in is sharaxaadaada ay ka dambeeyaan dawlado kale??? Ama ururro dibadda ku xirani??? XAASHI: Dhab ahaan waxaanba u halgamayaa in isku-kalsooni iyo midnnimo lagu nooleeyo quluubta baadilka iyo Aadane-u-nuglaadku ay gudhiyeen!!! ILaah kaliya, Nabiga (SCWS) iyo kitaabka xaqa ah in aan bal mar kale dadkayaga xusuusiyo ayaan rabaa... oo weliba xigaalkayga oo ah mandiqaddaan inaan kaga bilaabo... oo keliya loogu yeedho inay aayohooda iyo runta u hiiliyaan!!! Oo iyaguna isu daneeyaan, ayniyadooda soo socdana u daneeyaan weeye talada nasteexa ahi... ee aan anigu qaanta Alle baaqan iskaga rogayo... Ifkan uunbaa lagu tartamayaaye, inaan halka lagu waarayo ummadda dayaysan, digniin iyo bishaaro ugu yeedho , Dawlado qalaadina iguma saameyn!!! Urur-urur iyo isqayb-qaybinta dadkii lagu kala firdhiyaayna, sida islaamku u reebay bay aniga iga yihiin!!! Fadlan hadalkaygan cunwaan uga dhig:  Murashaxa Cusmaan Cabdi Nuur:{haddii Ilaahay sidan rabo, isagaa rogroga laabaha dadka}... {Cusmaan waxaa ku soo dhibicday, dadbeecadii suxufinnim-ada}...

WARSIDAHA: yaad madaxweyne-ku-xigeen ahaan u wadataa???

XAASHI: weli wixii gaalada laga bartay baad hadal haysaa!!! Gole wadatashi baa islaamku leeyahay... talada ummadana labo qof oo isku xiga kuma filla, goonina cidna ugama xigsan-karaan!!! Magaalo walba dad ay cilmi iyo daacadnnimo u xulatay ayaa islaamnnimo ugu arriminaya!!! nin ayaana  guddoomiye u noqonaya!!! Aniga la igama sugi-doono ( haddii Ilaah arrinka igu imtixaano) dhoof dibadeed iyo baryo ama raallligelin cid qalaad... (cibaado uun baan dibad ugu socdaali karaa)... xabsiyo iyo ciidammo dirays midka gaalada u eg lahaanayaa ma jirayaan !!! xuduudda islaamka oo keli ah baa la fulinayaa!!! Lacagta annagaa dalkayaga u samaysan-doonna!!! Waardiye, Xafiis gooni ah iyo baabuur midna ma yeelanayo!!! man-hajka dugsiyada, guddiyo aqoon u leh ayaa u dejinaya, si danaheenna ifka iyo aakhiro ku jaan go’an ...boqollaal  warshaddood baa la filayaa in gudaha aynnu ammin gaaban ku dhisanno... isbaasaasidii waa reebban tahay... madaxduna dhammaan adeegayaal lala xisaabtamo ayay  noqonayaan!!! Hannaankaygu waa islaami, somaliyaysan!!! Haddii Alla idmo !!!                  

DOODIHII BUSHASHKA  

Sida la wada ogyahay bushashka lagu qayilo ee Magaalooyinka Somaliya mid walba waxaa wada fariista in istaqaan oo ay isugu baxdo...marka qaadka ay bilaabaan ayay la bilaabaan dood furan oo adduunka oo dhan gacan-to galaysaa.... nin walibana maankiisuu hadlaa... oo ceesaantiisa ceelka keensadaa... WARSIDAHA ayaa talaadadii dhowayd bushkii uu dhegeysan jiray inooga soo minguuriyay qayb ka mid ah doodihii bushkaas... waana tan:- 

Tiigsade:- War waxaa la yiri Ingiriiskii isku-dirka buxuurka ku ahaa, wuxuu maanta foodda isu-geliyay <<RIYAAQ>> iyo WARSIDAHA... waxaa la yiri gabar yar oo BBC-da ka socotay oo timid Puntland ayuu ugu soo dhiibay Computer oo yiri wuu idiin ka dhexeeyaa ee wada isticmaala...waa RIYAAQ iyo WARSIDAHA oo aan ceelba u wada aroorin...  haddaa arrintii waxay taagantahay:- Wada isticmaalimaynee inoo kala jebi!!! Iyo inoo kala goo!!! 

Golmud:- Bal muu labo u soo kala diro!!! Illeyn balwad lagama gaboobo!!! 

Tiigsade:- Hindiya iyo Pakistan ayuu kashmiir dhex-dhigay!!! Eeraan iyo Imaaraadka ayuu Jasiirado dhexdhigay!!! Oo ay isku haystaan!!! Ciraaq iyo Kuwait ayuu dhexdhigay Ceelashii keenay dagaalkii la ogaa!!! Qadar io Baxrain ayaa gartoodii haddeer lagu soo dhammeeyay Maxkamadda Haige....

Qadar iyo Sucuudiga ayaa dhowaan ku sigtay in dagaal ka dhexqarxo!!! 

Biindhe:-  Waar lixdan jir iyo labaatan jir ayaa Ceelka caynaba jiq isku noqday isagoo dhexfadhiya oo Pipe-ka u shidanaya!!! Waa run oo balwad lagama gaboobo!!! 

Golmud:- Waa boqortooyo gababowdayoo waxaa ka soo haray xin iyo xisti keliya!!! 

Biindhe:- Reerkii gaboobaana waa sidaa!!! Oo waa la mid!!! 

Feente:- oo kuwan RIYAAQ iyo WARSIDAHA ee khadkii iyo waraaqihiiba dhammeeyay miyaanay hal Computer oo Ingiriis gabar yar ugu soo dhiibay miyaanay ku kala bixi-karayn.... haddii xikmaddoodu aanay intaas gaarayn maxay toddobaad walba waraaqaha inoogu soo madmadoobeeyaan!!! 

Feente:- Car  yaan gartaa Computer-ku gaarin Maxkamadda Haige!!! 

Biindhe:- Ingiriisku xin u awood badanaa!!! Muxuu ku hindisay labdaas hal Computer ka dhexeeysii!!! 

Golmud:- Waar boqortooyoo dhan ayaa xinka waqti u hesha!!! 

Naftiisoor:- Gabaray isii falaas caddeys ah!!! 

Biindhe:- Waad arki-doontaan talyaaniga oo arrintaas Computerka dhexcararaya!!! 

Saluugsane:- Wuxuba macno ma laha!!! Ee iska qayila!!!

 

UMMADUHU WOXOODII KALA SUNTADE

 

NAYRUUSKII EERAAN 21/03/2001 Wakaaladaha. 

Shucuubta asligoodu yahay Aaryan-ka (Indo-Aarians) sida Eeraan, Afganistan, Turkiga, Kurdiga iyo... iyo....iyo ayaa maanta xusay ciiddii Nayruuska oo ah bilowga guga... xuskaasi wuxuu ugu xoog-badan yahay dalka Eeraan... maadaama Faarisugu beri qabsaday xeebaha Bariga iyo waqooyiga Somaliya waxaa Somalida xuskaas ka sii haray DABSHIDKA...

XUSKA GEEDKA TIMIRTA 

[

Dalalka Carabtana waxaa maalintii Jimcaha ee 23/03/2001 – 28 Dulxaj 1421 xus iyo kookoolin looga sameeyay geedka timirta oo taariikhda Islaamka iyo tan Carbeedba si weyn ugu jira...

 

DUBAYNA WAXAA LAGU XUSAY FARDAHA.. 

Imaaradda Dubai waxaa iyana maalintii sabtida ee 24/03/2001 lagu sameyay tartan Caalami ah oo fardaha... iyadoo la rabo inaan la illaawin kaalinta Farduhu ku leeyihiin taariikhda Carabta iyo Islaamka.... 

Waxay ila tahay Puntland mar uun waxyaabo ku xeeldheer iyana way xusidoontaa... Berdaha... Lebiga... Yicibta... Geedka Xijiga... Moxorka... Maraaga!!! Higlada!!! Gobka!!!??? Ummadihiina woxoodii kala suntade!!!

 

<<TIFATIRAHA KOOXDA CARTE YUSUF GARAAD MAXAAD KA OGTAHAY?>> 

Joornaalka SAHAN ee ka soo baxa Magaalada Bosaso, ayaa cunwaankaas ku qoray cadadkiisii 239 ee 19/03/2001... Yurub, Waqooyiga Amerika, Kanada, Bariga Dhexe iyo Meelo-kale oo adduunweynaha ah, jaaliyadaha ku nool ee Puntland iyo Somaliland iyo qaybo kale ee Somaliyeed, ayaa markay maqaalkaas ka heleen <<INTERNET>>ka ihtimaam badan siiyay... Maqaalka aad ayaa loo akhriyay... waayo, wuxuu taabtay  oo farta saaray dareen dad badani qabeen... sidaa darteed, sida nala soo gaarsiinayo, maqaalkaas waa loo bogay... waa loo riyaaqay... <<INTERNET>>ka ayaa lagala baxay...tilifoonno ayaa la isu-diray... ma akhriday?... ma akhriday??? FAX-yo ayaa la isugu gudbiyay...afaf kale oo aan somaliga ahayn ayaa loo turjumay... WARSIDAHA waxaa soo gaaray tiliifoonno iyo FAX-yo arrintaas ka warbixinaya... maxaa laga helay maqaalkaas??? Bal aan mar iyo labo jeer dib-u-akhrino!!!

 

AFKEENNU WAA ISU-AMMAANE!!!

Diidane:- Waxaa la yiri Dawladdii Puntland waxay ku baraarugtay lacagtii laga dhacay Wasaaradda Arrimaha Bulshada oo way Joojisay MARK-II-yadii isbarbar yaaci jiray oo Hay’ad waliba mid Bosaso ula ordijirtay!!! Waxaa la yiri hadda lacagta hal ama labo baabuur oo waaweyn oo askar badani waddo ayaa lagu keenayaa Laanta Garowe ee Bangiga Puntland!!! Bangi to Bangi oo no many Mark-II-s... afkeennu waa isu ammaane!!! 

Dhuxdhuxle:- Burcaddii haddii ay noqdeen niman maamul-toosinta ka qaybqaatay... arrintaas xeer-ilaaliyuha guud ee Puntland ma tixgelin-doonaa!!! Afkeennu waa isu-ammaane!!!  

Diidane:- Mooyi!!! Caqli dawlo iyo indha quraanyo midna lama gartee!!! Afkeennu waa isu-ammaane!!! 

Dhuxdhuxle:- Wiilka Reer Las-canod, miyaanu ogeyn in Puntland jogooyinka beelo ku-qaybsatay???!!! Muxuu u oranayaa Madaxweyne ayaa u sharaxnahay??? Afkeennu waa isu-ammaane!!! 

Diidane:- Waxaan u maleeynayaa inuu rabo in jagada Madaxweyne-ku-xigeenka lagu maslaxo!!! Afkeenu waa isu-ammaane!!! 

Dhuxdhuxle:- Meeshaan ah Las-canod... 1964-tiina Axmed Ismaaciil (Duqsi) ayaa loo diiday inuu ka furto xisbigii SNC-dii... Maantana waxaa loo diiday Dr. Gabboose inuu ka furto xisbi Islaami ah!!! Nimanku nimanka, xisbigii qabiilka iyo kii Islaamkaba haddii ay ku diidayaan, maxay rabaan inay la wadaagaan!!!??? Afkeenu waa isu-ammaane!!!  

Diidane:- Lacagta keliya ayay rabaan inay la wadaagaan!!! Sidaas ayaan u malaynayaa!!! Afkeennu waa isu ammaane!!!