Warsidaha Puntland
Tirsi 86
Khamiis 05/04/2001
Garoowe - Puntland
MADAXWEYNAHA
D.G.P.L OO WARFAAFINTA PUNTLAND UGA WARRAMAY SAFARKIISII UU DIBEDDA UGU MAQNAA.
Sabti 06/ Muxarram 1422
31/03/2001 Garowe WARSIDAHA
Madaxweynaha Dawlad
Goboleedka Puntland Md, C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa maanta xiskin kulul (11:30 Subaxnimo)
isaga iyo wafdigii uu hoggaaminayey ay dalka Puntland ku soo noqdeen iyagoo ka soo degay
Garoonka Diyaaradaha ee Kanoko (35km) ka xiga Waqooyiga Magaalada Garowe...
Waxaa Madaxweynaha iyo
wafdiga la socday halkaas ku soo dhoweeyey M/weyne ku-xigeenka D/G/P/Land Md, Maxamed
Cabdi Xaashi, Marwadda Madaxweynaha, Xubnaha Golaha Xukuumadda, (Golaha Wakiillada waxaa u
socday kalfadhi aan caadi ahayn)... Saraakiisha Dawladda Ciidan iyo Rayid-ba iyo dadweyne
aad u faro badan...
Diyaaradda hoosteeda labo
gabdhood oo ah Ubaxa Gobolka Nugaal ayaa midina xirmo ubax ah qoorta u galisay, midina
xirmo kale gacanta uga dhiibtay...
Madaxweynuhu ka dib
markii uu salaan sharaf ka qaatay cutub ah ciidamada, iyadoo kooxda musiga tumayaan kuna
godlan yihiin heesta Calanka Soomaaliya... wuxuu ku soo meeray oo gacan-qaaday in badan oo
ka mid ahaa dadkii garoonka ku soo dhoweeyey... ka dibna waxaa waddada dheer xagga Garowe
ula soo qul-qulay xiriir baabuur oo ili ku wareertay isdaba-haya, iyadoo dadweynuhu
lulayaan calammo, oo ay qaadayaan heeso ay ku durbaansanayaan ... baabuurta hore waxay
higsanaysay reegaanka durbaannada kooxda musiga...
Baabuurka Madaxweynaha
(nooc sare oo ah Land-cruiser) oo daaqaduhu u furan yihiin ayaa madaxweynuhu gacantiisa oo
dibedda joogta dhinaca ka ruxayey, dhinaca kalena waxaa iyana gacanteeda ka ruxaysay
Marwada Madaxeynaha Marwo Xaawo Cabdi Samatar, iyagoo si diiran u salaamayey dadweynaha
waddada hareeraheeda calaacalahooda furan caleemaha iyo maryaha soo dhoweyn ugu lulayey,
ilaa baabuurka Madaxweynaha siday uu ka galay irridda ballaaran ee Madaxtooyada Garowe ku
taal, ee dhinaca qibladda u jeedda !!!
Madaxweynuhu wuxuu nastay
duhurnimaddaas iyo casarkeeddii... habbeemimaddii ayuu qaabbilay masuuliyiin sidii
ay u kala mudnaayeen ugu soo kala hormaray... subixii Axadda ee 7/Muxarram 1422, oo ku
beegnayd 01/04/001-da ayuu xafiiskiisa caadi u soo fariistay... saacaddii 19: 00
Fiidnimo-na shirkii ugu horreeyey ayuu aqalka shirarka ee Madaxtooyada kula yeeshay Golaha
Wasiirrada Dawlad Goboleedka Puntland... masuuliyiinta Madaxweynaha Dibedda u
raacday kalana soo noqotay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha
Md, Cali Ismaaciil Cabdi Giir iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Md, Axmed Cabdi
Maxamuud (Xaabsade)...
Arrimo faro badan ayaa
Madaxweynaha guul fadhi u ahaa!!! Oo markuu yimi wada kuur-kuursaday!!!. Isla Axaddaas
saacddii 11: 30 Aroornimo ayaa Madaxweynuhu wuxuu xafiiskiisa Madaxtooyada Garoowe ku taal
ku qaabbilay WARSIDAHA IYO RADIO-GALKACAYO, wuxuuna siiyey warbixin dheer oo
Eeg
Bogga Xiga....
WARSIDUHU ka soo
qaadanayo qaybahaan soo socda, waxaana hadalladii Madaxweynaha ka mid ahaa:-
Bilowgii bishii hore,
(Marso) ayaannu dalka ka dhoofnay aniga iyo wafdigii Puntland ee aan hoggaaminayay oo u
ambabaxnay dalka Ethiopia... halkaas oo ay ku shireen Magaalada Awaasa (Magaalo Madaxda
Gobolka Awaasa ee Koonfur ka xiga Adis-ababa iyo Gobolka Shawa )... halkaas oo ay ku
shireen ururrada Soomaaliyeed ee ka soo horjeeda muaammaraddii Carta lagu
maleegay... iyo annagoo Maamulka Puntland ahaan kala qaybgalnay... shirkaasi wuxuu qiimayn
ku sameeya xaaladda guud ee
Soomaaliya... wuxuu isla qiray
nabadgalyo xummadda ka dhalatay wixii Carta lagu dhisay... wuxuuna isla gartay in la
sameeyo qaab lagaga hortago dhibaatooyinka iyo nabadgelyo-xumada kooxda Carta ay ka
samaynayso gobol kasta oo Soomaaliya ah... Si ujeeddadaas loo fuliyo waxaa la dhisay urur
cusub oo wadar ahaan loogu wada jiro (Dallad Guud) ...waxaanna lagu magacaabay S.R.R.S
(The Somali Reconciliation and Restoration Council)... ama (Golaha Dib-u-Heshiisiinta iyo
Dib-u-soo-Noolaynta Soomaaliya)... ujeeddooyinka magaca ayaa laga garanayaa... waxaanna
mudnaanta koowaad la siinayaa ka hortagga iyo ka gaashaamashada dagaallada iyo fidmooyinka
Kooxda Carta ka horseedayso gobolladda kala duwan ee Soomaaliya...
xaqiiqadu waxa ay tahay,
haddii abuubullada Kooxda Carta, ay hirgalaan, Soomaaliya waxaa ka dhici doona wixii horay
uga dhacay wax ka-sii-xun... oo ka sii daran...
waxaan ku faraxsanahay
inaannu shirkaas ka qayb-galnay, wixii badbaadinta iyo dib-u-soo-noolaynta Soomaaliya ahna
aannu intii tamartayo ah gacan ka gaysannay.... Kooxaha shirayey waxay u badnaayeen
Koonfurta Soomaaliya oo hadda dhibaatooyinku u badan yihiin...
sida wax-u-dhismeen waad
maqasheen oo Idaacaddaha ayaad kala socoteen... Puntland ka mid ma aha qaabka dhismaha...
hase yeeshee, dhismaha ururkaas annaga ayaa saxeexa hore yeelannay, annagoo taageero
siinaynay
dhismihiisa iyo ujeeddooyinkiisa... ka dib wafdigayagu wuxuu ku soo noqday Addis Ababa...
waxaannu Xukuumadda Ethiopia kala xaajoonnay xiriirkeenna waanuna u riyaaqsanahay
natiijooyinkii aannu isla gaarnay... waxaannu kale oo Addis Ababa kula kulannay
Dibplomasiyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Xog-haya Guud ee Qaramada Midoobey Kofi
Anan iyo Xog-haya Guud ee Midowga Africa Salim Axmed Salim...
Cid walba waxaannu ka
wada hadalnay danaha Soomaaliya iyo kuwa Puntland... ururka sida aad Idaacadaha ka
maqasheen, waxaa loo dhisay Madaxtooyo iyo Hayad fulineed... shaqaalihii Qaramada Midoobey iyo ururrada kale ee
caalamiga ah ee Muqdisha lagu weeraray, waxaa masuul ka ahaa Kooxda Carta... Muuse
Suudi Yalaxow, xaq ayuu u lahaa inuu is-daafaco, markii weerar loo soo abaabulay...
Soomaaliya marxalad adag ayey maraysaa... waxaa loo socdaa in la qabto shirweyne Qaran...
iyadoo ka hor la soo dhisayo Dawlad-Goboleedyo...
FARRIIN MADAXWEYNE.
Waxaan salaamayaa
dadweynaha Reer Puntland... annigoo u rajaynaya mustaqbal wanaagsan iyo horumar... waxaan
dadka Reer Puntland ku guubaabinayaa inay ilaashadaan nadaamkooda iyo habka ay iyagu
dhisteen.... una feejignaadaan amnigooda iyo xasiloonidda deegaann-adooda....
WARARKA GOBOLLADA PUNTLAND
1. MAAMULLADII GOBOLKA SOOL IYO DEGMADA LAS-CANOD OO WAX LAGA BEDELAY
Madaxweyne-ku-xigeenka
D/G/P/Land, Md, Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa taariikhdii 29/03/01-da xafiiskiisa ka soo
saaray
Dikreeto Lam. Yahay 196,
oo uu wax kaga beddelay Maamulladii hore ee gobolka Sool iyo Degmada Las-Canod...
Madaxweyne-ku-xigeenku wuxuu sababaynta dikreetadaas ku sheegay in wax-ka-beddelka Maamulladaasi uu ka dhashay talo-soo-jeedinta
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, tallooyinkii Guddigii Siyaa-sadda, Nabadgelyada
Dha-qaalaha iyo Tallooyin Xil-dhibaannada Golaha Wakiilla-da qaarkood... iyo dib-u-dhaca
ku yimid Maamulka Gobolka Sool... Madaxweyne-ku-xigeenku wuxuu dikreetadaas ku sheegay
inuu shaqadii ka ruqseeyey Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sool iyo Duqii hore ee Magaalada
Las-Canod...
Maamulka Cusubi sidaan
ayuu u dhisan yahay :-
1.
Axmed C/Lahi Xasan (Rooble)Guddoomiyaha Gobolka Sool
2.
Sulub Cali Gaas Guddomiye.Ku-xigeenka Gobolka
3.
Cawil Salleebaan Xaaji Axmed (Isu-duwaha Dawla-daha
Hoose ee Gobolka Sool)
4.
C/Casiis
Jaamac Faarax(Xisaabiyaha Gobolka Sool)
DEGMADA LAS-CANOD
1.
Maxamed Axmed Cusmaan (Tuuhe) Duqa Magaalada Las-Canod
2.
Axmed Cabdi Laan-gadhe(Ku-xigeenka Duqa Magaalada
Las-Canod)
3.
Bille Saleebaan Cali(Xog-hayaha Dawladda Hoose)
4.
Cabdi Qowdhan Warsame (Xisaabiyaha Dawladda Hoose)
5.
Qasnajiga Dawladda Hoose (Waa jago Bannaan).
2. GUDDOOMIYAHA GOBOLKA NUGAAL IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO KORMEER KU TEGAY DEGMADA
BUURTINLE
Khamiis 29/03/001.
Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Md. C/laahi Xassan Faarax (Bassaweyne) oo ay
weheliyaan Taliye-ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/dhexe Siciida Warsame
Jaamac iyo Duqa Magaalada Garowe Daahir Cali Ciise, ayaa Kormeer hawleed ku tegay Degmada
Buurtinle, Kormeer-kaas oo ay ugu kuurgalayeen xaaladda Nabadgeliyada iyo xasiloonida iyo
sida hawlaha degmadu u socdaan.
Wafdiga
waxaa warbixin kooban ka siiyay Guddoomiyaha Maamulka Degmada
Buurtinle, Maxamed Jaamac Salal iyo Taliyaha Saldhigga Degmada Dhamme Dhegafiin.
Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Wafdiga uu hoggaaminayay oo dadweynaha kula shiray
Xarrunta Maamulka degma-da, waxay kala hadleen sidii loo sii wanaajin lahaa
nab-adgel-iyada, xasiloonida, iyo sidii loo hormarin lahaa Deg-mada iyagoo ku booriyey
da-dweynuhu inay
bixiyaan Canshuuraha Dawlada ee ku baaqatay
iyo in ay gacan ka geystaan urrurinteeda,Guddo-omiyaha
iyo Wafdiga uu hogaaminayo intii ay joogeen degmada
waxay soo eegeen Xafiisyada Laamaha Dawlada ee halkaas ku yaal, Guddoomiyaha iyo
wafdigiisu waxay dib ugu soo laabteen Gobalka Nugaal ee Garowe.
XOG-HAYAYAASHA URURKA S.R.R.C OO DHOWAAN LAGU DHISAY MAGAALADA AWAASA (ETHIOPIA).
G |
uddoomiyaha xilligan ee ururka S.R.R.C. ee dhowaan lagu dhisay Magaalada Awaasa (Koonfurta Ethiopia) Eng. Xuseen Maxamed Faarax Caydiid, ayaa dikreetadii ugu horreysay oo uu soo saaray 29/03/01-da, ku magacaabay Xog-hayayaasha oo ah Hayadda fulinta (oo u dhiganta Gole-Wasiirro) ee ururkaas... waana kuwan :-
1. Dr. Yuusuf Cumar As-Hari Xog-hayaha Arrimaha Dibedda
2. Xasan Cabdulle Qalad Xog-hayaha Arrimaha Gudaha
3. Gen. Maxamed Siciid Morgan Xog-hayaha Difaaca
4. Sh. Aaden Maxamed Nuur Xog-hayaha Maaliyadda iyo Khasnadda
5. C/raxmaan Mataan Qadar Xog-hayaha Beeraha
6. Cabdi Warsame Isaaq Xog-hayaha Arrimaha Siyaasadda
7. Maxamed Sayid Cumar Xog-hayaha Arrimaha Bulshada
8. Sh. Jaamac Xaaji Xuseen Xog-hayaha Cadaalada iyo Arrimaha Diinta
9. Maxamed Diiriye Cilmi Xog-hayaha Warfaafinta
10. Xasan Maxamed Cusman (Jumbur) Xog-hayaha Dib-u-heshiisiinta
11. Maxamed Ibraahim Maxamed Xog-hayaha Arrimaha Qaxootiga
12. Cabdul Casiis Sh. Yuusuf Xog-hayaha Caafimaadka
13. Maxamuud Sayid Xog-hayaha Deegaanka
14. Cabdalla Bashiir Cabdi Xog-hayaha Dib-u-dejinta
15. Nur Xaaji Maxamed Xog-hayaha Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Miyiga
16. Cabdi Mahdi Xog-hayaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
17. Maxamed Siciid Naalleeye Xog-hayaha Macdanta iyo Biyaha
18. Gen. Cumar Xaaji Maxamed Xog-hayaha Sancadda iyo Ganacsiga
19. C/laahi Daahir Barre Xog-hayaha Boosaha iyo Isgaarsiinta
20. Sh. Abuukar Maxamed Nuur Xog-hayaha Tamarta iyo Korontada
21. Muuse Cali Cumar Xog-hayaha Dhismaha iyo Arrimaha Federaalka
22. Cusmaan Abukar Mahdi Xog-hayaha Dekaddaha iyo Gaadiidka Baddaha
23. Eng. Aweys C/qaadir Shiikh Xog-hayaha Gaadiidka Dhulka iyo Cirka
TACSI AYAY KA
DIRAYAAN GEERIDDII MARXUUM MUUSE ISLAN
Dhammaan dadka Magacyadoodu hoos ku taxan yihiin ayaa tacsi uga diraya eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii, geeridii naxdinta lahayd ee Marxuum Muuse Islan Faarax... iyagoo marxuumka Illaahay uga baryaya naxariis iyo Janno....
Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtiina samir iyo iimaan...
Suldaan
C/qaadir Cumar, Xildhibaan Xuseen Maxamed Cigaal, Xildhibaan C/risaaq Yaasiin, Nabadoon
Yaasiin Cali Faarax, Nabadoon Siciid Jaamac Yuusuf, Nabadoon Cali Barre Xuseen, Nabadoon
Axmed Jaamac, Nabadoon C/qani Siciid Cali, Nabadoon Muuse Siciid Xaaji Maxamed, Nabadoon
Dayib Guurre Faarax, Nabadoon Jaamac Cabdi Barre, Nabadon Xasan Gowl, Nabadoon Khaliif
Maxamed Cali, Samadoon Axmed Cali Ciid, Samadoon Axmed Faarax Weyrax, Samadoon Yaasiin
C.Wayrax, Samadoon Maxamed Ciise Wayrax, Samadoon C/laahi Saalax Xuseen, Samadoon Maxamed
Cartan Dirir, Samadoon C/raxmaan Macallin Daahir,
Eeg Bogga 7-aad
SHACBIGU PUNTLAND
JECELAA!!
Maalintii Jimcaha ee 05
Muxarram 1422... 30/03/2001-da ... duhurnnimadii markii Salaadda Jimcaha laga soo
dareeray, ayaa Magaalo-Madaxda D/G/ Puntland
ee Garowe, waxaa xulay war oranaya wa-xaa maanta Garoon-ka Konoko ka soo degaya
Madaxweynaha D/G/ Puntland iyo wafdigii uu hoggaaminayay... mar kaliya ayaa Fardihii la
wada heensay-stay!!!
Intaas oo raysimo oo
dadwey-naha ah oo ka soo kala dillaamay sararaha Magaalada, Caloosheeda iyo waaxyaheeda
ayaa gurdanka isku darsaday... Riigaanka ayaa isu yeeray... Higilkii isla qulqulay, wuxuu
isku gaaray Garoonka Konoko oo magaala-madaxda Garowe u jira in ka badan 35 km ...
Waxaa halkaas isugu tegay
Xubnaha Golaha Wakiillada, Xubanaha Golaha Wasiirrada, Saraakiisha Ciidammada iyo Maamulka
D/G/Puntland ...
Dadweynuhu wadadaas dheer
iyo qorraxdaas kaliisha ee dubka sulaysa, waxay ku soo mareen Calammo Baabuurta uga
babbanaya... Heeso Makarofoonadoodu cirka ku shareerayaan... hadda markii ay Garoonka
Konoko isugu yimaadeen ayay mar kale qoraxdii Raabe- Raabe
isu tubeen ...
Iyagoo sidii Calammadii u
luluya ayay la kala jeesteen cayaarahii
hiddaha iyo dhaqanka iyo heesihii... qoraxda kaliisha Nugaaleed ee dubka shiilaysa ayay
dadweynahaasi cayaarahaas iyo ololahaas ku jireen ilaa makhribkii... fiidadowgii markii ay
hubiyeen in Diyaar-addii Madaxweynuhu baaqatay oo aanay soo guuraynayn ayay Bulaankoodii
iyo Bulxankoodii haddana waddada dib- u-gu sii mareen ... iyagoo diyaar u ah
(sida niyadooda ka muuqa-naysay ) inay Berrina
Garoonka qaabk-aas ugu soo noqdaan... oo niyadaa sare ku soo dhowee-yaan Madaxweynaha D/G/
Puntlan iyo Wafdiga uu hoggaam-inayo dhab
ahaan...!!! shacbigu Puntland Jeclaa !!!!.
Annagoo aan Ceel iyo Carshin midna ku
coloobin !!! annagoo dhiig iyo dhaqan midna aan ka haynnin!!! Iyadoo aan deegaankayaguba
is gaarin ... aryahaya-gii una wada daaqin ... kuwii
sababo aannan ogayn noo nacay noona Nebcaaday !!! kuwii badahayaga sunta ku daadiyay !!!
Ee Xayawaankii oo dhan ku laayay !!! kuwii berrigayaga Nukleerka gees walba kaga duugay
!!! kuwii hawadayada sunta ku firdhiyey si aannu u neefsanno
hawo sumaysan kadibna aannu u qaadno lafo garaac, is jiid iyo cudurro aan dhammaan oo aannan hore u aqoon .... si qofkayagu uu waligii u
ahaado mariil jiitamaya oo aan bogsood lahayn !!!
Kuwii faro, Xadeed iyo Sool la bartay sanad walba inay ku
qarxiyaan sun hawada ay ka soo tuureen!!! Si xoolaha iyo dadkaba ay ugu Beeraan Cudurro cusub, kadibna ay noola daba joogaan waanu
baaraynaa iyo dawo ayaannu u keenaynnaa !!!
kuwii Hiiraan geela ku duray Cudurka sanka
dhiigga ka keena, si uu u yeesho Geeri badan, Rimi waa, Dhicis iyo Gaban-Tuur , Uh,
Dhukaan iyo Dhugato ... Kuwii isu kaashaday in Xoolahayaga dhoofka la xayiro, si aannu u
ahaanno Baahanayaal gacanto-oda wali-good dhowra !!! ma naxayaashii oo dhan !!! cadd-aan
iyo Carab gudguduu danbe!!! Min london iyo glass gow !!! ilaa Sanca iyo Riyaad !!! hadda
waxaa ku habsaday cabeeb !!! oo ciqaab ALLE ayaa ku degtay !!! ALLAA nooga aargooynaya!!!
Hadda waxaa ka dhamaaday hayooy iyo waawaray !!!
isdaaweeya idinku !!! waxba annaga ha nagu warwareegina e!!! caalku iyo cabeebku waa
ciidan Ilaahay !!! oo sir maqabe ALLAA u sahan ah !!! waligeedba ha dhaalayso !!! .
WAXAA AMMAAN HELAY
QORSHAHA 2001-DA-2003-DA EE D.G.P.L
Madaxweynaha Dawlad
Goboleedka Puntland Md, C/laahi Yuusuf Axmed, oo dalka ku soo laabtay maalintii Sabtidii
31/03/01-da, ayaa subixii ku xigay ee Axadda 01/04/01-da isagoo ka siibtay Staff-kiisii
iyo Ilaaladiisii ayuu booqasho lama filaan ah ku soo maray Xafiiska Madaxweyne-ku-xigeenka
(Salaan iyo Bariido) ka dibna kormeer hawleed ku soo maray :-
2. Xafiiska Guddiga Qandaraasyada
3. Wasaarradda Qorshaynta Iyo Iskaashiga Caalamiga ah
4. Maamulka Madaxtooyada
5. Agaasinka Guud ee Tamarta, Biyaha Iyo Khayraadka Dabiiciga ah...
6. Garyaqaanka Guud
7. Agaasinka Guud ee Shaqadda Iyo Shaqaalaha
8. Agaasinka Guud ee Miino-Saarka...
9. Barxadda weyn ee Magaalada Garowe...
Madaxweynuhu wuxuu u bogay oo
ammaanay, qorshaha 2001-da-2003-da ee Dawlad Goboleedka Puntland, oo ay ka warbixiyeen
Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Md, Dr. Maxamed Xasan Nuur iyo Khabiirka
ah C/laahi Shiikh Maxamed oo ka socda Hayadda UNDP.
Madaxweynaha ayaa Ag-aasimaha Guud ee
Tamarta, Biyaha iyo Khayraadka Dabiiciga ah Eng. Abshir Muuse Siciid weydiiyay warkii ugu dambeeyay ee Ceelkii Buurtinle...
Injineerku wuxuu sheegay in ceelkaas hawlihiisa ay ballan-qaaday Hayadda DIAKONIA-
Sweden... Agaasinka Guud ee Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa sheegay in diiwaan-gelinta
shaqo-soo-galka iyo shaqo-ka-bixidda hayadaha Dawlad Goboleedka Puntland baddankoodu
ku liitaan...
Wuxuu kale oo sheegay in
hayadaha qaarkood aanay soo wada gudbin galalkii iyo CV-yadii shaqaalahooda...
Madaxweynuhu wuxuu amray in qolka hadda makhaayadda ah loo beddelo qolka tabbarrada
shaqaalaha... Agaasimaha Guud ee Miino-Saarka ayaa sheegay in hayado badani la soo
xiriireen... ayna filayaan in hawlaha Miino-Saarka dhowaan
wax-ka bilaabmaan....
Madaxweynaha ayaa til-maan buuxda ka
bixiy-ey khariiradda Miin-ada ee Deegaannada Puntland...
TACSI AYAY KA
DIRAYAAN GEERIDDII.....
Ka yimi bogga 5-aad
Dr, Xuseen Cabdi Mataan, Eng. Nuur Xasan Faarax, Eng. Maxamed Jaamac Yuusuf, G/sare Cabdi Salaad Guutaale, G/sare Gadiye.
TACSI
UU MADAXWEYNAHA D.G.P.L U DIRAY....
07/Muxarram 1422, 01/04/2001-da
Madaxweynaha
Dawlad Goboleedka Puntland Md, C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa maanta isagoo ku hadlaya
magaciisa, magaca Xukuumadda, Magaca Golaha Wakiillada, Magaca Dhammaan Hayadaha
Dawlad Goboleedka Puntland iyo Magaca Shacbi weynaha Reer Puntland, wuxuu tacsi ku saabsan
geeriddii ku timid Marxuum Muuse Islan Faarax Islan Aadan oo taariikhdii 31/03/01-da ku
geeriyooday Dalka America, ayuu Madaxweynuhu u diray Islan Bashiir Islan Cabdulle iyo
dhammaan eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii marxuumka.... isagoo dhammaantood ugu
ducaynaya samir iyo iimaan, marxuumkana Ilaah uga baryaya Janno iyo Naxariis... Aamiin
Aamiin
Aamiin
OGAYSIIS:
GOAANKA DAWLADDA HA LA DHOWRO!!!
Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa soo saaray ogaysiinkan hoos ku
qoran ,ogaysiiskan oo sumadiisu tahay PL/GN/555/2001, kuna taariikhaysan 31/march/2001,
toosna ugu socday : Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Dadweynaha Garowe , Taliyaha
Qaybta Boliska Gobolka Nugaal Garowe , Duqa Magaalada Garowe , WARSIDAHA Puntland Garowe ,
ogaysiisna ay ku ahayd Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Garowe, Madaxweynaha Dawlad
Goboleedka Puntland Garowe , uuna ku sixiixnaa gudoomiyaha gobolka nugaal, Mudane C/laahi
Xasan Faarax ayaa u qornayd sida tan:-
Sida lawada ogyahay
Golaha Wasiiradda iyo Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland , waxay goaan ku
gaareen dhulka aira boorkii hore, oo wakhti dhaw la calaamadiyay waxaa la goaamiyay
in dowladda la wareegto dan guud awgeed.
Waxaa kale oo
goaankaas ka mid ah in la iibiyo, lacagta ka soo gashana lagu sameeyo ayraboorka
kale ee laga calaamadiyay MUQLA -TAAG -TAAG.
Haddaba , waxaa
dadweynaha loo sheegayaa in ay goaankaas xurmeeyaan iyadoo lagu fulinayo danta guud
ee ummadeed.Waxaa looga digayaa Dadweynaha in ayan jiri karin cid sheegataa dhulkaas,
lacag haku bixiso ama haku habsato, habka loo gadayana waxaa loo qabtay Guddi maamulkaas
looga danbeeyo, wax garadka iyo Isimmada.
Mahadsanidiin
C/laahi Xasan
Faarax
Guddoomiyaha
Gobalka Nugaal
Tartanka Suugaanta
ee khaliif Sheekh Maxamuud
Radio-Galkacayo wuxuu dadka suugaanta
hal-abuurka u leh ogeysiinayaa in uu qabanayo
KHALIF SHEEKH MAXAMUUD...
Radio-Galkacayo waxuu hal-abuureyaasha
Puntalnd (Rag iyo Haweenba) ku casumayaa, in
ay tar tankaas kaga soo qayb galaan:
B) gabay T) Geeraar J) buraan-bur X)
jiifto KH) Wilgo D) iyo Heesaha kale ee qofku ku luuqeeyo isagoo aan u baahnayn in qalab
loo tumo (Ama loo qaraaco)... sugaantaas ha la
soo gaarsiiyo Radio-Galkacyo, iyadoo cajiladaysan ama qoran ka hor taariikhda
22/04/2001-da... waxaa kale oo Dukumintiga ka
qayb galka ( Cajalad Ama qoraal) loo dhiibi karaa Faarax K.K (Garowe) ka hor Taariikhda 14/ 04/ 2001 da
... Suugaata waxaa qiimayn doono guddi xeeldheerayaal ah waxaana abaal marinno wax-ku-ool
ah oo kala saraysa la siindoonaa ku guulaystayaasha
darajooyinka 1aad, 2aad, iyo 3aad.... suugaanta tar tankaas waxaa lagu tirinayaa af
soomaaliga..Mowduuca maansadu ku saabsan tahayna waxaa dooranaya oo khiyaar u leh
hal-abuuraha... ka qaybgal wanaagsan!!!