Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Warsidaha Puntland

Tirsi 87

Khamiis  12/04/2001 

Garoowe - Puntland   


WarsidahaPuntland              Tirsi    87-aad             Khamiis          12/04/2001                    Bogga 2-aad            

 

MADAXTOOYADDA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND WAXAA KA SOO FULAY.

                                                                1.         Madaxweynaha OO U -Xog--Warramay Golaha     Wakiillada

Khamiis, Muxarram 11/1422-05/04/01-da Garowe WARSIDAHA. 

S

aaka saacaddii 9:00 subaxnimo, ayaa Madaxweynaha D.G.P/land, Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, booqasho ku tegay xarunta cusub ee Golaha Wakiillada ee Magaalada Garowe… isagoo ay la socdaan Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Md, Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade), Wasiirka Maaliyadda Md, Siciid M.M. Cadduur, Wasiirka Kalluumaysiga,Dekadaha iyo Gaadiidka Badda  Md, Cali Ismaaciil Cabdi Giir iyo Sarkaalka Xiriirka Dadweynaha ee Madax-tooyada Md, Axmed Bu-sur…

Madaxweynaha waxaa halkaas ku soo dhoweeyey shir-guddoonka iyo xub-naha golaha wakiillada … Madaxweynuhu, wuxuu golaha uga xog-warramay safarkii uu ku tegay dalkaas Ethiopia isaga iyo wafdigii uu hoggaaminayey… wuxuuna tafaasiil buuxda  ka siiyey howlihii dhimsmaha ururka cusub ee G.D.D.S (Golaha Dib-u-heshiisiinta iyo Dib-u-soo noolaynta Soomaa-liyeed)…. Qaabka dhismihiisa Axdiga lagu dhisay iyo ujeeddooyinka loo dhisay… ururkaas oo lagu dhisay Magaalada Awaasa,(Koonfurta Ethiopia), waxaa saabkiisu ka kooban yahay 70 (todobaatan) xubnood oo kala ah, Madaxtooyo Wareeg ah… Gole xog-hayeyaal (Gole wasaaradeed) oo ka kooban 22 (labo iyo labaatan) Xog-haye iyo hal xog-haye koowaad (Prime Minister)…iyo 42(Afartan iyo labo) ah Gole Barlamaan.......

Madaxweynuhu wuxuu Golaha uga warramay qaabka loo qaybsaday 70-kaas jago… wuxuu kaloo Golaha uga warramay mas’uuliyiinta wefdigiisu shirar kala duwan kula yeeshay caasimadda Addis Ababa oo ay ka mid ahaayeen Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey Md, Kofi Anan, Xog-hayaha Guud ee ururka Midowga Africa Md, Saalim Axmed Saalim iyo mas’uuliyiin sar-sare oo dalka Ethiopia, Safa’iirro iyo Dibloomaasiyiin kale…

Madaxweynuhu wuxuu sheegay wafdigiisu mas’uuliyiintaas uu la kulmay inuu kala xaajoonayey guud ahaan danaha Soomaaliya iyo danaha Dawlad Goboleedka Puntland, wuxuuna sheegay xiriirka Ethiopia iyo D.G.Puntland inuu aad u wanaagsan yahay…

 

Madaxweynuhu wuxuu Golaha ku hambalyeeyey xarunta cusub wuxuuna ammaanay fagaaraha shirarka, isagoo yiri “ waxaad u sii diyaariseen Golaha oo mustaqbalka ballaaran- ddoona iyo shirarka Soomaaliya” … arrimo qurxinta hoolka la xiriira ayaa Madaxweynuhu tilmaamo gaar ah ka baxshay….

Madaxweynaha ka hor waxaa shirka aayado qur’aan ku furay Xildhib-aan Maxamed Cali Guuleed… Guddoomiyaha Golaha Mudane Yuusuf Xaaji Siciid ayaa Ma-daxweynaha siiyey warbi-xin guud oo la xiriirta diyaarinta xaruntan cusub iyo ajandaha kalfadhigaan aan caadiga ahayn, Gudd-oomiyuhu wuxuu ammaanay guddiga diy-aarinta dastuurka. 

Gebogebadii kulanka iyadoo warbixintii Mad-axweynaha ay erayo ku kaabeen Wasiirka Kall-uumaysiga,Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Md, Cali Ismaaciil Giir iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Md, Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade)… Madaxweynuhu Golaha Wakiillada wuxuu ku wareejiyey dokumenti la xiriira dhismaha ururka cusub ee G.D.D.S

WarsidahaPuntland              Tirsi    87-aad             Khamiis          12/04/2001                    Bogga 2-aad            

 

2.        MADAXWEYNAHA D.G.P/land AYAADHAGAX DHIGAY MASHRUUCA DIB-U-HAGAAJINTA WADADDA GAROWE IYO LAS-CANO.

Muxarram 1422-07/04/01-da Garowe WARSIDAHA.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa saaka saacaddu markay ahayd 9:00 dhagax dhigay bilowgii mashruuca dayactirka Waddada Garowe-Las-Canod… qaybtii ugu horreysay mashruucaas oo ah dayactirka meesha Yoocada u dhow ee waddadu kala go’day ayaa qandaraaskeedii waxaa ku guulaystay Shirkadda TOG-SOL ee uu Maareeyaha Guud ka yahay Xirsi Cabdi Badhi…

Qandaraaskaas oo qiimihiisu yahay SH, So 232.831.779/= muddadiisuna 50 (konton) maalmood… waxaana qandaraask-aas bixisay hay’adda NESHA ee Puntland. Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa Madaxweynaha kala qayb-galay Madaxweyne-ku-xigeenka, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiir-ku-xigeennada Howlaha Guud iyo Arrimaha Bulshada, Guddoomiyaha Hay’adda NESHA Inj. Maxamuud Maxamed Xuseen iyo madax kale oo badan…

Hawshaas waxaa Kormeere NESHA uga ah Abshir Maxamuud Muuse… Madaxweynuhu wuxuu hay’adda NESHA hambalyo iyo boggaadin uga jeediyey bilaabidda dayactirka waddada Garowe-Las-canod… waddadaas waxaa burbursan 25 (Labaatan iyo shan) meelood oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka labaduba NESHA ku guubaabiyeen inay dhakhso wax- --uga- qabato dayactirkooda.

 

         3.         MADAXWEYNAHA OO KORMEER KU TEGAY DEGMADA BOOCAME EE GOBOLKA SOOL.

Sabti 13 Muxarram 1422-07/04/01-da Garowe WARSIDAHA. 

M

adaxweynaha Dawlad Gobole-edka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, oo ay la jiraan Madaxweyne-ku-xigeenka Mudane Maxamed Cabdi Xaashi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Md, Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade), Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Inj, Kulmiye, Wasiir-ku-xigeenka Howlaha Guud Md, Maxamuud Xasan Nuur, Boqor C/laahi Axmed Cali (Boqorka Sool iyo Buuhoodle) iyo Agaasimaha Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Md, Axmed Rashiid Xaaji Jaamac (Axmed Busur) ayaa saaka saacaddii 11:30-kii subaxnimo booqasho kormeer ku tegay Magaalada Boocame ee Gobolka Sool… 

Madaxweynaha iyo wafdigiisu muddo saacad ah ayey joogeen magaalada Boocame waxaana la dejiyey fagaaraha Ugaas C/laahi Ciise (Ugaasku magaalada markaas wuu ka maqnaa)… waxayna halkaas ku waraysteen odayaal iyo qaybo kale oo ka mid ah dadweynaha magaalada… isla markaasna waxay la kulmeen oo waraysten xoolo-dhaqatada qaarkeed…, iyadoo wafdigu ku soo wareegay Ceelka Boocame iyo Sabada deegaankiisa ah… 

Madaxweynaha iyo wafdigiisu waxay Magaalada Garoowe ku soo laabteen isla maalintaas duhurnimaddii…

 

             4.         WAXBARASHADA PUNTLAND AYAA LOO MAGACAABAY AGAASIME GUUD OO CUSUB. 

M

adaxweynah Dawlad Goboleedka Puntland, Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa taariikhdii Muxarram 9/1422 oo ku beegnayd 03/04/2001… dikreeto LAM. 197 Agaaasime Guud ee Waxbarashada Dawlad Goboleedka Puntland ugu magacaabay           Md, Axmed Maxamed Awaare…  

 

WarsidahaPuntland              Tirsi    87-aad             Khamiis          12/04/2001                    Bogga 2-aad     

 

5. MADAXWEYNAHA OO MAAMUL U-MAGACAABAY MADAXTOOYADA BOSASO   

Madaxweynaha Dawalad Goboleedka Puntland Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa taariikhdii 07/04/2001-da, dikreeto Lam. 198 ku magacaabay:

 

1.      Aadan Gaas Yuusuf                  Maamulaha Xarunta Madaxtooyada Bosaso

2.      C/rixmaan Jaamac Nuur            ku-xigeenka Maamulaha Xarunta Madaxtooyada Bosaso

 

6.     MAAMUL CUSUB OO LOO MAGACAABAY DEGMADA BUUHOODLE 

M

adaxweyne-ku-xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland, Md, Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa taariikhdii 20/03/01-da dekreeto Lam. 197 (2)… wuxuu degmadda Buuhoodle ugu magacaabay maamulka cusub ee    hoos ku qoran:- 

1.         Maxamed Faarax Xirsi                   Duqa Degmadda Buuhoodle

2.         Cali Daahir Cilmi                            Ku-xigeenka Duqa Degmadda Buuhoodle

3.         Cabdi Jaamac Jiis                           Xog-hayaha D/Hoose ee Degmadda Buuhoodle

4.         Khadar Tuur Cabdille                     Xisaabiyaha D/Hoose ee Degmadda Buuhoodle

5.         Maxamed Maxamuud Cabdi           Khasnajiga D/Hoose ee Degmadda Buuhoodle 

Sida uu amray Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha markii uu kormeerka ku tegay degmadda Buuhoodle jogaayinkan dekreetada ku xusan ciddii haysay dhammaan waa la ruqseeyey.

 

7.     MUDDADA VISA-HA PUNTLAND OO LA XADDIDAY

Madaxweyne ku-xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Md, Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa taariikhdii 26/03/01-da oo ku beegnayd Awal Muxarram 1422… dikreeto Lam. XM/DPS/516/2001-da… wuxuu ku amray:-

1.         Wasaarada Iskaashiga Caalamiga iyo Qorshaynta

2.         Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga

3.         Taliyaha Booliska (Waaxda Socdaalada)… 

Inaan la bixin Dalku-soo-gal (Entry Permit) ka badan bil… marka laga reebo 6-bilood ugu badnaan oo la siiyo shaqaalaha Hay’addaha Caalamiga ah ee joogtada ugu shaqeeya xafiisyadda Hay’addahaas ee dalka Puntland…

WarsidahaPuntland              Tirsi    87-aad             Khamiis          12/04/2001                    Bogga 2-aad          

 

WASIIRKA KALLUUMAYSIGA OO U JAWAABAY C/SHAKUUR-KA YOOLKA NOLASHA 

Wasiirka Kalluumaysiga Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda, Md, Cali Ismaaciil Cabdi Giir, ayaa C/shakuur-ka Joornaalka Yoolka Nolasha ee ka soo baxa Magaaladda Bosaso u qoray warqaddan hoos ka muuqata isagoo u mariyay WARSIDAHA PUNTLAND:-

 

DAWLAD G. PUNTLAND

EE SOOMAALIYA       

 

 

 

PUNTLAND STATE

OF SOMALIA

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasaaradda Kalluumaysiga, Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda

Ministry of Fishery, Ports and Marine Transport

 

                                                                                                               Date Abriil 08/04/2001

 

Ku: C/Shakuur Mire Aadan  

Ujeeddo:  Jawaab Qormada uu qoray C/Shakuur Mire Aadan ee Yoolk Nolasha Cadadka 18-aad ee 04/04/001

 Cabdishakuurow, aad bay u wanaagsan tahay in aad isku dayday in aad wax qorto. Waa arrin wanaagsan in dalka Puntland laga helo joornaalo iyo qoraayaal sameeya qoraallo lagu saxayo mas’uuliyiinta iyo bulshada isla markaasna qora dhacdooyinka dhabta ah. 

Cabdishakuurow, waxaa aad u habboon in qoraaga qormadiisu ku salaysnaato dhacdo run ah iyo xog-ogaalnimo, ayna leedahay dhaqanka qoraallada, haddii kale waxay u muuqanayaan in la doonayo in qof la caayo ama la ceebeeyo, taasina ma noqonayso mid wax ka tarta saxitaanka khaladaadka mas’uuliyiinta iyo danaha bulshada. 

Haddaba, C/shakuurow qoraalkaaga waxaa ku qoran in aan ogolaaday wax hal mayl ka yar meel u jirta Dekedda Boosaso in maraakiibtu ka kalluumaysato, arrintaasi ma jirto. Habayaraatee wax laysinna iyo wax warqado ah oo aan ogolaaday ama saxiisay ma jirto. Haddii ay jirto, fadlan ku qora joornaalka oo bulshada u bandhigga.

 Arrintaa labaad ee aad leedahay Golaha Dawladda Puntland waa danaystayaal, waxaa habboon wuxuu in ay dhabta waafaqsan yihiin, shaqsiyaad gaarana lagu tilmaamayo waxa ay samaysay, isla markaasna sharafta Golaha Wasiiradda Puntland waa sharfta dadka Reer Puntland ee yaan lagu ciyaarin. 

Cabdiyow waxaa laga yaabaa in Golaha Wasiiradda Puntland yihiin wadaniyiin, dhib badannna ka maray horumarrinta Reer Puntland, taariikhduna waa tilmaami doontaa. 

Qodobka 3-aad oo aad tilmaantay in aan wax laga qaban  Dekedda Boosaaso, C/shakuurow hagaajinta iyo horumarrinta Dekedda Boosaaso waxaa ka mas’uul ah Dawladda iyo shacabka Puntland oo aad adigu ka mid tahay, waxaana si gooni ah uga xilsaaran aniga oo ah Wasiirka Dekeddaha. 

Waxaan ku xusuusinayaa in maamulka Puntland uu yahay maamul Goboleed oo aaan Dawlad loo ictiraafsanaan.Sidaa darteed, heshiis horumarin oo labo dawladood ah ama Hay’adaha horimarinta adduunka cid la galaysa ma jirto.

Waxaa hadda la heli karaa waa waxyaabaha emerjensiga ah wax ka qabashadooda oo waxyaabo badan ku jirin. 

Haddii aan intaas isla garanay waxaan u sheegayaa adiga iyo shacabka Puntland in sannadkii 2000 oo aan Dekedda mas’uulka ka ahaa laga qabtay waxyaabo badan oo muhiima, ayna ka mid yihiin:- 

1.      In la dhisay albaabada waaweeyn ee Dekadda, lagana dhigay hab casri ah.

2.      In la dhisay xarunta Booliska Dekedda.

3.      In Dekedda wareegeeda oo dhan la dhisay, laguna xiray silig casri ah oo aysan wixii khatar wada soo geli karin.

4.      In la hagaajiyey nalalka nabadgelyada Dekedda, dhammaantoodna dibedda laga keenay.

5.      waxaa la hagaajiyey dhammaan habka maamulka iyo shuruucda lacagaha, waana sababta keentay lacagta adeegga dekedddu qaado inay sanadkaasi gaartay US$  720.000 (todobo boqol iyo labaatan kun oo doollar), dhammaanna gashay khasnadda Dawladda.

6.      waxaa dhammaan shaqaalaha Dekedda la baray farsamada casriga ah ee Computeriska.

7.      waxaa Dekedda laga sameeyey tira-koobka waxa soo degga iyo waxa dhoofa, tirada gaadiidka iyo dhammaan dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha

       ( Imports, Exports, Transports Movement and all economic Statistics) .

8.      waxaa dhammaan la suurto galiyey in wasaaradda loo helo qalabka xafiisyada oo ay ku jiraan computerada iyo footo koobiga casriga ah.

9.      waxaa la dayac tiray dhammaan matoorada dabka dhaliya ee dekedda oo ay ku baxday US$ 10.000 ( toban kun oo doollar).

10. Cabdishakuur arrinta kale ee aad uga hadlayso badda iyo geedaha degmada Goldogob. Waa fakar qabiil ku dhisan mana ahan mid Puntland wax u taraya khayraadka badda iyo kan berrigaba ee degaanka Puntland wuxuu ka dhexeeyaa dadka Reer Puntland, haddii aad qabto badda waxaa leh Reer ama qayb Reer Puntland ah, sidaas ma ahan arrintu... Dadka Reer Puntland badda iyo dhulka midna ma kala leh, marka laga reebo kuwa Dawladdu siisay.

11. Waxaa lagu guulaystay in labo markab oo mid Dekedda yaalay dhowr sandood laga saaray dekedda, kuwaas oo xiri lahaa dekedda.

12. Waxaa la diyaariyey dhammaan mashaariicada dekeddu u baahan tahay adduunyadana loo bandhigay, iyadoo lala kaashaday Hay’adda UN-ka ee UNCTAD, waxaana lagu guulaystay:- 

A)    Mashruuca maraakiibta lagu hago ee kuwa dheer-dheer?? Magaalada, kuwa haamaha iyo calaamadaha badda dhexdeeda ah oo hadda gacanta lagu hayo       ( Navigation Air).

B)    Mashruuca dab daminta (fire fighting equipment) oo ka kooban doon wadata pump ku xiran iyo kuwa gacanta lagu qaataba, doonta waxay dekedda iyada iyo qalabkeedu ku soo dhammaanayaa bisha Abrill 2001.

C)    Mashruuca qaaliga ah ee xafaaradda lagu qodo dekedda iyo qalabkeeda oo dhammaan cusub oo lagu soo iibiyey US$ 120.000 (boqol iyo labaatan kun oo doollar)... Xafaaradda iyo qalabkeedu wuxuu ku soo dhammaanayaa gudaha dekedda bisha May.2001, waxay shaqo bilaabaysaa Bisha juun, waxaana shaqadu dhamaanaysaa Bisha luulyo 2001, iyadoo xafaaradda u ooli doonta dekedda.

D)   Waxaa wali la dabo socdaa mashaariic badan oo ay ka mid tahay maqaasino loo dhiso dekedda, lana rajaynayaa in lagu guulaysto. 

C/shakuur haddii hal sanno gudaheed Wasaaradda Kalluumaysiga, Dekedda iyo Gaadiidka Badda ay intaasi iyo in kale oo aan la sheeginba qabatay,waxaa kaloo caddaana in Wasaaaraddu waliba wax muuqda qabatay, taasoo micnaynaysay in wakhti kooban Puntland wax weyn ku qabatay. 

C/shakuur aad baan kugu dhiiri galinayaa in aad dhaliil saxitaan ku samayso Dawladda, waxaan kaloo kugu waajib wadani ah Dawladaada iyo Dalkaaga in aad difaaco. 

C/shakuur arrimahaas oo dhan waxay kaaga baahan yihiin run sheeg iyo xog-ogaalnimo dhab ah. 

C/shakuur anigu gaar ahaan waxaan raali ka ahay in aad wixii saxitaan Mas’uuliyadayda iga qori kartid.,xogna i waraysan karto. 

Mahadsanid 

Cali Ismaaciil Cabdi Giir

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga, Dekedaha iyo Gaadiidk Badda

 

 

 MID KA MID AH BURCADDII LACAGTA BARI-KU-DHACDAY OO LAGU QABTAY GALKACYO

Axad 14 muxarram 1422  08/04/2001

Waxaa maanta isagoo raba inuu Dalka Kenya u dhoofo, Magaalada Gaalkacyo lagu qabtay Maxamed Siciid Jaamac... Ninkaas oo ka mid ah Burcaddii Gobolka Bari ku dhacday lacagtii Wasaaradda Arrimaha Bulshada waxaa hadda lagu hayaa saldhigga Booliska Magaalada Galkacyo 

 

SIDA AY ANIGA ILA TAHAY

(Ciwaankaan hoostiisa wixii lagu qoraa waa ra’yi shakhsi ah oo gaar u ah qofka qoray, WARSIDUHU ha la qabo ama yaanu la qabine)...

QOF QOL GUDIHII KU XIRANI... YARAA XILKA UU GUDUN KARAA!!!

( Eng. Mursal Axmed Nuur) 

Aniga oo daba-jooga maqaalkaygii hore ee ku soo baxay WARSIDAHA cadadkiisii ahaa 84... kaas oo aan kaga waramay xulufada C/qaasim Salaad Xasan, oo ka shaqaynaya keliya dana gaar ah oo dhibaato weyn u keenaya midnnimada iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya... haddaba, xulafada C/qaasim, muuqaalka guud waxay u eg-yihiin kuwo matala oo ka kala socda beelo kala duwan iyo Gobollo kala duwan... laakiin run ahaantii dhammaantood waa adeegayaal u shaqeeya danaha shakhsiga ah ee C/qaasim iyo horumarinta iyo kobcinta danaha gaarka ah ee xigtada C/qaasim aad ugu dhow.... 

C/qaasim isagu ma soo warwareegee jagooyinka sar-sare oo dhan wuxuu u magacaabaa xigtadiisa... C/qaasim wuu xanaaqaa oo ka caroodaa ciddii soo hadal-qaadda hantida iyo dhulalka xigtadiisu xoogga iyo boobka ku haysato...xulufada C/qaasim waxaa ku jira rag badan oo jagooyin sare ku magacaaban aanse lahayn wax ah awood iyo fulin midna... cajaa’ibta Muqdisho taal waxaa ka mid ah, tusaale ahaan mas’uul u dhashay Reer Puntland oo jago sare ka haya xulufada C/qaasim oo ku jira guri cid Reer Puntland ah xoog looga haysto oo isagu ku khasban inuu ijaarka gurigaas siiyo kii xoogga ku haystay oo ah xigtada C/qaasim... miyaanu ahayn ninkaas mas’uulka sheeganayaa, nin si wanaagasan sanka looga tolay!!! Miyaanu ahayn nin aad u sandullaysan!!!miyaanay ahayn arrintu tii soomaalidu oran jirtay (waa la tolay markaasay oloshay)!!!???      

Nin Reer Puntland u dhashay oo jaga sare ugu magacaaban xulufada C/qaasim.. waxaa waardiye ka haya 60 (lixdan) nin oo ah xigtada C/qaasim... isagu kuwa xigtadiisa ah ee gidaarrada Muqdisho gaajadu ku hayso, mid keliya waar diyihiisa kuma darsan karo si ay shaqo ugu noqoto... horta Ninkaasi isagu xor ma yahay !!?? Oo ma madax bannaan yahay!!?? Khiyaar wax ma ku fulinkaraa??!! Runtii si maldahan oo dadban ayuu la-hayste u yahay!!! Haddaba maxaa xilgudasho ah oo laga fili-karaa!!!??? Waxba !!! waxba!!! Waxba!!! Oo runtii waxba!!! Sawir- xumana u dheer!!!