![]()
![]()
![]()
Warsidaha Puntland
Tirsi 88
Khamiis 19/04/2001
Garoowe - Puntland
Warsidaha Puntland Tirsi 88-aad Khamiis 19/04/2001 Bogga 2-aad
Wararka Madaxtooyada Dawlad Goboleedka Puntland
Madaxweynaha Dawlad Gobol-eedka Puntland
Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa taariikhdii 11/04/01-da soo saaray afar dikreeto oo
is-daba-jooga
dikreeto Lam. 200 wuxuu Duqa Degmada Bosaso ku magacaabay Yuusuf
Maxamed Wacays, wuxuuna xilkii kaga qaaday Duqii hore ee degmada C/risaaq Siciid Aadan
Dikreeto
Lam. 201, wuxuu duqa Degmada Isku-shuban ku magacaabay Yuusuf Xaaji Nuur (Shimbiro erri),
wuxuuna xilkii kaga qaaday duqii hore ee Degmada Axmed Cali Huruuse
Dikreeto Lam.
202, wuxuu Guddoomiyaha Gobolka Bari ku magacaabay Yaasiin Cumar Dheere, wuxuuna xilkii
kaga qaaday Guddoomiyihii hore ee Gobolka Cali Ciise Cali
Dikreeto Lam. 203, wuxuu Guddoomiyaha Gobolka
Sanaag u magacaabay, Maxamuud Siciid Nuur, wuxuuna xilkii kaga qaaday Guddoomiyihii hore
ee Gobolka Cusmaan Cashuur C/lle
dikreeto Lam. 204, wuxuu ku magacaabay Duuliye Sare
Maxamuud Xaaji Cilmi C/lle, inuu noqdo Maareeyaha Hayadda Duulista iyo Hawada Dawlad
Goboleedka Puntland
Dikreeto XM/DPS/535/2001, kuna socota
Xafiisyada Mad-axtooyada Dawlad Gobole-edka Puntland, Golaha Wasiirada iyo Taliyeyaasha
Ciidammada Booliska iyo Daraawiishta
og-na ugu socoto dhamaan Waaxyaha iyo Hayadaha
Dawladda Puntland
ujeeddadeedana tahay:-
NABAD-GELYADA DALKA PUNTLAND
Wuxuu Madaxweynuhu ku sheegay in Golaha
Wasiiradu taariikhdii 10/04/01-da, Guddoomiyey in:-
1.Wax walba loo huro jiritaanka iyo nabad-gelyada Dalka Puntland
2.Dib-u-habayn deg-deg ah lagu sameeyo Maamulka iyo Ciidammada
Puntland
howshaasna ay fuliyaan Mada-xtooyada, Wasiirada iyo Taliyeyaasha Ciidammada
Booliska iyo Daraawiishta
3.Bolisku hawl-gal deg-deg ah ka galo fal-dambi-yeedyadii
burcadnimo, ciddii ku lug lahaydna sharciga la hor-keeno
4.In la magacaabo Guddi baaritaan kusoo sameeya
xasillooni-daradii ka dhacday dalka bilihii u dambeeyey
Guddoomiyaha
Golaha Wakiillada oo Xukuumadda soo weydiistay cidda Guddiga Doorashada howsh-eeda
gacan-ku-siisa
Madaxweynuhu wuxuu dik-reeto Lam. XM/DPS/538/2001, ee 12/04/01-da
howshaas u ma-gacaabay:-
1.Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Md, Axmed Cabdi Maxamuud
(Xaabsade).
2.Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Buls-hada Injineer
Maxamed Cabdi Kulmiye.
MAGACAABID IYO ISKU-BEDDEL AGAASIMAYAAL GUUD
Madaxweynaha
Dawlad Goboleedka Puntland, Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa dikreeto Lam. 211, ee
taariikhda 15/04/01-da wuxuu ku sameeyey isbedel kooban Agaasim-ayaasha Guud ee
Was-aaradaha, wuxuuna maga-caabay:-
1. Xasan Axmed Jaamac, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Iskaashiga Ca-alamiga iyo
Qors-haynta
2. Maxamuud Caynab Ma-xamuud, Agaasimaha Guud ee Warfaafinta, Dhaq-anka iyo
Isgaa-rsiinta.
3. Maxamuud Ismaaciil C/raxmaan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ga-nacsiga iyo
War-shadaha.
Wuxuuna
dikreetadaas xilkii kaga qaaday, Axmed-Nuur Xaaji Ciise Maxamuud
Warsidaha Puntland Tirsi 88-aad Khamiis 19/04/2001 Bogga 3-aad
JAWIYADII KA DHASHAY BOOQASHADII
MADAXWEYNAHA PUNTLAND EE MAGAALADA BOOCAME.
Madaxweynaha Dawlad Gob-oleedka Puntland,
Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa maalintii Sabtida ee 13 Muxarram 1422-kii07/04-/2001-da,
booqasho kedis ah ku tegay Magaalada Boocame... WARSIDAHA ayaa Guddoomiyaha Degm-ada
Boocame Md, Maxam-uud Xirsi Faarax (Biixi) suaalo ka weydiiyey booqa-shadaas...
waxaa sua-alahaas ka mid ahaa:-
WARSIDAHA:- Halkee adigu wafdiga
Madaxw-eynaha ka raacday?.
Biixi:- Anigoo u soo jeeda Magaalada Garowe
ayaan wafdiga Madaxweynaha kula kulmay Tuulada Buuro-Wadal
markaas ayaan wafdiga
Madaxweynaha dib ula noqday oo u raacay Boocame!!!
WARSIDAHA:-
Sidee shuc-uurkaagu ahaa adigoo Mad-axtooyadii Puntland oo dhan u sii daadihinaya Magaalo
Madaxda deg-mad-aadii Oo ah Boocame,
dadk-eeduna aanay waxba ka oggeyn in Madaxtooyadii iyo wafdi culusi ku soo jeeddaan
miyaan wel-wel iyo xil yax-yax ku hayn?.
BIIXI:- Maya
wax wel-wel ah ma aanan qabin oo
WARSIDAHA:-
Madaxweynaha iyo wafd-igiisu muddo intee leeg ayey ku hak-adeen Tuulada
Buuro-Wadal?.
BIIXI:-
Muddo 30-daqiiqo ah
waxaa wafdigu fariistay Xarunta Kastamka halkaas oo wafdigu
warbixin kaga dhegaystay aniga iyo odayaal ay ka mid ahaayeen:-
Axmed Yuusuf Casayr (Xubin Guddiga Tuulada)
Maxa-med Shire Dheere (Xubin Guddiga)
iyo Maa-mulaha Kastamka Buuro-Wadal Siciid
Max-amed Geel-qaad
tu-uladu waxay sheegtay nabad
jiilaal dheeraaday
iyo
dug-si laaan
wafdigu wuxuu ugu jawaabay arri-mahaas dib ayaanu ula noqonaynaa
wafdiga waxaa Magaalada Boocame
ku soo dhoweeyey odayaal
Guddiga deg-mada
Culimaau-diinka
iyo
FAALLADA WARSIDAHA
1.
Madaxtooyada
Dawlad Goboleedka Puntland, wa-xay xusuus-qorka ku dhi-gatay sidii loo dayactiri lahaa
Xarunta weyn ee horumarint bulshada ee ku taal Magaalada Boocame.
2.
Wasiir-ku-xigeenka
Wasa-aradda Arrimaha Bulshada, Md, Injineer Maxamed Cabdi Kulmiye
ayaa Gola-ha wasiirada D.G.Puntland u diyaar-iyay qorshe ujeeddadiisu tahay
daya-ctirka Dugsiga Ho-ose/Dhexe ee Magaalada Boocame
3.
Booqashada
Madaxweyn-aha iyo wafdigiisa ee degmada Boocame waxay ruxruxday biyo badan oo markii hore
fadhiyey
GOLAHA WAKIILLADA OO WASIIRKA KALLUU-MAYSIGA
KU TILM-AAMAY
Isniin Muxarram 16/1422, 09/04/01 Garowe,
WARSIDAHA.
Maanta saacaddii
9:00 suba-xnimo, Wasiirka Kalluum-aysiga, Dekeddaha, iyo Ga-adiidka Badda, Md, Cali
Ismaaciil Cabdi Giir, ayaa isa soo hortaagay kalfadhiga aan caadiga ahayn ee Golaha
Wakiillada isagoo ku yimi yeermo Goluhu ku dalbaday inuu wasiirku Golaha hor yimaado, kalfadhigaan aan
caadiga ahayn...
Wasiirka oo Golaha soo fariistay saacaddii
9:00 subaxnimo, ayaa Goluhu hadalkii siiyey saacaddii 11:00 subaxnimo, ka
dib... wasiirku markuu
fagaaraha isa soo taagay oo Golaha salaamay, wuxuu xigsiiyey cabasho ah inuu waqti ka
badan labo saacadood Goluhu ku kor shaqaystay, isagoo intaas sugayey in hadalka la
siiyo... Guddo-omiyaha Golaha ayaa arrant-aas cudurdaar ka bixiyey, isagoo sheegay in qodob
xeer-nidaamiyaha Golaha ku jiraa sababay in arrintu sidaas u dhacdo...
Goluhu wasiirka Kallu-umaysiga wuxuu
weydiiyey suaalo ay ka mid yihiin kuwaan soo socda:-
Eeg Bogga 4-aad
Warsidaha Puntland Tirsi 88-aad Khamiis 19/04/2001 Bogga 4-aad
Ka yimi Bogga 3-aad Golaha Wakiilada
1.Shirkadda HART GROUP, shirkad
caalami ah miyaa?, mase
waa shirkad heer gobol ah?.
2.Sidee ayey bilowgii isu soo
galeen Puntland iyo Shirkadda
HART GROUP?, oo yaa is-baray oo u dhexeeyey labada dhinac?.
3.Xukuumadda Puntland,
maxay damaannad ah oo ay ku
aammintay shirkadda
HART GROUP?.
4.Maraakiibta Baddaha
Puntland ka kalluu-
maysanaya, tiradoodu waa
immisa?, oo yaa
kala leh?, oo yaa ruqsadaha ay ku kalluumaysanayaan siiyey?, oo sidee loo hubiyey qalabka
maraakiibtaas saarran?, iyo noocyada kalluunka ee ay qabsanayaan??? Iyo noocyada khasaare
ee ay baddaheena iyo bad-ku-noosheena gaarsiiyaan?.
5.Adigoo ah Wasiirkii Kalluumaysiga...
haddii aad ka biyo-diiday in aad shirkadda
HART GROUP heshiis la saxiixatid... oo isla markaas dhinac kale oo dawladda ahi heshiiskii
aad adigu ka biyo-diiday la saxiixday... Maxaad
isu casili weyday? Oo
Wasiirku suaalahaas iyo kuwo kale oo
badan ayuu uga jawaabay si buuxda oo ebyan... isla markaas hadalo xildhibaanada qaarkood
was-iirka ugu jeediyeen kulayl iyo dhiif ayaa
wasiirku ku qaabilay degenaansho badan iyo qabow aad ah... isagoo xildhibaanadaas ugu
jawaabay sida dhabtu tahay oo aan lahayn laalaabasho iyo runta oo laga gaban-gaabsado
midna... isla markaasna hadalkiisa uu ku dheehayo hufnaan, ixtiraam iyo qaderin golaha...
Goluhu wuxuu
muujiyey inuu aad raali uga noqday saraaxadda wasiirka... xild-hibaano WARSIDUHU afka la
gaaray ayaa wasiirku ku tilmaamay shakhsi aad u bisil... runtana xurmaynaya...
PUNTLAND WAXAA KU DHEX JIRA URUR
(ORGANIZATION) MAGACYO BADAN OO FIDNO WALBA ISAGU KU LUG LEH.
Duqa Magaalada Qardho C.C.Gayr.
Sabti 14/04/2001, 20 Muxarram 1422, Garowe
WARSIDAHA.
WARSIDAHA ayaa
maanta Xaru-nta Madaxtooyada ee Garowe waraysi kula yeeshay Duqa Mag-aalada Qardho Md,
Cabdi Cali Gayr... qaybahaan ayaana ka soo gudbinaynaa waraysigaas:-
WARSIDAHA:-Salaamu
Calay-kum Mudane.. fadlan bal noo taabo arrimaha guud ee degmada Qardho.
C.C.Gayr:-Wacalaykuma
salaam .. arrimaha degmada Qar-dho waxay ku sallaysan yihiin xaala-dda guud ee Puntland... dadwey-naha S/land-na wuxuu leeyahay
siya-asad uu wada difaaco... oo ah
Soomaaliya waa-nu ka goay-naa!!!
Somalida koon-furtuna waxbay wada difaa-cayaan oo ah inaanay soo celin hantida ay boobka
ku haystaan... dadweynaha reer Puntland-na
waxaa wada-jir uga wada sunta-nayn wixii uu wada difaacan lahaa iyo siyaasadii lagu
hogga-aminlahaa... Puntland hadda waxay jirtaa labo sanno iyo sideed bilood... waxayna
gaartay guulo waaweyn... waxaase hadda lagama maarmaan ah in dadw-eyn-aha reer Puntland si
cad loogu faah-faahiyo oo loogu bayaansho waxa loo baahan yahay inuu wada difaacdo,
madaxdiisuna ku hogga-amiso...mabaadida guud oo mada-xdiisu ku hog-gaamiso... waxaa
loo baahan yahay in Golaha Wakiilladu dalka
sharciga ku ilaaliyo... waxy-aalaha Qardho ka jira waxaa aasaas
u ah Urur (Organization) ka faaiidaysta bul-shada jahawareersan oo aan si cad oo
buuxda loogu qeexin loona taa-bsiin wixii ay difaacan lahayd... ururkaas oo tabihiisa ay
ka mid yihiin inuu la
baxo magacyo kala duwan oo uu
ku dhuunto sida Mu-dug, Nugaal, Bari, Qardho I.W.M..
wuxuuna magacyadaas kala du-wan ugu dhuumanayaa si indhaha shacabku aanay isaga ugu
dhicin... waxaana aan jeclaan lahaa dadweynaha reer Puntland in ay si fiican u gartaan
waxa aan ka hadlay... waxaa indhaha dawladda iyo indhaha dadweynaha reer Puntland si gaar
ah ay ugu dhacayaan Qardho,
EEG BOGGA 5-AAD
Warsidaha
Puntland
Tirsi 88-aad Khamiis 19/04/2001 Bogga
5-aad
[ka yimi
Bogga 4-aad Puntland waxaa ku dhex
..
Siyaasaddiisuna waa mid ku socota qorshe
is-diyaarin ah oo daba dheer...
WARSIDAHA:- Mudane, ururka aad warkiisa ku
dheeraatay ma magac-aaba-ysaa, mase waxaad rabtaa in
sidaas lagu malaawaalo?.
C.C.Gayr :- Warku waa dhan yahay... caddayn
danbana uma baahna..
WARSIDAHA:- Ururkaas aad sheegtay
dhibaatooyinka uu xambaarsan yahay maxaa lagaga gaashaaman
karaa?.
C.C.Gayr:- B) Dadweynaha ay
jaha-wareerinayaan oo xaqiiqada dhabta ah la tuso.
T)
In madaxda Puntland ururkaas ku dhaqaan sharciga Puntland si ay u gartaan inay dadweynaha Puntland sharc-iga ula siman
yihiin...
WARSIDAHA:- Ma waxaad leedahay dadweynaha
Reer Puntland ayaan fahamsanayn xaqiiqada urukaa aad ka hadashay???
C.C.Gayr:- Arrintu sidaas way ka duwan
tahay... Reer Puntl-and ayaan lahayn siyaasad cad oo ay wada daafacdaan oo u
wada muuqata...
WARSIDAHA:- Ma waxaad u jeeddaa Axdiga Dawlad
Goboleedka Puntland laguma qeexin siyaasad cad
oo madaxdu dadweynaha ku hoggaamiso??.
C.C.Gayr:- Waxaan ka hadlayaa mabaadida
guud!!!.
WARSIDAHA:- Ma waxaad leedahay Axdiga
Puntland Mabaadida guud oo dalka lagu hoggaamiyaa kuma qorna?.
C.C.Gayr:- Xataa haddii ay ku qoran tahay
dadweynaha looma fidin oo looguma gudbin heer ay aad ugu
fahmaan!!!. Haddaba anigu waxaan qabaa in dawladdu barnaamijkaas u samayso kharash
iyo
hawl-wadeeno...
WARSIDAHA:- Ma waxaad u jeeddaa madaxda
gobolada iyo degmooyinka ha la siiyo (Political
Fund) ay Barn-aamijkaas ku fuliyaan...
C.C.Gayr:- Dawladdu noocay rabto ha u
isticmaasho... madaxda gobolada iyo degm-ooyinku waxay mashquul ku yihiin barnaamijyada
hour-marinta...sidaa darteed, barna-amijkaas ha loo xilsaaro
cid u gacan banaan...
WARSIDAHA:- Shaqada aad sheegaysaa waa tii
axsaabtu qaban lahayd... ma waxaad leedahay inta axsaabtu abuu-rmayso ma sugi karto?...
C.C.Gayr:- Haa
ma sugi karto... haddii aan hawshaan la qaban dhismaha axsaabta ayaa laftiisu inaga
qaloocsamaya!!! Waxaan u jeedaa ururkan ayaa
hawlihii dhex galaya oo qaloocinaya... waxay
wataan qaabkii dikreetada ee la inagu maamuli jirey muddada faraha badan! Wax kasta oo
dawladdu keentana si xun ayey u fasi-rayaan!
WARSIDAHA:- Waxaa mar jirey dad diidan in
Sool iyo Sanaag ku biiraan Puntland... fikradaasi haraadi miyey lee-dahay?.
C.C.Gayr:- Dad siyaasiyiin ah ayaa arrintaas
watay... iyaguna waa in ay ka tanaasulaan!! Ciddii fikirkaa
qabtaa waa khaldan tahay...ciddii mooda sidaas in
gobol qabo waa ay khaldan tahay!!! Ciddii mooda in dhaqaalaha Puntland gobolo gaar
ah ka yimaado way khaldan tahay...Gobolada Pun-tland waa isir wadaag... waana quwad iyo
miisaan siya-asadeed... sidaas darteed waa in ay wada jiraan oo ay isku xirnaadaan!!!
Midnimada dee-gaamada Puntland waa
muqadas... cid kasta oo Reer Puntland ahina waa in ay fikradaas u hoggaansan
tahay... hadday wax kale horey u qabtayna waa in ay iska tuurtaa!!! Oo iska hurguftaa.
XAFLAD LAGU KAALEYNAYEY
RADIO GALKACAYO OO MARAYKANKA LAGU QABTAY
(Somalinet) waxaa habbeenimadii Axaddii ka
dhacay Hotelka weyn ee Radison ee magaalada St.Paul xaflad weyn oo ay ka soo qayb-galeen
Somali aad u faro badan oo ku nool Minneapolis iyo agagaarkeeda, xafladaas oo hadafka laga
lahaa uu ahaa in dhaqaalaha ka soo baxa lagu taageero Radio Galkacayo. Waxaa xafladaas
kasoo qayb-galay fanaaniin waaweyn sida:- Axmed Cali Cigaal, Luul Jaylaani iyo Cabdi
Jannan, sidoo kale, waxaa kasoo qayb-galay fanaaniin dhowaan suuqa fanka kusoo biirtay
sida, Siciid Dheere, Iskalaaj, Maxamed yare, Xarbi, Barkhad iyo Liibaan Yare.Dhalinta soo
qaban-qaabisay xafladaan waxay inoo sheegeen in
Radio Galkacayo oo 1993-dii la aasaasay ay suuro-gal tahay in hadda Internet-ka laga
dhegaysto.
Mineapolis
Team
Warsidaha
Puntland Tirsi 88-aad Khamiis 19/04/2001 Bogga
6-aad
RIWAAYADDII
UGU DANBEYSAY OO KOOXDA CARTA HADDA FARTA KA QAADDAY!!!
Kooxda Carta ayaa dawlado Carabta ka mid ah
waxay wax kaga qaadatay nabad-gelyada Muqdisho yaanu deg-deg u sugaynaa... kooxdu
dawlad-dahaas dhaar culus ayey ugu martay in ay run sheegayso... waliba saddexdiina way
ugu dartay si loo aammino... dawladdihii Carbeed waxay ku qaateen oo ku dhaqmeen muslinow
run sheeg... muslinowna ka rum-ayso... Yemen,
Masar, Liibiya iyo Sucuudigoo ugu danbeyn haddeer mar labaadkii lacag bixiyey... ha yeeshee kooxdii nabad-galyadii Muqdisho hanan
kari weyday... warkii kooxda Sama-falka ee lagu weeraray, qaarna lagu af-duubay ayaaba
adduunkoo dhami warkeedii isu tebiyey... oo ayaamo dhan isagu ahaa warka foolaadda ah...
Kooxdii arrini waxay ka gashay
daba-dhiidhiiyo!!! Halkay ka baxdaa!!! Maalintii Arbacada ee 18-kii Muxarram 1422-ka...
April 11/2001-da... ayaa golihii Wasiirada Carta shir saxaafadeed ku qabtay Hote-elkiisii
Ramadaan... wasiirka Warfaafinta Carta, Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa hawada
feedhay... oo qowlallada abur ka siidaayey oo dhaartay oo hanjabay oo mar kale hawadii bidix iyo midig ku feedhay...
wuxuu yiri tan aannu Itoobiya ku dhigno waa la arki doonaa!!! waxaa hadalkii
markiisa la booday Wasiir ku-xigeenka Gaash-aandhiga Carta Maxamed Maxamuud Xaddi...
Shaatigii ayuu la baxay... isagoo laga baqay inuu surweelkana bixiyo, ayuu yiri dib
danbe u xishoon mayno... hadda ka dib xishoodka waanu ka tegay-naa!!! Xishoodku waa naga
dhammaanayaa!!! Ethi-opia dib dambe uga xishoon-mayno!!! Xishoodka waannu deyna-ynaa!!!
Waxaa lagu maslaxay inuu shaatiga gashado...
shaatigii ayuu caro ku gashaday.. isagoo iska dhigaya inuu codka umm-adda diidi
kari-waayey!!!.
Maalintii Khamiista ee Mux-arram 19/1422...12/04/2001-da ayaa CabdulQaasim (jilaaga
ugu weyn ee Kooxda Carta)... soo rigeyey niman uu u labisay dereyskii Milaterigii hore ee
Soomaaliya... nimankaas oo xigto, qaraabo iyo
kireysanayaal ah (duruuf-maal) isugu jira ayuu ku sheegay Milaterigii hore ee Soomaaliya
oo dib loo soo uruuriyey!!! Mina-subax hore ayuu salaan ka qaatay!!! Baf...Baf... ka dib
iyagoo sarraxa taagaya oo sidii Komaandoostii hore qaar u codaynayaan ayaa hawshaas oo
dhan cajalado Vedio-ah laga duubay ... Weriye Xasan Bariise si dadaal, daacadnimo iyo
qaraabo-kiil weyn ah ayuu duubista hawshaas maqal iyo muuqaalba isaga xilsaaray!!!
Cajaladihii howlahaas oo dhan lagu duubay,
gacmo lagu aamminay ayaa ula kala orday Caasimadaha Carbeed... dhibaato waa haddii
cajal-adahaas xafiisyada loo kala diray qancin waayaan oo shakiga Carabta galay uu
is-dhimi waayo... waxaase la rumaysan yahay in Cabdul-Qaasim yahay jilaa weyn oo
tab-yaqaan ah!!! Abuu-Nawaas Bikh!!!
JOORNAALKA KAAHA BARI OO CALOOSHA
NABAR KU YEESHAY.
Joornaalka KAAHA BARI ayaa cadadkiisii 524 ee
13/04/01-da ... wuxuu ku faafiyey cunwaan ah (MAXAY
TAHAY UJEEDDADA CIIDAM-MADA GAARKA AH LOOGU URUURINAYO LIGLE).
Cunwaankaas
hoostiisa ayaa KAAHA BARI ku qoray hadalkan Maamulka Puntland wuxuu bilaabay in uu
ka soo daad-gureeyo Gobolka Sool Ciidan, oo uu dejiyo Ligle oo ah Xero Ciidan oo ku taal
Galbeedka Garowe una jirta 5km.Waxaa la sheegay in lagu soo kordhin
doono kuwo kale oo laga keenayo Gobolka Sanaag iyo Nugaal, lagamana bixin wax faah-faahin ah sababta
keentay soo uruurinta ciidammadaas, inkasta oo ay salka ku hayso goaan Madaxweynuhu kala
yimid shirkii uu kaga
qayb-galay Hawaash ee qabqablayaasha ee Ethiopia kula kulmay,
waxaa kale oo suaali ka taagan tahay meesha miisaaniyad dhaqaale looga heli doono ciidankaas cusub, iyadoo ciidankii hore daryeel laaan
yahay, oo u baahan yahay waxqabad.
EEG BOGGA 7-AAD
Warsidaha
Puntland Tirsi 88-aad Khamiis 19/04/2001 Bogga
7-aad
KA YIMI BOGGA 6-AAD JOORNAALKA KAHA BARI .
Maalintii Sabtida ee 21 Muxarram 1422 oo ku
beegnayd 14/04/01-da... ayaa WARSIDUHU xaqiiqda ciidankaas ka warraystay Taliye Xigeenka
Daraawiishta Puntland Gaashaanle Sare Cabdi Samad Cali Shire... Taliye Xigeenku wuxuu yiri
:-
{{Ciidankaas oo 400 (afar boqol) oo nin ahi,
wuxuu hore uga tirsanaan jirey Ciidammadii Gobolka Sool ee S/land... Bishii Julay 2000
ayuu ka soo gedooday inuu ka tirsanaado ciidammada S./land... ilaa waqtigaas waxaa raashin
bil walba siin jirey Ciidanka Daraawiishta ee Puntland... Iyadoo ciidankaas mushaharkiisii
dhowaan la habeeyey, ayaa Taliska Ciidammada Daraa-wiishtu, wuxuu goaansaday in la keeno meel Taliska u dhow... si loo baaro oo
loo sugo tiradiisa, magacyadiisa, galalkiisa, caafimaadkiisa
I.W.M... Taliska Ciidanka Daraawiishta ayaa keenay Ligle... waqtiga Talisku goaankaas
qaatay oo fulintiisa guda galay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi
Yuusuf Axmed, wuxuu ku maqnaa Ethiopia... wax uu goaankaas ka ogaana ma jirin...}}
FAALLADA WARSIDAHA.
Haddaba, iyadoo runtu ay tahay sida uu
sheegay Taliye-Xigeenka Ciidanka Daraawiishtu... Joornaalka KAAHA BARI... immisa arrimood
ayuu indhaha masaamiir kaga muday : -
1.
Joornaalku
wuxuu yiri, Madaxweynaha ayaa arrinta Ethiopia kala yimid... arrintaas oo aan lahayn wax
asaas ah.
2.
Wuxuu yiri,
waxaa lagu kordhinayaa Ciidammo laga kala keenayo Sanaag iyo Nugaal... oo ah arrin aan
lahayn asaas...
3.
Wuxuu yiri,
Madaxweynaha Puntland wuxuu tegay Hawaash... waxba kama jiraan... Hawaash waa Haadaamo...
waana Gobolka Shawa... Madaxweynuhu wuxuu tegay Magaalada Awaasa oo ah Caasimadda Gobolka
Sidamo (Koonfurta Ethiopia)... KAAHU Juqraafida Geeska Africa ma yaqaan miyaa?!...
4.
Subaxa
Khamiista ee KAAHA la qorayo ayaa Ciidanka loo raray Gobolka Sool... taasi waxay ina
xusuusinaysaa Joornaal YOOL oo caddadadiisii ugu dambeeyey mid ka mid ah inagu yiri
nimankii Muqdisho af-duubka loogu haystay mid ayaa caafimaadkiisu liitaa oo u baahan in
cisbitaal Muqdisho ah la geeyo... iyadoo nimankaas maalin hore lagu waraystay Nairobi oo
diyaarad lagu geeyey... Joornaalka KAAHA BARI dhowaan ayaa lagu sheegay nabar caloosha
ah... haddaba, waxaynu oran karnaa KAAHU wuxuu warkaan qoray waqti nabarkii calooshu ku
kacsanaa!!! KAAHA- BARI Allah ha caafiyo!!!.
HAWEENKA PUNTLAND U KORDHI MOOYEE KA
DHIN MA MUDNA.
Asalba Saldhiga noloshu waa nabadda... raggu
damac baadil ah iyo doqonnimo islaweyniyi ku dheehan tahay ayuu nabadda ku burburiyaa...
ka dibna nabadda burburtay dhibaatadeedu waxay ku dhacdaa haweenka oo iyagu gacanta ku
haya inta jilicsan (caruurta iyo waayeelka)... haweenku lugooyada dalka inta badan kama
qayb-qaataan... markii dagaaladii sokeeye ka dilaaceen Soomaaliya, culayska badankiisii
wuxuu ku dhacay haweenka Soomaaliyeed, meel ay joogaanba... haweenka Puntland tan iyo
maalintaas waxay la lagdamayeen xilal fara badan oo dusha ka fuulay... waxayna uga soo
baxeen si mintidnimo ah...haweenka reer Puntland, heeganka koowaad ayey u yihiin
Puntland... codka... ficilka... dooda... ilaalada... difaaca... cidkasta oo arrinta hoos u
eegtaa waxay qiraysaa in haweenka Puntland mudan yihiin abaal-marin iyo dheeraadba...
haddaba, Maalintii Isniintii ee 9/04/2001-da-Muxarram 15/1422... Golaha Wakiilladu wuxuu
cod ku bixiyey inaanay jireyn kuraasi golaha wakiillada oo haweenka abaal-marin loo
siiyaa... wuxuu u codeeyey doorasho kaliya ha ku soo galeen Golaha... wuxuu meeshaba ka
saaray xubinta B-ee qodobkii 40-aad ... Goluhu arrinta xaggee ayuu ka eegay?... siduu
arrinta u kala illaaway??!! Waxaa lagama maarmaan ah in Goluhu arrinta dib ugu noqdo...
Warsidaha
Puntland Tirsi 88-aad Khamiis 19/04/2001 Bogga
8-aad
DIAKONIA
VACANCY
LEGAL ASSISTANT
DIAKONIA Sweden
is an International Non-Governmental Organization, working in Africa, South-Central
America, Middle East and Asia. Diakonias work in Somalia has been in progress since
1994.
From October last
year Diakonia started to implement legal and Human Rights Program in Puntland.
The program
includes training, workshops, legal and capacity building for the Judiciary, parliament
and Law Enforcement. Diakonia also implements rehabilitation boreholes, Education program
and Low Cost Housing Project for IDPs (Internal Displaced People) etc. Diakonia is
currently looking for Law Enforcement Assistant.
Responsibilities and Duties
1.
Implementing all Diakonia activities assigned by
the Country Director, Legal Coordinator and Law Enforcement Coordinator
2.
Working as a Facilitator in trainings, workshops
and in other meetings when needed.
3.
Participating in all meetings on the request of
the Coordinators mentioned in paragraph 1.
4.
Collecting data and taking minutes.
5.
Assisting all essential arrangements for
trainings, seminars, workshops etc.
6.
Assisting the planning of topics/lectures in
seminars/workshops, including the translations of lectures and documents from Somali to
English and vice versa.
7.
Implementing all his/her duties under the
guidelines and directives of the legal and law enforcement coordinators of Diakonia.
8.
He/she will take part in some of the trips that is
work related.
9.
Informing the legal and law enforcement
coordinator both in oral and in written form on all his/her duties.
10.
The assistant will submit an integral report on
his/her work at the end of every month to the coordinators mentioned in paragraph 1.
11.
The assistant must submit a final report for every
particular job assigned to him/her.
12.
All correspondences and all documents must be
provided and submitted in English Language.
Qualifications: -
1.
Social Science or Political Science degree from
recognized University. Extra degree/certificate will be an advantage.
2.
Extensive Knowledge in Civic Education.
3.
Good understanding of International Organizations.
4.
Good interpersonal skills.
5.
Excellence command of written and spoken English.
6.
Knowledge of Arabic and Excellence command of
written and spoken Somali.
7.
Good knowledge of typing and Good Computer skills.
8.
Good Facilitation skills
9.
Experienced in Social work is an asset.
Date of commencing:- June 1st 2001 or soon after.
Ø
Application
should be received before 10th of May 2001.
Ø
Short listed
candidates will undergo an interview.
Ø
Interviews for
the successful applicants that will not have heard anything from Diakonia by the 17th of May 2001, please consider your
application unsuccessful.
Ø
Successful
candidates must be prepared to work any where in the State of Puntland and relatively
whole Somalia of the situation permits.
Ø
Applications
accompanied by: CVs, copies of degree and testimonials.
Ø
size="2">Applications
should be delivered in a sealed envelopes to the addresses below:
Diakonia Sweden
Puntland State of Somalia
Garowe Office
PS. Please include
your telephone contact number in your application.