Warsidaha Puntland
Tirsi 91
Khamiis 10/5/01
Warsidaha
Puntland Tirsi 91-aad Khamiis
10/05/2001
Bogga 2-aad
1. MADAXWEYNAHA D.G.P/LAND OO U BOGAADIYEY HORMADII LABAAD EE GASHAY KULLIYADDA MAAMULKA.
Isniin, 30/04/01-da
07, Safar, 1422
Garowe
WARSIDAHA
Madaxweynaha Dawlad-gobole-edka Puntland, Mudane,
C/laahi Yuusuf Axmed
ayaa saaka saacadii 9:00 subaxnimo, Dugsiga Sare ee Garowe ku
bogaadiyey hormadii (dafcaddii) 2-aad ee ahayd ardadii galaysay kulliyadda Maamulka iyo
Maaraynta
Dafcaddani waxay ka kooban tahay 90 (sagaashan) arday
45 gabdhood
iyo 45 wiil
waxay ka kala yimaadeen dhamaan deegaannada Puntland (shanta gobol iyo Buuhoodle weyne)
waxaa
qaarkood ka kala yimaadeen gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe
arday waliba wuxuu bishii
bixinayaa So/Sh. 200,000 (labo boqol oo kun oo ah shilinka Soomaaliga)
Lacagtaas oo u
dhiganta $10 (toban dolar), marka loo eego sarifka maanta
.
Mashruucaan kulliyaddan waxaa abaabulkiisa bilaabay
ilaa haddana wada Ururka Wadaniga ah (National NGO) ee KAALO
waxaana maalgelinaysa
hayadda Diakonia ee Sweden
Madaxweynaha ka hor, waxaa munaasabaddaas ka hadlay
Madaxa NGO-ga KAALO, Md, Maxamuud Sh. Xaamud
wuxuu sheegay in Diakonia dhisayso kulliyadda
wuxuuna ka codsaday Madaxweynaha in
Dawlad Goboleedka Puntland ay dhismaha kulliyadda kaga qaybgasho lacag dhan $10,000/=
(Toban kun oo ah Dollarka Maraykanka)
Waxaa iyana halkaas warbixin ka jeedisay Drs.
Dahabo Farax Xasan
oo ka tirsan Hayadda Diakonia
Drs. Dahabo waxay
sheegtay in wax-qabashada Diakonia ay u badan tahay dhinaca waxbarashada, sida mashruucan
kulliyadda
iyadoo ay dayactirayso 25 (labaatan iyo shan) Dugsi oo ku yaal
Magaalooyinka waa-weyn ee Puntland iyo 14 (
toban iyo afar) oo ku yaal Tuullooyinka
dugsiyadaasi waxay u kala baxayaan qaar la
dayactirayo, qaar dib-loo-dhisayo
qaar ah dhismo cusub
waxay kale oo ay
sheegtay in Hayadda Diakonia ay hadda gacanta ku hayso dib-u-dhiska dugsiga
Hoose/Dhexe ee Ummadda ee Gaalkacayo (Dugsida Agoonta)
iyo Dugsiga Hoose/Dhexe ee
Bardecad ee Gaalkacayo
Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Puntland, Md, Axmed
Maxamed Awaare, ayaa sheegay in xiriirka waxbarshada Dawlad Goboleedka Puntland iyo Hayadda
Diakonia uu aad u wanaagsan yahay
wuxuuna Diakonia codsi ugu soo jeediyey in
qorsheheeda waxbarasho ee sanadka soo socda ay ku darsato Gobolka Sool
ka dibna
wuxuu hadalka ku soo dhoweeyey Madaxweynaha
Madaxweynuhu wuxuu u bogaadiyey Ardada kalkan galaysa
Kulliyadda
wuxuu u sheegay in ay heleen fursad wanaagsan
in ay iyagu noqon
doonnaan hoggaamiyayaasha Maamulka Dawlad Goboleedka Puntland Insha-Allaa
wuxuu u
sheegay gabar ka mid ahayd dufcaddii 1-aad ee iyaga ka horeysay in ay iyadu hadda maamusho
hawlaha Xafiiska Madaxweynaha Puntland oo dhan
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Dawlad
Goboleedka Puntland bixinayso lacag dhan $10,000 ee laga codsaday in ay kaga qaybgasho
dhismaha Kulliyadda Maamulka iyo Maaraynta
Waxaa kale oo Madaxweynaha munaasabadaas kala soo
qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka Md, Maxamed Cabdi Xaashi
Madaxa Hayadda
Diakonia ee Puntland Md, Maxamed Cabdi Cali (Maxamed Dheere)
Ardada dufcaddan gashay
iyo waalidiintooda
2. MADAXWEYNAHA OO
ISBEDDEL KOOBAN KU SAMEEYAY WASIIR-KU-XIGEENNADA.
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Mudane, C/laahi Yuusuf
Axmed, ayaa taariikhdii 07/05/01-da soo saaray xeer Madaxweyne Lam. 224
Xeerkaas oo
isbeddel kooban ku sameeyey Wasiir-ku-xigeenada
isbeddelkaas oo ah sidatan:
Ø .Jacfar Cilmi Faarax
Wasiir-ku-xigeenka
Wasaarada Kalluumaysiga,
Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
Ø Cumar Saalax Canjeex Wasiir-ku-xigeenka Wasaarada Cadaaladda iyo Arrimaha
Diinta
Ø Maxamed Siciid Shabeel Wasiir-ku- xigeenka Wasaaradda
Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga
Warsidaha
Puntland Tirsi 91-aad Khamiis
10/05/2001
Bogga 3-aad
KOOXDA
CARTA SIDII CAADADA U AHAYD XUMAATO CUSUB AYEY DHASHAY!!
(War-saxaafadeed ka
soo baxay Xukuumadda Dawlad Goboleedka Puntland
)
Talaado, 08/05/01-da
15 Safar 1422
Garowe
WARSIDAHA
Wasiirka Iskaashiga
Caalamiga iyo Qorshaynta ee Dawlad Goboleedka Puntland Md, Maxamed Xasan Nuur, ayaa maanta
soo saaray war-saxaafadeed uu ku cambaaraynayo war cusub oo ka soo yeeray Kooxda Carta,
waana kan war-saxaafadeedkii :
Garoe, May 8, 2001.
ARTA (DJIBOUTI
ACTIONS DECISION TO UNILATERALLY FORM A NATIONAL RECONCILIATION COMMITTEE AND ISSUE
SOMALI PASSPORTS UNACCEPTABLE.
In another attempt to
confuse the international community and with the futile intention to undermine the
recently established Somali National Reconciliation & Council, the Arta (Djibouti)
Factions has unilaterally formed and announced a new committee for the National
Reconciliation Process.
By doing this, the Arta
Faction in Mogadishu has implicitly accepted its failure to meet the preconditions put
before it by the international community for support. These preconditions of the
international community were that the Arta Faction should refrain from violence and engage
in peaceful constructive dialogue within the Somali communities. Arta Faction failed to
carry out these tasks:
1) To continue its destabilization strategy of the stable Recovery Zones of Somalia
by the inclusion of some members of Puntland State and Somaliland origin in that
ill-formed committee
2) To try desperately to confuse the international community by projecting itself
(Arta Faction) deceptively as an entity engaged in national debate and dialogue.
3) To determine the reconciliation efforts of the Somali National Reconciliation and
Restoration Council (SRRC), a body bringing the leadership of all parts of Somalia except
Somaliland.
The just announced
committee has been hired and could be fired by the Arta Faction alone without any
consultation with the Regional Administrations, the SRRC and other factions leaders of
Somalia. This is totally unacceptable.
Another issue of serious
concern is the illegal action of the Arta Faction to forge the Somali National Passport.
This is a crime against the people of Somalia and should be prosecuted by international
law.
This State Government is
fully aware of the involvement of the Djibouti Government in sponsoring the forgery
printing of Somali Passport as we appeal o the Government of France to refrain from
allowing these impostors to use its printing machines for publication of forgery
documents.
The communities of
Puntland State of Somalia will continuer to use the existing Somali Passports as the only
temporary travel documents until a National Central Government is finally formed on the
basis of a negotiated Federal System.
Mohamed Hassan Nor.
Minister For
International Cooperation & planning.
Warsidaha
Puntland Tirsi 91-aad Khamiis
10/05/2001
Bogga 4-aad
WASIIRKA GANACSIGA EE DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO KA DIGAY KHATARAHA FALALKA MAAMULKA CIGAAL.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dawlad Goboleedka
Puntland, Md, Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) ayaa taariikhda 03/05/01-da, soo saaray
war-saxaafadeed uu kaga digayo khataraha ka dhalan karta falalka Maamulka M.I.Cigaal
maleegayo ee ku wajahan deegaaammada Puntland ee Sool, Sanaag iyo Buuhoodle
wuxuuna
u qornaa sidatan:-
Hadalkii ka soo baxay Maamulka Cigaal ee uu ku sheeganayey Sool, Sanaag iyo Buuhoodle inay ka mid yihiin maamulkiisa, uuna rabo in uu keeno sanaaduuq codbixin gobolladaas.
Waxaan u sheegaynaa inay arrintaasi tahay mid abuuri
karta is-afgaranwaa dhex mara beelaha dariska ah ee la rabay in laysu soo jiido oo la
mideeyo.
Dhulka uu sheeganayo Cigaal iyo maamulkiisuba ma soo
gaarin hayaddaha uu sheegayana kamaba jiraan.
Jawaabta runta ahna waxaa bixiyey dadka dhulkaas u
dhashay meel kasta ha joogeene oo diidan sanduuqa Hargeysa yaala ee la rabo in lagu
buuxsado laguna hafro inuu ka yimid dhulkaas, oo aan laga rabin Maamulka Cigaal kana
jirin.
Hafarkaas sanduuq bixintu kuma ekaan doono Sool,
Sanaag iyo Buuhoodle, ee wuxuu ka dhici doonaa Togdheer, Hargeysa inteeda badan iyo Awdal.
ALLOW YAA WARAN CADDE UURKIISA
DHAB U BAARA.
YAA
XAQ U LEH KA TALINTA DADWEYNAHA KU NOOL GOBOLKA SOOL, SANAAG IYO DEGMADA BUUHOODLE?.
(Avv.
Jaamac Xirsi Faarax).
KU FARRIIN KU SOCOTA MAAMULKA HARGEYSA EE
CIGAAL
Waxaan aad iyo aad ula yaabay war-saxaafadeedkii la
soo saaray markay taariikhdu ahayd 27/04/01-da, ee Laanta BBC-du Qaybta Af-Soomaaligu sii
daysay ayna siiyeen Maamulka Cigaal ee Hargeysa, kaasoo ay ku sheeganayeen labada Gobol ee
Sool iyo Sanaag iyo Degmada Buuhoodle in ay ka mid yihiin Maamulka Cigaal, isla markaana
ay iyagu ka taliyaan, ayna gaynayaan waxay ugu yeereen Sanaadiiqda Cod-bixinta si Maamulka
Cigaal afti uga helaan goosasho ah beelaha goboladaa dega.
Taasoo cid kasta oo dhegaheedu maqleen ku noqotay,
waxay ka yaabaan uguna dhiidhiyaan si wadaninimo ahaan, dareen ahaan, damiir ahaan iyo
isir ahaanba ah, ilaa haddana ayna garanayn sida u eg kalsoonida awoodda, hanjabaada
meesha uu ka haabanayo Maamulka Cigaal ma aha markii ugu horeysay oo falal noocaas ah ka
galo Maamulka Cigaal dadweynaha u dhashay labadaas Gobol iyo Degmada Buuhoodle oo
sheegasho iyo hanjabaadba leh.
Iyadoo wax kastoo loogu cadeeyo laguna qanciyo in
aanu sheegan karin goboladaas iyo dadka u dhashay kana talinayaana qusayn waxa ay
sheeganayaan beelaha W/Galbeed oo ah ka goosashada Soomaaliya inteeda kale kana daayo
fara-gelinta deegmadaas beelaha Hartigu degaan, uu dhegaha ka fariisto kana sii qaado
dar-dar cusub iyo howl-galo aan u hirgelin oo tabo badan leh.
Haddaba, waxaan halkaan ugu cadaynayaa sida marar
badanba loogu codeeyey uguna soo gudbinayaa qoraalkaan fariinta ah oo xambaarsan sida wax
u jireen una jiraan oo aan dhalanteed ahayn :
1) Wixii ka horeeyey xilligii Xornimo qaadashada ee ummadda Soomaaliya waxaa
Soomaaliya gumaysan jirey gumaystayaashii Reer Yurub, waxayna Soomaaliya u kala qaybiyeen
shan gobol iyo xuduudo beeleed kala dhex degay dal iyo dad ahaanba ula kala baxay magacyo
ka tarjumaya astaamaha gumeystayaashaas, waxaana gaar ahaan gobolada W/Galbeed ka talin
jirey gumaystihii Ingiriiska isagoo ula baxay goboladaas
Warsidaha
Puntland Tirsi 91-aad Khamiis 10/05/2001
Bogga5-aad
YAA XAQ U LEH
.. KA YIMI BOGGA 4-AAD
2)
British Somaliland, waxaana la
3)
wada garanayaa sida taariikhda soo jireenka ah ay
qorayso qabiil kasta oo ka mid ahaa beelihii ku dhaqnaa deegammadaas Ingiriiskuna wada
gumaysan jirey meeshay ku kala jireen, hab dhaqan iyo siyaasad ahaanba, hadday noqoto
wadaninimo, qowmiyadnimo, awood, wax-ku-qaybsi iyo xornimo doonisba.
4)
Markii la qaatay xornimo 19960-kii, waxaa is raacay
labadii gobol ee Koonfurta Soomaaliya iyo W/Galbeed ee Soomaaliya oo mid qura noqday,
yeeshayna hal astaan oo dawlad Soomaaliyeed ah, waxaana si shuruuci ku dheehan tahay oo
wadaninimo ah looga wada qayb qaatay hirgelintii iyo meel marintii dawladdii ugu horeysay
ee Soomaaliya ee rayidka ahayd. Waxaana halkaa ka baxay kuna tegay xukunkii Gumaystaha iyo
heeryadiisii xumayd, waxaana sidoo kale baabay xuduudo beeleedyadii
gumaystayaashaasi kala dhex dhigay dadkii walaalaha ahaa oo kala qob-qobnaa.
5)
Dawladii Soomaaliya ee ugu dambaysay markii ay
burburtay ayna Soomaaliya ka bilowdeen dagaalo sokeeye oo ay hormuud u ahaayeen beelaha ku
abtirsada Irrirka oo is-bahaystay iyadoo dagaaladaasi noqdeen kuwo ku salaysan qabiil iyo
isir gumaad lagula kacay beelaha ku abtirsada Daaroodka laguna sameeyey xasuuq, barakicin,
boob iyo bililiqaysi. Hantidii ummaddaas iyadoo ay naf iyo maalba ku waayeen dad aad u
tira badan oo ka soo jeeda qabaailka aan kor ku soo xusnay, waxayna taasi keentay in
qabiil waliba dib ugu laabto kuna ekaado halkii uu isir ahaan u dhashay, deegaan ahaan ka
yimid si uu ugu nabad galo.
6)
Dadka u dhashay labadaas gobol ee Sanaag iyo Sool iyo
Degmada Buuhoodle, oo ka soo jeeda beelaha Hartiga deegaan ahaana goboladaas dega waxay ku
gacan sayreen wixii ay ku dhawaaqeen beelaha ka soo jeeda qabaailka Isaaqa, iyagoo
sheegay in ay goosteen kana xoroobeen Soomaaliya inteedii kale, dibna u soo
cusboonaysiiyey magacii hore ee gumaystaha uu ula baxay goboladaas iyo siyaasadiisii oo
shaar kale huwan, ayadoo goboladaas Sool, Sanaag iyo Buuhoodle dadweynaha ku dhaqani
target-koodu yahay Soomaali weyn una arka in ay Soomaaliya kala goi karin lana
qaybin karin midnimadooduna muqadas tahay, sida ku cad sharciga dastuurka 1960-kii Lam. 1
(La Republican).
7) Soomaaliya ka sokowna waxay shacabka u dhashay goboladaas la samaysteen Maamul Goboleed sanadkii 1998-dii, saddexda gobol ee kala ah Nugaal, Bari iyo Mudug oo ay ku dhaqan yihiin dad ay isku isir yihiin Maamul Goboleedkaas oo ay ula baxeen PUNTLAND, aanna ka goin Soomaaliya inteeda kale, kana tarjumaya dareenka dadka Goboladaas u dhashay, waxayna Isimo Dhaqameedyada, Nabadoonada, Samadoonada, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Culimaau-diinka oo ka wakiil ah shacabka u dhashay labadaas Gobol ee Gobol ee Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhoodle si kalsooni leh, Guddoon leh, goaan leh, wax-kuqaybsi leh kaga qayb galeen waxna kaga dhiseen Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayna kula bahoobeen walaalahooda uu ka dhexeeyo dalka iyo dadkuba ee ku nool saddexdaas Gobol ee aan kor ku soo sheegnay.
Sidaa
darteed, waxaan u aragnaa hadalada ka soo yeeraya Maamulka Cigaal mid been abuur ah oo aan
sal iyo raad toona lahayn kana fog xaqiiqada ka jirta Goboladaas iyo
jiritaankooda dhabta ah ee ummadda ku dhaqan
Goboladaas, oo ah ummad horey u jirtay haddana jirta xorna u ah aaya-katalinta
masiirkooda, aaayahooda iyo rabitaankooda dhabta ah.
Waxaan u
sheegaynaa in aanu keeni karin riyana tahay deegaammadaas Sanaadiiqda uu ugu yeeray Cigaal
sanaadiiqdii Cod-bixinta kagana doonayo dadweynaha u dhashay deegaamadaas cod ka
goosashada Soomaaliya.
Isla markaasna shacabka u dhashay deegaammadaasi oggolaan doonin iskana difaaci doonaan cid kastoo dilaal ah iskuna dayda in ay ku sanduleeyaan waxaan u cuntamayn naafayn iyo jiritaan laaan kusamaynaya aayaha dambe ee ummaddaas.
Waxaan uga
digaynaa Maamulka Cigaal inaanu waxna ka weydiin karin kalana tashan karin cid maamulkiisa
marti iyo magan uga ah rabitaanka iyo masiirka ummaddaas ku dhaqan Goboladaas Sool iyo
Sanaag.[
Waxaan la socodsiinaynaa Maamulka Cigaal in labadasi Gobol iyo Deegaanka Buuhoodle ka tirsan yihiin Maamulka Puntland, wakiilna uga yahay dadweynaha labadaas Gobol cid kasta oo ku xad-gudubta xornimadooda iyo qarannimadooda.
Wixii nabadgalyo xumo ah oo ka dhex abuuranta beelahas ood-wadaag ah keenina karta isku dhac iyo burbur hor leh oo dhiig ku daato, waxaa mauuliyadeeda qaadi doona Ina Ibraahim Cigaal haddii aannu ka waantoobin sheegashada dal iyo dad aanay waxba ka dhexayn, kana madax banaan waxa uu sheeganayo
Wabilaahi Towfiiq
Warsidaha
Puntland Tirsi 91-aad Khamiis
10/05/2001
Bogga 6-aad
DEEQ
BIXIYAYAASHA AYAA BILLAD SIIYEY CAAFIMAADKA PUNTLAND.
Talaado, 08 Safar1422 1-da May 2001-da
Waxaa Maanta
Garoonka Diyaaradaha ee Kanoko ka dhoofay 3 (saddex) takhtar oo kala ah :-
1.Dr, Cabdiraxmaan Siciid Maxamuud (Dhegaweyne), Agaasimaha Guud ee Caafimaadka
Puntland.
2.Prof, Maxamed Jaamac Salaad, Mudanka Takhaatiirka Puntland.
3.Dr, Axmed Abshir Faarax, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Asaasiga ah iyo
Tababaradda ee Puntland.
Wafdigaas Caafimaadka Puntland, waxaa Magaalada
Nairobi ku casumay Hayadda Isku-dubbaridka Deeqaha Soomaaliya la siiyo SACB,
qaybteeda Caafimaadka
hayaddaas iyo Deeq Bixiyayaasha oo is-huwan, ayaa
Caafimaadka Puntland u doortay in uu tusaalle la raaco oo lagu daydo u noqdo hayadaha
Caafimaadka ee dalalka belooyinku ku habsadeen
(Disaster Countries in Africa)
Caafimaadka Puntland wuxuu tgusaallenimadaas ku
mutaystay arrimo ay ka mid yihiin :-
1.
Siyaasadda Guud ee Dawlad Goboleedka Puntland u
dejisay caafimaadkeeda
2.
Sharciga Lam. 6 (Lix) ee Dawlad Goboleedka Puntland u
sharciyeysay Caafimaadkeeda
3.
Istaraatiijiyada Caafimaadka ee Dawlad Goboleedka
Puntland iyo Tallaabooyinka fulinteeda laga qaaday
Hayadda Isku-Dubbaridka Deeqaha Soomaliya la
siiyo (SACB) iyo Deeq bixiyayaashu ka dib shirar badan oo ay dhexdooda ka yeesheen
iyo kuwo badan oo ay la yeesheen hayadaha Caafimaadka ee deegaammada kala duwan ee
Soomaaliya ayey Caafimaadka Dawlad Goboleedka Puntland u doorteen in tusaale ahaan (Model)
loo qaato
shirka hayadda (SACB) iyo Deeq bixiyayaashu hadda ku leeyihiin
Magaalada Nairbi ee socon doona 03/05-10/05/2001
Soomaaliya waxaa laga casumay
Wafdiga Caafimaadka Puntland keliya
wafdigaas oo la qorsheeyey in uu shirkaas ka
jeediyo xog-warran ku saabsan Caafimaadka Puntland
Khibraddaas oo la rabo in loo
gudbiyo deegammada kale ee Soomaaliya iyo Dawladdo kale oo Soomaaliya la wadaaga magaca
dalalka belaayooyinku ku habsadeen
Shirku Nairobi wuxuu u habaysan yahay waab shirar
kale googoan oo isdaba jooga
Jadwalka Wafdiga Caafimaadka Puntland waxaa weeye
inuu dhammaan shirarkaas isdaba jooga mid walba ka jeediyo warbixintiisa
Prof,
Maxamed Jaamac Salaad, hadda waa Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Dhismaha Ururka
Takhaatiirka Puntland oo la rabo in dhowaan la hirgeliyo
waxaa isaga gaar looga
rabaa inuu waayo-aragnimada arrintaas la xiriirta shirarkaas Nairobi ku soo bandhigo
waxaa iyana taariikhdii 02/05/01-da
Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacayo ka duulay oo
Dalka Talyaaniga takhasusyo sare u aaday:-
1.
Dr, Maxamed Cabdi (Ashahaado).
2.
Dr, Axmed Xaaji Maxamuud
Deeqahaas waxbarasho iyo kuwo kale oo xiriirsani
wuxuu ka dhashay booqashadii Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Mudane C/laahi
Yuusuf Axmed, uu dhowaan ku tegay Dalka Talyaaniga
Ee kulan danbe oo khayr
qaba Insha-Allaa!!!
Warsidaha
Puntland Tirsi 91-aad Khamiis
10/05/2001
Bogga7-aad
Isniin, 30/04/01-da 7 Safar 1422 Lascanood WARSIDAHA.
Mudaharaadkii ugu lixaad weynaa taariikhda
Laascaanood ayaa saaka lagu sameeyey Magaalo Madaxda Gobolka Sool, ee Laascaano
mudaharaadkaas oo looga horjeeday afti-ku-sheega Maamulka Cigaal la hadalhayo Goboladaas.
Mudaharaadkaas oo aad u laxaad weynaa socdayna 7-dii
subaxnimo ilaa 10-kii Subaxnimo waxaa hogaaminayey odayaal uu ugu caro kululaa Md, Axmed
Cabdi Laangare, waxaana dadweynahaas la hadlay Suldaan Cali Xaaji Ismaaciil.
Hal-kudhegyada mudaharaadkaas waxaa ka mid ahaa:
Kidhaysane doonimayno!
Dollar qaate dooni mayno!
Dhuuni raac dooni mayno
Mudaharaad ballaaran ayaa maanta lagu sameeyey
Magaalada Badhan, Magaalo Madaxda Gobolka Sanaag
mudah-araadkaas waxaa lagu
muujinayey diiddada dadweynuhu ku diiddan yahay afti-ku-sheegga uu Maamulka Cigaal sheegay
inuu geynayo deegammada Galbeedka iyo Waqooyiga Puntland
halku-dhegyada
mudaharaadkaas waxaa ka mid ahaa:
Dooni mayno Dollaar qaate
Dooni mayno dalka iibshe
Doonimayno goosasho
DANAB AYAA WIIL KU DILAY CEEL-BUH.
Waxaa kale oo wararka Sanaag soo sheegeen in Marxuum
C/laahi jibriil Nuur Ibraahim,wiilkiisii curadka ahaa iyo xaaskiisii danab ku dilay meel
ku dhow tuulada Ceel-buh
ee Gobolka Sanaag
isla wararkaasi waxay soo sheegeen
in baabuur faro badan biyaha roobabku ku xannibeen dhulka u dhexeeye Badhan, Ceeri-gaabo,
Xubeera, Rad iyo Mindigale
.
Gaadiidkaas qaar ayaa hadda roobkaasi ku xanniban
muddo ka badan todobaad.
Wasiirka Warfaafinta
Maamulka M.I.Cigaal, Mr., Waran Cadde, ayaa maalintii Sabtidii 28/04/2001-da
05
Safar 1422-ka
Wuxuu Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ku yiri:
Deegaannada
Sool, Sanaag iyo Buuhoodle waxay ka tirsan yihiin Maamulkayaga, annaga ayaa naloo soo
mariyaa deeqaha caalamiga ah
Marka ugu horaysa, hadalkaasi waa qiraal, maamula
M.I.Cigaal ku qirtay dhaca uu ku haysto Xoolaha uu si joogto ah uga dhaco Galbeedka iyo
Waqooyiga Puntland (Sool, Buuhoodle iyo Sanaag)
marka labaad ma jirto cid adduunka
ka mid ah, heer caalami iyo heer gobol midnaba oo aqoonsan ama ictiraaftay ilaa hadda wax
la yiraahdo Somaliland oo ka goan Soomaaliya
Haddaba, haddii M.I.Cigaal la
siiyo xoolo caalamku u qoondeeyey Sool, Buuhoodle iyo Sanaag laguma siiyo aqoonsi la
aqoonsan yahay Somaliland oo ka goan Soomaaliya inteeda kale
ee maxaa
xoolahaasi halkaas u maraan???!!! Taasi waa suaal jawaabteedu ka fiirsasho u baahan
tahay
. Iyadoo koley suaashaasi ay u gudbi doonto Isimada, Aqoonyahannada iyo
Waxgaradka Deegaammadaas
aan qodob kale uga gudubnee
Waran Cadde inkasta oo marka shakhsiyaddiisa la tuujiyo uu yahay ninkii u bareeray hal sano iyo bar ka hor in uu Hargeysa ka masaafuriyo 25 (shan iyo labaatan) Macallin oo ah Reer Puntland isagoo waqtigaas ahaa Wasiirka Waxbarashada arrintaasina ay tilmaan ka bixinayso shakhsiyaddiisa aan u soo noqono qodobkaan ah Xoolaha aan dhaca ku haysto ayaa markhaanti iyo marag ii ah
Garta sidaas
qabtaa waa gartee???!!! Kitaabka sidaas qorayaa waa kitaabkee???!!! Bal arrinta oo dhan
aan hoos ugu degno
oo dib u raadraacno
horta sidee xoolahani ugu gacan galeen
Cigaal iyo Waran-Cadde???!!! Goorma ayaa dhacani bilaabmay???!!! Yaa sidaas ku oggol???!!!
Arrinta hoos aan ugu daadegno!!! Oo innagoo dhinacyo badan iska taagnay, oo Madax, Masuuliyiin,
Waxgarad iyo Xilkas kala duwanna soo waraysannay aan isku soo noqono!!!
Warsidaha
Puntland Tirsi 91-aad Khamiis
10/05/2001
Bogga 8-aad
YAA AWOOD U LEH
WAX-KA-BEDDELKA AXDIGA PUNTLAND!!!
(Xildhibaan
Idiris).
Markaan isku dayo inaan
dib u jalleeco jawaab koobanna ka bixiyo qoraalkii ku qornaa Wargeyska WAR-OGAAL ee Xamar
ku xiran Caddadkiisii Astaantiisu ahayd Baaq, GUDDIGA BEELAHA GOBOLKA BARI, hoosna uu kaga
saxiixnaa Ingineer Cabdi Axmed Cabdulle, waxaa had iyo jeer dadku ku celceliyaa qoraaloo
badannaa aad ku arkaysaa, AXDIGA PUNTLAND ee dadku ku heshiiyey ha la dhowro, hana lagu
dhaqmo, isla markaasna waxaa kuu muuqanaya in qofkaas naftiisu uu garab marsan yahay
AXDIGA PUNTLAND ee uu leeyahay ha la dhowro, waxaanna daliil kuu ah Inj. Cabdi Axmed
Cabdulle, anigoo dhowraya shakhsiyadiisa qofnimo, waxa uu sheeganayaa Guddoomiyaha GUDDIGA
BEELAHA GOBOLKA BARI, lamana yaqaan Maamulka ama Dawladda ay hoos tagaan Guddiyada kala
duwan ee uu Inj. Cabdi Guddoomiyaha u yahay iyo cidda magacowday toonna
Beelaha
Barina waxay ka mid yihiin bulshada dhisatay Dawlad Goboleedka Puntland
Isla
markaasna Inj. Cabdi wuxuu qirayaa in Gobollada Puntland uu ka jiro hal maamul oo bulshada
Puntland ay horey ugu wada heshiiyeen oo ah kan Dawlad Goboleedka Puntland, una xilsaaran
siyaasad iyo maamulba
waxaana qeexaya qaybaha dawladda Puntland qodobka 7-aad,
faqraddiisa 1-aad ee Axdiga
Qodobka 28.4, ee Axdiga, waxaa Golaha Wakiilladu isku
raaceen in la beddelo
hadda Golaha Wakiillada ayaa awood u leh wax-kabeddelka
Axdiga, waxaana qeexay qodobka 35.1, marka laga reebo qodobada ku cad Qodobka 35.2 ee
Axdiga Dawlad Goboleedka Puntland, mana jiro qodob tilmaamaya waqtiga aan Golaha
Wakiilladu wax-ka beddeli karin Axdiga Puntland
Haddaan inyar oo kaftana
Injineerka iraahdo, siyaasadu waa is-rogrogtaa oo adiga naftaada yey kaa hoosmin nimanka
Madax kooxeedyada ah ee aad magacowday iyo kuwa Xamar ka jira ee aad adigu hoggaamintooda
iyo siyaasaddooda jeceshahay, ogow waa isku isir
hadda midkoodna suxubi ma aha ee
ogow
haddase Cabdiyow ninba saaxiib leh!!!..
Haddaba, waxaan soo
jeedinayaa war bulshaweynta Puntland, ha laga daayo xaalad abuurka aan waxba ka jirin!!!
Qofkastaana ha dhowro qawaaniinta iyo Axdiga ay bulshadu horey ugu wada heshiisay,
cidkastana ha lagu xushmeeyo xilka ummaddu horay ugu dhiibatay
jiritaanka Puntlandna
ha la ilaaliyo, hana looga danbeeyo golayaasha dawladda oo u xilsaaran maamulka iyo
siyaasadaba!!!
SHAQAALAHA PUNTLAND MA
DAREEMAY 1-DA MAY
MAALINTA SHAQAALAHA ADDUUNKA!!!.
Iyadoo ka mid ah maalmaha fasaxa rasmiga ah ee Dawlad
Goboleedka Puntland, ayaa shaqada laga nastay deegaannada Puntland maalintii 1-da May
Maalinta Shaqaalaha Adduunka
haddaba 1-da May, Shaqaalaha Dawlad Goboleedka
Puntland, oo fasaxa maalintaa miyey u faaiidaysay?, mise wax kale oo intaas ka qoto
dheer ayey waday?, WARSIDAHA ayaa maalintii Sabtida ee 05/05/01-da
12 Safar 1422
waraysi la yeeshay Agaasimaha Guud ee Shaqada iyo Shaqaalaha Duuliye Sare, Md, C/laahi
Axmed Cabdulle (As-hari)
waraysigiina waa kan :
WARSIDAHA:- Tirida Shaqaaluhu waa immisa?
As-Hari:-
Fursadaha shaqo ee la helay intii ay abuurantay D.G.P/land waa 10,000 (Toban kun) oo isugu
jira Shaqaalaha Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose iyo Ciidammada.
WARSIDAHA:- Ma abuuraysaan ururada shaqaalaha ?
As-hari:- Haa
marka aanu dhamaystirno howlaha aannu ku guda jirno ee lagu diyaarinayo shuruucda cusub ee
shaqaalaha Dawlad Goboleedka Puntland, kuwa hadda aannu ku shaqaynaa waa kuwii hore loogu
maamuli jirey Shaqaalaha Soomaaliyeed oo aanu ku samaynay dib-u-habayn taasoo uu
tilmaamayo Axdiga DGPL, sida ku cad Qodobka 32 oo sheegaya in lagu dhaqmo shuruucdii hore
ee aan ka hor imaanayn mabaadida Islaamka iyo shuruucda kale ee DGPL.
WARSIDAHA:- Tirada Shaqaaluhu ma kordhaysaa mise
hoos ayay u sii dhacaysaa?
As-hari:- Tirada
Shaqaaluhu marba marka ka dambeeya ayey sii kordhaysaa tayadiisuna sidoo kale sare ayey u
kacday waxaana ugu wacan tababaro isdabajoog ah oo la siiyey shaqalaha.
WARSIDAHA:- Qabyaaladu saamayn ma ku leedahay
shaqaalaha?
As-hari:-
Qabyaaladu saamayn weyn kuma laha goobaha shaqada, hase yeeshee waxaa jirta in hayadaha
dawladda qaarkood ay iska indha tiraan shuruucda shaqo qorista oo ay iskood u qortaan
shaqaalle aan soo marin Agaasinka Guud ee Shaqada iyo Shaqaalaha, taasoo ay ka dhalato in
loo qaato jagooyinka bannaan dad isku qoys ah oo aan loo eegin aqoon iyo waayo-aragnimo
midnaba, hase yeeshee Agaasinka Guud wuu ka hortegay arrintaas wayna sii yaraanaysaa.
WARSIDAHA:- Sicir Bararku sidee u saameeyey
shaqaalaha?
As-hari: - Ma aha
wax qarsoomi kara amaba la iska indha tiri karo xaaladda nololeed ee maanta jirta,
waxaanse oran karnaa Sicir bararku si gaar ah ayuu u saameeyey shaqaalaha, sababtoo ah
shaqaaluhu waxa uu qaataa waa mushahar xaddidan oo ka bilaabma 400,000-1,500,000 (Afar
Boqol ilaa Hal Malyan iyo Shan boqol oo kun), sanadkii la soo dhaafay halka milyan wuxuu
la qiimo ahaa $100, maantana wuxuu u dhigmaa $50, waxaa halkaa ka muuqata in dakhliga
qofka shaqaalaha ah uu hoos u dhacay 50%, waxaa intaa raaca dakhliga dawladda qaybta ugu
weyn waxay ka imaan jirtay Xoolaha oo muddooyinkaan dambe dhammaan dhoofintoodu xayirantay
oo aanay jirin.