Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

 

 

Warsidaha   Puntland

Tirsi 91      

Khamiis     10/5/01


 

Warsidaha          Puntland      Tirsi 91-aad     Khamiis                       10/05/2001                   Bogga 2-aad

 

 

WARARKA MADAXTOOYADA

 

1.         MADAXWEYNAHA D.G.P/LAND OO U BOGAADIYEY HORMADII LABAAD EE GASHAY KULLIYADDA MAAMULKA.

Isniin, 30/04/01-da… 07, Safar, 1422… Garowe…WARSIDAHA 

Madaxweynaha Dawlad-gobole-edka Puntland, Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed… ayaa saaka saacadii 9:00 subaxnimo, Dugsiga Sare ee Garowe ku bogaadiyey hormadii (dafcaddii) 2-aad ee ahayd ardadii galaysay kulliyadda Maamulka iyo Maaraynta… Dafcaddani waxay ka kooban tahay 90 (sagaashan) arday… 45 gabdhood iyo 45 wiil… waxay ka kala yimaadeen dhamaan deegaannada Puntland  (shanta gobol iyo Buuhoodle weyne)… waxaa qaarkood ka kala yimaadeen gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe… arday waliba wuxuu bishii bixinayaa So/Sh. 200,000 (labo boqol oo kun oo ah shilinka Soomaaliga)…Lacagtaas oo u dhiganta $10 (toban dolar), marka loo eego sarifka maanta…. 

Mashruucaan kulliyaddan waxaa abaabulkiisa bilaabay ilaa haddana wada Ururka Wadaniga ah (National NGO) ee KAALO… waxaana maalgelinaysa hay’adda Diakonia ee Sweden… Madaxweynaha ka hor, waxaa munaasabaddaas ka hadlay Madaxa NGO-ga KAALO, Md,  Maxamuud Sh. Xaamud… wuxuu sheegay in Diakonia dhisayso kulliyadda… wuxuuna ka codsaday Madaxweynaha in Dawlad Goboleedka Puntland ay dhismaha kulliyadda kaga qaybgasho lacag dhan $10,000/= (Toban kun oo ah Dollarka Maraykanka)…Waxaa iyana halkaas warbixin ka jeedisay Drs. Dahabo Farax Xasan… oo ka tirsan Hay’adda Diakonia…Drs. Dahabo waxay sheegtay in wax-qabashada Diakonia ay u badan tahay dhinaca waxbarashada, sida mashruucan kulliyadda… iyadoo ay dayactirayso 25 (labaatan iyo shan) Dugsi oo ku yaal Magaalooyinka waa-weyn  ee Puntland iyo 14 ( toban iyo afar) oo ku yaal Tuullooyinka… dugsiyadaasi waxay u kala baxayaan qaar la dayactirayo, qaar dib-loo-dhisayo… qaar ah dhismo cusub… waxay kale oo ay sheegtay in Hay’adda Diakonia ay hadda gacanta ku hayso dib-u-dhiska dugsiga Hoose/Dhexe ee Ummadda ee Gaalkacayo (Dugsida Agoonta)… iyo Dugsiga Hoose/Dhexe ee Bardecad ee Gaalkacayo… 

Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Puntland, Md, Axmed Maxamed Awaare, ayaa sheegay in xiriirka waxbarshada Dawlad Goboleedka Puntland iyo Hay’adda Diakonia uu aad u wanaagsan yahay… wuxuuna Diakonia codsi ugu soo jeediyey in qorsheheeda waxbarasho ee sanadka soo socda ay ku darsato Gobolka Sool… ka dibna wuxuu hadalka ku soo dhoweeyey Madaxweynaha… 

Madaxweynuhu wuxuu u bogaadiyey Ardada kalkan galaysa Kulliyadda… wuxuu u sheegay in ay heleen fursad wanaagsan… in ay iyagu noqon doonnaan hoggaamiyayaasha Maamulka Dawlad Goboleedka Puntland Insha-Allaa… wuxuu u sheegay gabar ka mid ahayd dufcaddii 1-aad ee iyaga ka horeysay in ay iyadu hadda maamusho hawlaha Xafiiska Madaxweynaha Puntland oo dhan… Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Dawlad Goboleedka Puntland bixinayso lacag dhan $10,000 ee laga codsaday in ay kaga qaybgasho dhismaha Kulliyadda Maamulka iyo Maaraynta…[

Waxaa kale oo Madaxweynaha munaasabadaas kala soo qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka Md, Maxamed Cabdi Xaashi… Madaxa Hay’adda Diakonia ee Puntland Md, Maxamed Cabdi Cali (Maxamed Dheere)… Ardada dufcaddan gashay iyo waalidiintooda…

 

2. MADAXWEYNAHA OO ISBEDDEL KOOBAN KU SAMEEYAY WASIIR-KU-XIGEENNADA.

 

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa taariikhdii 07/05/01-da soo saaray xeer Madaxweyne Lam. 224… Xeerkaas oo isbeddel kooban ku sameeyey Wasiir-ku-xigeenada… isbeddelkaas oo ah sidatan:

Ø      .Jacfar Cilmi Faarax            Wasiir-ku-xigeenka  

      Wasaarada Kalluumaysiga, Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Ø      Cumar Saalax Canjeex       Wasiir-ku-xigeenka      Wasaarada Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta

Ø      Maxamed Siciid Shabeel     Wasiir-ku-        xigeenka           Wasaaradda Qorshaynta iyo     Iskaashiga        Caalamiga

 

Warsidaha          Puntland      Tirsi 91-aad     Khamiis                       10/05/2001                   Bogga 3-aad

 

KOOXDA CARTA SIDII CAADADA U AHAYD XUMAATO CUSUB AYEY DHASHAY!!

(War-saxaafadeed ka soo baxay Xukuumadda Dawlad Goboleedka Puntland…)

Talaado, 08/05/01-da… 15 Safar 1422… Garowe… WARSIDAHA…

Wasiirka Iskaashiga Caalamiga iyo Qorshaynta ee Dawlad Goboleedka Puntland Md, Maxamed Xasan Nuur, ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed uu ku cambaaraynayo war cusub oo ka soo yeeray Kooxda Carta, waana kan war-saxaafadeedkii : 

Garoe, May 8, 2001.

 

PRESS STATEMENT

 

ARTA (DJIBOUTI ACTION’S DECISION TO UNILATERALLY FORM A NATIONAL RECONCILIATION COMMITTEE AND ISSUE SOMALI PASSPORTS UNACCEPTABLE.

 

In another attempt to confuse the international community and with the futile intention to undermine the recently established Somali National Reconciliation & Council, the Arta (Djibouti) Factions has unilaterally formed and announced a new committee for the National Reconciliation Process. 

By doing this, the Arta Faction in Mogadishu has implicitly accepted its failure to meet the preconditions put before it by the international community for support. These preconditions of the international community were that the Arta Faction should refrain from violence and engage in peaceful constructive dialogue within the Somali communities. Arta Faction failed to carry out these tasks:

1)     To continue its destabilization strategy of the stable Recovery Zones of Somalia by the inclusion of some members of Puntland State and Somaliland origin in that ill-formed committee

2)     To try desperately to confuse the international community by projecting itself (Arta Faction) deceptively as an entity engaged in national debate and dialogue.

3)     To determine the reconciliation efforts of the Somali National Reconciliation and Restoration Council (SRRC), a body bringing the leadership of all parts of Somalia except Somaliland. 

The just announced committee has been hired and could be fired by the Arta Faction alone without any consultation with the Regional Administrations, the SRRC and other factions leaders of Somalia. This is totally unacceptable.

Another issue of serious concern is the illegal action of the Arta Faction to forge the Somali National Passport. This is a crime against the people of Somalia and should be prosecuted by international law. 

This State Government is fully aware of the involvement of the Djibouti Government in sponsoring the forgery printing of Somali Passport as we appeal o the Government of France to refrain from allowing these impostors to use its printing machines for publication of forgery documents.

 In the light of the above development, the State Government of Puntland appeals to the international community to ignore the new Somali Passports issued unilaterally by the Arta Faction. These are forged documents.[

The communities of Puntland State of Somalia will continuer to use the existing Somali Passports as the only temporary travel documents until a National Central Government is finally formed on the basis of a negotiated Federal System. 

Mohamed Hassan Nor.

Minister For International Cooperation & planning.

 

Warsidaha          Puntland      Tirsi 91-aad     Khamiis                       10/05/2001                   Bogga 4-aad

WASIIRKA GANACSIGA EE DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO KA DIGAY KHATARAHA FALALKA MAAMULKA CIGAAL.

 

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dawlad Goboleedka Puntland, Md, Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) ayaa taariikhda 03/05/01-da, soo saaray war-saxaafadeed uu kaga digayo khataraha ka dhalan karta falalka Maamulka M.I.Cigaal maleegayo ee ku wajahan deegaaammada Puntland ee Sool, Sanaag iyo Buuhoodle… wuxuuna u qornaa sidatan:- 

Hadalkii ka soo baxay Maamulka Cigaal ee uu ku sheeganayey Sool, Sanaag iyo Buuhoodle inay ka mid yihiin maamulkiisa, uuna rabo in uu keeno sanaaduuq codbixin gobolladaas.

Waxaan u sheegaynaa inay arrintaasi tahay mid abuuri karta is-afgaranwaa dhex mara beelaha dariska ah ee la rabay in laysu soo jiido oo la mideeyo.

Dhulka uu sheeganayo Cigaal iyo maamulkiisuba ma soo gaarin hay’addaha uu sheegayana kamaba jiraan.

Jawaabta runta ahna waxaa bixiyey dadka dhulkaas u dhashay meel kasta ha joogeene oo diidan sanduuqa Hargeysa yaala ee la rabo in lagu buuxsado laguna hafro inuu ka yimid dhulkaas, oo aan laga rabin Maamulka Cigaal kana jirin. 

Hafarkaas sanduuq bixintu kuma ekaan doono Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, ee wuxuu ka dhici doonaa Togdheer, Hargeysa inteeda badan iyo Awdal. 

ALLOW YAA WARAN CADDE UURKIISA DHAB U BAARA.

 

YAA XAQ U LEH KA TALINTA DADWEYNAHA KU NOOL GOBOLKA SOOL, SANAAG IYO DEGMADA BUUHOODLE?.

(Avv. Jaamac Xirsi Faarax).

KU FARRIIN KU SOCOTA MAAMULKA HARGEYSA EE CIGAAL

Waxaan aad iyo aad ula yaabay war-saxaafadeedkii la soo saaray markay taariikhdu ahayd 27/04/01-da, ee Laanta BBC-du Qaybta Af-Soomaaligu sii daysay ayna siiyeen Maamulka Cigaal ee Hargeysa, kaasoo ay ku sheeganayeen labada Gobol ee Sool iyo Sanaag iyo Degmada Buuhoodle in ay ka mid yihiin Maamulka Cigaal, isla markaana ay iyagu ka taliyaan, ayna gaynayaan waxay ugu yeereen Sanaadiiqda Cod-bixinta si Maamulka Cigaal afti uga helaan goosasho ah beelaha goboladaa dega. 

Taasoo cid kasta oo dhegaheedu maqleen ku noqotay, waxay ka yaabaan uguna dhiidhiyaan si wadaninimo ahaan, dareen ahaan, damiir ahaan iyo isir ahaanba ah, ilaa haddana ayna garanayn sida u eg kalsoonida awoodda, hanjabaada meesha uu ka haabanayo Maamulka Cigaal ma aha markii ugu horeysay oo falal noocaas ah ka galo Maamulka Cigaal dadweynaha u dhashay labadaas Gobol iyo Degmada Buuhoodle oo sheegasho iyo hanjabaadba leh. 

Iyadoo wax kastoo loogu cadeeyo laguna qanciyo in aanu sheegan karin goboladaas iyo dadka u dhashay kana talinayaana qusayn waxa ay sheeganayaan beelaha W/Galbeed oo ah ka goosashada Soomaaliya inteeda kale kana daayo fara-gelinta deegmadaas beelaha Hartigu degaan, uu dhegaha ka fariisto kana sii qaado dar-dar cusub iyo howl-galo aan u hirgelin oo tabo badan leh.

Haddaba, waxaan halkaan ugu cadaynayaa sida marar badanba loogu codeeyey uguna soo gudbinayaa qoraalkaan fariinta ah oo xambaarsan sida wax u jireen una jiraan oo aan dhalanteed ahayn : 

1)     Wixii ka horeeyey xilligii Xornimo qaadashada ee ummadda Soomaaliya waxaa Soomaaliya gumaysan jirey gumaystayaashii Reer Yurub, waxayna Soomaaliya u kala qaybiyeen shan gobol iyo xuduudo beeleed kala dhex degay dal iyo dad ahaanba ula kala baxay magacyo ka tarjumaya astaamaha gumeystayaashaas, waxaana gaar ahaan gobolada W/Galbeed ka talin jirey gumaystihii Ingiriiska isagoo ula baxay goboladaas

Eeg Bogga 5-aad

Warsidaha          Puntland      Tirsi 91-aad     Khamiis           10/05/2001                   Bogga5-aad

YAA XAQ U LEH….. KA YIMI BOGGA 4-AAD

2)      British Somaliland, waxaana la

3)      wada garanayaa sida taariikhda soo jireenka ah ay qorayso qabiil kasta oo ka mid ahaa beelihii ku dhaqnaa deegammadaas Ingiriiskuna wada gumaysan jirey meeshay ku kala jireen, hab dhaqan iyo siyaasad ahaanba, hadday noqoto wadaninimo, qowmiyadnimo, awood, wax-ku-qaybsi iyo xornimo doonisba.

4)      Markii la qaatay xornimo 19960-kii, waxaa is raacay labadii gobol ee Koonfurta Soomaaliya iyo W/Galbeed ee Soomaaliya oo mid qura noqday, yeeshayna hal astaan oo dawlad Soomaaliyeed ah, waxaana si shuruuci ku dheehan tahay oo wadaninimo ah looga wada qayb qaatay hirgelintii iyo meel marintii dawladdii ugu horeysay ee Soomaaliya ee rayidka ahayd. Waxaana halkaa ka baxay kuna tegay xukunkii Gumaystaha iyo heeryadiisii xumayd, waxaana sidoo kale baab’ay xuduudo beeleedyadii gumaystayaashaasi kala dhex dhigay dadkii walaalaha ahaa oo kala qob-qobnaa.

5)      Dawladii Soomaaliya ee ugu dambaysay markii ay burburtay ayna Soomaaliya ka bilowdeen dagaalo sokeeye oo ay hormuud u ahaayeen beelaha ku abtirsada Irrirka oo is-bahaystay iyadoo dagaaladaasi noqdeen kuwo ku salaysan qabiil iyo isir gumaad lagula kacay beelaha ku abtirsada Daaroodka laguna sameeyey xasuuq, barakicin, boob iyo bililiqaysi. Hantidii ummaddaas iyadoo ay naf iyo maalba ku waayeen dad aad u tira badan oo ka soo jeeda qabaa’ilka aan kor ku soo xusnay, waxayna taasi keentay in qabiil waliba dib ugu laabto kuna ekaado halkii uu isir ahaan u dhashay, deegaan ahaan ka yimid si uu ugu nabad galo.

6)      Dadka u dhashay labadaas gobol ee Sanaag iyo Sool iyo Degmada Buuhoodle, oo ka soo jeeda beelaha Hartiga deegaan ahaana goboladaas dega waxay ku gacan sayreen wixii ay ku dhawaaqeen beelaha ka soo jeeda qabaa’ilka Isaaqa, iyagoo sheegay in ay goosteen kana xoroobeen Soomaaliya inteedii kale, dibna u soo cusboonaysiiyey magacii hore ee gumaystaha uu ula baxay goboladaas iyo siyaasadiisii oo shaar kale huwan, ayadoo goboladaas Sool, Sanaag iyo Buuhoodle dadweynaha ku dhaqani target-koodu yahay Soomaali weyn una arka in ay Soomaaliya kala go’i karin lana qaybin karin midnimadooduna muqadas tahay, sida ku cad sharciga dastuurka 1960-kii Lam. 1 (La Republican).

7)      Soomaaliya ka sokowna waxay shacabka u dhashay goboladaas la samaysteen Maamul Goboleed sanadkii 1998-dii, saddexda gobol ee kala ah Nugaal, Bari iyo Mudug oo ay ku dhaqan yihiin dad ay isku isir yihiin Maamul Goboleedkaas oo ay ula baxeen PUNTLAND, aanna ka go’in Soomaaliya inteeda kale, kana tarjumaya dareenka dadka Goboladaas u dhashay, waxayna Isimo Dhaqameedyada, Nabadoonada, Samadoonada, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Culimaa’u-diinka oo ka wakiil ah shacabka u dhashay labadaas Gobol ee Gobol ee Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhoodle si kalsooni leh, Guddoon leh, go’aan leh, wax-kuqaybsi leh kaga qayb galeen waxna kaga dhiseen Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayna kula bahoobeen walaalahooda uu ka dhexeeyo dalka iyo dadkuba ee ku nool saddexdaas Gobol ee aan kor ku soo sheegnay.

Sidaa darteed, waxaan u aragnaa hadalada ka soo yeeraya Maamulka Cigaal mid been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn kana fog xaqiiqada ka jirta Goboladaas iyo jiritaankooda dhabta ah ee ummadda ku dhaqan Goboladaas, oo ah ummad horey u jirtay haddana jirta xorna u ah aaya-katalinta masiirkooda, aaayahooda iyo rabitaankooda dhabta ah.

Waxaan u sheegaynaa in aanu keeni karin riyana tahay deegaammadaas Sanaadiiqda uu ugu yeeray Cigaal sanaadiiqdii Cod-bixinta kagana doonayo dadweynaha u dhashay deegaamadaas cod ka goosashada Soomaaliya. 

Isla markaasna shacabka u dhashay deegaammadaasi oggolaan doonin iskana difaaci doonaan cid kastoo dilaal ah iskuna dayda in ay ku sanduleeyaan waxaan u cuntamayn naafayn iyo jiritaan la’aan kusamaynaya aayaha dambe ee ummaddaas.

Waxaan uga digaynaa Maamulka Cigaal inaanu waxna ka weydiin karin kalana tashan karin cid maamulkiisa marti iyo magan uga ah rabitaanka iyo masiirka ummaddaas ku dhaqan Goboladaas Sool iyo Sanaag.[

Waxaan la socodsiinaynaa Maamulka Cigaal in labadasi Gobol iyo Deegaanka Buuhoodle ka tirsan yihiin Maamulka Puntland, wakiilna uga yahay dadweynaha labadaas Gobol cid kasta oo ku xad-gudubta xornimadooda iyo qarannimadooda.

Wixii nabadgalyo xumo ah oo ka dhex abuuranta beelahas ood-wadaag ah keenina karta isku dhac iyo burbur hor leh oo dhiig ku daato, waxaa ma’uuliyadeeda qaadi doona Ina Ibraahim Cigaal haddii aannu ka waantoobin sheegashada dal iyo dad aanay waxba ka dhexayn, kana madax banaan waxa uu sheeganayo

Wabilaahi Towfiiq

Warsidaha          Puntland      Tirsi 91-aad     Khamiis                       10/05/2001                   Bogga 6-aad

 

DEEQ BIXIYAYAASHA AYAA BILLAD SIIYEY CAAFIMAADKA PUNTLAND.[

 

Talaado, 08 Safar1422… 1-da May 2001-da…

Waxaa  Maanta Garoonka Diyaaradaha ee Kanoko ka dhoofay 3 (saddex) takhtar oo kala ah :-

1.Dr, Cabdiraxmaan Siciid Maxamuud (Dhegaweyne), Agaasimaha Guud ee Caafimaadka Puntland.

2.Prof, Maxamed Jaamac Salaad, Mudanka Takhaatiirka Puntland.

3.Dr, Axmed Abshir Faarax, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Asaasiga ah iyo Tababaradda ee Puntland. 

Wafdigaas Caafimaadka Puntland, waxaa Magaalada Nairobi ku casumay Hay’adda Isku-dubbaridka Deeqaha Soomaaliya la siiyo SACB, qaybteeda Caafimaadka… hay’addaas iyo Deeq Bixiyayaasha oo is-huwan, ayaa Caafimaadka Puntland u doortay in uu tusaalle la raaco oo lagu daydo u noqdo hay’adaha Caafimaadka ee dalalka belooyinku ku habsadeen … (Disaster Countries in Africa)…

Caafimaadka Puntland wuxuu tgusaallenimadaas ku mutaystay arrimo ay ka mid yihiin :- 

1.      Siyaasadda Guud ee Dawlad Goboleedka Puntland u dejisay caafimaadkeeda

2.      Sharciga Lam. 6 (Lix) ee Dawlad Goboleedka Puntland u sharciyeysay Caafimaadkeeda…

3.      Istaraatiijiyada Caafimaadka ee Dawlad Goboleedka Puntland iyo Tallaabooyinka fulinteeda laga qaaday… 

Hay’adda Isku-Dubbaridka Deeqaha Soomaliya la siiyo (SACB) iyo Deeq bixiyayaashu ka dib shirar badan oo ay dhexdooda ka yeesheen… iyo kuwo badan oo ay la yeesheen hay’adaha Caafimaadka ee deegaammada kala duwan ee Soomaaliya ayey Caafimaadka Dawlad Goboleedka Puntland u doorteen in tusaale ahaan (Model) loo qaato… shirka hay’adda (SACB) iyo Deeq bixiyayaashu hadda ku leeyihiin Magaalada Nairbi ee socon doona 03/05-10/05/2001… Soomaaliya waxaa laga casumay Wafdiga Caafimaadka Puntland keliya… wafdigaas oo la qorsheeyey in uu shirkaas ka jeediyo xog-warran ku saabsan Caafimaadka Puntland… Khibraddaas oo la rabo in loo gudbiyo deegammada kale ee Soomaaliya iyo Dawladdo kale oo Soomaaliya la wadaaga magaca dalalka belaayooyinku ku habsadeen…[

Shirku Nairobi wuxuu u habaysan yahay waab shirar kale googo’an oo isdaba jooga…

Jadwalka Wafdiga Caafimaadka Puntland waxaa weeye inuu dhammaan shirarkaas isdaba jooga mid walba ka jeediyo warbixintiisa… Prof, Maxamed Jaamac Salaad, hadda waa Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Dhismaha Ururka Takhaatiirka Puntland oo la rabo in dhowaan la hirgeliyo… waxaa isaga gaar looga rabaa inuu waayo-aragnimada arrintaas la xiriirta shirarkaas Nairobi ku soo bandhigo… waxaa iyana taariikhdii 02/05/01-da… Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacayo ka duulay oo Dalka Talyaaniga takhasusyo sare u aaday:-

1.      Dr, Maxamed Cabdi (Ashahaado).

2.      Dr, Axmed Xaaji Maxamuud 

Deeqahaas waxbarasho iyo kuwo kale oo xiriirsani wuxuu ka dhashay booqashadii Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, uu dhowaan ku tegay Dalka Talyaaniga…

 

AXMED SHEEKH JAAMAC OO SII WADDACAYA AKHRISTAYAASHA WARSIDAHA

Axmed Sheekh jaamac, isagoo muddo ka maqnaan doona ka qayb-galka qoraallada WARSIDAHA PUNTLAND, oo ku mashquuli doona (H.A.I) howlo kale oo warfaafinta la xiriira, wuxuu sii waddacayaa akhristayaasha WARSIDAHA, wuxuuna akhristayaasha sharafta badan ku sii sagootinayaa :

Nabad iyo tu-san… waa inoo isu soo noqodkeenna

Ee kulan danbe oo khayr qaba Insha-Allaa!!! 

Warsidaha          Puntland      Tirsi 91-aad     Khamiis                       10/05/2001                   Bogga7-aad

 

Sool iyo Sanaag … Mudaharaadyo Waaweyn oo ka horjeeda Afti-ku-sheegga M.I.Cigaal

Isniin, 30/04/01-da… 7 Safar 1422… Lascanood… WARSIDAHA.

Mudaharaadkii ugu lixaad weynaa taariikhda Laascaanood ayaa saaka lagu sameeyey Magaalo Madaxda Gobolka Sool, ee Laascaano… mudaharaadkaas oo looga horjeeday afti-ku-sheega Maamulka Cigaal la hadalhayo Goboladaas.

Mudaharaadkaas oo aad u laxaad weynaa socdayna 7-dii subaxnimo ilaa 10-kii Subaxnimo waxaa hogaaminayey odayaal uu ugu caro kululaa Md, Axmed Cabdi Laangare, waxaana dadweynahaas la hadlay Suldaan Cali Xaaji Ismaaciil.

Hal-kudhegyada mudaharaadkaas waxaa ka mid ahaa:

Kidhaysane doonimayno!

Dollar qaate dooni mayno!

Dhuuni raac dooni mayno 

Isniin 07/05/01-da…14 Safar 1422… Badhan… WARSIDAHA.

Mudaharaad ballaaran ayaa maanta lagu sameeyey Magaalada Badhan, Magaalo Madaxda Gobolka Sanaag… mudah-araadkaas waxaa lagu muujinayey diiddada dadweynuhu ku diiddan yahay afti-ku-sheegga uu Maamulka Cigaal sheegay inuu geynayo deegammada Galbeedka iyo Waqooyiga Puntland… halku-dhegyada mudaharaadkaas waxaa ka mid ahaa:

Dooni mayno Dollaar qaate

Dooni mayno dalka iibshe

Doonimayno goosasho

 

DANAB AYAA WIIL KU DILAY CEEL-BUH.

Waxaa kale oo wararka Sanaag soo sheegeen in Marxuum C/laahi jibriil Nuur Ibraahim,wiilkiisii curadka ahaa iyo xaaskiisii danab ku dilay meel ku dhow tuulada Ceel-buh… ee Gobolka Sanaag… isla wararkaasi waxay soo sheegeen in baabuur faro badan biyaha roobabku ku xannibeen dhulka u dhexeeye Badhan, Ceeri-gaabo, Xubeera, Rad iyo Mindigale….

Gaadiidkaas qaar ayaa hadda roobkaasi ku xanniban muddo ka badan todobaad.

MAAMULKA M.I.CIGAAL OO XOOLIHII UU DHACAY MARKHAANTI KA DHIGAY.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka M.I.Cigaal, Mr., Waran Cadde, ayaa maalintii Sabtidii 28/04/2001-da… 05 Safar 1422-ka…Wuxuu Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ku yiri:

Deegaannada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle waxay ka tirsan yihiin Maamulkayaga, annaga ayaa naloo soo mariyaa deeqaha caalamiga ah… Marka ugu horaysa, hadalkaasi waa qiraal, maamula M.I.Cigaal ku qirtay dhaca uu ku haysto Xoolaha uu si joogto ah uga dhaco Galbeedka iyo Waqooyiga Puntland (Sool, Buuhoodle iyo Sanaag)… marka labaad ma jirto cid adduunka ka mid ah, heer caalami iyo heer gobol midnaba oo aqoonsan ama ictiraaftay ilaa hadda wax la yiraahdo Somaliland oo ka go’an Soomaaliya… Haddaba, haddii M.I.Cigaal la siiyo xoolo caalamku u qoondeeyey Sool, Buuhoodle iyo Sanaag laguma siiyo aqoonsi la aqoonsan yahay Somaliland oo ka go’an Soomaaliya inteeda kale… ee maxaa xoolahaasi halkaas u maraan???!!! Taasi waa su’aal jawaabteedu ka fiirsasho u baahan tahay…. Iyadoo koley su’aashaasi ay u gudbi doonto Isimada, Aqoonyahannada iyo Waxgaradka Deegaammadaas… aan qodob kale uga gudubnee…  

Waran Cadde… inkasta oo marka shakhsiyaddiisa la tuujiyo uu yahay ninkii u bareeray hal sano iyo bar ka hor in uu Hargeysa ka masaafuriyo 25 (shan iyo labaatan) Macallin oo ah Reer Puntland isagoo waqtigaas ahaa Wasiirka Waxbarashada… arrintaasina ay tilmaan ka bixinayso shakhsiyaddiisa… aan u soo noqono qodobkaan ah Xoolaha aan dhaca ku haysto ayaa markhaanti iyo marag ii ah…

Garta sidaas qabtaa waa gartee???!!! Kitaabka sidaas qorayaa waa kitaabkee???!!! Bal arrinta oo dhan aan hoos ugu degno… oo dib u raadraacno… horta sidee xoolahani ugu gacan galeen Cigaal iyo Waran-Cadde???!!! Goorma ayaa dhacani bilaabmay???!!! Yaa sidaas ku oggol???!!! Arrinta hoos aan ugu daadegno!!! Oo innagoo dhinacyo badan iska taagnay, oo Madax, Mas’uuliyiin, Waxgarad iyo Xilkas kala duwanna soo waraysannay aan isku soo noqono!!!

 

Warsidaha          Puntland      Tirsi 91-aad     Khamiis                       10/05/2001                   Bogga 8-aad

 

YAA AWOOD U LEH WAX-KA-BEDDELKA AXDIGA PUNTLAND!!!

(Xildhibaan Idiris).

Markaan isku dayo inaan dib u jalleeco jawaab koobanna ka bixiyo qoraalkii ku qornaa Wargeyska WAR-OGAAL ee Xamar ku xiran Caddadkiisii Astaantiisu ahayd Baaq, GUDDIGA BEELAHA GOBOLKA BARI, hoosna uu kaga saxiixnaa Ingineer Cabdi Axmed Cabdulle, waxaa had iyo jeer dadku ku celceliyaa qoraaloo badannaa aad ku arkaysaa, AXDIGA PUNTLAND ee dadku ku heshiiyey ha la dhowro, hana lagu dhaqmo, isla markaasna waxaa kuu muuqanaya in qofkaas naftiisu uu garab marsan yahay AXDIGA PUNTLAND ee uu leeyahay ha la dhowro, waxaanna daliil kuu ah Inj. Cabdi Axmed Cabdulle, anigoo dhowraya shakhsiyadiisa qofnimo, waxa uu sheeganayaa Guddoomiyaha GUDDIGA BEELAHA GOBOLKA BARI, lamana yaqaan Maamulka ama Dawladda ay hoos tagaan Guddiyada kala duwan ee uu Inj. Cabdi Guddoomiyaha u yahay iyo cidda magacowday toonna… Beelaha Barina waxay ka mid yihiin bulshada dhisatay Dawlad Goboleedka Puntland… Isla markaasna Inj. Cabdi wuxuu qirayaa in Gobollada Puntland uu ka jiro hal maamul oo bulshada Puntland ay horey ugu wada heshiiyeen oo ah kan Dawlad Goboleedka Puntland, una xilsaaran siyaasad iyo maamulba… waxaana qeexaya qaybaha dawladda Puntland qodobka 7-aad, faqraddiisa 1-aad ee Axdiga… Qodobka 28.4, ee Axdiga, waxaa Golaha Wakiilladu isku raaceen in la beddelo… hadda Golaha Wakiillada ayaa awood u leh wax-kabeddelka Axdiga, waxaana qeexay qodobka 35.1, marka laga reebo qodobada ku cad Qodobka 35.2 ee Axdiga Dawlad Goboleedka Puntland, mana jiro qodob tilmaamaya waqtiga aan Golaha Wakiilladu wax-ka beddeli karin Axdiga Puntland…

Haddaan inyar oo kaftana Injineerka iraahdo, siyaasadu waa is-rogrogtaa oo adiga naftaada yey kaa hoosmin nimanka Madax kooxeedyada ah ee aad magacowday iyo kuwa Xamar ka jira ee aad adigu hoggaamintooda iyo siyaasaddooda jeceshahay, ogow waa isku isir… hadda midkoodna suxubi ma aha ee ogow… haddase Cabdiyow ninba saaxiib leh!!!..

Haddaba, waxaan soo jeedinayaa war bulshaweynta Puntland, ha laga daayo xaalad abuurka aan waxba ka jirin!!! Qofkastaana ha dhowro qawaaniinta iyo Axdiga ay bulshadu horey ugu wada heshiisay, cidkastana ha lagu xushmeeyo xilka ummaddu horay ugu dhiibatay… jiritaanka Puntlandna ha la ilaaliyo, hana looga danbeeyo golayaasha dawladda oo u xilsaaran maamulka iyo siyaasadaba!!!

SHAQAALAHA PUNTLAND MA DAREEMAY 1-DA MAY… MAALINTA SHAQAALAHA ADDUUNKA!!!.

Iyadoo ka mid ah maalmaha fasaxa rasmiga ah ee Dawlad Goboleedka Puntland, ayaa shaqada laga nastay deegaannada Puntland maalintii 1-da May… Maalinta Shaqaalaha Adduunka… haddaba 1-da May, Shaqaalaha Dawlad Goboleedka Puntland, oo fasaxa maalintaa miyey u faa’iidaysay?, mise wax kale oo intaas ka qoto dheer ayey waday?, WARSIDAHA ayaa maalintii Sabtida ee 05/05/01-da… 12 Safar 1422… waraysi la yeeshay Agaasimaha Guud ee Shaqada iyo Shaqaalaha Duuliye Sare, Md, C/laahi Axmed Cabdulle (As-hari)…waraysigiina waa kan :

 WARSIDAHA:- Tirida Shaqaaluhu waa immisa?

As-Hari:- Fursadaha shaqo ee la helay intii ay abuurantay D.G.P/land waa 10,000 (Toban kun) oo isugu jira Shaqaalaha Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose iyo Ciidammada.

 WARSIDAHA:- Ma abuuraysaan ururada shaqaalaha ?

As-hari:- Haa marka aanu dhamaystirno howlaha aannu ku guda jirno ee lagu diyaarinayo shuruucda cusub ee shaqaalaha Dawlad Goboleedka Puntland, kuwa hadda aannu ku shaqaynaa waa kuwii hore loogu maamuli jirey Shaqaalaha Soomaaliyeed oo aanu ku samaynay dib-u-habayn taasoo uu tilmaamayo Axdiga DGPL, sida ku cad Qodobka 32 oo sheegaya in lagu dhaqmo shuruucdii hore ee aan ka hor imaanayn mabaadi’da Islaamka iyo shuruucda kale ee DGPL.

 WARSIDAHA:- Tirada Shaqaaluhu ma kordhaysaa mise hoos ayay u sii dhacaysaa?

As-hari:- Tirada Shaqaaluhu marba marka ka dambeeya ayey sii kordhaysaa tayadiisuna sidoo kale sare ayey u kacday waxaana ugu wacan tababaro isdabajoog ah oo la siiyey shaqalaha.

 WARSIDAHA:- Qabyaaladu saamayn ma ku leedahay shaqaalaha?

As-hari:- Qabyaaladu saamayn weyn kuma laha goobaha shaqada, hase yeeshee waxaa jirta in hay’adaha dawladda qaarkood ay iska indha tiraan shuruucda shaqo qorista oo ay iskood u qortaan shaqaalle aan soo marin Agaasinka Guud ee Shaqada iyo Shaqaalaha, taasoo ay ka dhalato in loo qaato jagooyinka bannaan dad isku qoys ah oo aan loo eegin aqoon iyo waayo-aragnimo midnaba, hase yeeshee Agaasinka Guud wuu ka hortegay arrintaas wayna sii yaraanaysaa.

 WARSIDAHA:- Sicir Bararku sidee u saameeyey shaqaalaha?

As-hari: - Ma aha wax qarsoomi kara amaba la iska indha tiri karo xaaladda nololeed ee maanta jirta, waxaanse oran karnaa Sicir bararku si gaar ah ayuu u saameeyey shaqaalaha, sababtoo ah shaqaaluhu waxa uu qaataa waa mushahar xaddidan oo ka bilaabma 400,000-1,500,000 (Afar Boqol ilaa Hal Malyan iyo Shan boqol oo kun), sanadkii la soo dhaafay halka milyan wuxuu la qiimo ahaa $100, maantana wuxuu u dhigmaa $50, waxaa halkaa ka muuqata in dakhliga qofka shaqaalaha ah uu hoos u dhacay 50%, waxaa intaa raaca dakhliga dawladda qaybta ugu weyn waxay ka imaan jirtay Xoolaha oo muddooyinkaan dambe dhammaan dhoofintoodu xayirantay oo aanay jirin.