Tirsi 92
Khamiis 17/05/2001
Warsidaha
Puntland Tirsi 92-aad Khamiis
17/05/2001
Bogga 2-aad
1. MADAXWEYNAHA DAWLAD
GOBOLEEKDKA PUNTLAND OO FURAY XARUNTA CUSUB EE DIAKONIA
Talaado 15/05/2001. WARSIDAHA-GAROWE.
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Md.
Cabdullaahi Yuusuf Axmed; ayaa saacaddu markay ahayd 5:30 Galabnimo xariga ka jaray Xarun
cusub oo ay dhisatay hayadda Diakonia, xaruntaasi waxay galbeed ka xigtaa xaruntii
hore ee Wasaaraddii Gaadiidka ee G/Nugaal, waxay ku fadhidaa dhul aad u ballaaran, wuxuuna
dhismaha cusubi ka kooban yahay 12 Xafiis, 2 barxadood oo waaweyn iyo mundul weyn.
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland oo khudbad aad u ballaaran
halkaas ka soo jeediyey wuxuu ugu horayn salaan u soo jeediyey dadweynihii ka soo qayb
galay iyo marti sharaftii kaleba. Madaxweynuhu wuxuu amaan ballaaran u soo jeediyey hayadda
Diakonia, wuxuuna ku amaanay waxqabadka aan hagrashadda lahayn ee Goboladaan Puntland ka
qabatay. Wuxuuna yiri 7 sanno ay wadanka joogtay waxay qabatay wax aan la koobi karin,
waxay dhistay Xarumaha Agoonta, waxay wax ka qabatay Xafiisyada Dawlada, Saldhigyada
Booliska iyadoo waliba qalabaysay.
Waxaan hayadda Diakonia iyo hayadda Swedishka ah ee
taageerta Diakonia ka codsaday inay sii wadaan samafalka ay u qabtaan ummadda Puntland.
Madaxweynuhu wuxuu kaloo ammaan u soo jeediyey Enjineerkii dhisay,
naqshaddana lahaa Eng. Cabaas Siciid Jibriil iyo Shirkadda JIBCOM ee dhistay xarunta Cusub
ee Diakonia.
Madaxweynuhu wuxuu ku soo wareegay qaybaha xarunta cusubi ka
kooban tahay.
Madaxweynaha ka hor waxaa hadalo warbixin ah ka soo jeediyey
Madaxa Hayadda Diakonia ee Afrikada Bari, Mr.Urban S Jostrom iyo Ms.Eva oo
iyadu ku hadlaysay magaca Hayadda Swedeshka ah ee taageerta Diakonia. Xafladda
furitaanka oo ahayd mid aad iyo aad loo soo Agaasimay,waxaa heeso iyo Ciyaaraha Dhaqanka
ku soo bandhigay Kooxda Hiddaha iyo Dhaqanka ee Gobolka Nugaal.
Waxaa iyana buraabur aad u qiimo badnaa oo ay kaga hadlaysay
waxqabadkii Diakonia ka soo jeedisay Xafladaas Xildhibaan Jookha Geelle.
Xafladdas waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo
Amniga Md. C/qaadir Islaan Maxamed,Wasiirka Arrimaha Bulshada Md.Faarax Warsame
Cismaan,Islaan Maxamed Islaan Muuse,Suldaan Siciid Maxamed Garaase,Suldaan C/laahi Xaaji
Nuur,Xildhibaanno,Agaasimeyaal Guud,Guddomiyaha Gobolka Nugaal C/laahi Xasan Faarax iyo
Duqa Magaalada Daahir Cali Ciise.Marti Sharaf iyo Dadweyne aad u fara badnaa,Waxaana
gunaanaday oo duceeyay Suldaan Siciid Maxamed Garaase
2. MADAXWEYNAHA
DGPL OO FURAY LABA MASHRUUC CAAFIMAAD
Madaxweynaha DGPL Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa subaxnimadii
Talaadada ka Furay Isbitaalka Guud ee G. Nugaal laba Mashruuc oo Caafimaad oo ku kala
saabsan Talaalka Caruurta ee lixda Cudur ee dilaaga ah iyo Mashruuca Daryeelka Qoyska.
Xafladdii Furitaanka labadasi Mashruuc oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Arrimaha Bulshada Dr. Faarax Warsame
Cusmaan, Wasiir- ku- Xigeenka Wassaaradda Arrimaha Bulshada ENG.Maxamed Cabdi Kulmiye
Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Wasaaradda Arrimaha Bulshada Dr. C/ramaan Siciid Max'ud (Dhegoweyne), Hay'adda Care
International oo Gacanta ku haysa Mashruuca Daryeelka Qoyska, Hay'adda Federeeshinka oo
gacanta ku haysa Isbitaalka muddooyinkaana waday tababarro Caafimaad oo ay siinaysay Madax
qaybyada Isbitaalka iyo MCHyada, Unicef oo bixinaysa Tallaalka Carruurta ayaa waxaa
warbixinno ku saabsan labadaasi Mashruuc iyo faa'iidooyinka ay bulshada u leeyihiin ka
bixiyay Wasiirka Arrimaha Bulshada, Agaasimaha guud ee Caafimaadka ,madaxa barnaamijka
Daryeelka Qoyska.
Madaxweynaha DGPL Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ugu dambeyntii ka
mahad celiyay howshaas ballaaran iyo intii gacanta ka gaysatay, bulshadana wuxuu u
rajeeyey inay ka faa'iidaystaan. Ka dib Madaxweynuhu wuxuu kormeer gaaban ku soo maray
qaybaha isbitaalka waxaana uga warbixinayay Agaasimaha Isbitaalka Dr. Max'ed Xasan
Carabey.
Warsidaha
Puntland Tirsi 92-aad Khamiis
17/05/2001
Bogga 3-aad
Qoraal ka soo baxay shirkii Golaha
Wasiirada DGPL ee 29/04/2001 ayaa waxaa uu qorayay afar xubnood oo ay dawlad goboleedku u
magacawday inay Puntland uga wakiil yihiin ururka SRRC ee dhowaan lagu soo dhisay Dalka
Itoobiya iyo weliba inay gacan ka geystaan dhismaha Dawlad Goboleedka Koonfur-Galbeed ee
Soomaaliya.
Qoraalkaas oo soo baxa 12/05/2001 uuna
ku saxiixnaa Madaxweynaha DGPL Md. C/laahi Yuusuf Axmed kuna Socday Afarta Xubnood ee
Guddigaas ayaa u qornaa sidan:-
Uj:- Magacaabid
Guddi.
Shirkii
Golaha Wasiiradda ee 29/04/2001, wuxuu magacaabay xubno ka mid noqda Golaha SRRC,
waxay xubnahaas kala yihiin:-
1.
1.
Sarreeye
Guuto, Cismaan Max'ed Samatar
(Cismaan Fatiig).
2.
2.
Axmed
Xasan Bile.
3.
3.
Cawad
Axmed Casharo.
4.
4.
C/qaadir
Axmed Ceegaag.
Isla Giddigaasi iyo Max'ed Abshir
Walde ayaa hawsha Dhismaha Dawlad Goboleedka Koonfur - Galbeed ee Soomaaliya gacan ka
geysanaya iyagoo matalaya Dawlad Goboleedka Puntland.
Guul Eebbe iyo
Hawlgal wacan
Cabdullahi Yuusuf
Axmed.
Madaxweymaha
Dawladda.
4. HABKA SHAQA QORISTA SHAQAALAHA EE
D.G.P/LAND OO XEER MADAXWEYNE KU SOO BAXAY
Madaxwenaha Dawlad Goboleedka
Puntla-nd,Mudane,C/laahi Yuusuf Axmed,ayaa Taariikhdii 08/05/2001, Garowe ka soo saaray
Xeer Lam.225, wuxuu xeeriyay in la dhaqan galiyo qodobada hoos ku qoran:-
1.
1. Waxaa reeban in la qoro shaqaale aan
soo marin habka
shaqo qorista ee ku qeexan sharciga
shaqada iyo shaqaalaha.
2.
2. Shaqaalaha waxaa lagu ruqsayn karaa,
bedeli karaa, wareejin karaa,
dallacsiin karaa, isla markaana go;aan
Guddiga Anshax marinta, abaal marinta iyo dallacaadaha, isla markaana ka diiwaan gashan
Agaasinka Guud ee Shaqada iyo Shaqaalaha, ama Dikreeto Madaxweyne.
3.
3. Waxaa reeban guud ahaan in adeegga
Wasaaradaha iyo Hayadaha Dawladda loo isticmaalo mushaar joogta ah, haddayna imaan
duruufo kooban oo ku meel gaar ah.
4.
4. Mushaharka shaqaalaha lama wareejin
karo, iyadoo aaysan isla meel dhigin haadaha ku shaqada leh.
Warsidaha
Puntland Tirsi 92-aad Khamiis
17/05/2001
Bogga 4-aad
5. MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA
DGPL OO KA QAYB-GALAY XAFLAD XIL-WAREEJIN AH OO KA DHACDAY XARUNTA NESHA.
Sabti,
12/05/01-da
WARSIDAHA
Garowe
Madaxweyne-ku-xigeenka Dawlad
Goboleedka Puntland Md, Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa taariikhdii 12/05/01-da, ka qayb galay
xaflad xil-wareejin ah oo lagu qabtay qolka shirarka ee Hayadda NESHA, xafladaas oo
xilka lagu wareejinayey Agaasimaha Guud ee Hayadda Duulista iyo Diyaaradaha Rayidka
(Civil Aviation), uuna ku wareejiyey Ku-simaha Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Md,
Maxamed Xaaji Aadan, maadaama ay noqotay hayad madax-bannaan oo hoos timaada
Madaxtooyada DGPL, taasoo horey uga tirsanaan jirtay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo
Gaadiidka.
Waxaa xafladda lagu furay aayado quraan
ah oo uu jeediyey Md, Cismaan Cali, waxaa hadalkii qaatay Ku-simaha Wasiirka Hawlaha Guud
iyo Gaadiidka Md, Maxamed Xaaji Aadan, wuxuuna hadalkii ku bilaabay :
Madaxweyne-ku-xigeen,
Wasiiradda, Marti sharafta kale ee nagala soo qayb-gashay xafladdan oo ah mid lagu kala
wareegayo, laguna wareejinayo Agaasimaha Guud ee Hayadda Duulista iyo Diyaaradaha
Rayidka Duuliye Sare Md, Axmed Xaaji Cilmi Cabdulle (Xaaji Dhagax), oo ah nin aqoon u leh
ahaan jireyna Duuliyayaashii diyaaradaha xilliyadii ay dawladdu jirtay, waxaana loogu
doortay waa nin aqoon u leh waxaana la doonayaa in la habeeyo maamulka duulista hawada ee
DGPL, taasoo noqotay mid lagama maarmaan ah in ay ka howl gasho isla markaana ay
koontaroosho in ay la xisaabtanto waxna ka qaban karto dayactirka iyo qawaaniinta u degsan
in laga dhigo Agaasin Madax-bannaan oo hoos taga Madaxtooyada DGPL,waxaan u rajaynayaa in
xilka cusub uu Illaahay u fududeeyo.
Waxaa kale oo jirtay in Shirkadda
DAALO AIRLINES ay geystay xadgudub, isla markaana la ganaaxay lacag dhan $20,000 (labaatan
kun oo Dollar), warqadihii waxaa lagu wareejiyey Agaasimaha Guud ee Hayadda Duulista
iyo Diyaaradaha Rayidka (Civil Aviation), waayo waxay samaysay ku xadgudub u degsan xagga
sharciga,taa oo khaladaadkeedu badan yihiin
.In Kooxda Carta ay magacowday guddi
cusub mana qaadan karno, mana aqbalayno, waayo Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa ( Hal
xaaraan ah Nirig Xalaal ah ma Dhasho) diyaarada soo qaada in aysan ka soo degi karin xuduudaha Dawlad Goboleedka Puntland
soona qaadin karin ciddii soo qaada in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo
...
Waxaa hadalkii qaatay
Madaxweyne-ku-xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland, Md, Maxamed Cabdi Xaashi, oo halkaas ka
soo jeediyey khudbad uu kaga warbixinayo heerka ay marayso Hayadda cusub oo la doonayo in la sii hormariyo oo ay
noqoto hayad madax-bannaan waana talo wanaagsan.
Madaxweyne-ku-xigeenku wuxuu kaloo ka
hadlay xaalada maanta ay marayso Soomaaliya wuxuuna taataabtay gardarada cad ee waayadan Maamulka
M.I.Cigaal uu ka wado Gobolada Puntland qaarkood, taasoo uu ku sheegay afti-ku-sheeg in laga qaadayo Gobolada Sool, Sanaag iyo
Degmada Buuhoodle, kuwaasoo ku abtirsada Puntland.
Somaliland oo horey u sheegatay in ay
Soomaaliya ka goaday, dadka ku dhaqan goboladana oo aan doonayn in Soomaali
kala googodo
na looma keeni karo oo afti-ku-sheega Hargeysa haku
buuxiyaan, dadka Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhoodle in ay ka goaan walaalahood dooni
maayaan, waayo Togdheer ma ogola in ay Soomaali kala godo, Awdal-na lagama oggola,
caalamkuna
Eeg bogga 5-aad
Warsidaha
Puntland Tirsi 92-aad Khamiis
17/05/2001
Bogga 5-aad
Ka yimi bogga 4-aad
ma oggola in Soomaaliya la kala
googooyo ee Xabbad iyo xoog waxba lagu qaadi maayo caqligu ha taliyo.
Intaas ka dib, waxaa hadalkii qaatay
Agaasimaah cusub ee Hayadda Duulista iyo Diyaaradaha Rayidka Duuliye Sare, Axmed
Xaaji Cilmi Cabdulle, isagoo codsaday in ay gacan ku siiyaan siduu u gudan lahaa masuuliyadda
la saaray, wuxuu kaloo ka hadlay in Garoomada Muqdisho iyo Hargeysa laga kala
dhaxlay gumaystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska, kan Puntland-na uu yahay mid cusub oo
aan laga dhaxlin gumaystayaashii dalka ka talin jirey, mudda aan ku dhamaystiri doono
waxay noqonaysaa 100-maalmood (Boqol maalmood), haddii Alle idmo, annagoo ku kalsoon
aqoontayada iyo
waayo-aragnimadayada taasoo aan u leeyahay aqoontayda.
Intaa
ka dib, waxaa la isweydaarsaday oo lagu kala saxiixday Document-gii ay lahayd Hayadda
Duulista iyo Diyaaradaha Rayidka (Civil Aviation).
Munaasabadaas waxaa goob joog ka ahaa
Wasiirka Iskaashiga Caalamiga iyo Qorshaynta Md, Maxamed Xasan Nuur, Wasiirka Ganacsiga
iyo Warshadaha, Md, Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade), Agaasimaha
Guud ee Shaqada iyo Shaqaalaha Duuliye
Sare Md, C/laahi Axmed Cabdulle (As-Hari), Wakiilka Hayadda
UNDP Miss Pat Johnson iyo dadweyne aad u faro badan oo xafladdaas lagu marti qaaday.
6. MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA
DGPL OO FURAY TABABAR SAXAAFADEED.
Isniin, 14/05/01-da
WARSIDAHA
Garowe
Madaxweyne-ku-xigeenka
Dawlad Goboleedka Puntland, Md, Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa 9:00 subaxnimo hoolka Shirarka
ee NESHA ka furay Siminaar lagu baranayo Saxaafadda, soconayana muddo 10-cisho ah.
Madaxweyn-ku-xigeenka
oo ka hadlay ahmiyadda saxaafaddu u leedahay bulshada wuxuu yiri :
Suxufigu
waa qaali, waa inuu ahaado ninka suxufiga ah xilkas uusan ahaan nin saxaafadda ceebeeya, saxaafadduna
waxay ka mid tahay meelaha aqoonta laga helo.
Waxaa
jira Wargeysyo ka soo baxa Boosaaso oo aan run ku hadlin ama aan qorin haddii aynu soo
qaadano Wargayska la yiraahdo AL-WADAN, oo caddadyadiisii ugu dambeeyey mid ka mid ah ku
qoray waxaan sal iyo baar toona lahayn, wuxuuna qoray Gobolka Bari wuxuu samaystay
Maamul, isaga u gaar ah Dawlad Goboleedka Puntland waa ka goostay, haddaba, kaas oo
kale wuxuu waajib u leeyahay in la mariyo ayaa habboon.
Waxaan
Aniga naf ahaantay la xiriiray Madaxa Laanta Afka-Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad
Cumar, waxaana u sheegay in mudaharaadyo laga dhigay
Gobolada Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhoodle arrintaasi in ay jirto wallow aan kaftanay
wuxuu yiri Aniga ayaa doonaya haddii uu galabtaa bixi waayo warkaas, habbeenimadii ayaa sii daynayaa, labadaasna midkood kuma
bixin, wuxuu yiri Intuu nin xafiiska joogay telefoon u soo diray mudaharaadkii wuxuu
ahaa mid wajiyo badan oo qaar baa lahaa Carta ha dhacdo, qaarna meel buuq ah ka hadlayey.
Si
kastaba, arrintu ah ahaatee waxaan ku boorinayaa in aad tababarkaan ka faaiidaysataan,
tababarkuna uu najaxo.
Waxaa isna ka mid ahaa raggii ka hadlay siminaarkaas Wakiila EU-da u fadhiya Puntland .
Warsidaha
Puntland Tirsi 92-aad Khamiis
17/05/2001
Bogga 6-aad
WARARKA
GOBOLLADA
..
(SHIR LAGU QABTAY
XARUNTA GOBOLKA SANAAG BARI)
Isniin, 14/05/01-da.. WARSIDAHA
Sanaag Bari.
Waxaa ka dhacay 14/05/01-da fagaaraha
weyn ee ku yaal Magaalada Badhan ee Xarunta Gobolka Sanaag shir balaadhan oo ay ka soo
qayb galeen dhammaan Madaxda Dawladda Heer Gobol iyo Heer Degmo iyo dhammaan qaybaha kala
duwan ee bulshada.
Shirkaasi wuxuu furmay
saacadu markay ahayd 8:00 subaxnimo, wuxuuna soconayey ilaa 12:30-kii duhurnimo, ugu
horeyntii waxaa shirkaas furay oo khudbad dheer ka soo jeediyey Guddoomiyaha Gobolka
Sanaag Md, Maxamuud Siciid Nuur (Dabayl), wuxuuna dadweynaha hordhigay oo u taataabtay
waxyaabaha ka jira maanta Soomaaliya gaar ahaan siyaasaddaha Gobolada Puntland iyo Kooxaha
Cigaal iyo Carta oo doonaya in burburkii majority ahaan goboladeenu ka badbaadeen in ay
soo gaarsiiyaan.
Guddoomiyuhu wuxuu kaloo ku
nuuxnuuxsaday in sare loo qaado himilada siyaasada, dhaqaalaha lana xoojiyo nabadgalyada
iyo difaaca dalka, iyadoo la iska ilaalinayo dadka yar ee had iyo jeer u taagan khal-khal
gelinta.
Waxaa kale oo khubaddo
dhaadheer ka soo jeediyey Guddoomiyaha Golaha Odayaasha Gobolka Sanaag
Salaax Garaad Cali Shire iyo Nabadoon
Xasan Cali Xasan iyo Xubno kale, waxayna si toos ah u dhaleeceeyeen iyagoo ku hadlaya
magaca mujtamaca Puntland kaga imaanaya Gobolada kale ee dalka ee dadka khal-khalka wadaa
isku urursadaan.
Sidoo kale wararka naga soo
gaaraya Gobolka Sanaag, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Md. Maxamuud Siciid Nuur (Dabayl)
wuxuu isla 13/05/200, ku la yeeshay Guddiga Magaalada Badhan ee Xarunta Gobolka Sanaag
kana kooban 36-Xubnood oo ah beelaha degen Badhan, Guddigaasi wuxuu isugu jiraa Nabadoono,
Aqoonyahano, Culumaaudiin iyo waxgarad, waxayna howshoodu tahay xiriirinta Dawladda
iyo Dadweynaha, waxayna ka hortagaan wixii carqalad abuur ah oo dhan.
Guddigaasi waxay leeyihiin
xafiis si toos ah u shaqeeya maalin walba, haddaba kulanka Guddoomiyaha iyo Guddigu ku
yeesheen xafiiska Golaha Oday-aasha Gobolka Sanaag, ayaa Guddoomiyuhu ugu xog waramay
xaaladda siyaasadeed, dhaqaalaha iyo nabadgalayada Puntland, gaar ahaan tan Gobolka Sanaag
ee uu maanta ku sugan yahay.
Guddomiyuhu wuxuu isla
maalintaas kulan kula yeeshay xafiiskiisa madaxda Dawladda heer Gobol iyo heer Degmo oo
kala ahaa madaxda laamaha Dawladda iyo Saraakiisha Ciidammada Daraawiishta, wuxuuna kala
hadlay xaaladda siyaasaddeed ee Gobolka Sanaag iyo Afti-ku-Sheega Maamulka Cigaal.
Wuxuu ku booriyay difaaca Dalka, Diinta iyo Dadkaba in ay ka hortagaan kuwa damaca waalay ee u soo hanqal taagaya Dhulkooda, Adkeeyaana Nabadgalyada iyo sugidda amniga heeganna u ahaadaan xaaladda maanta ka jirta dhulka Puntland.
BURCADDII DHACDAY
LACAGTII WASAARADDA MAALIYADDA OO GACANTA LAGU DHIGAY
Talaaddo 15/05/2001
WARSIDAHA
Garowe
Taliye xigeenka Ciidanka Booliska ee Gobolka Nugaal, Gaashaanle
dhexe Siciid Warsame Jaamac, ayaa WARSIDAHA u sheegay in Burcadii dhacday lacagtii
Wasaaradda Maaliyadda gacanta lagu dhigay dhammaantood, tiradooduna ahayd 5-qof. Isla
maalintii falkaasi dhacay ee taariikhdu ahayd 10/05/2001, waxaa gacanta lagu dhigay 3-ka
mid ahaa burcadii, iyadoo labada kalana la qabtay taariikhdu markay ahayd 14/05/2001,
waxaana dhamaantood qabtay Ciidan ka tirsan Saldhiga Degmada Garowe, Saldhiga Degmada
Buurtinle iyo Ciidanka Birmadka Booliska ee Gobolka Nugaal.Lacagta ladhacay oo ahayd labo
qaybood waxay dhammayd 4,832,950, Sh.So oo ay lahayd Dawladda iyo 800,000 Sh.So oo
dadweyne lahaa, waxaana loosoo waday Magaalada Garowe, iyadoo laga soo qaaday Degmada
Buurtinle waxaana lacagtaas lagu dhacay oo falkaasi ka dhacay Buundadda jidka laamiga ee
saddex- Qolay ee Waqooyi Bari ka xigta Degmada Buurtinle. Burcadaasi waxay dhaawac
qaarkood halis yahay u gaysteen Afar Qof oo saddex Rag yihiin midna Gabar tahay iyo
baabuurkii lagu waday lacagta oo ay khasaaro u geysteen. Burcada lacagta dhacday oo
saddexdii horey loo qabtay ay hadda ku jiraan Xabsiga Gobolka Nugaal, labada kalana ay
hadda ku xiran yihiin Saldhiga Booliska Garowe, dhawaana lasoo taagi doono Maxkamada
waxaana magacyadooda la kala yiraahdaa:-
1. Cali
Siciiid Maxamuud C/lle ( Cali Mahdi) oo dadiisu tahay 22 jir.
2.
C/qaadir
Maxamed Cali oo dadiisu
tahay 23 jir
3. C/waaxid Maxmuud
Cali Cabdi oo dadiisu tahay 27 jir
4. Ibraahim
Yuusuf Muuse oo dadiisu tahay 25 jir
5. Axmed
Ibraahim Cali Dheeg oo darawalkooda ahaa.
Dhammaantood waxaa laga soo qabtay nawaaxiga
Degmada Buurtinle.
Warsidaha
Puntland Tirsi 92-aad Khamiis
17/05/2001
Bogga 7-aad
( Cinwaankaan
hoostiisa wixii lagu qoraa waa Rayi shakhsi ah oo gaar u ah qofka qoray, WARSIDUHU
hala qabo ama yaanu la qabine)
waxaa qoray Ing. Mursal Axmed Nuur.
Kadib
markii aan ka waramay xaqiiqada hungada Xamar ee ay isku magac-aabeen Dawlad Somaliyeed
Xulufada C/qaasim oo ku dhisan qabiil, waxay illa tahay.
1. In aynu dhidibada u aasno Puntland, oo
aynu adkayno Maamulkeena iyo horumarka Dalkeena .
2. Wax magaradka ka soo horjeeda Maamulka
Puntland, iyadoo aan wax lagaarsiin waa in la wacyi geliyo, waxaynu haysanaa Maamul iyo
Dal aan Somaliya inteeda kale ka jirin, waana in laga faaiidaysto Khayraadka
Baddeena iyo Xoolaha Illaahay inagu manaystay.
3. Waxaa nasiib xumo ah magaca wanaagsan
iyo sharafta ay u hayaan Koonfurta Somaliya Madaxweynaha Puntland, waxay had iyo jeer isku
qoomameeyaan, haddii C/laahi oo kale aan haysan lahayn adduunka wax baanu la qaybsan
lahayn Baadi nimaan lahayn bay ag-joogtaa!!.
4. Dhibaatada ugu weyn ee maanta
nahaysata waxaa weeye dadkii oo dhan ayaa siyaasi noqday kii Xoolo lajoogay kii Magaalo
joogayba, Adduun weynaha siyaasiyiintu aad bay ugu yar yihiin siyaasaduna waa Cilmi la
barto. Waqtigu waa marxalado badan yahay, mid walba gooni baa loo qorsheeyaa.
Dad baa waxay ku
eed-eeyaan Madaxweynaha wuxuu wax ka qabtay Ciidamada oo kaliya, haddii fikrad ka qabi
lahaydeen sida ay u habaysan yihiin Koonfurta Somaliya iyo Somaliland saas ma yiraahdeen,
talaabadaas uu qaadayna aad iyo aad bay u hagaagsan tahay.
C/laahi
Yuusuf waa ninkii keenay, Abuuray, Dhisay Puntland, Bilad Sharaf ayuu mutaystay. Sida uu
ciidamada u dhisay ayuu marlabadna u dhisayaa Caaf-imaadka iyo Waxbarashada, waana ogsoon
yahay in Dawladda horumarkeedu yahay Caafimaadka iyo Waxbarashada oo la hor mariyo.
Dalka
horumarkiisa uma xilsaarna Madaxweynaha oo kaliya ee nin walba oo Reer Puntland ah xilku
waa saaran yahay, kuwa Baararka ama meelaha la fariisto ee hadal bilaa micne ah ku haya
waa in ay talo iyo xoogba ku biiriyaan Maamulka, matalan ninkii Gurigiisa Geed ku beera
ama dhagax ka qaada wadadda dalka wax buu u qabatay.
5. Maamul baynu dhisanay,
mudo ayaynu u qabanay, iyadoo aan mudadii dhamaan maxaa hadba meel loogu guurayaa, oo loo
canbaaraynayaa dad aan istaahilin in la Canbaareeyo , waajib waxaa inagu ah in loo mahad
celiyo.
6. Sicir bararka maanta
nahaysta Maamulku wax eed ah kuma laha, sababtu waxa weeye oo eeda iska leh xulufada Carta
iyo Ganacsatada Maanta, waxaana ila haboon in aynu ka hortagno Ganacsatada, sida waalan
wax u doonaya.
PUNTLAND WAA DAL SI WALBA ISKU
FILAN.
Warsidaha
Puntland Tirsi 92-aad Khamiis
17/05/2001
Bogga 8-aad
BISHAARO BISHAARO BISHAARO.
Maamulaha
Dukaanka Qalabka Xafiisyada ee Cawiif Stationary waxa uu macamiishiisa kala duwan ugu
bisaaraynayaa inuu dhawaan Furay Dukaan cusub ee Qalabka Xafiisyada oo noocyo kala duwan
leh sida
·
·
Waraaqaha
A4.
·
·
Faylasha
oo dhawr nooc ah.
·
·
Buugaag
kala duwan.
·
·
Note
Books.
·
·
Qalmaan
noocyo badan.
·
·
Cajaladaha
Kombiyuutarka Nooca loo yaqaan Flopy Disc.
·
·
Rajiistarada
iyo Cashbooks iyo in kale oo aan la soo koobi karin.
Ha
moogaan ee horay u gaar Rugta Qalabka Xafiisyadda.
Aan
kuu tilmaamee waa dhismaha Masjidu Saxaaba
dhanka Bari, wuxuuna u jeeddaa Qorrax ka soo baxa, waxaad ka wici kartaa Tel No. 2217
(Dukaanka) ama 2165 ama 2202.
Waxaa lagu
wargelinayaa dhammaan Gaadiidleyda iyo Wadayaasha Gaadiidka ee Gobolka Nugaal, iyo kuwa
mara wadada in uu bilowday qaybtii 2-aad ee canshuurta wada marista ee 2001-da,
(Circulation Tax), canshuurtaan oo loo qaado doono sidatan :
B.
Gaadiidkii aan
horay loo canshuurin joogayna dalka waxaa la canshuurayaa lix bilood oo ah (Jan-June
2001).
Sidoo kale,
gaadiidkii aan lahayn taariko iyo buug, waxaa waajib ah in ay tagaan Xafiiska PRA-Garowe,
si ay u samaystaan sumadii ama taarikada iyo buugga.
Sidoo kale, waxaa
iyana la ogeysiinayaa Gaadiidlayda in ay bixiyaan canshuurta tijaabada gaadiidka kalana
xiriiraan xafiiska PRA-Garowe.
Haddaba,
Gaadiidlayda aan canshuuran gaadiidkooda mudadii loogu talagalay waxay mutaysan doonaan
ganaax dhan kala bar canshuurta ku waajibtay sida uu qabo sharciga Cashuuraha Berriga ee
Lr-4 iyo Lr-5 oo ah la habsaamidda canshuuraha.
Mahadsanidin
Dr. C/risaaq Cali
Siciid
Maamulaha
Cashuuraha Berriga W/Maaliyadda ee Gobolka Nugaal