Tirsi 94
Khamiis 31/05/2001
Warsidaha
Puntland
Tirsi 94-aad
Khamiis
31/05/2001
Bogga 2-aad
WARARKA
MADAXTOOYADA.
1. MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO DALKA KU SOO LAABTAY
Sabti
25/05/2001-da
.WARSIDAHA
..Garowe
Madaxweynaha
Dawlad Goboleedka Pun-tland,Md,C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayo ee Dalka
Kenya casumaad ugu maqnaa ayaa dib ugu soo laabtay Dalka Sabtidii,iyagoo ka soo degay
Garoonka Diyaaradaha ee Konoko,Garowe.
Madaxweynaha
Dawlad Goboleedka Puntland waxa wafdiga uu hoggaaminayay ka mid ahaa oo ku weheliyay
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha,Md, Axmed Cabdi Maxamuud {Xaabsade},Waiirka Xannaanada
Xoolaha Beeraha iyo Deegaanka Md,Maxamed Xaaji Aadan.
Madaxweynaha
Dawlad Goboleedka Puntland iyo wafdi ka socda ururka SRRC oo ka koobnaa 25 Xubnood uuna
hoggaaminayay Guddoomiyaha Ururkaas ee Xilligan Generaal Aadan C/laahi Nuur (Gabyow).Waxay
casumaad rasmiya ka heleen Madaxweynaha
Kenya,Md,Daniel Arab Mao iyo
Dawladdiisa. Madaxweynaha DGPL iyo ururka wafdigii ka socday ururka SRRC, waxay la kulmeen Madaxweynaha Kenya, iyagoo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladda Soomaaliya ay maanta marayso, dib-u-heshiinta Soomaaliyeed, taasoo ay ku howlan yihiin dawladaha IGAD, oo ay Kenya xubin ka tahay, waxaana la isku af-gartay dhammaan in ay ka soo qayb-galaan qaybaha Soomaaliya. Madaxweynaha DGPL iyo Madaxweynaha dalka Kenya, waxay kaloo ka wada hadleen xiriirka gaar ahaaneed ee ka dhaxeeya Puntland iyo dawladda Kenya. Madaxweynah iyo wafdigiisa waxaa garoonka Conoko ee Garowe ku soo dhoweeyey Madaxweyne-ku-xigeenka DGPL Md, Maxamed Cabdi Xaashi, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Dr, Yuusuf Xaaji Siciid, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Md, C/qaadir Islaan Maxamed, Wasiirka Maaliyadda, Md, Siciid Maxamed Maxamuud iyo dadweyne faro badan.
Madaxweynaha Dawlad
Goboleedka Puntland, Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa Taariikhdii 21/05/2001 soo saaray
Dekreeto Lamb. 237, taas oo uu ku saxiixnaa Madaxweynaha waxayna u qornayd sidatan:-
Madaxweynaha
Dawlad Goboleedka Puntland Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed, markuu arkay Axdiga Dawladda
Puntland, Nidaamka Garsoorka Puntland iyo qodobka 12 ee XHCS.
Markuu arkay Xeer Madaxweyne Lamb. 184 ee 18/01/2001.
Markuu ogaaday, dhibaatooyinka ka jira xagga dacwadaha ciqaabta ah, qaadistooda iyo Xabsiyada Dalka oo ay ku xiran yihiin maxaabiis badan oo garsuge ah.
1. In laga noqdo Xeer Madaxweyne Lamb. 184 ee soona baxay 19/01/2001, ilaa amar dambe.
2. Booliiska, xeer-illaalinta iyo Maxkamaduhu u wada shaqeeyaan habkii ay u wada shaqayn jireen, intii ka horraysay Dikreeto Madaxweyne Lamb. 184, ee 19/01/2001.
3.
MAAMUL CUSUB OO LOO MAGACAABAY DEGMADA
XUDDUN.
Madaxweynaha Dawlad
Goboleedka Puntland Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa Taariikhdii 15/05/2001, soo saaray
Dekrreeto Lamb. 230, wuxuu Degmada Xuddun u magacaabay Maamulka cusub ee hoos ku qoran:-
1. Yuusuf Guure Caateeye
Guddoomiyaha Degmada Xuddun
2. Saleebaan Barre Geesood
Guddoomiy-ku-xigeenka Demada Xuddun
3. Cabdi Cali Faarax
Xoghayaha D/Hoose ee Degmada Xuddun
4. C/laahi X. Cilmi (Dalmar)
Xisaabiyaha Degmada Xuddun
Warsidaha
Puntland
Tirsi 94-aad
Khamiis
31/05/2001
Bogga 3-aad
WAFDI
UU HOGGAAMINAYO WASIIRKA ISKAASHIGA CAALAMIGA IYO QORSHEYNTA OO KU SUGAN BADHAN
SABTI
.WARSIDAHA
.SANAAGBARI
..
Wafdi uu
hoggaminayo Wasiirka Iskaashiga Caalamiga iyo Qorsheynta Mudane, Maxamed Xasan Nuur, oo ay
weheliyaan wasiir-ku-xigeenka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka
ayaa weli ku sugan Badhan, wafdigaas intii ay joogeen waxay kulamo gaar-gaar ah la
yeesheen maamulka Gobolka iyo kan degmada Badhan, Laas-qoray iyo qaar ka mid ah
madax-dhaqameedyada oo isugu jira isimo, cuqaal, waxgarad, culumaaudiin iyo
aqoonyahanno.
Wafdigu
wuxuu warbixin guud ka dhegaystay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Md, Maxamuud Siciid Nuur
(Dabayl).
Wafdigu
ugu dambayntii waxay isu qaybiyeen saddex qaybood oo u kala baxaya dhammaan deegaammada
Gobolka Sanaag, waxayna Magaalada Badhan ka kala baxeen 25/05/01-da, 26/05/01-da,
26/05/01-da, wafdigaas oo u kala ambabaxay degmooyinka Laas-qoray, Dhahar iyo tuullooyin
ka tirsan deegaanka Ceeri-gaabo, waxaana la filayaa in ay shan casho gudahood ku
dhamaystaan howlihii loo kala diray iyo in ay warbixin ka soo bixiyaan waxyaabihii ay kala
soo kulmeen.
Dhanka
kale, waxaa mudaharaadyo waaweyn ay ka dhaceen dhammaan degmooyinka Badhan, Laasqoray,
Dhahar iyo tuulooyinka ay ka mid yihiin Hadaaftimo, Yube, Carmale, Ceelbuh, Xingalool,
Buraan, Baraagaha Qol, Mindigale iyo meelo la xiriira.
Mudaharaadyadaas
waxay soconayaa illaa bisha June labadeeda 2001-da, taasoo lagu diidan yahay
afti-ku-sheega Maamulka M.I.Cigaal iyo waxa uu wato.
28/05/01-da
KBC
Kenya
Idaacadda KBC ayaa xalay
sii daysay khudbad oo uu soo jeediyey Madaxweynaha Dalka Kenya, Md, Daniel Arab Moi,
waxayna khudbadaasi socotay muddo dhan 7-daqiiqo, uuna ka soo jeediyey xaflad ay u dhigeen
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya (Somali Community) iyo Soomaalida Reer Kenya.
Khudbadaas waxa uu
Madaxweynuhu ku sheegay in:
1. Soomaaliya in ay maanta ka deggan tahay oo ay nabad buuxda ka jirto Puntland iyo
Somaliland oo kaliya
2. laakiin dhinaca Koonfureed oo dhan ay ee soo xigga xadka Kenya ay aad u qasan
tahay, isla markaasna aysan ka jirin wax maamul ah ama degenaansho leh.
Sidaa darteed, loo baahan yahay in dhammaan Soomaaliya oo dhan ay ku daydaan sida gobolada aan kor ku soo sheegnay.
Waxa
kale oo uu Madaxweynaha Kenya Daniel Arab Moi, uu sheegay in dhowaan uu isugu yeeri doono
dhammaan Hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed shir loo dhan yahay, halkaasoo lagu falanqayn doono
dib-u-heshiisiin Soomaaliyeed oo loo wada yahay.
Warsidaha
Puntland
Tirsi 94-aad
Khamiis
31/05/2001
Bogga 4-aad
26/05/01-da
WARSIDAHA
Sanaag-Bari
baaq ay
soo saareen Beelaha Sanaag-Bari, baaqaas oo ku kala socday dhammaan cidda ay khusayso ayaa
wuxuu u qornaa sidatan:-
KU: UN
Secretary General
New York
KU: UN
Secretary General Reprehensive
Nairobi
KU: IGAD
Djibouti
KU: O.A.U
Addis Ababa
KU: BBC
Somali Section Bush House
London
KU: Jaalliyadaha Warsangeli ee Dibaddaha ku nool
Haddii aannu Beelaha
Warsangeli ee Sanaag-Bari deggan waxaanu halkan ku cadeynaynaa inaanan ka tirsanayn Maamulka la magac baxay Somaliland ee M.I.Cigaal
madaxda ka yahay,mana ogolin inaannu Soomaliya ka goosano.
Sidaa darteed, waxaanu
Caalamka la socodsiinaynaa inaan Aftida Dastuurka Cigaal wado haba yaraatee na loo keeni
karin.
Waxaannu aad uga digeynaa
innaanan nabadgelyada iyo xasilloonida Deegaamada taal waxba loo dhimin,ugu danbeyn
waxaannu Caalamka u sheegeynaa innaanu ka tirsanahay Dawlad Goboleedka Puntland ee
Soomaaliya inta laga gaarayo Qaran Soomaaliyeed.
Baaqaas Dadka saxiixay
tiradooddu waxay dhan tahay ,108,Qof
1. Ismaaciil Suldaan Maxamuud
Cali Shire
2. Jiif Caaqil Xasan Cali Xasan
3. Jiif Caaqil Maxamuud Ismaaciil Cabdi Qoobeey
4. Jiif Caaqil Jaamac
Warsame Faarax
5. Jiif Caaqil Maxamed
Xasan Cumar
6. Jiif Caaqil Yaasiin Cali
Muuse
7. Jiif Caaqil Muuse Cali
Faatax
8. Jiif Caaqil Xasan Awaare
Caroole
9. Jiif Caaqil C/qaadir
Maxamed Muuse
10. Jiif Caaqil
Bashiir Ducaale
11. Jiif Caaqil
Maxamed
Muuse Nuux
12. Jiif Caaqil
Maxamuud Cabdalle
Maxamuud
13. Jiif Caaqil
Jaamac Maxamed
Cashuur
14. Jiif Caaqil
Warsame Dalmar Ciise
15. Jiif Caaqil Cabdi
Faarax Cilmi
16. Jiif Caaqil Cali
Cabdi Cali Madax
17. Jiif Caaqil
Maxamed
Siciid Cabdi
18. Jiif Caaqil Xasan
Faarax Maxamuud
19. Jiif Caaqil Axmed
Maxamed Xasan
20. Jiif Caaqil Axmed
Askar Cali Shire
21. Jiif Caaqil Axmed
Suudi Ducaale
22. Jiif Caaqil
Bashiir Siciid Ibraahim
23. Jiif Caaqil
Maxamed Axmed Sheekh
Leben
24. Jiif Caaqil
Jaamac Xirsi Faarax
25. Jiif Caaqil
Maxamed Cali Cabdi
26. Jiif Caaqil
Maxamuud Axmed Yuusuf
27. Jiif Caaqil
C/laahi Cabdi Ibraahin
28. Jiif Caaqil
Maxamuud Xasan Maxamuud
29. Jiif Caaqil
C/laahi
Maxamed Xasan
30. Jiif Caaqil Cabdi
Shire
Maxamed
31. Jiif Caaqil
Yuusuf Shire Careysanne
32. Jiif Caaqil Axmed
Siciid Madaxeey
33. Jiif Caaqil
Saxardiid Cali
Cumar
34. Jiif Caaqil
Xuseen
Gurxan Geedi
35. Jiif Caaqil
Maxamuud Nuur Jibriil
36. Guurti
Caaqil Saalax
Garaad Cali Shire
37. Guurti
Sheekh Axmed
Yuusuf Maxamed
38. Guurti Cali
Cabdi Aw Jibriil
39. Guurti
Ciise Sar Shalmad
40. Guurti Maxamed Cabdi
Xaaji Dabshid
41. Guurti Maxamed Liib- aan Carab
42. Guurti
Axmed Saalax Maxamed
Dhahar
43. Guurti
Axmed Taajir Cali
Maax
44. Guurti C/casiis
Maxamuud
Suldaan
C/salaan
45. Guurti
Aadan Xaaji Siciid
46. Guurti
Maxamuud Maxamed Jibriil
Madoobe
47. Guurti
C/laahi Cabdi
Nuur Cawl
48. Guurti Cali
Cabdi Cali
49. Guurti
Cabdi Maxamed
Cabdi Gaas
50. Guurti Cali
Maxamuud Maxamed
51. Guurti Cali
Ducaalle
Yuusuf
52. Guurti
Siciid Xasan Maxamuud
53. Guurti
Aaadan Cabdi Jaamac
54. Guurti
Khaliif Ducaalle Sugulle
55. Guurti
C/rashiid
Maxamed Nuur
56. Guurti
Cawad Yuusuf Cimi
57. Guurti Cali
Axmed Cigaal
58. Guurti
Sheekh Axmed
Cismaan Xirsi
59. Guurti
Yuusuf Xaaji Warsame
60. Guurti Cali
Muuse Xaad
61. Guurti
Maxamed Siciid
62. Guurti
Maxamed Cali Maxamed
Gancir
63. Guurti
Xasan Jaamac Dhegood
64. Guurti
Axmed Xasan
Maxamuud
65. Guurti
C/salaan Axmed Ciise
66. Guurti
C/salaan Xirsi
jaamac Axmed
67. Guurti
Sugule Maxamed
Ismaaciil Qoobey
68. Guurti Cali
Maxamed Ducaale
69. Guurti
C/raxmaan Aw- Cali
70. Guurti
Maxamuud Faarax Cismaan
71. Guurti Sh.
C/Qaadir Axmed Ismaaciil
72. Guurti Sh.
Saciid
Cismaan Cali
73. Guurti Sh.
Ismaaciil
Maxamed Awaare
74. Guurti Sh.
C/Laahi
Maxamed Xasan
75. Guurti Sh.
Maxamuud Macallin
76. Guurti Sh.
C/Laahi
Dheere
77. Guurti
Cawad Cabdi
Ducaale
78. Guurti Xaaji Axmed
Barre Dhunkaal
79. Guurti Xaaji Cumar
Axmed Bulqaas
80. Guurti Xaaji Cismaan
Axmed Bulqaas
81. Guurti Xuseen Saalax Warsame
82. Guurti Maxamed Siciid Cali
83. Guurti
Maxamuud Axmed Suldaan Maxa-
muud
84. Guurti
Axmed Ciise Cashuur
85. Guurti Cali
Muuse Kala- Goan
86. Guurti
Muuse Jaamac Xasan
87. Guurti
Siciid Maxamed
Cali
88. Guurti Axmed Maxamed Faarax
89. Guurti Maxamed Ciise Maxamed
90. Guurti C/Kariin
Maxamed Xasan (Kufur)
91. Guurti Cawil Nadiif
Maxamuud Cali Shire
92. Guurti Maxamuud Xasan Nuur Suldaan
93. Guurti Xaamud Liibaan Carab
94. Guurti Haaruun
Maxamed Faarax
95. Guurti Saalax Muuse
Liibaan
96. Guurti C/Salaan
Maxamed Muuse
97. Guurti C/Risaaq
Maxamed Muuse
98. Guurti Maxamuud C/Laahi Maxamed
99. Guurti Daahir Jaamac Aadan Gaas
100. Guurti Jaamac Cabdi
Aadan Gaas
101. Guurti
Xaamud
C/Laahi Maxamed
102. Guurti
Aadan Jaamac
Jibrii
103. Guurti
Yuusuf Dirir Maxamed
104. Guurti
Cawil Ciise Raagge
105. Guurti
Axmed
Maxamuud Cali
(Jeeni-Taag)
106. Guurti
Cabdi Xaaji Cilmi
107. Guurti
Maxamed Faarax
Furrin
108. Guurti
Cawad
C/raxmaan
Xirsi:
Ka dib markii ay shir isugu yimaadeen Nabadoonada, Samadoonadda,Waxgaradka Beesha Aadan Cigale, meel kastana si qoto dheer loo falanqeeyey, waxay isku waafaqeen sidaan hoos ku xusan :
Ø Beesha Cumar Maxamuud oo ka kooban (27) qoys, waxa ayan u dhammayn Reer Aadan diyaar uma ahan in ay ka qayb galaan.
Ø Beesha Reer Aadan Cigale waxay soo dhoweynaysaa wada jirka shanta gobol oo deegaanka Puntland ku bahoobay, ciddii keenta fikarad ku lidi ah nidaamka aynu samaysanayna waxaan u arkaynaa kuwo u adeegaya cadowga Puntland.
Ø Dhaqan iyo siyaasadu ma ahan wax shakhsi iyo shakhsiyaad sidii ay doonaan u isticmaalaan, waxaana loo doortay madax dhaqameedyo, galo xukumo iyo mid baarlamaanka.
Ø Dinta islaamka waxaanu u lahayn
haddana u leenahay mashaaish iyo culumo ab iyo isir waanu ku dhaqmi jirnay, waana ku
dhaqanaa mana jirto diin cusub oo aan hadda qaadanayno.
Waxaan cid kasta oo Reer Puntland ah u soo jeedinaynaa in laga shaqeeyo wada jirka, midnimadda, horumarka, iyo nabadgelyada deegaamadeena laguna mahdiyo Ilaahii nimcadda inagu manaystay, meelna looga soo wada jeesto cid kasta oo xasiloonada wax u dhimaysa.
1.
Nabadoon Maxamed
Xasan Faarax
2.
Nabadoon Nuur Maxamed Axmed
3.
Nabadoon Xasan Salaad Aadan
4.
Nabadoon Maxamed Jibriil Bayle.
5.
Samadoon Warsame Faarax (Af-dabayl)
6.
Samadoon Maxamuud Samatar Cali
7.
Samadoon Faarax Warsame Saxar
8.
Samadoon M. Cali Muuse
9.
Samadoon Daahir Cali Mire
10. Samadoon Axmed Cali Mire
11. Samadoon Barre Gacamey
12. Samadoon Faarax Maxamed Nuur
13. Samadoon Yuusuf Cali Xarruud
14. Samadoon Cabdulle Diiriye Koofil
15. Samadoon M.Diiriye Koofil
16. Samadoon Abshir Cabdulle Fadli
17. Samadoon M.Diiriye Tuke
18. Samadoon Faarax C/laahi Cali
19. Samadoon Daahir Khaliif Maxamuud
20. Samadoon Aadan Gaas Xaashi
21. Samadoon M.Khaliif Maxamuud
22. Samadoon Aadan Binow Khaliif
23. Samadoon Axmed Faarax Jugul
24. Samadoon C/risaaq Aadan Maxamed
25. Samadoon Geelle Cali Mire
26. Samadoon M.Jibriil Bayle
27. Samadoon C/nuur Xuseen Cumar
28. Samadoon M.Cali Jaamac
29. Samadoon C/naasir M. Cumar
30. Samadoon Muuse Jibriil Bayle
31. Samadoon C/naasir Yaasiin Mire
32. Samadoon Abshir Ciise Dhuxul
33. Samadoon Dhiif C/laahi Faarax
34. Samadoon C/laahi Jaamac Bayle
35. Samadoon Cali Warsame Bayle
36. Samadoon M.jaamac Warsame
37. Samadoon C/laahi Faarax Seeraar
38. Samadoon Maxamed Jaamac Dirir
39. Samadoon Aadan Jaamac Dirir
40. Samadoon M.Warsame Faarax
41. Samadoon Cabdi Faarax Qooje
42. Samadoon Siciid Faarax Qooje
43. Samadoon Cabdul Faarax Qooje
44. Samadoon C/risaaq Faarax Seeraar
45. Samadoon C/rashiid Faarax Seeraad
46. Samadoon C/raxmaan Cabdulle Xasan
47. Samadoon Cabdi Daahir Seeraar Nuur
48. Samadoon Jaamac Cabdi Xaashi Nuur
49. Samadoon Yuusuf Nuur Calow
50. Samadoon Jaamac Cabdulle Basle
51. Samadoon M.Cabdulle Basle
52. Samadoon Xirsi Faarax Af-yare
53. Samadoon Yaasir Warsame Jaalle
54. Samadoon Cali Faarax M. Ismaaciil
55. Samadoon Xirsi Barre Xaalays.
56. Samadoon Cabdul Dalmar Cali
57. Samadoon Warsame Yuusuf Cabdulle
58. Samadoon Siciid Maxamed Ismaaciil
59. Samadoon M. Yuusuf Ismaaciil
60. Samadoon C/laahi Yuusuf Ismaaciil
61. Samadoon Saleebaan M. Ismaaciil
62. Samadoon Cali Shire M. Ismaaciil
63. Samadoon M. Ismaaciil Aadan
64. Samadoon Aadan Cabdulle Cali
65. Samadoon M. Maxamuud Diiriye
66. Samadoon C/laahi M. Ismaaciil
67. Samadoon Aadan Maxamuud Ismaaciil
68. Samadoon Jaamac Aadan Xaalays
69. Samadoon C/laahi Daahir Dhenged
70. Samadoon C/salaan Aadan Faarax
71. Samadoon Maxamuud Samatar Cali
MAXAMED IBRAAHIM CIGAAL MA KA FAAIIDAYSANAYAA FURSADDA UU HAYSTO???.
(Prof. Maxamuud Ismaaciil)
Maxamed Ibraahim Cigaal
oo ah Madaxweynaha Somaliland:
1.
Wuxuu ku celceliyey in Soomaliya iyo Somaliland ay
yihiin laba dal oo kala duwan
2.
Cigaal gooni isutaaga Somaliland wuxuu ku raadinayaa
kicin caadifad beeleed
3.
Sababaha Cigaal sheego, waxa ka mid ah dhibaatooyin
gaara ee dawladdii JDS u geysatay beesha uu ka dhashay
4. Cigaal wuxuu ka gudbey xukun jacayl dartiis xuduudii muqaddasaadka ee Islaamka,
mabaadiida iyo danaha asaasiga ah ee Soomaaliyeed ilaa heer uu Israaiil gacanta u
fidiyo oo dhabarka u jeediyo ummadda carbeed
5. Xaqiiqdadu waxa weeye Cigaal oo ka mida Waardiyayaasha hore ee dalka ku heeray
qabyaaladda, musuqmaasuqa iyo loolan beeleedka, waxaynuna si fudud u xasuusan karnaa
Cigaal waqtiguu raiisal wasaaraha ahaa 1967-1969-kii in uu qaynuunkii dawladda ku
beddelay OK Cigaal.
6. Cigaal xukun jacaylku wuxuu illowsiiyo in dhulka uu rabo in uu goosto la dhaho
(Somaliland) ama dhulka Soomaaliyeed oo cidina aanay xaq u lahayn kala qaybintiisa,
gumaysiguna hore ugu guul daraystay in uu kala qaybiyo.
7. Dhibaatada Cigaal leeyahay, waxay ku dhacday beeshiisa bilowgii xoogeedu wuxuu ku
dhacay beeshii asaastay ururka SSDF, ka dibna Soomaali oo dhan ayey saamaysay ilaa
dawladdii burburtay oo dagaal sokeeye dhacay.
8. Xarakaadka Cigaal u samaynayo in uu Soomaaliya kala qaybiyo sida doorasho wax si
ka yihiin , afti ama afduub, ku dhawaaqid dastuur kala qaybinaya dal aan kala goi
karin, iyo dad isir, diin, af, dhaqan iyo danba wadaaga iyadoo casrigani yahay casri
ummadda kala isir ah ee aan af iyo dhaqan wadaagini bahoobayayaan si ay danaha ka dhexeeya
u gaaraan.
Maxamed Ibraahim Cigaal isaga oo u u
jeeda ifafaalayaal caddaynaya in fikradda ku dhisan (qaybi oo xukun) aanay ka hirgelayn
Soomaaliya, waxaana daliiil u ah fashalka aftidii ama afduubkii Cigaal kaga dhacay Sool
iyo bariga Sanaaga iyo Togdheer meelo ka mid ah.
Madaxweyne Cigaal: Soomaali in aad
kala googoyso dalkeeda, kursiga ka degi maayo weligay iyo fikrad gobowday ayaan ku
shaqaynayaa waa riyo aan dhoboobayn, waxaadna hay-sataa fursad aad dib ugu qiimayso
siyaasadaada ee ka faaiidayso.
GUDDOOMIYAHA
GOBOLKA NUGAAL OO SOO SAARAY WARQAD.
Guddoomiyaha
Gobolka Nugaal, Md, C/laahi Xasan Faarax ayaa soo saaray warqad summadeedu ahayd
PL/GN/708/2001, soona baxday taariikhdu markay ahayd 29/05/01-da, waxayna u qornayd
sidatan :
Ku: Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo
Amniga Garowe
Ku: Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka
Nugaal Garowe
Ku: Taliyaha Ciidanka Deegaanka Garowe
Og: Wasaaradda Hawlaha Guud iyo
Gaadiidka Garowe
Og: Madaxweynaha Dawlad Goboleedka
Puntland
Garowe
Sida aan la wada socono, dadweynaha ku nool Gobolka Nugaal waxaa caado u ahayd waligoodba ka shaqaynta nabadgelyada, xasiloonida, dhawrista sharafta iyo jiritaanka ummadda ku nool gobolka.
Waxaa jirtay in
gobolada kale nagu kuunyaan horumarka aan ka gaarnay degenaanshaha, waxaa beryahan dambe
soo ifbaxay sida la wada ogsoon yahay arrimo aad u fool xun oo ka dhan ah jiritaanka
Dawlad Goboleedka Puntland, kuwaas oo laga soo abaabulay gobolo kale, si wax loogu yeelo
nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka.
Waxgaradka iyo
dadweynaha Gobolka Nugaal, waxaan u sheegaynaa in ay iska ilaaliyaan una yeeshaan
feejignaan kuwa u heelan oo wax-ma-garadka ah burburka iyo waxyeelada ummadeena.
Waxaan qabnaa
in dadkeena xil ka saaran yahay ka hortaga shirarka qarsoodiga ah oo lagu maleegayo
dadkeena iyo dalkeena laguna waxyeelaynayo.
Waxa kale oo
hadda socota dhul boob xad dhaaf ah oo lagu hayo dhulka ummadda ka dhexeeya sida garoonka
diyaaradaha, EX-Inji, xeradii hore ee Gaadiidka, agagaarka Isbitaalka iyo meelo kale oo la
mid ah, arrintaan waxaa ka dambeeya figrado ku salaysan kicin iyo iska hor imaad bulshada
dhexdeeda ka aloosan.
Sidaas darteed,
waxaan bulshada uga digaynaa in layska ilaaliyo kuwa noocaas ah oo aan soo sheegnay, fiiro
dheerna loo yeesho, isla markaasna waxaa hayadaha amniga ku shaqada leh lagu
wargelinayaa in ay ka qaadaan tallaabo sharci ah cidda wada falkaas.
Mahadsanidin
C/laahi Xasan Faarax
Guddoomiyaha Gobolka Nugaal
Dhammaan Shaqaalaha kala duwan ee Laamaha Dowladda ee Shaqaalaha Gobolka Sanaag-Bari, loogu baaqayaa in ay ku soo xeroodaan muddo 7 (toddoba) cisho ah Xarunta Gobolka oo ah Badhan, shaqaalahaas waxay kala yihiin :
1.
Isu-duwaha Dawladaha Hoose ee Gobolka
2.
Guddoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka
3.
Isu-duwaha Caafimaadka ee Gobolka
4.
Isu-duwaha Xanaanada Xoolaha Beeraha iyo Deegaanka ee
Gobolka
5.
Isu-duwaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Gobolka
6.
Guddoomiyaha Bangiga ee Gobolka
Waxaa la
farayaa dhammaan shaqaalahaas in ay ku soo galaan muddo dhan toddoba casho, haddii ay
mudadaas kusoo hawl geli waayaan waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan.
Allaa Mahad leh
Guddoomiyaha Gobolka Sanaag-bari
Maxamed Siciid Nuur (Dabayl)