Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

 

Warsidaha Puntland

Tirsi 94          

Khamiis 31/05/2001 


Warsidaha         Puntland             Tirsi 94-aad            Khamiis                     31/05/2001                   Bogga 2-aad

WARARKA MADAXTOOYADA.

1.            MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO DALKA KU SOO LAABTAY

Sabti… 25/05/2001-da….WARSIDAHA…..Garowe

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Pun-tland,Md,C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayo ee Dalka Kenya casumaad ugu maqnaa ayaa dib ugu soo laabtay Dalka Sabtidii,iyagoo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Konoko,Garowe.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland waxa wafdiga uu hoggaaminayay ka mid ahaa oo ku weheliyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha,Md, Axmed Cabdi Maxamuud {Xaabsade},Waiirka Xannaanada Xoolaha Beeraha iyo Deegaanka Md,Maxamed Xaaji Aadan.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland iyo wafdi ka socda ururka SRRC oo ka koobnaa 25 Xubnood uuna hoggaaminayay Guddoomiyaha Ururkaas ee Xilligan Generaal Aadan C/laahi Nuur (Gabyow).Waxay casumaad rasmiya  ka heleen Madaxweynaha Kenya,Md,Daniel Arab Mao iyo

Dawladdiisa. Madaxweynaha DGPL iyo ururka wafdigii ka socday ururka SRRC, waxay la kulmeen Madaxweynaha Kenya, iyagoo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladda Soomaaliya ay maanta marayso, dib-u-heshiinta Soomaaliyeed, taasoo ay ku howlan yihiin dawladaha IGAD, oo ay Kenya xubin ka tahay, waxaana la isku af-gartay dhammaan in ay ka soo qayb-galaan qaybaha Soomaaliya. Madaxweynaha DGPL iyo Madaxweynaha dalka Kenya, waxay kaloo ka wada hadleen xiriirka gaar ahaaneed ee ka dhaxeeya Puntland iyo dawladda Kenya. Madaxweynah iyo wafdigiisa waxaa garoonka Conoko ee  Garowe ku soo dhoweeyey Madaxweyne-ku-xigeenka DGPL Md, Maxamed Cabdi Xaashi, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Dr, Yuusuf Xaaji Siciid, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Md, C/qaadir Islaan Maxamed, Wasiirka Maaliyadda, Md, Siciid Maxamed Maxamuud iyo dadweyne faro badan.

      2. MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO SOO SAARAY WAREEGTO KU SAABSAN XEER LAGA NOQDAY.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa Taariikhdii 21/05/2001 soo saaray Dekreeto Lamb. 237, taas oo uu ku saxiixnaa Madaxweynaha waxayna u qornayd sidatan:-

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed, markuu arkay Axdiga Dawladda Puntland, Nidaamka Garsoorka Puntland iyo qodobka 12 ee XHCS. 

Markuu arkay Xeer Madaxweyne Lamb. 184 ee 18/01/2001.

Markuu ogaaday, dhibaatooyinka ka jira xagga dacwadaha ciqaabta ah, qaadistooda iyo Xabsiyada Dalka oo ay ku xiran yihiin maxaabiis badan oo garsuge ah.

1. In laga noqdo Xeer Madaxweyne Lamb. 184 ee soona baxay 19/01/2001, ilaa amar dambe.

2. Booliiska, xeer-illaalinta iyo Maxkamaduhu u wada shaqeeyaan habkii ay u wada shaqayn jireen, intii ka horraysay Dikreeto Madaxweyne Lamb. 184, ee 19/01/2001.

3.             MAAMUL CUSUB OO LOO MAGACAABAY DEGMADA XUDDUN. 

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa Taariikhdii 15/05/2001, soo saaray Dekrreeto Lamb. 230, wuxuu Degmada Xuddun u magacaabay Maamulka cusub ee hoos ku qoran:- 

1.     Yuusuf Guure Caateeye        Guddoomiyaha Degmada Xuddun

2.     Saleebaan Barre Geesood        Guddoomiy-ku-xigeenka Demada Xuddun

3.     Cabdi Cali Faarax           Xoghayaha D/Hoose ee Degmada Xuddun

4.     C/laahi X. Cilmi (Dalmar)         Xisaabiyaha Degmada Xuddun

Warsidaha         Puntland             Tirsi 94-aad            Khamiis                     31/05/2001                   Bogga 3-aad

 

WAFDI UU HOGGAAMINAYO WASIIRKA ISKAASHIGA CAALAMIGA IYO QORSHEYNTA OO KU SUGAN BADHAN

SABTI….WARSIDAHA….SANAAG—BARI….. 

Wafdi uu hoggaminayo Wasiirka Iskaashiga Caalamiga iyo Qorsheynta Mudane, Maxamed Xasan Nuur, oo ay weheliyaan wasiir-ku-xigeenka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka ayaa weli ku sugan Badhan, wafdigaas intii ay joogeen waxay kulamo gaar-gaar ah la yeesheen maamulka Gobolka iyo kan degmada Badhan, Laas-qoray iyo qaar ka mid ah madax-dhaqameedyada oo isugu jira isimo, cuqaal, waxgarad, culumaa’udiin iyo aqoonyahanno. 

Wafdigu wuxuu warbixin guud ka dhegaystay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Md, Maxamuud Siciid Nuur (Dabayl).

Wafdigu ugu dambayntii waxay isu qaybiyeen saddex qaybood oo u kala baxaya dhammaan deegaammada Gobolka Sanaag, waxayna Magaalada Badhan ka kala baxeen 25/05/01-da, 26/05/01-da, 26/05/01-da, wafdigaas oo u kala ambabaxay degmooyinka Laas-qoray, Dhahar iyo tuullooyin ka tirsan deegaanka Ceeri-gaabo, waxaana la filayaa in ay shan casho gudahood ku dhamaystaan howlihii loo kala diray iyo in ay warbixin ka soo bixiyaan waxyaabihii ay kala soo kulmeen. 

Dhanka kale, waxaa mudaharaadyo waaweyn ay ka dhaceen dhammaan degmooyinka Badhan, Laasqoray, Dhahar iyo tuulooyinka ay ka mid yihiin Hadaaftimo, Yube, Carmale, Ceelbuh, Xingalool, Buraan, Baraagaha Qol, Mindigale iyo meelo la xiriira. 

Mudaharaadyadaas waxay soconayaa illaa bisha June labadeeda 2001-da, taasoo lagu diidan yahay afti-ku-sheega Maamulka M.I.Cigaal iyo waxa uu wato.

MADAXWEYNAHA KENYA OO KHUDBAD KA JEEDIYEY XAFLAD AY QABTEEN JAALIYADA SOOMAALIYEED EE KENYA. 

28/05/01-da… KBC… Kenya

Idaacadda KBC ayaa xalay sii daysay khudbad oo uu soo jeediyey Madaxweynaha Dalka Kenya, Md, Daniel Arab Moi, waxayna khudbadaasi socotay muddo dhan 7-daqiiqo, uuna ka soo jeediyey xaflad ay u dhigeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya (Somali Community) iyo Soomaalida Reer Kenya.

Khudbadaas waxa uu Madaxweynuhu ku sheegay in:

1.      Soomaaliya in ay maanta ka deggan tahay oo ay nabad buuxda ka jirto Puntland iyo Somaliland oo kaliya

2.      laakiin dhinaca Koonfureed oo dhan ay ee soo xigga xadka Kenya ay aad u qasan tahay, isla markaasna aysan ka jirin wax maamul ah ama degenaansho leh. 

Sidaa darteed, loo baahan yahay in dhammaan Soomaaliya oo dhan ay ku daydaan sida gobolada aan kor ku soo sheegnay.

 Waxa kale oo uu Madaxweynaha Kenya Daniel Arab Moi, uu sheegay in dhowaan uu isugu yeeri doono dhammaan Hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed shir loo dhan yahay, halkaasoo lagu falanqayn doono dib-u-heshiisiin Soomaaliyeed oo loo wada yahay.

Warsidaha         Puntland             Tirsi 94-aad            Khamiis                     31/05/2001                   Bogga 4-aad

BAAQ AY SOO SAAREEN BEELAHA SANAAG-BARI

26/05/01-da… WARSIDAHA…Sanaag-Bari

baaq ay soo saareen Beelaha Sanaag-Bari, baaqaas oo ku kala socday dhammaan cidda ay khusayso ayaa wuxuu u qornaa sidatan:- 

KU: UN Secretary General                                                           New York

KU: UN Secretary General Reprehensive                                     Nairobi

KU: IGAD                                                                                          Djibouti

KU: O.A.U                                                                                         Addis Ababa

KU: BBC Somali Section Bush House                                     London

KU: Jaalliyadaha Warsangeli ee Dibaddaha ku nool   

UJEEDDO: BAAQ BEELEED

Haddii aannu Beelaha Warsangeli ee Sanaag-Bari deggan waxaanu halkan ku cadeynaynaa inaanan ka tirsanayn  Maamulka la magac baxay Somaliland ee M.I.Cigaal madaxda ka yahay,mana ogolin inaannu Soomaliya ka goosano.

Sidaa darteed, waxaanu Caalamka la socodsiinaynaa inaan Aftida Dastuurka Cigaal wado haba yaraatee na loo keeni karin.

Waxaannu aad uga digeynaa innaanan nabadgelyada iyo xasilloonida Deegaamada taal waxba loo dhimin,ugu danbeyn waxaannu Caalamka u sheegeynaa innaanu ka tirsanahay Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya inta laga gaarayo Qaran Soomaaliyeed.

Baaqaas Dadka saxiixay tiradooddu waxay dhan tahay ,108,Qof

1.      Ismaaciil Suldaan       Maxamuud Cali Shire

2.      Jiif Caaqil Xasan Cali Xasan

3.      Jiif Caaqil Maxamuud Ismaaciil  Cabdi  Qoobeey

4.      Jiif Caaqil Jaamac         Warsame Faarax

5.      Jiif Caaqil Maxamed              Xasan Cumar

6.      Jiif Caaqil Yaasiin Cali          Muuse

7.      Jiif Caaqil Muuse Cali       Faatax

8.      Jiif Caaqil Xasan Awaare       Caroole

9.      Jiif Caaqil C/qaadir                Maxamed Muuse

10. Jiif Caaqil Bashiir         Ducaale

11. Jiif Caaqil Maxamed              Muuse Nuux

12. Jiif Caaqil Maxamuud       Cabdalle Maxamuud

13. Jiif Caaqil Jaamac       Maxamed Cashuur

14. Jiif Caaqil Warsame       Dalmar Ciise

15. Jiif Caaqil Cabdi Faarax       Cilmi

16. Jiif Caaqil Cali Cabdi       Cali Madax

17. Jiif Caaqil Maxamed              Siciid Cabdi

18. Jiif Caaqil Xasan Faarax       Maxamuud

19. Jiif Caaqil Axmed         Maxamed Xasan

20. Jiif Caaqil Axmed Askar       Cali Shire

21. Jiif Caaqil Axmed Suudi       Ducaale

22. Jiif Caaqil Bashiir Siciid       Ibraahim

23. Jiif Caaqil Maxamed       Axmed Sheekh Leben

24. Jiif Caaqil Jaamac Xirsi       Faarax

25. Jiif Caaqil Maxamed Cali    Cabdi

26. Jiif Caaqil Maxamuud            Axmed Yuusuf

27. Jiif Caaqil C/laahi Cabdi       Ibraahin

28. Jiif Caaqil Maxamuud            Xasan Maxamuud

29. Jiif Caaqil C/laahi               Maxamed Xasan

30. Jiif Caaqil Cabdi Shire          Maxamed

31. Jiif Caaqil Yuusuf Shire    Careysanne

32. Jiif Caaqil Axmed Siciid       Madaxeey

33.  Jiif Caaqil Saxardiid  Cali    Cumar

34.  Jiif Caaqil Xuseen                Gurxan Geedi

35.  Jiif Caaqil Maxamuud             Nuur Jibriil

36.  Guurti Caaqil Saalax         Garaad Cali Shire

37.  Guurti Sheekh Axmed          Yuusuf Maxamed

38.  Guurti Cali Cabdi Aw              Jibriil

39.  Guurti Ciise Sar Shalmad

40.  Guurti  Maxamed Cabdi         Xaaji Dabshid

41.  Guurti  Maxamed Liib-       aan Carab

42.  Guurti Axmed Saalax       Maxamed Dhahar

43.  Guurti Axmed Taajir Cali         Maax

44.  Guurti   C/casiis               Maxamuud Suldaan               C/salaan

45.  Guurti Aadan Xaaji           Siciid

46.  Guurti Maxamuud             Maxamed Jibriil                      Madoobe

47.  Guurti C/laahi Cabdi         Nuur Cawl

48.  Guurti Cali Cabdi Cali

49.  Guurti Cabdi Maxamed            Cabdi Gaas

50.  Guurti Cali Maxamuud             Maxamed

51.  Guurti Cali Ducaalle              Yuusuf

52.  Guurti Siciid Xasan           Maxamuud

53.  Guurti Aaadan Cabdi       Jaamac

54.  Guurti Khaliif Ducaalle       Sugulle

55.  Guurti C/rashiid                 Maxamed Nuur

56.  Guurti Cawad Yuusuf       Cimi

57.  Guurti Cali Axmed             Cigaal

58.  Guurti Sheekh Axmed          Cismaan Xirsi

59.  Guurti Yuusuf Xaaji        Warsame

60.  Guurti Cali Muuse Xaad

61.  Guurti Maxamed Siciid

62.  Guurti Maxamed Cali       Maxamed Gancir

63.  Guurti Xasan Jaamac       Dhegood

64.  Guurti Axmed Xasan         Maxamuud

65.  Guurti C/salaan Axmed       Ciise

66.  Guurti C/salaan Xirsi         jaamac Axmed

67.  Guurti Sugule Maxamed            Ismaaciil Qoobey

68.  Guurti Cali Maxamed               Ducaale

69.  Guurti C/raxmaan Aw-           Cali

70.  Guurti Maxamuud             Faarax Cismaan

71.  Guurti Sh. C/Qaadir                Axmed Ismaaciil

72.  Guurti Sh. Saciid                  Cismaan Cali

73.  Guurti Sh. Ismaaciil              Maxamed Awaare

74.  Guurti Sh. C/Laahi               Maxamed Xasan

75.  Guurti Sh. Maxamuud             Macallin

76.  Guurti Sh. C/Laahi               Dheere

77.  Guurti Cawad Cabdi         Ducaale

78.   Guurti Xaaji Axmed                Barre Dhunkaal

79.   Guurti Xaaji Cumar                 Axmed Bulqaas

80.   Guurti Xaaji Cismaan                 Axmed Bulqaas

81.   Guurti Xuseen Saalax       Warsame

82.   Guurti Maxamed Siciid          Cali

83.  Guurti Maxamuud             Axmed Suldaan Maxa-       muud

84.  Guurti Axmed Ciise           Cashuur

85.  Guurti Cali Muuse Kala-       Go’an

86.  Guurti Muuse Jaamac       Xasan

87.  Guurti Siciid Maxamed            Cali

88.   Guurti Axmed Maxamed            Faarax

89.   Guurti Maxamed Ciise       Maxamed

90.   Guurti C/Kariin                  Maxamed Xasan (Kufur)

91.   Guurti Cawil Nadiif            Maxamuud Cali Shire

92.   Guurti Maxamuud Xasan         Nuur Suldaan

93.   Guurti Xaamud Liibaan       Carab

94.   Guurti Haaruun                 Maxamed Faarax

95.   Guurti Saalax Muuse         Liibaan

96.   Guurti C/Salaan                 Maxamed Muuse

97.   Guurti C/Risaaq                 Maxamed Muuse

98.   Guurti Maxamuud              C/Laahi Maxamed

99.   Guurti Daahir Jaamac       Aadan Gaas

100.      Guurti Jaamac Cabdi            Aadan Gaas

101.    Guurti Xaamud                 C/Laahi Maxamed

102.    Guurti Aadan Jaamac          Jibrii

103.      Guurti Yuusuf Dirir               Maxamed

104.    Guurti Cawil Ciise                Raagge

105.   Guurti Axmed                     Maxamuud Cali           (Jeeni-Taag)

106.    Guurti Cabdi Xaaji               Cilmi

107.   Guurti Maxamed                  Faarax Furrin

108.    Guurti Cawad                      C/raxmaan Xirsi:

 

BEESHA AADAN CIGALE OO KA JAWAAB CELISAY BAYAANKII WADA TASHIGA BEELAHA CUMAR MAXAMUUD

 

UJEEDDO: JAWAAB CELIN BAYAAN AY SOO SAAREEN GUDDI ISKU MAGACAABEY “GUDDIGA WADA TASHIGA BEESHA CUMAR MAXAMUUD

Ka dib markii ay shir isugu yimaadeen Nabadoonada, Samadoonadda,Waxgaradka Beesha Aadan Cigale, meel kastana si qoto dheer loo falanqeeyey, waxay isku waafaqeen sidaan hoos ku xusan :

Ø  Xubnaha anaga guddi-ku-sheegaas magacyadooda lagu soo qoray ma ahan kuwo beesha matala, mana aanan dirsan, balse waxay ku been abuurteen rag odayaal ah oo ay magacooda iska qorteen.

Ø      Beesha Cumar Maxamuud oo ka kooban (27) qoys, waxa ayan u dhammayn Reer Aadan diyaar uma       ahan in ay ka qayb galaan.

Ø      Beesha Reer Aadan Cigale waxay soo dhoweynaysaa wada jirka shanta gobol oo deegaanka Puntland ku       bahoobay, ciddii keenta fikarad ku lidi ah nidaamka aynu samaysanayna waxaan u arkaynaa kuwo u    adeegaya cadowga Puntland.

Ø      Dhaqan iyo siyaasadu ma ahan wax shakhsi iyo shakhsiyaad sidii ay doonaan u isticmaalaan, waxaana loo doortay madax dhaqameedyo, galo xukumo iyo mid baarlamaanka.

Ø      Dinta islaamka waxaanu u lahayn haddana u leenahay mashaa’ish iyo culumo ab iyo isir waanu ku       dhaqmi jirnay, waana ku dhaqanaa mana jirto diin cusub oo aan hadda qaadanayno. 

TALO SOO JEEDIN

Waxaan cid kasta oo Reer Puntland ah u soo jeedinaynaa in laga shaqeeyo wada jirka, midnimadda, horumarka, iyo nabadgelyada deegaamadeena laguna mahdiyo Ilaahii nimcadda inagu manaystay, meelna looga soo wada jeesto cid kasta oo xasiloonada wax u dhimaysa.

MAGACYADA NABADOONADA IYO SAMADOONADA SAXIIXAY

1.      Nabadoon  Maxamed Xasan Faarax

2.      Nabadoon Nuur Maxamed Axmed

3.      Nabadoon Xasan Salaad Aadan

4.      Nabadoon Maxamed Jibriil Bayle.

5.      Samadoon Warsame Faarax (Af-dabayl)

6.      Samadoon Maxamuud Samatar Cali

7.      Samadoon Faarax Warsame Saxar

8.      Samadoon M. Cali Muuse

9.      Samadoon Daahir Cali Mire

10.  Samadoon Axmed Cali Mire

11.  Samadoon Barre Gacamey

12.  Samadoon Faarax Maxamed Nuur

13.  Samadoon Yuusuf Cali Xarruud

14.  Samadoon Cabdulle Diiriye Koofil

15.  Samadoon M.Diiriye Koofil

16.  Samadoon Abshir Cabdulle Fadli

17.  Samadoon M.Diiriye Tuke

18.  Samadoon Faarax C/laahi Cali

19.  Samadoon Daahir Khaliif Maxamuud

20.  Samadoon Aadan Gaas Xaashi

21.  Samadoon M.Khaliif Maxamuud

22.  Samadoon Aadan Binow Khaliif

23.  Samadoon Axmed Faarax Jugul

24.  Samadoon C/risaaq Aadan Maxamed

25.  Samadoon Geelle Cali Mire

26.  Samadoon M.Jibriil Bayle

27.  Samadoon C/nuur Xuseen Cumar

28.  Samadoon M.Cali Jaamac

29.  Samadoon C/naasir M. Cumar

30.  Samadoon Muuse Jibriil Bayle

31.  Samadoon C/naasir Yaasiin Mire

32.  Samadoon Abshir Ciise Dhuxul

33.  Samadoon Dhiif C/laahi Faarax

34.  Samadoon C/laahi Jaamac Bayle

35.  Samadoon Cali Warsame Bayle

36.  Samadoon M.jaamac Warsame

37.  Samadoon C/laahi Faarax Seeraar

38.  Samadoon Maxamed Jaamac Dirir

39.  Samadoon Aadan Jaamac Dirir

40.  Samadoon M.Warsame Faarax

41.  Samadoon Cabdi Faarax Qooje

42.  Samadoon Siciid Faarax Qooje

43.  Samadoon Cabdul Faarax Qooje

44.  Samadoon C/risaaq Faarax Seeraar

45.  Samadoon C/rashiid Faarax Seeraad

46.  Samadoon C/raxmaan Cabdulle Xasan

47.  Samadoon Cabdi Daahir Seeraar Nuur

48.  Samadoon Jaamac Cabdi Xaashi Nuur

49.  Samadoon Yuusuf Nuur Calow

50.  Samadoon Jaamac Cabdulle Basle

51.  Samadoon M.Cabdulle Basle

52.  Samadoon Xirsi Faarax Af-yare

53.  Samadoon Yaasir Warsame Jaalle

54.  Samadoon Cali Faarax M. Ismaaciil

55.  Samadoon Xirsi Barre Xaalays.

56.  Samadoon Cabdul Dalmar Cali

57.  Samadoon Warsame Yuusuf Cabdulle

58.  Samadoon Siciid Maxamed Ismaaciil

59.  Samadoon M. Yuusuf Ismaaciil

60.  Samadoon C/laahi Yuusuf Ismaaciil

61.  Samadoon Saleebaan M. Ismaaciil

62.  Samadoon Cali Shire M. Ismaaciil

63.  Samadoon M. Ismaaciil Aadan

64.  Samadoon Aadan Cabdulle Cali

65.  Samadoon M. Maxamuud Diiriye

66.  Samadoon C/laahi M. Ismaaciil

67.  Samadoon Aadan Maxamuud Ismaaciil

68.  Samadoon Jaamac Aadan Xaalays

69.  Samadoon C/laahi Daahir Dhenged

70.  Samadoon C/salaan Aadan Faarax

71.  Samadoon Maxamuud Samatar Cali

 

MAXAMED IBRAAHIM CIGAAL MA KA FAA’IIDAYSANAYAA FURSADDA UU HAYSTO???.

(Prof. Maxamuud Ismaaciil)

Maxamed Ibraahim Cigaal oo ah Madaxweynaha Somaliland:

1.                  Wuxuu ku celceliyey in Soomaliya iyo Somaliland ay yihiin laba dal oo kala duwan

2.                  Cigaal gooni isutaaga Somaliland wuxuu ku raadinayaa kicin caadifad beeleed

3.                  Sababaha Cigaal sheego, waxa ka mid ah dhibaatooyin gaara ee dawladdii JDS u geysatay beesha uu ka dhashay

4.      Cigaal wuxuu ka gudbey xukun jacayl dartiis xuduudii muqaddasaadka ee Islaamka, mabaadiida iyo danaha asaasiga ah ee Soomaaliyeed ilaa heer uu Israa’iil gacanta u fidiyo oo dhabarka u jeediyo ummadda carbeed

5.      Xaqiiqdadu waxa weeye Cigaal oo ka mida Waardiyayaasha hore ee dalka ku heeray qabyaaladda, musuqmaasuqa iyo loolan beeleedka, waxaynuna si fudud u xasuusan karnaa Cigaal waqtiguu ra’iisal wasaaraha ahaa 1967-1969-kii in uu qaynuunkii dawladda ku beddelay OK Cigaal.

6.      Cigaal xukun jacaylku wuxuu illowsiiyo in dhulka uu rabo in uu goosto la dhaho (Somaliland) ama dhulka Soomaaliyeed oo cidina aanay xaq u lahayn kala qaybintiisa, gumaysiguna hore ugu guul daraystay in uu kala qaybiyo.

7.      Dhibaatada Cigaal leeyahay, waxay ku dhacday beeshiisa bilowgii xoogeedu wuxuu ku dhacay beeshii asaastay ururka SSDF, ka dibna Soomaali oo dhan ayey saamaysay ilaa dawladdii burburtay oo dagaal sokeeye dhacay.

8.      Xarakaadka Cigaal u samaynayo in uu Soomaaliya kala qaybiyo sida doorasho wax si ka yihiin , afti ama afduub, ku dhawaaqid dastuur kala qaybinaya dal aan kala go’i karin, iyo dad isir, diin, af, dhaqan iyo danba wadaaga iyadoo casrigani yahay casri ummadda kala isir ah ee aan af iyo dhaqan wadaagini bahoobayayaan si ay danaha ka dhexeeya u gaaraan. 

Maxamed Ibraahim Cigaal isaga oo u u jeeda ifafaalayaal caddaynaya in fikradda ku dhisan (qaybi oo xukun) aanay ka hirgelayn Soomaaliya, waxaana daliiil u ah fashalka aftidii ama afduubkii Cigaal kaga dhacay Sool iyo bariga Sanaaga iyo Togdheer meelo ka mid ah. 

Madaxweyne Cigaal: Soomaali in aad kala googoyso dalkeeda, kursiga ka degi maayo weligay iyo fikrad gobowday ayaan ku shaqaynayaa waa riyo aan dhoboobayn, waxaadna hay-sataa fursad aad dib ugu qiimayso siyaasadaada ee ka faa’iidayso.

 

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA NUGAAL OO SOO SAARAY WARQAD.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Md, C/laahi Xasan Faarax ayaa soo saaray warqad summadeedu ahayd PL/GN/708/2001, soona baxday taariikhdu markay ahayd 29/05/01-da, waxayna u qornayd sidatan : 

Ku: Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga       Garowe

Ku: Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal       Garowe

Ku: Taliyaha Ciidanka Deegaanka                   Garowe

Og: Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka         Garowe

Og: Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland              Garowe 

 

Ujeeddo: Dhowrista Xasiloonida Gobolka  

Sida aan la wada socono, dadweynaha ku nool Gobolka Nugaal waxaa caado u ahayd waligoodba ka shaqaynta nabadgelyada, xasiloonida, dhawrista sharafta iyo jiritaanka ummadda ku nool gobolka.

Waxaa jirtay in gobolada kale nagu kuunyaan horumarka aan ka gaarnay degenaanshaha, waxaa beryahan dambe soo ifbaxay sida la wada ogsoon yahay arrimo aad u fool xun oo ka dhan ah jiritaanka Dawlad Goboleedka Puntland, kuwaas oo laga soo abaabulay gobolo kale, si wax loogu yeelo nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka. 

Waxgaradka iyo dadweynaha Gobolka Nugaal, waxaan u sheegaynaa in ay iska ilaaliyaan una yeeshaan feejignaan kuwa u heelan oo wax-ma-garadka ah burburka iyo waxyeelada ummadeena.

Waxaan qabnaa in dadkeena xil ka saaran yahay ka hortaga shirarka qarsoodiga ah oo lagu maleegayo dadkeena iyo dalkeena laguna waxyeelaynayo. 

Waxa kale oo hadda socota dhul boob xad dhaaf ah oo lagu hayo dhulka ummadda ka dhexeeya sida garoonka diyaaradaha, EX-Inji, xeradii hore ee Gaadiidka, agagaarka Isbitaalka iyo meelo kale oo la mid ah, arrintaan waxaa ka dambeeya figrado ku salaysan kicin iyo iska hor imaad bulshada dhexdeeda ka aloosan.[

Sidaas darteed, waxaan bulshada uga digaynaa in layska ilaaliyo kuwa noocaas ah oo aan soo sheegnay, fiiro dheerna loo yeesho, isla markaasna waxaa hay’adaha amniga ku shaqada leh lagu wargelinayaa in ay ka qaadaan tallaabo sharci ah cidda wada falkaas.

Mahadsanidin

C/laahi Xasan Faarax

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

 

OGEYSIIS

UJEEDDO:- baafin Shaqaale

 

Dhammaan Shaqaalaha  kala duwan ee Laamaha Dowladda ee Shaqaalaha Gobolka Sanaag-Bari, loogu baaqayaa in ay ku soo xeroodaan muddo 7 (toddoba) cisho ah Xarunta Gobolka oo ah Badhan, shaqaalahaas waxay kala yihiin :

1.      Isu-duwaha Dawladaha Hoose ee Gobolka

2.      Guddoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka

3.      Isu-duwaha Caafimaadka ee Gobolka

4.      Isu-duwaha Xanaanada Xoolaha Beeraha iyo Deegaanka ee Gobolka

5.      Isu-duwaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Gobolka

6.      Guddoomiyaha Bangiga ee Gobolka 

Waxaa la farayaa dhammaan shaqaalahaas in ay ku soo galaan muddo dhan toddoba casho, haddii ay mudadaas kusoo hawl geli waayaan waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan.

Allaa Mahad leh

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag-bari

Maxamed Siciid Nuur (Dabayl)