Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Warsidaha  Puntland    

Khamiis   07/06/2001  -  Tirsi 95


Warsidaha         Puntland     Tirsi 95-aad    Khamiis                      07/06/2001                   Bogga 2-aad

WARARKA MADAXTOOYADA.

1.     BAYAAN SAXAAFADEED (PRESS RELEASE) OO UU SOO SAARAY MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND

War saxaafadeed uu Warbaahinta siiyey Madax-weynaha DGPL Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed, oo ku saabsanayd in dadweynaha ku nool Gobolada Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhoodle aysan ka qaybgelin aftidii ka dhacday Gobolada Waqooyi Galbeed, taasoo ay ka soo horjeesteen Gobolada Hartiga degga Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhoodle, waxayna ahayd sidatan: 

PRESS RELEASE

Garowe, June 04, 2001 

The civil war in Somalia destroyed a nation State and as a result created the movement of all Somali clans to their original regions of residence. 

During the last eight years some of these clans organized themselves into self-governing regional administration. 

Puntland and Somaliland are examples of these arrangements and have established relative peace and stability. Puntland tirelessly promoted the establishment of brotherly relationship and co-existence with the government and population of Northwest Somalia, and had never pursued a policy of antagonism or destabilization of that administration. 

For background information, the regions of Sool, Sanaag and the District of Buhoodle are exclusively inhabited by the Harti clans, which are part and parcel of Puntland State of Somalia. 

In an attempt to mislead the international community, Mr. Mohamed Ibrahim Egal, the President of Northwest Somalia, have recently tried to conduct a mockery of ‘’referendum’’ in a futile attempt to secede and dismember Somalia. This unilateral exercise is constitutionally illegal and against international law. Puntland State of Somalia is against secession and dismemberment of the Somalia by any clan or group of clans.

Fortunately, the inhabitants of Sool and Sanaag regions and the District of Buhoodle have totally boycotted and rejected the unsupervised and unmonitored voting, which was unilaterally ordered for by Mr. Mohamed Ibrahim Egal of northwest Somalia administration.

Puntland seizes this opportunity to inform the international media of the fact that the statement and declarations made by Mr. Mohamed Ibrahim Egal is preconceived and far from the truth in claiming that referendum were held in Sool, Sanaag regions and the district of Buhoodle. 

Puntland authority and the inhabitants of the above mentioned regions and district invite the members of international media to visit the area in order to ascertain independently the reality on the ground. It is also important to note a BBC Somali Section correspondent was in Sool region during this exercise. 

In addition, Puntland State of Somalia is ready to provide any possible facilities and free access to the regions concerned for any one who would like to undertake a fact-finding mission.

 

Office of the President

Garowe, Puntland State of Somalia

Warsidaha         Puntland     Tirsi 95-aad    Khamiis                      07/06/2001                   Bogga 3-aad

 

2.            MADAXWEYNAHA DGPL OO QORAALO U KALA DIRAY CAALAMKA

 

Madaxweynaha DGPL ayaa qoraallo u kala diray Caalamka, waxayna ahayd sidatan:-

 

MW/DPS/EU-010/2001                                                                     Date: 03 June, 2001

 To:       President of the European Union,

            EU Headquarters, Brussels, Belgium.            

Cc:       The Secretary General of the United Nations. 

Cc:       Swedish Minister of Foreign Affairs. 

Cc:       World Bank. 

Cc:       IMF. 

Cc:       EC Somalia Unit, Nairobi, Kenya. 

Cc:       OAU. 

Cc:       IGAD 

Cc:       Arab League.  

Cc:       UN High Commission For Human Rights.

 

 

From: Abdullahi Yusuf Ahmed

State President of Puntland.

 

Subject:    PUNTLAND STATE PROTESTS AGAINST RENEWED EU DIPLOMATIC AND FINANCIAL SUPPORT

The State Government of Puntland is gravely concern about the new diplomatic reports that the European Commission intends to release fifty million euro to Arta Faction/TG, an entity that does not control beyond three hotels in Mogadishu, let alone to represent a country. A further two hundred million Euro to follow the fifty million is being considered by the Commission as well, according to a reliable source in Brussels.

This surprisingly unexpected and misplaced aid to Arta Faction/TG was cooked up in Brussels during the recent EU Meeting in which Mr. Galayr was undeservingly honored to attend.

The State Government of Puntland is convinced that such EU aid to Arta Faction/TG will be diverted to destabilize the Recovery Zones of Somalia like Puntland State of Somalia, Somaliland and RRA controlled regions.

Puntland State of Somalia expresses disappointment by this EU policy shift towards Somalia in abandoning its stated policy of even-handedness with regards to Puntland, Somaliland, TG and other regions of Somalia striving for peace and national reconciliation.

We appeal to the European Commission to reconsider its new strategy of propping up a lame duck institution like TG in Mogadishu.

 

With the assurances of my highest consideration,

Warsidaha         Puntland     Tirsi 95-aad    Khamiis                      07/06/2001                   Bogga 4-aad

 

XOG-HAYAHA ARRIMAHA DIBEDDA EE URURKA SRRC OO LOO FIDIYAY QADO SHARAF.

30/05/01-da… WARSIDAHA… Garowe…

qado sharaf lagu marti-qaaday Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee ururka SRRC, Dr, Yuusuf Cumar Al-As-hari, uuna soo qaban-qaabiyey Dr, C/qaadir Axmed Ceegaag, xubina ka ah Guddiga SRRC  ee Gobolada Puntland, laguna qabtay qado sharaftaas guriga C/raxmaan Maxamed Faroole, Caasimada DGPL, Garowe. 

Shirkaas oo ay ka soo qayb-galeen Isimo, Nabadoono, Samadoono, Waxgarad, Aqoonyahano, Xildhibaano iyo Maamulka Gobolka Nugaal.

Furitaankii shirkaas oo uu hadal gaaban ka soo jeediyey Dr, C/qaadir Axmed Ceegaag, wuxuu ka hadlay taariikh nololeedka Dr, As-hari iyo waxqabadkiisii, wuxuuna ku soo dhoweeyey Xog-hayaha Arrimaha Dibedda ee ururka SRRC, salaan iyo mahadnaq ka dib, wuxuu halkaas ka warbixiyey warbixin dheer taasoo ku saabsanayd xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya maanta ku sugan tahay iyo ujeedooyinka ururkaas iyo waxqabadkiisa, warbixintaas oo soo jiidatay ka soo qaybgalayaashii shirkaas. 

Waxaa isna hadalkii qaatay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Md, C/laahi Xasan Faarax (Baasaweyne), isagoo uga mahadnaqay warbixinta uu siiyey ka soo qaybgalayaashaas qado sharafta. Ugu dambayntii waxaa xog-waran ka soo jeediyey Suldaan Cali Jaamac (Cali Dheere), wuxuuna ka hadlay ilaalinta nabadgelyada iyo isku xirnaanta Puntland.

Waxaa shirkaas lagu go’aanshay in la dhiso guddi ka kooban 15-xubnood, guddigaas oo u howlgeli doona danaha Gobolka Nugaal iyo jiritaanka Puntland, kana hortegi doona danaysiga dadka gaarka ah ay wataan.

XUSKA MOWLIIDU NEBI MUXAMED (NNKH) OO LAGU QABTAY MOWLACA NEBIGA EE GAROWE

Talaado, 05/06/01-da… WARSIDAHA… Garowe

Waxaa xalay lagu qabtay xaflad ballaaran Mowlaca Nebiga ee Gobolka Nugaal Garowe, xuskii Mowliidka Nebi Muxamed (NNKH).

Xafladaas oo ay ka soo qaybgaleen dadweyne aad u faro badan, waxaa Siirada Nebiga iyo Qasaa’id Nebi ammaan ah ka soo jeediyey Culimadii ka soo qaygalay. 

Xafladaas, waxay aad uga warameen Siirada Nebiga (NNKH) waxayna dadweynaha ku booriyeen in la raaco wixii Ilaahay iyo rasuulkiisu jideeyeen, lagana haro oo laga fogaado wixii ay ummadda ka reebeen, liibaan iyo barwaaqana lagu gaarayo aakhiro iyo adduun xariga Ilaahay oo la qabsado.

BAYAAN KA SOO BAXAY BEESHA CALI IBRAAHIM

Bayaan ka soo baxay Beesha Cali Ibraahim, markay arkeen dhibaatada iyo iska-horkeenka beelaha Gobolada Puntland, iyadoo la isitcmaalaya qabiil, qabiil in la isaga horkeeno, markaan aragnay xoogga shisheeyaha kooxo u adeegaya, dibedda iyo gudahaba, annagoo ah beesha magaceedu kor ku xusan yahay, waxaan bayaan cad ku garab taaganahay Maamulka iyo Madaxda DGPL. 

Haddaba, waxaan u soo jeedinayaa beelaha ku nool Deegaanka Maamul Goboleedka Puntland in ay sidaas oo kale u taageeraan maamulka iyo nabadgelyada oo aan laga indho qarsan kuwa doonaya in ay khalkhalgashaan nabadgalyada iyo xasiloonida Puntland. Bayaankaas oo ah bayaan nabadeeed 

DAD QORAY BAYAANKAAN WAXAY KALA YIHIIN

1.              Maxamed Muuse Xasan

2.              Xuseen Jaamac Gadood

3.              Muuse Faarax Shire

4.              Abshir Maxamed Cago-baruur

5.              maxamed Faarax Diirshe

6.              Yuusuf M. Dabey

7.              C/laahi Maxamed Jiis

8.              Axmed Aadan Dude Qulus

9.              Axmed Jaamac Qalyar

10.          Nabadoon Axmed Daahir Jaamac

11.          Nabadoon Mursal Ismaaciil Juldho

12.          Maxamed Xuseen Jibriil

13.          Maxamed Khadar Xaaji Cali

14.          Nabadoon Yaasiin Cali Dude

15.          C/laahi Daahir Dirir

16.          Cabdi Abshir Cun-cun

17.          C/qaadir Shakuul

18.          Maxamed Xaashi Looyaan

19.          C/laahi Warsame Wardheere

20.          C/laahi C/raxmaan

21.          Maxamed Shiikh Yuusuf Aadan

22.          Shiikh Maxamed Cumar Aw-guuleed

23.          Axmed Jaamac Yaxye (Rafle)

24.          Muuse Xaaji Samatar

25.          Aadan Daahir Cilmi Kooshin

26.          Nabadoon Maxamed C/raxmaan

27.          Nabadoon Axmed Daahir Axmed Nuur

28.          Xaaji Xasan Maxamed Cir-guje

29.          Cumar Nuur Galaydh

30.          Bashiir Yuusuf Daahir

Warsidaha         Puntland     Tirsi 95-aad    Khamiis                      07/06/2001                   Bogga 5-aad

HADDII AAD TIHIIN MAAMULKA, DADWEYNUHU WUXUU IDIN KU XANTAA KARTI DARRO!

“waraysi aannu la yeelanay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal”

Waxaanu Xarunta Gobolka Nugaal waraysi kula yeelanay G. Gobolka Nugaal C/laahi Xasan Faarax (Baasaweyne), waxaana wax ka weydiinay warqad uu dhowaan soo saaray ujeeddadeeduna ahayd dhowrista xasiloonida, wuxuuna waraysigaasi u dhacay sidatan: 

WARSIDAHA:- Waxaad dadweynaha ugu baaqdeen inay ka hortagaan shirar qarsoodi ah oo loo maleegayo dadka iyo dalkaba, laguma waxyeelanayo, yaa wada shirarkan qarsoodiga ah?

BAASAWEYNE:- Waxaa wada shirarkaas qarsoodiga ah kuwa ka soo horjeeda jiritaanka Puntland una dhashay deggaanka Puntland, waxayna isugu jiraan ganacsato, shaqaale iyo dad wax-ma-garato ah.

WARSIDAHA:- Haddii aad tihiin Maamulka Gobolka oo waliba u xilsaaran tihiin nabadgelyada iyo xasiloonida maxaad u qaban weydeen oo sharciga u horgeyn waydeen, kuwa wada shirarka qarsoodiga ah?

BAASAWEYNE:- Nimankaas waxay wadaan shirar goos-goos ah oo qarsoodi ah, teleefoono ayay isugu xiran yihiin oo ay ku wada xiriiraan, qofkana waxaa sharciga la hortaagi karaa oo la qaban karaa markii uu qofku fal dambiyeed gacanta kula jiro.

WARSIDAHA:- waxaa warqadda aad soo saartay oo ka hadlaysay dhowrista xasiloonidda Gobolka ku yiilay in hadda uu socdo dhul boob xad dhaaf ah oo lagu hayo dhulka ummadda ka dhexeeya sida Garoonka Dayuuradaha, EX-ENC, Xeradii hore ee Wasaaradda Gaadiidka, Agagaarka Cusbitaalka, yaa ku haya oo boobaya?, dawladda Hoose miyaysan lahayn waaxda dhul bixinta oo dadweynuhu soo codsadaan dhul in la siiyo oo loo sharciyeeyo si nidaamka waafaqsan?.

BAASAWEYNE:- Waxaa  dhulboobkas wada kuwa shirarka qorsoodiga ah wada kharashna ku bixiya, oo markii aad 50 Kaariko aad ka qaado garoonka oo dad dhigtay waxay habeenimadaba dhigayaan 50 Kaariko oo kale, ujeeddaduna waxaa weeye in ummadda iyo Maamulka la iska horkeeno, xasillooni darana ka dhalato, Dawladda Hoose waa leedahay Waaxda Dhul Bixinta laakiin dadka dhulka boobaya ma soo weydiistaan waaxdaas dhul.

WARSIDAHA:- Haddiise taasi dhacday, maxaad ka qabateen gobol iyo degmo ahaanba?.

BAASAWEYNE:- Waxbaan had iyo jeer ka qabanaa waxaana joojinaa dhulka sharci darrada ah.

WARSIDAHA:- Haddii aad tihiin Maamulka Gobolka dadweynuhu waxay idinku xantaan jilicsanaan iyo awood darro, taas maxaa ka jira?

BAASAWEYNE:- Annagu dadka baan dawlad ku nahay, intaas waxaan wadnaa oo aan u sheegnaa tusaalayn iyo naxariisasho, markii taasi timidna waxay u qaateen awood darro, waxa la yiri “Ilmahaagu marka aad kufto waa kugu qoslaan, marka ay kufaana waa kugu ooyaan”, marka garan maayaan annaguse waa ilmahayagii waannu u naxariisanaynaa inta ay dantooda Illaah garansiinayo.

WARSIDAHA:- EX-ENC dhanka laamiga xiga ee deerka hadda waxaa ka socda dhismo, dhismahaas ma fasax baa loo siiyey oo ay u haystaan in ay dhistaan?.

BAASAWEYNE:- Maya, wax fasax ah ma haystaan, habeenkii baana la dhisaa.

WARSIDAHA:- Maxaa tallaabo loogaqaadi waayey?

BAASAWEYNE:- Waxaannu diidaynaa in aannu khasaarino maalkaas inta dawladu la wareegayso

WARSIDAHA:- Dadweynaha maxaad kula dardaarmaysaa?

BAASAWEYNE:- waxaan u sheegayaa in ay nabada xasillinayaan sida caadada u ahaan jirtay sharaftana dhowraan

Warsidaha         Puntland     Tirsi 95-aad    Khamiis                      07/06/2001                   Bogga 6-aad

SIDAY ANIGA ILA TAHAY

DIB HA U EEGEEN KUWA DOORASHADA DOONAYA SHACABKA REER PUNTLAND

“Eng. Mursal Axmed Nuur”

“Ciwaankan hoostiisa waxa lagu qoraa waa ra’yi shakhsi ah oo gaar u ah qofka qoray, WARSIDUHU ha la qabo ama yuusan la qabine”.

Haddaynu nahay Reer Puntland, samac iyo basarna aynu doonayno waxaan leeyahay waa inaan xilligaan maanta aynu joogno inaan la gelin lana soo qaadin wax doorasho la yiraahdo, sababtuna waxay tahay :-

1.      Tartanka doorasho waxaa ku baxaaya malaayiin dollar, kharashkaas faraha badana u malayn maayo inaynu hali karno kharashkaas, dhaqaale yar awgeed, haddaynaan shaqaalaha iyo ciidamada oranayn ku shaqeeya muddo mushahar la’aan ah oo xaasaskooda iyo caruurtooda afka sharooto looga dhejinayn.

2.      Waqtiga oo qaaliga inagu ah ayaa inaga lumaya sida la ogsoon yahayna waxaynu leenahay cadow dheeriyaynaya oo loo baahan yahay inaynu la tartano inteynu isku mashquulinayno doorashada iyo wax la mida ayuu sii xoogsaysanayaa.

3.      Madaxweynaha puntland iyo maamulkiisu waxay ku howlan yihiin horumarka puntland, haddana, waxay dagaal aan naxariis lahayn kula jiraan cadowga reer puntland sida xulufada c/qaasim, ee qabiilka ku dhisan, iyo kuwa neceb nabada iyo horumarka puntland ku tallaabsatay intii yarayd ee ay dhisnayd.

4.      Nabadgelyada puntland haysato waa sugan tahaywaxaase aniga ila adag shicib wada heybaysan siduu doorasho ku geli karo dhib la’aan.

5.      Waxa hubaal ah in madaxweynuhu wax weyn inoo qabtay, haddana ku howlan yahay, wuxuuna dhibtaas u marayaa waa jacayl uu u qabo dadkiisa iyo dalkiisa.

6.      Horta dawlad haddaad maqasho, waxay ka dhisan tahay shicibka, asagaana burburiya ama horumar gaarsiiya, mithaal dgpl waxaa baabi’inaya waa shicibkeeda, maxaa yeelay cashuurta ma bixiyaan, dhaliil ma aha wax bogaadin ah uma sameeyaan mana xusaan wixii wanaag ah oo ay dawladdu qabato, sidaan ogsoonahay miisaaniyadda dawladdu waa kooban tahay muwaadin kasta wuxuu leeyahay waajibaad iyo xuquuq, marka uu tan hore guto ayuu tu kale qaban karaa.

Haddaba, waxaa iga su’aal ah ninka aan bixin canshuurtii ku waajibtay siday uga hadli karaan doorasho. Waxaan talo ahaan DGPL u soo jeedinayaa in la qabto guddi sare oo heer qaran ah, kaasoo la xisaabtama madaxda laamaha, dawladda, inkastoo Madaxweynuhu uu soo saaray wareegto ka hadlaysa inaan mushahar ahaan loo isticmaalin adeega hay’adaha,misana guddigaas waa muhiim in la qabto.

HALA DAAYO DHIBTA

 

Markasta oo Soomaaliya xalkeedu soo dhowaado waxaa haraati ku dhufta dad dano shaqsi doonaya iyo ururro diiniya, kuwaasoo yaqaanna sida wax loo burburiyo laakiin aan aqoon u lahayn sida wax loo dhiso.

Meelaha ay dadka kasoo galaan waxaa ka mid ah:-

A.          Isimada iyo Nabadoonada

B.          Aqoonyahanka iyo Ganacsatada

C.          In maamulka iyo shacabka la isku diro

1.         Waxay isku dhibaan in la doorto nin iyaga ka mida kharaj kastaa ha ku baxee, haddii taas la waayo markii la doorto, waa in loo howlgalaa sidii hoggaanka loo gelin lahaa qofka doortay iyadoo laga xigsanayo dadkii doortay si fiicanna loo dhaqaalaynayo.

2.         Aqoonyahanka waxaa loo samayanayaa saaxiibo ay isku qabiil yihiin, waxaana loo sheegayaa in si aada loogu oomman yahay cilmiga ku jira iyo in uu ku beddesho cilmigiisa kutub yar yar kuna soo xirmo masaajidda si loo baro culimada waaweyn.

3.         Maamul kasta waxaa loo tusayaa dadka in uu qaldan yahay, waxaa aad laysugu howlayaa sidii ceebihiisa loo uruurin lahaa iyadoo lays nebcaysiinayo qabaa’ilka dhexdiisa waxyaalaha la oranayo waxaa ka mid ah, Reer hebel baa ina gumeysta, waa boqortooyo, waa laydin dhacay, jago ma haysanno, beledkeena dadka aan ka saarno i.w.m.

waxaas oo dhammi waa dembiga laga galayo shacabka nadiifta ah, danna lagu gaari ee hala daayo dhibta ayaan ku talinayaa!!!

Waxaa qoray

Nuuradiin Abshir Cabdi

Warsidaha         Puntland     Tirsi 95-aad    Khamiis                      07/06/2001                   Bogga 7-aad

Runtu Nacayb iyo Jacayl Midna Ma leh

“Maxamed Jaamac Dhenged”

“Ciwaankan hoostiisa waxa lagu qoraa waa ra’yi shakhsi ah oo gaar u ah qofka qoray, WARSIDUHU ha la qabo ama yuusan la qabine”

Anigoo ah nin Soomali ah, reer Puntland ah waxaan salaan u dirayaa Soomaalida inteeda kale, waxaan leeyahay, illaahay sidii roon ha ina waafajiyo, danteenna ha ina garansiiyo. Waxaan halkaan ka soo jeedinayaa ra’yigayga aan ka qabo doorashada laga sharqaminaayo.
doorasho waxay suurtoobaysaa marka duruufaha ina haysta oo dhan kasta leh aynu ka baxno.
 

Maanta doorasho loo istaagaa waxay keenayso ma jiraan, nin cusubna wuxuu qaban karo ma jiraan ha loo daayo maamulka hadda haya ayaan leeyahay, sababaha loogu deynayaana waa kuwan aan xusay, isaga ayaa xaalladdu hadda meesha ay marayso la socda kan cusub ee aad la dholalaysaan waxaan aaminsanahay inuu indhihii yaraa ee wax ku arkaysay uu ka sidii ridaayo tobankii sanno ee burburka aanu ku jirnay ninkii naga maqnaa oo dhibta nagu daawanayey inuu maanta dhib noo keeno ka yeeli mayno. 

Kuwa Cartana iyaga warkooda daa, nooma imaan karaan, kana yeelimayno inay annaga qas nagu dhex abuuraan.

Isimada waxaan leeyahay talada meesha wanaagsan ha loo duwo, waad la socotaan wadanka maanta dhibta ka jirta, maslaxadda ummadda ha la eego. 

Intii Maamulka Puntland la dhisay oo hadda sii cagacagaynaysaa saddex sano waxay suurta gelisay inay mushahaar siiso in ku dhow 10,000 (toban kun) oo qof.

Golaha Shacabka Puntland, waxaan su’aalayaa, waxayna tahay howlo aad idinku leedihiin maxaa cid kale ula sugeysaan?. Waxaa iyana jirta beelo joornaalada wax ku qoray, waxaad sheegteen inaad wax neceb tihiin joornaalkana lagu arkay, laakiin waxaad jeceshihiin kuma aydaan soo darin. 

Haddaba, annagaa idin dooranayna ee naga warsuga beelahaasow, annagoo ah beelaha kale marka laga reebo intiina waraaqaha soo qoray nidaamka iyo talada yaan la jaah-wareerin.

Maxamed Jaamac Dhenged

(Dhoore)

QALABKA WARBAAHINTA QAARKOOD KHATARTA AY KU HAYAAN SOOMAALIYA

Soomaaliya nabad iyo nagaadi way gaari doontaa, haddii Alle idmo, taas waxaa ka markhaati ah howlaha siyaasadeed iyo kuwa ciidan ee wax-ku-oolka ah ee ay ku tillaabsadeen bulshada Soomaaliyeed ee deggan Somaliland iyo Puntland, Bay iyo meelo kale, sidaa darteed, waxaan waxgaradka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed ku baraarujinayaa in ay garab istaagaan ee aanay garab istaagin kuwa wax qasaya, waxa haraya waa bulshada Soomaaliyeed. 

Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah  nin kasta oo isku tiirinaya in uu difaaco bulshada kana difaaco khatarta ay ku hayaan qalabka warbaahintu ee ay adeegsanayaan dawladaha shisheeyaha qaarkood, dowladaha kale ee doonaya in ay maslaxadooda ka fushadaan duruufaha adag ee dalkeenu marayo. 

Aqoonyahanada iyo waxgaradadka Soomaaliyeed shalay ayaga oo soo taagan baa dalkii iyo dowladdii Soomaaliyeed lumeen, maantana bulshadii ayaa farahooda lagala  baxaya ayagoo soo taagan, miyaanay ceeb ku ahayn aqoonyahanka Soomaaliyeed in ay dad ma gudbayaal ah u dhibaan majaraha bulshada?, miyaanay wax laga xumaado ahayn in aan bulshadeena u dhiibno warbaahinta kala duwan ee caalamka qaarkood iyo kuwa ay adeegsanayaan?. 

Waxgaradka Soomaaliyeed siiba kuwa qurbaha ku nool waxaa la gudboon in aanay u fikirin sida caamada oo kale, waxaa la gudboon in ay u fiirsadaan waxyaabaha lagu sheegayo qalabka warbaahinta ee ay sida xun u adeegsadeen danaystayaal u adeegaya cadowga Soomaaliyeed. 

Dadku laba qaybood buu u qaybsamaa kolka loo eego sida ay warbaahintu ula dhaqmaan :-

1.       Kuwa siyaasiyiinta ah ee warbaahinta adeegsanaysa si ay danaheedana ku fushadaan kuwa soo gelinaya warka iyo fikradaha qalabka warbaahinta si ay u gaarsiiyaan qaybta kale, Caamada ama bulsha weynta, kuwaas waxa ay warbaahintu u sheegto way aaminaan markiiba, ayagoo aan isweydiin waxa looga jeedo.

2.       Qaybtan waa Aqoonyahanka iyo waxgaradka waxaana lagu yaqaan dadka qabtan ka tirsan in ay warka ay ka maqlaan warbaahinta la taagan goobaha ay dadku isugu yimaadaan ama baararka shaaha lagu cabo, markaasay waxay ka dhaadhiciyaan waxyaabo aan jirin, kuwa caamada ahna sidii ay rabeen weeye oo wixii warbaahintu sheegaysay bay u sacaba tumayaan, laakiin waxa meesha ka maqan waxgaradkii iyo aqoonyahanka ee loo baahnaa in ay shaandheeyaan warka faraha badan ee ay qubayso warbaahinta caalamka qaarkood. 

Nin kasta oo aqoonta iyo siyaasadda, wax uga bilaaban yihiin wuu fahmi karaa qaabka ugu fudud ee hubaalna ah, nabad lagu gaarsiin karo Soomaaliya waa ayada oo la taageero Soomaalida. 

Sidee loo taageerayaa?, waxaa loo taageerayaa Gobolada deggan ee nabadda ah, si ay nabad ugu sii nagaadaan oo nidaamkooda u sii hormarinayaan, kuwa dhibaataysana waxaa lagu taageerayaa si ay dhibta uga bixi lahaayeen.

Warsidaha         Puntland     Tirsi 95-aad    Khamiis                      07/06/2001                   Bogga 8-aad

XAALUFINTA DHIRTA IYO DEEGAANKU WAA NOLOL LA’AAN

Deegaanka oo ah Nolosha Aadamaha aynnu ku tiirsan nahay Nolosha wax kasta oo dhaq-dhaqaaqa, taasoo aysan jiri lahayn nolol,haddii la waayo deegaan,muhimad gaar ahna u leh wax walba faa’iidooyin aan la soo koobi karin,bulshada ku dhaqan adduunweynaha oo ay u isticmaasho deegaan ahaan iyo helitaanka cuntada iyo biyaha oo ay u baahan yihiin.

Haddaba marka laga hadlaayo Xaalufinta dhirta ayaa ah nabaadguurinta deegaanka,dhibaatooyinka ugu waaweyna waxay soo gaareen bani’adamka iyo xayawaanka  labaduba,kuwaas oo dhirta u isticmaala qaybaha noloshooda ee lagama maarmaanka ah, waxaa kale ay xaalufintu keentaa,dhulkii oo isku bedela dhir la’aan,dhir la’aanna wuxuu keena in dhulkii noqdo lama degaan aan cid ku noolaan karta aysan jirin,bacaad guuraya mooyee aan wax kale laga helin,dhaqaalaha bulshada oo si dadban  hoos ugu dhaca iyadoo ay ugu wacan tahay daaqa xoolaha oo la waayo ama hoos u dhaca, iyadoo ay ugu wacan tahay daaqa xoolaha oo la waayo ama hoos u dhaca, taasi markii ay timaadana waxaa imaanaysa nolol la’aan. 

Mar haddii  dhibaatooyinka xaalufinta ay saas yihiin, muhiimaddu waxay tahay oo qof kasta waajib ku ah, in la dhowro deegaanka lagana ilaaliyo waxyeelooyin si looga badbaado arrimaha aan soo sheegnay, taasoo saldhig u noqon karta in la helo nolol wanaagsan, kana hormarsan qaybaha ay ka kooban tahay oo idil.

Siyaabaha loo gaari karo arrimahaan marka laga hadlaayo xaaladda ay maanta ay Soomaalidu hadda ku sugan tahay, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Puntland waa in la wacyi geliyo bulshada qaybaheeda kala duwan, loona sheego muhiimadu ay u leedahay dhirta iyo in la dhiso kooxo ka hortaga xaalufinta deegaanka iyo in la joojiyo dhoofinta dhuxusha iyo dhirta macno darada loo jaro. 

Waxaan ku waaninayaa dadka Reer Puntland in ay ka digtoonaadaan kana hortagaan wax kasta oo keeni kara xaalufin deegaan, waa inuu qof waliba ka qayb qaato beerida dhirta si ay u anfacdo bilicda deegaanka guud ee dalka.

Tacsi

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Isgaarsiin Dr.Maxamuud Caynab Maxmuud, Agaasimaha Guud ee Warshadaha iyo Ganacsiga Prof. Maxmuud Ismaaciil C/raxmaan, Agaasimayaasha Waaxyaha ee Agaasinka Warfaafinta, Qorayaasha Warsidaha Puntland, iyo dhammaan shaqaalaha Agaasinka Guud ee Warfaafinta, Dhaqanka iyo Isgaarsiinta waxay tacsi u dirayaan dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday ALLAHA u naxariistee C/casiis Yuusuf  Faahiye oo dhawaan ku geeriyooday Degmada Ufayn oo ka tirsan Gobolka Bari. 

Waxayna ILLAAHAY uga baryayaan in janadii Fardowsa ka  waraabiyo, Annaguna waxaan leenahay Aamiin Aamiin Aamiin