Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

   Warsidaha Puntland

Tirsi 97

Khamiis 21 Juun 2001


MADAXWEYNAHA DGPL OO SOO SAARAY WAREEGTO KU SAABSAN OGGOLAANSHO FASAX IDAACAD WARBAAHINEED.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed ayaa taariikhdii 14/06/2001-da soo saaray dikreeto Lam, 246, taas oo uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha, waxayna u qornayd sidatan:-

eer Madaxweyne Lam. 246

MADAXWEYNAHA DAWLADDA PUNTLAND,

MARKUU ARKAY Axdiga Puntland,

MARKUU ARKAY sharcigga Warbaahinta Lam, 5 ee 19/04/99 qod. 2-aad iyo sharciga lam, 12 ee 27/09/2000, kuna saabsan qaynuunka Isgaarsiinta,

MARKUU TIXGELIYEY codsiga Shirkadda (SBC) Somali Broadcasting Company, kuna saabsan ogolaansho fasax Idaacad warbaahineed,

MARKUU DHAGAYSTAY talada Agaasinka Guud ee Warfaafinta, Dhaqanka iyo Isgaarsiinta ay ka bixiyeen xaaladda Idaacadaha gaarka ah,

MARKUU GARWAAQSADAY, Baahida loo qabo in in Gobolka Bari, Boosaaso uu yeesho Idaacad wararka u baahisa,

 WUXUU XEERIYEY:

 In shirkadda (SBC) Somali Broadcasting Company ee Boosaaso la siiyo ruqsadda Idaacadda ku shaqaysa mowjadda FM-ka ee anteenadda tooska ah leh. 

Wixii ku saabsan nidaamka guud iyo qawaaniinta la xiriirta barnaamijyadeeda waxaa lagala xiriirayaa Agaasinka Guud ee Warfaafinta, Dhaqanka iyo Isgaarsiinta.

 

MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DGPL OO FURAY IDAACAD CUSUB.

Xaflad ballaaran oo lagu xusayey Idaacad cusub oo madax bannaan ayaa waxaa ka qayb-galay Madaxweyne- ku-xigeenka DGPL Mudane, Maxamed Cabdi Xaashi, furitaankii xafladaasi oo uu Madaxweyne-ku-xigeenku ka jeediyey hadalo koob-kooban, waxa uu ku boggaadiyey mas’uuliyiinta Idaacada in ay wax weyn ka geystaan horumarka saxaafadda ayna ahayd mid loo baahnaa, waxa uuna kaga digay in aysan noqon idaacadaasi mid ka hortimaada sharciga, waxuuna u rajeeyey in ay noqoto mid ka qayb-qaadata horumarka dalka, waxna toosisa.

Waxa kale oo xafladaasi ka qaybgalay mas’uuliyiin sar sare oo dowladda ah, Isimmo, Xildhibaaanno iyo marti sharaf kale. 

Waxa kale oo halkaas hadalo ka jeediyey Agaasimaha Guud ee Agaasinka Warfaafinta Dr, Maxamuud Caynab Maxamuud, waxa uuna ka hadlay kaalinta muhiimka ah ee saxaafaddu ay kaga jirto arrimaha bulshada iyo faa’iidooyinka ay u leedahay iyo hababka looga faa’iidaysto, waxa uuna carrabka ku dhuftay in idaacadaan ay tahay tii ugu horeysay oo madax bannaan oo dalka Puntland yeesho, taasoo uu ku tilmaamay in maamul goboleedka Puntland uu fuliyey axdi qarameedka u dhigan.

Waxa uu mas’uuliyiinta Idaacada ku booriyey in ay noqoto idaacadaas mid wax weyn u faa’iidaysa shacabka, waxaa kale oo warbixin kooban ka jeediyey Agaasimaha idaacada Md, Cali Cabdi Awaare oo si kooban uga hadlay ujeeddooyinka Idaacada iyo kaalinta kaga aadan bulshada ee ay rajaynayaan in ay buuxiyaan waxa uu si weyn u tilmaamay in aysan Idaacadu ku shaqo lahayn wax siyaasad ah, ee ay tahay mid ganacsi taasoo ay ka qayb qaadan karaan dhammaan bulsho weynta Soomaaliyeed.

Warsidaha          Puntland      Tirsi 97-aad     Khamiis           21/06/2001                   Bogga 3-aad

 

WASIIRKA XANNAANADA XOOLAHA, BEERAHA IYO DEEGAANKA OO XIRAY SIMINAAR U SOCDAY HAY’ADAHA GARSOORKA PUNTLAND.

 Talaado 19/06/2001-da. WARSIDAHA… GAROOWE

Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Deegaanka ahna siihayaha Wasiirka Wasaaradda Garsookra iyo Arrimaha Diinta, Md. Maxamed Xaaji Aadan, ayaa xiray siminaarkii u socday hay’adaha Garsoorka Puntland oo kala ahaa Garsoorayaasha, Maxkamadaha, Garyaqaanka Guud, Garyaqaanadda Madaxa bannaan, Agaasime Waaxeedyadda ee Wasaaradda Garsoorka, Saraakiisha Ciidamadda Booliska iyo Asluubta, ugana socday Xarunta Wasaaradda Garsoorka, tiradooduna ahayd ka qayb-galayaashaas 78 qof oo ka kala socday qaybahaas wuxuuna socday muddo toban casho ah.

 Wasiirka X,X.B. iyo Deegaanka oo hadal gaaban ka jeediyey wuxuu ugu horeyntiiba mahadnaq ballaaran u soo jeeddiyey hay’adda DIAKONIA oo iyadu soo qabanqaabisay, wuxuuna wasiirku sheegay waxyaalaha hay’adda DIAKONIA qabatay, una qabatay Puntland oo ah ku aan soo koobi karin, faa’iidooyinka ka soo baxayna ummadda Reer Puntland ay haystaan wuxuu Wasiirku ku booriyey oo kula dardaarmay ka qayb-galayaasha siminaarka in ay ku dabakhaan oo ka faa’iidaystaan casharadii ay qaateen. 

Wasiirka ka hor, waxaa isna hadal gaaban ka soo jeediyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Diinta, Md, Cumar Saalax (Canjeex), Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Sare Maxamed Xasan Maxamed oo isna ka hadlay ayaa yiri “Waxaannu caddaynaynaa in tababarkaan uu ahaa kii u wanaagsanaa ee loo qabto hay’adaha Sharciga Puntland, waxyaalo badan oo aan la isla fahmayn ayaa hadda laysla fahmay, shaqaduna ku socon doontaa”. 

Waxaa isna hadalkii qaatay ku simaha Agaasimaha Guud ee DIAKONIA ahna Madaxa Xiriiriyaha Sharciga ee Hay’adda DIAKONIA, Cabdi Xasan Jimcaalle, oo ka war bixiyey qaabkii uu u socday tababarkaani, wuxuuna u mahadceliyey ka qayb-galayaashii siminaarka sida weyn ee ay gacanta noo siiyeen waxaana rajaynaynaa in uu noqdo mid wixii lagu bartay lagu dabakho bulshada.

BAAQ AY SOO SAAREEN KOOXDA BARBAARTA PUNTLAND IYO BULSHO WEYNTA GOBOLKA NUGAAL.

Haddii aannu nahay Kooxda Barbaarta Puntland iyo bulsho weynta Gobolka Nugaal, waxaannu baaq u jeeddinaynaa dhammaan kooxda yar ee degdegaysa oo doonaya in ay xasilooni darro iyo iska hor imaad ka abuuraan carigaan Puntland.

Waxaanu u soo jeedinaynaa bulshada in aan waqtigaan aan la qaban karin doorasho wax la yiraahdo, sababtoo ah iyadoo aan nabadgelyadu xasiloonayn iyo iyadoo aan hadda loo hayn dhaqaalle, dhaqaaluhuna yar yahay, waxaanu ku boorinaynaa bulsho weynta Puntland in nabadgelyada iyo xasiloonida ilaaliyaan oo laga wada shaqeeyo maamul iyo bulsho ahaanba, waxaanu ka digaynaa oo cambaaraynaynaa kuwa sida sharci darrada ah hubka ula soo galaya Caasimada DGPL ee Garowe, oo doonaya argagixiso iyo tashwiish in ay beeraan.

Haddii aanu nahay kooxda Barbaarta Puntland iyo bulsho weynta Puntland waanu ka soo horjeednaa kuwa aanu kor ku soo sheegnay oo ah kuwo dano gaar ah wata, una shaqaynaya dad shisheeye ah oo dano gaar ah wata, jecelna baabi’in iyo iska hor-imaadka Reer Puntland in ay ka dhacaan dhibaatooyin la mid ah kuwo Koonfurta Soomaaliya ka socda hadda, Nabad-diid waa nolol diida. 

Waxaan ku soo gaabinayaa war nabadda iyo xasiloonida hala ilaaliyo.

(Kii dhuumanayow dhabarku muuqdow

Waa dharaar lagu dhowrayee

Dadkaaga dhinac ka raac yaadan lumine

Dadkaaga dhinac ka raac). 

Puntland waa jiraysaa, waana jiri doontaa!!!

 

Warsidaha          Puntland      Tirsi 97-aad     Khamiis           21/06/2001                   Bogga 4-aad

 GUDDOOMIYAHA GOBOLKA SANAAG IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO KORMEER KU SOO MARAY DEGMOOYINKA IYO TUULLOOYINKA.

Wafdi uu hoggaaminayo Gud-doomiyaha Gobolka Sanaag, Md, Maxamuud Siciid Nuur (Dabayl), ayaa dhowaan kormeer howled ku kala bixiyey qaar ka mid ah degmooyinka iyo tuullo-oyinka Gobolka Sanaag, isagoo ay wafdigiisa ka mid yihiin mas’uuliyiinta Gobolka oo isugu jira  madaxda laamaha hay’adaha kala gedisan iyo saraakiisha ciidanka booliskaiyo dara-awiishta ee gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha iyo wafdi-giisu waxay degmo iyo tuulo kasta oo ay tagaan kula kulmayeen shirarna ugu qabanayeen dhammaan  kala duwan ee bulshada deeg-aamadaas, waxayna dadka deegaa-madaas u sheegeen oo caddeeyeen in ay dha-mmaatay sheegashadii iyoi been abuurkii Maa-mulka Cigaal iyo xulufadiisa Hargeysa jooga u tebin jireen BBC-da. Gudd-oomiyuhu wuxuu sheegay wax uu ku tilmaamay mugdi in ay soo foodsaartay si wada jir ahna ay iskaga caabiyeen, wuxuuna dad-weynaha u sheegay in ay go’day rajadii Cigaal ka qabay dadka iyo dalkaan uuna doonayey in uu isirkooda beddelo, isagoo mar walba adeegsanayey dhaqaalle uu u soo dhiibayey shakhsiyaad u adeegayey shisheeye taladiisu taal Har-geysa, waxayna dadweynaha uga mahadnaqeen sidii haga-rli’ida lahayd ee wada jirka ahayd ee ay isaga celiyeen mugdigii Cigaal, una barbar istaageen maamulkooda iyo mada-xdooda DGPL, mar walbana u heelan yihiin difaaca dalkooda iyo dad-kooda. 

Ugu dambayntiina waxay isku af-garteen wafdigii guddoomiyuhu hoggaaminayey iyo dadw-eynihii deegaamadaas ay kormeerka ku marayeen qodobadan soo socda:- 

1.      In la adkeeyo nabad-gelyada       iyo amniga dadw-eynaha ee    gobolka

2.       In sare loo qaado himmilada,     siyaasada iyo rabitaanka         dawlad gob-oleedka puntland      iyo isku xirka shacabka reer puntland dalka         iyo dib-eddaba.

3.      In sare loo qaado nidaamka         cashuur uruurinta iyo kobcinta dhaqaalaha gobolka san-aag Guddoomiyaha iyo wafdigiisu markay ku soo laabteen Magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Bad-han, waxay shir ballaaran ku qabteen xafiiska maamulka Gobolka, shirkaas oo ay ka soo qayb-galeen dham-maan mas-’uuliyiinta gobolka, kuwa degmada, isimo, nabad-oono, waxgarad iyo dadweyne, waxayna uga xog-warrameen korm-eerkoodii iyo natiijadii ka soo baxday. 

Ugu dambayntii wuxuu Guddoomiyuhu u sheegay dadkii shirkaa ka soo qayb-galay in ciddii gobolka la soo gashaa wax uu ku tilmaamay dibin-daabyo dowladeed iyo mid dadweynaba laga qaadi doono tallaabo cad oo waafaqsan sharciga Gar-soorka Dawlad Goboleedka Puntland, iyadoo lala tiigsanayo heer maxkamadeed, loona baahan yahay in mar walba si wada jir ah isu barbar taagaan maamulkooda.

Xubnihii halkaas iyana ka hadlay waxay madaxda u sheegeen in maanta si hagar li’i ah diyaar loogu yahay wixii ina soo food saara in ay si wada jir ah uga hortagaan.

Warsidaha          Puntland      Tirsi 97-aad     Khamiis           21/06/2001                   Bogga 5-aad

 WAR SAXAAFADEED.

War saxaafadeed ay sii daayeen Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Md, Maxamuud Siciid Nuur (Dabayl) iyo madax-dhaqa-meedka ayna u kala direen caalamka ayay ku sheegeen in dadka degan Bariga, Waqooyiga iyo Koonfurta Gobolka Sanaag in aanay aqbalayn cid kasta oo damacda in ay siyaasad, dhaqaale iyo si kaleba u bedesho isirkooda rabitaankooda iyo haybtooda  iyadoo ay jirto in muddo ah in la doonayey in la goosgoosto dadka degan deegaankaas iyo kuwo kale oo degan Gobolo kaloo oo ay isku hayb yihiin. Haddaba, waxaa jirta in ay isku dayeen dad dan leh in ay khalkhal iyo dhibaato ka dhex abuuraan ummadda degan deegaamadaas, dadkaas oo u adeegaya dad shisheeye ah oo taladooda ka bixiya Hargeysa.

Haddaba, waxaanu caalamka u sheegaynaa oo la socodsiinaynaa in dadka degen gobolkaasi ay ka mid yihiin Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeedkaas waxaa iyaguna bayaan la mid ah raaciyey qaar ka mid ah madax-dhaqameedka Gobolka sanaag oo iyagu u kala diray Jaaliyaddaha Dibedda ee ku magacaaban Reer Laas-qoray.Dhammaan warsa-xaafadeedkaas iyo bayaanadaas ayaa lagu qanci doonaa runta iyo xaqiiqadana laga heli doonaa wa-xay      tahay.

XAFLAD NATIIJADII IMTIXAAN EE SANAD DUGSIYEEDKA 2000-2001-DA EE GOBOLKA SANAAG OO LAGU QABTAY BADHAN. 

16/06/2001, WARSIDAHA… Badhan

Waxaa Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag lagu qabtay xaflad ujeeddadeedu ahayd sheegitaankii natii-jaddii imtixaanka 2000-2001-da, ee Dugsiyadda Hoose/Dhexe ee Gobolka Sanaag. Xafladaas oo ay ka soo qaybgaleen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Maa-mulka Gobolka, heer Gobol iyo heer Degmo, Guddo-omiyaha Waxbarashada, Maamulayaasha Dugsiy-adda Dhexe iyo Hoose, Waalidiinta ardayda iyo dadweyne aad u faro badan. 

Waxaa ugu horreyntiiba khudbad ka soo jeediyey Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Mudane, Maxam-uud Siciid Nuur (Dabayl) oo ka mahadnaqay sida dadaalka weyn leh ee waalidiinta iyo maca-limiintuba ugu jiraan siday waxbarashada Gobolkaan sarey ugu qaadi lahaayeen.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in sanadba sanadka ka dambeeya ay kor-dhayaan ardayda wax ka barata Dugsiyadda Gobolka Sanaag ee Badhan. 

Waxaa isna halkaa ka hadlay Guddoonka Wax-barashada Gobolka Md, Cismaan Bootaan Saalax, oo ka warbixiyey xaaladda waxbarasho iyo duruufaha jira, wuxuuna  mahadnaq u soo jeediyey Mas’uuliyiinta Maamulada, Macallimiinta, ardayda iyo dadweynihii ka soo qayb-galay xafladaas. 

Wuxuu Guddoonku shee-gay in ardayda sannadkaan dhiganaysay dugsiyadaas tiradoodu dhammayd 1250 (Kun labo boqol iyo konton arday) iyadoo la filaayo in sanadka soo socda ka sii badan doonaan haddii Alle idmo. 

Waxaa iyana halkaas ka hadlay qaar ka mid ah waalidiintii ilmaha dhalay oo ku mahad celiyey guddoonka iyo macalimiinta sida dadaalka iyo hagrasho la’aanta ahayd ee ardayda wax u barayeen

Warsidaha                    Puntland                    Tirsi 97-aad     Khamiis           21/06/2001                   Bogga 6-aad

TAARIIKH NOLOLEEDKII TABABARE CUMAR CANJEESTO

Tababare Cumar Ma-xamed Axmed (Can-jeesto) Alle ha u naxariistee wuxuu ku dhashay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya sannadkii 1936-dii hase yeeshee waxaa qoyskoodii oo dhan ay u soo wareegeen Magaalada Muq-disho 1940-kii.

Tababare Cumar Canjeesto wuxuu yaraantiisii aad u jeclaa Isboortiga, gaar ahaan ciyaarta K/Cagta, isagoo ku biiray kooxaha heerka saddexaad ee Seria C, sannadkii 1952-dii, sanad ka dibna waxa uu galay kooxaha heerka labaad ee Seria B, gaar ahaan kooxdii Xaafaddii Isku Raran ka dib markii uu muujiyey dadaal iyo firfir-coonaan dheeraad ah, wuxuu u gudbay kooxaha heerka 1-aad ee Seria A, naadiga LLPP.

Muddo markii uu u safanayey ayuu tababare u noqday, wuxuuna bilaabay in uu layliyo naadigiisii LLPP, wuxuuna  ciyaartoy ahaan uga fariistay ciyaaraha isagoo da’yar, walina la jecel yahay, sababtoo ah waxaa uu xisaabiye iyo khasnaji ka ahaa Wasaaraddii Howlaha Guud ee Jeenyo, shaqadaas oo waqtigaas ahayd mid aad u culus.

Tababare Cumar wuxuu layliyey naadiyo faro badan oo ay ka mid ahaayeen Bangiga, Dekeddaha, Mu-qdisho (Minishibiyo), Mad-bacadda iyo Naadiga Wagad (FIAT), wuxuuna soo saaray ciyaartoy badan oo magac weyn ku lahaa gudaha iyo dibeddaba, waxaana ka mid ahaa Witig, Xaaji Cabdi, Jimcaalle, C/laahi Cabdi iyo difaacii adkaa ee Naadiga Badda oo loo yaqiin (Shanta Ma Sheexe), Joorje, Abayle, Cali Shiikh, Diini iyo Jamaal iyo kuwo kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

 Tababare Cumar wuxuu ka mid ahaa 13-kii dhalinyaro ee aasaastay Oloympic-adda Soomaaliyeed, 1963-dii, kalana wareegeen Talyaanigii Maamulka Sport-ga xilligaa hayey.

Cumar wuxuu jeclaa ragga ay isla ciyaari jireen in ay is lawada ciyaaraan rag ay ka mid ahaayeen, Shuuqub, Khamiis, Tifow, Tuke iyo Baaskuwaalle. 1961-dii Cu-mar waxaa loo magacaabay Xulkii Qaranka ee Soo-maaliyeed, waxaana ciyaartii ugu horeysay ee sanadkaas la soo cayaareen dalka Ind-onesia.   

Tababare Cumar, wuxuu ku hadli jirey English, Arabic, Italy, French iyo Swahili, isagoo sida badanna ahaan jirey Tarjummaanka Macallimiinta Ajaanibta ah ee dalka la keeno. 

Alle ha u naxariistee Cumar waxa u ku geeriyooday oo lagu aasay Magaalada Garo-owe 02/05/2001-da, waxana uu ifka kaga tegay xaas iyo Afar gabdhood oo uu dhalay.

Haddaba bahweynta Soom-aaliyeed iyo Bulshada Puntland ee Sport-ga jecel waxay leeyihiin Illaahay Jannaddii ha ka waraabiyo eheladuu ka tegayna samir iyo iimaan haka siiyo.

Aamiin Aamiin Aaamiin

TACSI

Beel-daaje Axmed Maxamed Xirsi, Suldaan Muuse Faarax “Muuse Dukood”, Dr, C/raxman Siciid “dhegaweyne”, Xildhibaan Cali Saxar Guulleed, Xildhibaan Qaasim Yuusuf Ismaaciil, G/Sare Cabdi Yuusuf Muuse, G/dhexe C/casiis Siciid Gacamey, Dr, C/xakiin Siciid Gacamey, Dr, Cali Cabdi Ciise iyo xaaskiisa Drs, Ardo Siciid Gacamey, Faarax Yuusuf Nuur iyo Xaaskiisa Sahro Yuusus Maxamed, Dr, Axmed Macallin Ayaanle, Hooyo Cibaado Axmed Faahiye, Hooyo Shacni Khaalid Aw-Muuse, Dr, Cabdi Axmed C/lle, Caasho Wagad Habar-waa. Dhammaan dadkaasi waxay  tacsi u dirayaan Mahado Sh. Axmed Habar-waa iyo Caruurteeda, waxayna ugu tacsiyeynayaan  geeridii ku timid Gaashaanle Sare Cali Faarax Xasan oo 13/06/2001-da ku geeriyooday Magaalada Garoowe, waxayna leeyihiin eheladii iyo asxaabtii uu ka tegay samir iyo iimaan alle ha ka siiyo isagana jannadii firdowsa ha ka waraabiyo. 

Aamiin                                                             Aamiin                                                                         Aamiin

 

IS SOMALILAND A MYTH OR REALITY?   (Party Two)

The respective communities in the north however did not allow themselves to be recorded in the history as the opponents of the unification of Somalia. They had a number of discussions and correspondences on the subject as a result of which arose the United Somali Party (USP) a formal translation of their patriotic ideals. By this action the political dream of the SNL was thrown into the trash and hence the Somali state came into existence. Nevertheless the idea of secession did never die in the minds of SNL founders instead they arranged the first mutiny in 1961 the first of its kind in the history of Somalia – a mutiny which off-course was dealt with severely both in the fronts of the government as well as the citizens. 

Due to the dictatorial rule of Siad Barre a couple of opposition parties came into being such as SSDf, USC and the SNM. Although it might be true that each of those parties was based on tribal level, the policies followed by all of them were to overthrow the government of the dictator except the SNM. Like its foster mother (SNL), the objectives of the SNM was to cede the ex-British protectorate from the rest of the country. In the earlier stages of its struggle the SNM followed a passive politics aimed at organizing social unrest in the whole country and blowing the disputes that might have already been existing among some of the neighboring communities. Most importantly they fomented the rebellious activities of the USC, which based on its nature, was at that time the most powerful party. The effect of such plan off-course resulted into a shift of the military pressure to the south and mainly to Mogadishu the capital city of the country. 

Moreover when the USC captured the seat of the government, Ali Mahdi an illiterate in terms of political experience though a member of the executive committee and a financier to the project, carried out the gravest nonsensical action by proclaiming himself president of the country without consulting his colleagues. Not only that but he also added kerosene to the fire by selecting Omar Arte, who was mentally unfit, as primes minister, for if he was fit he wouldn’t have abused the fame he acquired through the virtue of the national office, nor would he have allowed himself to become rich on the account of those widely televised victims of famine and disease, those whom if the world would not have arrived on time would certainly have been wiped out from the surface of the earth.

Arte the dual faced personally and evil-disposed prime minister put off his national identity and instead proudly put on the regional identity through his well-known interview with the BBC in which he publicly ordered  the national military forces to surrender to USC and SNM respectively pertaining to their domicile at the time of the interview. That accursed interview unscrewed the nuts and bolts of the military forces and hence led the fall of the state and the start of the anarchy. It also killed any marriage between USC and SNM and idea that might have been an inspiration to some USC members such as Mahdi.

 Aided the military leader as well as the mastermind of the USC, who regarded himself alienated by Mahdi’s stand on who is who, asked him to renounce his illegitimate proclamation. However Mahdi, who similarly saw himself as an equal to Aideed in terms of personal importance to the USC campaign, could not afford anybody to dictate to him how to behave. These personal attitudes brought an internal rift in the leadership of USC and furthermore a split of the members to a clan level. Here comes the question of whether the fall of USC was due to the lack of a solid foundation from the beginning.  

LA SOCO CADDADKA XIGGA “INSHA ALLAAH”

ALLA HOOYO DIIMA BADNIDAA

Islaan ayaa aragtay wiil ay dhashay oo maalinba maalinta ka dambaysa mooshin cusub ku jira, islaantii way la yaabtay wiilkeedii waxyaalaha uu samaynayo, wayna qaadan weyday, waxaana ka soo haray yaab iyo dhabbano hays.

Wiilkii wuxuu socdo oo hadba meel isku waabo, aakhirkii wuxuu galay oo noqday Masiixi, wuxuuna la baxay magac ah Anthony.

Islaantii oo yaaban oo la yaaban waxa uu hadda la yimid ayaa u yeertay wiilkeedii, iyadoo ka xun oo qaadan la’ meesha xun uu galay ayay ku tiri “Alla hooyo Anthony-yow diimo badnidaa”. 

Waxaa la mid ah Anthony Maxamed Ibraahim  Cigaal, sababtoo ah waxaana Anthony ka badiyey, Cigaal wuxuu sheegtay  Falaasha (asal ahaan Yuhuud). 

Taariikhda Soomaaliya nin walba waa hortaalaa, wuxuu ahaa ninkii NFD wareejiyey oo gatay 1967-dii shirkii lagu qabtay Caruusha-Tanzania, oo lagu wada hadalsiiyey Kenya iyo Soomaaliya uuna dhexdhexaadinayey madaxaweynihii hore Julis Nareeri..wuxuu ahaa markaas xaaladdaas NFD taagnayd oo Ingiriiska iyo Soomaalidu isku xumaadeen oo safiiradii la kala qaatay. 

Ninkii ingiriiska waraaqaha sirta ah u diri jirey isagoo ka doonaya in ay dowladda ingiriisku gacan siiso, wuxuu waqtigaa ku hammiyey  oo ahayd goosasho, kana dhaadhicin jirey isagoo sirtaa uu dirayo ku dalbayey gacansiin uu ka helo dowladaas.

Waqtigaa waxaa safaaradda Soomaaliya lagu reebay nin kaliya, wuxuuna la joogay safaarada Talyaaniga, ninkaas waxaa la yiraahdaa Nadiif Cali Xasan, Ingiriiskuna waxaa lagu reebay iyadoo joogtay Safaarada Maraykanka ee Xamar, wuxuuna damcay in uu ninkii ku beddelo nin ay isku reer yihiin, waxaase dhacday in ninkaas la beddeli lahaa oggaaday sirtii Cigaal, uuna markaas la socodsiiyey Madaxweynihii xilligaas Alle ha u naxariistee C/rashiid Cali Sharmaake, halkaasna ay ku fashilantay sirtiisii. 

Maanta wuxuu Cigaal yiri aftidii dhulka la yiraahdo Somaliland si wanaagsan bay uga dhacday, Sool iyo Sanaagna si fiican baa loogu coddeeyey, waxayna natiijadii codayntu noqotay 90% (Haa).

Taasi, waxaa weeye mid aan waxba ka jirin, Sool iyo Sanaagna waxa la yiraahdo afti kama dhicin.

Waxaynu ognahay wixii ka dhacay isku daygoodii damaca u huwanaa ee keenay dhimasho iyo sanaadiikh la qabtay. 

Haddaba, Cigaal ,miyuusan marna ka quusanayn damaciisa oo aan meel jirin ee riyada ah, miyuusan ogeyn in Soomaaliya reer-reer u kala go’day, yuu reer hoos geynayaa, miyuusan ahayn nin fekera, mise waxaa ugu wacan diimihiisa badan, alla diima badanaa!!!!

 

DIL KA DHACAY CABUD-WAAQ

Talaado… 19/06/2001-da… GALKACAYO… WARSIDAHA

Waxaa shalay oo taarikhdu ahayd 18/06/2001-da, salaadii Maqrib, la dilay Marxuum, Ugaas Siraaji Ugaas Faarax oo ahaa Ugaaskii Mareexaan ee Cabud-waaq iyo  Nabadoon Fidaar oo ay ilma adeer ahaayeen Ugaaska, waxaana la dilay iyagoo ka soo baxay Masjidka weyn ee Magaalada, waxaana lagu dilay Masjidka hortiisa, waxaana loo aanaynayaa dilka Ugaaska iyo Nabadoonka dakano isla qoyska ka dhaxaysay.