Warsidaha Puntland
Tirsi 97
Khamiis 21 Juun 2001
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed ayaa taariikhdii 14/06/2001-da soo saaray dikreeto Lam, 246, taas oo uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha, waxayna u qornayd sidatan:-
eer Madaxweyne Lam. 246
MADAXWEYNAHA DAWLADDA PUNTLAND,
MARKUU ARKAY Axdiga Puntland,
MARKUU TIXGELIYEY codsiga Shirkadda (SBC) Somali
Broadcasting Company, kuna saabsan ogolaansho fasax Idaacad warbaahineed,
MARKUU DHAGAYSTAY talada Agaasinka Guud ee Warfaafinta,
Dhaqanka iyo Isgaarsiinta ay ka bixiyeen xaaladda Idaacadaha gaarka ah,
MARKUU GARWAAQSADAY, Baahida loo qabo in in Gobolka Bari,
Boosaaso uu yeesho Idaacad wararka u baahisa,
In
shirkadda (SBC) Somali Broadcasting Company ee Boosaaso la siiyo ruqsadda Idaacadda ku
shaqaysa mowjadda FM-ka ee anteenadda tooska ah leh.
Wixii ku saabsan nidaamka guud iyo qawaaniinta la
xiriirta barnaamijyadeeda waxaa lagala xiriirayaa Agaasinka Guud ee Warfaafinta, Dhaqanka
iyo Isgaarsiinta.
MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DGPL OO FURAY IDAACAD CUSUB.
Xaflad ballaaran oo lagu
xusayey Idaacad cusub oo madax bannaan ayaa waxaa ka qayb-galay Madaxweyne- ku-xigeenka
DGPL Mudane, Maxamed Cabdi Xaashi, furitaankii xafladaasi oo uu Madaxweyne-ku-xigeenku ka
jeediyey hadalo koob-kooban, waxa uu ku boggaadiyey masuuliyiinta Idaacada in ay wax
weyn ka geystaan horumarka saxaafadda ayna ahayd mid loo baahnaa, waxa uuna kaga digay in
aysan noqon idaacadaasi mid ka hortimaada sharciga, waxuuna u rajeeyey in ay noqoto mid ka
qayb-qaadata horumarka dalka, waxna toosisa.
Waxa kale oo xafladaasi
ka qaybgalay masuuliyiin sar sare oo dowladda ah, Isimmo, Xildhibaaanno iyo marti
sharaf kale.
Waxa kale oo halkaas
hadalo ka jeediyey Agaasimaha Guud ee Agaasinka Warfaafinta Dr, Maxamuud Caynab Maxamuud,
waxa uuna ka hadlay kaalinta muhiimka ah ee saxaafaddu ay kaga jirto arrimaha bulshada iyo
faaiidooyinka ay u leedahay iyo hababka looga faaiidaysto, waxa uuna carrabka
ku dhuftay in idaacadaan ay tahay tii ugu horeysay oo madax bannaan oo dalka Puntland
yeesho, taasoo uu ku tilmaamay in maamul goboleedka Puntland uu fuliyey axdi qarameedka u
dhigan.
Waxa uu
masuuliyiinta Idaacada ku booriyey in ay noqoto idaacadaas mid wax weyn u
faaiidaysa shacabka, waxaa kale oo warbixin kooban ka jeediyey Agaasimaha idaacada
Md, Cali Cabdi Awaare oo si kooban uga hadlay ujeeddooyinka Idaacada iyo kaalinta kaga
aadan bulshada ee ay rajaynayaan in ay buuxiyaan waxa uu si weyn u tilmaamay in aysan
Idaacadu ku shaqo lahayn wax siyaasad ah, ee ay tahay mid ganacsi taasoo ay ka qayb qaadan
karaan dhammaan bulsho weynta Soomaaliyeed.
Warsidaha
Puntland Tirsi 97-aad Khamiis 21/06/2001
Bogga 3-aad
WASIIRKA XANNAANADA
XOOLAHA, BEERAHA IYO DEEGAANKA OO XIRAY SIMINAAR U SOCDAY HAYADAHA GARSOORKA
PUNTLAND.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Deegaanka
ahna siihayaha Wasiirka Wasaaradda Garsookra iyo Arrimaha Diinta, Md. Maxamed Xaaji Aadan,
ayaa xiray siminaarkii u socday hayadaha Garsoorka Puntland oo kala ahaa
Garsoorayaasha, Maxkamadaha, Garyaqaanka Guud, Garyaqaanadda Madaxa bannaan, Agaasime
Waaxeedyadda ee Wasaaradda Garsoorka, Saraakiisha Ciidamadda Booliska iyo Asluubta, ugana
socday Xarunta Wasaaradda Garsoorka, tiradooduna ahayd ka qayb-galayaashaas 78 qof oo ka
kala socday qaybahaas wuxuuna socday muddo toban casho ah.
Wasiirka ka hor, waxaa isna hadal gaaban ka soo
jeediyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Diinta, Md, Cumar Saalax
(Canjeex), Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Sare Maxamed Xasan Maxamed oo isna ka hadlay
ayaa yiri Waxaannu caddaynaynaa in tababarkaan uu ahaa kii u wanaagsanaa ee loo
qabto hayadaha Sharciga Puntland, waxyaalo badan oo aan la isla fahmayn ayaa hadda
laysla fahmay, shaqaduna ku socon doontaa.
Waxaa isna hadalkii qaatay ku simaha Agaasimaha Guud
ee DIAKONIA ahna Madaxa Xiriiriyaha Sharciga ee Hayadda DIAKONIA, Cabdi Xasan
Jimcaalle, oo ka war bixiyey qaabkii uu u socday tababarkaani, wuxuuna u mahadceliyey ka
qayb-galayaashii siminaarka sida weyn ee ay gacanta noo siiyeen waxaana rajaynaynaa in uu
noqdo mid wixii lagu bartay lagu dabakho bulshada.
BAAQ AY SOO SAAREEN
KOOXDA BARBAARTA PUNTLAND IYO BULSHO WEYNTA GOBOLKA NUGAAL.
Haddii aannu nahay
Kooxda Barbaarta Puntland iyo bulsho weynta Gobolka Nugaal, waxaannu baaq u jeeddinaynaa
dhammaan kooxda yar ee degdegaysa oo doonaya in ay xasilooni darro iyo iska hor imaad ka
abuuraan carigaan Puntland.
Waxaanu u soo
jeedinaynaa bulshada in aan waqtigaan aan la qaban karin doorasho wax la yiraahdo,
sababtoo ah iyadoo aan nabadgelyadu xasiloonayn iyo iyadoo aan hadda loo hayn dhaqaalle,
dhaqaaluhuna yar yahay, waxaanu ku boorinaynaa bulsho weynta Puntland in nabadgelyada iyo
xasiloonida ilaaliyaan oo laga wada shaqeeyo maamul iyo bulsho ahaanba, waxaanu ka
digaynaa oo cambaaraynaynaa kuwa sida sharci darrada ah hubka ula soo galaya Caasimada
DGPL ee Garowe, oo doonaya argagixiso iyo tashwiish in ay beeraan.
Haddii aanu nahay kooxda
Barbaarta Puntland iyo bulsho weynta Puntland waanu ka soo horjeednaa kuwa aanu kor ku soo
sheegnay oo ah kuwo dano gaar ah wata, una shaqaynaya dad shisheeye ah oo dano gaar ah
wata, jecelna baabiin iyo iska hor-imaadka Reer Puntland in ay ka dhacaan
dhibaatooyin la mid ah kuwo Koonfurta Soomaaliya ka socda hadda, Nabad-diid waa nolol
diida.
Waxaan ku soo gaabinayaa
war nabadda iyo xasiloonida hala ilaaliyo.
(Kii dhuumanayow dhabarku muuqdow
Waa
dharaar lagu dhowrayee
Dadkaaga
dhinac ka raac yaadan lumine
Dadkaaga
dhinac ka raac).
Puntland waa jiraysaa,
waana jiri doontaa!!!
Warsidaha
Puntland Tirsi 97-aad Khamiis 21/06/2001
Bogga 4-aad
Wafdi uu hoggaaminayo
Gud-doomiyaha Gobolka Sanaag, Md, Maxamuud Siciid Nuur (Dabayl), ayaa dhowaan kormeer
howled ku kala bixiyey qaar ka mid ah degmooyinka iyo tuullo-oyinka Gobolka Sanaag, isagoo
ay wafdigiisa ka mid yihiin masuuliyiinta Gobolka oo isugu jira madaxda laamaha hayadaha kala gedisan iyo
saraakiisha ciidanka booliskaiyo dara-awiishta ee gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha iyo
wafdi-giisu waxay degmo iyo tuulo kasta oo ay tagaan kula kulmayeen shirarna ugu
qabanayeen dhammaan kala duwan ee bulshada
deeg-aamadaas, waxayna dadka deegaa-madaas u sheegeen oo caddeeyeen in ay dha-mmaatay
sheegashadii iyoi been abuurkii Maa-mulka Cigaal iyo xulufadiisa Hargeysa jooga u tebin
jireen BBC-da. Gudd-oomiyuhu wuxuu sheegay wax uu ku tilmaamay mugdi in ay soo foodsaartay
si wada jir ahna ay iskaga caabiyeen, wuxuuna dad-weynaha u sheegay in ay goday
rajadii Cigaal ka qabay dadka iyo dalkaan uuna doonayey in uu isirkooda beddelo, isagoo
mar walba adeegsanayey dhaqaalle uu u soo dhiibayey shakhsiyaad u adeegayey shisheeye
taladiisu taal Har-geysa, waxayna dadweynaha uga mahadnaqeen sidii haga-rliida
lahayd ee wada jirka ahayd ee ay isaga celiyeen mugdigii Cigaal, una barbar istaageen
maamulkooda iyo mada-xdooda DGPL, mar walbana u heelan yihiin difaaca dalkooda iyo
dad-kooda.
Ugu dambayntiina waxay
isku af-garteen wafdigii guddoomiyuhu hoggaaminayey iyo dadw-eynihii deegaamadaas ay
kormeerka ku marayeen qodobadan soo socda:-
1.
In la adkeeyo nabad-gelyada iyo amniga dadw-eynaha ee gobolka
2.
In
sare loo qaado himmilada, siyaasada
iyo rabitaanka dawlad
gob-oleedka puntland iyo
isku xirka shacabka reer puntland dalka
iyo dib-eddaba.
3.
In sare loo qaado nidaamka cashuur
uruurinta iyo kobcinta dhaqaalaha gobolka san-aag Guddoomiyaha iyo wafdigiisu markay ku
soo laabteen Magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Bad-han, waxay shir ballaaran ku qabteen
xafiiska maamulka Gobolka, shirkaas oo ay ka soo
qayb-galeen dham-maan mas-uuliyiinta gobolka, kuwa degmada, isimo, nabad-oono,
waxgarad iyo dadweyne, waxayna uga xog-warrameen korm-eerkoodii iyo natiijadii ka soo
baxday.
Ugu dambayntii wuxuu Guddoomiyuhu u
sheegay dadkii shirkaa ka soo qayb-galay in ciddii gobolka la soo gashaa wax uu ku
tilmaamay dibin-daabyo dowladeed iyo mid dadweynaba laga qaadi doono tallaabo cad oo
waafaqsan sharciga Gar-soorka Dawlad Goboleedka Puntland, iyadoo lala tiigsanayo heer
maxkamadeed, loona baahan yahay in mar walba si wada jir ah isu barbar taagaan
maamulkooda.
Xubnihii halkaas iyana ka hadlay
waxay madaxda u sheegeen in maanta si hagar lii ah diyaar loogu yahay wixii ina soo
food saara in ay si wada jir ah uga hortagaan.
Warsidaha
Puntland Tirsi 97-aad Khamiis 21/06/2001
Bogga 5-aad
WAR
SAXAAFADEED.
War saxaafadeed ay sii daayeen Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Md, Maxamuud Siciid Nuur (Dabayl) iyo madax-dhaqa-meedka ayna u kala direen caalamka ayay ku sheegeen in dadka degan Bariga, Waqooyiga iyo Koonfurta Gobolka Sanaag in aanay aqbalayn cid kasta oo damacda in ay siyaasad, dhaqaale iyo si kaleba u bedesho isirkooda rabitaankooda iyo haybtooda iyadoo ay jirto in muddo ah in la doonayey in la goosgoosto dadka degan deegaankaas iyo kuwo kale oo degan Gobolo kaloo oo ay isku hayb yihiin. Haddaba, waxaa jirta in ay isku dayeen dad dan leh in ay khalkhal iyo dhibaato ka dhex abuuraan ummadda degan deegaamadaas, dadkaas oo u adeegaya dad shisheeye ah oo taladooda ka bixiya Hargeysa.
Haddaba, waxaanu
caalamka u sheegaynaa oo la socodsiinaynaa in dadka degen gobolkaasi ay ka mid yihiin
Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
Warsaxaafadeedkaas
waxaa iyaguna bayaan la mid ah raaciyey qaar ka mid ah madax-dhaqameedka Gobolka sanaag oo
iyagu u kala diray Jaaliyaddaha Dibedda ee ku magacaaban Reer Laas-qoray.Dhammaan
warsa-xaafadeedkaas iyo bayaanadaas ayaa lagu qanci doonaa runta iyo xaqiiqadana laga heli
doonaa wa-xay tahay.
XAFLAD NATIIJADII IMTIXAAN
EE SANAD DUGSIYEEDKA 2000-2001-DA EE GOBOLKA SANAAG OO LAGU QABTAY BADHAN.
16/06/2001, WARSIDAHA
Badhan
Waxaa Magaalada Badhan
ee Gobolka Sanaag lagu qabtay xaflad ujeeddadeedu ahayd sheegitaankii natii-jaddii
imtixaanka 2000-2001-da, ee Dugsiyadda Hoose/Dhexe ee Gobolka Sanaag. Xafladaas oo ay ka
soo qaybgaleen qaar ka mid ah masuuliyiinta Maa-mulka Gobolka, heer Gobol iyo heer
Degmo, Guddo-omiyaha Waxbarashada, Maamulayaasha Dugsiy-adda Dhexe iyo Hoose, Waalidiinta
ardayda iyo dadweyne aad u faro badan.
Waxaa ugu horreyntiiba
khudbad ka soo jeediyey Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Mudane, Maxam-uud Siciid Nuur
(Dabayl) oo ka mahadnaqay sida dadaalka weyn leh ee waalidiinta iyo maca-limiintuba ugu
jiraan siday waxbarashada Gobolkaan sarey ugu qaadi lahaayeen.
Guddoomiyuhu wuxuu
sheegay in sanadba sanadka ka dambeeya ay kor-dhayaan ardayda wax ka barata Dugsiyadda
Gobolka Sanaag ee Badhan.
Waxaa isna halkaa ka
hadlay Guddoonka Wax-barashada Gobolka Md, Cismaan Bootaan Saalax, oo ka warbixiyey
xaaladda waxbarasho iyo duruufaha jira, wuxuuna mahadnaq
u soo jeediyey Masuuliyiinta Maamulada, Macallimiinta, ardayda iyo dadweynihii ka
soo qayb-galay xafladaas.
Wuxuu Guddoonku shee-gay
in ardayda sannadkaan dhiganaysay dugsiyadaas tiradoodu dhammayd 1250 (Kun labo boqol iyo
konton arday) iyadoo la filaayo in sanadka soo socda ka sii badan doonaan haddii Alle
idmo.
Waxaa iyana halkaas ka
hadlay qaar ka mid ah waalidiintii ilmaha dhalay oo ku mahad celiyey guddoonka iyo
macalimiinta sida dadaalka iyo hagrasho laaanta ahayd ee ardayda wax u barayeen
Warsidaha
Puntland
Tirsi 97-aad Khamiis 21/06/2001
Bogga 6-aad
Tababare Cumar Ma-xamed Axmed
(Can-jeesto) Alle ha u naxariistee wuxuu ku dhashay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya
sannadkii 1936-dii hase yeeshee waxaa qoyskoodii oo dhan ay u soo wareegeen Magaalada
Muq-disho 1940-kii.
Tababare Cumar Canjeesto
wuxuu yaraantiisii aad u jeclaa Isboortiga, gaar ahaan ciyaarta K/Cagta, isagoo ku biiray
kooxaha heerka saddexaad ee Seria C, sannadkii 1952-dii, sanad ka dibna waxa uu galay
kooxaha heerka labaad ee Seria B, gaar ahaan kooxdii Xaafaddii Isku Raran ka dib markii uu
muujiyey dadaal iyo firfir-coonaan dheeraad ah, wuxuu u gudbay kooxaha heerka 1-aad ee
Seria A, naadiga LLPP.
Muddo markii uu u safanayey ayuu
tababare u noqday, wuxuuna bilaabay in uu layliyo naadigiisii LLPP, wuxuuna ciyaartoy ahaan uga fariistay ciyaaraha isagoo
dayar, walina la jecel yahay, sababtoo ah waxaa uu xisaabiye iyo khasnaji ka ahaa
Wasaaraddii Howlaha Guud ee Jeenyo, shaqadaas oo waqtigaas ahayd mid aad u culus.
Tababare Cumar wuxuu layliyey naadiyo faro badan oo
ay ka mid ahaayeen Bangiga, Dekeddaha, Mu-qdisho (Minishibiyo), Mad-bacadda iyo Naadiga
Wagad (FIAT), wuxuuna soo saaray ciyaartoy badan oo magac weyn ku lahaa gudaha iyo
dibeddaba, waxaana ka mid ahaa Witig, Xaaji Cabdi, Jimcaalle, C/laahi Cabdi iyo difaacii
adkaa ee Naadiga Badda oo loo yaqiin (Shanta Ma Sheexe), Joorje, Abayle, Cali Shiikh,
Diini iyo Jamaal iyo kuwo kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.
Cumar wuxuu jeclaa ragga ay isla
ciyaari jireen in ay is lawada ciyaaraan rag ay ka mid ahaayeen, Shuuqub, Khamiis, Tifow,
Tuke iyo Baaskuwaalle. 1961-dii Cu-mar waxaa loo magacaabay Xulkii Qaranka ee
Soo-maaliyeed, waxaana ciyaartii ugu horeysay ee sanadkaas la soo cayaareen dalka
Ind-onesia.
Tababare Cumar, wuxuu
ku hadli jirey English, Arabic, Italy, French iyo Swahili, isagoo sida badanna ahaan jirey
Tarjummaanka Macallimiinta Ajaanibta ah ee dalka la keeno.
Alle ha u naxariistee
Cumar waxa u ku geeriyooday oo lagu aasay Magaalada Garo-owe 02/05/2001-da, waxana uu ifka
kaga tegay xaas iyo Afar gabdhood oo uu dhalay.
Haddaba bahweynta
Soom-aaliyeed iyo Bulshada Puntland ee Sport-ga jecel waxay leeyihiin Illaahay Jannaddii
ha ka waraabiyo eheladuu ka tegayna samir iyo iimaan haka siiyo.
Aamiin Aamiin Aaamiin
TACSI
Beel-daaje Axmed Maxamed Xirsi, Suldaan Muuse Faarax
Muuse Dukood, Dr, C/raxman Siciid dhegaweyne, Xildhibaan Cali
Saxar Guulleed, Xildhibaan Qaasim Yuusuf Ismaaciil, G/Sare Cabdi Yuusuf Muuse, G/dhexe
C/casiis Siciid Gacamey, Dr, C/xakiin Siciid Gacamey, Dr, Cali Cabdi Ciise iyo xaaskiisa
Drs, Ardo Siciid Gacamey, Faarax Yuusuf Nuur iyo Xaaskiisa Sahro Yuusus Maxamed, Dr, Axmed
Macallin Ayaanle, Hooyo Cibaado Axmed Faahiye, Hooyo Shacni Khaalid Aw-Muuse, Dr, Cabdi
Axmed C/lle, Caasho Wagad Habar-waa. Dhammaan dadkaasi waxay tacsi u dirayaan Mahado Sh. Axmed Habar-waa iyo
Caruurteeda, waxayna ugu tacsiyeynayaan geeridii
ku timid Gaashaanle Sare Cali Faarax Xasan oo 13/06/2001-da ku geeriyooday Magaalada
Garoowe, waxayna leeyihiin eheladii iyo asxaabtii uu ka tegay samir iyo iimaan alle ha ka
siiyo isagana jannadii firdowsa ha ka waraabiyo.
Aamiin
Aamiin
Aamiin
IS
SOMALILAND A MYTH OR REALITY? (Party Two)
The respective communities in the north however did
not allow themselves to be recorded in the history as the opponents of the unification of
Somalia. They had a number of discussions and correspondences on the subject as a result
of which arose the United Somali Party (USP) a formal translation of their patriotic
ideals. By this action the political dream of the SNL was thrown into the trash and hence
the Somali state came into existence. Nevertheless the idea of secession did never die in
the minds of SNL founders instead they arranged the first mutiny in 1961 the first of its
kind in the history of Somalia a mutiny which off-course was dealt with severely
both in the fronts of the government as well as the citizens.
Due to the dictatorial rule of Siad Barre a couple
of opposition parties came into being such as SSDf, USC and the SNM. Although it might be
true that each of those parties was based on tribal level, the policies followed by all of
them were to overthrow the government of the dictator except the SNM. Like its foster
mother (SNL), the objectives of the SNM was to cede the ex-British protectorate from the
rest of the country. In the earlier stages of its struggle the SNM followed a passive
politics aimed at organizing social unrest in the whole country and blowing the disputes
that might have already been existing among some of the neighboring communities. Most
importantly they fomented the rebellious activities of the USC, which based on its nature,
was at that time the most powerful party. The effect of such plan off-course resulted into
a shift of the military pressure to the south and mainly to Mogadishu the capital city of
the country.
Moreover when the USC captured the seat of the
government, Ali Mahdi an illiterate in terms of political experience though a member of
the executive committee and a financier to the project, carried out the gravest
nonsensical action by proclaiming himself president of the country without consulting his
colleagues. Not only that but he also added kerosene to the fire by selecting Omar Arte,
who was mentally unfit, as primes minister, for if he was fit he wouldnt have abused
the fame he acquired through the virtue of the national office, nor would he have allowed
himself to become rich on the account of those widely televised victims of famine and
disease, those whom if the world would not have arrived on time would certainly have been
wiped out from the surface of the earth.
Arte the dual faced personally and evil-disposed
prime minister put off his national identity and instead proudly put on the regional
identity through his well-known interview with the BBC in which he publicly ordered the national military forces to surrender to USC
and SNM respectively pertaining to their domicile at the time of the interview. That
accursed interview unscrewed the nuts and bolts of the military forces and hence led the
fall of the state and the start of the anarchy. It also killed any marriage between USC
and SNM and idea that might have been an inspiration to some USC members such as Mahdi.
LA
SOCO CADDADKA XIGGA INSHA ALLAAH
Islaan ayaa aragtay wiil
ay dhashay oo maalinba maalinta ka dambaysa mooshin cusub ku jira, islaantii way la
yaabtay wiilkeedii waxyaalaha uu samaynayo, wayna qaadan weyday, waxaana ka soo haray yaab
iyo dhabbano hays.
Wiilkii wuxuu socdo oo
hadba meel isku waabo, aakhirkii wuxuu galay oo noqday Masiixi, wuxuuna la baxay magac ah
Anthony.
Islaantii oo yaaban oo
la yaaban waxa uu hadda la yimid ayaa u yeertay wiilkeedii, iyadoo ka xun oo qaadan
la meesha xun uu galay ayay ku tiri Alla hooyo Anthony-yow diimo
badnidaa.
Waxaa la mid ah Anthony
Maxamed Ibraahim Cigaal, sababtoo ah waxaana
Anthony ka badiyey, Cigaal wuxuu sheegtay Falaasha
(asal ahaan Yuhuud).
Taariikhda Soomaaliya
nin walba waa hortaalaa, wuxuu ahaa ninkii NFD wareejiyey oo gatay 1967-dii shirkii lagu
qabtay Caruusha-Tanzania, oo lagu wada hadalsiiyey Kenya iyo Soomaaliya uuna
dhexdhexaadinayey madaxaweynihii hore Julis Nareeri..wuxuu ahaa markaas xaaladdaas NFD
taagnayd oo Ingiriiska iyo Soomaalidu isku xumaadeen oo safiiradii la kala qaatay.
Ninkii ingiriiska
waraaqaha sirta ah u diri jirey isagoo ka doonaya in ay dowladda ingiriisku gacan siiso,
wuxuu waqtigaa ku hammiyey oo ahayd goosasho,
kana dhaadhicin jirey isagoo sirtaa uu dirayo ku dalbayey gacansiin uu ka helo dowladaas.
Waqtigaa waxaa
safaaradda Soomaaliya lagu reebay nin kaliya, wuxuuna la joogay safaarada Talyaaniga,
ninkaas waxaa la yiraahdaa Nadiif Cali Xasan, Ingiriiskuna waxaa lagu reebay iyadoo
joogtay Safaarada Maraykanka ee Xamar, wuxuuna damcay in uu ninkii ku beddelo nin ay isku
reer yihiin, waxaase dhacday in ninkaas la beddeli lahaa oggaaday sirtii Cigaal, uuna
markaas la socodsiiyey Madaxweynihii xilligaas Alle ha u naxariistee C/rashiid Cali
Sharmaake, halkaasna ay ku fashilantay sirtiisii.
Maanta wuxuu Cigaal yiri
aftidii dhulka la yiraahdo Somaliland si wanaagsan bay uga dhacday, Sool iyo Sanaagna si
fiican baa loogu coddeeyey, waxayna natiijadii codayntu noqotay 90% (Haa).
Taasi, waxaa weeye mid
aan waxba ka jirin, Sool iyo Sanaagna waxa la yiraahdo afti kama dhicin.
Waxaynu ognahay wixii ka
dhacay isku daygoodii damaca u huwanaa ee keenay dhimasho iyo sanaadiikh la qabtay.
Haddaba, Cigaal
,miyuusan marna ka quusanayn damaciisa oo aan meel jirin ee riyada ah, miyuusan ogeyn in
Soomaaliya reer-reer u kala goday, yuu reer hoos geynayaa, miyuusan ahayn nin
fekera, mise waxaa ugu wacan diimihiisa badan, alla diima badanaa!!!!
DIL KA DHACAY
CABUD-WAAQ
Talaado
19/06/2001-da
GALKACAYO
WARSIDAHA
Waxaa shalay oo taarikhdu ahayd
18/06/2001-da, salaadii Maqrib, la dilay Marxuum, Ugaas Siraaji Ugaas Faarax oo ahaa
Ugaaskii Mareexaan ee Cabud-waaq iyo Nabadoon
Fidaar oo ay ilma adeer ahaayeen Ugaaska, waxaana la dilay iyagoo ka soo baxay Masjidka
weyn ee Magaalada, waxaana lagu dilay Masjidka hortiisa, waxaana loo aanaynayaa dilka
Ugaaska iyo Nabadoonka dakano isla qoyska ka dhaxaysay.