Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

 Warsidaha Puntland 

Tirsi 98

Garowe,  Khamiis 28/06/01   


    

 MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO FURAY XARUN CUSUB

24/06/01… Garowe…. WARSIDAHA…

Xaflada balaaran oo si weyn loo soo agaasimay ayaa ka dhacday Xarunta cusub ee WHO Garowe, Xafladaas oo ahayd furitaanka Xarunta cusub ee WHO Garowe, waxaa xafladaas ka soo qayb galay Madaxweynaha D.G. P/land Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, Madaxweyne ku- Xigeenka D.G. Puntland Mudane Maxamed Cabdi Xaashi, Gudoomiye-ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Mudane Maxamed Axmed Kulan, Wasiiro, Xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo marti sharaf kale.  

Madaxweynaha D.G. P/land Mudane C/laahi Yuusuf Axmed oo furitaanka xafladaas hadalo koban ka jeediyey, waxa uu tilmaamay sida weyn ee uu ugu faraxsan yahay wada shaqaynta Maamulka p/land iyo Hay’adda WHO, waxa uu kaloo tilmaamay baahida caafimaad ee jirta, WHO looga baahan yahay in ay gacan weyn ka geysato, 

Waxaa madaxweynaha ka hor halkaa ka hadlay madaxa xafiiska WHO Garoowe Dr. Firdowsi Mehta, waxa uu marka hore soo gudbiyey salaan uu ka siday wakiilka WHO ee Soomaaliya Mr. Najibulah, wuxuuna tilmaamay in furitaanka xafiiska ay ka danbaysay kulan ay yeesheen madaxweynaha D.G. Puntland iyo wakiilka WHO ee Soomaaliya Mr. Najibulah Mujdadi, ayna ku yeesheen Magaalada Nayrobi 1999kii. 

Wuxuuna mahad celin u soo jeediyey masuuliyiinta gacanta ku siiyey hirgalinta xaruntaan iyo in ay la shaqayn doonaan mas’uuliyiinta Wasaaradda arrimaha Bulshada ee D.G. P/land.

MADAXWEYNAHA DGPL OO SOO SAARAY WAREEGTO KU SAABSAN AWOODDA MAAMULKA IYO SAXIIXA FOJERADA MUSHAHAAROOYINKA IYO ADEEGYADA.

Madaxweynaha Dawlada Goboleedka Puntland, Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa taariikhdii 18/06/2001-da, soo saaray wareegto LAM. XM/DPS/734/2001, taasoo ku socotay dhammaan Wasaaradaha Dawladda Puntland fadhigooda, iyo dhammaan hay’adaha madaxa bannaan ee dowladda fadhigooda, uuna ku saxiixan yahay Madaxweynaha, waxayna u qornayd sidatan:- 

Ujeeddo:- awoodda Maa-mulka iyo Saxiixa Foojar-ada Mushahaarooyinka iyo adeegyada. 

Waxaa dhammaan Wasi-irada iyo Agaasimeyaasha Guud  lagu amrayaa in foojarka lacag bixinta iyo foolyo-baagada shaqaalaha ay mas’uul ka yihiin Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hay’ada-ha madaxa bannaan. 

Nidaamkan waxaa ku dhaqma Madaxtooyada Dawladda.

Wasiiradu waxay hogga-amiyaan siyaasadda dawla-dda ee waaxyahooda iyo jaangooyada miisaaniyada.

 

Warsidaha Puntland           Tirsi 98               Khamiis 28/06/01                                                     Bogga   3-aad 

 WARBIXINTII GUDDIGA DOORASHADA EE DGPL SOO SAAREEN.

Warbixintaan oo aad u dheerayd, kana hadlaysay dhinacyo badan ayaan isku daynay in aanu idiin soo gudbino inta aanu is niri waa nuxurka warbixintaan.

Warbixintaan oo ay ku dhammaystiran yihiin tallooyin ku saabsan howlgaladii guddiga doorashada, waxyaabihii u qabsoomay, iyo wixii aan u qabsoomin, caqabadaha hortaa-an iyo waxyaabaha looga baahan yahay in mustaqbalka la qabto, si looga hirgeliyo aftida dastuurka iyo doorasho xor ah oo caddaalad ku dhisan deegamaadda Puntland ay ka kooban tahay.

 I. TIRADA IYO WAAJIBAADKA GUDDIGA DOORASHADA

Guddigu wuxuu ka kooban yahay 13-xubnood oo isugu jira saddexda golle oo ay ka kooban tahay Puntland, iyadoo waajibaadkiisu yahay sidii axdiga ku qeexan qaban-qaabinta iyo hirgelinta aftida doorashooyinka golleyaasha wakiillada iyo deegaamadda oo ku yimaada nidaamka xisbiyo badan. 

II.   WAXQABADKA GUDDIGA

Guddigu wuxuu hawshiisa bilaabay 19/01/2001, isagoo ku bilaabay hawshiisa xaalad ban-ka-ood ah oo aanay jirin wax la raad raaco iyo maraajic loo noqdaa toona, waxayna mudnaanta koowaad ee hawlgalkiisa uu qaatay, bal in marka hore la isku taxalujiyo sidii loo diyaarin lahaa shuruucdii lagu maamuli lahaa aftida dastuurka iyo doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaamada oo qeexaya dhumucda baaxada hawsha, xillalka iyo waajibaadyada laga doonayo in ay fuliyaan hay’adaha kala duwan ee ku shaqada leh.[

Labadaasi sharci waxay sugayaan ansixinta gollaha wakiillada, waxay daraasad iyo xog-uruurin ku sameeyeen sidii loo suuro gelin lahaa dhaqan gelinta shuruucdan, caqabadaha hortaagan iyo arrimaha u baahan in la dhammaystiro aftida ka hor, taasoo guddigu ku oggaaday in aanay xilligaan suurto-gal ahayn in laga hirgeliyo deegaamada Puntland afti loo qaado dastuurka cusub iyo doorashada golayaasha. 

III.  CAQABADAHA HORTAAGAN AFTIDA DASTUURKA. 

Marka laga reebo diyaar-garowga dhanka farsamada, abaabulka iyo isku-dubaridka afti bixinta, caqabadaha waaweyn ( Major Obstacles) ee saldhiga u ah in aan la hawaysan karin xilligaan afti iyo doorasho toona, waxaa ka mid ah :

a.      Nabadgelyada oo aan sugnayn illaa xad

b.     Baahinta maamulka dowlada oo aan sidii la rabay uga hirgelin degmooyinka iyo tuullooyinka dalka

c.      Tiro-koob sugan oo aan laga qaadin dadka

d.     Dhaqaale oo aan jirin

e.      Tababar la’aanta hawl-wadeenadda

f. Dhibaatooyinka siyaasadaha jaah-wareerka ah ee Soomaaliya ka jira

Qodobadan oo mid looga hadlayay aadna u dheeraa ayeynu ka soo qaadanay oo doorbidnay in aanu qodo-beyskaa idiinku soo gudbino. 

IV. HAWLAHA GOGOL XAADHKA DASTUURKA IYO DOORASHADA

Waxaa lama huraan ah arrimaha ma dhaafaanka ah ee mudan in la dhammeeyo tiro xilliga diyaar-garowga ee ka horreeya cod-bixinta aftida ama doorashada goleyaasha si ay uga qiyaas qaataan dhumucda baaxadda ay leedahay hawshani, hawlahaan oo abaabulkooda, diyaarintooda iyo hubinta dhammaystirkoodda si gaar ah loo sugayo guddiga doorashada Puntland.

1.      SHURUUCDA 

A.    In golaha laga ansixiyo sharciga aftida dastuurka iyo sharciga doorashooyinka baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka ee hadda diyaarka ah

B.     In la diyaariyo golahana laga ansixiyo sharciga axsaabta iyo sharciga muwaadinka Puntland

2.     in la diyaariyo barnaa-mijyo wacyi gelineed oo dadweynaha loogu baahinayo.

3.       In la qaybiyo tirada guud ee xubnaha golaha wakiillada degmooyinka laga soo dooranayo, iyadoo lagu salaynayo tirada dadweynaha degan degmo kasta iyo baaxadeeda.

4.       Qorashaynta iyo u qaybinta dalka goobo cod-bixineed oo degmooyinka ah

5.       In la diyaariyo lana daabaco qalabkii iyo documentiga lagama maarmaanka  u ah cod-bixinta.

6.       In la dhiso xilliga ku habboon guddiyada doorashada oo kala ah guddiga doorashada degmooyinka iyo guddiyada goobaha cod-bixinta  muddada ka horreysa taariikhda loo qabto aftida dastuurka doora-shada golayaasha.

7.       In la tababaro hawl wadeenada ka hawl-galaya aftida dastuurka iyo doorashada golayaasha. 

TALO SOO JEEDIN.

Guddigu isagoo tixgelinaya arrimaha lagama maarmaanka u ah fududaynta in la hirgeliyo aftida iyo doorashooyinka ayuu soo jeedinayaa.

1.     In dib loo eego qorshaynta loo sameeyo xukuumadda, Baarlamaanka, dib u habaynta ciidamada iyo sidii loo heli lahaa dhaqaale lagaga haqabtiro dhan imkaaniyaadka iyo wixii ka dhiman.

2.     In siyaasad loo dejiyo habka loo fulinayo hub ka dhigidda taasoo qeexayo hubka in lacag loogu celinaayo iyo in lagala wareegayo io sida loo maamulayo hubka jiidaha hore ee wali dagaaladii sokeeye ka hulaaqayaan.

3.     Maadaama ay sidii la rabay u shaqayn waayeen maamuladii hore, waa in degmooyinka laga dhiso golayaal deegaan oo lagu xulo hab dhaqameed, sidii markii dalka joogeen ciidamaddii UNOSOM isla markaana loo dejiyo xeer gaar ah.

4.     In guddiga doorashadu la socdo, isla markaana ilaalin iyo kormeer ku sameeyaan hawlaha la qabanayo mustaqbalka ee lagama maarmaanka u ah suura-gelinta aftida iyo doorashada golayaasha iyagoo yeelanaya kormeer, qiimayn, talo soo jeedin iyo baraarujin hay’adaha kala duwan ee xil ka saaran yahay si looga digtoonaado in mar labaad dib u dhac yimaado.

 GEBOGEBO

Haddaba, marka laysku soo xooriyo nuxurka ay xanbaarsan tahay warbixintaani, waxaa marag ma doonto ah in aanay xilligaan suura-gal ahayn in Puntland laga hirgeliyo afti dastuur iyo doorasho dimoqraadi ah oo xisbiyo ku tartamaan midnaba, ka gudbida caqabadaha waaweyn ee xannibka ku ah meel marinta arrintaan iyo dhammaystirka hawlaha farsamo ee kor ku faah-faahsan ee loogu gogol xaarayo aftida iyo doorashada. 

Guddigu isagoo ka shidaal qaadanaya baaxada ay leedahay hawsha la doonayo in la qabto mustaqbalka, isla markaana maanka ku haya awooddeena dhaqaale iyo duruufaha lagu jiro, waxay u muuqataa in ay qaadan karto muddo dheer, waliba marka si siman isku mar looga wada hawl-galo.

 Sidaa darteed, guddiga doorashadu wuxuu wuxuu kuu soo jeedinayaa talo ahaan in loo qoondeeyo muddo ku filan, balse lagu miisaamo caqli fayow, kana tarjumaya xaqiiqda dhabta ah ee ina hor taalla oo dalka lagu gaarsiiyo doorasho xor ah, loo siman yahay oo caddaalad u dhacda kuna timaada nidaamka xisbiyo badan. 

Md. Maxamed Axmed Kulan

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada.

26 JUUN WAA MAALINTII XORIYADDA GOBOLADA WAQOOYI EE SOOMAALIYA.

Shalay oo taariikhdu ahayd 26-kii Juune waxay Gobolada Puntland iyo ummadda Soomaaliyeed u dabaal degtay sannad-guuradii 41-aad ee ka soo wareegtay maalintii Gobolada Waqooyi xoriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska ee muddo badan gumaysanayey ciidooda, dhiigoodana jaqayey, waana maalintii Calan Soomaaliyeed oo xor ah uu hawada ka babado, ayna kaga hadhay dhibtii iyo dibin-daabyadii isticmaarku baday ummadda Gobolladaas.

Xoriyadaasi iskama imaan, iskamana uusan siin ee wuxu u adkaysan waayey danabyadii kaga imaanayey geesiyaashi halganka u galay oo dhiigooda iyo naftooda u huray say heeryada isticmaarka iskaga tuuri lahaayeen, ciidooda iyo aayahoodana iyagu ugu tashan lahaayeen.

Halgankaas dheer ay u soo mareen xoriyadooda immisa ayaa ku naf waayey, immisa ayaa barbaar loo hanweynaa oo geesiyaal ah xoriyadaan u dhintay, marnaba ma illaawi doono, waxayna ummadda Soomaaliyeed u qoran yihiin baal dahab ah, waxaase waayahaan dambe soo if-baxay dad doonaya isticmaarka shalay la eryey, diidana neecawda macaan ee xoriyadda iyo wada-noolaanshaha.

Si kastaba arrintu ha ahaatee maalin qiimo iyo qaayo weyn u leh ummadda Soomaaliyeed, marnaba ka yeeli mayso ummaddu iyo inta xoriyadda iyo wada noolaanshaha jecel ee walaalaha ah, kuwa sida xun u fekera ee doonaya qabiil iyo kala qoqob in ay ka sameeyaan ummadda walaalaha ah dhexdooda, waxayse kuwaasi ku lumayaan mugdiga ay dhex heehaabayaan, waxaa imaanaysa oo run ah in aan cidna kala qoqobi karin ummadda, iyagoo ku raaxaysanaya guranayana miraha xoriyadda, aynu xusayno oo aan la ilaawi karin kuwii naftooda qaaliga ahayd inoo huray.

Waxaan qormadaan ku soo goynayaa ALLE ha u naxariistee geesigii weynaa ee Gabyaaga caanka ah ahaa tixdii gabay uu munaasabadii Calan-saarka 26-juun uu ka tiriyey : 

SARREEYOOW MA NUSQAAME

BAL SIDUU YAHAY EEGOO

KANA SIIB, KANA SAAR

Ha waarto 26-Juun, Ha israacdo Soomaali weyn.

BAAQ AY SOO SAAREEN KOOXDA BARBAARTA PUNTLAND IYO BULSHO WEYNTA GOBOLKA NUGAAL.

Haddii aannu nahay Kooxda Barbaarta Puntland iyo bulsho weynta Gobolka Nugaal, waxaannu baaq u jeeddinaynaa dhammaan kooxda yar ee degdegaysa oo doonaya in ay xasilooni darro iyo iska hor imaad ka abuuraan carigaan Puntland.

Waxaanu u soo jeedinaynaa bulshada in aan waqtigaan aan la qaban karin doorasho wax la yiraahdo, sababtoo ah iyadoo aan nabadgelyadu xasiloonayn iyo iyadoo aan hadda loo hayn dhaqaalle, dhaqaaluhuna yar yahay, waxaanu ku boorinaynaa bulsho weynta Puntland in nabadgelyada iyo xasiloonida ilaaliyaan oo laga wada shaqeeyo maamul iyo bulsho ahaanba, waxaanu ka digaynaa oo cambaaraynaynaa kuwa sida sharci darrada ah hubka ula soo galaya Caasimada DGPL ee Garowe, oo doonaya argagixiso iyo tashwiish in ay beeraan.

Haddii aanu nahay kooxda Barbaarta Puntland iyo bulsho weynta Puntland waanu ka soo horjeednaa kuwa aanu kor ku soo sheegnay oo ah kuwo dano gaar ah wata, una shaqaynaya dad shisheeye ah oo dano gaar ah wata, jecelna baabi’in iyo iska hor-imaadka Reer Puntland in ay ka dhacaan dhibaatooyin la mid ah kuwo Koonfurta Soomaaliya ka socda hadda, Nabad-diid waa nolol diid. 

Waxaan ku soo gaabinayaa war nabadda iyo xasiloonida hala ilaaliyo.

(Kii dhuumanayow dhabarku muuqdow

Waa dharaar lagu dhowrayee

Dadkaaga dhinac ka raac yaadan lumine

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA SANAAG IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO KORMEER KU SOO MARAY DEGMOOYINKA IYO TUULLOOYINKA.

Wafdi uu hoggaaminayo Gud-doomiyaha Gobolka Sanaag, Md, Maxamuud Siciid Nuur (Dabayl), ayaa dhowaan kormeer howled ku kala bixiyey qaar ka mid ah degmooyinka iyo tuullo-oyinka Gobolka Sanaag, isagoo ay wafdigiisa ka mid yihiin mas’uuliyiinta Gobolka oo isugu jira  madaxda laamaha hay’adaha kala gedisan iyo saraakiisha ciidanka booliskaiyo dara-awiishta ee gobolka Sanaag. 

Guddoomiyaha iyo wafdi-giisu waxay degmo iyo tuulo kasta oo ay tagaan kula kulmayeen shirarna ugu qabanayeen dhammaan  kala duwan ee bulshada deeg-aamadaas, waxayna dadka deegaa-madaas u sheegeen oo caddeeyeen in ay dha-mmaatay sheegashadii iyoi been abuurkii Maa-mulka Cigaal iyo xulufadiisa Hargeysa jooga u tebin jireen BBC-da. Gudd-oomiyuhu wuxuu sheegay wax uu ku tilmaamay mugdi in ay soo foodsaartay si wada jir ahna ay iskaga caabiyeen, wuxuuna dad-weynaha u sheegay in ay go’day rajadii Cigaal ka qabay dadka iyo dalkaan uuna doonayey in uu isirkooda beddelo, isagoo  

mar walba adeegsanayey dhaqaalle uu u soo dhiibayey shakhsiyaad u adeegayey shisheeye taladiisu taal Har-geysa, waxayna dadweynaha uga mahadnaqeen sidii haga-rli’ida lahayd ee wada jirka ahayd ee ay isaga celiyeen mugdigii Cigaal, una barbar istaageen maamulkooda iyo mada-xdooda DGPL, mar walbana u heelan yihiin difaaca dalkooda iyo dad-kooda.

Ugu dambayntiina waxay isku af-garteen wafdigii guddoomiyuhu hoggaaminayey iyo dadw-eynihii deegaamadaas ay kormeerka ku marayeen qodobadan soo socda:- 

1.      In la adkeeyo nabad-gelyada       iyo amniga dadw-eynaha ee    gobolka

2.       In sare loo qaado himmilada,     siyaasada iyo rabitaanka         dawlad gob-oleedka puntland      iyo isku xirka shacabka reer puntland dalka         iyo dib-eddaba.

3.      In sare loo qaado nidaamka cashuur uruurinta iyo kobcinta dhaqaalaha gobolka san-aag Guddoomiyaha iyo wafdigiisu markay ku soo  

laabteen Magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Bad-han, waxay shir ballaaran ku qabteen xafiiska maamulka Gobolka, shirkaas oo ay ka soo qayb-galeen dham-maan mas-’uuliyiinta gobolka, kuwa degmada, isimo, nabad-oono, waxgarad iyo dadweyne, waxayna uga xog-warrameen korm-eerkoodii iyo natiijadii ka soo baxday. 

Ugu dambayntii wuxuu Guddoomiyuhu u sheegay dadkii shirkaa ka soo qayb-galay in ciddii gobolka la soo gashaa wax uu ku tilmaamay dibin-daabyo dowladeed iyo mid dadweynaba laga qaadi doono tallaabo cad oo waafaqsan sharciga Gar-soorka Dawlad Gobol-eedka Puntland, iyadoo lala tiigsanayo heer maxka-madeed, loona baahan yahay in mar walba si wada jir ah isu barbar taagaan maamulkooda.

Xubnihii halkaas iyana ka hadlay waxay madaxda u sheegeen in maanta si hagar li’i ah diyaar loogu yahay wixii ina soo food saara in ay si wada jir ah uga hortagaan.

 

SIDA AY ANIGA ILA TAHAY

“SI XUN WAX U SHEEG SIXIR KA DARAN” (Xildhibaan Idiris)

(wixii cinwaankan hoos yimaada waa ra’yi shakhsi ah, WARSIDUHU ha la qabo ama yaanu la qabine…

Markaan  duv ugu laabano halkii aynu taagnayn intaan dadku isku raacin dhismihii Maamulka Puntland, runtii waxay ahayd meel aad u hoosaysa oo u dhiganta eber, wax maamul ah oo la isku raacsan yahay oo gobolada ka iray ma jirin, siyaasad ahaana halka aynu ka taagnayn dibad iyo gudaba waa la ogsoonaa. 

Waxaa la isku raacay oo dhidibada loo taagay dhismihii Maamul Goboleedka Puntland, waxaa la sameeyey Axdi ku-meel-gaar ah iyo dawlad saddex gole ka kooban, axdiguna wuxuu tilmaamay in dastuur looga gudbo waana qaab caalami ah oo shuruuc iyo qawaaniin kale. 

Runtii waxaa la oran karaa wax badan baa isbedelay oo la gaaray intii yarayd ee maamulka Puntland jirey. Bani’aadamka ayaa iska ah mid aan dhammaystirnayn oo sidiisaba qaybo ah (Eebbe ayaa falkiisu dhan yahay oo kaliya). 

Dawladaha horumaray ayaa qudhoodu dhaliil badan yeesha had iyo jeerna la tilmaamaa waa base midkaan annagu dhisanay oo isagu ahaa mid  

unug ah, oo meel bannaan oo aan waxba ka jirin laga unkay, gacan dibadeed oo ballaaran aannu helin, mar kastana caqabado hortaagani ay jireen dibad iyo gudaba. 

Marka waxaa la oran karaa halkii hore ee u dhigmaysay eber, waxaa bedelay (1.0), mana qabo in hal dib looga noqdo ee eber laga guuro ee waa in labo (2) looga guuraa oo macnaheedu yahay maamul, ayaa beddela, axdina dastuur ayaa beddela, waxaa inoo dhisan qaab-dhismeedka maamulka oo dhan, waxaa samaysan shuruucdii maamulka ku shaqayn jiray oo dhan, waxaa jira haykal maamul oo la aqoonsan yahay una baahan yahay in la dhowro jiritaankiisa. 

Haddaba waxaad arkaysaa, dad badan oo ku hadlaya ereyada kala ah, dhamaatay, doorasho ha la qabto iyo ereyo kale oo badan, waxaan qabaa in dadkaasi ay isugu jiraan laba qaybood oo kala ah:-

1.         Dad aan wax badan ka aqoon sida maamuladu isu beddelaan, shuruucduna isu beddesho, mar xaaladda hadda taagana wax tilmaam ah aan ka bixin.

2.         Dad og siday maamuladu isu beddelaan ujeeddo fog oo siyaasadeed leh,  

ummaddana si qaldan wax u tusaya, xiriirna la leh maamulo kale, oo jiritaanka Puntland diida, una dhashay deegaamada Puntland ku bahoobay, horey ayaa loo yiri (  SI XUN WAX U SHEEG SIXIR WAA KA DARRAN YAHAY). 

Waxaanse dadweynaha Reer Puntland u sheegaynaa in axdiga qodobkiisa 34.1 uu tilmaamay in dastuur la sameeyo saddex sanno ee ku-meel-gaarka ah, wax faah-faahin ah kama bixin, cidda ku shaqayn doonta dastuurka cusub, wuxuu kale oo uu tilmaamay in axdigu ku eg-yahay saddex sanno oo kaliya, waxaan beddelaya, dastuurka, marka waa qaabab in dastuurkii cid ku shaqaysa la helo, dastuurku wuxuu tilmaamayaa qaabka uu maamulkaasi ku iman doono, waase in la helaa cid si ku-meel-gaar ah ugu sii shaqaysa inta maamulkaasi la soo dooranayo, sidaas ayuu baarlamaanku uu xaq ugu yeeshay in uu si ku meel gaar ah u sii ansixiyo, dastuurka waa arrin qawaaniinta adduunku oggoshahay oo heer caalami ah, maamulna waxaa beddela maamul kale oo la soo doortay kuna yimaada sida dastuurku tilmaamayo.

(EDITORIAL)

ALLA HOOYO DIIMO BADNIDAA!!!

 

Islaan ayaa aragtay wiil ay dhashay oo maalinba maalinta ka dambaysa mooshin cusub ku jira, islaantii way la yaabtay wiilkeedii waxyaalaha uu samaynayo, wayna qaadan weyday, waxaana ka soo haray yaab iyo dhabbano hays.

Wiilkii wuxuu socdo oo hadba meel isku waabo, aakhirkii wuxuu galay oo noqday Masiixi, wuxuuna la baxay magac ah Anthony.

Islaantii oo yaaban oo la yaaban waxa uu hadda la yimid ayaa u yeertay wiilkeedii, iyadoo ka xun oo qaadan la’ meesha xun uu galay ayay ku tiri “Alla hooyo Anthony-yow diimo badnidaa”.

Waxaa la mid ah Anthony Maxamed Ibraahim  Cigaal, sababtoo ah waxaana Anthony ka badiyey, Cigaal wuxuu sheegtay  Falaasha (asal ahaan Yuhuud).

Taariikhda Soomaaliya nin walba waa hortaalaa, wuxuu ahaa ninkii NFD wareejiyey oo gatay 1967-dii shirkii lagu qabtay Caruusha-Tanzania, oo lagu wada hadalsiiyey Kenya iyo Soomaaliya uuna dhexdhexaadinayey

 madaxaweynihii hore Julis Nareeri..wuxuu ahaa markaas  

xaaladdaas NFD taagnayd oo Ingiriiska iyo Soomaalidu isku xumaadeen oo safiiradii la kala qaatay.

Ninkii ingiriiska waraaqaha sirta ah u diri jirey isagoo ka doonaya in ay dowladda ingiriisku gacan siiso, wuxuu waqtigaa ku hammiyey  oo ahayd goosasho, kana dhaadhicin jirey isagoo sirtaa uu dirayo ku dalbayey gacansiin uu ka helo dowladaas.

Waqtigaa waxaa safaaradda Soomaaliya ee London  lagu reebay nin kaliya, wuxuuna la joogay safaarada Talyaaniga, ninkaas waxaa la yiraahdaa Nadiif Cali Xasan, Ingiriiskuna waxaa lagu reebay Gabar  iyadoo la joogtay Safaarada Maraykanka ee Xamar, wuxuuna damcay in uu ninkii ku beddelo nin ay isku reer yihiin, waxaase dhacday in ninkaas la beddeli lahaa oggaaday sirtii Cigaal, uuna markaas la socodsiiyey Madaxweynihii xilligaas Alle ha u naxariistee C/rashiid Cali Sharmaake, halkaasna ay ku fashilantay sirtiisii.

Cigaal wuxuu Hargeysa keenay oo ka hirgeliyey Kaniisad Masiixi ah, isagoo

haddana sheeganaya nin muslim ah, taasina ma ah mid dunida Islaamka ka dhacday, wuxuu noqday ninkii ugu horreeyey oo islaam sheeganaya oo Kaniisad dhul muslim ah ka dhisa. 

Maanta wuxuu Cigaal yiri aftidii dhulka la yiraahdo Somaliland si wanaagsan bay uga dhacday, Sool iyo Sanaagna si fiican baa loogu coddeeyey, waxayna natiijadii codayntu noqotay 90% (Haa).

Taasi, waxaa weeye mid aan waxba ka jirin, Sool iyo Sanaagna waxa la yiraahdo afti kama dhicin.

Waxaynu ognahay wixii ka dhacay isku daygoodii damaca u huwanaa ee keenay dhimasho iyo sanaadiikh la qabtay. 

Haddaba, Cigaal ,miyuusan marna ka quusanayn damaciisa oo aan meel jirin ee riyada ah, miyuusan ogeyn in Soomaaliya reer-reer u kala go’day, yuu reer hoos geynayaa, miyuusan ahayn nin fekera, mise waxaa ugu wacan diimihiisa badan, alla diima badanaa!!!!