Tirsi 98
Garowe, Khamiis 28/06/01
24/06/01
Garowe
. WARSIDAHA
Xaflada balaaran
oo si weyn loo soo agaasimay ayaa ka dhacday Xarunta cusub ee WHO Garowe, Xafladaas oo
ahayd furitaanka Xarunta cusub ee WHO Garowe, waxaa xafladaas ka soo qayb galay
Madaxweynaha D.G. P/land Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, Madaxweyne ku- Xigeenka D.G.
Puntland Mudane Maxamed Cabdi Xaashi, Gudoomiye-ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada
Mudane Maxamed Axmed Kulan, Wasiiro, Xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha D.G.
P/land Mudane C/laahi Yuusuf Axmed oo furitaanka xafladaas hadalo koban ka jeediyey, waxa
uu tilmaamay sida weyn ee uu ugu faraxsan yahay wada shaqaynta Maamulka p/land iyo
Hayadda WHO, waxa uu kaloo tilmaamay baahida caafimaad ee jirta, WHO looga baahan
yahay in ay gacan weyn ka geysato,
Waxaa
madaxweynaha ka hor halkaa ka hadlay madaxa xafiiska WHO Garoowe Dr. Firdowsi Mehta, waxa
uu marka hore soo gudbiyey salaan uu ka siday wakiilka WHO ee Soomaaliya Mr. Najibulah,
wuxuuna tilmaamay in furitaanka xafiiska ay ka danbaysay kulan ay yeesheen madaxweynaha
D.G. Puntland iyo wakiilka WHO ee Soomaaliya Mr. Najibulah Mujdadi, ayna ku yeesheen
Magaalada Nayrobi 1999kii.
Wuxuuna mahad
celin u soo jeediyey masuuliyiinta gacanta ku siiyey hirgalinta xaruntaan iyo in ay la
shaqayn doonaan masuuliyiinta Wasaaradda arrimaha Bulshada ee D.G. P/land.
MADAXWEYNAHA DGPL OO SOO SAARAY WAREEGTO KU SAABSAN AWOODDA MAAMULKA IYO SAXIIXA FOJERADA MUSHAHAAROOYINKA IYO ADEEGYADA.
Madaxweynaha
Dawlada Goboleedka Puntland, Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa taariikhdii 18/06/2001-da,
soo saaray wareegto LAM. XM/DPS/734/2001, taasoo ku socotay dhammaan Wasaaradaha Dawladda
Puntland fadhigooda, iyo dhammaan hayadaha madaxa bannaan ee dowladda fadhigooda,
uuna ku saxiixan yahay Madaxweynaha, waxayna u qornayd sidatan:-
Ujeeddo:-
awoodda Maa-mulka iyo Saxiixa Foojar-ada Mushahaarooyinka iyo adeegyada.
Waxaa
dhammaan Wasi-irada iyo Agaasimeyaasha Guud lagu
amrayaa in foojarka lacag bixinta iyo foolyo-baagada shaqaalaha ay masuul ka yihiin
Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hayada-ha madaxa bannaan.
Nidaamkan
waxaa ku dhaqma Madaxtooyada Dawladda.
Wasiiradu
waxay hogga-amiyaan siyaasadda dawla-dda ee waaxyahooda iyo jaangooyada miisaaniyada.
Warsidaha Puntland Tirsi
98
Khamiis 28/06/01
Bogga 3-aad
Warbixintaan oo aad u dheerayd, kana
hadlaysay dhinacyo badan ayaan isku daynay in aanu idiin soo gudbino inta aanu is niri waa
nuxurka warbixintaan.
Warbixintaan oo ay ku dhammaystiran yihiin
tallooyin ku saabsan howlgaladii guddiga doorashada, waxyaabihii u qabsoomay, iyo wixii
aan u qabsoomin, caqabadaha hortaa-an iyo waxyaabaha looga baahan yahay in mustaqbalka la
qabto, si looga hirgeliyo aftida dastuurka iyo doorasho xor ah oo caddaalad ku dhisan
deegamaadda Puntland ay ka kooban tahay.
Guddigu wuxuu ka kooban yahay 13-xubnood oo
isugu jira saddexda golle oo ay ka kooban tahay Puntland, iyadoo waajibaadkiisu yahay
sidii axdiga ku qeexan qaban-qaabinta iyo hirgelinta aftida doorashooyinka golleyaasha
wakiillada iyo deegaamadda oo ku yimaada nidaamka xisbiyo badan.
II. WAXQABADKA GUDDIGA
Guddigu wuxuu hawshiisa bilaabay 19/01/2001,
isagoo ku bilaabay hawshiisa xaalad ban-ka-ood ah oo aanay jirin wax la raad raaco iyo
maraajic loo noqdaa toona, waxayna mudnaanta koowaad ee hawlgalkiisa uu qaatay, bal in
marka hore la isku taxalujiyo sidii loo diyaarin lahaa shuruucdii lagu maamuli lahaa
aftida dastuurka iyo doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaamada oo qeexaya dhumucda
baaxada hawsha, xillalka iyo waajibaadyada laga doonayo in ay fuliyaan hayadaha kala
duwan ee ku shaqada leh.
Labadaasi sharci waxay sugayaan ansixinta
gollaha wakiillada, waxay daraasad iyo xog-uruurin ku sameeyeen sidii loo suuro gelin
lahaa dhaqan gelinta shuruucdan, caqabadaha hortaagan iyo arrimaha u baahan in la
dhammaystiro aftida ka hor, taasoo guddigu ku oggaaday in aanay xilligaan suurto-gal ahayn
in laga hirgeliyo deegaamada Puntland afti loo qaado dastuurka cusub iyo doorashada
golayaasha.
III. CAQABADAHA HORTAAGAN AFTIDA DASTUURKA.
Marka laga reebo diyaar-garowga dhanka
farsamada, abaabulka iyo isku-dubaridka afti bixinta, caqabadaha waaweyn ( Major
Obstacles) ee saldhiga u ah in aan la hawaysan karin xilligaan afti iyo doorasho toona,
waxaa ka mid ah :
a. Nabadgelyada oo aan sugnayn illaa xad
b. Baahinta maamulka dowlada oo aan sidii la rabay uga hirgelin degmooyinka iyo
tuullooyinka dalka
c. Tiro-koob sugan oo aan laga qaadin dadka
d. Dhaqaale oo aan jirin
e. Tababar laaanta hawl-wadeenadda
f. Dhibaatooyinka
siyaasadaha jaah-wareerka ah ee Soomaaliya ka jira
Qodobadan oo mid looga hadlayay aadna u
dheeraa ayeynu ka soo qaadanay oo doorbidnay in aanu qodo-beyskaa idiinku soo gudbino.
IV. HAWLAHA GOGOL XAADHKA DASTUURKA IYO DOORASHADA
Waxaa lama huraan ah arrimaha ma dhaafaanka
ah ee mudan in la dhammeeyo tiro xilliga diyaar-garowga ee ka horreeya cod-bixinta aftida
ama doorashada goleyaasha si ay uga qiyaas qaataan dhumucda baaxadda ay leedahay hawshani,
hawlahaan oo abaabulkooda, diyaarintooda iyo hubinta dhammaystirkoodda si gaar ah loo
sugayo guddiga doorashada Puntland.
1.
SHURUUCDA
A. In golaha laga ansixiyo sharciga aftida dastuurka iyo sharciga doorashooyinka
baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka ee hadda diyaarka ah
B. In la diyaariyo golahana laga ansixiyo sharciga axsaabta iyo sharciga muwaadinka
Puntland
2.
in la diyaariyo barnaa-mijyo wacyi gelineed oo
dadweynaha loogu baahinayo.
3. In la qaybiyo tirada guud ee xubnaha golaha wakiillada degmooyinka laga soo dooranayo, iyadoo lagu salaynayo tirada dadweynaha degan degmo kasta iyo baaxadeeda.
4. Qorashaynta iyo u qaybinta dalka goobo cod-bixineed oo degmooyinka ah
5. In la diyaariyo lana daabaco qalabkii iyo documentiga lagama maarmaanka u ah cod-bixinta.
6. In la dhiso xilliga ku habboon guddiyada doorashada oo kala ah guddiga doorashada degmooyinka iyo guddiyada goobaha cod-bixinta muddada ka horreysa taariikhda loo qabto aftida dastuurka doora-shada golayaasha.
7.
In la tababaro hawl
wadeenada ka hawl-galaya aftida dastuurka iyo doorashada golayaasha.
TALO SOO JEEDIN.
Guddigu
isagoo tixgelinaya arrimaha lagama maarmaanka u ah fududaynta in la hirgeliyo aftida iyo
doorashooyinka ayuu soo jeedinayaa.
1.
In dib loo eego qorshaynta loo sameeyo xukuumadda,
Baarlamaanka, dib u habaynta ciidamada iyo sidii loo heli lahaa dhaqaale lagaga haqabtiro
dhan imkaaniyaadka iyo wixii ka dhiman.
2.
In siyaasad loo dejiyo habka loo fulinayo hub ka
dhigidda taasoo qeexayo hubka in lacag loogu celinaayo iyo in lagala wareegayo io sida loo
maamulayo hubka jiidaha hore ee wali dagaaladii sokeeye ka hulaaqayaan.
3.
Maadaama ay sidii la rabay u shaqayn waayeen
maamuladii hore, waa in degmooyinka laga dhiso golayaal deegaan oo lagu xulo hab
dhaqameed, sidii markii dalka joogeen ciidamaddii UNOSOM isla markaana loo dejiyo xeer
gaar ah.
4.
In guddiga doorashadu la socdo, isla markaana ilaalin
iyo kormeer ku sameeyaan hawlaha la qabanayo mustaqbalka ee lagama maarmaanka u ah
suura-gelinta aftida iyo doorashada golayaasha iyagoo yeelanaya kormeer, qiimayn, talo soo
jeedin iyo baraarujin hayadaha kala duwan ee xil ka saaran yahay si looga
digtoonaado in mar labaad dib u dhac yimaado.
Haddaba,
marka laysku soo xooriyo nuxurka ay xanbaarsan tahay warbixintaani, waxaa marag ma doonto
ah in aanay xilligaan suura-gal ahayn in Puntland laga hirgeliyo afti dastuur iyo doorasho
dimoqraadi ah oo xisbiyo ku tartamaan midnaba, ka gudbida caqabadaha waaweyn ee xannibka
ku ah meel marinta arrintaan iyo dhammaystirka hawlaha farsamo ee kor ku faah-faahsan ee
loogu gogol xaarayo aftida iyo doorashada.
Guddigu
isagoo ka shidaal qaadanaya baaxada ay leedahay hawsha la doonayo in la qabto mustaqbalka,
isla markaana maanka ku haya awooddeena dhaqaale iyo duruufaha lagu jiro, waxay u muuqataa
in ay qaadan karto muddo dheer, waliba marka si siman isku mar looga wada hawl-galo.
Md.
Maxamed Axmed Kulan
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada.
26 JUUN WAA MAALINTII
XORIYADDA GOBOLADA WAQOOYI EE SOOMAALIYA.
Shalay oo taariikhdu ahayd 26-kii Juune waxay
Gobolada Puntland iyo ummadda Soomaaliyeed u dabaal degtay sannad-guuradii 41-aad ee ka
soo wareegtay maalintii Gobolada Waqooyi xoriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska ee
muddo badan gumaysanayey ciidooda, dhiigoodana jaqayey, waana maalintii Calan Soomaaliyeed
oo xor ah uu hawada ka babado, ayna kaga hadhay dhibtii iyo dibin-daabyadii isticmaarku
baday ummadda Gobolladaas.
Xoriyadaasi iskama imaan, iskamana uusan siin
ee wuxu u adkaysan waayey danabyadii kaga imaanayey geesiyaashi halganka u galay oo
dhiigooda iyo naftooda u huray say heeryada isticmaarka iskaga tuuri lahaayeen, ciidooda
iyo aayahoodana iyagu ugu tashan lahaayeen.
Halgankaas dheer ay u soo mareen xoriyadooda
immisa ayaa ku naf waayey, immisa ayaa barbaar loo hanweynaa oo geesiyaal ah xoriyadaan u
dhintay, marnaba ma illaawi doono, waxayna ummadda Soomaaliyeed u qoran yihiin baal dahab
ah, waxaase waayahaan dambe soo if-baxay dad doonaya isticmaarka shalay la eryey, diidana
neecawda macaan ee xoriyadda iyo wada-noolaanshaha.
Si kastaba arrintu ha ahaatee maalin qiimo
iyo qaayo weyn u leh ummadda Soomaaliyeed, marnaba ka yeeli mayso ummaddu iyo inta
xoriyadda iyo wada noolaanshaha jecel ee walaalaha ah, kuwa sida xun u fekera ee doonaya
qabiil iyo kala qoqob in ay ka sameeyaan ummadda walaalaha ah dhexdooda, waxayse kuwaasi
ku lumayaan mugdiga ay dhex heehaabayaan, waxaa imaanaysa oo run ah in aan cidna kala
qoqobi karin ummadda, iyagoo ku raaxaysanaya guranayana miraha xoriyadda, aynu xusayno oo
aan la ilaawi karin kuwii naftooda qaaliga ahayd inoo huray.
Waxaan qormadaan ku soo goynayaa ALLE ha u
naxariistee geesigii weynaa ee Gabyaaga caanka ah ahaa tixdii gabay uu munaasabadii
Calan-saarka 26-juun uu ka tiriyey :
SARREEYOOW MA
NUSQAAME
BAL SIDUU YAHAY
EEGOO
KANA SIIB, KANA
SAAR
Ha waarto 26-Juun, Ha israacdo Soomaali weyn.
BAAQ AY SOO SAAREEN KOOXDA BARBAARTA PUNTLAND IYO BULSHO WEYNTA
GOBOLKA NUGAAL.
Haddii aannu nahay
Kooxda Barbaarta Puntland iyo bulsho weynta Gobolka Nugaal, waxaannu baaq u jeeddinaynaa
dhammaan kooxda yar ee degdegaysa oo doonaya in ay xasilooni darro iyo iska hor imaad ka
abuuraan carigaan Puntland.
Waxaanu u soo
jeedinaynaa bulshada in aan waqtigaan aan la qaban karin doorasho wax la yiraahdo,
sababtoo ah iyadoo aan nabadgelyadu xasiloonayn iyo iyadoo aan hadda loo hayn dhaqaalle,
dhaqaaluhuna yar yahay, waxaanu ku boorinaynaa bulsho weynta Puntland in nabadgelyada iyo
xasiloonida ilaaliyaan oo laga wada shaqeeyo maamul iyo bulsho ahaanba, waxaanu ka
digaynaa oo cambaaraynaynaa kuwa sida sharci darrada ah hubka ula soo galaya Caasimada
DGPL ee Garowe, oo doonaya argagixiso iyo tashwiish in ay beeraan.
Haddii aanu nahay
kooxda Barbaarta Puntland iyo bulsho weynta Puntland waanu ka soo horjeednaa kuwa aanu kor
ku soo sheegnay oo ah kuwo dano gaar ah wata, una shaqaynaya dad shisheeye ah oo dano gaar
ah wata, jecelna baabiin iyo iska hor-imaadka Reer Puntland in ay ka dhacaan
dhibaatooyin la mid ah kuwo Koonfurta Soomaaliya ka socda hadda, Nabad-diid waa nolol
diid.
Waxaan ku soo
gaabinayaa war nabadda iyo xasiloonida hala ilaaliyo.
(Kii dhuumanayow
dhabarku muuqdow
Waa dharaar lagu
dhowrayee
Dadkaaga dhinac
ka raac yaadan lumine
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA
SANAAG IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO KORMEER KU SOO MARAY DEGMOOYINKA IYO TUULLOOYINKA.
Wafdi
uu hoggaaminayo Gud-doomiyaha Gobolka Sanaag, Md, Maxamuud Siciid Nuur (Dabayl), ayaa
dhowaan kormeer howled ku kala bixiyey qaar ka mid ah degmooyinka iyo tuullo-oyinka
Gobolka Sanaag, isagoo ay wafdigiisa ka mid yihiin masuuliyiinta Gobolka oo isugu
jira madaxda laamaha hayadaha kala
gedisan iyo saraakiisha ciidanka booliskaiyo dara-awiishta ee gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha iyo
wafdi-giisu waxay degmo iyo tuulo kasta oo ay tagaan kula kulmayeen shirarna ugu
qabanayeen dhammaan kala duwan ee bulshada
deeg-aamadaas, waxayna dadka deegaa-madaas u sheegeen oo caddeeyeen in ay dha-mmaatay
sheegashadii iyoi been abuurkii Maa-mulka Cigaal iyo xulufadiisa Hargeysa jooga u tebin
jireen BBC-da. Gudd-oomiyuhu wuxuu sheegay wax uu ku tilmaamay mugdi in ay soo foodsaartay
si wada jir ahna ay iskaga caabiyeen, wuxuuna dad-weynaha u sheegay in ay goday
rajadii Cigaal ka qabay dadka iyo dalkaan uuna doonayey in uu isirkooda beddelo, isagoo
mar walba adeegsanayey dhaqaalle uu u soo dhiibayey shakhsiyaad u adeegayey shisheeye taladiisu taal Har-geysa, waxayna dadweynaha uga mahadnaqeen sidii haga-rliida lahayd ee wada jirka ahayd ee ay isaga celiyeen mugdigii Cigaal, una barbar istaageen maamulkooda iyo mada-xdooda DGPL, mar walbana u heelan yihiin difaaca dalkooda iyo dad-kooda.
Ugu dambayntiina waxay
isku af-garteen wafdigii guddoomiyuhu hoggaaminayey iyo dadw-eynihii deegaamadaas ay
kormeerka ku marayeen qodobadan soo socda:-
1. In la adkeeyo nabad-gelyada
iyo amniga dadw-eynaha ee gobolka
2. In sare loo qaado himmilada, siyaasada iyo rabitaanka dawlad
gob-oleedka puntland iyo
isku xirka shacabka reer puntland dalka
iyo dib-eddaba.
3. In sare loo qaado nidaamka cashuur uruurinta iyo kobcinta dhaqaalaha gobolka
san-aag Guddoomiyaha iyo wafdigiisu markay ku soo
laabteen Magaalo madaxda Gobolka
Sanaag ee Bad-han, waxay shir ballaaran ku qabteen xafiiska maamulka Gobolka, shirkaas oo
ay ka soo qayb-galeen dham-maan mas-uuliyiinta gobolka, kuwa degmada, isimo,
nabad-oono, waxgarad iyo dadweyne, waxayna uga xog-warrameen korm-eerkoodii iyo natiijadii
ka soo baxday.
Ugu dambayntii wuxuu Guddoomiyuhu u
sheegay dadkii shirkaa ka soo qayb-galay in ciddii gobolka la soo gashaa wax uu ku
tilmaamay dibin-daabyo dowladeed iyo mid dadweynaba laga qaadi doono tallaabo cad oo
waafaqsan sharciga Gar-soorka Dawlad Gobol-eedka Puntland, iyadoo lala tiigsanayo heer
maxka-madeed, loona baahan yahay in mar walba si wada jir ah isu barbar
taagaan maamulkooda.
Xubnihii halkaas iyana ka hadlay waxay
madaxda u sheegeen in maanta si hagar lii ah diyaar loogu yahay wixii ina soo food
saara in ay si wada jir ah uga hortagaan.
SIDA
AY ANIGA ILA TAHAY
SI
XUN WAX U SHEEG SIXIR KA DARAN (Xildhibaan Idiris)
(wixii cinwaankan
hoos yimaada waa rayi shakhsi ah, WARSIDUHU ha la qabo ama yaanu la qabine
Markaan duv ugu laabano halkii aynu taagnayn intaan dadku
isku raacin dhismihii Maamulka Puntland, runtii waxay ahayd meel aad u hoosaysa oo u
dhiganta eber, wax maamul ah oo la isku raacsan yahay oo gobolada ka iray ma jirin,
siyaasad ahaana halka aynu ka taagnayn dibad iyo gudaba waa la ogsoonaa.
Waxaa la isku
raacay oo dhidibada loo taagay dhismihii Maamul Goboleedka Puntland, waxaa la sameeyey
Axdi ku-meel-gaar ah iyo dawlad saddex gole ka kooban, axdiguna wuxuu tilmaamay in dastuur
looga gudbo waana qaab caalami ah oo shuruuc iyo qawaaniin kale.
Runtii waxaa la
oran karaa wax badan baa isbedelay oo la gaaray intii yarayd ee maamulka Puntland jirey.
Baniaadamka ayaa iska ah mid aan dhammaystirnayn oo sidiisaba qaybo ah (Eebbe ayaa
falkiisu dhan yahay oo kaliya).
Dawladaha
horumaray ayaa qudhoodu dhaliil badan yeesha had iyo jeerna la tilmaamaa waa base midkaan
annagu dhisanay oo isagu ahaa mid
unug ah, oo meel
bannaan oo aan waxba ka jirin laga unkay, gacan dibadeed oo ballaaran aannu helin, mar
kastana caqabado hortaagani ay jireen dibad iyo gudaba.
Marka waxaa la
oran karaa halkii hore ee u dhigmaysay eber, waxaa bedelay (1.0), mana qabo in hal dib
looga noqdo ee eber laga guuro ee waa in labo (2) looga guuraa oo macnaheedu yahay maamul,
ayaa beddela, axdina dastuur ayaa beddela, waxaa inoo dhisan qaab-dhismeedka maamulka oo
dhan, waxaa samaysan shuruucdii maamulka ku shaqayn jiray oo dhan, waxaa jira haykal
maamul oo la aqoonsan yahay una baahan yahay in la dhowro jiritaankiisa.
Haddaba waxaad
arkaysaa, dad badan oo ku hadlaya ereyada kala ah, dhamaatay, doorasho ha la qabto iyo
ereyo kale oo badan, waxaan qabaa in dadkaasi ay isugu jiraan laba qaybood oo kala ah:-
1. Dad aan wax badan ka aqoon sida maamuladu isu beddelaan, shuruucduna isu
beddesho, mar xaaladda hadda taagana wax tilmaam ah aan ka bixin.
2. Dad og siday maamuladu isu beddelaan ujeeddo fog oo siyaasadeed leh,
ummaddana si
qaldan wax u tusaya, xiriirna la leh maamulo kale, oo jiritaanka Puntland diida, una
dhashay deegaamada Puntland ku bahoobay, horey ayaa loo yiri ( SI XUN WAX U SHEEG SIXIR WAA KA DARRAN YAHAY).
Waxaanse
dadweynaha Reer Puntland u sheegaynaa in axdiga qodobkiisa 34.1 uu tilmaamay in dastuur la
sameeyo saddex sanno ee ku-meel-gaarka ah, wax faah-faahin ah kama bixin, cidda ku shaqayn
doonta dastuurka cusub, wuxuu kale oo uu tilmaamay in axdigu ku eg-yahay saddex sanno oo
kaliya, waxaan beddelaya, dastuurka, marka waa qaabab in dastuurkii cid ku shaqaysa la
helo, dastuurku wuxuu tilmaamayaa qaabka uu maamulkaasi ku iman doono, waase in la helaa
cid si ku-meel-gaar ah ugu sii shaqaysa inta maamulkaasi la soo dooranayo, sidaas ayuu
baarlamaanku uu xaq ugu yeeshay in uu si ku meel gaar ah u sii ansixiyo, dastuurka waa
arrin qawaaniinta adduunku oggoshahay oo heer caalami ah, maamulna waxaa beddela maamul
kale oo la soo doortay kuna yimaada sida dastuurku tilmaamayo.
(EDITORIAL)
Islaan ayaa aragtay wiil ay dhashay oo
maalinba maalinta ka dambaysa mooshin cusub ku jira, islaantii way la yaabtay wiilkeedii
waxyaalaha uu samaynayo, wayna qaadan weyday, waxaana ka soo haray yaab iyo dhabbano hays.
Wiilkii wuxuu socdo oo hadba meel isku
waabo, aakhirkii wuxuu galay oo noqday Masiixi, wuxuuna la baxay magac ah Anthony.
Islaantii oo yaaban oo la yaaban waxa uu
hadda la yimid ayaa u yeertay wiilkeedii, iyadoo ka xun oo qaadan la meesha xun uu
galay ayay ku tiri Alla hooyo Anthony-yow diimo badnidaa.
Waxaa la mid
ah Anthony Maxamed Ibraahim Cigaal, sababtoo
ah waxaana Anthony ka badiyey, Cigaal wuxuu sheegtay
Falaasha (asal ahaan Yuhuud).
Taariikhda
Soomaaliya nin walba waa hortaalaa, wuxuu ahaa ninkii NFD wareejiyey oo gatay 1967-dii
shirkii lagu qabtay Caruusha-Tanzania, oo lagu wada hadalsiiyey Kenya iyo Soomaaliya uuna
dhexdhexaadinayey
xaaladdaas NFD
taagnayd oo Ingiriiska iyo Soomaalidu isku xumaadeen oo safiiradii la kala qaatay.
Ninkii
ingiriiska waraaqaha sirta ah u diri jirey isagoo ka doonaya in ay dowladda ingiriisku
gacan siiso, wuxuu waqtigaa ku hammiyey oo
ahayd goosasho, kana dhaadhicin jirey isagoo sirtaa uu dirayo ku dalbayey gacansiin uu ka
helo dowladaas.
Waqtigaa waxaa
safaaradda Soomaaliya ee London lagu reebay
nin kaliya, wuxuuna la joogay safaarada Talyaaniga, ninkaas waxaa la yiraahdaa Nadiif Cali
Xasan, Ingiriiskuna waxaa lagu reebay Gabar iyadoo
la joogtay Safaarada Maraykanka ee Xamar, wuxuuna damcay in uu ninkii ku beddelo nin ay
isku reer yihiin, waxaase dhacday in ninkaas la beddeli lahaa oggaaday sirtii Cigaal, uuna
markaas la socodsiiyey Madaxweynihii xilligaas Alle ha u naxariistee C/rashiid Cali
Sharmaake, halkaasna ay ku fashilantay sirtiisii.
Cigaal wuxuu
Hargeysa
haddana
sheeganaya nin muslim ah, taasina ma ah mid dunida Islaamka ka dhacday, wuxuu noqday
ninkii ugu horreeyey oo islaam sheeganaya oo Kaniisad dhul muslim ah ka dhisa.
Maanta wuxuu
Cigaal yiri aftidii dhulka la yiraahdo Somaliland si wanaagsan bay uga dhacday, Sool iyo
Sanaagna si fiican baa loogu coddeeyey, waxayna natiijadii codayntu noqotay 90% (Haa).
Taasi, waxaa
weeye mid aan waxba ka jirin, Sool iyo Sanaagna waxa la yiraahdo afti kama dhicin.
Waxaynu
ognahay wixii ka dhacay isku daygoodii damaca u huwanaa ee keenay dhimasho iyo sanaadiikh
la qabtay.
Haddaba,
Cigaal ,miyuusan marna ka quusanayn damaciisa oo aan meel jirin ee riyada ah, miyuusan
ogeyn in Soomaaliya reer-reer u kala goday, yuu reer hoos geynayaa, miyuusan ahayn
nin fekera, mise waxaa ugu wacan diimihiisa badan, alla diima badanaa!!!!