Warsidaha Puntland
Tirsi 99
Garowe, Khamiis 5 July, 2001
WARARKA MADAXTOOYDA
1. GOAAN
GOLAHA WASIIRADDA.
Madaxweynaha
DGPL, Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa soo saaray taariikhdii 30/June, 2001-da, dikreeto
Lam, MW/DPS/NGP/001/2001-da, uuna ku saxiixan yahay Madaxweynaha DGPL, dikreetadaas oo ka
hadlaysay Goaanka Golaha Wasiiradda , waxayna u qornayd sidatan :
Ujeeddo: SUGIDA
NABADGELYADA GUUD
GOLAHA WASIIRADA DAWLADDA PUNTLAND
MARKUU ARKAY Dastuurka
cusub ee dhaqangelaya laga bilaabo bisha Luulyo, 1, 2001
MARKUU U KUUR GALAY
xaaladda nabadgelyada guud ee dalka,
MARKUU DERSAY
bayaannada kala duwan oo ay si isdaba joog ah u soo saarayaan shakhsiyaad mucaarad ah,
gaar ahaan kuwa u ban baxay musharaxiinta
SI LOO SUGO
nabadgelyada iyo xasilloonida guud ee dalka iyo dadweynaha Puntland,
1. In tilaabo sharciga waafaqsan laga qaado qof kasta ama koox kasta oo ka
hortimaada Dastuurka iyo shuruucda nabadgelyada Dawladda Puntland
2. In ay reeban tahay iska hor keen dadweyne iyo dhiirigelin xasillooni daro
Dawlad-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya (DGPLS)
3. In ay reeban tahay shir ama shirar ka hor imaanaya Dastuurka iyo shuruucda DGPLS
C/laahi Yuusuf
Axmed
Madaxweynaha
Dawladda
2. SUGIDA NABADGELYADA DGPL EE SOOMALIYA.
Madaxweynaha DGPLS, C/laahi Yuusuf
Axmed, ayaa soo saaray taarikhdii June, 30, 2001, Dikreeto Lam, MW/DPS/NGP/002/2001, uuna
ku saxiixan yahay Madaxweynaha DGPLS, waxayna u qornayd sidatan:
Ku: Dhammaan Golaha Wasiirada Garoowe
Ku: Dhammaan Hayadaha Dawladda
ee Madaxa bannaan, Garoowe
Ku: Guddoomiyeyaasha Gobollada DGPLS
sald-higyadooda
Ku: Madaxda degmooyinka DGPLS
saldhigyadooda
Ku: Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka
Sida Garoowe
OG: Dadweynaha DGPL ee Soomaaliya
Waxaa la
farayaa dhammaan Madaxda kor ku xusan in ay si deg deg ah u dhaqan geliyaan goaankan
Golaha Wasiirada ee halkaan ku lifaaqan.
C/laahi Yuusuf
Axmed
Madaxweynaha
Dawladda
3. MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO U MAGACAABAY MAXKAMADA
SARE GUDDOOMIYE KU-MEEL GAAR AH
Xeer
Madaxweyne Lam, 253, Garowe June, 2001
MADAXWEYNAHA
DAWLADDA PUNTLAND,
MARKUU ARKAY Axdiga
Dawladda,
MARKUU TIXGELIYEY Goaankii
Golaha Was-iiradda ee Juun 30,2001
MARKUU LA TASHADAY Madaxweyne
K/xi-geenka DGPLS,
C/laahi Yuusuf
Axmed
4. MADAXWEYNAHA DGPL OO DIB U MAGACAABAY GUDDIGII QARANKA EE AMNIGA DGPL
Xeer
Madaxweyne Lam, 256, Garoowe June 30, 2001, waxayna u qornayd sidatan :
MADAXWEYNAHA
DAWLADDA PUNTLAND,
MARKUU ARKAY Axdiga
Dawladda
MARKUU TIXGELIYEY Goaankii
Golaha Was-iirada ee Juun 30, 2001
WUXUU DIB U MAGACAABAY
Guddigii Qaranka ee Amniga Dawlad
Goboleedka Puntland, waxayna kala yihiin :
1. Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland
2. Madaxweyne-ku-xigeenka DGPL
3. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Dadweynaha DGPL
4. Wasiirka Maaliyadda
5. La-taliyayaasha Amniga Madaxtooyada DGPL
6. Taliyayaasha Ciidamadda Amniga DGPL
C/laahi Yuusuf
Axmed
Madaxweynah
Dawladda
5. GOAAN GOLAHA WASIIRADA: XIL KA QAADISTA GUDDOOMIYAHA
MAXKAMADDA SARE, SHARCIGA KA HOR YIMID AWGEED.
Madaxweynaha DGPL Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa soo saaray taariikhdii, 28/06/01-da, Dikreeto Lam, summadeedu tahay MW/DP-S/GMS/001/2001, waxayna u qornayd sidatan :
GOLAHA
WASIIRADA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND
MARKUU ARKAY Axdiga ku-meel-gaarka ah, gaar ahaana qodobka 35.1.
MARKAY KA DOODEEN Falalkii ugu dambeeyey ee uu galay kali ahaantii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, isagoo aan la tashan guddiga sare ee Garsoorka
MARKAY U CADAATAY In Guddoomiyaha Maxkamada Sare ka soo horjeestay Goaammaddii Golaha
Wakiilladu wax ka beddeleen Axdiga Ku-meel-gaarka ah isagoo u cuskanaya 35.1
WUXUU GOAAMIYEY IN:
Xilka laga qaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, iyadoo loo sii marayo hab sharciga waafaqsan oo loo sii marinayo Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya
C/laahi
Yuusuf Axmed
Madaxweynaha
Dawladda
SHAQAALAHA DGPL OO
TAAGEERAY XILKA LOO KORDHIYEY MADAXWEYNAHA DGPL
3/07/01-da
Garowe, WARSIDAHA
Shir
ballaaran oo ay isugu yimaadeen dhammaan Agaasi-meyaasha Guud, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo
Madaxqaybeedyada shaqaalaha ee Wasaaradaha iyo hayadaha madaxa bannaan.
Shirkaas
oo uu ka soo qayb galay Madaxweynaha DGPL, Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed, halkaasoo uu ka
jeediyey khudbad.
Ugu
horreyntii waxaa halkaas ka hadlay Madaxweynaha DGPL, Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed,
wuxuuna sheegay in shaqaaluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha iyo wax soo saarka, murana
kama jiro in dawladu u aqoonsan tahay shaqaaluhu in uu yahay kan maskax ahaan iyo muruq
ahaanba ula diyaar ah in uu ku hormariyo dalkiisa dhan walba dhinaca dhaqaalaha, bulsho
iyo amniba, isagoo taabo gelinaya siyaasada iyo istaraatiijiyada dawlada.
Madaxweynuhu
isagoo ka warramaya heerkii uu soo maray shaqaalaha DGPL, wuxuuna xusay kaalinta uu
shaqaaluhu ka qaatay arrimo badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin, iyadoo xoogga la
saarayo kobcinta dhaqaalaha, kor u qaadida tayada shaqaalaha iyo sidii loo sii horumarin
lahaa aqoonta iyo xirfada shaqaalaha.
Madaxweynaha
ka hor waxaa halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Shaqada iyo Shaqaalaha Duuliye Sare,
C/laahi Axmed C/lle (As-hari), wuxuuna ka hadlay heerkii ay soo mareen shaqaalaha DGPL,
wuxuuna ugu horreyntii isagoo ku hadlaya magaca shaqaale weynaha DGPL EEG BOGGA XIGGA
Wuxuu
Yiri waxaa sharaf ah hambalyeyno guusha aad ku guulaysatay in aad sii hayso
hoggaanka haatan Madax-weyn-enimada haatan saddexda sano ee soo socota laguu doortay,
shaqaaluhu meel uu joogaba waa laf-dhabarta kobcinta dhaqaalaha iyo wax soo saarka.
Agaasimaha
Guud ee shaqada iyo shaqaalaha wuxuu xusay in maamulka shaqaalaha iyo shaq-aalaha ay
maamul ahaanba sidii ay hore ugu dhaarteen in ay u adeegi doonaan bulshada, daacadna u
yihiin meel-marinta hadafka iyo ujeeddooyinka DGPL, waana waajib sharci ah oo ay qeexayaan
shuruucda shaqaalaha iyo dastuurkuba.
Sidaa
darteed, waxaa xaq loogu leeyahay qof kasta oo shaqaalaha ka mid ahi in uu u huro mooral
ahaan iyo maadi ahaanba horumarinta bulshada, dhaqaale, illaalinta iyo gacan ku haynta
hawsha iyo hantida uu masuulka ka yahay, difaaca jiritaanka DGPL.
Sidoo
kale waxaa qof kasta oo shaqaalle ahi wuxuu leeyahay xuquuq sida, Mushahar caqli gal ah oo
ku sallaysan nooca shaqada iyo muddada shaqada, lana socon karta xaaladda nololeed ee
hadda jirta, daryeel caafimaad, waxb-arasho, iyo tababar xirfadeed, dallacaad iyo sugida
dhammaan xuquuqda uu siinayo sharcigu.
Shaqaaluhu
waxa uu ayidsan yahay dastuurka cusub isla
markaana wuxuu taageerayaa goaanada ka soo baxa golaha xukuumadda.
Agaasimuhu
wuxuu hadalkii ku soo gebegabeeyey in aan ballan qaadayno
in aanu dar dar gelino shaqada, illaalino oo dhowrno nabadgelyada, kana hortagno cid kasta
oo ka soo horjeeda hadafka iyo ujeeddooyinka danaha DGPL.
Waxaanu ballan
qaadaynaa meel marinta iyo ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda u degsan DGPL.
Waxaa
munaasabadaas goob joog ka ahaa Wasiir ku-xigeennadda Arrimaha Gudaha, Hawlaha Guud iyo
Gaadiidka, Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Sare, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha iyo
Hayadaha madaxa bannaan ee DGPL.
BAYAAN AY SOO SAAREEN
BEESHA MAXAMED CUMAR
Shir ay ku yeesheen
Beesha Maxamed Cumar Magaalada Gar-oowe, Caasimada DGPL oo ay isugu yimaadeen illaa 30
qof, waxay goaamiyeen oo isku waaf-aqeen in ay hiil iyo hooba la garab taagan
yihiin, ayidsan yihiin Ma-amulka Puntland.
Waxaanu halkaan ku
shee-gaynaa oo aanu cadaynaynaa haddii aanu nahay beeshaas in aanu raali ka nahay saddexda
sano ee maamulka loo kordhiyey, annagoo dan gaar ahaaneed ka horm-arinayna danta guud ee
bulshada bara-kaysan ee Puntland, kana soo horjeedna kuwa danta gaarka ah wata ee u
adeegaya kooxda Carte iyo kuwa la hal maala.
Sidaas darteed, beeshu
waxay taageereexoojinta iyo wada shaqaynta Puntland, waxayna xil gaar ah iska saarayaan
nabadgelyada iyo xasiloonida ummadda, waxayna ka soo horje-edaan kuwa doonaya in ay
carqaladeeyaan ammaanka iyo wada noolaanshaha ummadda walaalaha ah.
Waxaa saxiixay
bayaankaan :
1. Faarax Daad Cali
2. Sh. Siciid Ducalle Mataan......
ILLAALI OO DARYEEL
DEEGAANKA
SUUGAAN
DAREEN
Dada gabay beryahan kuma deg
degine dooda hadafkaye
Ma daadihiyo maantana markale dan iyo xeesheede
Ma diyaarshay suugaan dahsoon duul la
hadal kayga
Ma diryaanshay maansada halkay
damacday laabtaydu
Daafaha puntland dhanbaal dahaba maw
sheegay
Daruur curatay degaan baxday dabac lay
maalaayo
Dur durada burqaynaya iyo halkay
dihatay laabtaydu
Duur joogta cawshiyo sangaha dabada
meeraaya
In aan eebbe kaa daadin baa lagu
ducaystaaye
Nimcaadii la daadshaa nusqaan daayin
baa u rogaye
Kala daadintaa aan arkaa dib dhac
weeyaane
Maw dardaarmay maansada puntland ceeda
hadafkayga
Ma dareenshay maantana tolkay doqoni
waa mooge
Daafaha sanaag iyo illaa docolka
buuhoodle
Deegaanka sool iyo illaa doollo iyo
hawdba
Dacda gaalkacyeed iyo illaa daanta
mudug oo dhan
Daaqsinkii galdogob iyo illaa garacad
daafteeda
Ma dareenshay maansada tolkay doqoni
waa mooge
Dur durada nugaal iyo illaa daaqsin
iyo eylba
Dalsanow garowoowe, qardhiyo daganka
boosaaso
Degta xaaba beer-gaal illaa raaska dacalkiisa
Degmadii caluula tan iyo doocda
xaafuunba
Intaas oo degaan iyo badlaan
daawanaayaaye
Ma dareenshay maansada tolkay doqoni
waa mooge
Badda dihin libaax iyo kalluun dulun
dulcaynaaya
Dur durada badroolkaa arlada dahabka
ceegaage
Dib maw fiirinaa yaan caqligu daawan
meel kalee
Rayi dagan midnimo duuban baa
lagu dilaacshaaye
Dawlad iyo dadweyne is rabaa lagu
dareershaaye
Waxaa tiriyey Abwaan Maxamed Siciid
Buraalle
La soco cadadka
xigga
Wasaaradda
Iskaashiga Caalamiga iyo Qorsheyntu waxay ka codsanaynsaa dhalinyarada dadoodu tahay
ilaa 25-jir oo haysata Shahaadada Dugsiga Sare aqoona u leh afka Carabiga in ay soo
gudbiyaan Koobiyo Shahaadooyinkooda hadday xiisaynayaan in ay sii wataan waxbarasho sare
oo noqon karta illaa heer jaamacadeed.
Soo gudbintu waxay ku egtahay
10/07/2001.
Wabilaahi Towfiiq
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
Iskaashiga Caalamiga iyo Qorsheynta
IS
AF-GARADKU WAA UDUB DHEXAADKA NOLOSHA
URURKA
TAAGEERAYAASHA GUDDOONKA DASTUURKA CUSUB IYO XILLI KORDHINTA DGPL
WAR SAXAAFADEED.
Waxaan sida
ugu adag u canb-aaraynaynaa warkii uu ka sii daayey Idaacadda BBC-da afka Soomaaliga
27/06/2001-da, Yuusuf Xaaji Nuur (Gudd-oomiyihii Hore ee Maxkamadda Sare), oo nasiib darro
bar bar maray nuxurka, tixraaca nidaam shuruuceedka ee Axdigii Dhis-maha Dawlad Goboleedka Pun-tland ee
Soomaaliya iyo hawshii toosinta iyo turxaan bixinta Golaha Wakiillada DGPL isagoo si cad
ugu biiray tirada yar ee xukun maroorsiga u hanqal taagaysa, taasina aysan waxba ku
kordhin in lala bar-bardhigo mooyee sheegashada Kooxda Carta in ay ka taliyaan
Jamhu-uriyadda Soomaaliye ee jeeba-bkooda qura ku eg.
Warkiisa
waxaan u aragnaa mid han siyaasi leh o u xaglinaya dhinac ka mid ah shaqsiyaadka isa soo
qadimay sidii ay mansabyada ugu sarreeya ee hoggaaminta dalka u maroorsan lahaayeen, ee
aan marnaba ka tarjumaynin rabitaanka iyo yoolka bulshada shanta Gobol ee isbahaystay
higsanayeen oo haykalka ugu sarreeya uu yahay Isimadda iyo Golo Wakiillo oo ay soo xusheen
beelo, Nabadoono oo ay isimo qalinka kud duugeen, kaasoo lagu tilmaamo nidaamka ugu
dimu-qraadisan, marka loo eego xagga talo goynta.
Marka ugu horreysa waxaa
isweydiin mudan xaggee ka timid fikradda kordhinta waqtiga maa-mulka Puntland. Arrinkaas
ayaana u baahan in la kala saaro oo aan la isku khaldin.
Fikradda in wax lagu
kordhiyo waqtiga maamulka Puntland waxaa marka ugu horreysa soo bandhigey baaqyo ay soo
saareen beelo kala duwan, isimmo, nabadoono, aqoonyahano iyo wax garad kale oo reer Nugaal
ah oo Internet-ka la geliyey, Maamulka iyo Golaha Sha-cabkana la gaarsiiyey, waxaana ku
saxiixnaa muwaadiniin gaarayey ku dhowaad 200 oo qof.
Taasoo ay kaga wada
hadleen dhowr qodob oo ay ka mid yihiin :
v In laga
iibiyo Hubka culus ee shacabka gacanta ugu jira
v Dhismihii
DGPL oo saldhig ka dhigtey shuruucda iyo astaanta Soomaaliyeed ee ay guddonsheen baarlamaankii 1960-kii, taasoo awood u
siinaysa Golaha Wa-kiillada DGPL in ay 2/3 xunbaha ka tirsan ay awood
u leeyihiin in ay shuruucda wax ka bed-delaan.
Sidaa awgeed, OGGOL,
waxay aaminsan tahay in wada tashiga Isimadda iyo guddoonkii Golaha Wakiilladu yihiin
nidaam waafa-qsan sharciga loona baahan yahay waqtigaan duruufta adag, dib-u-heshiisiinta
Soomaaliyeed loo baahan yahay in la soo dejiyo, iyo maamulka bulshadu dhisteyna
kal-soonida loo dheereeyo.
Guddoomiyaha Maxkamadda
Sare ee DGPl Yuusuf Xaaji Nuur, waxaan ugu baaqaynaa inuu u hoggaansamo gud-doonka Golaha
Wakiillada ay bulshadu u xil dhi-ibatay xeer dejinta iyo in qors-hihiisu qaab inqilaab ee
maxk-amadeed ay suuroobeen.
OGGOL, oo ah urur madax
bannaan, ahmiyadiisuna tahay inuu noqdo codka dadka faraha badan ee aaminsan ee taageersan
jiritaanka maamulka DGPL, wax-aannu ugu baaqaynaa Golaha Wa-siiradda DGPL in si deg deg ah
loo magacaabo Guddoomiye cusub ee Maxkamadda Sare sidii ujeeddooyinka Yuusuf Xaaji Nuur,
hambadii Itixaad iyo Kooxda Carta u noqon lahaayeen bar-kuma-taal
Gudoomiyaha
Ururka
OGGOL
Dr.
C/qaadir Axmed Ceegaag
KU DADAAL NADAAFADA, ISKANA FOGEE QASHINKA
SIDA AY ANIGA ILA
TAHAY
(wixii cinwaankan hoos yimaada waa rayi shakhsi ah, WARSIDUHU ha la qabo ama yaanu la qabine)
PUNTLAND MAXAY TAHAY, MAXAANSE KA DAMACSANAHAY.
Sahro Ciise Faarax
Sida aan dhammaan u
ogsoonahay burburkii qaranka Soomaaliyeed oo bilawday 1978-dii waxa uu qaatay 22-sanadood
si uu u gaaro bubur guud oo isu beddelay dagaal sokeeye sanadii 991 bilowgiisii.
Dagaalka sokeeye wuxuu noqday mid u
dhacay hab ka duwan wixii Soomaali waligeed tiqiinay, taas-oo ah in la badbaadin waayey
maatadii (Carruur, Waayeel iyo Dumarba), in dhaqan iyo diin midna aan la tixgelin.
Ku dheeraan maayo arrintaas maxaa
yeelay waxa la yiri Ummul ayaa xanuunka foosha ilowda, laakiin ummaddeenu waa
xusuusataa wixii dhacay iyo barakicii aayihiisu noqday in nin walba meesha uu ka soo
jeeday in uu dib ugu laabto.
Dagaalkii sokeeye waxa lagu dilay
boqolaal qofood oo illaa iyo maantana dad badan ayaa ku leenaya meelo Somalia ka mid
ah, waxa gaajo u dhinta 250,000, waxa Africa qaxooti ku noqday 500,000, waxa Yurub,
Qaarada America, iyo Australia qaxooti ku noqday 1.5 milyan (milyan iyo bar) oo Somali ah,
waxa Ethiopia iyo Kenya galay 600,000 qofood.
Intaasi arar guud nooqu filan waana
run tirooyinku haddaan amaan ama cay u qaadan lah-aynba.
Illaahay ayaa yiri dhibaato
dhacdaaba faraj ayey leedahay. Haddaba, dhismaha Puntland waxay ahayd faraj illaahay
u faray ummadda Somali dhammaan si gaar ahna nimco illaahay siiyey dadka (Hartida ah),
Reer Puntland waa hubaal in aan fari ka
qodnayn, laakiin haddaan dib u xisaabtano waa garan karnaa Puntland waxa ay tahay ama
dhismaheedu waxa uu na taray.
1.
Puntland waxay ka kooban tahay shan gobol iyo degmada
Buuhoodle, dadkeedii iyo dawladihii Soomaaliya ka dhisnaaba ay hagradeen, oo xaaluf
dhaqaale iyo mid horumar iyo mid maskaxeedba lagu sameeyey.
2.
Dagaalkii sokeeye wuxuu keenay labo arrimood oo ah
a) In dadkii u dhashay ee qaxay oo iyagoo faro maran dib ugu soo laabtay iyagoo taag
iyo tamarba midna lahayn.
b) In loo hanqal taago in lagu soo qaado dagaalo badan.
Mahad alle oo taariikhda waa wada
ognahay, laakiin dhalashadii Puntland oo ay ka dambeeyeen waxgaradka iyo odayaasha u
dhashay goboladaan ayaa keentay in Puntland ist-aagto, cadowgiina iska caabiso,
nabadg-alyadeedana sugto.
Arrintaas waxaa ka markh-aanti ah
dunida oo dhan, oo rayul-caalamku maanta waxay yiraahdaan Soomaliya waxay
xasilooni ka jirtaa Puntland iyo Somaliland, laakiin Puntland waxay y halgamaysaa
midnimada Soo-maaliyeed, meesha Som-aliland ay rabto in ay goo-sato.
Guulaha ugu waaweyn ee maanta Puntland
ay beelaha caalamku wax ula qaybsan kartaa waxaa xoojinaya o saldhig u ah qodobka cahdiga
ku qoran ee oranaya Midnimada Soom-aaliyeed waa Muqadas.
Reer Puntland illaa iyo 1987-dii iyo
dagaaladii sokeeyaba waxay ahaayeen dhibanayaal oo mar walba laga gardaraa.
Waa xilkasnimo in ay maanta hormuud u
noqdaan halganka ummadda Soomaaliyeed.
Intaasi waa maxay Puntland, maxaan ka
damacsanahay Pun-tland?.