Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

 

Warsidaha Puntland

Tirsi 99

Garowe, Khamiis 5 July, 2001


 

WARARKA MADAXTOOYDA

1.       GO’AAN GOLAHA WASIIRADDA.

Madaxweynaha DGPL, Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa soo saaray taariikhdii 30/June, 2001-da, dikreeto Lam, MW/DPS/NGP/001/2001-da, uuna ku saxiixan yahay Madaxweynaha DGPL, dikreetadaas oo ka hadlaysay Go’aanka Golaha Wasiiradda , waxayna u qornayd sidatan : 

Ujeeddo: SUGIDA NABADGELYADA GUUD 

GOLAHA WASIIRADA DAWLADDA PUNTLAND 

MARKUU ARKAY Dastuurka cusub ee dhaqangelaya laga bilaabo bisha Luulyo, 1, 2001

MARKUU U KUUR GALAY xaaladda nabadgelyada guud ee dalka,

MARKUU DERSAY bayaannada kala duwan oo ay si isdaba joog ah u soo saarayaan shakhsiyaad mucaarad ah, gaar ahaan kuwa u ban baxay “musharaxiinta”

SI LOO SUGO nabadgelyada iyo xasilloonida guud ee dalka iyo dadweynaha Puntland,

 

WUXUU GO’AAMIYEY

1.         In tilaabo sharciga waafaqsan laga qaado qof kasta ama koox kasta oo ka hortimaada Dastuurka iyo shuruucda nabadgelyada Dawladda Puntland

2.         In ay reeban tahay iska hor keen dadweyne iyo dhiirigelin xasillooni daro Dawlad-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya (DGPLS)

3.         In ay reeban tahay shir ama shirar ka hor imaanaya Dastuurka iyo shuruucda DGPLS

 

C/laahi Yuusuf Axmed

Madaxweynaha Dawladda

2.        SUGIDA NABADGELYADA DGPL EE SOOMALIYA.

Madaxweynaha DGPLS, C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa soo saaray taarikhdii June, 30, 2001, Dikreeto Lam, MW/DPS/NGP/002/2001, uuna ku saxiixan yahay Madaxweynaha DGPLS, waxayna u qornayd sidatan: 

Ku: Dhammaan Golaha Wasiirada Garoowe

Ku: Dhammaan Hay’adaha Dawladda ee Madaxa bannaan, Garoowe

Ku: Guddoomiyeyaasha Gobollada DGPLS sald-higyadooda

Ku: Madaxda degmooyinka DGPLS saldhigyadooda

Ku: Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida Garoowe

OG: Dadweynaha DGPL ee Soomaaliya

 

Ujeeddo: LIFAAQA NABADGELYADA DGPL EE SOOMAALIYA

Waxaa la farayaa dhammaan Madaxda kor ku xusan in ay si deg deg ah u dhaqan geliyaan go’aankan Golaha Wasiirada ee halkaan ku lifaaqan. 

C/laahi Yuusuf Axmed

Madaxweynaha Dawladda

3.        MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO U MAGACAABAY MAXKAMADA SARE GUDDOOMIYE KU-MEEL GAAR AH

Xeer Madaxweyne Lam, 253, Garowe June, 2001 

MADAXWEYNAHA DAWLADDA PUNTLAND,

MARKUU ARKAY Axdiga Dawladda,

MARKUU TIXGELIYEY Go’aankii Golaha Was-iiradda ee Juun 30,2001

MARKUU LA TASHADAY Madaxweyne K/xi-geenka DGPLS, 

WUXUU U MAGACAABAY si ku-meel-gaar ah : 
 K/xigeenka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare in uu sii wado hawshii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dawlad Goboleedka Puntland.

 

C/laahi Yuusuf Axmed

Madaxweynah Dawladda
 

4.        MADAXWEYNAHA DGPL OO DIB U MAGACAABAY GUDDIGII QARANKA EE AMNIGA DGPL

Xeer Madaxweyne Lam, 256, Garoowe June 30, 2001, waxayna u qornayd sidatan : 

MADAXWEYNAHA DAWLADDA PUNTLAND,

MARKUU ARKAY Axdiga Dawladda

MARKUU TIXGELIYEY Go’aankii Golaha Was-iirada ee Juun 30, 2001  

WUXUU DIB U MAGACAABAY 

Guddigii Qaranka ee Amniga Dawlad Goboleedka Puntland, waxayna kala yihiin :

1.         Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland

2.         Madaxweyne-ku-xigeenka DGPL

3.         Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Dadweynaha DGPL

4.         Wasiirka Maaliyadda

5.         La-taliyayaasha Amniga Madaxtooyada DGPL

6.         Taliyayaasha Ciidamadda Amniga DGPL

 

C/laahi Yuusuf Axmed

Madaxweynah Dawladda

5.        GO’AAN GOLAHA WASIIRADA: XIL KA QAADISTA GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE, SHARCIGA KA HOR YIMID AWGEED.

Madaxweynaha DGPL Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa soo saaray taariikhdii, 28/06/01-da, Dikreeto Lam, summadeedu tahay MW/DP-S/GMS/001/2001, waxayna u qornayd sidatan :

GOLAHA WASIIRADA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND

MARKUU ARKAY Axdiga ku-meel-gaarka ah, gaar ahaana qodobka 35.1.

MARKAY KA DOODEEN Falalkii ugu dambeeyey ee uu galay kali ahaantii Guddoomiyaha Maxkamadda                                       Sare, isagoo aan la tashan guddiga sare ee Garsoorka

MARKAY U CADAATAY In Guddoomiyaha Maxkamada Sare ka soo horjeestay Go’aammaddii Golaha Wakiilladu wax ka beddeleen Axdiga Ku-meel-gaarka ah isagoo u cuskanaya 35.1 

WUXUU GO’AAMIYEY IN:

Xilka laga qaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, iyadoo loo sii marayo hab sharciga waafaqsan oo loo sii marinayo Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya

 

C/laahi Yuusuf Axmed

Madaxweynaha Dawladda

SHAQAALAHA DGPL OO TAAGEERAY XILKA LOO KORDHIYEY MADAXWEYNAHA DGPL

3/07/01-da… Garowe, WARSIDAHA…

Shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen dhammaan Agaasi-meyaasha Guud, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Madaxqaybeedyada shaqaalaha ee Wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa bannaan.

Shirkaas oo uu ka soo qayb galay Madaxweynaha DGPL, Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed, halkaasoo uu ka jeediyey khudbad.

Ugu horreyntii waxaa halkaas ka hadlay Madaxweynaha DGPL, Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed, wuxuuna sheegay in shaqaaluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha iyo wax soo saarka, murana kama jiro in dawladu u aqoonsan tahay shaqaaluhu in uu yahay kan maskax ahaan iyo muruq ahaanba ula diyaar ah in uu ku hormariyo dalkiisa dhan walba dhinaca dhaqaalaha, bulsho iyo amniba, isagoo taabo gelinaya siyaasada iyo istaraatiijiyada dawlada.  

Madaxweynuhu isagoo ka warramaya heerkii uu soo maray shaqaalaha DGPL, wuxuuna xusay kaalinta uu shaqaaluhu ka qaatay arrimo badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin, iyadoo xoogga la saarayo kobcinta dhaqaalaha, kor u qaadida tayada shaqaalaha iyo sidii loo sii horumarin lahaa aqoonta iyo xirfada shaqaalaha.

Madaxweynaha ka hor waxaa halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Shaqada iyo Shaqaalaha Duuliye Sare, C/laahi Axmed C/lle (As-hari), wuxuuna ka hadlay heerkii ay soo mareen shaqaalaha DGPL, wuxuuna ugu horreyntii isagoo ku hadlaya magaca shaqaale weynaha DGPL EEG BOGGA XIGGA“

Wuxuu Yiri “waxaa sharaf ah hambalyeyno guusha aad ku guulaysatay in aad sii hayso hoggaanka haatan Madax-weyn-enimada haatan saddexda sano ee soo socota laguu doortay, shaqaaluhu meel uu joogaba waa laf-dhabarta kobcinta dhaqaalaha iyo wax soo saarka.

Agaasimaha Guud ee shaqada iyo shaqaalaha wuxuu xusay in maamulka shaqaalaha iyo shaq-aalaha ay maamul ahaanba sidii ay hore ugu dhaarteen in ay u adeegi doonaan bulshada, daacadna u yihiin meel-marinta hadafka iyo ujeeddooyinka DGPL, waana waajib sharci ah oo ay qeexayaan shuruucda shaqaalaha iyo dastuurkuba. 

Sidaa darteed, waxaa xaq loogu leeyahay qof kasta oo shaqaalaha ka mid ahi in uu u huro mooral ahaan iyo maadi ahaanba horumarinta bulshada, dhaqaale, illaalinta iyo gacan ku haynta hawsha iyo hantida uu mas’uulka ka yahay, difaaca jiritaanka DGPL.

Sidoo kale waxaa qof kasta oo shaqaalle ahi wuxuu leeyahay xuquuq sida, Mushahar caqli gal ah oo ku sallaysan nooca shaqada iyo muddada shaqada, lana socon karta xaaladda nololeed ee hadda jirta, daryeel caafimaad, waxb-arasho, iyo tababar xirfadeed, dallacaad iyo sugida dhammaan xuquuqda uu siinayo sharcigu.  

Shaqaaluhu waxa uu  ayidsan yahay dastuurka cusub isla markaana wuxuu taageerayaa go’aanada ka soo baxa golaha xukuumadda. 

Agaasimuhu wuxuu hadalkii ku soo gebegabeeyey in aan ballan qaadayno in aanu dar dar gelino shaqada, illaalino oo dhowrno nabadgelyada, kana hortagno cid kasta oo ka soo horjeeda hadafka iyo ujeeddooyinka danaha DGPL.

Waxaanu ballan qaadaynaa meel marinta iyo ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda u degsan DGPL.

Waxaa munaasabadaas goob joog ka ahaa Wasiir ku-xigeennadda Arrimaha Gudaha, Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Sare, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha iyo Hay’adaha madaxa bannaan ee DGPL.

BAYAAN AY SOO SAAREEN BEESHA MAXAMED CUMAR

 

Shir ay ku yeesheen Beesha Maxamed Cumar Magaalada Gar-oowe, Caasimada DGPL oo ay isugu yimaadeen illaa 30 qof, waxay go’aamiyeen oo isku waaf-aqeen in ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin, ayidsan yihiin Ma-amulka Puntland. 

Waxaanu halkaan ku shee-gaynaa oo aanu cadaynaynaa haddii aanu nahay beeshaas in aanu raali ka nahay saddexda sano ee maamulka loo kordhiyey, annagoo dan gaar ahaaneed ka horm-arinayna danta guud ee bulshada bara-kaysan ee Puntland, kana soo horjeedna kuwa danta gaarka ah wata ee u adeegaya kooxda Carte iyo kuwa la hal maala. 

Sidaas darteed, beeshu waxay taageereexoojinta iyo wada shaqaynta Puntland, waxayna xil gaar ah iska saarayaan nabadgelyada iyo xasiloonida ummadda, waxayna ka soo horje-edaan kuwa doonaya in ay carqaladeeyaan ammaanka iyo wada noolaanshaha ummadda walaalaha ah.

 

Waxaa saxiixay bayaankaan :

 

1.         Faarax Daad Cali

2.         Sh. Siciid Ducalle Mataan......

ILLAALI OO DARYEEL DEEGAANKA

SUUGAAN

DAREEN

Da’da gabay beryahan kuma deg degine dooda hadafkay’e

Ma daadihiyo maantana markale  dan iyo xeesheede

Ma diyaarshay suugaan dahsoon duul la hadal kayga

Ma diryaanshay maansada halkay damacday laabtaydu

Daafaha puntland dhanbaal dahaba maw sheegay

Daruur curatay degaan baxday dabac lay maalaayo

Dur durada burqaynaya iyo halkay dihatay laabtaydu

Duur joogta cawshiyo sangaha dabada meeraaya

In aan eebbe kaa daadin baa lagu ducaystaaye

Nimcaadii la daadshaa nusqaan daayin baa u rogaye

Kala daadintaa aan arkaa dib dhac weeyaane

Maw dardaarmay maansada puntland ceeda hadafkayga

Ma dareenshay maantana tolkay doqoni waa mooge

Daafaha sanaag iyo illaa docolka buuhoodle

Deegaanka sool iyo illaa doollo iyo hawdba

Dacda gaalkacyeed iyo illaa daanta mudug oo dhan

Daaqsinkii galdogob iyo illaa garacad daafteeda

Ma dareenshay maansada tolkay doqoni waa mooge

Dur durada nugaal iyo illaa daaqsin iyo eylba

Dalsanow garowoowe, qardhiyo daganka boosaaso

Degta xaaba  beer-gaal illaa raaska  dacalkiisa

Degmadii caluula tan iyo doocda xaafuunba

Intaas oo degaan iyo badlaan daawanaayaaye

Ma dareenshay maansada tolkay doqoni waa mooge

Badda dihin libaax iyo kalluun dulun dulcaynaaya

Dur durada badroolkaa arlada dahabka ceegaage

Dib maw fiirinaa yaan caqligu daawan meel kale’e

Ra’yi dagan midnimo duuban baa lagu dilaacshaaye

Dawlad iyo dadweyne is rabaa lagu dareershaaye 

Waxaa tiriyey Abwaan Maxamed Siciid Buraalle

La soco cadadka xigga

 

OGEYSIIS

 Wasaaradda Iskaashiga Caalamiga iyo Qorsheyntu waxay ka codsanaynsaa dhalinyarada da’doodu tahay ilaa 25-jir oo haysata Shahaadada Dugsiga Sare aqoona u leh afka Carabiga in ay soo gudbiyaan Koobiyo Shahaadooyinkooda hadday xiisaynayaan in ay sii wataan waxbarasho sare oo noqon karta illaa heer jaamacadeed.

Soo gudbintu waxay ku egtahay 10/07/2001.

Wabilaahi Towfiiq

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Iskaashiga Caalamiga iyo Qorsheynta

 

IS AF-GARADKU WAA UDUB DHEXAADKA NOLOSHA

 

URURKA TAAGEERAYAASHA GUDDOONKA DASTUURKA CUSUB IYO XILLI KORDHINTA DGPL 

WAR SAXAAFADEED.

Waxaan sida ugu adag u canb-aaraynaynaa warkii uu ka sii daayey Idaacadda BBC-da afka Soomaaliga 27/06/2001-da, Yuusuf Xaaji Nuur (Gudd-oomiyihii Hore ee Maxkamadda Sare), oo nasiib darro bar bar maray nuxurka, tixraaca nidaam shuruuceedka ee Axdigii  Dhis-maha Dawlad Goboleedka Pun-tland ee Soomaaliya iyo hawshii toosinta iyo turxaan bixinta Golaha Wakiillada DGPL isagoo si cad ugu biiray tirada yar ee xukun maroorsiga u hanqal taagaysa, taasina aysan waxba ku kordhin in lala bar-bardhigo mooyee sheegashada Kooxda Carta in ay ka taliyaan Jamhu-uriyadda Soomaaliye ee jeeba-bkooda qura ku eg. 

Warkiisa waxaan u aragnaa mid han siyaasi leh o u xaglinaya dhinac ka mid ah shaqsiyaadka isa soo qadimay sidii ay mansabyada ugu sarreeya ee hoggaaminta dalka u maroorsan lahaayeen, ee aan marnaba ka tarjumaynin rabitaanka iyo yoolka bulshada shanta Gobol ee isbahaystay higsanayeen oo haykalka ugu sarreeya uu yahay Isimadda iyo Golo Wakiillo oo ay soo xusheen beelo, Nabadoono oo ay isimo qalinka kud duugeen, kaasoo lagu tilmaamo nidaamka ugu dimu-qraadisan, marka loo eego xagga talo goynta. 

Marka ugu horreysa waxaa isweydiin mudan xaggee ka timid fikradda kordhinta waqtiga maa-mulka Puntland. Arrinkaas ayaana u baahan in la kala saaro oo aan la isku khaldin.

Fikradda in wax lagu kordhiyo waqtiga maamulka Puntland waxaa marka ugu horreysa soo bandhigey baaqyo ay soo saareen beelo kala duwan, isimmo, nabadoono, aqoonyahano iyo wax garad kale oo reer Nugaal ah oo Internet-ka la geliyey, Maamulka iyo Golaha Sha-cabkana la gaarsiiyey, waxaana ku saxiixnaa muwaadiniin gaarayey ku dhowaad 200 oo qof. 

Taasoo ay kaga wada hadleen dhowr qodob oo ay ka mid yihiin :

v In laga iibiyo Hubka culus ee shacabka gacanta ugu jira

v Dhismihii DGPL oo saldhig ka dhigtey shuruucda iyo astaanta Soomaaliyeed ee ay guddonsheen    baarlamaankii 1960-kii, taasoo awood u siinaysa Golaha Wa-kiillada DGPL in ay 2/3 xunbaha ka tirsan ay        awood u leeyihiin in ay shuruucda wax ka bed-delaan. 

Sidaa awgeed, OGGOL, waxay aaminsan tahay in wada tashiga Isimadda iyo guddoonkii Golaha Wakiilladu yihiin nidaam waafa-qsan sharciga loona baahan yahay waqtigaan duruufta adag, dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed loo baahan yahay in la soo dejiyo, iyo maamulka bulshadu dhisteyna kal-soonida loo dheereeyo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee DGPl Yuusuf Xaaji Nuur, waxaan ugu baaqaynaa inuu u hoggaansamo gud-doonka Golaha Wakiillada ay bulshadu u xil dhi-ibatay xeer dejinta iyo in qors-hihiisu qaab inqilaab ee maxk-amadeed ay suuroobeen. 

OGGOL, oo ah urur madax bannaan, ahmiyadiisuna tahay inuu noqdo codka dadka faraha badan ee aaminsan ee taageersan jiritaanka maamulka DGPL, wax-aannu ugu baaqaynaa Golaha Wa-siiradda DGPL in si deg deg ah loo magacaabo Guddoomiye cusub ee Maxkamadda Sare sidii ujeeddooyinka Yuusuf Xaaji Nuur, hambadii Itixaad iyo Kooxda Carta u noqon lahaayeen bar-kuma-taal

Gudoomiyaha

Ururka OGGOL

Dr. C/qaadir Axmed Ceegaag

KU DADAAL NADAAFADA, ISKANA FOGEE QASHINKA

 

 

SIDA AY ANIGA ILA TAHAY

 

(wixii cinwaankan hoos yimaada waa ra’yi shakhsi ah, WARSIDUHU ha la qabo ama yaanu la qabine)

PUNTLAND MAXAY TAHAY, MAXAANSE KA DAMACSANAHAY.

“Sahro Ciise Faarax”

Sida aan dhammaan u ogsoonahay burburkii qaranka Soomaaliyeed oo bilawday 1978-dii waxa uu qaatay 22-sanadood si uu u gaaro bubur guud oo isu beddelay dagaal sokeeye sanadii 991 bilowgiisii.

Dagaalka sokeeye wuxuu noqday mid u dhacay hab ka duwan wixii Soomaali waligeed tiqiinay, taas-oo ah in la badbaadin waayey maatadii (Carruur, Waayeel iyo Dumarba), in dhaqan iyo diin midna aan la tixgelin. 

Ku dheeraan maayo arrintaas maxaa yeelay waxa la yiri “ Ummul ayaa xanuunka foosha ilowda”, laakiin ummaddeenu waa xusuusataa wixii dhacay iyo barakicii aayihiisu noqday in nin walba meesha uu ka soo jeeday in uu dib ugu laabto.

Dagaalkii sokeeye waxa lagu dilay boqolaal qofood oo illaa iyo maantana dad badan ayaa ku le’enaya meelo Somalia ka mid ah, waxa gaajo u dhinta 250,000, waxa Africa qaxooti ku noqday 500,000, waxa Yurub, Qaarada America, iyo Australia qaxooti ku noqday 1.5 milyan (milyan iyo bar) oo Somali ah, waxa Ethiopia iyo Kenya galay 600,000 qofood. 

Intaasi arar guud nooqu filan waana run tirooyinku haddaan amaan ama cay u qaadan lah-aynba.

Illaahay ayaa yiri “dhibaato dhacdaaba faraj ayey leedahay”. Haddaba, dhismaha Puntland waxay ahayd faraj illaahay u faray ummadda Somali dhammaan si gaar ahna nimco illaahay siiyey dadka (Hartida ah), Reer Puntland  waa hubaal in aan fari ka qodnayn, laakiin haddaan dib u xisaabtano waa garan karnaa Puntland waxa ay tahay ama dhismaheedu waxa uu na taray.

 1.         Puntland waxay ka kooban tahay shan gobol iyo degmada Buuhoodle, dadkeedii iyo dawladihii Soomaaliya ka dhisnaaba ay hagradeen, oo xaaluf dhaqaale iyo mid horumar iyo mid maskaxeedba lagu sameeyey.

 2.         Dagaalkii sokeeye wuxuu keenay labo arrimood oo ah

a)      In dadkii u dhashay ee qaxay oo iyagoo faro maran dib ugu soo laabtay iyagoo taag iyo tamarba midna lahayn.

b)     In loo hanqal taago in lagu soo qaado dagaalo badan. 

Mahad alle oo taariikhda waa wada ognahay, laakiin dhalashadii Puntland oo ay ka dambeeyeen waxgaradka iyo odayaasha u dhashay goboladaan ayaa keentay in Puntland ist-aagto, cadowgiina iska caabiso, nabadg-alyadeedana sugto.

Arrintaas waxaa ka markh-aanti ah dunida oo dhan, oo ra’yul-caalamku maanta waxay yiraahdaan “Soomaliya waxay xasilooni ka jirtaa Puntland iyo Somaliland, laakiin Puntland waxay y halgamaysaa midnimada Soo-maaliyeed, meesha Som-aliland ay rabto in ay goo-sato”. 

Guulaha ugu waaweyn ee maanta Puntland ay beelaha caalamku wax ula qaybsan kartaa waxaa xoojinaya o saldhig u ah qodobka cahdiga ku qoran ee oranaya “Midnimada Soom-aaliyeed waa Muqadas”.

Reer Puntland illaa iyo 1987-dii iyo dagaaladii sokeeyaba waxay ahaayeen dhibanayaal oo mar walba laga gardaraa.

Waa xilkasnimo in ay maanta hormuud u noqdaan halganka ummadda Soomaaliyeed.

Intaasi waa maxay Puntland, maxaan ka damacsanahay Pun-tland?. 

La soco cadadka dambe

 

NABADU WAA HORUMAR