© 2001 Yamayska & Company,
Inc. All Rights Reserved
TAFAFTIRAHA A. SALWE
ROOBABKII DAYRTA OO KA HOORAY PUNTLAND OO WAXYEELO U GAYSTAY
XOOLO DHAQADATA LAAS CAANO
Guud ahaan gobolada Puntland iyo Soomaaliya oo dhanba , waxaa hadda ka bilawday roobabkii Dayrta oo aalaaba xiligan oo kale di’i jiray. Cirka waxaa saaran daruuro biyeysan cadceeduna aad ayey u kulushahay, roobabka illaa iyo hadda da’ay maaha kuwo wada maray dhulka oo dhan. Roobabkaan ayaa ku soo beegmay xilli xoolaha iyo dadkuba ay aad ugu baahnaayeen, hayeeshee wararka ka imaanaya Gobolka Sool ayaa sheegaya in roobabkii ka da’ay aaggaasi ay wax yeelo u gaysteen xoolo badan. Sida uu baahiyeye Radio Gaalkacyo xoolo Ari u badan oo horay caato u ahaa ayaa roobabka halkaasi ka da’ay dileen, Idaacaddu ma’ay sheegin tirada xoolaha halkaasi roobabku ku laayeen.
KHILAAFKA PUNTLAND ….. KA YIMID BOGGA
1AAD
Garoowe waxaa hadda ka soconaya shir loogu magacdaray Shirwaynaha Labaad ee Dastuuriga ah ee Puntland, kaas oo uu soo agaasimay Dr. Yuusuf Xaaji Nuur. Shirkaas waxaa isugu tagay boqolaal ergooyin iyo marti sharaf kale ah oo ka socda mid kamid ah labadii qalbac ee Puntland u kala jabtay. Marka loo eego xagga ka qaybgalka shirka, xulushada ergooyinka, xallinta khilaafaadyada, in badan oo kamid ah wajiyada ka qaybgalaya, damaca ergooyinka ee ah in shirka lagu magacaabo baarlamaanka si ay ayagu u noqdaan Golihii Wakiilada iyo sawirka guudba waxaa muuqanaya waxyaalo badan oo ay isaga egyihiin labada shir. Carta waxaa isugu tagay Soomaali badan oo jeclayd in dalkooda dawladi ka dhalato, waxaana lagu dhisay Dawlad magaceeda laga maqlo saxaafadda balse aan ka talin dalka, waxaan cidina dafiri karin in shirkaasu ahaa kii ugu macquulsanaa shirarkii Soomaalida, dad badan oo Soomaaliyeedna ay soo dhaweeyeen. Mirihiisiina waxay noqdeen tacab-khasaar, sababtu wax kale maaha ee waxaa weeye dadkii ka qayb galay maahayn kuwo bulshadu dirsatay oo wakiil rasmi ah ka ah, arinta kale waxay tahay shirka oo Ismaaciil Cumar Geelle u af-duubnaa . Shirkaan Garoowe ayaa u muuqda mid haya wadadii uu maray shirkii Carta. Waa dhab in Puntland u kala jabtay labo qalbac, oo midnimadooda la’aanteed aysan midkood gooni wax u noqon karin.
KAL-FADHI AAN CAADI AHAYN OO BAARLANAAKA PUNTLAN GARABKA
C/LAAHI YUUSUF SABTIDII UGA FURMAY GAALKACYO.
Kal-Faadhi aan caadi ahayn ayaa xubnaha baarlamaanka Puntland garabka C/laahi Yuusuf 6 bishaan uga furmay magaalada Gaalkacyo. Hoolka Baaskidka lagu ciyaaro ee Dugsiga Sare ee Cumar Samantay ayaana kal-fadhigu ka furmay. Xafladdii furitaanka kal-fadhigaas ayaa waxaa ka soo qayb galay C/laahi Yuusuf, oo hadalo ka jeedshay. Md C/laahi wuxuu hadalkiisa ku sheegay in gobolada oo dhan ay guddiyaal ka sameeyeen, koox yar oo dan leh ay dadka khalad ka dhaadhicisay hadana dadku fahmay shirqoolkoodii siduu hadalka u yiri. Waxaa kale oo halkaas ka hadlaay Guddoomiyaha Golohaas Eng. Yuusuf Xaaji Siciid oo ka sheekeeyey taariikh dheer oo ku saabsan is-badaladii dadka reer Puntland ay soo maareen ilaa iyo xiligii gumaysiga. Eng. Yuusuf, wuxuu ku tilmaamay waxa Puntland ka dhacay u kufsi loo gaystay sharcigii, wuxuuna sheegay in dadka gaystay ay yihiin kuwo u adeegaya dad kale. Garaad C/laahi Cali Ciid oo halkaas saaka ka hadlay ayaa yiri “halkaan shir baan u fadhinaa Garoowana qolo kalaa shir u fadhida, kolbana labada qolo mid baa saxan, haddii aan khaldanahayna aan u madda khaladka ka dayno haddaan saxanahayna aan horay u socono”. Intii ay socotay xafladdii furitaanka kal-fadhigaas, waxaa yimid oo kulanka ku soo biiray wafti Isimo iyo xildhibaano isugu jira oo uu hogaaminayo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.
QIIMAHA DOOLARKA MARAYKANKA OO AAD KOR UGU
KACAY
Qiimaha miciishadda ayaa aad kor ugu kacdey usbuucyadii la soo dhaafay, waxyaalaha daruuriga ah ayaa qiimohoodu ugu yaraan labo jibaamay marka loo eego lixdii bilood ee u danbaysay, arintani waxay saamayn gaar ah ku yeelatay qoysaska Soomaaliyeed ee dan-yarta ah, Sh. So. 23,000 ayuuna gaaray qiimaha lagu badasho halkii Doolar. Hoos u dhaca ku yimid qiimaha lacagta Shillin Soomaaliga ayaa loo tirinayaa labo arimood oo iskaashaday (1) La’aanta lacag adag oo dalka dibadda ka soo gasha, maadaama waxa la dhoofiyo iyo waxa la soo dajiyo aysan isu dheeli tirnayn. (2) Lacago Shillin Soomaali ah oo la soo been daabacay oo dalka la soo galiyey, taas oo badanaaba ka timid dhinaca Muqdisho.
SULDAAN SICIID MAXAMED GARAASE OO SHEEGAY
IN UU KA XUN YAHAY NAJIIDADII SAFARKII ISIMADA GOBOLKA MUDUG AY KU TAGEEN
GAROOWE
Suldaan
siciid maxamed Garaase oo waraysi siinayey Idaacad ku hadasha afka-Soomaaliga
oo ku taal dalka Maraykanka ayaa sheegay in uu ka xun yahay najiidadii uu ku
dhamaaday safar ay dhawaan Garoowe ku tageen qaar kamid Salaadiinta Gobolka
Mudug. “in lays qadariyo way fiican tahay aduunku maalin kaliya maaha, ninba
malin ayuu cid u yeeri doonaa, marka anigu waxaan qabay in loo tago (Islaan
Bashiir) laakiin looma tagin” suldaan Garaase ayaa sidaasi yiri isaga oo ka
jawaabayey sul’aal la waydiiyey oo ahayd adigu ma u tagtay Islaan Bashiir.
CALI KHALIIF OO SHEEGAY IN UU XIRIIR LA LEEYAHAY
SHHIRKA GAROOWE
Raysul-wasaaraha
DKM ayaa markii u horaysay shaaca ka qaaday kaalinta Dawladdiisu ku leedahay
dhaqdhaqaaqyada ka socda Garoowe RRA iyo Soomaali land. Cali khaliif oo
arintaas ka hadlaya wuxuu yiri “Dhanka Bari iyo Waqooyi galbeedba arrimo aad u
fiican baa ka socda, Garoowe xiriir fiican baa naga dhexeeye, wada hadal iyo
wada tashi baa naga dhexeeya, anagu Isimada, Musharixiinta, iyo inta
baarlamaanka lagu wado inay ka qayb galaan intaba xiriir toos ah baan la leenahay”.
Cali khaliif wuxuu sheegay oo kale in RRA xiriir fiican ka dhex wadaan.
Hadalkan oo dad badan lama filaan ku noqday ayaa soo baxay xilli ay taagan
tahay su’aal lays waydiinayey oo ahayd maxaa ka run ah warar soo noq noqnayey
oo ku saabsanaa in DKM ah ay toos ugu lug leedahay shirka ka socda Garoowe.
Dhinaca kalana Isimada ku lugta leh shirka Garoowe ayaa usbuucii hore soo
saaray hadal qoraal ah oo ku saabsan in Puntland aysan xarumo ku lahayn
argagixisada adduunku iyo in DKM aysan wax lug ah ku lahayn waxyaalaha ka socda
Puntland.
SHIL SABABAY DHIMASHO OO XALAY KA DHACAY AGAGAARKA GAROOWE
Nin
baa ku dhintay mid kalana wuu ku dhaawacmay ka dib markii dablay aan haybtooda
la garanaynin ay jidka u galeen baabuur yar nooca MarkII oo marayey wadada u
dhaxaysa Gaalkacyo iyo Boosaaso agagaarka Garoowe. Baabuurkan oo qaad ka qaaday
Gaalkacyo, ayaa dablaydaasi u galeen wadada, lama yaqaan ujeedada ay lahaayen
iyo cidda ka danbaysa toona. dhaawacaas ayaa la sheegay in uu yahay mid culus,
ayada oo ay rasaastuna kaga dhacday meel halis ah.
MUUSE SUUDI IYO MAXAMED CUMAR XABEEB OO KU KULMAY JAWHAR.
Axadii aan soo dhaafnay waxaa magaalada Jawhar ee xarunta Gobolka Shabeelada dhexe kulan ku yeeshay labada hogaamiye kooxeed ee Muuse Suudi iyo Maxamed Cumar Xabeeb. Labadan hogaamiy oo kamid ah ragga aadka ugu soo horjeeda Dawladda C/qaasin ayaa waxay sida lasheegay ka wada hadleen maamul loo sameeyo Gobolka Sh. Dhexe iyo gobolda dariska la ah. Warkan oo uu shaly baahiyey Radio Gaalkacyo ayaa intaasi ku daray in labadan hogaamiye ay in muddo ahba ka wada hadlayeen qaabkii iyo sidii ay u mmidayn lahaayeen myuuuquqooda iyo miskaxdooda.
OGEYSIIS CAABI VEDIO
CENTER
Dadwaynaha Soomaaliyeed dal iyo Dibadba waxaa loogu bishaaraynayaa in magaalada Gaalkacyo laga furay xafiis kuu haya adeegga filim ee aad u baahan tahay. CAABI VEDIO CENTER, waxuu kuu hayaa adeeg hufan oo ah diyaarin filimo tayo sare leh, xafiiskan wuxuu ku hayaa kayd aadan ka faqriyeyn oo ku saabsan kaydkii hore (1990 ka hor Soomaaliya) iyo xiligii burburka iyo tan iyo asaaskii Puntland waxyaalihii dhacay. Waxaa halkaas kuugu diyaar ah Filim Qaade Cabdi Gareed Amed Caabi, Ex-Somali TV. Waxaa intaa kuu dheer qiimo jaban oo aad ku heli doonto dalabkaaga. wixii fahfaahin intaa dheer ee u baahatid fadlan kala xirii Telefoonka 252 544 40193 Gaalkacyo Soomaaliya.
ISIMADA
GOBOLKA MUDUG OO QORAAL KA SOO SAARAY SAFARKOODII GAROOWE
2/10/2001, Isimada Gobolka Mudug ayaa waxay soo saareen warbixin ku saabsan, safar ay dhawaan ku tageen Garoowe, Isimadu waxay qoraalkoodan oo labo bog ka kooban, ku sheegeen in sababta ay halkaasi u tageen ay ahayd sidii loo midayn lahaa aragtiyaha kala duwan ee Isimada si bay yiraahdeen loo helo wax dadka u wada cuntama. Salaadiintu waxay sheegeen in arintaasi socon wayday, ayaga oo ku sababeeyey in is-hortaageen fakarkaas qaar kamid ah Isimada Garoowe ee halkaas ka wata waxa ay ugu yeereen ”Shirka aan loo dhamayn”. Qoraalkan waxaa ku saxiixnaa, Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, Suldaan C/shiid Muuse Shire iyo Suldaan Maxamuud Cilmi Calas.
WARAR SOO KALA HORJEEDA OO SHEEGAYA IN ARGAGIXISADA ADUUNKU
XARUMO KU LEEDAHAY PUNTLAND IYO IN KALE.
Tan iyo markii qaraxyada loo gaystay magaalooyinka New York iyo Washington 11 Sept. 2001, saxaafadda dalka iyo tan caalamkuba, waxay aad wax uga qoroyeen in Osama Bin Laadin ururkiisa Al-Qaacidda uu xarun ku leeyahay Soomaaliya. Warsidaha AllPuntland ee ka dhex furan Internet-ka oo soo xiganaya jariidadda Telegraph ‘Nairobi’ ayaa Isniintii qoray, warbixin dheer oo sheegaysa in kumanaan Soomaali asalraac ah, oo ku xiran ururka Binladin ee Al-qacidda loo tababaro habka argagixisada, laguna tabo-baro koonfurta Soomaaliya. Warbixinta oo soo xiganaysa nin horay ururka Al-Itixaad uga tirsanaan jiray haddana wali xiriir la leh, oo la yiraahdo Xuseen Cali ayaa sheegtay in Soomaalidaas la baro habka loo sameeyo waxyaabaha qarxa, sida loo diyaariyo Bonbooyinka iyo sida loo adeegsado qoryaha. Warbixintu waxay sheegtay oo kale, in ay jirto qiyaas 3,000 ilaa 5,000 oo qof oo gaashaan-buur la ah ururada Al-Qaacidda iyo Al-Itixaad iyo 50,000 ilaa 60,000 oo taageerayaashooda ah joogaan Soomaaliya. Warbixinta ayaa sheegtay in saraakiil Qaramada Midoobay ka tirsani ay sheegeen, in qaraxyadii 1998kii loo gaystay safaaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Dar-es-Salaam ee 224-ka qof ay ku dhinteen, laga soo abaabulay xero u dhaw Raas Kanbooni, koonfurta Soomaaliya. Illaa labo meelood oo Puntland ah ayaa war bixintu sheegtay inay xeryo noocaas ahi ku yaaliin. Waxaayna intaa ku dartay in ururadan diineed (Al-Qaacida iyo Al-itixaad) ay xiriir fiican la leeyihiin Cibdiqaasin Salaad Xasan. Kana taageeraan dhinaca dhaqaalaha. Dhanka kalana Isimada shirku uga socdo Garoowe oo jawaab ka bixinaya wararkaas soo noqnoqday ayaa usbuucii hore sheegay in aysan waxba ka jirin, wararka sheegaya in Puntland ay xarumo ku leeyihiin argagixisadu, waxaana ay Isimadu sheegeen in warkaas ay fidisay cid ujeedo kale leh. isla arintaan warsaxaafadeed uu ka soo saaray 2dii bishan Agaasimaha Madaxtooyada Puntland garabka C/laahi Yuusuf, Ismaaciil Xaaji Warsame, oo sheegay in waxa uu ugu yeeray Kooxda Carta iyo xoogaa Isimo ah oo Garoowe jooga, warka ay fidiyeen oo ku saabsan in aan argagixiso joogin dalka ay tahay waxba kama jiraan. Ismaaciil, wuxuu warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in dhaqdhaqaaqyada maanta soconaya badankoodu ay wadaan ururo-diineedka Al-itixaad iyo Al-qacidda. Wuxuuna in taas ku daray in hadda magaalada Boosaaso ay sawirka Osaama Bin laadin ku dhajiyaan baabuurta. Sikastaba hanoqotee, waxa illaa hadda si cad loo ogyahay ayaa ah in liiska dalalka Maraykanku farta ku fiiqayo ay Soomaaliya ku jirto, taas oo loo macnaysan karo in Maraykanku tuhunsan yahay in Bin Laadin ururkiisu xarumo ku leeyahay Soomaaliya.
SHIRKII GAROOWE OO MAR
KALE MUDDO LABO MAALMOOD AH DIB LOO DHIGAY
26/8/2001 ayaa waxaa ay ahayd maalinkii shirka Garoowe irdaha loo furay, illaa maalintaasna waxaa uu ahaa mid kufaa kacayey, waxaase in lays weydiiyo haboon, maxaa muddada 40-ka cisho ka badan qabteen boqolaalka ergay ee ka soo qayb galay?. Waa dhab, in shirku waxyaalo badan ka gudbay, waxaa la magacaabay xubnihii Shir Guddoonka iyo kuwii xoghaynta ahaaba, sidoo kale Dastuurkii hore ee 1998kii ayaa noqday mid lagu heshiiyey in la qaato, kaas oo hadda loo qaybshay ergooyinka si ay u soo akhriyaan, si wixii wakhtiga aan la socon karin looga saaro dastuurkaasi. Hadaba marka aan dib ugu soo laabano jawaabta su’aashii hore ee ahayd “maxay qabteen boqolaalka ergay ee shirka jooga?, jawaabtu waxaa ay u muuqataa in aysan jirin wax ay qabteen balse ay markhaati rasmi ah ka yihiin sida ay hawsha u wadeen salaadiinta oo yeerinaysa sida ay wax u socdaan. Majirto illaa hadda qodob ama mawduuc la soo dhex dhigay ergooyinka si ay uga doodaan. Mid kamid ah ergooyinka oo aan Garoowe kula kulmay dhawaan ayaa ii sheegay, in ergooyinku aysan wali hadlin balse wuxuu intaas ku daray in arinta ugu wayn ee ay qaban doonaan ay tahay inay kala saaraan musharixiinta faraha badan ee u taagan madaxtinimada Puntland. Sikastaba hanoqotee, waxaa wararka ka imaanaya Garoowe shalay ay sheegayaan in Shirkii dib loo dhigay mar kale muddo labo maalmood ah dibna laysugu soo noqon doono Maalinka Arbacadda ah ee soo socota. Waxaana hakadka faraha badan ee ka jira shirkaasi loo aanaynayaa inuu jiro khilaafaad soo noqnoqonaya oo ka imaanaya ergooyinka ka qaybgalaya shirka. Kaas oo doraato (Axadii) oo u danbaysay keenay in madasha shirka banaanka looga saaro qaar ka mid ah ergadaas.
TAXANAHA KALA BAYR
Waxa diyaariyay:
Abdusalam M. Jama "Salwe" C/o Salt Lake City, UT USA Salwe1@hotmail.com
Waa taxane ka kooban dhowr qeeybood oo aan
haddii allaha awoodda lihi ogolaado uga hadli doono si kooban taariikhdii ay
soo martay ummadda reer Puntland oo maanta maraysa waddo kalabayr ah, mustaqbalkooduna ku xirnaan
doono amarka iyo awoodda ilaahay ka sokoow hadba sidii inta amaanada ummadda
qoortoodu suran tahay umuuraha cakiran u maareeyaan. Waxaan si aad u kooban
sadaro ugu cabiri doonaa waayihii xukuumaddii Barre iyo wixii ay badday reer
Puntland, iyo halgankii hubeeysnaa ee SSDF. Waxaan iyana sidoo kale u dul mari
doonaa biloowgii dagaaldadii sokeeye ee Soomaaliya ee 1990 kii iyo wixii ay
kala kulmeen reer Puntland iyo dadaalkii loo galay nabadeeynta Soomaaliyeed.
Waxaan u gudbi doonaa duruufihii iyo waayihii koobnaa ee ka horeeyey
dhalasahdii Puntland. Sidoo kale waxaan ku qaadaa dhigi doonaa qoraallada
xukuumaddii koowaad ee Puntland iyo duruufihii lagu doortay, ballan
qaadyadeedii, wixii ay ka fulisay, wixii u fuli waayay iyo duruufihii ay u fili
waayeen. Waxaan farta ku fiiqi doonaa khalaadaadkii xukuumaddii koowaad ee
Puntland iyo qaar ka mida qeeybaha bulshada oo ay ugu horeeyaan Isimada,
siyaasiyiinta iyo aqoon yahanka. Waxaan kaloo qoraaladan uga hali doonaa
shirkii Carta iyo duruufaha uu ku soo saa'idiyay Puntland iyo heerka ay maanta
marayso. Waxaan intii karaankay ah ku sharxi doonaa shirqool iyo mu'aamarad loo
dhigay reer Puntland oo lagu fuliyay isla dad reer Puntland u dhashay kuwaasoo
oo inta badan sabab u ah waxa maanta ka taagan Puntland iyo waliba halka lala
rabo in ay gaarto Puntland. Waxaa iyana lagama maarmaan ah in aan wax ka taabto
Soomaaliya iyo danaha dalalka shisheeye iyo dowrka ay ka ciyaareen waxa ka
socda Soomaaliya guud ahaan iyo waxa maanta ka taagan Puntland gaar ahaan. Ugu
danbeeyn, haddii alle idmo, waxaan qoraaladayda ku soo gabagabeeyn doonaa
talooyin iyo baaq aan u soo jeedinayo reer Puntland, kaas oo aan quud
dareeynayo in uu wax uun ku soo saa'idin doono badbaadinta jiritaanka Puntland
iyo amaanka dhulkeeda iyo shacabkeeda. Dadka daacadda ka ah taariikhda ayaan
weeydiisanayaa in ay iga saxaan wixii aan khaldo ama ka il duufo iyo waliba
taladii iga qalloocata deetana dowga ila seegta.
horudhac iyo taariikh kooban laga bilaabo 1969kii
Tan iyo curashadii kacaankii 21kii oktoobar, ummadda reer Puntland dad ahaan iyo degaan ahaanba waxa ay daris la ahaayeen waayo aad u kala kharaar, kuwaas oo baalal khad cas lagu qoray uga dhigan baalasha rogmahaya ee sooyaalka ay jiilasha soo socda haddii rabbi idmo ay si wacan uga bogan doonaan. In badan oo dhibaatooyinkaas ka mida waxa ay reer Puntland la qabeen qaybo ka mida bulshada Soomaaliyeed, qaar kaloo badanna lalama wadaagi jirin. Dilal siyaasadeed, asal tirtirid, asal guurin, xirid, dhac, kufsi iyo musaafirin si joogto iyo arxan la'aan ah loola beegsday dadka reer Puntland ayaa sal iyo sababba u ahaa jihaadkii dheeraa misana kharaarka iyo xanuunka badnaa ee ay hogaamineeysay Jabhaddii SSDF.
Dhiciddii Barre ka dib
Dabayaaqadii 1990kii markii uu dhacay xukunkii Barre, waxa ay reer Puntland nasiib u yeesheen in ay yool u noqdaan, falal ka baaxad weeyn kuwii Barre ee aan kor ku soo xusay, kuwaas oo salka ku haya karaahiyo qabiil. Falalkaas liddiga ku ah xuquuqda aadanaha waxa ay illaa hadda ka socdaan magaalooyinka ay koonfurta ka dagaan ummadda ka soo jeedda Puntland oo ay magaalada Kismaayo ugu weeyn tahay. Falalkaas ka kala imaanayay jihooyinka kala duwan, ku socday xawliga iyo baaxadaha kala duwan, soo jiitamayay waayaha kala duwan, ku saleeysnaa niyadaha iyo hamiyida kala duwanaa, hase yeshee ka sinnaa hadafka waxaa si joogto ah u caabiyay ummadda reer Puntland oo ay horkaceeysay jabhaddoodii badbaada ee SSDF. Halgankaas kharaaraa ee ay dad badani naftoodii u hureen waxa uu aakhiritaankii ku soo dhamaaday -ka dib markii la gaaray ugu yaraan hamigii lagu taami jiray ee ahaa in dhidibada loo aaso kayaan ay ku mideeysan yihiin dadka ood wadaaga iyo abtirsiiyo wadaagga ah ee reer Puntland- bishii Agoosto ee sannadkii 1998 kii, magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.
Duruufihii Siyaasadeed iyo Maalmihii ka horeeyay Dhismihii
Dawlad Goboleedka Puntland
Abbaaraha
biloowgii sannadkii 1997 kii ayaa inta badan kooxaha isku haya Soomaaliya waxa
ay shir ballaaran oo wada tashi isugu yimaadeen Sodare ee ku taal dalka
Itoobiya. Shirkaas oo muddo badan socday waxaa dhamaadkiisii qodabadii ka soo
baxay ugu weeynaa, in isla sannadkaas la isugu yimaado shir ballaaran magaalada
Boosaaso ee gobalka Bari. Shirkaas ayaa laga quud dareeynayay in lagu dhiso xukuumad
qaran oo aad loogu baahnaa. Isla shirkaas Soodare markii uu dhamaaday waxa uu
shirkale u furmay dhamaan madaxdii SSDF iyo wufuuddii ka socotay gobalada WB ee
Soomaaliya, kaasoo lagu soo afjaray khilaafkii siyaasadda ee u dhexeeyay
labadii garab ee SSDF. Waxa labadii garab ee markaa isku hayay hogaamintii SSDF
oo laka qeeybiyay, shaqooyinkii iyo mas'uuliyaddii, iyadoo guddoomiye loo
magaacay Mudane Maxamed Abshir Muuse oo loo sameeyay saddex guddoomiye ku
xigeen oo kala ahaa, allaha u naxariistee Mudane Maxamuud Jaamac (Af-ballaar),
Mudane Abshir Muuse Siciid Eeg Bogga 6aad
TAXANAHA……
Ka yimd Bogga 5aad
iyo
Mudane Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab), saddexdaas nin oo ay si wayn iskugu
dhawaayeen asaasihii Jabhadda SSDF
Mudane, Col. Abdullahi Yuusuf Axmed. Isla mar ahaantaa waxaa xoghayihii
guud ee SSDF loo magacaabay Mudane Maxamed Abshir Walde oo ay isku meel iyo
isku si wax u arki jireen Mudane Maxamed Abshir Muuse. Maamulkaas cusub ee
xilka loo dhiibay howshiisu waxay ahayd sida ku cadeeyd waraaqihii heshiiska in
uu maamulo dhulkii GWB ee Soomaaliya, soona diyaariyo shirkii lagu balamay ee
Boosaasoh. Dhanka kale waxaa Mudane Abdullaahi Yusuf oo hogaaminayay garabkii
kale loo magacaabay in uu mas'uul ka noqdo faylka dib u heshiisiinta
Soomaaliyeed iyo in uu ummadda reer Puntland usoo dhiciyo wixii xuquuq ah ee ay
ku leeyihiin madasha wada hadalada ee siyaasadda murugtay ee Soomaaliya.
Maamulkii
cusbaa ee SSDF ta iyo gobalada WB oo dhan waxa ay dadaal wayn u galeen isku
diyaarintii iyo qaban qaabadii shirkii iyo mas'uuliyaddii ay dhabarka u riteen.
Intaa ka dib, ayaa dawladda Masar oo shaki weeyn ka qabtay, in Boosaaso lagu soo dhiso maamul si weeyn ugu xiran dalka Itoobiya oo ay xurguf siyaasadeedi ka dhexeeyso, waxa ay casumaad u fidiyeen kooxihii Soomaalida, iyada oo dantii la sii shaaciyay ee casumaaddaas laga lahaa ay aheeyd sii ballaarinta qaacidada shirka Boosaaso, si loogu qanciyo in ay ka soo qayb galaan kooxo oo markaa awood lahaa qaadacsanaa shirkii Boosaaso kii Sodare na aan ka qayb galin.
Markii ay wufuuddii oo dhami kaamil ku soo noqotay shirkii Qaahira, ayaa waxa ay maamulka Masaaridu la soo baxeen hindise iyo ajende u qarsoonaa, kaasoo ahaa in Qaahira lagu qabto shirka la qorsheeynayo in lagu qabto Boosaaso maadaama ay qaybihii isku hayay Soomaaliya oo dhami diyaar ku ahaayeen markaa Qaahira isla markaana ay halkaa diyaar ku yihiin tas-hiilaadkii looga baahnaan lahaa shirka oo aan Boosaasoh laga heli karin. Markaa ka dibna shirkii wuxuu guda galay sidii loo qaybsan lahaa awoodda, maamulna loo dhisi lahaa.
Dadka reer Puntland, kuwa gudaha ku jira iyo intii ku nooleeyd dalka dibaddiisa oo ay hogaaminayaan Isimadoodii iyo wax garadkoodii oo ay ugu horeeyaan reer Boosaasoh, ayaa fariimo aan kala joogsi laheeyn u soo diray wafdigii Qaahira ka joogay, taas oo ay si cad awaamir ugu siiyeen, in ay ku noqdaan dhulkii kana baxaan shirka, wixii ay halkaa ku saxiixaanna ayan ku matalin ummaddii soo dirsatay.
Intaa ka dib, ayaa jaalliyaddii reer Puntland ee ku nooleeyd Qaahira oo
ay ka mid ahaayeen odayaal waaweeyn oo magac iyo maamuusba ku leh Puntland ,
waxa ay kullan kula yeesheen, guriga Abdulqaadin Maxamed Nur (Fiat) labadii
mas'uul ee shirkaa u joogay Puntland oo kala ahaa Mudane Maxamed Abshir Muuse
iy Mudane Abdullahi Yusuf Yeey. Waxa ay ka codsadeen in ay ajiibaan dacwada ka
imaanaysa ehelkooda gudaha iyo dibadaba oo ay dhulkii ku noqdaan soona
tashadaan. Nasiib xumo kulankaas talooyinkii laga soo jeediyay waxaa ku gacan
seeyray Mudane Maxamed Abshir Muuse oo u arkay in ay ummaddu khaldan yihiin,
kuna dooday in wax walba looga tanaasulo qaranimada Soomaaliyeed.
Intaa ka dib ayaa Jaaliyaddii oo la tashaneeysa akhyaartii gudaha iyo
dibaddaba waxa ay talo ku soo jeediyeen maadaama uu Mudane Abdullaahi Yuusuf
ahaa ninkii shirkii Sodare loogu soo magacaabay in uu mas'uul ka yahay faylka
geeddi socodka nabadeeynta Soomaalyeed, uu isagu yahay kan saxiixiisu muhiimka
yahay, isla markaana uusan Mudane Maxamed Abshir howshiisu ahayn u matalidda
reer Puntland shirarka nabadeeynta, sidaas darteedna ay khasab tahay in ugu
yaraan uu Mudane Abdullahi Yusuf Axmed uu ku laabto dhulkii iyo halkii laga soo
igmaday, Mudane Maxamed Abshir Muuse nah yeelkii iyo allihii. Maalmo yar
gudahood ayaa Mudane Abdullaahi Yusuf Axmed oo uu weheliyo Gen. Aden A. Nuur
Gabiyoow waxa ay ka huleeleen Qaahira, waxana uu afka saaray halkaa iyo ceelkii
Boosaasood isaga oo reer WB u wada fariin ay soo direen Soomaalidii Qaahira
isugu timid ee ay Boosaaso ku ballan sanaayeen, taas oo nuxurkeedu ahaa
"..Boosaaso waa tuulo reer leeyahay umana qalanto in lagu
qabto shirweeyne qaran Soomaaliyeed lagu dhisayo.. Halka Mudane Abshir uu
baaqi ku sii ahaaday Qaahira oo uu ku saxiixay dhamaaan wax allaale iyo wixii
meesha lagu maleegay. Maxaa ka danbeeyay? Dhismihii DGP, xukuumaddii koowaad
iyo sababihii lagu doortay, iyo waliba ballan qaadyadeedii, kala soco qeybta
labaad ee Taxanaha Kalabayr.
La soco qaybta labaad…… ......