Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

 

 

 

 

 

 


© 2001 Yamayska & Company, Inc. All Rights Reserved

 

TODOBAADLE   MADAXBANNAAN   OO KA   SOO  BAXA GAALKACYO,   PUNTLAND,  SOOMAALIYA

CADDADKA 2-aad *** TALAADO, OKTOOBER 16,  2001*** YAMAYSKA.COM***  QIIMAHA S. SH.  2,000 

TAFAFTIRAHA       A. SALWE    

 

{TUSMADA WARGAYSKA}                                    {FAALLADA WARGEYSKA}

 

 


           

 

 

 

MARGAAGA OO XOOGAA KAALMO AH HESHAY

Xero-cayreedda Margaaga waxaa kujira boqolaal qoys oo Cayr ah, dadkaasi oo horay xoolo dhaqato u ahaa balse ay Xoolihii dhaafeen, wararka ka soo baxayey halkaasi ayaa  sheegaya in dar xumo ba’ani haysato dadkaas, Mahelaan Wax kaalmo joogto ah, macaluul, gaajo iyo cuduro ayaa la darsay. Usbuucan ayaa waxaa dadkaasi gaaray waxoogaa  raashin ah oo ay ku deeqday Hay’adda  WFP. Guddoomiyaha gobolka Mudug C/shiid Cali Xaashi (Dhuubane) oo xalay u waramayey Yamayska ayaa sheegay in kaalmadani ahayd jawaabta qaylo-dhaan maamulka gobolku  u diray beesha caalamka.  Sikastaba hanoqotee, warar laga naxo ayaa ka soo baxaya xero-cayreeddaas, waxaana la gudboon dadka dagaanku inay gacan siiyaan ehelkooda tabaalaysan.

 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


TAARIIKHDA  KOOBKA  KUBADDA  CAGTA  ADUUNKA

 

Koobka Kubadda Cagta Aduunku, waa ciyaarta ugu xiisaha badan ciyaaraha kala duwan ee aduunka, afartii sano hal mar ayaa la qabtaa, in kabandan hal bilyan oo qof ayaa xiiseeya koobkan. 1930kii ayaa toos loo soo bilaabay in la ciyaaro koobkan, waxaana markii u horaysay bilaabay 13 kooxood oo kali ah, haddase waxaa ka qayb qaata in kabandan 140 dal. Wuxuu leeyahay isreeb-reeb dhexmara qaaradaha, ugu danbayna waxaa isugu soo hara 24 dal oo taga dalka lagu ciyaarayo. Dalalka aduunka dalkastaaba wuxuu jecel yahay inuu qaado koobkan ama dalkiisa lagu qabto, taas oo magac iyo maalba lagu helo.

 

Taariikh ahaan, 1904-tii wakiilo ka socda Guddiyada Ciyaaraha Kubadda Cagta ee dalalka France, Belgium, Denmark, Netherlands, Spain, Sweden, iyo Switzerland, ayaa kulan ay yeesheen, waxa ay ku dhiseen guddi-ciyaareedka illaa maanta jira ee Fédération Internationale de Football Association (FIFA). Fadhigeedii koowaad  FIFA waxay qorshaysay koob ciyaareed aduunku yeesho, balse 26 sano ayey ku qaadatay hirgalinta hindisahaasu.

Markii u horaysay 1930 waxaa ciyaarta Kubadda Cagta Aduunka lagu qabtay dalka Uruguay, waxaana qaaday koobkii ciyaartaas isla dalkaas Uruguay, waxayna ka qaaday Argentina oo ciyaarta kama dambaysta la timid. Ciyaartaas, waxay kor u sii qaaday xiisihii aduunku u qabay ciyaarta kubadda cagta. Kalitaliyihii Benito Mussolini ee dalka Talyaaniga ayaa qaban qaabada iyo marti-galinta ciyaartii xigtay (1934kii) lahaa, Talyaaniga ayaana ku guulaysatay.  Markaas wixii ka danbeeyey waxaa kor u kacay dalalka ka qayb-galaya koobkan, ciyaartii Koobka Aduunka ee 1938 waxaa ka qayb galay 36 dal, waxaa marti galiyey dalka France waxaana mar kale qaaday dalka Talyaaniga. Dagaalkii Labaad ee Aduunka ayaa hakad galiyey Ciyaaraha Kubadda Cagta Aduunka. Waxaa dib loo bilaabay sanadkii 1950, waxaana lagu qabtay dalka Brazil, sanadkaas (1950) waxaa markii koowaad galay dalka Ingiriiska waxaana 1-0 ku reebay wareegii hore dalka Maraykanka, waxaase sanadkaas qaaday koobka aduunka dalka Uruguay, wuxuuna ka qaaday oo Final-ka la timid Brazil. Koobka Kubadda Cagta Aduunka 1954 waxaa marti galiyey Switzerland, waxaana ku guulaystay ciyaartaas dalka Jarmalka Galbeed (west Germany), waxaana Jarmalku ka guulaystay oo ciyaarta Final-ka yimid dalka Hungarians. 1958 waxaa ciyaarta Koobka Aduunka lagu qabtay Sweden waxaana qaaday Brazil, sanadkaas wuxuu ahaa sanadkii dalka Brazil ay u bilaabatay in looga danbeeyo kubadda cagta, sanadkaas waxaa soo baxay xiddigii da’da yaraa ee reer Brazil Mr. Edson Arantes do Nascimento, oo ahaa 17-jirkii lagu naynaasi jiray Pelé. Pelé wuxuu kubadda cagta ku sii jiray 12 sano oo danbe, Sanadkii 1962, waxaa Ciyaarta Kubadda Cagta ee Aduunka marti galiyey dalka Chile waxaana mar kale qaaday Brazil, waxaa xusid mudan in maalintaas uu Pele dhaawac soo gaaray darti uu ka fadhiyey ciyaarta. Sanadkii 1966kii waxaa lagu ciyaaray Ingiriiska oo marti galiyey, waxaana sanadkaas qaada isla Ingiriiska,   waxuuna ka qaaday Jarmalka Galbeed, kadib markii wakhti dheeraada loogu daray. 1970 waxaa mar kale qaaday Brazil oo markaas uu u ciyaarayey Pele oo 29 jir ahaa. Brazil waxay markaas noqotay dalka kaliya ee sadex jeer ku guulaystay Koobka Kubadda Cagta Aduunka. Sanadkii 1974kii waxaa si wayn u soo baxay kooxda dalka Denmark (Dutch) oo uu hor kacayey kabtankoodii caanka ahaa Mr. Johann Cruyff, waxayna finalka isla yimaadeen Jarmalkii Galbeed oo uu ka dhex muuqday xiddigoodii xiligaas Mr. Franz Beckenbauer, waxaase sanadkaas koobka qaaday dalka Jarmalka. Denmark waxay gaartay Finalka 1978, waxaase mar kale reebay dalkii martida loo ahaa ee Argentina kadib markii wakhti dheeraada loogu daray. 1982 tirada dalalka u soo baxa finalka waxay ahayd 16 dal waxaana hadda laga dhigay 32 dal. Sanadkii 1982kii waxaa lagu qabtay dalka Spain, Talyaaniga ayaa Jarmamalka Galbeed oo ciyaarta kama danbaysta ah la yimid reebay oo qaaday koobkaas. Sanadkii 1986kii, waxaa marti galiyey Maxico oo markaas noqotay dalka kaliya ee labo goor marti galiya Koobka Aduunka,

waxaana qaaday koobka Ciyaaraha Kubadda Kubadsda Cagta ee Aduunka ee sanadkaas dalka Argentina, oo Jarmalka uga qaaday labadii gool ee xiddigeedii Diego Maradona u dhaliyey u dhaliyey, kuwaas  oo sabab u ahaa inay guulaysato. Mid kamid ah labadii gool ee Maradona wuxuu ka mid ahaa goolashii ugu taariikhisanaa Ciyaarta Kubadda Cagta Aduunka, waxaa yaab dhaliyey kadib markii, Kumbuyuutaradu dib ka sheegeen in

goolkaas  ka hor dhalashdiisii wax yar ka hor ay kubaddu taabatay gacanta Maradona oo khalad uu ahaa,  sida sharciga kubaddu qabo.

 

Lasoco todobaadka danbe………

 

 

 

SHEEKADII JUXAA……..

Ka yimid bogga 1aad

Qisadatan oo yaraantaydii aan maqlay waxa ay igu soo dhacday marka aan arkay halka uu marayo xaalkii raggii reer Carta iyo intii ay ku adeegan jireen ee khiyaamay ehelkoodii iyo dhulkoodii ba. Waxaa kale oo igu soo dhacay sheekada kale ee caanka ah ee ninkii jarayay laanta uu geedka uga fadhiyay, oo kuwii ka daa lahaa ku qosli jiray, markii uu dhulka iyo dhabarka isla helayna shalaayay oo afka baroorta ku shubtay. Sidoo kale waxa iyana maankayga si wayn ugu soo maaxday maahmaahyada Soomaaliyeed ee ay ka midka yihiin "Labadii xaqdaro ku heshiisa xaqay ku diriraan", "Hal xaaraan ihi nirig xalaal ah ma dhasho","Xaqa haddii afka la qabto feeruhuu ka dillaacaa", iyo kuwo kaleba hase yeeshee isku wada macne ah.  Cali Khaliif Galeeyr iyo ragga la midka ahiba markii ay burburinayeen dhulkoodii iyo maamulkoodii Puntland, ehelkuna uu lahaa war ka daaya, waxa ay u hadlayeen si jees jees iyo digasho ah iyaga oo isla saxnaa kun iyo kow jeer, baahida ay ummaddu u qabto qaran lagu midaysan yahayna si xun u isticmaalayay. Markii ay raggaasi ku harqinayeen dhaqaalaha si loo burburiyo sumcadda Isimada soo jireenka ah ee Puntland iyo maamulkiisiiba waxa is tusayay dhalanteed iyo qorshe aad u jilicsan oo ay mustaqbalkooda siyaasadeed iyo dhaqaale ku tiigsanayeen. Cali Khaliif oo aan waxba maanta dhaamin ninkii geedka faaska kala beegsaday laantii uu kaga fadhiyay si fool xunna dhulka u yaal ayaan waxaan su'aali lahaa: Mudane maxaa NASIIB WANAAG ka dhigay markii aad ummadda sanka ka gelinayseen dadkiinii burburiyay, dhaqaalaha xaaraanta ahna aad ku harqinayseen Isimadooda iyo shacabkooda gaajeeysan? Maxaase NASIIB XUMO ka dhigay maanta in dhaqaale loo harqiyo si la iskaga fogeeyo qoloftaada maadaama dantii lagaa lahaa lagaa gaaray loona baahday rag kale oo masiirka doonta xaaraanta ah ka sii wada halka ay taagan tahay? Mise, Mudane Galayr, adigu digsigaagu wuu dhalaa ee maba dhinto?!! C/Qaasim Salaad markii uu ku soo guuleeystay tartankii Carta waxa culays wayn lagu saaray sababo awgood in uu u magacaabo Cali Khaliif xafiiska wasiirka koowaad, inkasta oo isagu jeclaan lahaa in uu jagadaas u dhiibto sababo kale awgood Mr. Buubaa oo ka soo jeedaa Somaliland. C/Qaasim hadda waxa uu istusay in ay dhamaatay baahidii uu u qabay Cali Khaliif, waxaana uu ka fakarayaa ninkii iyo qabiilkii marxaladda soo socota uu ku gudbi lahaa.  Laba qorshe oo kala xoog badan ayay dadku aad u hadal hayaan.  Waa kan horoo laga xooga badan yahaye, waxaa la saadaalinayaa in uu magacaabi doono ninkii uu markii horeba maanka ku hayay ee Mr. Buubaa oo haatan ah Wasiirka Arimaha Dibadda ee kooxda Carta. Dadka qaba dooddan ayaa ku sababeeya in ay tallaabadani waxba u dhimi doonin qaddiyadda ay heshiiska ku yihiin reer ka uu ka soo jeedo A/Qaasim iyo beelaha kale ee ay xulafada ku la yihiin haysashada Kismaayo iyo difaaceeda. Hase yeeshee dadka ka soo horjeeda ayaa qaba in ay arintani waxba ku siyaadineeyn sii jiididda kooxda Carta in ay wax u dhinto oo ay sii lug gooyso mooyee. Dadka se doodan difaaca ayaa leh in ay sii socoto Carta waxaa ka muhiimsan gacan ku heeynta Kismaayo, waayo markasta rajadii Carta meesha way ka baxday oo dagaalkii sokeeye bartii biloowgii sagaashameeyadii ayuu ku noqday.

Qorshaha labaad ee uu C/Qaasim ku tala jiro dadkuna aadka u rajaxayaan ayaa ah in uu jagada u magacaabo Xasan Abshir Waraabe oo ka soo jeeda beel ay aad ugu baahan tahay dawladda ku meel gaarka ah si ay u sii lug jiiddo. Dadka doodan qaba ayaa u sababeeya in ninka waa Abshire uu yahay nin ka hebad san Galayr, inta uu u qabtay KMG kana uu san u qaban Galayr marka wax laga soo qaado sida ay Xassan Abshir iyo raggisu ugu guuleeysteen illaa iyo xad in uu burburiyaan Puntland, meelna mariyaan shirka Garoowe. Sidoo kale waxa ay qabaan in dadkani dood badan ka keenayn arimaha Kismaayo oo uu A/Qaasim mar horeba qirtay in uu isagu masu'uul ka yahay duullaankii looga saaraay Gen. Morgan iyo ciidankiisaba. Hase yeeshee dadka ka soo horjeeda doodaan ayaa iyaguna qaba in magacaabidda Xasan Abshir ay tahay in laga tanaasulo taxaalufka Kismaayo oo ay beesha C/Qaasimna ka tanaasusho sheegashada Kismaayo kana baxdo heshiis kasta oo ay la gashay jiho kale. Dadakani waxa ay qabaan in haddii ay arini sidaa ku dhamaato uu Xassan awood u yeelan doonin in uu soo xero galiyo Puntland oo dadkeedu maalin ba maalinta ka danbeeysa soo fahmayaan shirqoolkii loo dhigay, isla markaana reerka C/Qaasim ay waayi doonaan Kismaayo iyo dadkii xulafada kula ahaaba. Dadka ku dhagan khiyaarka Abshir, waxa ay qabaan in Kismaayo sinaba aan dadkii lahaa looga asal tiritiri karin, ee ay ku fara adeeygaan dowladdan la dhoodhoobay jiritaankeedana wax walba ka hormariyaan. Si kastaba ha ahaatee C/Qaasim waxaa ka go'an in uu haqab tiro isku mar laba gaajo oo aan wada socon karin. Waa mare waxa ka go'an in uu raalli galiyo beeshisa garabka badan siisay iyo heshiisyada ay la galeen beelaha kale ee ay taxaalufka yihiin. Waa marka labaade in uu sii wado jiritaanka dawaladda uu madaxweeynaha u yahay oo isaga shakhsiyan wax kasta kala weeyn.

Su'aashu waxa ay tahay C/Qaasim ma leeyahay Caqligii Juxaa ee uu ku xalaalaystay digsiga, mase xaqiijin doonaa riyadiisa ah in uu marakan isticmaalo digsiga Xasan Abshir iyo Kismaayo?

 

 

 

TAXANAHA KALA BAYR:

Waxa diyaariyay: Abdusalam M. Jama "Salwe" Salt Lake City, UT USA,  Salwe1@hotmail.com Qeybtii labaad

 
Dhismihii Dawlad Gobaleedka Puntland

Qabashadii shirkii Qaahira iyo fashilkii ku yimid qabashadii shirkii Boosaaso ee dib u heshiisiinta qaran, waxa uu soo dhaweeyay rajo ay in badan ku taamayeen dadka reer WB, taasoo ahayd dhisidda Dawlad Gobaleedka Puntland. Waxa ay dadka goballadaasi dagani ka qanceen xukuumad qaran oo waayahan timaadda, waxayna arin ku deysteen in ay sida ugu dhakhsaha badan u dhistaan maamul lagu magacaabo Dawlad Gobaleedka Puntland, kaas oo ay ku midaysan yihiin goballada Bari, Nugaal, Sool, waqooyiga Mudug, Bariga Sanaag iyo degmada Buuhoodle. Waxa ay talo iyo go'aan ku gaareen in ay si ficil ah u meel mariyaan istiraatijiyaddooda siyaasadeed ee aayaha Soomaaliya oo ay u arkeen in habka federaalku yahay kan keliya ee uu reerku ku dhaqmi karo, ummadduna ku kala nabad gali karto. Waxa ay quud dareeynayeen in walaalaha Soomaaliyeed ay ka faa'idaystaan tijaabadaas, soona dhistaan maamullo la mida kooda, taas oo mustaqbalka sahli doonta in xal loo helo kooxahan soddomeeyada sii ordaya, lana helo dhowr maamul gobaleed oo intii isku dan ahiba mid ku soo heshiiso, maamul soo dhistaan, ka dinba maamuladaas ay isugu yimaadaan shir wayne qaran, kaasoo lagu dhiso maamul dhexe oo Soomaaliyi leedahay. Qorshahaas ayaa si fiican ku socday biloowgii maamuul gobaleedka Puntland, mid kamida waajibaadkii ugu waa waynaa ee uu lahaa maamulkaasna ay ahayd sidii loo baadi goobi lahaa qaran Soomaaliyeed, kaasoo ku salaysan nidaamka Federaalka ah. Qorshahaas isaga ahi waxa uu dhabarka ka jabay ka dib markii qolooyin u arkay in nidaamka federaalku uu san u adeegayn iyaga iyo duruufahoodaba, ka dibna soo abaabulay shirkii Carta ee kal hore ka dhacay tuulada Carta ee dalka Jabuuti. (Qaybaha soo socda ee taxanaha ayaan uga hadli doonaa shirkii Carta, oo ay dad badani u yaqaanaan SHILKII CARTA, iyo kaalinta uu ku leeyahay duruufaha ka socda Soomaliya guud ahaan iyo kuwa hadda ka taagan Puntland gaar ahaan) Sannadkii 1998 kii ayaa beelaha iyo gobalada ku bohoobay Puntland waxa ay isugu yimaadeen, shir wada tashi, iyo mid kale oo dastuuri ahaa oo kaa hore ka danbeeyay laguna dhisay 72 maalmood oo wada hadal ah ka dib dastuur ku meel gaar ah, xukuumad, iyo barlamaan ay leedahay Puntland ayaa la meel mariyey.

 Cabdulaahi Yuusuf Axmed; Madaxwaynihii koowaad ee Puntland, duruufihii iyo sababihii lagu doortay. Maadaama uu dalku ku jiro dagaal sokeeye, reer Puntland waxa ay u arkeen, in uu yahay, taariikhdana ka barteen nin aqoon u leh arimaha difaaca, isla arintaasna in badan u soo halgamay. Waxa ay u arkeen nin aan looga baqayn in uu gato qadiyadda ummadda, oo aan si sahlan iyo si fudud midna looga iibsan karin. Waxay u arkeen nin aan beer laxawsi lagu dayi karin, uuna yahay ninka kaliya ee siyaasiyiinta safka hore uga jira hogaaminta reer Puntland, ee awoodda u leh in uu ku yiraahdo makhluuq kasta oo ilaahay abuuray -marka dhan la iska dhigo mansabkiisa siyaasadeed- MAYA waxaasi dadkayaga iyo degaankaayaga uma qalmaan, haaddii loola yimaado. Duruufihii ay Soomaaliya wakhtigaa maraysay awgood ayay u arkeen in uu Mudane Abdullaahi yahay ninkii ay hogaanka u dhiiban lahaayeen xilkana ku aamini lahaayeen, sidaas darteedna waxa ay u soo sharxeen ergooyinka shirka qaarkood in uu noqdo musharaxa madaxwaynanimda, halka raggii kale ee la tartamayey iyagu isa soo sharxeen. Abdullahi Yusuf Axmed, maaha dhakhtar caafimaad, mana aha macallin dugsi iyo mid jaamacadeed toona. Ninku maaha muhandis dhisme iyo mid aaladaha casriga ah midna, mana aha khabiir ku takhasusay cilmiga beeraha. Sidoo kale Abdullahi maaha dhaqaale yahan soo bartay cilmiga dhaqaalaha, mana aha nin soo bartay culuumta islaamka iyo diinta.  Abdullahi Yusuf Axmed, waxa uu soo bartay, inta badan nolashiisna ku soo qaatay Ciidamada iyo howlaha difaaca, dagaalka iyo iska celinta ragga. Marka aad eegto Soomaaliya, waxa lagu jiraa dagaallo sokeeye oo qoloba wakhti u biloowday, hadday ahaan lahayd qolo uu u bilowday 1969 kii ama 1978 kii waxa loo kala garan waayay, qolo uu u biloowday 1988 kii, iyo qolo uu u biloowday 1990 kii. Dagaaladaas sokeeye ee dalka ka dhacay dadka reer Puntland waxa lagu ahaa weerar, waxaana ay mar walba ahaayeen dhibanayaal, sidaa darteedna dadka difaaca ku jira waxa ay ahaayeen dad jihaad ku jira sida xaqiiqdu tahay.  Waxa la yiri “Jihaadku waa naf iyo maal” Cabdulaahi yuusuf, wuxuu dagaan ahaan ka soo jeedaa Gobolka xadka difaaca u xiga Reer Puntland, marka la tixgaliyo arimaha aan kor ku soo xusay iyo kuwo kale oo ku salaysan wadciyadooda ayay Mudane Abdullahi Yusuf Axmed u soo sharexeen in uu noqdo Madaxaynahii koowaad ee gayaanka (Dalka). Ballan qaadayadii Abdullahi Yusuf Axmed. Xitaa, haddii wax laga soo qaado wadamada ay xukuumadohoodu dhaqaale ahaan awoodaan in ay isku mar qabtaan in ka badan hal waajib, xukuumad kastaayi waxa ay leedahay arimo ay wax ka qabashadooda ay u aragto waajibaadkeeda koowaad loolankana kusoo gasho. Abdullaahi Yusuf Waxa shirkii dastuuriga ahaa ee Garoowe uu siiyay in uu muddo 20 daqiiqo ah ku soo gudbiyo barnaamijkiisa si hadhoow loogula xisaabtamo hadba wixii uu….                

 

 

 

Eeg Bogga 5aad.

TAXANAHA KALA BAYR

 Ka yimid Bogga 4aad.

hadda ku hadlo ama uu ballan

qaado. Odaygu isagoo og sababihii loo doortay, aqoontiisa iyo khibaraddiisana hadlaya, ma uunan isku howlin in uu ballan qaado waxyaabo uusan muhiim u arag makaas, awood iyo aqoonna midna uu san u leheeyn in uu sameeyo. Markii ugu horeeysay ayuu Abdullaahi jabiyay nidaamkii, ka dib markii uu 40 daqiiqo in ku dhow hadlayey, halkii ay ballantu ahayd in uu hadlo 20 daqiiqo oo kaliya. In ka badan 30 daqiiqo odaygu wuxuu hadalkiisii ku qaatay iyada oo waliba maqsuud ergooyinku ka yihiin sacab badanna uu u dhacayo:

1. In uu raadin doono dawlad qaran oo Soomaali u dhan tahay asaasna u yahay mabda'a Fadaraalka. In uusan marnaba qaadan doonin wixii Qaahira ka dhacay oo kale, ummadda xaqooda iyo sharafkooda isaga oo joogana aan lagu tumandoonin.

2. In aysan muhiim ahayn dawlad gobaladeed iyo maamul la dhisaa haddii uusan lahayn ciidan difaaca, isaga oo tusaale u soo qaatay tii ay dhisteen Digil iyo Mirifle, oo uu markaa dhisi doono ciidan difaac aad u adag, ilaaliyana amaanka gudaha iyo difaaca xuduudaha Puntland, isaga oo aan meesha ka saarin sida ay isugu xiran yihiin difaaca Puntland iyo kan Jubbaland.

3. In uu hoosta ka soo dhisi doono haykalkii dawladeed iyo xafiisyadii lagu shaqeeyn lahaa oo markaasi ay daganaayeen dad kasoo bara kacay koonfurta Soomaaliya dagaalada sokeeye awgood.

Saddexdaas qodob ka dib, Abdullahi waxa uu ka hadlay mudoo ku siman toddoba illaa shan daqiiqo, arimo ay ka mid ahaayeen: xiriirka dibadda, arimaha bulshada, sida caafimaadka waxbarashada, arimaha dhaqaalaha iyo adeegyo kale oo uu markaa uusan u arkeeyn fikirkiisa in ay muhiim yihiin. Markii dhan la iska dhigo in awlawiyaadkii (waxyaabihii uu muhiimka u arkayay) Abdullaahi, ee aan kor ku soo xusay ay sax yihiin ama uu ku khaldanaa, waxa dhacaday oo ay taariikhdu qalinka ku duugtay in ergooyinkii halkaa fadhiyay, oo isugu jiray dhamaan qaybaha kala duwan ee mujtamaca Puntland, hadday ahaan lahayd Isimadiisii, siyaasiyiintiisii, aqoonyahankiisii, ganacsadihiisii, culumaa'u diinkiisii, dhalinyaradiisii, iyo haweenkiisiiba, ay si cad oo aan dhuumasho iyo kala shaki ku jirin ay shaashadaha la iska daawado hortooda si aqlabiyad ah ugu doorteen in Mudane Abdullaahi Yuusuf Axmed uu noqdo Madaxweynaha daadihinaya xukuumaddii koowaad ee Dawlad Gobaleedka Puntland, oo jiritaankeedu loogu tala galay in u noqdo muddo saddex sano ah.  Intaa markaan joogno ayaa su'aasha is weeydiinta mudani waxay tahay: Abdullahi Yusuf xukuumaddiisii ma kasoo baxday ballan qaadkeedii mise maya? Maxaa iska badalay xaaladdii dalka ka dib markii uu talada la wareegay, sideebayse u saameeyeen xaaladahaasi ballan qaadyadiisii, kuwii dastuurka iyo shaqadii xukuumaddiisa?

Jawaabaha su'aalahaas iyo siyaadaba kala soco qeybta saddexaad ee Taxanaha Kalabayr.  

 

La soco usbuuca danbe…

 

 

 

 

ISIMADA PUNTLAND EE GAALKACYO JOOGTA OO SHALAY SHIR UGA FURMAY GAALKACYO

 

In kabadan sodon Isin oo kamid ah salaadiinta Puntland, ayaa shalay shir uga furmay magaalada Gaalkacyo, shirkan ayaa isimaadu sheegeen in uu yahay mid ay uga wada hadlayaan arimaha ka jira Puntland. Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ah Guddoomiyaha shirkan shalay furmay, ayaa shalay subax hadal uu ku beegay furitaankii shirkaas, Islaanku wuxuu sheegay in kulankan ujeedadiisu tahay in lagu xaliyo mushkiladaha ka jira Puntland. Si cad looma jaan goyn inta uu socon doono kulankani, sidoo kale lama shaacin ajandayaasha rasmiga ah ee laga hadli doono.  Shirkan shalay subax u furmay salaadiita Puntland ee Gaalkacyo joogta, waxaa ka horeeyey kulan kale oo labo maalmood qaatay oo khamiistii ay salaadiintani ka soo saareen qoraal martiqaad ah oo ay u fidiyeen salaadiinta kale ee ka maqan inay kala soo qayb galaan shirkaan shalay u furmay oo ay qoraalkaas ku caddeeyeen in uu furmi doono. In kabadan sodon isin oo ka kala yimid gobolo kala duwan oo Puntland ah ayaa ka qayb-galaya shirkan, mana jiraan ilaa hadda wax isimo ah oo ku yimid martiqaadkii Khamiistii. 

 

OGAYSIIS- GALCOM

 

Shirkadda Taleefoonada Gaalkacyo ee GALCOM waxay ugu bishaaraynaysaa macaamiisheeda in shirkaddu dhawaan bilaabi doonto, hab cusub oo xagga Teleefoon galinta ah. GALCOM waxaa hadda gabo-gabo u maraya habka Taleefoonada ee dhulka hoostiisa mara. Taasi waxay kor u qaadi doontaa tayada farsamo ee kobcaysa ee GALCOM. Shirkadda GALCOM GAALKACYO, waxay bah-wadaag la tahay shirkadaha midoobay ee STG (Somali Telecom Group), waa hormoodka isgaarsiinta Soomaaliya, waxayna ka hawlgashaa dalka oo dhan waa shirkadaha, GALCOM, NETCO, NATION LINK, STC iyo faracyada midkastaa ku leedahay gobolada iyo dagmooyinka dalka, hadaba balanteenu waa STG GALCOM, maqal wanaagsan iyo adeeg hufan.

 

 

 

MAXAA HOR TAAGAN SHIRKA GAROOWE?

 

 

Shirka Garoowe ee loogu magacdaray ‘Shirwaynaha Labaad ee Dastuuriga ah ee Puntland’ ayaa waxaa soo food saaray caqabado uu ka riiqsan waayey, waxaana si wayn hoos ugu dhacay rajadii laga qabay in wax wanaagsani ka soo baxaan. Rajo-xumada shirku waxay figtii u saraysay gaartay, marka Arbacadii uu iscasilay Guddoomiyihii Shir Guddoonka Islaan Maxamed Islaan Muuse. Arintani oo lama filaan ku noqotay dad badan, waxay ka danbaysay, Islaanka oo si wayn uga biyo-diiday qorshe ay shirka soo hordhigeen Isimada gobolka Sool ee shirkaas, kaas oo ku saabsanaa in la badalo labo ka mid ah xubnaha Shir Guddoonka ee Sool, intii hindisahan aan la keenin shirka ayaa salaadiintu isku soo khilaafeen. Arintani waxay dhalisay khilaaf soo kala dhex gala salaadiinta, aakhirkiina Islaanka ayaa ku dhawaaqay is-casilaaddiisii. Nin kamid ah ergooyinka shirka oo codsaday in sababo dartood aan magaciisa la shaacin ayaa Wargayska Yamayska shalay u sheegay in xididka khilaafkaq ay ugu wayn yihiin labo arimood oo kala ah (1) kala shaki siyaasadeed; dhinaca doonaya in shirguddoonka wax laga badalo oo lagu xaglinayo inay u  janjeeraan siyaasadda Dawladda KMG (2) qaybsanaan u dhaxaysa wadaadada diinta (Itixaad iyo qaadiriyo) farqigan ayaa dhinac kastaa doonayaa in uu noqdo kan majaraha u haya shirka, si wixii ka soo baxa ay saamayn ugu yeelato. Khilaafka iyo is-haynta  siyaasadeed ee Kooxda Carta (DKMG) hadda ka dhex jira, oo ku soo beegantay tan Garoowe ayaa dhaliyey tuhumo ah inuu jiray qorshe isku xiran. Sikastaba hanoqotee, waxaa ilaa shalay soo baxayey warar aan la xaqiijin oo sheegaya in uu jiro qorshe ay wataan qaar kamid ah ergada iyo musharixiinta shirkaas oo lagu doonayo in shirka loogu wareejiyo dagmada Qardho ee Gobolka Bari.

 

***             ***             ***

 

DHAMANO HAYS:

Maansadan waxaa tiriyey Abwaan C/laahi Xirsi Cadde, C/laahi wuxuu maansadiisa ku cabirayaa dhibtii dhacday iyo cidda gaysatay, wuxuuna ku bilaabay:

Markuu jiilaalku dhaco

Abaaruhu dhaacirtaan

Raggii dhabarada adkaa

Carruurta u dhaamin jiray

Xoolaha meel dhaayin liyo

Dhaameelka la raadin jiray

Malaha qaar waa dhinteen

Kuwana wali ma’aysan dhalan

Dhabcaalaa noo haroo

Hadday waxay dhooban tahay

Ciddii labo dhaman dhexdood

Dhulkii waa wada abaar

Dhoodidii cawskii ka maray

Awrtii waa wada dhukaan

Geellii dhugatuu qabaa

Ariga dhicis baa ku jira

Dhaydii laga waa riyaha

Dhaleedkii caano ma leh

Horana dhaqayo uma jirin

Dhiilihii waa maran yihiin

Dhiqlaa galay weelashii

Dhitadii waagii la qubay

Dhalaal noogama danbayn

Dhaankeenii shalayto tagay

Ratigii  ina dhoor ahaa

Dhuug iyo bahal baa ku kacay

Danbeeddii dheerigiyo

Dhoomihii saarnaa ratiga

Dhexdaa soo kal go’doo

Midnaba dhibic laguma sidin

Dadkii waa wada dhan qalan

Waxaa noo dheer colaad

Dhiiladu waa taagan tahay

Dhib iyo dhabaqayska jira

Haddeer labadayda dhinac

Waxaas dhici waa rasaas

Dhaayuhu mayd bay arkaan

Dhaguhu qaylay maqlaan

Runtii dhaawucu mayara

Cilmigii lagu dhaadan jiray

Dhammiyo aakaa madalay

Dharkii tuutaa ka haray

Dhigaalkuna waa rasaas

Raggii dhaqankiyo hidaha

Xumaanta ka dhawrsan jiray

Samaanta ku dhaadan jiray

Dhib kii qaba dhaahin jiray

Dhibaadada baajin jiray

Kuwii hore waa dhinteen

Waxaa dhaxalkii u haray

Dhurwaa iyo dhuuni-raac

Waxay raadshaan dhadhamo

Dantii guud waa dhun sheen

Reer dhoor mmid u lahaa

Dhawr iyo toman bay noqdeen

Dhinacna uma wada socdaan

Kuwaa dhiiliyo xumaan

Sokeeyaha kala dhex dhigay

Kuwaa dhagar miqayoo

Haddeer dhuujiya xargaha

Kuwaa dheef aan badnayn

Dalkoodii dhaafsadoo

Dhabtiina waxay sugahayaan

Suldaanoow inaan dhahnaa

Kuwaa meelo u dhacoo

Iyagoo dhaawicii ku yaal

Dhibanihii ceebta falay

Waxaa laga dhigay ugaas

Kuwaa dhiig faraha daray

Dal-dalay ruux aan wax dhimin

Dhabtii waxaan oran karnaa

Soomaaliya wixii ka dhacay

Malaayiintu u dhinteen

Kuwii dhigay waa iyaga

Rag dhawrsani waa jiraa

Waxaas dhacayana ka xumi

Ku jira wali dhamano hays

 

Lasoco caddadka danbe……….

 

 

OGAYSIIS

 

Maamulka Wargayska Yamaysku wuxuu ogaysiinayaa dhamaan akhristayaasha, in wargayskani yahay mid madaxbanaan oo wax ka qora, arimaha siyaasadda, dhaqaalaha, dagaanka,  arimaha bulshada iwm. Yamayska  shaqadiisana maaha in uu xaliyo mushkiladaha. Waxaase shaqadiisu tahay in uu soo bandhigo dhacdooyinka. Waxaa haddaba laga codsanayaa akhristayaasha sharafta leh inay noosoo gudbiyaan wixii talo ama tusaale ah oo ku saabsan wargayska iyo waxyaalaha uu qoro. Fadlan xusuusnaada talooyinkiinu waa lafdhabarta  wargayska Yamayska. Waxaadna nagala soo xiriir kartaan ciwaanda wargayska ee darafka hoose ee xaashida ku qoran. Mahadsanidin.