© 2001
Yamayska & Company, Inc. All Rights Reserved
TAFAFTIRAHA A. SALWE
![]() |
MARGAAGA OO
XOOGAA KAALMO AH HESHAY Xero-cayreedda
Margaaga waxaa kujira boqolaal qoys oo Cayr ah, dadkaasi oo horay xoolo
dhaqato u ahaa balse ay Xoolihii dhaafeen, wararka ka soo baxayey halkaasi
ayaa sheegaya in dar xumo
ba’ani haysato dadkaas, Mahelaan Wax kaalmo joogto ah, macaluul, gaajo iyo
cuduro ayaa la darsay. Usbuucan ayaa waxaa dadkaasi gaaray waxoogaa raashin ah oo ay ku deeqday
Hay’adda WFP. Guddoomiyaha
gobolka Mudug C/shiid Cali Xaashi (Dhuubane) oo xalay u waramayey Yamayska
ayaa sheegay in kaalmadani ahayd jawaabta qaylo-dhaan maamulka gobolku u diray beesha caalamka. Sikastaba hanoqotee, warar laga
naxo ayaa ka soo baxaya xero-cayreeddaas, waxaana la gudboon dadka dagaanku
inay gacan siiyaan ehelkooda tabaalaysan.


TAARIIKHDA KOOBKA KUBADDA
CAGTA ADUUNKA
Koobka Kubadda Cagta Aduunku, waa ciyaarta ugu xiisaha badan ciyaaraha kala duwan ee aduunka, afartii sano hal mar ayaa la qabtaa, in kabandan hal bilyan oo qof ayaa xiiseeya koobkan. 1930kii ayaa toos loo soo bilaabay in la ciyaaro koobkan, waxaana markii u horaysay bilaabay 13 kooxood oo kali ah, haddase waxaa ka qayb qaata in kabandan 140 dal. Wuxuu leeyahay isreeb-reeb dhexmara qaaradaha, ugu danbayna waxaa isugu soo hara 24 dal oo taga dalka lagu ciyaarayo. Dalalka aduunka dalkastaaba wuxuu jecel yahay inuu qaado koobkan ama dalkiisa lagu qabto, taas oo magac iyo maalba lagu helo.
Taariikh ahaan, 1904-tii wakiilo
ka socda Guddiyada Ciyaaraha Kubadda Cagta ee dalalka France, Belgium, Denmark,
Netherlands, Spain, Sweden, iyo Switzerland, ayaa kulan ay yeesheen, waxa ay ku
dhiseen guddi-ciyaareedka illaa maanta jira ee Fédération Internationale de Football Association
(FIFA). Fadhigeedii koowaad FIFA waxay qorshaysay koob ciyaareed
aduunku yeesho, balse 26 sano ayey ku qaadatay hirgalinta hindisahaasu.
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
Markii u horaysay 1930 waxaa
ciyaarta Kubadda Cagta Aduunka lagu qabtay dalka Uruguay, waxaana qaaday
koobkii ciyaartaas isla dalkaas Uruguay, waxayna ka qaaday Argentina oo ciyaarta kama dambaysta la timid. Ciyaartaas,
waxay kor u sii qaaday xiisihii aduunku u qabay ciyaarta kubadda cagta.
Kalitaliyihii Benito Mussolini ee dalka Talyaaniga ayaa qaban qaabada iyo
marti-galinta ciyaartii xigtay (1934kii) lahaa, Talyaaniga ayaana ku
guulaysatay. Markaas wixii ka
danbeeyey waxaa kor u kacay dalalka ka qayb-galaya koobkan, ciyaartii Koobka
Aduunka ee 1938 waxaa ka qayb galay 36 dal, waxaa marti galiyey dalka France
waxaana mar kale qaaday dalka Talyaaniga. Dagaalkii Labaad ee Aduunka ayaa
hakad galiyey Ciyaaraha Kubadda Cagta Aduunka. Waxaa dib loo bilaabay sanadkii
1950, waxaana lagu qabtay dalka Brazil, sanadkaas (1950) waxaa markii koowaad
galay dalka Ingiriiska waxaana 1-0 ku reebay wareegii hore dalka Maraykanka,
waxaase sanadkaas qaaday koobka aduunka dalka Uruguay, wuxuuna ka qaaday oo
Final-ka la timid Brazil. Koobka Kubadda Cagta Aduunka 1954 waxaa marti galiyey
Switzerland, waxaana ku guulaystay ciyaartaas dalka Jarmalka Galbeed (west
Germany), waxaana Jarmalku ka guulaystay oo ciyaarta Final-ka yimid dalka
Hungarians. 1958 waxaa ciyaarta Koobka Aduunka lagu qabtay Sweden waxaana
qaaday Brazil, sanadkaas wuxuu ahaa sanadkii dalka Brazil ay u bilaabatay in
looga danbeeyo kubadda cagta, sanadkaas waxaa soo baxay xiddigii da’da yaraa ee
reer Brazil Mr. Edson Arantes do Nascimento, oo ahaa 17-jirkii lagu naynaasi
jiray Pelé. Pelé wuxuu
kubadda cagta ku sii jiray 12 sano oo danbe, Sanadkii 1962, waxaa Ciyaarta
Kubadda Cagta ee Aduunka marti galiyey dalka Chile waxaana mar kale qaaday
Brazil, waxaa xusid mudan in maalintaas uu Pele dhaawac soo gaaray darti uu ka
fadhiyey ciyaarta. Sanadkii 1966kii waxaa lagu ciyaaray Ingiriiska oo marti
galiyey, waxaana sanadkaas qaada isla Ingiriiska, waxuuna ka qaaday Jarmalka Galbeed, kadib markii
wakhti dheeraada loogu daray. 1970 waxaa mar kale qaaday Brazil oo markaas uu u
ciyaarayey Pele oo 29 jir ahaa. Brazil waxay markaas noqotay dalka kaliya ee
sadex jeer ku guulaystay Koobka Kubadda Cagta Aduunka. Sanadkii
1974kii waxaa si wayn u soo baxay kooxda dalka Denmark (Dutch) oo uu hor
kacayey kabtankoodii caanka ahaa Mr. Johann Cruyff, waxayna finalka isla
yimaadeen Jarmalkii Galbeed oo uu ka dhex muuqday xiddigoodii xiligaas Mr.
Franz Beckenbauer, waxaase sanadkaas koobka qaaday dalka Jarmalka. Denmark
waxay gaartay Finalka 1978, waxaase mar kale reebay dalkii martida loo ahaa ee
Argentina kadib markii wakhti dheeraada loogu daray. 1982 tirada dalalka u soo
baxa finalka waxay ahayd 16 dal waxaana hadda laga dhigay 32 dal. Sanadkii
1982kii waxaa lagu qabtay dalka Spain, Talyaaniga ayaa Jarmamalka Galbeed oo
ciyaarta kama danbaysta ah la yimid reebay oo qaaday koobkaas. Sanadkii
1986kii, waxaa marti galiyey Maxico oo markaas noqotay dalka kaliya ee labo
goor marti galiya Koobka Aduunka,
waxaana
qaaday koobka Ciyaaraha Kubadda Kubadsda Cagta ee Aduunka ee sanadkaas dalka
Argentina, oo Jarmalka uga qaaday labadii gool ee xiddigeedii
Diego Maradona
u dhaliyey u dhaliyey, kuwaas oo sabab u ahaa inay guulaysato.
Mid kamid ah labadii gool ee Maradona wuxuu ka mid ahaa goolashii ugu
taariikhisanaa Ciyaarta Kubadda Cagta Aduunka, waxaa yaab dhaliyey kadib
markii, Kumbuyuutaradu dib ka sheegeen in
goolkaas ka hor dhalashdiisii wax yar ka hor ay
kubaddu taabatay gacanta Maradona oo khalad uu ahaa, sida sharciga kubaddu qabo.
Lasoco todobaadka danbe………
SHEEKADII
JUXAA……..
Ka yimid bogga 1aad
Qisadatan oo yaraantaydii aan maqlay waxa ay igu soo
dhacday marka aan arkay halka uu marayo xaalkii raggii reer Carta iyo intii ay
ku adeegan jireen ee khiyaamay ehelkoodii iyo dhulkoodii ba. Waxaa kale oo igu
soo dhacay sheekada kale ee caanka ah ee ninkii jarayay laanta uu geedka uga
fadhiyay, oo kuwii ka daa lahaa ku qosli jiray, markii uu dhulka iyo dhabarka
isla helayna shalaayay oo afka baroorta ku shubtay. Sidoo kale waxa iyana
maankayga si wayn ugu soo maaxday maahmaahyada Soomaaliyeed ee ay ka midka
yihiin "Labadii xaqdaro ku heshiisa xaqay ku diriraan", "Hal
xaaraan ihi nirig xalaal ah ma dhasho","Xaqa haddii afka la qabto
feeruhuu ka dillaacaa", iyo kuwo kaleba hase yeeshee isku wada macne
ah. Cali Khaliif Galeeyr iyo ragga
la midka ahiba markii ay burburinayeen dhulkoodii iyo maamulkoodii Puntland,
ehelkuna uu lahaa war ka daaya, waxa ay u hadlayeen si jees jees iyo digasho ah
iyaga oo isla saxnaa kun iyo kow jeer, baahida ay ummaddu u qabto qaran lagu
midaysan yahayna si xun u isticmaalayay. Markii ay raggaasi ku harqinayeen
dhaqaalaha si loo burburiyo sumcadda Isimada soo jireenka ah ee Puntland iyo
maamulkiisiiba waxa is tusayay dhalanteed iyo qorshe aad u jilicsan oo ay
mustaqbalkooda siyaasadeed iyo dhaqaale ku tiigsanayeen. Cali Khaliif oo aan
waxba maanta dhaamin ninkii geedka faaska kala beegsaday laantii uu kaga
fadhiyay si fool xunna dhulka u yaal ayaan waxaan su'aali lahaa: Mudane maxaa
NASIIB WANAAG ka dhigay markii aad ummadda sanka ka gelinayseen dadkiinii
burburiyay, dhaqaalaha xaaraanta ahna aad ku harqinayseen Isimadooda iyo shacabkooda
gaajeeysan? Maxaase NASIIB XUMO ka dhigay maanta in dhaqaale loo harqiyo si la
iskaga fogeeyo qoloftaada maadaama dantii lagaa lahaa lagaa gaaray loona
baahday rag kale oo masiirka doonta xaaraanta ah ka sii wada halka ay taagan
tahay? Mise, Mudane Galayr, adigu digsigaagu wuu dhalaa ee maba dhinto?!!
C/Qaasim Salaad markii uu ku soo guuleeystay tartankii Carta waxa culays wayn
lagu saaray sababo awgood in uu u magacaabo Cali Khaliif xafiiska wasiirka
koowaad, inkasta oo isagu jeclaan lahaa in uu jagadaas u dhiibto sababo kale
awgood Mr. Buubaa oo ka soo jeedaa Somaliland. C/Qaasim hadda waxa uu istusay
in ay dhamaatay baahidii uu u qabay Cali Khaliif, waxaana uu ka fakarayaa
ninkii iyo qabiilkii marxaladda soo socota uu ku gudbi lahaa. Laba qorshe oo kala xoog badan ayay
dadku aad u hadal hayaan. Waa kan
horoo laga xooga badan yahaye, waxaa la saadaalinayaa in uu magacaabi doono
ninkii uu markii horeba maanka ku hayay ee Mr. Buubaa oo haatan ah Wasiirka Arimaha
Dibadda ee kooxda Carta. Dadka qaba dooddan ayaa ku sababeeya in ay
tallaabadani waxba u dhimi doonin qaddiyadda ay heshiiska ku yihiin reer ka uu
ka soo jeedo A/Qaasim iyo beelaha kale ee ay xulafada ku la yihiin haysashada
Kismaayo iyo difaaceeda. Hase yeeshee dadka ka soo horjeeda ayaa qaba in ay
arintani waxba ku siyaadineeyn sii jiididda kooxda Carta in ay wax u dhinto oo
ay sii lug gooyso mooyee. Dadka se doodan difaaca ayaa leh in ay sii socoto
Carta waxaa ka muhiimsan gacan ku heeynta Kismaayo, waayo markasta rajadii
Carta meesha way ka baxday oo dagaalkii sokeeye bartii biloowgii
sagaashameeyadii ayuu ku noqday.
Qorshaha labaad ee uu C/Qaasim ku tala jiro dadkuna
aadka u rajaxayaan ayaa ah in uu jagada u magacaabo Xasan Abshir Waraabe oo ka
soo jeeda beel ay aad ugu baahan tahay dawladda ku meel gaarka ah si ay u sii
lug jiiddo. Dadka doodan qaba ayaa u sababeeya in ninka waa Abshire uu yahay
nin ka hebad san Galayr, inta uu u qabtay KMG kana uu san u qaban Galayr marka
wax laga soo qaado sida ay Xassan Abshir iyo raggisu ugu guuleeysteen illaa iyo
xad in uu burburiyaan Puntland, meelna mariyaan shirka Garoowe. Sidoo kale waxa
ay qabaan in dadkani dood badan ka keenayn arimaha Kismaayo oo uu A/Qaasim mar
horeba qirtay in uu isagu masu'uul ka yahay duullaankii looga saaraay Gen.
Morgan iyo ciidankiisaba. Hase yeeshee dadka ka soo horjeeda doodaan ayaa
iyaguna qaba in magacaabidda Xasan Abshir ay tahay in laga tanaasulo taxaalufka
Kismaayo oo ay beesha C/Qaasimna ka tanaasusho sheegashada Kismaayo kana baxdo
heshiis kasta oo ay la gashay jiho kale. Dadakani waxa ay qabaan in haddii ay
arini sidaa ku dhamaato uu Xassan awood u yeelan doonin in uu soo xero galiyo
Puntland oo dadkeedu maalin ba maalinta ka danbeeysa soo fahmayaan shirqoolkii
loo dhigay, isla markaana reerka C/Qaasim ay waayi doonaan Kismaayo iyo dadkii
xulafada kula ahaaba. Dadka ku dhagan khiyaarka Abshir, waxa ay qabaan in
Kismaayo sinaba aan dadkii lahaa looga asal tiritiri karin, ee ay ku fara
adeeygaan dowladdan la dhoodhoobay jiritaankeedana wax walba ka hormariyaan. Si
kastaba ha ahaatee C/Qaasim waxaa ka go'an in uu haqab tiro isku mar laba gaajo
oo aan wada socon karin. Waa mare waxa ka go'an in uu raalli galiyo beeshisa
garabka badan siisay iyo heshiisyada ay la galeen beelaha kale ee ay taxaalufka
yihiin. Waa marka labaade in uu sii wado jiritaanka dawaladda uu madaxweeynaha
u yahay oo isaga shakhsiyan wax kasta kala weeyn.
Su'aashu waxa ay tahay C/Qaasim ma leeyahay Caqligii
Juxaa ee uu ku xalaalaystay digsiga, mase xaqiijin doonaa riyadiisa ah in uu
marakan isticmaalo digsiga Xasan Abshir iyo Kismaayo?
TAXANAHA KALA
BAYR:
Waxa diyaariyay: Abdusalam M. Jama "Salwe" Salt Lake City, UT USA, Salwe1@hotmail.com Qeybtii labaad
Qabashadii shirkii Qaahira iyo fashilkii ku yimid qabashadii shirkii Boosaaso ee dib u heshiisiinta qaran, waxa uu soo dhaweeyay rajo ay in badan ku taamayeen dadka reer WB, taasoo ahayd dhisidda Dawlad Gobaleedka Puntland. Waxa ay dadka goballadaasi dagani ka qanceen xukuumad qaran oo waayahan timaadda, waxayna arin ku deysteen in ay sida ugu dhakhsaha badan u dhistaan maamul lagu magacaabo Dawlad Gobaleedka Puntland, kaas oo ay ku midaysan yihiin goballada Bari, Nugaal, Sool, waqooyiga Mudug, Bariga Sanaag iyo degmada Buuhoodle. Waxa ay talo iyo go'aan ku gaareen in ay si ficil ah u meel mariyaan istiraatijiyaddooda siyaasadeed ee aayaha Soomaaliya oo ay u arkeen in habka federaalku yahay kan keliya ee uu reerku ku dhaqmi karo, ummadduna ku kala nabad gali karto. Waxa ay quud dareeynayeen in walaalaha Soomaaliyeed ay ka faa'idaystaan tijaabadaas, soona dhistaan maamullo la mida kooda, taas oo mustaqbalka sahli doonta in xal loo helo kooxahan soddomeeyada sii ordaya, lana helo dhowr maamul gobaleed oo intii isku dan ahiba mid ku soo heshiiso, maamul soo dhistaan, ka dinba maamuladaas ay isugu yimaadaan shir wayne qaran, kaasoo lagu dhiso maamul dhexe oo Soomaaliyi leedahay. Qorshahaas ayaa si fiican ku socday biloowgii maamuul gobaleedka Puntland, mid kamida waajibaadkii ugu waa waynaa ee uu lahaa maamulkaasna ay ahayd sidii loo baadi goobi lahaa qaran Soomaaliyeed, kaasoo ku salaysan nidaamka Federaalka ah. Qorshahaas isaga ahi waxa uu dhabarka ka jabay ka dib markii qolooyin u arkay in nidaamka federaalku uu san u adeegayn iyaga iyo duruufahoodaba, ka dibna soo abaabulay shirkii Carta ee kal hore ka dhacay tuulada Carta ee dalka Jabuuti. (Qaybaha soo socda ee taxanaha ayaan uga hadli doonaa shirkii Carta, oo ay dad badani u yaqaanaan SHILKII CARTA, iyo kaalinta uu ku leeyahay duruufaha ka socda Soomaliya guud ahaan iyo kuwa hadda ka taagan Puntland gaar ahaan) Sannadkii 1998 kii ayaa beelaha iyo gobalada ku bohoobay Puntland waxa ay isugu yimaadeen, shir wada tashi, iyo mid kale oo dastuuri ahaa oo kaa hore ka danbeeyay laguna dhisay 72 maalmood oo wada hadal ah ka dib dastuur ku meel gaar ah, xukuumad, iyo barlamaan ay leedahay Puntland ayaa la meel mariyey.
Cabdulaahi Yuusuf Axmed; Madaxwaynihii koowaad ee Puntland, duruufihii iyo sababihii lagu doortay. Maadaama uu dalku ku jiro dagaal sokeeye, reer Puntland waxa ay u arkeen, in uu yahay, taariikhdana ka barteen nin aqoon u leh arimaha difaaca, isla arintaasna in badan u soo halgamay. Waxa ay u arkeen nin aan looga baqayn in uu gato qadiyadda ummadda, oo aan si sahlan iyo si fudud midna looga iibsan karin. Waxay u arkeen nin aan beer laxawsi lagu dayi karin, uuna yahay ninka kaliya ee siyaasiyiinta safka hore uga jira hogaaminta reer Puntland, ee awoodda u leh in uu ku yiraahdo makhluuq kasta oo ilaahay abuuray -marka dhan la iska dhigo mansabkiisa siyaasadeed- MAYA waxaasi dadkayaga iyo degaankaayaga uma qalmaan, haaddii loola yimaado. Duruufihii ay Soomaaliya wakhtigaa maraysay awgood ayay u arkeen in uu Mudane Abdullaahi yahay ninkii ay hogaanka u dhiiban lahaayeen xilkana ku aamini lahaayeen, sidaas darteedna waxa ay u soo sharxeen ergooyinka shirka qaarkood in uu noqdo musharaxa madaxwaynanimda, halka raggii kale ee la tartamayey iyagu isa soo sharxeen. Abdullahi Yusuf Axmed, maaha dhakhtar caafimaad, mana aha macallin dugsi iyo mid jaamacadeed toona. Ninku maaha muhandis dhisme iyo mid aaladaha casriga ah midna, mana aha khabiir ku takhasusay cilmiga beeraha. Sidoo kale Abdullahi maaha dhaqaale yahan soo bartay cilmiga dhaqaalaha, mana aha nin soo bartay culuumta islaamka iyo diinta. Abdullahi Yusuf Axmed, waxa uu soo bartay, inta badan nolashiisna ku soo qaatay Ciidamada iyo howlaha difaaca, dagaalka iyo iska celinta ragga. Marka aad eegto Soomaaliya, waxa lagu jiraa dagaallo sokeeye oo qoloba wakhti u biloowday, hadday ahaan lahayd qolo uu u bilowday 1969 kii ama 1978 kii waxa loo kala garan waayay, qolo uu u biloowday 1988 kii, iyo qolo uu u biloowday 1990 kii. Dagaaladaas sokeeye ee dalka ka dhacay dadka reer Puntland waxa lagu ahaa weerar, waxaana ay mar walba ahaayeen dhibanayaal, sidaa darteedna dadka difaaca ku jira waxa ay ahaayeen dad jihaad ku jira sida xaqiiqdu tahay. Waxa la yiri “Jihaadku waa naf iyo maal” Cabdulaahi yuusuf, wuxuu dagaan ahaan ka soo jeedaa Gobolka xadka difaaca u xiga Reer Puntland, marka la tixgaliyo arimaha aan kor ku soo xusay iyo kuwo kale oo ku salaysan wadciyadooda ayay Mudane Abdullahi Yusuf Axmed u soo sharexeen in uu noqdo Madaxaynahii koowaad ee gayaanka (Dalka). Ballan qaadayadii Abdullahi Yusuf Axmed. Xitaa, haddii wax laga soo qaado wadamada ay xukuumadohoodu dhaqaale ahaan awoodaan in ay isku mar qabtaan in ka badan hal waajib, xukuumad kastaayi waxa ay leedahay arimo ay wax ka qabashadooda ay u aragto waajibaadkeeda koowaad loolankana kusoo gasho. Abdullaahi Yusuf Waxa shirkii dastuuriga ahaa ee Garoowe uu siiyay in uu muddo 20 daqiiqo ah ku soo gudbiyo barnaamijkiisa si hadhoow loogula xisaabtamo hadba wixii uu….
Eeg Bogga 5aad.
TAXANAHA KALA BAYR
Ka yimid Bogga 4aad.
hadda ku hadlo ama uu ballan
qaado. Odaygu isagoo og sababihii loo doortay, aqoontiisa iyo khibaraddiisana hadlaya, ma uunan isku howlin in uu ballan qaado waxyaabo uusan muhiim u arag makaas, awood iyo aqoonna midna uu san u leheeyn in uu sameeyo. Markii ugu horeeysay ayuu Abdullaahi jabiyay nidaamkii, ka dib markii uu 40 daqiiqo in ku dhow hadlayey, halkii ay ballantu ahayd in uu hadlo 20 daqiiqo oo kaliya. In ka badan 30 daqiiqo odaygu wuxuu hadalkiisii ku qaatay iyada oo waliba maqsuud ergooyinku ka yihiin sacab badanna uu u dhacayo:
1. In uu raadin doono dawlad qaran oo Soomaali u
dhan tahay asaasna u yahay mabda'a Fadaraalka. In uusan marnaba qaadan doonin
wixii Qaahira ka dhacay oo kale, ummadda xaqooda iyo sharafkooda isaga oo
joogana aan lagu tumandoonin.
2. In aysan muhiim ahayn dawlad gobaladeed iyo
maamul la dhisaa haddii uusan lahayn ciidan difaaca, isaga oo tusaale u soo
qaatay tii ay dhisteen Digil iyo Mirifle, oo uu markaa dhisi doono ciidan
difaac aad u adag, ilaaliyana amaanka gudaha iyo difaaca xuduudaha Puntland,
isaga oo aan meesha ka saarin sida ay isugu xiran yihiin difaaca Puntland iyo
kan Jubbaland.
3. In uu hoosta ka soo dhisi doono haykalkii
dawladeed iyo xafiisyadii lagu shaqeeyn lahaa oo markaasi ay daganaayeen dad
kasoo bara kacay koonfurta Soomaaliya dagaalada sokeeye awgood.
Saddexdaas qodob ka dib, Abdullahi waxa uu ka hadlay
mudoo ku siman toddoba illaa shan daqiiqo, arimo ay ka mid ahaayeen: xiriirka
dibadda, arimaha bulshada, sida caafimaadka waxbarashada, arimaha dhaqaalaha
iyo adeegyo kale oo uu markaa uusan u arkeeyn fikirkiisa in ay muhiim yihiin.
Markii dhan la iska dhigo in awlawiyaadkii (waxyaabihii uu muhiimka u arkayay)
Abdullaahi, ee aan kor ku soo xusay ay sax yihiin ama uu ku khaldanaa, waxa
dhacaday oo ay taariikhdu qalinka ku duugtay in ergooyinkii halkaa fadhiyay, oo
isugu jiray dhamaan qaybaha kala duwan ee mujtamaca Puntland, hadday ahaan
lahayd Isimadiisii, siyaasiyiintiisii, aqoonyahankiisii, ganacsadihiisii,
culumaa'u diinkiisii, dhalinyaradiisii, iyo haweenkiisiiba, ay si cad oo aan
dhuumasho iyo kala shaki ku jirin ay shaashadaha la iska daawado hortooda si
aqlabiyad ah ugu doorteen in Mudane Abdullaahi Yuusuf Axmed uu noqdo
Madaxweynaha daadihinaya xukuumaddii koowaad ee Dawlad Gobaleedka Puntland, oo
jiritaankeedu loogu tala galay in u noqdo muddo saddex sano ah. Intaa markaan joogno ayaa su'aasha is
weeydiinta mudani waxay tahay: Abdullahi Yusuf xukuumaddiisii ma kasoo baxday
ballan qaadkeedii mise maya? Maxaa iska badalay xaaladdii dalka ka dib markii
uu talada la wareegay, sideebayse u saameeyeen xaaladahaasi ballan
qaadyadiisii, kuwii dastuurka iyo shaqadii xukuumaddiisa?
Jawaabaha su'aalahaas iyo siyaadaba kala soco qeybta
saddexaad ee Taxanaha Kalabayr.
La soco usbuuca danbe…
ISIMADA PUNTLAND EE GAALKACYO JOOGTA OO SHALAY SHIR UGA FURMAY
GAALKACYO
In
kabadan sodon Isin oo kamid ah salaadiinta Puntland, ayaa shalay shir uga
furmay magaalada Gaalkacyo, shirkan ayaa isimaadu sheegeen in uu yahay mid ay
uga wada hadlayaan arimaha ka jira Puntland. Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ah
Guddoomiyaha shirkan shalay furmay, ayaa shalay subax hadal uu ku beegay
furitaankii shirkaas, Islaanku wuxuu sheegay in kulankan ujeedadiisu tahay in
lagu xaliyo mushkiladaha ka jira Puntland. Si cad looma jaan goyn inta uu socon
doono kulankani, sidoo kale lama shaacin ajandayaasha rasmiga ah ee laga hadli
doono. Shirkan shalay subax u
furmay salaadiita Puntland ee Gaalkacyo joogta, waxaa ka horeeyey kulan kale oo
labo maalmood qaatay oo khamiistii ay salaadiintani ka soo saareen qoraal
martiqaad ah oo ay u fidiyeen salaadiinta kale ee ka maqan inay kala soo qayb
galaan shirkaan shalay u furmay oo ay qoraalkaas ku caddeeyeen in uu furmi
doono. In kabadan sodon isin oo ka kala yimid gobolo kala duwan oo Puntland ah
ayaa ka qayb-galaya shirkan, mana jiraan ilaa hadda wax isimo ah oo ku yimid
martiqaadkii Khamiistii.
OGAYSIIS- GALCOM
Shirkadda Taleefoonada Gaalkacyo ee GALCOM waxay ugu
bishaaraynaysaa macaamiisheeda in shirkaddu dhawaan bilaabi doonto, hab cusub
oo xagga Teleefoon galinta ah. GALCOM waxaa hadda gabo-gabo u maraya habka
Taleefoonada ee dhulka hoostiisa mara. Taasi waxay kor u qaadi doontaa tayada
farsamo ee kobcaysa ee GALCOM. Shirkadda GALCOM GAALKACYO, waxay bah-wadaag la
tahay shirkadaha midoobay ee STG (Somali Telecom Group), waa hormoodka
isgaarsiinta Soomaaliya, waxayna ka hawlgashaa dalka oo dhan waa shirkadaha,
GALCOM, NETCO, NATION LINK, STC iyo faracyada midkastaa ku leedahay gobolada
iyo dagmooyinka dalka, hadaba balanteenu waa STG GALCOM, maqal wanaagsan iyo
adeeg hufan.
MAXAA HOR TAAGAN SHIRKA GAROOWE?
Shirka Garoowe ee loogu magacdaray ‘Shirwaynaha Labaad ee Dastuuriga ah ee Puntland’ ayaa waxaa soo food saaray caqabado uu ka riiqsan waayey, waxaana si wayn hoos ugu dhacay rajadii laga qabay in wax wanaagsani ka soo baxaan. Rajo-xumada shirku waxay figtii u saraysay gaartay, marka Arbacadii uu iscasilay Guddoomiyihii Shir Guddoonka Islaan Maxamed Islaan Muuse. Arintani oo lama filaan ku noqotay dad badan, waxay ka danbaysay, Islaanka oo si wayn uga biyo-diiday qorshe ay shirka soo hordhigeen Isimada gobolka Sool ee shirkaas, kaas oo ku saabsanaa in la badalo labo ka mid ah xubnaha Shir Guddoonka ee Sool, intii hindisahan aan la keenin shirka ayaa salaadiintu isku soo khilaafeen. Arintani waxay dhalisay khilaaf soo kala dhex gala salaadiinta, aakhirkiina Islaanka ayaa ku dhawaaqay is-casilaaddiisii. Nin kamid ah ergooyinka shirka oo codsaday in sababo dartood aan magaciisa la shaacin ayaa Wargayska Yamayska shalay u sheegay in xididka khilaafkaq ay ugu wayn yihiin labo arimood oo kala ah (1) kala shaki siyaasadeed; dhinaca doonaya in shirguddoonka wax laga badalo oo lagu xaglinayo inay u janjeeraan siyaasadda Dawladda KMG (2) qaybsanaan u dhaxaysa wadaadada diinta (Itixaad iyo qaadiriyo) farqigan ayaa dhinac kastaa doonayaa in uu noqdo kan majaraha u haya shirka, si wixii ka soo baxa ay saamayn ugu yeelato. Khilaafka iyo is-haynta siyaasadeed ee Kooxda Carta (DKMG) hadda ka dhex jira, oo ku soo beegantay tan Garoowe ayaa dhaliyey tuhumo ah inuu jiray qorshe isku xiran. Sikastaba hanoqotee, waxaa ilaa shalay soo baxayey warar aan la xaqiijin oo sheegaya in uu jiro qorshe ay wataan qaar kamid ah ergada iyo musharixiinta shirkaas oo lagu doonayo in shirka loogu wareejiyo dagmada Qardho ee Gobolka Bari.
*** *** ***
DHAMANO HAYS:
Maansadan waxaa tiriyey Abwaan C/laahi Xirsi Cadde, C/laahi wuxuu maansadiisa ku cabirayaa dhibtii dhacday iyo cidda gaysatay, wuxuuna ku bilaabay:
Markuu jiilaalku dhaco
Abaaruhu dhaacirtaan
Raggii dhabarada adkaa
Carruurta u dhaamin jiray
Xoolaha meel dhaayin liyo
Dhaameelka la raadin jiray
Malaha qaar waa dhinteen
Kuwana wali ma’aysan dhalan
Dhabcaalaa noo haroo
Hadday waxay dhooban tahay
Ciddii labo dhaman dhexdood
Dhulkii waa wada abaar
Dhoodidii cawskii ka maray
Awrtii waa wada dhukaan
Geellii dhugatuu qabaa
Ariga dhicis baa ku jira
Dhaydii laga waa riyaha
Dhaleedkii caano ma leh
Horana dhaqayo uma jirin
Dhiilihii waa maran yihiin
Dhiqlaa galay weelashii
Dhitadii waagii la qubay
Dhalaal noogama danbayn
Dhaankeenii shalayto tagay
Ratigii ina dhoor ahaa
Dhuug iyo bahal baa ku kacay
Danbeeddii dheerigiyo
Dhoomihii saarnaa ratiga
Dhexdaa soo kal go’doo
Midnaba dhibic laguma sidin
Dadkii waa wada dhan qalan
Waxaa noo dheer colaad
Dhiiladu waa taagan tahay
Dhib iyo dhabaqayska jira
Haddeer labadayda dhinac
Waxaas dhici waa rasaas
Dhaayuhu mayd bay arkaan
Dhaguhu qaylay maqlaan
Runtii dhaawucu mayara
Cilmigii lagu dhaadan jiray
Dhammiyo aakaa madalay
Dharkii tuutaa ka haray
Dhigaalkuna waa rasaas
Raggii dhaqankiyo hidaha
Xumaanta ka dhawrsan jiray
Samaanta ku dhaadan jiray
Dhib kii qaba dhaahin jiray
Dhibaadada baajin jiray
Kuwii hore waa dhinteen
Waxaa dhaxalkii u haray
Dhurwaa iyo dhuuni-raac
Waxay raadshaan dhadhamo
Dantii guud waa dhun sheen
Reer dhoor mmid u lahaa
Dhawr iyo toman bay noqdeen
Dhinacna uma wada socdaan
Kuwaa dhiiliyo xumaan
Sokeeyaha kala dhex dhigay
Kuwaa dhagar miqayoo
Haddeer dhuujiya xargaha
Kuwaa dheef aan badnayn
Dalkoodii dhaafsadoo
Dhabtiina waxay sugahayaan
Suldaanoow inaan dhahnaa
Kuwaa meelo u dhacoo
Iyagoo dhaawicii ku yaal
Dhibanihii ceebta falay
Waxaa laga dhigay ugaas
Kuwaa dhiig faraha daray
Dal-dalay ruux aan wax dhimin
Dhabtii waxaan oran karnaa
Soomaaliya wixii ka dhacay
Malaayiintu u dhinteen
Kuwii dhigay waa iyaga
Rag dhawrsani waa jiraa
Waxaas dhacayana ka xumi
Ku jira wali dhamano hays
Lasoco caddadka danbe……….
OGAYSIIS
Maamulka Wargayska Yamaysku wuxuu ogaysiinayaa dhamaan akhristayaasha, in wargayskani yahay mid madaxbanaan oo wax ka qora, arimaha siyaasadda, dhaqaalaha, dagaanka, arimaha bulshada iwm. Yamayska shaqadiisana maaha in uu xaliyo mushkiladaha. Waxaase shaqadiisu tahay in uu soo bandhigo dhacdooyinka. Waxaa haddaba laga codsanayaa akhristayaasha sharafta leh inay noosoo gudbiyaan wixii talo ama tusaale ah oo ku saabsan wargayska iyo waxyaalaha uu qoro. Fadlan xusuusnaada talooyinkiinu waa lafdhabarta wargayska Yamayska. Waxaadna nagala soo xiriir kartaan ciwaanda wargayska ee darafka hoose ee xaashida ku qoran. Mahadsanidin.