
© 2001 Yamayska & Company, Inc. All Rights Reserved
TODOBAADLE MADAXBANNAAN OO KA SOO BAXA GAALKACYO, PUNTLAND, SOOMAALIYA
CADDADKA 3-aad *** TALAADO, OKTOOBER 23, 2001 *** YAMAYSKA.COM *** QIIMAHA SH. SO. 2,000
TAFAFTIRAHA A. SALWE {TUSMADA WARGAYSKA} {FAALLADA WARGEYSKA}SHIRKII ISIMADA PUNTLAND QAARKOOD UGA SOCDAY GAALKACYO OO SOO GABOGABOOBAY
Shir Salaadiinta Puntland muddo shan bari ah uga soconayey magaalada Gaalkacyo ayaa sabtidii dhawayd la soo gabo gabeeyey. Salaadiintan oo soddomeeyo ah ayaa shantaas bari ka wada hadlayey waxa ay ugu yeereen Xalinta Dhibatada Ka Taagan Puntland mudadii uu socday shirkan oo albaabadu u xirnaayeen ayaa warar soo baxay sheegayaan, in doodo kul-kululi dhex mareen mudadii ay u socdeen wada hadalku. Qodobadii ay isla meel dhigeen Salaadiintaasi lama shaacin wali, lama yaqaan sababta dhabta ah ee isimadu u shaacin waayeen wixii ay isla meel dhigeen, waxaase loo badinayaa in sababtu tahay maalintii u danbaysay kulankooda oo ay ogaadeen marti qaadka Itoobiya isugu yeertay 30 Isin oo reer Puntland ah iyo Isimada kale ee Garoowe ku sugan oo qaarkood wada hadal Taleefoon oo ay yeesheen, ay ka dhalatay in aan hadda la shaacin goaamada shirka.
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA MUDUG MUXUU KA DOONAY WARDHEER?
Guddoomiyaha gobolka Mudug, Md. C/shiid Cali Caashi (Dhuubane) ayaa galabnimadii 21/10/2001 dib ugu soo laabtay magaalada Gaalkacyo kadib markii safar afar maalmood qaatay uu ku tagay gobolka Wardheer ee qaybta shanaad ee dhulka is maamulka Soomalida-Itoobiya. Guddoomiyaha oo safarkiisii uga waramayey wargayska Yamayska, ayaa sheegay in u jeedada uu Wardheer u tagay ay ahayd xallinta khilaaf soo kala dhex galay labo beelood oo wada dagta meesha la yiraahdo Darawda oo ka tirsan dagmada Bookh ee gobolka Wardheer, guddoomiyuhu wuxuu intaas raacshay in labadan beelood ay isku haystaan lahaanshaha tuulada Darawda oo dhawaan barkado laga qoday. "maadaama uu shir ka soconaya Jigjiga uu ku maqnaa Guddoomiyihii gobolka Wardheer, waxaan la kulmay xoghayaha gobolka oo ah nin la soo doorto, si wanaagsan ayaanan isula meel dhignay xalinta khilaafaadka soo kala dhex galay beelahaas, fulinta wixii aanu isla meel dhignayna waxaa fulinteeda laga sugayaa madaxda gobolka Wardheer" sidaasi waxaa yiri Guddoomiye Dhuubane oo ka jawaabayey suaal ku saabsanayd cidda ay is arkeen iyo waxa ay ka wada hadleen. Dhuubane, wuxuu ka gaabsaday in uu Wargayska u sheego waxa ay isla meel dhigeen ee lagu xalinayo dhibaatada uu sheegay in xalin teeda uu u tagay Wardheer, Guddoomiyaha gobolka Mudug, oo aan wax ka waydiinay sababta Darawda oo ku taal xudduuda labada dal arinta ka dhacday oo ah arin lagu xalin karo qaab-dhaqan uu ugu aaday Wardheer, ayaa wuxuu sheegay in arinkasta meesha xalkeeda laga raadin karo loo aadayo. Asaga oo ka jawaabayey inay jireen wax kale oo aan arinta Darawda ahayn oo ay isla soo qaadeen ayuu jawaabiiisa ku gaabsaday oo kaliya "arinta aan u tagnay taas ayey ahayd".
Ugu yaraan labo jeer ayaa tuulada Darawda oo dhawaan baraago laga qoday uu iska hor imaad ku dhex maray labo beelood oo uu ka dhexeeyo muran, ku saabsan lahaanasha dhulka tuuladaasi ku taal.
TAARIIKHDA KOOBKA KUBADDA CAGTA EE ADUUNKA
Qaybti labaad;
Qaybtii koowaad ee qormadan oo caddadkii hore ku soo baxday, waxaan uga soo hadalay, sidii uu ku bilawday koobkan, intii jeer ee la qabtay, midkasta dawladda qaaday, dalka marti galiyey iyo sidii uu ku yimid ururka FIFA. Isla qaybtaas hore waxaan ku soo sheegnay sida ay marba marka xiga u soo kobcaysey Ciyaarta Kubadda Cagta ee Dunidu illaa 1904tii oo ku beegan markii la hindisay iyo 1930kii oo la soo bilaabay, saamaynta dagaaladdii 1aad iyo 2aad ee dunidu ku yeesheen koobkan iwm. Qaybtan labaad waxay ku bilaabanaysa.
Argentina oo 1986kii qaaday Koobka Kubadda Cagta Aduunka waxay ka qaaday Jarmalka Galbeed oo uu ku jiro xiddigoodii Beckenbauer, Jarmalka Galbeed waxaa niyaddiisa xagga xiyaaruhu aad kor ugu kacday 1990kii kadib markuu Argentina kaga adkaaday 1-0 ciyaartii Final-ka. Ciyarta sanadkaasi waxay ahayd ciyaartii taariikhda kubadda cagta ugu goolasha yarayd, cel-celis ahaana waxaa is-arag kasta dhashay 2.2 gool, waana ciyaartii ugu goolasha yarayd koobka aduunka abid, waxaa sanadkaas (1990) marti-galiiyey Koobkan dalka Talyaaniga. 1994kii, Maraykanka ayaa lagu qabtay ciyaartan Kubadda, Cagta, waxayna taasi kor u qaaday qiimaha koobkan, 9 garoon (stadiums) ayaana lagu kala qabanayey ciyaartaas, waxaana markii afraad qaaday Brazil oo ka qaaday Talyaaniga,
Eeg Bogga 3aad
TAARIIKHDA KOOBKA KUBADDA CAGTA
Ka yimid Bogga 2aad.
taasi oo Brazil markaas ka dhigtay dalka kaliya ee qaaday Koobka adduunka afar jeer. Sanadkaas FIFA waxay soo saartay xeerar cusub oo lagu xakamaynayo dagaalka dhex mara ciyaartoyda xilliga ciyaarta iyo dhawrista habsami u socodka ciyaarta, isla sanadkaas waxaa si gaar ah loo xusaa guulihii Nigeria iyo Saudi Arabia ay ka gaareen ciyaartaas ka dib markay reebeen Colombia oo ka mid ah dalalka kubadda cagta aduunka looga danbeeyo.
1998kii, waxaa koobkan marti galiyey dalka France, waxaana qaaday isla France oo ka qaaday dalkii horay u haystay ee Brazil oo qarka u istaagay in ay mar lixaad qaado, kadib markii 90kii daqiiqo iyo sodon kale oo loogu daray ay is-mari waayeen, balse ugu danbayn rigoorooyin looga guulaystay. Sanadka 2002da ayaa koobkan waxaa lagu wadaa in lagu qabto labada dal ee K. Kuuriya iyo Japan, waxaana hadda soconaya ciyaaro is-reebreeb ah oo loogu tartamayo ka qaybgalka koobkan. Dalalka soo baxay waxaa ka mid ah; Isweden, Talyaaniga, Ingiriiska, Burtuqaal, Denmark, Belgim, Isbayn, Faransa, Jabaan, K. Kuuriya, Shiinaha, Sacuudiga, Argentiin, Maksiko, Maraykanka, Senigaal, Neyjeeriya, Kaameruun, Tunuusiya iyo qaar kale.
XOGHAYAHA D/ HOOSE
EE DAG. GAALKACYO, OO SHAQADII LAGA FARIISIYEY
Shalay ayaa duqa dagmada Gaalkacyo Xuseen Jaamac Yabaq, wuxuu waraaq shaqo ka fariisin ah u qoray xog-hayaha Dawladda Hoose ee dagmada Gaalkacyo, Gudoomiyaha Degmadu wuxuu shaqo ka fariisinta xoghayaha ku sababeeyey qodobo dhawr ah oo uu ku eedaynayo, kuwaas oo tilmamaya shaqo gudasho laaan iyo takrifal dhaqaale sida uu waraaqda ku qoray. Waraaqda shaqo ka fariisinta ah ee xoghayaha dawladda hoose, oo ku socotay meelo badan oo uu ka mid yahay gobolka, madaxtooyadda iyo boolisku, ayaa waxuu gudoomiyuhu soo tixraacay sagaal qoraal oo amaro iyo digniino isugu jira oo uu horay ugu qoray xoghayaha, uusanna waxba ka qaban sida uu hadalka u dhigay. Qoraalkan shaqo ka fariisinta ah wuxuu kala daadsanaan uu sheegay inuu ka jiro Dawladda Hoose eedeeda uu dusha ka saaray Xoghayaha. sidoo kale qoraalkan Gudoomiyuhu wuxuu muujinayaa lacag kor u dhaafaysa boqol iyo todobo malyan oo sida uu sheegayo Xoghayuhu u adeegsaday si aan sharciga wafaqsanayn.
Wargeyska Yamayska wuxuu isku dayey in uu la xariiro Xoghayaha dawladda hoose C/qaadir Jaamac Aar, si uu jawaab uga bixiyo eedaymaha loo soo jeediyey, ee isugu jira xil gudosho laaanta iyo ku tagrifalka hantida, hase yeeshee waxaa ay noqotay mid aan noo suurta galin, taasoo uu Teleefoonkiisa Gacantu xirnaa si kaleetona aan ku weynay.
SOOMAALIDA KU NOOL MINNEAPOLIS OO AMAAN DARO SOO FOOD SAARTAY
Laga soo billaabo 11 September 2001, oo ku aaddan markii qaraxyada loo gaystay magaalooyinka New York iyo Washington ee dalka Maraykanka, waxaa jiray culays iyo cadaadis soo food-saaray jaaliyadaha Soomaaliyeed ee kunool dalalka arintani saamaynta gaarka ah ku yeelatay sida kuwa kunool dalka Maraykanka, xannibyadan, waxaa ka mid ah; guud ahaan dhaqdhaqaaqyadooda oo aad loo xaddiday ama dabagal lagu sameeyo. Intaas waxaa dheer oo hadda ku bilawday jir-dilo loo gaysto Soomaalida magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa usbuucii aan soo dhaafnay waxaa ka dhacay illaa 4 fal, oo Soomaali loo gaystay, kuwaas oo ah jirdil ay u gaysanayaan dad aan la garanayn. Mid ka mid ah Soomaalida magaaladaas dagan ayaa Yamayska u sheegay todobaadkan inay Soomaalida gobolkaas cabsiyi soo food saartay, wuxuuna intaas raacshay in aysan hamaynkii socon cabsi darteed. Arintani waxay ka danbaysay, markii Joornaal magaaladaas ka soo baxa oo lagu magacaabo Star Tribune oo ah wargayska ugu wayn gobolkaas uu ku soo baxay war sheegaya in Soomaalida joogta halkaas ay lacag u diraan Osama Bin ladin, Sabtidii aan soo dhaafnay ayaa Soomaalida magaaladaas shir ay uga hadlayeen arintaas yeesheen, shirkaasi waxaa Soomaalidu ku soo bandhigtay sida ay uga xun yihiin wararka uu qoray joornaalkaas, wax kale oo halkaasi ka sheegeen inay la xiriireen Qareeno si ay ugala tashadaan sidii gal dacwadeed Soomaalidu u furna lahayd. Kulankaas Sabtidii, waxaa lagau sameeyey guddiyo loo xilsaaray arintaas, sida Guddiga Nabadgalyada iyo Guddiga Warfaafinta iyo wacyigalinta, bari oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa inay Soomaalida gobolkaasi qabtaan shir jiraaid oo ay ku beeninayaan jiritaanka warkii Star Tribune. Maahan markii koowaad ee Soomaalida gobolkaas uu wax ka qoro Star Tribune, balse September-tii hore ayuu qoray in Soomaalidu lacagta badan ee ay dalkooda u diraan ay tahay mid qabiil kasta ku taageero hogaamiye kooxeedkiisa.
ITOOBIYA OO MARTI QAAD U FIDISAY 30 KAMID AH SALAADIINTA PUNTLAND
Dawladda Itoobiya ayaa martiqaad u fidisay 30 ka mid ah salaadiinta Puntland, warkaan oo aanu ka helnay illo laysku halayn karo ayaa intaas ku daraya in Itoobiya ay diyaarad isimadaas uga qaadi doonto Galaadi oo ka tirsan gobolka shanaad ee Soomaalida Itoobiya. Illaa hadda macadda wakhtiga rasmiga ah ee salaadiintan la casumay la qaadayo iyo sababta loo casumay toona, warku wuxuu intaas ku darayaa in Itoobiya aydoonayso inay dhexdhexaadiso Isimada Puntland ee ku kala qaybsan siyaasadda Puntland. Salaadiinta Puntland oo fakarka siyaasadeed aad ugu kala gadisan, ayaan la garaynayn inay wada aqbali doonaan casumaadaas iyo in kale, waxsse jiray dhawr isku day oo lagu doonayey in laysugu keeno salaadiinta Puntland oo wada guul daraystay, dadaaladaas waxaa ugu danbeeyey marti-qaad 22 Isin 11 September 2001 ay ka soo saareen Gaalkacyo, kaasi oo ay u fidiyeen salaadiinta kale. Waxaa illaa hadda il-taxadar leh lagu eegayaa jawaabta Isimadu ka bixiyaan marti-qaadkan Itoobiya. Dhinaca kalana Puntland oo inta la casumay tiro ku labo jibbaaranta ay joogaan, ayaan wali la ogayn, kuwa ay noqonayaan inta tagaysa waaba haddii ay isku raacaan inay tagaan martiqaadkaas.
TAXANAH KALA BAYR.
Qormo taxane ah oo uu qoray A. M. Salwe salwe1@hotmail.com
(Qaybtii saddexaad)
Hor iyo abaato, maxaa ka fulay ballanqaadyadii Abdullaahi Yusuf Axmed?
Hor iyo horaanba, sannad kii koowaad ee maamulkii Abdullahi Yusuf, bilihiisii ugu horeeyay oo uu xaalku sidii sii hore iska yahay, waxa uu bilaabay in uu fuliyo ballanqaadyadii saddexda ahaa ee ugu waaweeynaa waajibaadkiisa sidii uu u arkayay dadkuna ku raaceen kuna doorteen. Anaga oo qiyaasi karna halka wax laga bilaabayay, iyo sida uu u xadidneeyd dhaqaalaha kayaanka, isla markaana garan karna awoodda dhaqaale ee uu u baahan yahay fulinta barnaamijyadaa ayuu maamulku bilaabay in uu si garbo siman ah u bilaabo fulinta waajibaadyadaas. Haykalkii xukuumadeed iyo xarumihiisii Waxaa dadweeynihii laga saaray masaalixii xukiimiga ahaa, ee awalba aan sidaa u sii badneeyn, baylah la baday goballadaas awgood. Sidoo kale waxa uu maamulku bilaabay in uu ciidameeyo maleeyshiyooyinkii beelaha, isla markaana nadiifiyo isbaarooyinkii tirada beelay ee dagaanka ku fidsanaan jiray- inksata oo aysan geeysan jirin dhib amaan oo la sheego- sugana amaanka guud ee gudaha iyo xudduudyada Puntland.
Baadi goobka nabadeeynta Soomaaliyeed!! Dhanka kale, maamulku wuxuu bilaabay in uu suuq geeyo istaraatiijiyaddiisa ku wajahan habka uu noqonayo aayaha Soomaaliya ee habka Federaalka, taas oo uu si weeyn ugu dhiiri galiyay maamulka RRA da oo matasha shacbaka Digil iyo Mirifle, shacabkaas oo ah qawmiyadihii ugu horeeyay ee ku hamiya nidaamka federaalka, hase yeeshee duruufihii ka jiray Soomaaliya u waayay taag ay ku gaaraan hamigoodaas. Sidoo kale, waxaa wada hadallo badan ka dib, bilaabmay hadal heeynta Maamul gobaleed ka Hiiraanland, iyo kan Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, oo meel fiican la iskala gaaray. Ku dar intaa xulafooyinkii siyaasadeed ee uu maamulku ka sameeyay Soomaaliya ee uu ka mid ahaa kii SPA, iyo kan hadda sida xoogga ah u shaqeeya ee SRRC oo uu maamulku dhismihiisu dadaal badan ka galay. Arimahaas oo dhan waxa la oran karaa waxa ay qayb ka ahaayeen fullintii ballan qaadyadii uu galay maamulku sida weeyna loogu doortay.
Maya Carta!! Qaahirana ka daran!!
Waa tan ugu darane, waxa uu maamulku si weeyn gaashaanka ugu daruuray, taariikhduna ku xasuusan doontaa, hagardaamadii ay wadeen abaabulayaashii Shilkii Carta, kaas oo kii Qaahira kun iyo kow jeer ka khatar badnaa. Inkasta oo la oran karo maamulku sannadkii koowaad iyo kii labaad ba si fiican ayuu qorshayaashiisii u socdeen, ayaa haddana waxaa jiray isbaddallo waa weeyn oo ku yimid jawigii guud ee siyaasadda iyo nabadda Soomaaliya, kuwaas oo si weeyn u saameeyay maamulka sannadkiisii saddexaad ee ugu danbeeyay xilligiisii. Maxaa ku soo siyaaday jawigii Soomaaliya, sideeybayse wixii soo kordhay u saameeyeen ballan qaadyadii maamulka iyo howlihiisii?
Dagaaladii Kismaayo. Sannadkii koowaad ee maamulka, waxaa soo siyaaday dagaallo ba'an oo xaqdaro ah, kuwaasoo lagu qaaday magaalada Kismaayo oo dadka dagani asal iyo isir ba wadaagaan dadka reer Puntland. Dagaaladaas, waxa mas'uul ka ahaa kooxo is bahaystay oo waligood liddi ku ahaa jiritaanka ummadda reer Puntland, dhibaatooyinkoodii hore ee aan horay uga soo hadlayna mas'uulka ka ahaa. Maadaama shirkii wada tashiga iyo kii ka danbeeyay ee dastuuriga ahaa ee Puntland ka dhacay sannadkii 1998 kii labadaba lagu xusay in Jubbaland (Kismaayo) iyo dadkeeduba yihiin qayb ka mid ah Puntlan, wixii dhib ah oo mid soo gaarana yahay dhib soo gaaray tankale. Maadaama caqliga sadxiga ahi sheegayo in culeeys iyo dagaal gardaro ah oo lagu hayo Jubbaland eeyan fiirsan karin reer Puntland gacmahana kalaabanayn. Maadaama ballanqaadyadii Abdullahi ee shirkii Garoowe, markii uu ka hadlayay difaaca ummadda uu san meesha ka saarin difaaca Jubbaland. Waxa uu maamulku go'aansaday in uu tallaabo ka qaado arimahaas. Guusha iyo towaiiqdu waa halkoodee, maamulku wuxuu gaaray illaa heer uu ciidan iyo saanadoodaba u diro jiidda Kismaayo, taas oo aan garan karno dhaqaalaha ay ku kaceeyso. Eeg Bogga 5aad.
TAXANAH KALA BAYR.
Ka yimid Bogga 4-aad.Maxaa kale oo soo kordhay? Joojintii dhoofinta Xoolaha iyo curyaamintii
dhaqaalaha!!
Cidna shaki ugama jidho in qorshe walba oo uu maamul leeyahay, ha yaraado ama ha weeynaado e' uu u baahn yahay wax uun dhaqaale ah. Sidoo kale cidina shaki ugama jidho in dhaqaalaha Puntland uu laf dhabar u yahay dhoofinta xoolaha nool iyo kuwa la qalaba. Nasiib xumo sida dad badani la socdaan waxa sababo lagu macneeyay caafimaad daro, hase yeeshee siyaasadeed (qaybaha danbe ayaan ku sharxi doonaa) dartood loo joojiyay xoolihii laga dhoofin jiray Soomaaliya, kuwaas oo inta ugu badani ka bixi jireen dekedda Boosaaso, canshuuraha ka soo baxana laga heli jiray dakhliga ugu badan ee maamulku howlihiisa ku kala socodsiiyo. Dhaawacaas dhaqaale ee ku yimid Puntland ayaa waxa uu keenay in uu dhaawac iyo hakad weeyn galo fulinta barnaamijyadii maamulka Puntland loo igmaday muddo ka hor. Intaas kaliya kuma ekaane waxaa dalka lagu soo harqiyay lacago la soo been abuuray, kuwaas oo si xad dhaaf ah looga keenay xaggaa iyo Muqdisho. Arimahaas iyaga ah ayaa waxa ay keeneen in:
1. In uu joogsado baayacal mushtarigii iyo kala iibsigii xoolaha oo ay dad badani ku noolaayeen.
2. In ay maciishaddii kor u kacdo ay dadkii nolasha ku adkaato, ka dibna ay baahidaasi iska horkeentay dadkii iyo maamulkii, taas oo sid aad ka arki doontaan qoraalada soo socda aan hor ilaahay isaga dhicine la soo qorsheeyay qeeybna ka ahaa mu'aamarad weeyn oo loo dhigay reer Puntland. Maxaa kaloo soo kordhay? Shilkii Carta!!
Waxaa soo kordhay shirkii Carata oo ay dad badani u yaqaanaan SHILKII CARTA. Shilkaasi, waxa uu ahaa mid ay si weeyn uga soo shaqeeyeen dad liddi ku ahaa jiritaanka ummadda soomaaliye, danna u arakay in dabeeysha federaalka ee ka jirta Soomaaliya dan ayan u hayan masaalixdooda gaar ahaaneed ama qooys ahaaneed, kaas oo dalka gabi ahaantiiba dib ugu celiyay sannadihii foosha xumaa ee biloowgii sagaashameeyadii. Ka sokoow dhibta uu guud ahaan u keenay shilka Carta Ummadda Soomaaliyeed, waxa uu si gaar ah hadaf uga dhigtay in uu waranka sumeeysan la beegsado dhulka iyo dadka Puntland, maadaama ay u arkeen in ay tahay, halka laga hago siyaasadda Federaaliisamka ee ka socota Soomaaliya. Shilku muxuu ku markaday maamulkii Puntland
Arimahaas iyo dhibaatooyinkaas soo kordhay, iyo dadaalkii ay u galeen maamulka Puntland sidii ay uga hortagi lahaayeen, waxa ay keeneen in uu maamulku dib uga dhaco ballan qaadyo uu sameeyay iyo kuwo kale oo dastuuri ahaa, una baahnaa fulintoodu wakhti iyo dhaqaale badan, kuwaas oo ay ugu horeeyso uguna muhiimsan tahay in uu soo diyaariyo dastuur, afti dad weeyne u qaado, kadibna dalka u diyaar gareeyo doorashooyin guud.
Inkasta uu maamulku soo diyaariyay dastuurkii haddana suura gal ma nqon in loo qaado afti sidii qorshuhu ahaa. (eeg warbixintii guddigii doorashooyinka)
Qof waliba waa garan karaa, wakhtiga iyo dhaqaalaha ay arimahaasi u baahan yihiin, qof kastaayi waa garan karaa in aan markii hore ee dastuurka la dajinayay aan lagu xisaabtamin duruufaha imaan kara, qofkastaa yina waa garanayaa wixii ay la yimaadeen mashaakilaadkii soo kordhay, haddii aanan indha ha habaas la isaga shubeeyn. Sidaa darteed su'aalaha iman kara ayaa waxay yihiin:
ma la qaban karaa mase la fulin karaa dalabaadkaas dastuuriga ah? Haddiise wax laga soo qaado duruufha soo kordhay, ma in aad la tallaabsatid baa gudboon, mise in aad inkirto?
Haddii dastuur yahay wax uu dajisto aadanuhu, gadaal ka furan, oo hadba sidii duruuftiisu tahay waafajiyo iyada oo howshaas qabanayaan dadka aqoonta iyo ehelka u ah, maxaa u diiday in ay reer Puntland dastuurkooda waafajiyaan duruufaha soo kordhay iyo qaddiyadooda?
Dastuurku sidiisaba se ma aayad qur'aan ah baa? Jawaabaha su'aalahaasi waan garan karaa qof walba oo ay ku jirto dareen iyo dadnimo, qofkiise sida uu jecel yahay u dhiganaya waa isaga iyo allihiis, hase yeeshee su'aasha ka jawaabidda mudan ayaa waxay tahay:
Duruufahan cusub ee soo kordhay ka dib dhismihii maamul gobaleedka Punland, ma wax iska dhacay qorshe la'aanbaa, mise waa arimo qorsheeysan? Yaa ku lug leh, dhanka gudaha iyo dibaddaba? Sidee bay u saameeyeen duruufahaasi Soomaaliya guud ahaan iyo Puntland gaar ahaan?
Jawaabaha Shirqoolka ummadda ee kor ku xusan, gaar ahaan kuwa shisheeyaaha, danahooda iyo hadafkodaba.
kala soco qeybta afaraad ee Taxanaha Kalabayr.
DIL IYO GACAN QAAD DHAN KA AH SARAAKIISHA DKMG OO KA DHACAY MUQDISHO.
Illaa shan gacan qaad oo dil toogasho lagula beegsanayo saraakiisha ciidamada DKG (Kooxda Carta), ayaa ka dhacay magaalada Muqdihso sabtidii oo kaliya, falalkan iyo kuwo kaloo ka dhacay magaaladaasi waxaa dhaawacyo kala duwan ka so gaareen qaar ka mida madaxda ciidanka DKMG, waxaana ku dhintay qaar ka mid ah illaalaooda. Saraakiisha falalkaas ku dhaawacmay waxaa ka mid ah Aweys Geeddow oo ah khabiir aad u yaqaan hogaaminta qoryaha loo yaqaan Altaleriga. Dablay hubaysan oo koox koox u soconaysa ayaa falalkaan ka gaystay meelo kala duwan oo muqdisho ah. Majirto cid sheegatay inay ka danbayso, waxaase jira tuhumo ah in ay sameeyeen kooxaha ka soo horjeeda kooxda ugu dada yar kooxaha muqdisho ee Carta.
DEEQ LA GUDOONSIIYEY CISBITAALKA LAASCAANO.
Deeq ka kooban hilib iyo subag ayaa Axaddii la guddoonsiiyey bukaan socodka cisbtaalka Laascaano qaybtiisa TBda. Deeqdan oo aan nooceeda horay loo arag ayaa sida shalay uu baahiyey Radio Gaalkacyo waxaa bukaanak ugu deeqay Xasan Maxcamuud Saalax oo ah nin u dhashay gobolka Sool daggana dalka Sacuudiga. 14 qof oo ka mid ah dadkii ugu tabarta darnaa bukaanka jiifa qaybtaas ayaa la siiyey midkiiba hal joog oo wayn oo subag iyo hilbo ah (oodkac).
LABO DOONYOOD OO ISKU JIIRAY BOOSAASO.
Hal qof ayaa ku dhintay labo kalana waa ay ku dhaawacantay meel u dhaw marsada magaalada Boosaaso, kadib markii doon nooca rarka qaada ah oo ari siday ay dul martay dooni nkale oo ah nooca yaryar ee kalluumaysiga maalinimadii Sabtida ee usbuucan. Doontan oo ka baxday Boosaso waxay u sii jeeday dalka Imaaraadka carabta. Dhaawacan oo sida boolisku sheegeen ahaa mid caadi ah, ayaa dadkii ku dhaawacmay waxaa soo badbaadiyey shaqaalihii doonta dhibta gaysatay oo bagastaaniyiin ahaa, waxaana haddda lagu dawaynahayaa Isbitaalka Boosaaso.
KACDOON DADWEYNE OO SABTIDII KA DHACAY GALDOGOB.Olole lagu banaynayo jidadka magaalada Goldogob ayaa Sabtidii ka dhacay halkaasi, ololahaan oo ahaa kacdoon dadwayne ayaa wuxuu ka danbeeyey, kadib markii Maamulada Matoorada biyaha ee Galdogob oo waayey meel loo soo maro ay shaqadii joojiyeen khamiistii. Kacdoonkan ayaa dadwaynuhu ku dumiyeen guryo dhawr ah oo dhagax, carshaan iyo buushash isugu jiray, oo ay ka mid tahay meel lagu tuhun sanaa in lagu gado maandooriyaha.
AQOON ISWAYDAARSI KU SABSAN NABADDA OO XALAY KA FURMAY XARUNTA NABADDA IYO HURUMARINTA EE GAALKACYO
Xarunta Waxbarashada Nabadda iyo Horumarinta Gaalkacyo, qaybteeda laybareeriga ayaa waxa xalay fiidkii ka furmay aqoon iswaydaarsi looga hadlayo, nabadda, waxaana soo abaabulay Maamulka Xaruntaas Xaawo Adan.
Ka qayb galayaasha oo u badnaa dhalinyarada wax ka barata Dugsiga Sare ee Cumar Samantar, inta ay socoto dooddu waxaa lagu lafa guri doonaa, nabadgalyada, muhiimaddeeda iyo sidii nabad waarta loo heli lahaa. Maamulaha Xaruntaas marwo Xaawo Aadan oo hadalo furitaan ah fiidnimadii xalay ka jeedisay halkaas kahor intii aan la guda galin doodda aqoos-iswaydaarsiga ayaa waxay ku nuux nuuxsatay sida loogu baahan yahay nabadda iyo in aqoon iswaydaarsiga aan looga baahnayn in lagu soo qaado wax siyaasad ku leg leh, waxay kaloo Xaawo sheegtay in kulankani soo bilawday 6dii September, kaasi oo masuuliyiinta Xaruntu ay layeesheen 50 ka mid ah haweenka magaalada Gaalkacyo ku ganacsada horaanta bisha Nov. ayaa lagu wadaa in uu dhaco kulan kale oo noocaan ah.
DHAMANO HAYS
Tixdan oo uu tiriyey Abwaan C/llaahi Xirsi Cadde, qaybtii koowaad ee tixdan waxaan ku soo gudbinay caddadkii kan xigay, wuxuuna abwaanku qaybtaas hore uga hadlay xaaladda dalku ku sugan yahay iyo cidda uu u aanaynayo wixii dhacay inay ka danbeeyeen ama masuuliyaddooda lahaayeen. Qaybtan labaad ee maansadaan DHAMANO HAYS, waxay ku billaabanaysaa:-
Dhinaca kale culumadii
Sharciga dhidibka u ahayd
Dhaayaha diinta u ahayd
Collaad baa kala dhex taal
Dhawr magac bay leeyihiin
Dhan loo irkadaa majiro
Xeebteenaa dhererka badan
Dhaqaalihii badaha yiil
Libaax dhago dheere iyo
Wixii dhoobnaa kalluun
Dhamaan aargoostadii
Shisheeyaa dhoofsadoo
Shamaagaa lagu dhurtaa
Dhibaadata xaalufkiyo
Dhaqaalaha ay gurtaan
Dhabtii waxaa nooga daran
Waxay hoos noo dhigeen
Sun dhoobliyo dhiidhitii
Dad iyo duunyaba ku dhiman
Duur joogtii loo dhamee
Biciid dhogortiis la waa
Saryanki dheeraa carraw
Dhif weeyaan goodirkii
Dhiinkii cawleed ma jiro
Dabo taagtii waa dhamaad
Deeradii dhawr baa ka haray
Goraygii dhaantadii ma tumo
Shinbiro waa dheelmadeen
Dadkii waa dhoohan yahay
Ma jiro ruux dhago qabaa
Xumaantay dhiiriyaan
Wanaagay dhinac maraan
Maansadan dheer waxaan ku xiray
Waxaan dhaho dhoho garan mayee
Illaah baan dhawraynaa
In uu dhibta naga sakhiro