Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

© 2001 Yamayska & Company, Inc. All Rights Reserved

TODOBAADLE MADAXBANNAAN OO KA SOO BAXA GAALKACYO, PUNTLAND, SOOMAALIYA

CADDADKA 4-aad *** TALAADO, OKTOOBER 30, 2001 *** YAMAYSKA.COM *** QIIMAHA SH. SO. 2,000

TAFAFTIRAHA A. SALWE

{TUSMADA WARGAYSKA} {FAALLADA WARGEYSKA}


 

SHIRKII GAROOWE OO GUULAYSTAY

W/Q: Tafaftiraha,

 

Cilmiyan, marka mashruuc fulay la qiimeeynayo waxaa lagu saleeyaa sida uu mashruucaasi uga soo dhalaalay hadafkii iyo biyo kama dhibcaankiisii ay u jeexeen dadkii markii horeba qorshaha mashruuca asteeyay. Sidee loo waydiin karaa dad kale oo aan waxbaba kala socon qorshaha?

Dad badan baa qabay walina qaba in qorshiha Shirka Garoowe iyo dhacdooyinkii ka horeeyayba ay ahaayeen kuwo u socda maslaxadda Punltand iyo shacabkeeda, taas oo lagu raadinayo dawlad ka fiican tii markaa jirtay, Puntland iyo riyada dadkeedana gaarsiisa meel ka fiican meeshii ay markaa maraysay. Dabcan qolooyinkii sidaa wax u haystay shirkii wuu ka fashilay wayna niyad jabeen!! Hase yeeshee qolooyinkaasi danbi maleh oo waa caamada shacabka oo waayay qof u sheega sidaa si ka duwan. Oo maxaa shacabka sidaa beenta loogu sheegay? Nin dhagarta caan ku ahaa baa laga soo wariyay gabay ay tixihiisu ka mid ahaayeen "... Ninkaad dili, ninkaad dagi, ninkaad dabin u qoolayso, Waa la isu kala daadiyaa yuusan kaa didine..." Faan badnaa!!! Yaa horay u arkay, yaa maqlay, yaase ku riyooday in qolo dhagar wadata ay qoladii ay godka u qodaysay ku tiraahdo, "kaalaya nasoo raaca aan idin takhalusinee, godkiina biyo idinkugu soo galiyo oo kadabkiina gooyo’e'? Yaa qof reer Punland ah ku dhihi kara, "i eego aan burburiyo wixii aad mudada dheer soo beeraysaye'? aan Kismaayo kaa samirsiiyo adna ku kala qoqobo adoon buttuli ii furin? Xoog iyo xeeladi waa halkoodee, kolleeyba hooyo ma dhalin nin si cad ummadda reer Puntland ula soo dhex istaagi kara dalabaadka silloon ee aan kor ku soo xusay. Haddaan u soo noqno shirkii Garowe waa uu guuleeystay marka wax laga soo qaado sida ay ugu meel mareen hadafyadiisii u qarsoonaa. Laba arimood oo kala muhiimsan ayuu shirka Garoowe lahaa loona maal galiyay.

Waa tan horee, Shirku waxa uu ahaa wadada ugu sahlan ee loo mari karay in la burburiyo Puntland oo ah meesha kaliya ee sida wayn looga soo afuufayo dabaysha nidaamka Federaalka ah ee lala damacsan yahay in lagu xalliyo mushkilada gaamurtay ee Soomalaiya. Dabcan firkaddaas Federaalka qolooyin ayaynan ka farxin, waana kuwa ka danbeeyay shirkii Garoowe iyo shilalkii ka horeeyayba. Si taas loo gaarana Shirku marnaba qorshaha uguma jirin in lagu gaaro xal lagu dhiso dawlad ay leedahay Punltand, ee waxa uu ahaa oo kaliya in lagu burburiyo middii horay u jirtay. Waxaan aaminsanahay in ay gaareen qodobkaas. Si kastaba ha ahaatee waxaa jiray qodob ku hoos lamaansanaa midkaan oo ahaa, haddiiba ay dhacdo in wax la dhiso, in uu maamulkaasi noqdo mid Xamar laga maamulo, awoodna u leh in uu sii dhameeyo qorshaha duminta. Sida wax u dheceen waxay u muuqataa in lamaanahaas laga kaaftoomay mar haddii qodobkii muhiimka ahaa ee dumintu meel mar noqday. Tan labaad ee uu shirku tiigsanayay ayaa ahayd in uu meesha ka saaro xasiloonida ka jirta Puntland, lakala dilo walaalaha ku bahoobay degaankaas, riyo Federaal waa halkeedee, xitaa gacalku is bixin waayo. Taana loo maro in Isimadooda sharafka iyo maqaamka ay haystaan laga murxiyo oo laga qaawiyo. Waa laga gaaray hadafkaa Isna, waliba si buuxda. Isimadii baa laga siyaasadeeyay, oo laga iib geeyay oo markaana ku dhamaaday saddex qaybood: Qayb siyaasiin buuxda ah oo awalba cadawga ummaddaan ay dhiseen, galin taagan Hargaysa, galinna Garowe, galin kalena Carta iyo Xamar!! Qayb iyagu garanaya halka ay wax u socdaan iyo shaxda la dagay, hase yeeshee yaaban oo meel ay wax marin doonaan aan la garanayan. Iyo qayb iska daacada, hase yeshee la isticmaalay oo noqday Hugun Raac, hadda iyo maantana waa cusub u baryay goor ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen. Haa, oo muran kama taagna in shirkii Garowe guuleeystay hadda iyo xaadirka, mar haddii saaxiibkeey uusan siduu rabo shaqo ugu tagi karin magaalooyinka Puntland, mar haddii saaxiib reer Sool ah ay wakiiladdiisii ganacsi ee Punltand u soo sheegeen in ay xoolihii iyo iyagiiba marti iyo magan u yihiin saaxiibo kale oo dagaanka ah si ay u magan galaan, halka ganacsato koonfurta ka timidna ay waxooda kaligood maamushaan!! Haayoo shirku wuu guuleeystay haddii maanta Isimkii beeleed uusan wax ixtiraam ah ka haysan shacabkii shacabkii beel kale. Mar haddii maamulkii jiray burburay illaa xad, soo celintiisuna noqon karto cajaa'ibka siddeedaad ee adduunka. Maamul cusub oo hadda yimaadana aan ifafaalihiisa muuqan rajona laga qabin, arimahaas dartoodna ay fowdadii iyo kala danbayn la'aantii cirka isku shareereen, heer la sheegay in dhismayaashii dawladdu qaarkood beec yihiin!! dilkii iyo dhiciina caadi noqdeen sidii aan joogno magaalada Muqdisho!! Natiijooyinka Garoowe iyo mala-awaalku wuu tira badan yahay, hase yeeshee mid baa la hubaa; Sharafkii, sumcaddii iyo qaddarintii Isimaddii Puntland waxaa gaaray dhaawac xun, waxaana galay cudur ka daran Kansarka, rajada looga bogsoon karana waa wax ka yar 5% iyo in qalliin wayn lagu sameeyo, taa fulinteeda rajada laga qabaana waa mid sidoo kale ka yar 5%. Musiibadaas waxaa kaliya oo aan hubnnaa in ay mas'uul ka yihiin isla qaar ka mida Isimada, bartaana ay ku aaseen boqolaal sano taariikh soo jirtay kuna qornayd baalal dahab ah iyo khad dheeman ah, isla markaana ku dhaxal wareejiyey ubadkoodii iyo ehelkoodiiba. Ummad waliba waxa ay leedahay waayo madoow, sida taariikhda ku cadna maaha markii ugu horeeysay ee reer Puntland soo food saarto mushkiladdaan oo kale, inkasta oo ay kala kululaayeena, kulligood waxa ay ku soo dhaafeen samo samo. Tani kuwii hore kama duwana, dadkana caqli, cilmi, aqoon iyo garasho kama maqan oo ay sugayaan maanta ma jirto. Waxaan shaki ku jirin in ay mixnadda maanta ay uga gudbi doonaan mar kale samo samo, isla markaana ay ka baran doonaan duruus iyo khibrad ay ku wajahaan mustaqbalkooda oo ka xoog badan sida ay maanta yihiin.

 

SAWIRKA BIN LADIN OO ISKA HOR IMAAD KA DHALIYEY GAALKACYO

 

Sawirka nin caanka ah ee Osama Bin ladin, ayaa iska hor imaad ka dhex abuuray, dad ku dhagsaday goobohooda ganacsi iyo Booliska dagmada Gaalkacyo, galinkii hore ee shalay. Qaar ka mid ah ganacsatada sarifka lacagaha ee fariista iridda hore ee shirkadaha xawilaadaha Dahabshiill iyo Khayraad, ayaa shalay galinkii hore la soo baxay sawirka Osama Bin ladin, kadibna ku dhajiyey dusha sare ee sanaatiikhda ay lacaguhu ugu jireen, booliska ayaa isku dayey inay ka hortagaan arintaas, waxaase ka dhalatay xiisad aakhirkii keentay inay rasaasi ka dhacdo halkaasi, Booliska uma suurta galin inay joojiyaan tallaabadan. Siciid Maxamed Xaashi oo ka mid ahaa raggii sawirka Bin-ladin ku sharxaday meheradahooda oo wariye ka tirsan Yamaysku wax ka waydiiyey sababta sawirka Binlaadin uu ku doortay ayaa ku dooday inuu u arko in Bin ladin yahay geesi islaam ah.

Isla markaana Siciid wuxuu argagixiso ku tilmaamay Booliska Gaalkacyo oo isku dayey inay is-hortaagaan falkaas.

Qaar kamid ah Baabuurta magaalada Gaalkacyo ayaa shalay sidoo kale lagu dhajiyey sawirka ninkaas. Dhawr jeer oo hore ayaa waxaa soo baxay warar soo kala horjeeda oo sheegaya in ururka Osama Binladin ee Al-qacidda ay dagan yihiin Puntland iyo Soomaaliyaba, horayna muddo hadda laga joogo 10 bari ayaa arintii shalay mid la mid ahi waxay ka dhacday Boosaaso oo Bin-laadin sawirkiisa lagu arkay baabuur uu ku dhagan yahay.

 

TAXANAHA KALA BAYR Qeybtii afaraad 

 

Kala bayr, waa qormo taxane ah oo sadexdii qaybood oo ka horeeye tan afraad ay ku soo baxeen wargayska Yamayska, waxaana qoray A. M. Salwe salwe1@hotmail.com

Mu'aamaraddii iyo Shirqoolkii loo dhigay reer Puntland 

Qabashadii shirkii Qaahira, fashilintii kii Boosaasoh, qabsashadii Kismaayo, shirweeynihii beelaha Hawiye ee Muqdisho nus galinka ka dhacay maalmihii ka horeeyay shirkii Carta, Shirkii Carta ruuxiisa, qalalasihii uu u keenay Soomaaliya guud ahaan, Puntland iyo Somaliland gaar ahaan, iyo arimo kale oo badan, waxa ay ahaayeen mu'aamarad iyo shirqool aad u ballaaran oo ay ku lug leeyihiin Soomaali iyo shisheeyaba. Yoolka Shirqoolka, iyo sabata keentay. Inkasta oo ay natiijada shirqooku ku soo degdegtay Puntland, haddana sida xaqiiqdu tahay waxa kale oo uu beegsanayaa dariskeeda Somaliland. 

Sababta arintaas keentay waxay tahay, in khiyaarka nidaamka federaalka uu yahay xalka Soomaali wayn isugu imaan karto.  Nidaamkaas federaalka oo ka soo if baxaya Puntland iyo Somaliland oo ay dad badani qabaan in uu xaalkeedu ku danbayn doono,  ayaa nabar iyo handadaad culus ku noqday masaalix ay shakhsiyaad gaar ah iyo wadamo shisheeye  heshiis ku yihiin. Danaha wadamada shisheeye ee Soomaaliya iyo saamaynta/lugta ay ku leedahay shirqoolka.  Nidaamka caalamka cusub (new world order) waxa uu la yimid in ay isku milmaan xudduudka u dhexeeya siyaasadda iyo dhaqaalaha, waxana ay noqdeen cumladda (shilinka) labadeeda dhinac, taas oo isugu soo uruureeysa ninkii dhaqaale haysta ayaa siyaasadihiisa meel marsan kara.  Labada dagaan ee Puntland iyo Somaliland ba, waxa ay lahaayeen marka la bar bardhigo dhigood (qayabaha kale ee Soomaaliya), istaraatijayad siyaasadeed oo cad, isla markaana waxa ay haysteen dhaqaale illaa xad ay ku meel marsadaan qorshohooda siyaasadeed.  Labada  geyiba dhaqaalohooda xooggiisa ugu badan waxa uu ku xiran yahay dhoofinta xoolaha nool, taas oo uu suuqa carabtuna yahay kan ugu wayn ee ay u iibgeeyaan. Sidoo kale Puntland iyo Somalilan waxay xiriir ganacsi, siyaasadeed iyo amniba wadaagaan deriskooda Itoobiya oo uu u dhexeeyo xudduud dheer, kaas oo ay deggen yihiin ummad Soomaaliyeed oo ay ab iyo isirba wadaagaan kuwa ku nool Puntland iyo Somaliland.  Sidoo kale Itoobiya oo sidii ay Eretiriya u kala tageen aan lahayn deked ay u isticmaasho ganacsigeeda soo dejinta iyo dhoofinta ayaa rajo wayn kalahayd, horumar wayna ka gaartay sidii ay u isticmaali lahay dekedaha Berbera iyo Boosaaso ee labada geyi, taas oo ay markooduna faa'iido wayn oo dhaqaale ku haystaan. Dhanka kale waxa jira, xurguf siyaasadeed oo in badan soo jiitameeysay taasoo u dhexeeysa wadamada Carabta gaar ahaan dalka Masar (oo ah wadanka jiheeya siyaasadda amaanka qawmiyadda carbeed) iyo dalka Itoobiya.  Inta badan xurguftaasi waxa ay salka ku heeysaa wadaagidda biyaha wabiga Niil ee ka soo bilawda buuraleeyda Itoobiya, ahna isha kaliya ee ay reer Masar uga tiirsan yihiin arimaha Biyaha.  Ku dar intaa in maadaama ay tahay waddanka ugu shacbiga badan ummadda carbeed (qiyaastii 70,000,000) isla markaana ay tahay dal dhaca jiidda hore ee Isra'el iyo xoogga kaliya ay carabi uga tashato caabinteeda, in ay u arkaan baahida biyaha ee reer Masar arin qusaysa amniga iyo amaanka qowmiyadda Carbeed.  Waxa jira tuhun markasta ay Masaaridu ka qabto Itoobiyaanka, kaas oo ah in ay Isra'il Itoobiya ku qanciso in ay ugu yaraan hal biyo xireen ka sameeyaan dhulka uu wabiga Niil ka maro Itoobiya, taasoo haddii ay dhacdo culays wayn oo dhaqaale iyo mid quwadeed ba ku noqon doona dalka Masar. Si ay Masar arintaas uga hortagto ayay waxa ay biloowday, haddana dhexda uga jirtaa, in ay fuliso mashruuc soconaya labaatan sano iyo ka badan, kaas oo ay ku kacayso balaayiin doollar, haddana ah mashruuca ugu wayn ee adduunka ka socda.  Mashruucaas oo la yiraahdo TOSHKA, waxa ay ula jeedadiisu tahay in biyaha tirada badan ee uu wabiga Niil sannad kasta kushubo badda  qorshe loo sameeyo, taasoo keentay in la qorsheeyo in biyahaas loo wareejiyo gabigoodba lama dagaanka galbeed ee daka Masar.  Qorshe xumo dagaan oo horay uga dhacday dalka Masar ayaa waxa ay keentay in 94% dadka

ururka SRRC ayaa sheegay in ururkiisu uusan ka qaybgalayn shirkaas, fikradan ayaa la sheegayaa inay ku raacsan yihiin xubnaha kale ee SRRC, sababta qaadacaadda ka qaybgalaka shirkas ee SRRC warar ka soo baxay waxay sheegayaan inay tahay shirkan oo qaban qaabadiisa la sheegay in uu ku lug lahaa wakiilka Suudaan dhawaan u magacawday Soomaaliya, kaas uu ururkani u arko in uusan dhexdhexaad ka ahayn arimaha Soomaaliya. Sidoo kale waxaa soo baxay warar sheegaya shirkaan ay ka soo qayb galayaan madax ka socota dawladaha Jabuuti, Eretareya iyo Suudaan kuwaasoo SRRC-du aysan ku kalsoonayn dhexdhexaadnimada arimaha Soomaaliya ee dawladohooda. Warar aan la xaqiijina waxaa ay sheegayaan in Dawlada Itoobiya ay hada iyana casuuntay Hogaamiyayaasha kooxaha Soomaaliya, kaas oo SRRC lagu wado inay ka qayb gasho. C/qaasin Salaad Xassan ayaa isaguna waxaa uu cadeeyey in uu diyaar u yahay ka qayb galka shirka Kenya.

 

JAGOOYIN SHAQO OO BANAAN.

Dhamaan waxaa dadweynaha sharafta leh ee ku nool guud ahaan Dalka Soomaaliya gudihiisa, gaar ahaana Gobollada Dhulka-uduga lala socodsiinayaa cidii danaynaysa in ay ka banaan yihiin saddex shaqo Madbacada Dhulka Uduga (Puntland Press Printing, P.P.P.) oo ku taal magaallo madaxa Garoowe oo kala ah:-

Off –set printing Press (Mashiinka wax daabaca)

Pre-Press Operator (ku shaqaynta Qolka madoow (dark Room), Kaamirada (Camera) iyo Saxan gube (plate developer).

Cutter: (jarjare ama googooye).

Shuruudaha laga doonayana qofkaasina waxay kala yihiin:-

waa inuu haystaa Shahaado muujinaysa Aqoontiisa.

Waa inuu leeyahay Khibrad ugu yaraan saddex sano ah, ama haystaa caddeymo kale ah oo ku taxaluqa xirfadiisa waaya aragnimo.

Waa in uu yahay Qof aan dhimirka wax ka dhimanayn. Waa inuu yahay Qof xilkas ah isla markaana Aamin ah. Waa inuusan galin wax danbi ah, ama fal bulshada dhexdeeda ku xun. Araaji qabashadu waxay ku eg tahay inta ka horeysa 10 Nov.2001. Haddaba Madbacadda Dhul-udug waxaa ay u balan qaadaysaa cid allaale iyo cidii ku guulaysata shuruudaha kor ku xusan inay heli doonaan Mushaar u qalma shaqada uu qabanyo oo waafi ah. Wixii faahfaahina oo intaasi dheer kalla xariir kuna hagaaji Araajida Xarunta Wararka iyo Daabacaadaha ee GPC. Gaalkacyo Tel: Mobile. 00252 524 2277, ama Madbacada Dhul-udug ee Garoowe Tel: Mobile. 00252 52 54556 haddii kale wac Tel: Mobile. 00252 524 40103.

 

ISGAARSIINTA CASRIGA AH EE GOBOLKA MUDUG YAA MUDAN IN LA XUSO?.

Nabada iyo deganaashaha ka jira meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah waxay sahashay in ganacsatada Soomaaliyeed ee u dhalatay Gobollada ay ka soo jeedaan ay ku soo dhiiradaan sidii ay horumar dhan kasta ah u gaarsiin lahaayeen Bulshada ku dhaqan deegaanada ay ku nool yihiin, ayaga oo u huray qarash ka badan Billaayiin Doolar. Si kastaba ha ahaatee Gobolada Dh/uduga (PL) ayaa waxaa ay ka mid yihiin Goobaha ugu horumarsan Mudadii Burburka iyo Dawlad la’aantu ka jirtay Dalka Soomaaliya, Taas oo ganacsatada u dhalatay diyaar ay u yihiin sidii wax loogu qaban lahaa Deegaankooda.

Waxayaalaha ugu muhiimsan ee dadku durbadiiba ay dareemeen Faa’iidadooda ayaa ah Isgaarsiinta casriga, sida Shirkadaha Telefoonada, Xawilaadaha Lacagta, Warshadaha Biyaha Sifeeya, Warashada Baastada, Korontada, Shirkada Shidaalka, Shirkadaha Kalluunka iyo Aargoosatada, Jillayga, Warshada Haraga, Machadyada Computerka iyo guud ahaan goobaha waxbarashada oo ah kuwo ay durbadiiba ishu soo jiidanayso, ayadoo dhamaan ay leeyihiin Muwaadiniin u dhashay Gobolada Dh/uduga (PL). Hadaba marka aan u soo noqdo magaalada Madaxda Gobolka Mudug ee Gaalkacyo ayaa ahayd mudooyinkii hore meel ay dadka ku dhaqani badankood isticmaalaan Telefoonada lagu xariiriyo Raadiyaha loo yaqaan HF ama Rakaalka, kaas oo qofkii raba in uu la xariiro Eheladiisa joogta dalka gudihiisa ama dibadiisaba ay ahaan jireen kuwo lagala kulmo dhibaatooyin faro badan, halka qofkii doonaya inuu la hadlo caa’iladiisa joogta dibadahana ay Raadiyayaashaashu u sii mari jireen Magaalada Muqdisho oo iyadu lahayd Isgaarsiin Dhaanta mida taalay Gobolka Mudug xiliyadaas. Waxayna dadka isticmaali jirey ay sheegayaan in ay ku ahaan jirtay dhib iyo ka maarmi waa, ayadoo bay yiraahdeen aanu kala kulmi jirnay waxyeelooyin ay ugu horeeyeen maqal xumo, taasoo ay sabab u ahaan jirtay in laga qaado daqiiqado badan lacagtooda oo aadan hadlin, qofka soo hadlaya iyo midka la hadlaya oo aan yeelan karin wax sir ah haba yaraatee iyo Hadalka oo kala jarma (go’a) oo ay ugu wacan tahay hawada oo xumaata adiga oo khadka ku jira. Inkasta oo Markii danbe ay Rag ganacsato ah oo u dhashay Gobolka Mudug gaar ahaana magaalada Gaalkacyo keeneen Shirkadda Ausoma oo runtii qayb dabooshay Baahidii isgaarsiineed ee jirtay xilligaasi Magaalada Gaalkacyo, hadana dhibkii iyo ciriirigii Isgaarsiineed ee ka jirey Gobolka Mudug waxaa uu noqday mid hoos u dhaca wax weyna iska badeleen deegaanka, inkasta oo aan la oran karin waxaa ay ku filaatay Shirkadaasu baahidii telefoonada ee magaalada Gaalkacyo. Si kastaba ha ahaatee taasi waxay Fursad u noqotay ganacsato kale inay ka faa’iideystaan, isla markaana wax muuqda ka badelaan baahida ay Bulshadu u hamuunayd oo ah sidii ay u heli lahaayeen Adeeg Nadiif ah, Waxaana halkaasi lagu aasaasay Shirkadda la magac baxaday GALCOM adeegeeduna yahay Isgaarsiinta Casriga ah, ugu horeyntiina imaatinkii shirkadaas waxaa hoos u dhacay qiimihii hore ee la qaadi jirey telefoonka oo xilligaas ahaa halka daqiiqo ee dibadda 2 doolar, meesha uu halka doolarna ka ahaa 7500-7200 Sh.so. haatana uu marayo halka Daqiiqo ee dibadda 1

doolar una dhiganta 20,000 Sh.so. inkasta oo qiimaha Shillin Soomaaligu uu yahay mid la socda xilliga iyo wacyiga maanta lagu jiro ee uu keenay

Sicir bararku. Waxaadan iyadana meesha ka saarin qof kastaana Uu dareemi kartaa in hoos u dhacaasi sabab u yahay imaatinka Shirkadda Galcom, Oo haddii aysan imaan lahayn uu Maanta halkii daqiiqo noqon lahaa 2 Doolar ama ka badan. Waxaa iyadana in la xuso mudan in Shirkada Galcom ay feer socoto Shirkad kale oo qaabilsan Korantada laguna magacaabo GECO, taas oo qayb lama ilaawaan ah ka qaadatay, la soco…

 

ISIMADII KA TAGAY GAALKACYO IYO WAFTI SARE OO DIRIRDHABE KU KULMAY.

 

28/10/2001, ayaa kulan khaas ah wuxuu Diridhabe ku dhexmaray wafti ka socda dawladda dhexe ee Itoobiya iyo Isimadii Puntland ka tagay, warkaan oo aanu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa intaas raacshay in Itoobiyaanku ay sheegeen inay ka xun yihiin wixii Puntland ka dhacay oo ay ku tilmaameen inqilaab, waxayna intaas raacsheen in Itoobiya iyo aduunkuba ay sii wadi doonaan dadaalkii ay ugu jireen nabad ka dhalata Soomaaliya, sida hadalka loo yiri. Waftigan Itoobiya ee la shiray salaadiinta, waxay warbixin ka dhagaysteen Isimada, waxayna u soo gudbeen dagmada Galaadi ee gobolka Wardheer, halkaas oo sida wararku sheegayaan ay shalay kula kulmeen C/laahi Yuusuf oo xalay 10 fiidnnimo dib ugu soo laabtay Gaalkacyo. Lama yaqaan in safarka Isimadu ku ekaan doono Dirirdhabe iyo inkale iyo waxa ay C/laahi Yuusuf kala hadleen toona.

 

KOOXDA GALCOM OO KA BADISAY XULKA BARI

Kooxda kubadda cagta ee GALCOM ayaa 28 bishan 2-1 uga badisay xulka gobolka Bari. Jumcadii oo kooxdan Galcom ay ciyaar taas ka horaysay layeelatay kooxda kale ee Al-xaramayn ee Boosaaso ka jirta ayaa waxaa 2-3 ku adkaaday Al-xaramayn, waxaase soo baxay cabasho ka imaanaysa xagga kooxda Galcom oo ku saabsan in Garsooraha ciyaartaasi uusam ahayn mid dhedhexaad ka ahh ciyaarta, waxayna ku sababeeyeen labo gool oo Galcom la timid oo uu iska indho tiray sida Galcom ssheegtay. Waxaana jira buuq badan oo ciyaartaas joojiyey ilaa labo goor. Wararka ka imaanaya Boosaaso ayaa intaas raacinaya in laga yaabo in Gacom ay la soo ciyaarto oo kale Xulka Qardho.


Ogeysiis

PHOTO CONICA, Foto Conica oo laga furay, Gaalakcyo waxay kuu haysaa, Sawiro casri ah iyo soo dhawayn. Wixii faahfaahin intaas dheer fadlan kala xiriir xarunta . Foto Conica oo kutaal agagaarka hotel Biixi.