Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

 

 YAMAYSKA

© 2001 Yamayska & Company, Inc. All Rights Reserved

TODOBAADLE MADAXBANNAAN OO KA SOO BAXA GAALKACYO, PUNTLAND, SOOMAALIYA

CADDADKA 6-aad *** TALAADO, NOVEMBER 13, 2001 *** YAMAYSKA.COM *** QIIMAHA SH. SO. 2,000

TAFAFTIRAHA A. SALWE

{TUSMADA WARGAYSKA} {FAALLADA WARGEYSKA}

 


SIYAASADDA IYO TURUBKA

Marka Yakaha hadhiin lagaaga faso, lix-le turub!

W/Q: Tifaftiraha Yamayska

Marka dhan la iska dhigo in ay qurxoon tahay iyo in laga qurux badan yahayba, waxaan shaki ku jirin in nidaamka beeluhu noqday hab, door wayn ka soo ciyaaray xaaladda colaadeed ee ka taagan geyiga Soomaaliyeed. Kana ciyaari doono tan nabadda, sida nidaamka firqooyinka diineed ee Lubnaan (Dawaa'if) ay door uga soo ciyaareen waayihii colaadda iyo tii nabadda ee ka danbeeysaba. Haddii taa wax laga soo qaado, beelaha ku midoobay Puntland ayaa waxa ka dhexeeya sifooyin aan ka dhexayn inta badan beelaha Soomaaliya, kuwaas oo garansiin karay in labada xaaladood ee colaadda iyo nabaddaba ay ka qaataan door wayn haddii ay sida ugu haboon u adeegsadaan waraaqahaas. Baaxadda juqraafiyeed ee Puntland, iyo waliba barta ay ka dhacdo khariidadda Soomaaliya, tira ahaana inta ay ka yihiin tirada guud ee Soomaaliya, tayadooda; marka wax laga soo qaado sooyaalka dalkeena iyo waqtiga lajoogo iyo arimo kale ayaa ah kuwo aad muhiim u ah marka aan ka hadlayno nidaam beeleed. Sidoo kale tobankii sano ee colaadda Soomaaliya cirka isku shareertay ayay dadka reer Puntland waxa ay ahaayeen kuwo nasiib u yeeshay gumaad tira badan iyaga oo inta badan tobankaa sano ku qaatay is difaac iyo wax iska cabin. Marar badan ayey ku khasaareen gaar ahaan marka laga hadlayo Koonfurta Soomaaliya. Sababtu waxay doontaba ha ahaatee; reer Puntland waxa ay geed dheer iyo geed gaaban ba u fuuleen in xasiloonidii iyo nabaddiiba lagu soo celiyo Soomaaliya si ay mar uun dadkooda dhibaataysan ee walaaca iyo argaguxu la darsay, hadafkana u noqday dad lagu soo afuufay karaahiyo qabiil oo ay uga nabad galaan, taasoo mar gaartay in madaxda sarsare ee Puntland ay biloowgii sagaashameeyadii oo ahayd wakhtiyadii uu ugu kululaa dagaalka sokeeye ay booqasho nabad raadis ah ku tageen Xamar oo uu wali ka qoyanaa dhiigii ummaddooda, dhaqaalohoodii warkiisaba daaye. Markalena waxa ay gaareen in ay dhamaadkii 1997kii magaaladoodii ugu waynayd ee Boosaaso u goglaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed si ay colaaddooda wada hadal ugu xallistaan. Dhinaca siyaasadda dibadda ayaa iyaduna reer Puntland nasiib wanaag gacanta ay ku haysteen waraaqo muhiim ah, hase yeeshee ayan u adeegsan sidii loo baahnaa sababtu waa halkeedee. Xiriirka caalamka cusub oo iska noqday mid gobalaysi ah ayaa hadda waxaa asaas u ah laba arimood oo hadba sidii aad ugu wanaagsan tahay xiriirkaaga u wanaajiya.

Waa amniga iyo dhaqaalaha. Barta Juqraafiyeed ee Puntland ayaa ka dhigtay mid muhiim u ah amniga Geeska. Xuduudka dheer ee ay la leedahay Itoobiya iyo dadka dega degaankaas oo intooda badani dhiig iyo dhaqanba ka dhexeeyo kuwa Puntland dega ayaa ah arin si wayn isha loogu hayo. Sidoo kalena baahida dhaqaale ee Itoobiya u qabto deked badeed ayaa ah mid xiriirka dhaqaale wax badan ka tari karta. Dhanka kale isla bartaa juqraafiyeed ayaa ah mid xiriirka amni iyo dhaqaale ee Carabta iyo Soomaaliya door wayn ka cayaari karta. Sadex xagalka Badda Cas iyo Badwaynta Hindiya oo dhaca Puntland ayay carabtu u arkaan in uu yahay albaabka koonfureed ee gayiga Carbeed. Sidoo kalena saddex xagalkaasi waa halka ugu muhiimsan dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Gacanka Carbeed. Inkasta oo ay reer Puntland saaxiib u noqdeen sifooyinkaas oo dhan, cid la wadaagtaana ayan jirin, ayaa haddana uusan alle waxba ka dheefsiin oo ayan sidii la rabay ugu ribxin marka wax laga soo qaado geeddi socodka nabadaynta iyo siyaasadda Soomaaliyeed, tii colaadda waaba la ogaaye!. ayadoo dhismihii Puntland oo ku yimid dareenada aan kor uga soo hadalnay aawadood uu maamulkii qabtay wax wayn ku soo kordhiyay jihooyinkaas oo markii horeba ahaa waxyaabihii lagu doortay, haddana nasiib xumo isla dad reer Puntland ah oo u adeegaya ama la adeegsanayo iyaga oo aan ka warqabin, ay majo xaabiyeen ifafaalihii iyo rajadii la qabay oo mar gaartay in reer Yurub oo uu hor kacayo Talyaanigu bilo ka hor soo bandhigeen in Soomaaliya shirkii Carta ka dib loo tixgaliyo in ay ka jiraan saddex afkaar siyaasadeed oo kala ahaa, Somaliland, intii ku midaysnayd aragtidii Carta iyo Puntland iyo xulufadeeda. Bilo ka dib ayay ahayd markii ay dadka reer Puntland ku noqdeen casrigii madoobaa iyo waayihii Cali Mahdi, Caydiid iyo Cigaal ay horboodi jireen siyaasadda Soomaaliya, ka dib markii awood badan oo isla reer Puntland ahi ay gayaankoodii ku burburiyeen dhalanteed dawladnimo oo loo soo maleegay, taas oo tallaabadii ugu horeeysay ka qaaday in uu gumaadkii gumaad ugu daro dadkii reer Jubbaland ee ay isku isirka ahaayeen!. Madaxweeyne Cigaal oo ah nin aad ugu ciyaari yaqaan kaararkiisa ayaa haddiiba uga faa'idaystay duruufaha taagan in uu booqasho ku tago Ceerigaabo oo uusan xitaa horay u niyaysan jirin ka hor dhismihii DGPL. Haddii ay taasi macno samaysana, kaliya waa calaamad sugaysa burburka Puntland iyo awoodeedii siyaasadeed iyo miisaankeediiba, ugu yaraan wakhtul xaadirka. Kaararkaas ka khasaaray Puntland ayaa waxaa mas'uuliyadoodu dusha uga dhacaysaa: Odayaasha dhaqanka Puntland oo isku badalay siyaasiyiin, siyaasiyiinta ruuxooda iyo aqoonyahaynka Puntland oo arinka u fiirsanaya sidii filim (daraama) Riwaayad ah, una dhacaya oo kaliya sidii uu soo saaarihiisu ugu tala galay!! Dabcan shacabka guud ee reer Puntland ayaa isagu waxa uu horayna u ahaa, haddana wali yahay dhibane marna shisheeye dhibo marna sokeeye halbowlaha jaro. Ugu danbeeytii, inkasta oo waraaqahaas muhiimka u ah reer Puntland looga fanishay loogana fasay kuwo ka ahamiyad yar oo ay ku cayaarayaan dhigood (beelaha Soomaaliyeed), ayaa haddana la hubaa in ay waraaqahaasi u dhigmaan hanti ma guurta ah, khasaaro kasta oo ku yimaadana uu yahay mid ku kooban marxalladda markaa la marayo, su'aashuse waxa ay ka taagan tahay reer Puntland ma heli doonaan farad fuul aan yakahiisa hadhiin looga hawaysan in looga faso lix-le turub marka la cayaarayo siyaasadda Daba ka eriga? Jawaabtu, waa haa shaki kuma jiro!!

 

ISIMADII KA SOO NOQDAY MARTIQAADKII ITOOBIYA "Waxay balan qaadeen in wax alle wixii dhib ah oo dalka ka jira sidii ay wax inoo kala qaban karaan ……."

Magaalada Gaalkacyo, waxaa dib ugu soo noqday salaadiin muddo labo usbuuc ku siman ku maqnaa dalka Itoobiya. Fiidnimadii Sabtidii aan soo dhaafnay, ayaa shir balaaran oo ka dhacay Hoteel Qaboobe oo ku yaal magaalada Gaalkacyo, waxay warbixin dheer ku siiyeen odayaasha dhaqanka iyo wax garad kale oo ka soo qayb galay shirkaas. Isimadu waxay sheegeen inay dawlaadda Itoobiya la soo yeesheen wadahadal, ayna isa soo afgarteen, balse ma’ay carab-baabin wixii rasmiga ahaa ee ay isku soo afgarteen. Garaad C/laahi Cali Ciid oo ka tirsan Isimada gobolka Sanaag oo shirkaas ka hadlayey ayaa yiri "waxaa naloo qaabilay sidii dad ehel ah, shirkaas isaga ah haddaanu war isku dhaafsanay, waxaanu isku afgaranay, wada shaqayn, isku soo dhawaansho, daris wanaag iyo xiriir sokeeye in aanu yeelanaa. Meesha nala geeyey waa Dirirdhabe, waxaanu isku afgaranay, dawladdii Puntland inay jirto, wixii khilaafaad iyo watataco ah oo jirana in laga saaro, xukunkiina sidiisii looga dhex saaro waxii madmadaw ah oo ku jira iyo mustaqbal wada shaqayneed …. Waxay balan qaadeen in wax alle wixii dhib ah oo dalka ka jira, sidii ay wax inookala qaban karaan wax inoo kala qabtaan". Boqor C/laahi Axmed Cali oo Isimada gobolka Sool ka tirsan ayaa isna mar uu hadlayey wuxuu yiri "siyaasadduna xafiis bay lahayd, dhaqankuna geed buu lahaa, geedkii ma burburine xafiiskii baa burburay iyadaa (siyaasaddu) geedkii timid iyadoo socota, marka haddaad aragteen anagoo siyaasad ku jirna dib ugu celiya oo xafiisyadii geeya weeye sida aanu u dhex galnaa" Boqorku wuxuu hadaladaas jeedshay isagoo sababaynayey waxa Isimada siyaasadda galiyey. Dhamaan Isimadii hadlay waxay muujiyeen kalsooni ay ka qabaan, waxyaalihii ay isla soo meel dhigeen Itoobiya. Odoyaasha iyo wax garadkii kale ee ay u war bixinayeen ayaa iyana sacab iyo hadalba ku muujiyey inay raali ka yihiin waxyaalihii ka soo baxay kulankii Isimada iyo Itoobiya ee Dirirdhabe. Ugu danbeyntiina waxaa ay Isimadaasi shalay u kala baxeen Goboladoodii.

WAKIILKA QARAMADA MIDOOBAY U QAABILSAN SAMAFALKA SOOMAALIYA, OO BOOSAASO YIMMID.

Khamiistii, Boosaaso waxaa yimid, wafti ka socda Qaramada Midoobay (QM). Waftigan oo uu hoggaaminayey wakiilka QM u qaabilsan samafalka Soomaaliya Mr. Ramdolf, waxaa u jeedada socdaalkoodu ahaa sidii ay madaxda Gobolka isula meel dhigi lahaayeen in shaqaalihii QM dib loogu soo celiyo Puntland iyo inkale. Madaxda maamulka Gobolka iyo saraakiisha Booliska ayaana waftigaas u sheegay, aysan jirin wax amaan daro ah, ayna suurta gal tahay in shaqaalihii QM la soo celiyo, waxayna intaas raacsheen in haddii shaqaaluhu Gaalkacyo tagaan aysan masuul ka noqon karin ammaankooda. Waftigu waxay sheegeen in shaqaalihii QM ee Puntland joogay dhaqso dib loogu soo celin doono. Waftigan, waxaa xubin ka ahaa Madaxa xafiiska nabadgalyada QM ee Puntland Mr. Faysal oo bishii Ogos Agaasimaha Xiriirka Caalamiga ah iyo Iskaashiga dibadda ee Puntland amar qoraal ah ku siiyey in uu Puntland 24 saac gudohood uga baxo. Mr. Faysal, waxaa lagu eedeeyey in uu dhex galay arimo siyaasadeed oo uusan shaqo ku lahayn, ma jiro wax amar ah oo ka danbeeyey kaas hore oo loogu ogolaanayo in uu dalka imaan karo. Inta la hubo waa markii labaad oo tan iyo markii dalka laga saaray Mr. Faysal uu yimaado gudaha Puntland.

SAAMAYNTA AY YEELAN KARTO XAYIRAADDA SHHIRKADDA AL-BARAKAAD

 

Dawladda Maraykanka ayaa tan iyo markii ay ku dhawaaqeen in shirkadda Al-Barakaad iyo kuwo kaleba gacan saar la leeyihiin Osama Bin Ladin sidaas darteedna ay xannibeen hawlihii xawilaadda ee shirkadahaas, waxaa soo baxayey hadal hayn ku saabsan saamaynta dadka Soomaaliyeed ay yeelan karto arintaasi. Waa dhab in laga badbadiyey shirkadda, oo aad saxaafaddu u buunbuunisay kaalinta shirkaddu uga jirtay kala gudbinta lacagaha dadka Soomaaliyeed. Cidina ma dafiri karto in Al-barakaad ay tahay shirkad wayn oo dad badan oo Soomaaliyeed lacago ku dirsadaan. Waxaase jirta in ay jiraan shirkado badan oo kale oo hadda uu socdo tartan ballaaran oo shirkadaha xawaaladdu ay leeyihiin. Waxaa jira shirkado kale oo badan oo si dag dag iyo aaminaad leh u kala gudbiya lacagaha dal iyo dibadba, kuwaas oo daafaha dunida ku leh boqolaal xafiis. Shirkadahaas waxaa ka mid ah Amal Bank, Dahabshiil, Al-Khayraad, Al-manaar Islamic Bank, Tawfiiq, iyo kuwo kaloo badan. Buunbuuninta saxaafadda qaarkeed ay ku sheegaan in dad badan oo Soomaaliyeed ay walaac ka muujiyeen cawaaqibka lacago ay ka heli jireen eheladooda dibadda. Way haboon tahay in la dhiiriyo in Al-barakaad laga qaado xayiraadda, waxaase haboon in aan xaqiiqda dhabta ah laga tagin, oo aan laga badbadin. Way yartahay saamaynta xanibkani ku yeelen karo dadka Soomaaliyeed iyo lacagihii ay isu gudbin jireen waayo waxaa jira shirkado kale oo shaqadii qaban kara, waxaanse meesha laga saari karin shirkaddan ay leeyihiin dad Soomaaliyeed ayna habboon tahay in laga wada shaqeeyo sidii ay mar kale shaqadeedii dib ugu bilaabi lahayd.

 

TAXANAHA KALABAYR (Qaybtii 6aad)

W/Q: A. Salwe salwe1@hotmail.com

 

Dawo hadday bukooto....!!
Qabaa'ilada ku abtirsada Puntland waxa ay leeyihiin madax dhaqameedyo soo jireen ah kuwaas oo lagu magacaabo Isimo. Isimadaasi waxa ay soo jireen sida ku cad taariikhda, abtirsiiyaha duriyaddoodana laga dheehan karo, quruun dhowr ah. Isimada reer Puntland waa kuwo magac haybad iyo sharaf aan la koobi karin ku dhex leh ummadda ay hogaamiyaan, taas oo ay ku muteeysteen sida ay markasta go'aamadooda ugu saleeyn jireen wixii dan u ah aayaha ummaddeed, ugana madax banaan jireen is jiid jiidka siyaasadeed. Inkasta oo uu san shacabka reer Puntland aheeyn shacab colaadeed, haddana Isimadu waxa ay ahaayeen kuwii saldhiga iyo sababta u ahaa, ilaahay ka sokoow, xasiloonidii iyo kala danbeeyntii ka jirtay Puntland siddeedii sano ee u dhexeeysay burburkii qaranka iyo yagleeliddii dawlad gobaleedka Puntland.
Maxay ku gaareen Isimmadu martabaddaas? Bari hore waxaa jiray!!!
Marka aad aragto habka ay u shaqeeyn jireen Isimada reer Puntland waxa aad si fudud u heli kartaa jawaabta su'aasha kor ku xusan, taasoo ah laba arimood oo aad muhiim u ah waxayna kala yihiin:
Guddoominta: Isim kasta waxa hoos yimaada oo la shaqeeya, odayaal loo yaqaano Nabadoono iyo Samadoono, kuwaas oo inta badan iyaga xaliya mushkiladaha la soo gudboonaada qooysaska. Marka ay mushkilad la soo gudboonaato qooyska oo ay nabadoonada soo dhaafto wax ka qabashadeeda waxa loo soo gudbiyaa Isimka reerka. Isimku waxa uu isugu yeeraa, Nabadoonada iyo Samadoonada reerka, kuwaas oo uu dhex dhigo mushkiladda kana dalbadaa bal in wixii xal ah ay soo bandhigaan. Dood iyo falanqeeyn ka dibna Nabadoonada reerku waxa ay soo gudbiyaan afkaartooda, intaa ka dibna Isimka isaga oo tixgalinaya sida inta badan wax u aragto ayuu guddoomiyaa wixii la isku raacay oo uu ku duceeyaa, intii laga ga batay ra'yigana ka codsadaa in ay sida loo badan yahay yeelaan.
Habkaasi waa sida inta badan ay wax u dhacaan, hase yeeshee waxaa jira marar ay arintu sidaa ka kharaar tahay una baahan tahay tallaabooyin siyaada ah, taasoo ah habka labaad:
Go'aaminta: Marar dhif ah ayaa waxaa dhacda in xaaladaha qaarkood adkaadaan sidii xal looga gaari lahaa, arintuna dhaaftaa mid ay cod u qaadaan Nabadoonada iyo Samadoonada reerka. Xaaladahaas iyaga ah, Isimka isaga oo ka faa'idaysanaya haybadda iyo sharafta ay u hayaan dadkiisa iyo kalsoonida ay ku qabaan, kaa shanayana kitaabka ilaahay, ayuu xaalka isaga kaligii gacanta ku dhigaa, kana codsadaa geesaha isku

haya in ay isaga u daayaan, kuna go'aan wixii uu soo go'aamiyo. Dabadeedna, dabcan, Isimku isaga oo la tashanaya inta uu ku ogyahay ku dheeraanta maslaxadda qooyska ayuu soo saaraa go'aankiisa kama danbeeysata ah, isaga oo ka codsada qoladii ku farxi weeyda in ay isaga iyo danta guud uga haraan qodobka la isku hayo, kuna adkeeyaa in ay sabir maciinsadaan.
Marka aad u fiirsato labadaas qodob waxa aad arkaysaa in ay Isimada oo ah hogaan ka ugu muhiimsan ummadda ay hogaamintooda ku saleeyn jireen manhajka ilaahiga ah ee shuurada (wadatashiga). Labadaas qodob ee ay u maraan xalkooda, waxaa xusid mudan in Isamadu ayan marnaba ku dabakhi jirin go'aamadooda iyo wadatashiyadoda arimo siyaasadeed oo markaa taagan, ama soo jiri jiray. Waxa kaliya ee ay Isimadu wax ka soo qaadi jireena waa aayaha ummadda ay xilka uu barri ilaahay kala xisaabtami doono u hayaan.
Xaqiiqda maanta ee Isimada Puntland!! Waxa badalay kuwii hore!!
Inkasta oo tirada rasmiga ah ee Isimada Puntland aan la aqoon, oo ay dhici karto in daqiiqadda aan sadaradaan qorayo Suldaan cusub ay jifo geed hoostii ku caana shubanayso, ayaa haddana waxa Isimada loo kala qaybin karaa in ay isugu jiraan saddex qaybood oo kala duwan.
1. Isimada soo jireenka ah
Qeeybtan Isimada oo ah kuwa leh jiritaanka rasmiga ah sida ku cad sulaalada abtirsigooda isla markaana ah kuwa loogu ixtiraamka badan yahay uguna dhow ka samatalinta ummadda ayaa ruuxooda u kala qaybsama laba qaybood:
A. Qayb leh illaa xad dabeecadihii, dhaqankii iyo mabaa'diidii aabayaashood iyo awoowayaashood, una fakara sidii ay u fakari jireen si kasta oo ay duruufaha iyo waayuhu isu badalaan.
B. Kuwo dhaxal ahaan iyo sharci ahaanba leh Saldanadda, hase yeeshee duruufihii ay ku soo koreen, cilmiga dunyawiga ah ee ay barteen, iyo marxaldaha adag ee la marayoba ka dhigtay in ay u fakaraan si ka duwan sidii aabayaashood iyo awoowe yaashood.
2. Isimo la sameeyay taliskii Barre iyo dagaalka sokeeye ka hor!!
Qeeybtan oo ah barta uu ka biloowday kansarku, waajibna ay tahay in salka laga soo jaro oo la soo gubo haddii innaba wax rajo ah laga qabo badbaainta ummaddeena, ra'yigeey gana ah kuwa ugu khatarta badan, ahna caqabaddii iyo imtixaankii ugu weeynaa ee abid soo mara ummaddeena, ayaa ah kuwo intooda badani uu Siyaad Barre dhisay wakhti ay ummadda reer Puntland ku jireen waayahoodii ugu xumaa abid, sababtii loo dhisayna ay ahayd in ay ummadda sii kala qaybiyaan, si ay u sahlanaato sharaf dilkooda iyo baabi'intooda, iyada oo loo maray mabda'a caanka ah ee (Qaybi oo xukun)
Sidee rag idinla mid ahi idiin maamuli karaan, dhaqaale badan oo lagu gatay damiirkooda iyo waa tan ugu darane, daloolka caadifadda qabiil ee ummaddeena oo ay si xille u isticmaaleen ayaa u sahlay in dantii laga lahaa laga gaaro, iyaguna isku arkaan in ay guuleeyteen.
Ragga noocaas ah ayaa waxa ay ahaayeen bambooyin wakhtiyeeysan oo haddii aanan la furin daqiiqad kasta qarxi kara. Inkasta oo ay reer Puntland soo martay fursad ay khatartaas ku kala furfuri karaana ma aynan yeelin oo way iska fududeeysteen, ka dib markii ay ballan qaadyo beena ka heleen raggaas iyaga ah, walibana waxa ay gacanta si buuxda ugu galiyeen ka talinta aayahooda.
3. Isimo la sameeyay dagaaladii sokeeye ka dib!!
Marka aad u kuur gasho duruufaha, sababaha iyo afkaarta ka danbeeysa sameeynta isimadaan ayaad waxaad si fudud u heli kartaa in qeeybtan saddexaad lagu sifeeyn karo siyaasiyiin in kabadan intii lagu sifeeyn lahaa Isimo. Raggaan oo dhamaantood ah rag illaa xad aqoon yahano iyo reer magaal ah, in badan oo ka mid ahna ku soo noolaan jireen dalka dibaddiisa, ayaa waxaa dhisidooda ka danbeeya rag aqoon yahano iyo siyaasiyiin ah oo ay isku jifo yihiin.
Aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta ayaa waxa ay mala awaalkooda siyaasadeed ku odoraseen in; in maadaama xaaladda dagaalka sokeeye ee Soomaaliya ay salka ku hayso qabiil, sida waayaha laga bartayna reer Puntland iyo Somaliland ba ay illaa xad ku nabad galeen hogaamiyayaashooda dhaqanka, uu xaalka Soomaaliya ku dhamaan doono in ay isla madaxda dhaqanku noqdaan kuwa damin doona dabkaas, asaasna u noqon doona mustaqbalka siyaasadeed. Fikradda caynkaas ah ayuu ku dhisnaa shirkii aqoon yahanada ee ka horeeyay kii Carta ee Jabuuti lagu qabtay. Iyada oo laga duulayo aragtidaas ayaa dad aqoon yahano ah oo u dhashay reer Puntland waxa ay soo miineeyeen qaarkood iyaga oo ku qanciyay in ay yihiin ragga kaliya oo booskaas buuxin kara. Mar kale ayay reer Puntland ku dheceen isla godkii shalay laga qaniinay oo ay aqbaleen jiritaanka raggaas aayahoodiina ka tala galiyeen, kuwaas oo ay maanta hayaan mirohoodii. Waxa xusid mudan in Isimadan siyaasiyiinta ah qaarkood ay ku dhiiradeen in ay dhaafaan in ay jifadooda u yihiin Isim oo ay u gudbeen in ayba gabi ahaan badaleen Isimkii hore ee soo jireenka ahaa, taas oo ah tallaabo ku cusub dhaqanka ummadda khatarteedana leh. Natiijadii ay keeneen Isamada iyo qaybahooda kala duwan!!
Shaki kuma jiro in qeeybta koowaad ee Isimadu ay daacad ka yihiin aaya ka talinta ummaddeena, midkasta oo iyaga ka midina uu ku shaqeeynayo niyad wanaagsan markii dhan la iska dhigo khaldaadaka ka imaanaya, dhanka kalena, kii iyaga ah ee khaldama ay ka badan yihiin kuwa kale ee saxa arkaya.
Saas oo ay tahay ayaan haddana wax macno ah ayan sameeynayn wixii ay sax u arkaan iyo wixii kale ee ay khalad u arkaan toonna, maadaama ay miisaanka la saaran yihiin labada qayb ee danbe, kuwaas oo barxay, fuunteeyay nuxurkiina ka qaaday qiimihii ay ugu fadhiyeen ummadda.
Inkaartaas weeyn ee ku timid qiimihii Isamdeena, ayaa waxa ay keentay in uu maalinba nin cusubi sidii uu doono ka yeelo masiirka ummaddeena isaga oo leh Isimadii Puntland ayaa sidaa yiri, ama sidaa go'aamiyay. Waxa ay noqdeen aalad uu maalinba nin siyaasi ahi dantuu rabo ku gaaro iyaga oo aan intooda xalaasha ahi ogeeyn halka loo rarayo. Waxaa si cad u muuqata oo aan la inkiri karin in arimahaas iyo kala qeeybsanaantaas aan kor ku soo xusay ay tahay sababta ugu weeyn ee keentay in maanta Puntland ay marayso halka ay taagan tahay, ilaahayna ha ka badbaadiyee Somaliland loo sii wado.
Ilaahay baa qur'aankiis ku yiri "haku gadanina aayaadka ilaahay lacag yar" Su'aashu waxay tahay, haddiiba ay dhacday in rag bartay kitaabka ilaahay iyo xaqqa ku cad ay awoodeen, damiirkooduna u saamaxay in ay gataan waliba lacag yar, kitaabkiisii, malaga waayayaa ummaddeena rag danaha qabiilka iyo kuwa ummadeed ku gata lacag yar iyo mid badan ba?
Jawaabta su'aashaa oo iska cad waxa aan quud dareeynayaa in ay meesha ka saarto dood kasta oo mugdi galin karta xaqaa'iqa aan kor uga soo hadlay. Su'aasha ka jawaabidda u baahan baase ah: Isimadu waxay ahaayeen dawadii reer Puntland lagu daweeyn jiray marka uu cudur ku yimaado, nasiib xumo iyadii ayaa ka dhacday oo faaday ka dibna bukootay ee maxaa lagu daweeyaa? Waa su'aal da' wayn oo madax daalindoonta, hase yeeshee xalkeedu lama huraan yahay.
Shicib weeynuhu waa dhibanayaal maadaama si xun oo la soo qorsheeyayay looga isticmaalay halkii ay u jilicsanaayeen iyo cadifadoodii qabiil halkii ay ka mudnaayeen in laga daweeyo lagana baaniyo, haddiiba se ay khasab noqoto in la isticmaalana si wanaagooda ku jiro loo isticmaalo. Malaha nasiib daradu waxay uga timid maamulkoodii, aqoonyahankoodii iyo Isimadoodii. Maamulkoodii ballan qaaday difaaca karaamada ummadda oo ay ugu horeeysto tan Isimadooda oo maanta meeshii ugu xumayd taariikhda maraysa iyo khaladaadkiisii ba kala soco qaybta todobaad ee Taxanaha Kalabayr.

 

SHIRKII GAROOWE MUXUU KU DANBEEYEY.

 

Shirwaynihii ka soconayey magaalada Garoowe, ayaa lagu rajo xun yahay in uu mar kale dib u furmo ama wax ka soo baxaan. Marar badan oo hore ayuu shirku ka soo talaabsaday caqabado hor istaagay oo quus muujiyey. Waxaana ugu darnayd midii la xiriirtay khilaafkii ka dhashay baddalidda Shir Guddoonka. Islaan Maxamed Islaan Muuse oo ah Shir Guddoonka Guud ee shirka, ayaa labo goor iska casilay xilkaas. Khilaafka la xiriira ergooyinka ayaa qaybta ugu wayn ka qaatay jiitanka shirka oo labo bilood iyo bar soconayey. Hayeeshee waxaa dad badani aamineen in khilaaf oo dhan laga gudbay markii la badalay shir guddoonkii oo la xaliyey khilaafkii u dhexeeyey Isimada, maalintaas oo maalmihii ku xigay shirku tallaabooyin badan horay u qaaday, dad badan ayey lama filaan ku noqotay markii la magacaabay guddigii doorashada, sidoo kalana la dhagaystay barnaamijka tartamayaasha (kuwa doonaya madaxwaynaha). Sikastaba hanoqotee, shirkaasu wuxuu marayaa meeshii ugu rajo xumayd ee uu abid gaaro. Ciidanka Daraawiishta Xerada 54aad oo Isniintii hore loo keenay shirka xaalad amaan ayaa maalin kadib ku soo guuray hoolkii shirka kuna dhawaaqay in aan shir laysugu imaan karin. Labo bilood oo mushaarka ciidankaas ah oo aysan qaadan ayaa lagu sababeeyey tallaabadaas, waxaase soo baxaya warar sheegaya in arintu intaas ka dabo dheer tahay oo ciidanku ay ka soo horjeedaan shirka oo dhan. Arintani waxa ay sida qoraxda u soo baxday kadib markii Daraawiishtu ku gacan sayreen in ayaga oo qur ah mushahaar la siiyo ayna ku doodeen in ciidamada Puntland oo dhan mushahaarka la siiyo, waxaa kale oo Ciidanka 54aad wararka naga soo gaarayaa ay sheegayaan inaysan qaadan doonin wax ka yar inta ay qaadan jireen Ciidanka Maryo-calastu (Ciidamo Beeleedyo) ee shirka horay u illaalin jiray oo dhan Sh. So. 50,000 maalintiiba. Sabtidii oo layku dayey in ciidankaas la siiyo mushahaarkoodii ayey soo bexeen xanibaadani. Dhinaca kalana Ciidanka horay shirka u illaalin jiray ee Maryo-calasta ayaa Axaddii waxaa ay qabsadeen Bankiga dhexe oo ku yaal magaalada Garoowe, waxayna sheegeen in aan waxba laga saari karin Bankiga. Waxaana warku intaas ku darayaa in ciidankan Maryo-calista ahi ay doonayaan lacagtii ay qaadan jireen oo ahayd (50,000) maalintiiba, oo bil iyo bar aan la siin. Arimahan oo dhami waa kuwo la xalin karo, haddaan wax intaas kabadan oo kale aysan jirin, waxaase muuqda in arintu intaas kadabo dheer tahay.

Is haynta u dhaxaysa ergooyinka shirka oo ku salaysan khilaaf xagga culumada diinta ah (Qaadiriyo iyo Al-itixaad) ayaa isna maraya figtii u saraysay. Si kastaba ha ahaatee waxyaabahaas oo dhan marka laysku daro ayaa waxaa muuqanaya in ay yar tahay rajada laga qabo in shirkaasu dib u furmo, waxaase dhici karta in magacaabidda Xassan Abshir ay saamayn ku yeelato shirka. waxaana jira dadaalo lagu doonayo in lagu soo afjaro mashaqadan u danbeysa.

 

11 MUSHARAX OO ISU BAHAYSTAY INAY U BARBAR DHIGAAN JAAMAC CALI JAAMAC

 

11 ka mid ah musharixiinta kursiga madaxtinimada Puntland u loolamaya ayaa waxay shir jiraa’id oo ay ku qabteen Hotel National khamiistii aynu soo dhaafnay ee ay taariikhdu ahayd 9-11-2001 magaalada Garoowe ku sheegeen inay mideeyeen mawqifkoodii, isla markaasna ay hal musharax uga tanaasulayaan tartanka Nin aysan carab baabin. Iskaashiga 11kan musharax u dhexeeya ayaa dadka badankiisu

waxaa ay u fasirteen miday ugu babac dhigayaan musahraxa aadka loo hadal hayo ee Jaamac Cali Jaamac, ayna u arkeen inaysan la tartami karin. Jaamac waa ninka ugu dhaqdhaqaaqa badan musharixiinta Garoowe joogta, waxaana is xulufaysigan loo fahmay inay doonayaan in uusan soo bixin. Jaamac Cali Jaamac ayaa waxaa lagu eedeeyaa in uu wada shaqayn iyo gacan saarba la leeyahay Dawladdii dhawaanta lagu dhisay degmada Carte, oo la rumaysan yahay inay qayb ka tahay xal u helid la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya, isla markaana uu wax ka soo dhistay Jaamac laf ahaantiisu, dhaqaalaha tirada badan ee uu khasiraayana waxaa la sheegaa in uu yahay mid ay Kooxda Carta u soo dirto. Waa dhab in dadka reer Puntland aysan doonayn cid Carta ku lug leh ama u adeegaysa, waxaase hubaal ah in kooxaysiga musharixiinta kale uusan salka ku hayn wadaniyad Jacayl iyo carta ka carar toona, balse ay tahay oo kaliya tirada ergooyinka iyo dhaqaalaha uu haysto Jaamac, taasoo aan u cuntamin iyaga.

Dhibaatada Qaxootiga Soomaalida ka haysta Dalka Kenya.

 

 Hebel waa laqabtay, tagsi hala qaato oo Bangaani (saldhig Boolis) hala aado, hebel hala soodaayee, yaa
Sawaaxiliga yaqaan hanoo tarjumee, kadabagee lacagtaan nimankii iyo sharci yaa haysta?  Erayadaan iyo kuwo kale oo lamid ah ayaa ah kuwa ugu badan oo laga maqlo Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ee Dalka Kenya. Kenya waxa ay kamid tahay dalalka Soomaaliya dariska la ah oo ayna dadka Soomaaliyeed u soo qaxeen markii Qarankii Soomaaliyeed burburay, in kastoo dalka Kenya
dadka Soomaaliyeed ay soo dhawayn ka heleen, hadana waxaa taa garab socday dhibaatooyin ka soo gaaray
dalka oo aan maqaal iyo labo toona lagu soo koobi karin waxaana dhibaatooyin kaa kamid ah: dhinac cimilada, degaanka, caafimaadka (isbitaalka oo qaali ah) Isdhex galka labada qawmiyadood oo Soomaalida ku adag iyo dhaqaalaha oo ciriiri ah.
Waxaa intaa sii dheer oo had iyo jeer ay dadka Soomaalida ahi ka cawdaan Ciidanka Booliska dalka Kenya
oo bartilmaameed ka dhigtay dadka Soomaalidaa ee dalka
sharci la'aanta ku jooga waxa ayna ciidanku ka qaadaan qofka ay qabtaan lacag dhan 2.44 centi Ilaa 50 Doollar, tani
waxa ay keentay in ay ciidanku Soomaalida ugaarsadaan, inkasta oo ciidanka boolisku ay san Soomaalida ula dhaqmin sida ay ula dhaqmaan qawmiyadaha kale (jir
dil) waxaa loo tirinayaa arintaan huridda lacagta oo Soomaalidu kaga duwantahay dadyowga kale, waxayna dadka Soomaalidu noqdeen meel ay u soo shaqo tagaan ciidanku Boolisku.
WQ Maxamed Yaasiin Isxaaq NBI,

XASAN ABSHIR MUXUU KU MUTAYSTAY XILKAN CUSUB

 

C/qaasim Salaad ayaa shalay galabnimadii Xasan Abshir Faarax u magacaabay Raysul wasaaraha dawladdiisa, waxayna ka danbaysay rididii baarlamaanka ee Cali Khaliif. Khilaafkii Cali Khaliif iyo C/qaasin ayaana sal u ahaa in dawladdii Cali la casilo, hadaba waxaa su’aashu tahay maxaa Xasan qabakaraa oo Cali qaban waayey?. Xilligii uu socday tartankii doorashadii Carta Xasan Abshir wuxuu ahaa ninkii u ololaynayey Mr. Cadaw, kadib markii laga guulaytay Cadaw ayaa Xasan wuxuu u xusul duubay in uu noqdo raysul wasaare, waxaase taasi ku gacan sayran dhamaan ergadii ka socotay Puntland, ayaga oo u arkayey in uusan ahayn nin u dhigma Cali Khaliif, waxaana isla xiligaasi soo baxay warar sheegayey in sanad iyo bar kadib Xasan noqon doono Raysul wasaare, taasoo hadda rumawday. Xasan ayaa sida muuqada buuxiyey shuruudihii C/qaasin oo ahaa in uu hello, nin ka soojeeda Puntland oo aan sidii Cali Khaliif hadal iyo mawqif caddayn, Salaad wuxuu doonayey nin aan MAYA karin. Arinta ugu mihiimsanna waa tan Kismaayo, oo Xassan Abshir aan laga fillayn in uu yiraahdo ‘Kismaayo maleeshiyadda xoogga ku haysata haysaga baxeen’. Jawaabta su’aashii hore ayaa ku soo uruuraysa Xassan wuxuu soo kordhin doonaa oo qura 2 arimood:

  1. Puntland oo uu ka abuuro khilaaf iyo faragalin hor leh.
  2. Kooxda Carta oo uu soo dadajiyo hoos u dhac ku yimaada.

Waxaan dad badani rumaysan yahay in Mr. C/qaasin ka raysan doono Galayr, oo ahaa nin wixiii uusan rabin awood u lahaa in uu yiraahdo ‘NO’.

 

GALCOMOBILE

‘Guriga isgaarsiinta casriga ah ee gobolka mudug’.

(Qaybtii Labaad)

 

Inkasta oo lagu gudo jiro hawl la doonayo in la isu furo dhamaan Xarumaha Shirkada STG oo dhan misana waxaa ay Garoowe, Galdogob iyo Gaalkacyo tusaale wanaagsan oo horumar ah u tahay hanaan iyo waji cusub oo lagu doonayo sidii ay dadweynuhu u heli lahaayeen Adeeg Hufan oo nadiif ah, oo ay ku tilaabsadeen Madaxda iyo maamulka Shirkadda GALCOM.

Hadaba waxaa dadka intiisa badani rumeysan yihiin in Shirkadda Galcomobile ay tahay guriga isgaarsiinta casriga ah ee gobolka Mudug, isla mar ahaantaasna dabooshay adeegii Isgaarsiineed Gudaha iyo Dibadda ee ay u baahnaayeen Bulshada ku dhaqan Gobolka Mudug.

 

OGAYSIIS: Bardacad Clinic

Dhamaan dadwaynaha ku nool Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda waxaa la ogaysiinayaa in MD Maxamed Cali Biixi (Bashiir) uu dib u furay rugtiisii baarista cudurada guud iyo qaliinka ee Bardacad, Dr. Bixi waa xeel dheere ku takhasusay dawaynta cudurada guud iyo qaliinka. Rugtani waxay ku dhextaal Hotel Biixi, waxaana dhaqtarku fariisan doonaa saacadaha 4:00 illaa 6:30 galabnimo ee maalmaha sabtida ilaa arbacada. Wwwixii faahfaahin ah ee intaas dheer fadlan kala xirii Tel: (252) 544 4408 Gaalkacyo, Puntland, Soom.