
© 2001 Yamayska & Company, Inc. All Rights Reserved
TODOBAADLE MADAXBANNAAN OO KA SOO BAXA GAALKACYO, PUNTLAND, SOOMAALIYA
CADDADKA 7-aad *** TALAADO, NOVEMBER 20, 2001 *** YAMAYSKA.COM *** QIIMAHA SH. SO. 2,000
TAFAFTIRAHA A. SALWE
{TUSMADA WARGAYSKA}
{FAALLADA WARGEYSKA}HEERKA GARASHO EE REER PUNTLAND IYO SANADKI TAGAY'
W/D: Tifaftiraha,marka laga hadlayo garashada iyo caqliga, ayaa culumada cilmi nafsigu waxay u hayaan macne aad isugu dhaw, waa labo arin oo isku xiran waayo garasha qofku waxa ay ku xiran tahay inta uu gaar siisan yahay caqligiisu. (IQ). Sadex darajo oo asaasi ah ayey xulumadu ukala qaybiyaan heerarka garashada: qofbaa wxa uu garta najiitada inta uusan ficilku dhicin oo waa qofka ugu xaqliga sareeya. Qof kalana waxa uu wax gartaa inta u ficilku socdo waana qofka uu caqligiisu dhex dhexaadka yahay. Qofka heerka sadexaadna waxa uu wax gartaa marka uu ficilku dhamaadooo ay xeero iyo fandhaal kala dhacaan waaba hadduu gartoe waana heerka ugu hooseeya ee garaafka lagu cabiro caqliga (IQ). Inkasta oo fafsiirkani yahay mid heer shakhsi ama kali kali ah ayey misna suurto gal tahay in laysku xiro tafsiirkan iyo heerarkii fikirka iyo garashada reer Puntland soo mareen sanad iyo barkii ugu danbaysay. Marka dhan layka dhigo aragtidii iyo mawqifkii uu maamulka Puntland ka qaatay qorshihii loo nisbeeyey Ismaaciil Cumar Geelleee nabadaynta Soomaaliyeed ayaa dad badan oo reer Puntland ahi waxay tallaabooyin siyaasadeed oo muhiim ahaa u qaadeen si cadiifad iyo iyo xaasidnimo wada socota ay ku jireen tiiyoo aysan garan ama iska indho tireen raadka ay ku reebi doonto umadda ay rayigooda ku matalayaan, ayaga oo jabiyey dastuurkii u yalay Puntland qaybtiisii qusaysay matalaadda iyo igmashada, sidaasna waxa ay ku seegeen heerkii koowaad ee garasha oo ahayd inay garashadu timaado inta uusan fiiclku dhicin. Markii la gudo galay qorshayaashii shirkii Cartana waxaa saacad walba soo baxayey qorshayaal si cad loogu maja xaabinayey istiraatiijiyaddii siyaasadeed ee umaadda reer Puntland. Inkasta oo inti markaas meehs ku joogtay magaca Puntland ay dareemeen fol xumada meesha taal, illaa heer ay gaareen in la an sixiyey Axdiga Carta ayga oo aan fadhiyin madasha shirka, ayaa hadana sababo awgood waxa ay doorteen in badan oo ragas ka mid ahaa inay sii joogaan madashii, iyaga oo aan doodoodii laga hoos qaadin "Gashaanti aamus baa lagu meheriyaa".
Halkaasna waxay ragaasi mar labaad ku seegeen heerkii labaad ee garashada ee ahaa inay garashadu timaado inta uu socdo ficilku.
Haduu shirkii Carte soo dhamaaday, gudo galay qorshayaashiisii burburinta, haday ahaan lahayd xag dhaqan, dhaqaalle istiraajiyadii siyaasadeed iyo tii maamulba, oo uu gaaray in madaxweynihii Carte C/qaasim uu si cad u qirto inuu isagu masuul ka yahay dagaalkii caddaa ee lagu qaaday ciidamadii Kismaanyo ka xoreystay dhagar qabayaasha. Dhanka kalena Raiisul Wasaarihii Galayr uu meel kale ka qirtay inay gacan weyn ku leeyihiin waxyaabaha ka socda Punland. Taasoo manta natiijadii ayan cidna ka qarsoonayn, haday intaas oo dhami ay manta Qoraxda ka cad yihiin ayaa waxaa ayaan daro weyn ah in dad badan oo Reer Puntland ahu ayan weli fahmin halka loo wado iyo dhaawaca gaaray midkoodna. Waxaa ayaan daro ah in reer Puntland ay manta uga dhaw yihiin Carte heerkii shalay, kadib markii lagu abaal mariyey Xasan Abshir oo ka soo jeedda mid ka mid ah Beelaha Puntland, kana mid ah bud-dhigayaasha Carte. Jagada Raiisul Wasaraha ee laga soo wareejiyey Galayr oo isna ka soo jeeda beel isla reer Puntland ah, ha yeeshee C/qaasim u arkay in ayan sii wadi Karin najixinta damacyadiisa, sidoo kalena lagu abaal mariyey xaafiiska madaxtinimada puntland Jaamac Cali Jaamac, oo isna ahaa mid ka mid ah bud-dhigayaashii Carte, oo aan waliba aragtidiisa marnaba qarsan. Ayaan daro kale oo weyn ayaa ah in dad reer Puntland ah oo ay ugu horeeyaan Isimo magac ku lahaa Ummada si weyna loogu xisaabtami jirey, iyaga oo eegaya sumada qabiil oo ah halkii aynu u jilicsanayn, horeyna nalooga sahansaday, ay si ka fiirsi laaan ah u taageeraan dhacdooyinkii soo baxay.
Halkaasna waxaa ay dadka reer Puntland ku seegeen heerkii sadexaad ee garashada oo ah inay xitaa gartaan marka uu ficilku dhaco, oo dhamaado natiijadana soo taabtaan. Wixii intaas ka hooseeya garashadu ma aha mid la socon karta nolosha iyo daruufaheeda kala duwanba, waxaana lagu tilmaamaa heerka ayan garashadu jirin, ee kagu tilmaamo jirooyinka iyo caajiska maskaxdda iyo madaxa, saaxiibkeedana waxaa uu dhan walba oo nolosheeda ahi uga tiirsan yahay inta ku hareereysan! Ma heerkaas baynu joognaa!?.
Mase la sugayaa inay dhacaan talaabooyin kale oo suuxdinta looga tooso!?. Jirtaayoo uu maamulka mudada loo kordhiyey ee Puntland uu gartay ayaan hadana ayaan daro kale uusan maamulku waqtigii munaasibka ahaa ugu sharxin ummada sidii ugu muhiimsanayd ee ay wax ku fahmi lahaayeen lana socon kartay garashada guud ee mujtamaca Puntland. Inkastoo uu maamulkii Puntland ee hada fadhigiisu yahay Gaalkacyo uu qorshaynayo inuu qaado talaabooyin badan oo badbaadin ah, khasabna ay tahay in jahadii ay doontaba ha noqotee tallaaboda badbaadinta ee ay baahideedu noqotaba la qaado, ayaa hadana waxaa suurtogal ah in ay tallaabo kasta oo uu qaado noqon karto mid ka qarash, Naf iyo maalba badan kuwii ka haboonaa inuu qaado waqtiyo hore oo la soo dhaafay. Puntland ma haysato manta fursado badan oo waxay ku jirtaa xaalad ah labo daran mid dooro !!!. Xikmad duug ah baase oranaysa "Nin aan labo wax oo xun kala dooran aqoon, labo kala fiicana ma kala dooran yaqaano".
CARTA OO TALLAABO SIYAASADEED OO MUHIIM AH HORAY UGU QAADAY PUNTLAND.
Shir waynihii Garoowe oo Arbacadii soo gabo gaboobay ayaa lagu doortay madaxwaynaha Puntland-Carta iyo ku xigeenkiisa Axmed M. Goonle. Col. Jaamac Cali Jaamac oo ahaa musharaxa lagu waday in uu ku soo bixi doono jagadaas ayaana lagu caano shubay. Madaxwaynaha maamulkii Puntland ee wakhtiga loo kordhiyey Col. C/laahi Yuusuf ayaa ku gacan sayray wixii ka soo baxay shirkaas wuxuuna ku tilmaamay shir sharci daro ah oo ay wateen kooxo gaar ah. Raysul-wasaaraha cusub ee Isbahaysiga Carta Col. Xasan Abshir Faarax ayaa hanbalyo u diray Madaxwaynaha Cusub ee garabkiisa. Col. Jaamac Cali Jaamac, wuxuu ka `mid ahaa dadkii Kooxda Carta ku soo dhisay dalka Jabuuti. Dadka indho indheeya siyaasadda Puntland ayaa qiraya in asaasidda garabkan cusub ee Puntland-Carta uu u muuqdo mid looga dan leeyahay sidii Puntland looga dhigi lahaa meel aan maamul midaysan ka jirin, taas oo Kooxda Carta u sahli karta inay u noqoto meel ay salka dhigtaan. Dhinaca kalana, shirka oo horay u curyaansanaa ayaa magacaabistii Col. Xasan Abshir maalin ka dib irdaha loo furay, waxayna ka danbaysay sida laga helay warar lagu kalsoon yahay oo laga helay Garoowe wadahadal dheer oo sida la sheegay taleefoonka ku dhex maray Xasaan iyo hogaankii shirka oo horay shirkiisu ugu xirnaa. Kooxdan cusub, waa mid khatarteeda leh, waayo waxaa kuwada jira dhinacyo iyo niman khatar galin kara jiritaanka dadka iyo dalka Puntland, taariikhduna ay horay u sugtay. Marka la eego wajiyada ka muuqda muraayadda ayaa kala ah (1) Col. Jaamac Cali Jaamac, oo ka mid ahaa dadkii aasaaska u dhigay Kooxda Carte hadana wakiilka wakiilka rasmiga ah ee Kooxda Carta u fadhiya Puntland. (2) Axmed Maxamed Goonle oo ku xigeenka Jaamac ah, waa ninka sida wayn loogu xusuusto soo daabicidda iyo keenidda lacagaha been abuurka ah ee Puntland soo galay, ayadoo walwal wayn laga qabo in uu sii laba jibaaro hawlihiisii ahaa baabiinta dhaqaalaha dalka. (3) Khaliif Ciise Mudan, oo ah ganacsade ay ku maqan yihiin dhaqaale badan oo ay umaddu ku amaanaysatay, oo uu wakiil uga ahaa maamulkii xilka loo kordhiyey shirkadaha kaluumaysiga. (4) C/laahi Xaaji Khayr, (5) Siciid Faarax Maxamuud. Iskaashatadaan ayaa la rumaaysan yahay inay xiriir ganacsi iyo mid siyaasadeedba la leeyihiin ururada xagjira ee Al-qaacidda. xeel dheerayaasha cilmiga siyaasadda ayaa walaac ka muujiyey sil-siladaan isku xiran ee halista badan. Arintan laga argagaxo ee soo food saartay Puntland iyo labada qalbac ee loo kala jabay waxay niyad jab ku abuurty inta samaha jecel ee garanaysa eelka danbe ee waxyaabaha dhacayaa keeni karaan. Masuuliyadda waxyaabaha ka taagan geyiga Puntland ayaan cidina la wadaagin Isimada Puntland, oo labada dhinacba hor boodaya. Mid ka mid ah Salaadiinta Puntland oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa igu yiri "khilaafka Puntland ka jira wuxuu soo bilawday markii aanu anagu (Isimo ahaan) is-khilaafnay, ilaa inta aanu ka heshiinaynana xaaladdu muruggaas ayey ku jiraysaa". Isku soo duuduuboo mirihii shirkii Garoowe iyo dhismaha kooxdan cusub, waxaa muuqanaya in Kooxda Carta tallaabo fiican horay u qaaday, sidoo kalana ay hadda jawaab fiican u helayso suaal ay jawaab u laaayeen oo ahayd maamulkiinu hoteelo Muqdisho ku yaal ayuu ku egyahay. Col. Xasan Abshir Faarax oo Idaacadda BBC-Somali ka hadlayey ayaa sheegay in uu dag-dag gobolada dalka ugu bixi doono, waxaana iska cad in Xasan meelaha ugu mihiimsan ee uu beegsanayaa ay tahay Puntland, oo Kooxdiisu fure u heshay albaabkii adkaa ee uga gudbanaa. Burburka Puntland ka hor, ayaa la jideeyey in qof xil u haya Isbahaysiga Carta uusan imaan karin dhulka Puntland, hadduu yimaadana tallaabo laga qaadi doono, balse goaankaasu uma muuqdo mid shaqaynaya, waxaana markan Garoowe xaadir ku ah qaar ka mid ah Baarlamanka Isbahaysiga Col. Xasan Abshir, waxaa iminka il taxadar leh lagu eegayaa sida wax u dhacaan. Balse Xasan wuxuu shalay u kicitimay dalka Jabuuti oo uu sheegay in uu safar sadex bari ah ku joogi doono.
KOOX DARAAWIISH AH OO SABTIDII ARBUSHAAD U GEYSATAY BANKIGA GAALKACYO.
Subaxnimadii Sabtida ayaa Bankiga Puntland Laanta Gaalkacyo, waxaa Koox Daraawiish ahi arbushaad u geysteen Laanta Bankiga ee Gaalkacyo. Kooxdani waxay isku meereen Bankiga waxayna u diideen in wax soo galaan ama ka baxaan. Ujeedada qabsashada Bankiga ee Ciidankaas ayaa la sheegay inay ahayd mid ay ku doonayeen lacago kharash raashin ah oo ay horay u qabeen oo mushaarkoodii muddo labo bilood ah laga jaray. Muddo saacad ku siman markii ay Daraawiishtu Banka haysteen ayeyna isaga bexeen. Majiraan wax lacag ah oo la siiyey, waxaase wararku sheegayaan in uu jiro ballan qaad loo sameeyey ciidanka, kaas oo ah in dag dag wax looga qaban doono tabashadooda.5tii bishan Nov. ayaa Ciidanka Daraawiishta ee xerada 54aad ee Garoowe, waxay sidan oo kale xoog ku qabsadeen hoolka uu ka soconayey shirwaynihii lagu dhisay Puntland-Carta, waxayna doonayeen ciidankaasu mushaarooyinkoodii labadii bilood ee u danbeeyey. Tallaabadan xoog-wax-ku-raadinta ah, waa mid ku cusub Puntland, waxaana keenay baa la oran karaa burburka dhaqaale iyo siyaasadeed ee Puntland maanta ka jira.
WARIYE KA TIRSAN IDAACADDA MIDNIMO OO LAGU DHAAWACAY BOOSAASO
Sabtidii ayaa wariye Maxamed Xasan Xabeeb oo ka tirsan Idaacadda Midnimo oo kutaal Boosaaso lagu dhaawacay Dakadda Boosaaso. Wariyuhu wuxuu booqasho shaqo ku tagay Dakadda waxaase si lama filaan ah handadaad iyo jir dil ugu gaystay qaar ka mid ah Ciidanka Dakadda Boosaaso oo ku qabtay halkaas. Mid ka mid ah Ciidanka Dakadda ayaa Bastoolad u xirnayd afkeeda ku garaacay wajiga wariyaha, sanka korkiisa ayaa dhaawac ka soo gaaray, wuuxuuna sababay dhiig badan oo ka qubta wariyaha, sidoo kale dhaawac ayaa ka gaaray wariyahaas madaxa. Rug caafimaad oo loola cararay ayaa lagu daweeyey dhaawaca ninkaas. Lama yaqaan sababta wariyaha loo jir dilay, waxaase loo fasirtay in Askarta dhaawaca gaysatay ay ka soo horjeedeen barnaamijyo Idaacaddu horay u baahisay. Maahan markii koowaad ee Boosaaso lagu waxyeeleeyo warfidiyeenka. Hayeeshee Boosaaso waxay noqotay meel had iyo goor ay ka dhacaan danbiyo dhan ka ah aadaminimada oo loo gaysto suxufiyiinta iyo dadka kalaba. Horaantii September ayaa labada tafaftire ee wargayada Yool iyo Sooyaal, oo ku guda jira hawl maalmeedkoodii caadiga ahaa waxaa weerar hubaysan ku soo qaaday Booliska Boosaaso, oo jeelka u taxaabay, waxaana ugu danbayn 6 saac markii ay xirnaayeen lagu sii daayey cudud ciidan oo beelaha ay ka dhasheen tafaftirayaashu ay soo dul dhigtay halkii ay ku xirnaayeen, lama sheegin arin loo qaateen ah oo ku saabsan sababta loo weeraray ragaas madaxda ah. Tafaftiraha Wargayska Sooyaal Maxamed Siciid Kaashawiito oo Wargayska Yamaysku la xiriiray asaga oo Boosaaso jooga ayaa yiri "waxa naloo gaystay waa afduub fool xun koox magac bolis huwani gaysatay". Isla bishaas September C/saaq Shiikh Aduun oo ka mida suxufiyiinta joogta Boosaaso ayaa goor hamaynimo ah waddo uu gurigiisa u maro ay u galeen niman aan illaa maanta la aqoon. Waxayna u gasteen dhaawac khatar ah oo ka soo gaaray isha bidix kor keeda. Ayada oo ay horayba u qabeen suxufiyiinta joogta Boosaaso dhibaatooyin u badnaa xarig aan maxkamadi xukumin, ayaa labadii bilood ee u danbaysay waxaa soo batay caburin iyo dhibaatayn loo gaysanayo wariyayaasha. Sababta ayaa loo tirinayaa madaxda Gobolka iyo Booliska oo aan raali ka ahayn baahinta wararka xaqiiqda ah ee ay faafiyaan wariyayaashu.
Dr. CABDIQAASIN
"Ma jiro mushaar ka sokeeya Dakadda iyo Airporka Muqdisho oo la furo"
Madaxwaynaha Isbahaysiga Kooxda Carta Dr. C/qaasin Salaad Xasan, oo baryahanba safar shaqo ku mayey meelo ka mid ah, gobolka Sh. Hoose ayaa bartamihii todobaadkan ku soo laabtay Muqdisho, kadib safarkii iyo kulamadii uu la lahaa dadka dagaankaas ku nool Ayaa Ujeedada rasmiga ah booqashada C/qaasim la sheegayaa inay tahay labo arimood oo kala ah Hub iyo qalab ciidan oo dakadda Marka oo maleeshiyadda beeshiisu gacanta ku hayso uga soo dagaya uuna u sii gogol xaarayo sidii wax khash-khashaad ah looga illaalin lahaa iyo Dhiiri galinta ciidanka halkaas jooga, iyo ku wargalinta kaalinta loo baahan yahay inay ka qaataan waxa uu ug yeeray suggidda maanka iyo gacan ku qabashada Muqdisho. Dr. C/qaasin oo khamiistii la hadlayey maleeshiyada beeshiisa ee dagaankaas xoogga ku haysata ayaa sida warar xog agaal ahi sheegeen ku guubaabiyey maleeshiyadaas inay u diyaar garoobaan hanashada difaaca dawladdooda. C/qaasin ayaa mar uu ka hadlayey arin ay ku soo qaadeen oo ahayd mushaar la siiyo wuxuu yiri "ma jiro mushaar ka sokeeya Dakadda iyo Airporka Muqdisho oo la furo, waadna ogtihiin oo waa xiran yihiin, dhaqaalaha dalka waad la socotaan heerka uu marayo, waxaan wadnaa qorshe lagu doonayo in lagu furo labadaas ilood oo muhiimka ah kooxaha mucaaradka ah oo haystana waa diideen in la furo ..".Shantii bishan ayaa ciidan 300 oo askari gaaraya C/qaasin u diray Jilib oo Jubada dhexe ka tirsan si uu ugu xoojiyo ciidamo horay ugu joogay aaggaas, waxaana muuqda dadaal uu ugu jiro sidii uu u adkayn lahaa gacan ku haynta dagaanka muhiimka ah ee Jubooyinka iyo Sh. Hoose ee xoogga lagu haysto, dadkii lahaana ay murugada iyo ciil kaanbiga ku jiraan.
WAREYSI TIFAFTIRAHA WARGAYSKA SAHAN MAXAMED-DEEQ
"Jaamac Cali Jaamac oo la wareegay 15 bilyan oo deyn ah iyo Khaliif Ciise Mudan oo ku codeeyey kaar uusan lahayn"
Waxaa noo suurto gashay in aan waraaysi layeelano shalay Tafaftiraha Wargayska SAHAN oo jooga Garoowe. Deeq, wuxuu waraysigan uga hadlayaa musuq maasuq baahay oo ka dhacay habkii codbixinta ee shirkii Garoowe iyo arimo kale oo dheeraad ah, waxaana waraysigu u dhacay sidan:-
Yamayska. Sidee bay u dhacday doorashadii Arbacadii ka dhacdaay Garoowe?
DEEQ. Doorashadu meeshii ay ka dhacaysay anigu ma joogin waxaan joogay meel ka baxsan Garoowe, hase ahaatee dadka xog ogaalka ahi waxay ii sheegeen in doorashadaasu u dhacday si hagaagsan oo deggan, ergooyinkuna ay si xor ah codkooda u bixiyeen, taasoo najiidadeedii noqotay Jaamac Cali Jaamac oo loogu doortay halkaas cod aqlabiyad ah Madaxwayne iyo Axmed Maxed Goonle oo isna loo doortay madaxwayne ku xigeen.
Yamayska. Sidee loo soo dhaweeyey doorashada Jaamac Cali Jaamac.
DEEQ. Aragtiyo kala duwan baa ka soo baxaya sida wax u dhaceen, warar xoog leh oo aad u fara badan baa waxay sheegayaan in waxyaabo badan lays daba mariyey, musuq maasuq badani ka jiray. Wararku waxay sheegayaan in ergooyinka intooda badan la iibsaday codkooda, wararku waxay kaloo sheegayaan in ergooyin aan meeshaba joogin kaararkooda dad kale ay ku codeeyeen. Arimahaasi oo dhami way jiraan waxaa socda abaabulo lagu taageerayo maamulkii hore ee Col. Cabdulaahi madaxda ka ahaa iyo kuwo dadkii markii hore ka soo horjeeday doorashada Jaamac oo haatan iyaguna u ololaynaya inay wax ka dhisaan maamulkaan cusub.
Yamayska. Waxaad carabka ku dhufatay inay jireen waxyaalo lays daba mariyey iyo musuqmaasuq, maxaad ka tilmaami kartaa oo caddayn u noqon kara?
DEEQ. Waxyaabaha xaqiijiyey waxaa ka mid ahaa Khaliif Ciise Mudan oo ah ninkii shirkaddii Hart Group iyo PIDC madaxda ka ahaa oo ku codeeyey kaar uusan lahayn, ayadoo uusan caadiyan horey shirka u imaan jirin, maalinkii cod bixinta oo ka mid ahaa maalmo yar oo uu yimaado shirkaas kana soo qayb galo, ayaa waxaa wararku xaqiijinayaan in Khalliif uu ku codeeyey kaar uu leeyahay nin la yiraahdo C/laahi reer Bari oo ka yimid North America. C/laahi Reer Bari oo aan hadda ka hor kula kulmay balliga
Laag ayaa waxa uu ii sheegay in beeshu ay ku khasabtay in uu ka tago madasha shirka oo uu tago magaalada Boosaaso, ayadoo uu ka mid ahaa taageeroyaashii Maxamed C/rashiid markii hore la socday. Marka arintaas ayaa ka mid ah waxyaabixii sida cad u muuqday ee ay dadkku tilmaamayeen khaasatan dadka ka soo horjeeday Jaamac Cali Jaamac, doorashadiisa oo ah arrin aan cidina isku inkirsanayn, waxaa warku intaas iigu daray in xitaa shir guddoonka la gaarsiiyey iyo guddiga doorashada arinta ninkaas, ayadoo maalmihii ka horeeyey lagu cel-celin jiray in aan la aqbali doonin dad kaarar aysan lahayn ku codaynaya, waxaana dhici karta in dad kaloo aan sida Khaliif madasha uga muuqnayey aan uga muuqan inay jireen oo ay waliba ku badnaayeen.
Yamayska. Musharixiintii la tartamaysay Jaamac Cali Jaamac maxay ka yiraahdeen sida wax u dheceen?
DEEQ. Musharixiintii, illaa iyo hadda wax mawqif ah oo cad oo ka soo baxay ma jiraan, mana jirin cid ku gacan qaaday madashii shirka Jaamac ama ugu hanbalyeysay, hase ahaatee wararku waxay sheegayaan in marka laga reebo Cabdi C/lle Saciid (Jini boqor) oo isagu si cad ugu gacan sayray waraysi uu Idaacadda Midnimo siiyeyna ku sheegay in uusan sharciyad ku haysan aqoonsanayna ee uu
taageersan yahay maamulkii hore, musharixiinta kale wax war ah oo ka soo baxay majiraan. Hase ahaatee waxa wararka laysla dhex marayo magaalada Garoowe ay sheegayaan in laga yaabo C/laahi Cayrow iyo C/saaq sheek Cismaan (Cali Baadiye) inay ku biiraan dawladda inay dhici karto, ayadoo kuwo kalana la sheegayo in laga yaabo inay xagga Col. Cabdulaahi u biyo shubtaan.Yamayska. Xafladii Xilwareejinta ee Axaddii waxaa nagu maqaalo ah in 15 bilyan oo dayn ah uu la wareegay Jaamac Cali Jaamac, sidee wax uga jiraan arintaas?
DEEQ. Xafladdu si wanaagsan ayey u dhacday, marti sharaf badana way ka soo qayb galeen hase ahaatee arinta lacagtaas, waxay ahayd mid ka dhaka-faarisay dadwaynaha reer Puntland iyo isimadii iyo masuuliyiintii kale ee xafladdaas ka soo qayb gashay, Islaan Maxamed ayaa meeshaas ka cadeeyey in aan la qaadan karin mudadii yarayd ee Yuusuf Xilka hayey daynta uu soo qadimay, hase yeeshee uusan doonayn in uu madasha kaga hadlo maadaama suxufiyiin ay joogaan iyo niman rikooro iyo wax wata waa sida Islaanku hadaalka u dhigaye Jaamac Cali Jaamac oo ah Madaxwaynaha Cusub ee Shirka Garoowe lagu doortay ayaa isaguna waxaa uu muujiyey oo uu aad u iftiimiyey lacagtaan faraha badan ee amaahda ah ee lagu wareejiyey, wuxuuna yiri "hadde waad u jeedaan waxaanu la wareegnay marka wax qabadka nalaka fili karaa lug bay ku yeelanaysaa" wuu ku ceceliyey waliba taas, isagoo muujinayey indhaha dadkana ku soo jeedinayey lacagta amaahda ah ee uu la wareegay. Magaaladana maanta wararka ugu badan ee laga hadlayaa ama la falan qaynayaa waxaa weeye arinta lacagtaas amaahda ah oo Yuusuf Xaaji Nuur uu soo qadimay waxayna dadku u badinayaan in arintani ay tahay miduu wax ka ogyahay Jaamac Cali Jaamac.
Yamayska. Ma waxaa loo badinayaa in arinta lacagta musuq-maasuq ku jiro ayna isla ogyihiin Yuusuf iyo Jaamac?
DEEQ. Arintaasi aad bay u xoog badan tahay, waxa la sheegayaa inay ku jiraan lacagihii Kaanbaynka (Ololaha) Jaamac ku galay, lacago gaar ah oo dad la shaqaynayey la siiyey waxyaalahaas oo dhan baan meesha marna laga saarin, lacagtii Maryo calastii ay soo uruursadeen xilligii C/llaahi ay dagaalka kula jireen lacagihii ku baxay iyo ganacsatadii taageertay lacagihii ka baxay, waxyaabahaas oo dhan inay ku jiraan ayaa la rumaysan yahay.
Yamayska. Maxamed Deeq ka suxufi ahaan, jawiga cusub ee Puntland ay gashay maanta sawir noocee ah baad ka bixin kartaa.
DEEQ. Waa labo garab iyo SSDF-94, baan dhihi kara
CIIDAMO JARMAL IYO AMEERIKAAN AH OO KU SOO FOOL LEH PUNTLAND Jariidadda The Guardian oo soo xiganaysa madaxwayne xigeenka Maraykanka Mr. Dick Cheney ayaa sheegtay in 40 ilaa 50 dal oo ku jira liiska madaw ay Soomaaliya u horayso. "marka uu dhamaado hawlgalka Afganistaan, maraykanku waxay qaadi doonaan tallaabo milatari oo toos ah oo laga qaadayo dalkii kale ee argagixiso lagu ugaado" sidaas waxaa yiri Mr. Dick. Jariiraddu waxay tiri "haddii Bin Ladin ka baxo Afganistaan Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka yar ee siinkara nabadgalyo".
Sida ay qortay the Guardian ciidamo Jarmal iyo Ameerikaan ah ayaa ku soo fool leh dhinaca Puntland iyo Somaliland. Magaalada Barbara ayaa Jariiraddu sheegtay in lagu wado inay saldhig ka samaystaan ciidamadaasu, waxayna iskaashi lasamaysan doonaan mid ka mid ah Kooxaha ama Itoobiya, balse Jariiraddu ma ay sheegin midka uu yahay ururkaasi. Inta badan kooxaha Soomaaliaya ayaa wargayska (The Guardian) sheegay inay Ameerikaanaka u sheegeen in ururo diineed oo Al-qaciddo ka mid tahay ay hadda doonayaan inay afganbi ka sameeyaan gobolka Waqooyi Bari ee Soomaaliaya. Maraykanka ayaa Jariidaddu ku tilmaantay in uu yahay mid doonaya inuu ka aarsadaan guul daradii 1993 ee ay kala kulmeen Soomaaliya. Dhinaca kalana wargayska Himilo oo ka soo baxa Hargaysa oo khamiistii soo xiganayey Jariidda Frankfurter oo ka soo baxa Jarmalka ayaa sheegtay in ciidamo Jarmal iyo Ameerikaan ah ay ku soo fool leeyihiin biyaha badda cas ee Soomaaliya. Himmilo waxay sheegtay in ciidamadaani qayb ka yihiin hawlgal lagula dagaalamayo argagixisada aduunka.
Sida Himilo qortay madaxwayne Cigaalka Somaliland
ayaa horay u ogolaaday in ciidamadaasu yimaadaan Somaliland, 1800 oo Jarmal ah ayaa Himilo sheegtay in lagu wado inay yimaadaan Barbara, waxayna u xil saarnaan doonaan dhaqdhaqaaqa inta u dhaxaysa Yemen iyo Boosaaso oo la tuhun san yahay inay ka dhoofaan mutadawiciin gurmad u fidinaya Daalibaan. Wargayskaasi wuxuu intaa ku daray in Maraykanku hadda doonayo inuu gacan saar la samaysto dawlad ay yeelato Saamaaliya, asagoo waliba hadda dadaal ugu jira sidii Sucuudi uu ugu dhaadhicin lahaa in ay ka qaado xayiraaddii xoolaha Soomaaliya. Waraka naga soo gaaraya Boosaaso ayaa sheegaya in hamaynadii la soo dhaafay Badda Cas lagu arkayey maraakiib waa wayn oo aan la garanayn cidda leh. Wali macadda sida iyo goorta ay noqonayso waxaase muuqda calaamado muujinaya faragalin Maraykanka iyo xulufadiisu ku sameeyaan Soomaaliya, waxaase arintaas walaac ka muujiyey sida wargayska The Guardian sheegay dawladda Ingiriiska.GUDDOOMIYAHA GOBOLKA MUDUG OO JAWAAB KA BIXIYEY WARBIXINYTII MASUULIYIINTA BOOSAASO EE AMAANKA GAALKACYO.
Guddoomiyaha Gobo;ka Mudug C/rashiid Cali Xaashi (Dhuubane) ayaa shalay wuxuu xafiiskiisa ka soo saaray qoraal jawaab ah oo ku saabsan warar masuuliyiin joogta Boosaaso ay ka bixiyeen amaanka Gaalkacyo. Qoraalkan oo ku socday xafiiska Qaramada Midoobay (QM) ee qaabilsan Soomaaliya ee Nairobi, waxaa ku qornaa in Gaalkacyo ay tahay mel nabad iyo xasillooni kajito oo ayna ka shaqaynayaan Hayado ajnabi iyo wadaniba leh. Wuxuuna qoraalku eedayn iyo canbaarayn dusha uga tuuray madaxa amaanka QM ee Puntland, oo sida qoraalkaas ku caddayd qoray warar aan sal iyo raad toona lahayn iyo rag madax ah oo jooga Boosaaso uu uu ku tilmaamay inay ka tirsan yihiin Argagixisada Aduunka, wuxuuna ku tilmaamay raggaas inay yihiin kuwa horseeday burburka ku yimid Puntland. Qoraalkan Guddoomiyuhu wuxuu ka danbeeyey warbixin rag madax ah ay siiyeen labo wafti oo QM ka socda oo Oct 28 iyo Nov ,8 yimid Boosaaso, oo lagu wargaliyey in haddii ay Gaalkacyo
tagaan amaankoodu khatar galayo iyo warbixin bartamihii Ogos uu qoray Mr. Mustafa Faysal oo ah Madaxa Amaanka QM ee Puntland, oo Gaalkayo ka dhigaysa meel khatar ah oo aan la tagi karin. Mr, faysal, waxaa isla bishii Ogos ayaa dalka laga masaafuriyey waxaana lagu eedeeyey in uu faraha la galay arimo siyaasadeed oo uusan shaqo kulahayn basle labo goor ayuu intii ka dnbaysay yimid Puntland, wxaana la rumaysan yahay in uu qayb ka yahay mushkiladda ka taagan Puntland.
WAFTI SARAAKIIL ITOOBIYAAN AH OO SHALAY YIMID GAALKACYO
Shalay galinkii hore waxaa Gaalkacyo soo gaaray wafti ka socda Dawladda Itoobiya. Waftigani waxay ka socdaan Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya, waxaana hogaaminayey sarkaal ka socda Wasaaraddaas. Intii ay joogeeen waxay shalay iyo xalayba shirar kala duwan la yeesheen Mr. C/llaahi Yuusuf, lamana shaacin waxa ay ka wada hadleen, waxaase la rumaysan yahay in waxyaalaha ay ka wada hadleen ay ugu muhiimsan tahay iskaashi ciidan oo dhex mara labada dhinac. Waftigan ayaa warar aanu ka helnay illo xog ogaal ah ay sheegayaan inay joogayaan Gaalkacyo illaa maanta galinka hore. Maalmahaanba waxaa soo baxayey hadal hayn ku saabsan Itoobiya oo laga cabsi qabo inay hawlgal milatari ka fuliso gudaha Puntland. Mana ah markii koowaad oo wafti ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya yimaado Gaalkacyo, balse Sarkaalka wada waftigan ayaa dhawr jeer oo hore yimid Gaalkacyo labadii bilood ee la soo dhaafay. Dhanka kalena Magaalada Laascaano shalay waxaa ka dhacay qax iyo kala yaac kadib markii ay soo bexeen warar kutiri ku teen ah oo sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan ahi soo galayaan halkaasi. Waxaana sigaar ah ay wararkaasi u tibaaxayaan in ay taasi walaac iyo qax ugu dhalisay wadaadada Al-itixaad ee ku sugnaa nawaaxigaasi.
Yamays Press
GALCOMOBILE THURAYA MOBILE.Horyaalka isgaarsiinta casriga ah ee gobolka Mudug
Shirkaadda Galcomobile, waxay ugu bishaaraynaysaa macaamiisheeda in ay keentay nooc cusub oo teleefoonka Mobile-ka ah, kaas oo toos aad u wici karto meeshii aad doonto iyo meelkasta oo aad joogto. Qalabka noocan ah ee cusub oo ah Mobile waa mid fudud oo qofkii qaata uu toos ugu isticmaali karo ama looga soo wici karo meel kasta; balad, baadiye, dal iyo dibadba. Teleefoonka gacanta casriga ah ee Galcomobile keentay, wuxuu qayb ka yahay dadaalka shirkaddu ugu jirto kor u qaadidda tayada adeegeeda isgaarsiineed. GALCOMOBILE, waxay macaamiisheeda doonaysa inay ka faaiidaytaan adeegaan ugu talo gashay qalab ka kooban kuwa hoos ku qoran.Qiimaha wicidda macaamiisha Thuraya ee Soomaaliya jooga balse wacaya meelo kale waa sida hoos ku qoran. (USD/Min
)Table 1A
Qiimaha wicidda Thuraya ee macaamiisha Soomaaliya
| Post Paid Service | Pre-paid Service | |||
| Charge Bands | Voice |
Date/Fax up To 4.8 Kbps | Date/Fax 9.6 Kbps | Voice |
| Thuraya | 0.50 |
0.78 |
1.06 |
0.63 |
| Somalia | 0.89 |
1.17 |
1.45 |
1.11 |
| Band 1 | 0.64 |
0.92 |
1.20 |
0.80 |
| Band 2 | 0.75 |
1.03 |
1.31 |
0.94 |
| Band 3 | 0.88 |
1.16 |
1.44 |
1.10 |
| Band 4 | 1.03 |
1.31 |
1.59 |
1.29 |
| Band 5 | 1.45 |
1.73 |
2.01 |
1.81 |
Table 1B
Qiimaha Wicidda GSM Roamers
Post Paid Service |
Pre-Paid Service | ||
| Charge Bands | Voice |
Date/Fax up To 4.8 Kbps | Date/Fax 9.6 Kbps |
| Thuraya | 0.55 |
0.83 |
1.11 |
| Somalia | 0.94 |
1.22 |
1.50 |
| Band 1 | 0.69 |
0.97 |
1.25 |
| Band 2 | 0.80 |
1.08 |
1.36 |
| Band 3 | 0.93 |
1.21 |
1.49 |
| Band 4 | 1.08 |
1.36 |
1.64 |
| Band 5 | 1.50 |
1.78 |
2.06 |
Table 1C
Qiimaha wicidda Thuraya ee macaamiisha Soomaaliya booqashada ku jooga
Post Paid Service |
Pre Paid Service | ||||||
Charge Bands |
Voice |
Date/Fax up To 4.8 Kbps | Date/Fax 9.6 Kbps | Voice |
|||
Thuraya |
0.53 |
0.82 |
1.11 |
0.65 |
|||
Somalia |
0.93 |
1.23 |
1.52 |
1.16 |
|||
Band 1 |
0.67 |
0.97 |
1.26 |
0.83 |
|||
Band 2 |
0.79 |
1.08 |
1.38 |
0.98 |
|||
Band 3 |
0.92 |
1.22 |
1.51 |
1.14 |
|||
Band 4 |
1.08 |
1.38 |
1.67 |
1.34 |
|||
| Band 5 | 1.52 |
1.82 |
2.11 |
1.89 |
|||
Tel: (252) 543-4412 ama (252) 543-4415 Gaalkacyo Puntland, Ssmaaliya
Qaybo kale oo adeegan ku sabsan kala soco caddadyada danbe ee wargayska.